Dagaalka Guriceel kuma dhiman doonaan dadka amarkiisa dhiibaya oo qaarkood laga yaabo in ay meelo fog fog joogaan.
Kuma dhiman doonaan nimanka u sarreeya ee hoggaaminaya dagaalka.
Lagumana dili doono kuwa hubka daabbula iyo kuwa shidaalka iyo lacagta dagaalka bixiya.
Si kama dambeys ah looguma kala adkaan doono maaddaama ay dadka degaanku ku kala qeybsan yihiin.
Marka ay xabbadu istaagto waxaa magaalada degganaan doona dhammaan dadkii hore u degganaan jiray marka laga reebo kuwa dagaalka ku dhintay iyo kuwa ku dhiman doona.
Xabbad nin xal ku raadiya haddii aad aragto siyaasadda ayuu caammi ka yahay ama uu ku fashilmay ama labada ayaa isu raacay.