Sannadkan 2015 waxaan bloggeyga ku qoray 99 warbixinood oo
xambaarsan macluumaad kala duwan. Qormadeyda boqolaad ee 2015 waxaan u hibeeynayaa
Allah ha u naxariistee Axmed Xasan Cawke.
Saaxiibkeey Cawke, Saaxiibkii Mikrofoonka oo aan qoray 18 November, saaxiibbo ka
faallooday ayaa sheegay in markii ay akhriyeen ay ilmeeyeen. Uguma talo gelin
in aan cid ka ilmeysiiyo, laakiin waxaan isku dayay in aan soo bandhigo xusuus
kooban oo ka mid ah wanaagga aan ku aqaannay Cawke.
Maanta waxaan goostay in aan qoro sheekooyin yar yar oo maad ah oo
aan ka maqlay Cawke xilliyo kala duwan. Waxaan ku soo beegay soo dhoweynta sannadka
cusub ee 2016, maaddaama uu Cawke sameyn jiray barnaamijyo maad u badan
xilliyada ciidaha iyo sannadka cusub.
Wuxuu ahaa nin sheekoole ah oo kaftan badan. Wuxuuna ahaa
nin u fiirsada marba dhaqanka uu dhex joogo iyo waxa hareerihiisa ka dhacaya,
dabadeedna isku daya in uu sheeko ka sameeyo.
Sida saliidda matoorku u kala ilaaliso in ay is lisaan biraha
matoorka ayuu ahaa nin kooxda uu markaa la shaqeynayo, isaga oo howsha wada
haddana ku dhex dara maad yar oo dadka ka qoslisa oo yara illowsiisa werwerka mas’uuliyadeed
ee ka dhasha ogaashaha culeyska shaqada harsan iyo karkabada wakhtiga isguraya.
Beryihii uu London ku cusbaa wuxuu iiga sheekeeyay mar ay ka hor
yimaadeen laba ruux oo booliis ah oo lebbisan. Markiiba waddo aanan dooneyn
ayaan ku leexday oo waan u gooyay, ayuu yiri.
Markii aan cabbaar sii socday aniga oo socod boobaya gadaalna iska eegaya ayaan
soo xusuustay, ayuu yiri, in aan London joogo oo aanan joogin Nairobi.
*****
Wuxuu mar igu yiri – af Ingiriiska waxaan ugu neceb ahay su’aasha
ah; Are you all right?
Maalin ayaan ku kufay, ayuu yiri, meel London ka tirsan oo fagaare
ah. Aniga oo dhulka aalla, boorsadeydiina ay iga faniintay oo meel aan iga
fogeyn ay taallo, ayaa waxaa isugu keey darsamay xanuun, welwel in aan jabay
ama aan murxay aan ka qabo iyo ceebta nin weyn oo kufay. Waxaan arkay ayuu yiri
haweeney Ingiriis ah oo i dul taagan.
Are you all right? Ayay i weydiisay. Si aan ugu jawaabo ayaan garan
waayay, ayuu yiri. Sababta oo ah wey i aragtaa in aanan all right ahayn.
*****
Maalin ayay gabar qurux badan oo Ingiriis ah ay Cawke timaha u
jareysay aniguna isaga ayaan sugayay. Aniga iyo isagu waan sheekeysaneynay inta
ay timaha u jareyso. Wuxuu yiri, war Yusuf haddii aan inantan sawiro, miyeey
Soomaalidu iga yeelayaan tanaa timo ii jartay?
Wuxuu sheekadaas ku soo celiyay maalin aan ka qadeyneynay makhaayad
yar oo la yiraahdo Amici oo ku taal waddada Kingsway oo u dhow Bush House.
Gabar aad indhaha u soo jiidaneysa oo ay xusuusteydu ii sheegeyso in ay ahayd Talyaani
ay dalabka naga qaadday, raashinkana noo keentay.
*****
Habeen aniga iyo Cawke aan wada soconnay xilli qabow ah, roob da’ayo
ayuu socodkuna dhib ahaa siiba haddii aad ka hor imaaneyso dabayl waalan oo
dhacaysay. Waxaan ka soo baxnay godka tareenka khadka dhexe ee Queensway. Waddada isla magacaas leh ee xaafadda Bayswater ayaan ku lugeynay. Dadka qof waliba isaga oo isa soo
duudduubay, dallad sita haddii aan dabayshu ka jebin ama ka bitin, madaxana hoos
u dhigaya sidii in uu herdi u diyaargaroobayo ayuu socod boobayay si uu dhakhso
ugu helo meel dugsi leh. Dadka qaar way ordayeen si ay dhakhso uga gudbaan
roobka iyo dhaxanta.
Naxariis darrada jawiga mar ay noo sii hakiyeen baabuur ku joogta
waddada Moscow oo aan markaa goyneynay ayaa waxaa naga hor yimid nin ay baalka
ugu jirto gabar yar, si wanaagsanna aan qabowga uga soo lebbisan oo aad arkeyso
sida ay u qarqareyso. Labada ruux ee naga hor yimid waxay isugu dheggenaayeen
si la garan karo xiriirkoodu waxa uu yahay. Cawke intuu saa u eegay ayuu yiri,
War ninyahow, naftan yar muxuu ka soo lug gooyay?
*****
Maalin kale wuxuu arkay oday Ingiriis ah oo bas markaas sii
dhaqaaqaya is leh ka gaar oo ka daba cararaya – dabcan intii tabartiis ah.
Cawke wuxuu yiri odagani haddii uu Hargeysa joogi lahaa, saacaddaan bas kama
daba ordeen ee Golaha guurtida ayuu ku jiri lahaa.
*****
Mararka qaar waxaa dhacaysa annaga oo Xafiiska fadhinna oo iska
faraxsan ama sheekeynayna in telefoonka xafiisku uu mid shaqaalaha ka mid ah
u soo dhaco. Waxaa laga soo wacayaa Soomaaliya ama meel kale oo Geeska Afrika
ka tirsan. Qofkaas waxaa laga yaabaa in la weydiinayo lacag aanuu markaa diyaar
la ahayn ama loo qabsado lacag uu hore u ballanqaaday laakiin uu diristeeda la
daahay sabab kasta ha keentee.
Waxaad arkeysaa qofkii oo isbeddelay, oo difaac ku aruuray, asaga oo
isku dayaya in uu codkiisana hoos u dhigo si aan shaqaalaha kale u fahmin
faahfaahinta xaaladdiisa shakhsiga ah.
Cawke waxaad maqleysaa isaga oo marba ereyga qofka ugu dambeeyay carrabkiisa
ka daba dhahaya ka dibna tiisa raacinaya sida: “Dee haye” ku lahaa, “ha kaa
saarto.”
*****
Isaga oo soo qadeeyay ayaa mar la weydiiyay - war Cawke makhaayadda raashin wanaagsan ma yaallaa mise dibadda in aan u doonto ayaad igula talin lahayd? Wuxuu ku jawaabay: Kolley anigu chicken stress u dhimatay ayaan ku soo qadeeyay. Macnihii digaag stress u dhintay ayaan ku soo qadeeyay wuxuu ula jeeday in uu muujiyo sida uu u saluugayo raashinka uu ku soo qadeeyay.
*****
Isaga oo soo qadeeyay ayaa mar la weydiiyay - war Cawke makhaayadda raashin wanaagsan ma yaallaa mise dibadda in aan u doonto ayaad igula talin lahayd? Wuxuu ku jawaabay: Kolley anigu chicken stress u dhimatay ayaan ku soo qadeeyay. Macnihii digaag stress u dhintay ayaan ku soo qadeeyay wuxuu ula jeeday in uu muujiyo sida uu u saluugayo raashinka uu ku soo qadeeyay.
*****
Cawke waxaa la iiga sheegay in ay dhowr habeen haasaawe isu raaceen
niman uu ka mid yahay mid saaxiibkiis ah oo shaqada idaacadaha ku cusub.
Weriyaha cusubi wuxuu mar walba Cawke uga sheekeeyaa shaqo uu maalintaa qabtay
sida wareysi uu qaaday ama warbixin uu qoray iwm ama howl uu qorsheynayo in uu
qabto maalinta xigta. Cawke wuxuu dhibsaday howshaan uu maalintii oo dhan ku
jiro, habeenkiina looga sheekeynayo.
Markii dambe Cawke wuxuu saaxiibkiis ku yiri – Saaxiib adigu
miyaadan shaqada kaba rawaxin?
*****
Berigii kacaanka ayaa nin madax ahi habeen khudbad u jeedinayay
dadweynaha Hargeysa. Mikrofoon cod dheer ayuu ku hadlayay.
Nin derbi jiif ah oo xeyraansan oo caaddaas maraya oo aan goobta la
isugu soo baxay joogin ayaa waxaa soo gaaraya codka ka baxaya sameecadaha
awoodda badan. Khudbaddii oo dhan ayuu maqlayaa. Ninka madaxda ahi wuxuu hadalkiisa
ku soo gooyay - Soomaaliyeey toosa, toosa oo isku tiirsada.
Sida Cawke ii sheegay ninkii derbi jiifka ahaa bartiisa ayuu ka
jawaabay: Anigu ninna ku tiirsan maayo. Laakiin kii igu soo tiirsada, wallee
waxbaa na kala raaci doona.
*****
Magaalada Hargeysa, niman duuliyayaal ah oo militeri ah ayaa waxay
habeenkii la haasaawi jireen gabdho. Mid ka mid badan, oo istus ah ayaa intaa
wuxuu gabdhaha ku yiraahdaa garbaha ayaa i xanuunaya ama oof baa igu taagan
iwm. Maxaa kugu dhacay marka la weydiiyana wuxuu ku jawaabaa, maanta oo dhan
ayaan dayaarad duulinayay. Mararka qaar wuxuu u dhigaa hadalka sidii aan maanta
oo dhan dayaarad u duulinayay ayay garbuhu i xanuunayaan.
Habeenkii dambe mid ayaa ku tiri – Duuliyayaasha kale xanuun ma
sheegtaane, adigu dayaaradda miyaad qaaddaa mise waad duulisaa?
*****
Nin ayaa dhowaan ii sheegay in markii ugu dambeysay ee ay Cawke
telefoon ku wada hadalaan, ay ahayd mar isaga oo mashquulsan uu Cawke telefoon
u soo diray, isaguna uu ka qaban waayay. Dhowr jeer markii ay intii oo kale ay
dhacday ayuu markii dambe Cawke soo qoray farriin. “War saaxiib, bandowga iga
qaad”.
Markiiba waan wacay oo waan wadahadalnay, ayuu yiri.
Waxay taasi i xusuusisay saaxiibkeeygii kale ee isaguna qaaliga ahaa
Gaarriye AUN oo maalmo uu London joogay aan dhowr jeer is raacnay. Maaalin ayuu
i soo wacay aniga oo shaqada ku jira oo aad u mashquulsan. Telefoonkeygu mar
kasta wuxuu ahaa, welina yahay ma-yeere maaddaama aan stuudiye toos hawada ugu
jira iyo shirar ay shaqo maalmeedkeygu u badnayd. Marki dambe Gaarriye wuxuu ii
soo diray farriin af Ingiriis ku qoran: Keep ignoring me, I will keep calling
you. Weligaaba igu dhegeyso telefoonka, aniguna intaa waan ku soo wici doonaa.
Farriintu wey iga qoslisay waxayna igu kalliftay in howshii aan
hayay aan markiiba joojiyo oo Gaarriye aan waco lana hadlo.
*****
Cawke waxaa kale oo aan ku xasuustaa in markii ugu horreysay ee dad
dhallinyaro ahi ay i weydiistaan
saxiixeyga in ay isaga dartiis ahayd. Annaga oo ka soo baxnay dhismaha
Baarlamaanka Djibouti ayaan markiiba u dhaqaaqay dhanka baabuurkii na qaadi
lahaa. Cawke wuu iga yara lug dambeeyay, wuuna iga soo daahay. Mar dambe ayaan
arkay asaga oo soo socda oo ay dhinacyada ka socdaan dhallinyaro reer Djibouti
ah oo arday ah.
Waxay Cawke ka reebteen saxiixiisa, ka dibna wuxuu u sheegay in aan
anigu la socdo, wuxuuna u soo horkacay in aan aniguna saxiixayga u reebo
dhallinyarada.