Su’aalo ku saabsan Soomaaliya,
Somaliland iyo UK.
Jawaabaha Wasiirka Afrika ee UK, Mark Simmonds MP
Wasiirka
Afrika ee Xafiiska Arrimaha Dibadda ee dowladda Britain, Mark Simmonds, ayaa
galabta si toosa uga jawaabay su’aalo u furnaa in qofkii doonaa weydiiyo.
Wasiirka oo isla markaana ah mudane Baarlamaanka oo la soo doortay ayaa qiyaastii
45 waxaa uu toos uga jawaabayay su’aalaha lagu soo weydiiyo twitter. Su’aalaha
la weydiiyay oo fara badnaa kama wada jawaabin. Jawaabihiisana midna kama badneyn
140 xaraf oo meelaha bannaan lagu tirinayo - taas oo ah mugga twitter uu qaadan
karo halkii marba. Su’aalaha la weydiiyay iyo jawaabaha uu bixiyay intooda
badan ayaan u soo tarjumay saaxiibbadeyda Soomaaliyeed ee aan Ingiriiska akhrin
ama aan twitter isticmaalin amaba aan maanta la socon.
AFEEF:
Tarjumadani aniga ayay igu kooban tahay. Ma ahan mid ay tasdiiqisay, dalbatay
ama laga wargeliyay dowladda Britain.
SU'AAL: Wadahadallada
Soomaaliya iyo Somaliland si wanaagsan ayay hore ugu socdaan. Laakiin maxay ku
dhacday in laga fekeri waayay in arrinta ku saabsan maamulka duullimaadyada iyo
hawadu ay dhib keenayaan?
WASIIR UK: Arimaha ku saabsan
[duullimaadka] hawadu waa arrimaha ay tahay dartood in ay u wadahadlaan Somalia
iyo Somaliland.
Su’aal:
Militerigii iyo
booliiskii Soomaaliya waxay burbureen 21 sano ka hor. Ciidanka Muqdisho joogaa
waa hal beel. Ma dhiirri gelineysaa ciidan midnimo Qaran?
Wasiir
UK: Midnimo Qaran oo
xagga qabaa’ilka iyo Gobollada ah ayaa muhiim u ahaaneysa Soomaaliya in ay
nabadgelyo iyo horumar gaarto.
Su’aal: Maxaad u maleyneysaa in
muhiimadda koowaad ee UK ay tahay si ay caawiso dowladda Soomaaliya?
WASIIR UK: Madaxweynaha
[Soomaaliya] muhiimaddiisa koowaad waa ammaanka. Annaguna waan la qabnaa wixii
ka dambeeyay [shirkii] Soomaaliya 2013.
SU'AAL: Kenya waxay wiiqeysaa
dowladda Soomaaliya iyo dadaalka Britain ee ah in la xasiliyo Soomaaliya.
Arrintaasi waxay u gogol xaareysaa Qabqablayaal dagaal. Waa maxay mowqifka UK
ee Kismaayo?
WASIIR UK: Gobolku wuxuu xuddun
u yahay ammaanka iyo xasilloonida Soomaalia. In xal laga gaaro UK waxay kala
shaqeyneysaa dhammaan dhinacyada oo ay ka mid tahay Kenya.
SU'AAL: UK waxaa ku sugan
Soomaali aad u badan. Dowladda Britain ma qaadday wax tallaabo ah oo ay kula
xiriireyso?
WASIIR UK: Qurba joogta kaalin
muhiim ah ayaa u bannaan in ay cayaaraan. Waxaan qaar ka mid ah kula kulmay
[xaafadaha London ee] Ealing iyo Westminster iyo [magaalada] Cardiff. Waxay
mustaqbalka biirin doonaan wax weyn.
SU'AAL: Maaddaama Nicholas Kay
loo magacaabay Ergeyga Gaarka ah ee QM u qaabbilsan Soomaaliya, kaalinta IGAD
ma lagu wareejin karaa QM?
WASIIR UK: IGAD iyo QM waxay
leeyihiin kaalimo kala duwan. Ka dib,
dib-u-eegidda
QM iyo magacaabidda Nick Kay ee Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM,
isuduwidda hawluhu waxay noqoneysaa lama huraan.
SU'AAL: G8 ma bixin doontaa
miisaaniyadda loo[ga] baahan yahay [Soomaaliya], taas oo ka korreysa lacagta
aan badnayn ee £200 milyan ah ee ay ku baaqeen, si loo xaqiijiyo dib u kabasho
dhaqaale iyo xasillooni?
WASIIR
UK: Waan kugu raacsan ahay
muhiimadda dib u kabashada dhaqaalaha. F.G. Kulankii ganacsiga ee aan anigu
marti geliyey 8 May – horumar dhaqaale waa furaha koboca mustaqbalka.
SU'AAL: Waa maxay
istaraatiijiyada aad ka leedihiin in al Shabaab laga suuliyo Soomaaliya
maaddaama ay kooxdaasi dhibaato hor leh ay sii horseedeyso?
WASIIR
UK: Waan kugu raacsan ahay
in al Shabaab ay wiiqeyso ammaanka. Laba sano ka hor waxay haysteen Muqdisho.
Abaalka waxaa leh AMISOM iyo ciidammada Soomaaliya.
SU’AAL: Dowladda UK qorshaha ma
ugu jirtaa in ay cadaadis ku saarto maalgeliyayaasha caalamiga ahi in ay ka
guuraan Nairobi oo ay degaan Hargeysa ama Muqdisho?
WASIIR
UK: UK waxay dib u furtay
Safaaraddeedii Muqdisho. Waa safaaraddii Yurub ee ugu horreysay 21 sano. Qaar
kale in ay ku dhiirri geliso in ay ku daydaan ayaan rajeyneynaa.
SOO
JEEDIN: Meynaan maqal UK oo
cambaareyneysa dil toogasho ah oo boobsiis ah oo ka dhacay Puntland iyo gobollo
kale oo Soomaaliya ah. UK waa in ay ku dhaqaaqdo in la joojiyo falalkaas.
WASIIR
UK: UK wey ka soo
horjeeddaa xukunka dilka meel kasta oo ay ahaato dunida. Dib eegidda garsoorku
waxay ka mid tahay waxyaabaha uu Madaxweynuhu siinayo muhiimadda. Waxaan
rajeyneynaa in uu arrinta [xukunka dilka] dib u eegi doono.
SU’AAL: Haweenka Soomaalidu waxay
u baahan yihiin in la badbaadiyo [xuquuqdooda la sugo]. Dowladda Britain ma
leedahay qorshe cad oo ay dowladda Soomaaliya la horfariisaneyso oo arrintan
wax looga qabanayo?
WASIIR
UK: Soomaaliya waxay ka mid
tahay waddammada haweenka ugu daran. UK waxay horseed ka tahay falka lagula
dagaallamayo faraxumeynta haweenka goobaha colaadda.
Aad baad ugu mahadsan
tihiin su’aalihiinna. Waan ka xumahay in aanan kulligood idiinkaga wada
jawaabin. Waxaan ka dhur sugayaa shirka soo socda ee Brussels.
Akhristow maxaa kaaga baxay?
Inqaasta Yusuf-Garaad