Waxaan daawaday hooyooyin iyo carruur Soomaaliyeed, oo ka soo qaxay
dagaalka Yemen, oo dekdedda Bebera laga hortaagan yahay. Waxaa loo diiddan yahay in ay
ka degaan markabkii ay saarnaayeen.
Aad ayaa qalbigu ii xanuunay. Mana aqaan wax aan ku fasiro.
Falalka, qaar waxaa jira aad u martabad hooseeya oo faaqidaaddoodu ay xanuun badan tahay.
Waxaan arkayay dad badan oo cambaareynaya. Dadkaasi waa dad
tirsanayay Soomaaliland, sidaa darteedna qaadan waayay waxa ay Soomaali kale
kula kacday.
Waxaan qabaa in Somaliland xaq loogu leeyahay in ay jawaab ka bixiso
gefka ay u geysatay dirka Soomaaliyeed iyo weliba aadminnimada. Waxaa la
gudboon in ay bixiso fasiraad aanay iyada keliyihi isu akhrin ee ah mid ay Soomaalidu
fahmi karto.
Haddii kale, khalad waa dhacaaye, waa in ay raalli gelin ka bixiso.
Dadka Somaliland, gaar ahaan madaxda Somaliland waa dad u bisil mowduucan. Ma ahan dad la
barayo waxa ay tahay qaxootinnimo, nugeylka qaxootiga, xuquuqda qaxootiga iyo
xusuusta aan tirmin ee qaxootiga. Madaxda Somaliland kuma yara qaar sita
baasabboorro dalal Galbeed ah oo qaxooti ahaan loogu soo dhoweeyay markoodii hore.
Hadda ka hor tallaabooyin ay Somaliland qaadday oo dhowr ah waxaa ka
muuqday khibrad iyo biseyl ku wajahan qaxootiga iyo barakacayaasha.
Waxaan joogay magaalada Hargeysa 2007, markii dad tarxiil ah oo Soomaaliyeed
dayaaraddii sidday ay ka degtay Gaalkacyo maaddaama uu Muqdisho berigaas dagaal
ka socday. Maamulkii Puntland ee berigaas ayaa u diiday in ay dayaaradda ka soo
degaan dadka aan u “dhalan” Puntland.
Dayaaraddii ayaa dadka lagu celiyay, aakhirkiina waxay dayaaraddii la
fariisatay Hargeysa, waana loo oggolaaday in ay magaalada galaan. Isla galabtii
la keenay ayaan habeenkii ku soo booqday Hoteelkii la dejiyay si aan u hubsado
arrinkaas oo ay igu adkeyd in aan rumeysto. Tusaalahan oo ah mid foolxun calool xumana leh,
waxaan u soo qaatay in aan Hargeysa weydiiyo – Maxaa hadda is beddelay?
Taariikhdu waa ay qormeysaa. Umadda Sooomaaliyeedna waa xidid iyo
xigaalo. Ma ahan midabbada iyo naqshadaha calammada ujeeddo badanka ah ee la
sameystay in lagu dawakho. Soomaaliland, cidina ma aqoonsana. Berbera waxay
caalamka u tahay deked Soomaaliya ka tirsan. In qaxooti Soomaaliyeed loo diido
in ay ka degaan iyo in la dejiyo ee weliba doomo kalluumeysi loo qeybiyo, midna waxba
kama beddeleyso xaaladda.
Xataa haddii uu Somaliland u rumoobo hammigeedu, oo ay noqoto dal la
aqoonsan yahay waxaan qabaa in hooyooyin iyo carruur Soomaaliyeed oo ka qaxaya
dagaal dal shisheeye ay xaq caalami ah iyo xeer Soomaaliyeedba khasab ku tahay
Somaliland in ay soo dhoweyso.
Horraantii 1994 ayay ahayd markii iigu horreysay ee aan ka degay Djibouti. Waxaan sarkaalkii socdaalka ka codsaday in aanuu bog dhan iga
khasaarin ee isla bogga dal-ku-galku uu ku dhegsan yahay uu ku dhufto gelitaanka.
Maaddaama aan Dowlad Soomaaliyeed oo baasabboor i siineysaa jirin, ayaan
u raaciyay.
Jawaabtiisii ilaa maanta ma illoobin. “Haddii uu kaa buuxsamo, aniga
ii imow, anaa Baasabboor ku siinne ”.
Wuxuu i xusuusiyay in Djibouti ay tahay dal xor ah oo iyadu
baasabboorkeeda leh, laakiin qiran waxa Soomaali kala dhexeeya.
Somaliland kama harayo xataa haddii ay aqoonsi hesho. Waan tirsanayaa. Waxaan rabaa in ay ka mid noqoto dalalka iyo dadka Soomaaliyeed ee is shinsanaya.