Madaxweyne Ku Xigeenka Soomaaliya, Xuseen Kulmiye Afrax Allah ha u
naxariistee, ayaa wuxuu la hadlay wadaaddo goobta la isugu keenay.
Hadda ma xusuusto munaasabaddu wax ay ay ahayd, laakiin waxaa
madaxeyga ku qormay si wanaagsanna aan u xusuustaa erayo ka mid ah khudbaddii
Xuseen Kulmiye aan galabtaas ka duubay.
Xuseen Kulmiye wuxuu ka mid ahaa Odayaasha Dowladda ee lagu tiriyo
in uu khibrad dheer oo shaqo uu u leeyahay Bulshada Soomaaliyeed.
Waxaa uu culimmada u sheegay in marka cadowga lala
hadlayo la isbuunbuuniyo xagga awooddaada Dowladnimo.
Laakiin marka aad la hadleyso ummaddaada siiba kuwooda waxgalka ah oo aad
kaalmada uga baahan tahay, wuxuu yiri, waa in aad u sheegtaa tabardarradaadu
sida ay tahy iyo iimahaaga. Oo intaa aadan ugu ekeyn ee aad shaarka iska
saarto oo aad tusto sida ay feerahaagu u yaallaan iyo murqahaaga
daciifnimadooda. Galabta shaarka ayaan iska saarayaa si aad adinku garab noogu
noqotaan, ayuu ku yiri Culimmadii. Ka dibna wuu u xog warramay.
Kulmiye Dowladdiisu waxay ahayd dowlad dhaqaale ahaan, militeri
ahaan iyo waxqabadba aad uga heer sarreysay Dowladaha Soomaaliya soo maray tan
iyo 2012 oo ay ku jirto midda hadda dalka ka mas’uulka ah.
Laakiin haddana waxaa uu ogaa baahida ay Dowladdu u qabto taageerada
shacabka siiba culimmada diinta. Haddii aanay wax u qabanna ay ugu yaraan ka
garaabi doonaan tallaabooyinka ay Dowladdu ka gaabisay fahmina doonaan
caqabadaha ka hor yimid.
Taageerada shacabka, fahamkooda Dowladda iyo ka garaabiddooda wixii gaabis ah waa saddex qodob oo Dowlad kasta muhiim u ah.
Maanta adduunku waa kooban yahay, laba farriimoodna macquul ma ahan, laakiin haddana in la xusuusnaado in shacabka ay Dowladdu u xogwarranto waa mid lagama maarmaan ah.
Xikmaddani waxay ila tahay mid aan wakhtigeedu dhaceyn oo ay ka faa'iideysan karto Dowladda Soomaaliya, ha noqoto midda hadda jirta oo xilligeedu gebageba yahay ama midda xigta ee curan doonta ka dib doorashada Soomaalida loo ballanqaaday in ay qabsoonto sannadkaan 2016 gudihiisa.