Raila Odinga:
Soomaalida sida loola dhaqmayo caddaalad ma aha
Yusuf-Garaad
Ra’iisal Wasaarihii hore ee Kenya, Raila
Odinga, ayaa ku tilmaamay wax laga xumaado, welibana walaac ka muujiyay tabta ay Booliiska Kenya adeegsanayaan marka ay si gooniya u
bar tilmaansanayaan Soomaalida.
In dadka Soomaalida la soo ururiyo oo xero
la isugu geeyo si loo kala saaro, ma ahan dow, ayuu yiri.
Wuxuu ku tilmaamay in ay arrintaasi tahay
mid caro ku dhalin karta qowmiyadda Soomaalida.
Ra’ila Odinga oo hadda socdaal ku jooga dalka
Mareykanku wuxuu saxaafadda Kenya u sheegay in loo baahan yahay in hey’adaha Sirdoonka iyo Booliska Baarista Dembiyada CID loo baahan yahay in ay xog
raadiyaan oo ay soo qabtaan dadka arga-gixisada ah, ka hor inta aanay fal geysan.
Waxaan ka warqabnaa, ayuu yiri, in qowmiyado
kale oo badan oo Kenya ah laga helay shakhsiyaad ka tirsan al Shabab. Sidaa
darteed caddaalad ma ahan, ayuu yiri, in Soomaalida gaar loo bartilmaansado.
Wuxuu Raila ku tilmaamay in arrintaasi caddaalad
darrada ka sokow ay keeneyso laba dhibaato oo kale.
Marka hore waxay caro gelineysaa ayuu yiri
dadka Soomaaliyeed, oo u arkaya in la faquuqay oo si aan caddaalad ahayn in
loola dhaqmay.
Marka labaadna, Soomaalida Kenya ayaa waxay
ku dhalineysaaa in ay dareemaan in aanay la xuquuq ahayn dadka kale ee Kenya.
Jawaabna ma aham mana noqoneyso, ayuu yiri, in la yiraahdo lama kala yaqaan
Soomaalida Kenya iyo Soomaalida Soomaaliya. Wuxuu is weydiiyay su’aal. Wuxuu
yiri – Oo yaa kala yaqaan Masai Kenya iyo Masai Tanzania?
Dhanka kale, wuxuu ku baaqay in ay dowladdu
dib u habayn ku sameyso Booliiska, Sirdoonka iyo Garsoorka oo uu ku tilmaamay
in qofka tuhun arga-gixisnimo lagu soo qabto ay damiin ku sii deynayaan, taas
oo keeneysa in qofkii uu markaas fuliyo fal arga-gixiso.
Hey'ad Xuquuqda Aadanaha u doodda, Human
Rights Watch, ayaa iyaduna ugu baaqday Kenya in ay joojiso howlgalkan. Waxay ku
tilmaantay in ay booqatay Saldhigga Booliiska Pangani oo ay aragtay meel loogu
tala galay 20 maxbuus laakiin ay ku jiraan dhowr boqol oo qof. Waxaa kale oo ay
sheegtay in ay aragtay Booliis karbaash la dhacaya dad xiran, hadallo gef ahna
kula hadlaya.
Wareysiga Raila Odinga oo af Ingiriis ah, soconaya 16'36" arrinta Soomaaliduna ay tahay su'aalaha badan ee la weydiiyay mid ka mid ah, waxaad ka dhegeysan kartaa adiga oo dhag siiya sawirkiisa hoose.