Thursday, 30 October 2014

Ma Dastuurkaa khaldan?



Dadka qaar waxay qabaan in mugdi ku jira Dastuurku uu sabab u yahay ra’yi kala duwanaanta marar badan soo dhex gashay Madaweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha tan iyo 2004. Oo waxay leeyihiin Dastuurka waa in wax laga beddelaa oo la kala caddeeyaa labada Xafiis mid walba awooddiisa iyo soohdintiisa.

Qaar Dastuurka diyaarintiisa mas’uuliyad ku lahaana waxay ku doodayaan in Dastuurku aanuu ahaan mid wax walba si cad u qeexaya laakiin uu tilmaan uun bixiyo waa mid loogu tala galay. Ujeeddada laga leeyahay ayaa ah, bay qabaan, in meelaha uu mugdiga Dastuuriga ahi ka jiro loo baahan yahay in Madaxda sare ay wadahadal ka galaan oo go’aammo ay isla oggol yihiin ay ka gaaraan ayaga oo hadba xaaladda u fiirinaya. Sidaa darteed waxay qabaan in aan wax laga beddelin ilaa afti loo qaado.

Waxay intaa ku darayaan, in maaddaama dagaal sokeeye laga soo baxay oo loo baahan yahay in kalsooni la abuuro, in aan awood buuxda hal mas'uul gacanta loo gelin karin, ee loo baahan yahay is afgarad in lagu gaaro wadahadal.

Adiga maxay kula tahay?

Fadlan marka aad ra'yi dhiibaneyso, ha ka fekerin Madaxweyne Xasan Shiikh iyo Ra'iisal Wasaare Cabdiweli Shiikh iyo midka aad taageersan tahay sabab kasta ku raace.

Hana ka fekerin Madaxdii hore isu qaban jirtay. Isku day in aad ka fekerto labada Xafiis adiga oo aan midna magac ku dul qorin. Sidee shaqo ku socon kartaa? Maxaase dalka u dan ah? Iyo su'aalo kuwaas la nooc ah ah is weydii.

Fadlan aragtidaada ku qor qeybta hoose ee isla boggan, haddii aad karto.

Monday, 27 October 2014

Golaha Wasiirradu maxay Galabta ka hadleen?

Golaha Wasiirrada ayaa maanta fariistay, iyada oo uu shir Guddoominayo Ra'iisal Wasaare Cabdiweli Shiikh. Waxay ka hadleen wax kale oo kasta, marka laga reebo waxa uu Guddoomiyuha Baarlamaanku uu shalay ugu yeeray "ra'yi kala duwanaanta maalmahaan soo if baxday"
Warka hoosta ku qoran wuxuu ka soo baxay Xafiiska Ra'iisal Wasaaraha.

***********************************************************

Golaha Wasiirrada oo ka dooday qorshayaal kor loogu qaadayo Miisaaniyadda dowladda.
Mogadishu,27, October 2014--Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa galabta isugu yimid kulan aan caadi ahayn oo shir gudoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiwali Sheekh Axmed Maxamed. Kulanka oo dhammaan xubnaha golaha Wasiirada ay soo xaadireen ayaa looga dooday arrimo dhawr oo ay ka mid yihiin ammaanka qaranka, Miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2015 iyo Hanti-dhowrka guud ee Qaranka oo warbixinno laga dhageystay.
Ugu horeyn, Wasiirka Amniga Qaranka Mudane Khaliif Axmed Ereg, ayaa sheegay in ammaanka dalka uu si weyn u soo hagaagayo ka dib markii la qaaday tallaabooyin lagu adkaynayo ammaanka qaranka oo ay iska kaashadeen ciidamada ammanaka iyo shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna tilmaamay in gacanta lagu dhigay sagaal horjooge oo Shabaab ka tirsan iyo Gaadiid ay u adeegsan jireen dhibaataynta bulshada Soomaaliyeed.
Golaha Wasiirrada ayaa warbixin ku aadan miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2015 ka dhageystay Wasaaradda Maaliyadda, waxana ay sheegtay Wasaaraddu in ay diyaarisay qorshe kor loogu qaadayo sanadka 2015 Miisaaniyadda dowladda ku shaqayn doonto.
"Wasaaradda Maaliyaddu waxay diyaarisay qorshe ku aadan sidii kor loogu qaadi lahaa Miisaaniyadda dowladda, qorshahan waxaa qeyb ka noqon doona sida ugu habboon ee dakhliga gudaha iyo kaalmada dibedda dowladdu ay ka hesho kor loogu qaadi lahaa." ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Xuseen Cabdi Xalane.
Ugu danbeyn, Golaha Wasiirrada ayaa warbixin ka dhageystay Hanti-dhowrka guud ee Qaranka, wuxuuna soo bandhigay shaqadiisa iyo sida ugu habboon ee Xukuumadda iyo Hanti-dhowrku isula jaanqaadi karaan.
Xukuumadda Soomaaliya ee Hoggaamiyo Ra'iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed, ayaa wada qorshayaal sal-ballaaran oo kor loogu qaadayo howlaha adag ee horyaala Xukuumadda iyo gaarsiinta dalka doorashooyin xor ah sanadka 2016.





Guddoomiye Jawaari: Uma hakaneyno


Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Shiikh Cumsaan Jawaari, ayaa wuxuu shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka ugu baaqay in aan la buunbuunin, ee la qaboojiyo waxa uu ugu yeeray “ra’yi kala duwanaanta maalmahan soo if baxday”.

Wuxuuna ballan qaaday Guddoomiyuhu in howl u baaqan doontaa aanay jirin.

Guddoomiyuhu wuxuu ku tilmaamay in arrintan oo kale iyo kuwo ka culusba ay hore dalka u soo mareen laguna xalliyay biseyl uu muujiyay Baarlamaanku.

Guddoomiyuhu wuxuu shacabka ka codsaday in ay is dejiyaan.

Guddoomiye Jawaari wuxuu ballanqaaday in arrintu ay ku dhammaan doonto danta dadka iyo dalka.

Waan ku raacsan ahay Guddoomiyaha in marxladdan laga gudbi doono, oo giraanta dowladnimada Soomaaliya ee muddaba soo luudeysay aanay u joogsan doonin.  Shalay ayaan aragtidaas ku soo bandhigay qormo aan u bixiyay Xariifnimada Xisaab ayaa ka dambeyn.

In la buunbuuniyo iyo ina qaboojiyo waxay ku xirnaan doontaa laba arrimood.

Midda hore waa wararka saxaafadda ee ka soo baxaya Xafiisyada Sare ee Qaranka iyo guud ahaanba Madaxda siyaasadda.

Midda kalena waa muddada ay qaadato xal u helidda “ra’yi kala duwanaanta maalmahan soo if baxday”.

Weliba haddii uu xalku soo dhakhsan waayo, waxaa hubaal ah in ra’yi kala duwanaantu ay saameyn ku yeelan karto shaqada socotay.

Sidaa darted, maaddaama hadalka Guddoomiyuhu u dhadhamayo laga in xalka hadda laga sugayo Maxkamadda Siyaasadeed ee dalka ugu sarreysa oo ah Baarlamaanka, in aan lala soo daahi doonin.

Sunday, 26 October 2014

Xariifnimada Xisaab ayaa ka dambeyn


Waxa la isku hayaa waa masiirka umadda Soomaaliyeed. Ma ahan wax ka hooseeya. Waxaan dadka Soomaaliyeed ee ka shaqeeya Masraxa Siyaasadda dalka, kuwa ka shaqeysta iyo inta ka aga dhow aan xasuusinayaa wax shakhsigana u roon dalkana u roon.

Waa in Allah ka cabsi lagu daro howsha socota. Waa in tallaabo kasta laga dhigo mid Ilaaheey raalli ka yahay inta garaadkeennu na siin karo. Waan ogahay dad Allah ka cabsi ku sifoobay in ay jiraan. Waxaanse la hadlayaa kuwa u haysta in ay ayaga ugu badiso xaaladdan oo kale. 

Waxaan la hadlayaa isdirayaasha aan la dirsan. Waxaan la hadlayaa gacansatada siyaasadda. Waxaan la hadlayaa qalinshubatada siyaasadda. Waxaan la hadlayaa ragga col-u-joogga ah ee markaan oo kale gulufka horbooda ayaga oo ubrinaya. Waxaan la hadlayaa kuwa is been-farriima. Waxaan la hadlayaa naftood hafrayaasha. Waxaan la hadlayaa kuwa guureeya sida fiidmeerta. Waxaan la hadlayaa kuwa u haysta in siyaasaddu ay tahay khiyaamo, been iyo dil sidaana ku shaqeeya. 

Waxaan la hadlayaa kuwa wax kale oo dhan sheega marka laga reebo ujeeddadooda dhabta ah. Taas oo ah dantooda shakhsiga ah oo aan wax kale u wehlin.

Waxaan la hadlayaa inta Rabbi illowda xilligan oo kale, hadday xusuusan yihiinna aan ficilkooda laga garan, marka laga reebo wakhtiga salaadda in ay jameecada dhinac uga jiraan amaba ayagu ay xusuusiyaan in ay salaaddii gashay. Waxaan la hadlayaa kuwa aamminsan Rag iska dhicin iyo Rabbi ka cabsi in aan la is waafajin karin.

Qof walbow xusuusnow, kaligaa ayaa mas’uul ka ah qowlkaaga iyo ficilkaaga. Ilaaheey hortiisa ayaadna la tegi doontaa adiga oo xafiis, baabuur dhexdiis, hotel, fadhi-carbeed ama guri goglan oo la ilaalinayo midkoodna aan ku dhex qaxweyneyn.

Waxaan xusuusinayaa in talooyinka ay bixinayaan, go’aanqaadashada ay dhiirri gelinayaan iyo ka qeyb galka abaabulka dagaalka wejiyada badan ay mar kasta ku saleeyaan danta Qaranka.

Dowladnimadeenna culeys intan ka badan ayaa hore u soo maray, umana dhiman ee wey ka gudubtay. Haddana waxaan hubaa in hore loo socon doono, insha Allah.

Soomaaliya ha Noolaato.

                                                                 *************

Isla qormadaan markii aan ku lifaaqay Facebook, sidan ayay uga jawaabeen akhristayaashu.






Thursday, 23 October 2014

Isrogrogga Shibbanayaasha Soomaaliga

Soomaaliga haddaad u fiirsato dadka qaar waxay yiraahdaan barkin qaarna barshin. Qaar waxay yiraahdaan bukaan qaarna bushaan ama bushi. Ma ahan in lagu wareero. Ma ahan in loo qaato kala duwanaasho af.


“K” iyo “Sh” waxay ka mid yihiin shibanayaasha iseddeli kara mararka qaar ee Afafka Kushitigga oo Soomaaligu ka mid yahay.

Tusaale waxaa noogu filan ereyga konton oo aan dhammaanteen adeegsanno. Xaggee ka yimid is weydii? Afartan waxay ka timid afar. Lixdanna waxay ka timid lix. Konton waxay ka timid shan. Halkaas ayaad ka arkeysaa in "Sh" iyo "K" ay isbeddeli karaan.

Tusaale kale waxaa ah, meesha Soomaaligu uu "shimbir" leeyahay Cafartu waxay dhahdaa "Kimbir". Labada afna waa isku asal oo waa Kushitig.

Qayb kale oo aan uga hadlayo sida ay "W" iyo "B" ay isu beddelaan oo aan Facebook ku daabacy iyadana waxaa laga bixiyay aragtiyo qaarkood ay macno badan xambaarsan yihiin.

Adiga oo mahadsan wixii ra'yi iyo aqoon aad nala wadaagi karto, fadlan ku qor isla qeybta hoose ee boggaan.






Wednesday, 22 October 2014

Ebola Allow naga ilaali


Dhinac walba waxaa farriimo iiga soo diraya Soomaali dadkooda u damqanaya. Waxay i leeyihiin Ebola ha la iska ilaaliyo.

Dowladdu ma dhega la'a. Waxaan u maleynayaa in Ebola uu noqon karo khatartii ugu darneyd ee na soo marta haddii uu dalka soo galo, Allah naguma keenee.

Waxaan ogahay soohdinta dhulka iyo xeebaha aan magaalooyinka ahayn in aan cidina ka warheyn dadka dhinaca ay doonaan uga tallaabaya, marka laga reebo kuwa argaggixisada ah ee uu reer galbeedku daba joogo.

Dhanka gegooyinka dayaaradaha inta badan maamul beeleedyo ayaa gacanta ku haya qaar tiro yarna ajnebi ayaa maamula magaciisa AMISOM la dhaho sida Muqdisho oo AMISOM ay hayso.

Kan Muqdisho laftiisa, dadka ka shaqeeya xeyndaabka aan dalka aad uga tirsaneyn ee Xalane, ka warqabka Dowladdu kuma badna.

Marka aan soo koobo khatarta Ebola haddaan dadaal weyn oo deg deg laga sameyn, oo sidan aan wax laga beddelin, khatartu wey jirtaa. Allow naga nabad geli.