Kaalinta Da'yarta
Inqaasta Yusuf-Garaad
Waxaan ka mid ahay qaban qaabiyayaasha
aqoon is weydaarsi aan Axadda ku qaban doonno Muqdisho.
Waxaan ku eegi doonnaa
xaaladda ay dhallinyarada maantu ku
sugan tahay, caqabadaha hor yaalla, fursadaha ay heli karaan iyo kaalinta kaga
aaddan xasilinta iyo dib u dhiska dalka Soomaaliya.
Inta badan ra’yi iyo doodo ayay dhexdooda
is weydaarsan doonaan dhallinyarada ka qeyb geleysa oo u badan aqoonhananno
dalka gudihiisa ama dibaddiisa ama labadaba wax ku bartay.
Madax Xukuumadda Federaalka
ah ayaa iyaguna soo gudbin doona qodobbo ay ka mid yihiin siyaasadda dowladda ee
ku wajahan dhallinyarada isla markaana la munaaqishoon doona ka qeyb
galayaasha.
Shirkan oo socon doona dhowr maalmood,
qodobbada Axadda looga hadli doono waxaa ka mid ah, xaaladda ay
dhallinyaradu maanta ku sugan tahay.
Intiinna aan fursad u helin in aad goobta uga qeyb gashaan, waxaa idiin furan in aad ra’yigiinna ku soo gudbisaan saxaafadda
bulshada, gaar ahaan bloggan iyo barteyda Facebook.
Waxaan ku dadaali doonnaa in aan araa’diinna
iyo talooyinkiinna aan ku darno doodaha dhex maraya aqoonyahannada da’da yare ee
ka qeyb galaya aqoon is weydaarsiga.