Monday, 14 July 2014

Waxtar ma tahay?


Carruur Macluushay
Yusuf-Garaad
Bisha Barakeysan ee Ramadan inteedii badnayd waan ka soo gudubnay. Waxaa nagu soo fool leh maalinta ciidda oo ay Muslimiintu si farxad leh u ciidaan.

Waxaa iga xusuusin ah in aan la illoobin Soomaalida saboolka ah oo qaar badan oo ka mid ahi aanay haysan wax ay u cunaan.

Xataa meelaha qaar waxaa ka jira oon ba'an.

UNICEF hadal ay bishaan sii daysay waxay ku tilmaantay in ay jiraan carruur Soomaaliyeed oo 50,000 ah oo nafaqo darro darteed geeri qarka u saaran.

Qiyaas ilmahaaga oo u sii dhimanaya gaajo darteed cunto aad siisana aadan hayn!

Soomaali badan oo sabool ah oo ay isugu darsameen colaad iyo abaar ayaa dalka gudihiisa ku sugan,

Qofnow ha sahashan waxa ay tobankaaga dollar ama boqolkaaga dollar ay tari karto. Fadlan waxba ha la bakhiilin.

Qofka Soomaaliga ah feker badan ugama baahna in uu xusuusto qof cunta aan haysan ama aan carruutiisa raashin u heli karin. Haddaadan lacalla qofna aqoon ma waayeysid qof aad aamminto oo iyadu taqaan.

Isku day in aad ugu yaraan hal qof ama hal qoys aad ka farxisid. Dadkii is abaabula oo qoysas badan wax tara iyaduna waa mid aad u qiimo badan.

Farriintani waxay u socotaa Soomaalida wax haysata ee dalka gudihiisa ku nool iyo kuwa dibadda degganba.

F. G. Fadlan aragtidaada ku reeb xagga hoose ee isla boggan.

Friday, 11 July 2014

Saxaafadda iyo Sirdoonka


Dhagarqabe mise Eedeysane?
Yusuf-Garaad
Dad aan is aragnay iyo qaar dibadda igala soo xiriiray intuba waxay shalay iyo maanta aad u hadal hayaan wareysi Telefishinka Qaranka SNTV shalay laga sii daayay welibana lagu cel celiyay. Wareysiga waxaa lala yeeshay Xasan Muxudiin Xasan oo lagu tilmaamay in uu ahaa ninkii fududeeyay weerarkii lagu qaaday Madaxtooyada Talaadadii.

Waan fahmi karaa in ay fursad weyn u tahay weriyaha qaaday iyo Telefishinka laga sii daayay labadaba, marka loo fiiriyo tartanka saxaafadda. Markaa waan ugu hambalyeynayaa in ay heleen wareysi ay dadku aad u xiiseynayaan oo aan Telefishin kale heli karin.

Laakiin ayaa jirta. Ujeeddada wareysiga laga lahaa, goorta la sii daayay, macluumaadka loogu deeqay ciddii weerarka abaabushay, muuqaalka guud ee uu bixiyay iyo khatarta ka imaan karta intaba waxaa ka muuqda khaladdaad aan loo cudur daari karin.

Khaladdaadku ma ahan kuwo uu mas’uuliyaddooda leeyahay SNTV oo wareysigan sii daayay. Waa khalad ka dhacay Hey’adaha Amniga, mas’uuliyaddeeduna ay u noqoneyso Dowladda.

Intaas marka laga soo tago waxaa la yaab noqotay 24 saacadood gudahood markii ninkan la qabtay in la hor geeyay saxaafadda. Su’aashu waxay noqotay yaa mudnaanta leh in saxaafaddu ay wareysato iyo in dembi baarayaashu ay wareystaan?
Mise dembi baarayaasha iyo hey’adaha kale ee amniga ayaa wareysigoodii iyo ka baaraan degidda wixii daba gal u baahan ay ku dhammaystay 24 saacadood?

Ninkani haddii uu galay dembiga uu ku eedeysan yahay, yaa damaanad qaaday in marka Telefishinka la soo fariisiyo aanuu isticmaali doonin hadal maldahan ama sarbeeb ah oo uu ugu baaqayo ciddii weerarka abaabushay?

Ma laga yaabaa ninkani in uu farriin maldahan u diray Xarakadiisa? Xataa haddii aanuu isagu farriin dirin, miyaan wareysigu dadkii abaabulka lahaa fursad wanaagsan u siin in ay ogaadaan ninkani su’aalaha la weydiiyay sida uu uga jawaabay?  Taas oo u sahli karta in xogta kashifantay iyo midda aan kashifmin amaba aan la weydiin ay markiiba ogaadaan?

Da’yarta daawaneysa, wareysigu ma tusay wax ay ka cabsan karaan ama la foolxun oo ay tahay in ay ka digtoonaadaan? Ninkani wuxuu fadhiyay kuraas dabacsan, cayilan, qurxoon oo kuwa nasashada ah.  Wuxuu gashanaa funaanad cusub oo midabbada calanka Soomaaliya leh. Waxaana lagu wareysanayaa Telefishin.

Dhanka kale, xuquuqdiisa shakhsiga ah marka la fiiriyo ninkan ma loo qabtay Qareen la taliya oo tilmaama?

Anigu saxaafadda aan aqaan waa ka mamnuuc, in ay guda gasho dacwad aan weli Maxkamaddu go’aan ka gaarin. Waayo Garsooraha Maxkamaddu wuxuu ka mid yahay bulshada dhegeysata saxaafadda ama akhrisata ama labadaba. Saxaafaddu waxay saameyn kartaa fikirkiisa ku wajahan eedeysanaha la wareysanayo.

Marka qof la soo xiro ilaa ay Maxkamaddu go’aan ka gaarto dacwadda ku oogan qofkaas weriye looma oggolaado in uu wareysto.

Tusaale wareysigu wuxuu ninkan ugu yeeray dhagarqabe, wuxuu noo sheegay oo kale in walaaalihiis ay al Shabaab ka tirsan yihiin.

Bal u fiirso lama adeegsan ereyga eedeysane ee waxaa lagu tilmaamay dhagarqabe. Waa laga yaabaa in uu yahay dhagarqabe waxaase dhagarqabe ama dembiile loogu yeeri karaa keliya marka ay Maxkamadi ku xukunto.

F. G. Fadlan aragtidaada ku reeb xagga hoose ee isla boggan.

Thursday, 10 July 2014

Iska Gudub


Baabuurka Hubeysan 
Yaa Baara?
Yusuf-Garaad

Annaga oo gaari saaran ayaa waxaa na joojiyay askar waddada gudub u dhigay bir miritay oo dusha ku leh gano fiiq fiiqan oo aad qodxo mooddo. Waxay waddada ka soo reebeen in yar oo ciriiri ah oo aanan hubin in baabuurku mari karo, laakiin intii yaraydna iyaga ayaa qoryo la taagan.

Darawalkii na waday oo ahaa nin reer magaalkii hore ah, aan hubeysnayn dhexduna ay u dhuuqsan tahay ayaa u degay.

Waxaan ku warhelnay askari dib u degay ee xabbad kor u riday si hanjabaad ahna darawalka ugu sheegay in uu waddada ka laabto. Annaga oo la yaabban ayaan halhaleel u laabannay.

Waxaan ka soo wareegnay meel fog si aan halkii aan u soconnay uga soo galno jiho kale. Jihadii keliya ahayd ee harsanayd ee goobtaas laga soo geli lahaa waxaa daadsan ciidan  sida in ay dagaal saf ballaaran ku gelayaan kala fog fog oo qoryahooda la diyaar ah. Askar qoryo sidata oo nala socday ayaa midkooda damcay in uu u dego una fasiro meesha aan u soconno iyo dadka aan nahay. Askari dhulka jooga ayaa qori ku qabtay oo yiri ha soo degin. Dhanka uu askarigaasi ka degi lahaa ma ahane dhanka kale waxaan iiga muuqday saddex askari oo iyaguna is garab istaagay oo shiishka nagu qabtay oo isu diyaariyay in ay rasaas nagu soo furaan haddii iyo marka ay ayaga la noqoto.

Waa dharaar cad. Waxaas oo dhan waxay dhacayaan ayada oo la diiddan yahay in aan isa sheegno dadka aan nahay, meesha aan u soconno iyo sababta.

Gurmad
Waxaan ku laabannay goobtii aan markii hore ka soo socdaalnay. Gaari ciidan ayaa na soo gelbiyay. Waxaa dusha ka fuushan dhowr askari oo qoryo sita oo inta ay dhabarka is xijiyeen luguhu ay u laallaadaan. Waxay ku soo biireen ciidankii markii hore nala socday.

Inkasta oo dan muhiim ah aan ka lahaa goobta, haddana ma jecleysan xaaladdaas in aan ku dhex jiro. Waxaa goobta nagu sugayay dad boqol kor u dhaafay oo ay ahayd in aan la kulanno.

Askartii xabbadda nagu ridday ayaan bartoodii ku soo laabannay. Waxaan filayay in buuq badani meesha ka dhaco. Askartii markii aan ilaalada culus nala socon diiday xataa in ay nala hadlaan, markan intay waddada dib uga degeen ayay gacanta noo haatiyeen ayagoo noo tilmaamaya in aan gudubno. Xataa baabuurkeennii lama joojin, baaritaanna warkiiba daa.

Maxay kula tahay?
Waa lama huraan Ciidanka dhulka taagani ay anshaxa dhowraan lagulana xisaabtamo kuwa aflagaaddo geysta, dadka la hadli diida ama faruhu ay cuncunayaan ee sabab la;aan xabbadda ridaya. Xabbaddaas oo qof dili karta, maqalkeedu sii damqinayo boogta ku taal ammaanka magaalada isla markaasna lacag khasaartay ah.

Anigu waxaan aqaannay iyada oo la ganaaxo askariga xabbad u rida macno darro.

Laakiin haddii baabuurta hubeysani ay ka awood badan yihiin ciidanka dhulka taagan oo aan la baari karin, ma tahay in ay baabuurtaasi magaalada marba dhinac u mushaaxaan? Ma lahaa waxaa la qaatay in ciidanka baabuurta saaran dhulka la dhigo oo ay ku biiraan kuwa wax baaraya.

Su’aalo badan ayaa madaxeyga ku furmay. Jawaabna ku filanna kama helin dad dhowr ah oo aan kala sheekeystay. Marka laga reebo xabbadda, falkani waa mid Muqdisho ku badan. Maxaa xal ah?

F.G. Fadlan aragridaada nala wadaag, aniga iyo akhristayaashaba. Waxaad ku qreebi kartaa isla boggan meeshiisa hoose. Mahadsanid.

Wednesday, 9 July 2014

Dulmane haddaad tahay


Aniga ha i Dulmin
Yusuf-Garaad
Wiilasha ka kulul arrimaha Shabeellada Hoose ka dhacaya, waxaan u sheegayaa in aan ka xumahay isdilka dadka Soomaaliyeed.

Waxaan u sheegayaa aniga dan shakhsi ah oo gobolkaa iga taalla ineysan jirin. Guri iyo beer midna kuma lihi. Horena uguma yeelan. Inkasta oo aan shaqo iyo dalxiis intaba u tegey degmooyinka gobolka oo dhan isu geyn in ka badan qiyaastii 100 jeer.

Waxaanan oggoleyn marnabana raalli ka noqoneyn nin beer ama guri xoog ku haysta. Si taa le'eg ma oggoli nin ku duulaya beer ama guri nin kale leeyahay qabyaalad awgeed.

Waxaan u sheegayaa in aanan oggoleyn in qof ban’aadam ah la dulmiyo. Dadka Shabeellada Hoose iyo aniguba waxaan nahay ban’aadam in nala dulmiyana ma oggoli.

Haddii aad dulun tirsaneyso anigu kuma dulmin in lagu dulmiyana raalli kama ahi. Sida aanan u oggoleyn in lagu dulmiyo oo kale ayaanan adigana kuu oggolaaneyn in aad aniga i dulmiso.

Marka haddii ay dhab tahay oo qof ku dulmisay ay jirto, ogow in aad doodda iska xumeyneyso haddii aad maagto aniga iyo dad ila mid ah oo aan ku dulmin.

Midda kale waa in aad garataa in aad u baahan tahay wakhtigaaga in aad geliso sidii aad dulmiga si sharci ah isaga qaadi lahayd. Taas oo mararka qaarkood aan sahlanayn.

Laakiin wakhtigaaga iyo maskaxdaadu wey kala dhantaalmayaan haddii aad u qeybiso in aad dulmi iska dhciso iyo in aad adigu dad dulmisid.

Dembina waa kuu dheer yahay. Marka saaxiib kala garo cadowgaaga iyo saaxiibkaa.