Thursday, 29 September 2016

Isfasiraad Ogaal La'aaneed

Beri ayaan London ku qaatay course dhowr bilood socday oo ku saabsan cilmu nafsiga iyo farsamada macaammilka bulshada. Waxaa ka mid ahaa casharro is xiga oo ku saabsan sida qofka loo akhriyo adiga oo aan la hadal.
Lebbiska uu qofku gashan yahay, sida uu u gashan yahay, sida uu u socdo, qaabka uu u fariisto, sida uu u hadlo, sida uu dadka u fiiriyo, codadka iyo shanqaraha uu sameynayo, sida uu wax u akhriyo, waxa agtiisa ka dhaca falceliska uu ka sameeyo, qaabka uu wax u cuno ama u cabbo intuba waa bandhig. Asaga oo aan ogeyn uguna talo gelin ayuu qofku isfasirayaa. Wuxuu sheegayaa qofka uu yahay.
Haddii aad fasiraaddaas akhrisan taqaan waxay kuu sahleysaa in aad garato heerka aqooneed, tarbiyada iyo guud ahaanba qofkani qofka uu yahay.
Dabcan waa qiyaas. Khalad ayay noqon kartaa siiba marka uu sameeyo qof aan tababbar u haysan.

Marka aan dhex mushaaxayo saxaafadda bulshada waxaan mar kasta arkaa dad ayaga oo aan ugu talo gelin haddana sharraxaad ka bixinaya aqoontooda, khibraddooda, fahamkooda iyo akhlaaqdooda. Dad ogaal la'aan is fasiraya ayaan arkaa.

Tuesday, 27 September 2016

Xamar Xilal Badanaa!

Dhegeheyga waxaan marar badan ku maqlay shakhsiyaad ayaga oo aan ahayn horena u noqon loogu yeerayo Madaxweyne. Mararka qaar anigaaba ka mid ah dadka loogu yeero inkasta oo aanan raalli ka ahayn xil aanan qaban in la iigu yeero.

Waxaan maqlay Wasiir, Xildhibaan oo hadda noqotay Xildhibaane ayna ku jiraan dadka tirada badan ee hadda damacsan in ay noqdaan Xildhibaan. Waxaa dhegeyga ku soo dhaca Generale ay ku jiraan saraakiil aan General ahayn. Taliye, Agaasime, Mas’uul sare, Shiikh, Doctor, Professor, Injineer iwm oo loogu yeerayo qof aan derajada lagu sheegayo aan hayn ama aan shahaaddadeeda haysan iyadu waa joogto. 

Xilalka iyo derejooyinku intaa kuma koobna. Xataa waalidka iyo xididka ayay u gudbeen.

Markii aan intaan ka sii yaraa waxaan adeegsan jirnay adeer ama eeddo si aan xushmad ugu muujinno qof naga da’ weyn xataa haddii aynaan is aqoon. Taa lafteeda wax badan ayaa iska beddelay.

Hadda waxaa laguugu yeerayaa abti, ina adeer, seeddi, dumaashi iyo qaar kale. Garan waayay wax Allah wax aan ku macneeyso maaddaama aadan aqoon qofka sidaa kuugu yeeraya amaba og in aydnaan intaa midna isu ahayn.

Miyaan Muqdisho la joogi karin adiga oo aan ku gabban shaar aadan lahayn? Mararka qaar waa laguu gelinaya shaarkaas iyada oo aan lagaala tashan. Miyaan la ahaan karin qofka aad tahay oo aan waxba lagu cayilin?

Sow ma habboona in muwaaddin kasta aan xushamad iyo karaama ugu heyno in uu yahay qofka uu yahay? In uu yahay Aadane yahayna Soomaali? Miyaanay ahayn in aan ogaanno in qof kastaa uu mudan yahay in la karaameeyo, haddii aan isagu karaamada iska qaadin?  Si aan ka dibna ugu qiimeyno fikirkiisa iyo falkiisa?


Qormadeyda ulama jeedo in xushmadda Dowladeed iyo midda ehel, xidid ama aqooneed laga tago. Taas cagsigeed ayaan is leeyahay haddii qof kasta macallin loogu yeero waxaa macnaha laga qaadayaa xushmadda Macallinka iyo Macallimadda. Sidoo kale derejo kasta ayaa qiimaheeda la barxayaa haddii qof aan ahayn loogu yeero.

Waxaa kale oo meesha ka baxaya qiridda dadaalka iyo dhabar adeyga uu sameeyay qofka derejo aqooneed sita, oo tusaale ku dayasho mudan u noqon lahaa ardeyda.

Monday, 26 September 2016

50 Soomaali ah Dil laguma Xukumin, laakiin ayaa Wehlisa

Baaritaan kooban ka dib waxaa ii soo baxday in aanay jirin Soomaali kontomeeyo ah oo dil lagu xukumay dalka India ka dib markii lagu helay dembi burcadbadeed.

Villa Somalia twitter ayay ku beenisay xukunka Maxkamadeed.

Saxaafadda India marka aan akhriyay waxaan arkay in wargeys Ingiriis ku qoran kan adduunka loogu akhris badan yahay, The Times of India, uu qoray 24 Sept in 119 Soomaali ahi ay qirteen dembiyo burcadbadeed, lagana yaabo in 50 ka mid ah la marsiiyo ciaqaabta ugu culus. Wargeysku wuxuu intaa raaciyay in ay dhici karto in 50-kaas Soomaalida ah lagu xukumo dil.

Maxaabbiista oo ku jira xabsga Taloja oo 50 km u jira Mumbai, Gobolka Maharashtra, waxay India qabatay 2011 iyo 2012. Tiradoodu waxay ahayd 120 laakiin mid ayaa ku dhintay xabsiga.

War aan xaqiijin la'ahay wuxuu ii sheegay in Xukunku uu dhacayo 30-ka bishan Sept.

Xeer Ilaaliyaha khaaska ah, Renjeet Sangle, oo kiiska ka warramay ayaa sheegay in India ay dhowri doonto Xeerka Qarammada Midoobay ee Badaha UNCLOS, xukunka Maxkamaddana lagu saleyn doono caddeymo aan mugdi lahayn.

Friday, 23 September 2016

Wakiilka Soomaaliya: ICJ ha Diiddo diidmada Kenya

Maanta waxaa la soo gebagebeeyay dhegeysiga Diidmada Hordhaca ah ee Kenya ay uga soo horjeeddu furitaanka Dacwadda Kenya ka dhanka ah ee ay Soomaaliya u soo gudbisay Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda ee magaaladan Hague.

Soomaaliya ayaa maanta bixisay jawaabteeda kama dambeysta ah. Waxaa hadlay saddex qareen oo hadalladoodu ay is kaabayeen iyo Dr. Mona Sharmaan oo soo gunaanadday codsiga Soomaaliya ay u soo jeedineyso Maxkamadda.


Qareennada Soomaaliya

Waxaa hadalka furay Prof. Pellet asaga oo ka jawaabaya Qareennada Kenya sida ay u fasireen MoU caanka noqotay ee 2009 ay kala saxiixdeen Soomaaliya iyo Kenya.

Prof. Pellet wuxuu ku tilmaamay in qareennada Kenya ay MoU 2009 ka yeersiinayaan wax aan ku qorneyn. Waana xadgudub ay Maxkamadda ku sameyneyaan, ayuu yiri, in ay isku dayaan in qoraal hor yaalla uga sheegaan wax aan ku qornayn.

Waxaa xigay Paul Reichler oo qareennada Kenya hadalkooda marka la qoray sadarrada inta u dhexeysa aad u akhriyay. Wuxuu hadallada Qareennada Kenya ka baadi goobay, ka soo saaray, Maxkamaddana la wadaagay waxyaabo iska hor imaanaya. Dhowr tusaale ayuu soo qaatay.

Waxaa kale oo uu soo sheegay hadalladii uu isagu Maxkamadda ka jeediyay wareeggii koowaad in ay Qareennada Kenya hadda aqbaleen ama ugu yaraan aanay dood ka hor imaaneysa aanay bixin sidaa darteedna looga talo geli karo in sidooda ay u aqbaleen.

Wuxuu taxay toban qodob oo qaanuuniyan muhiim ah oo uu sheegay in uu ku jeediyay jawaabtiisii wareegga koowaad. Taas oo Kenya ay fursad u heysatay in ay riddiso markii ay sameyneysay soo jeedinteedii wareegga labaad. Mid ka mid ah tobankaa qodob oo ay diideen ma jiro. Keliya qodob kooban ayay muran geliyeen isagana wuu ka jawaabay kaas oo qaanuuniyan fasiraaddiisu ay dheer tahay ayaa jiray.

Qodobbada wuxuu ka soo xigtay emaillo, dokumentiyo, fasiraado  iyo jawaabo ay xilliyo kala duwan bixiyeen Norway oo qortay MoU-da, Kenya iyo Soomaaliya. Dhammaantood waxay tilmaamayeen in MoU 2009 ay ku saabsan tahay keliya in labada dal aan midna waxba ka qabin in kan kale uu Guddiga Qarammada Midoobay ee CLCS u gudbiyo soohdintiisa qalfoofa qaaradeedka. Tusaaleyaashaas oo dhan meelna ugama xusna ayuu yiri in ay MoU 2009 ay tahay in iyada loo raaco habka xallinta khilaafka soohdin badeedda.

Wadahadallada dhex maray labada dal oo Qareennada Kenya ay ku tilmaameen in ay ahaayeen heer farsamo oo billow ah, wuxuu Paul Reichler sheegay in aanay xaqiiqadu sidaa ahayn. Wuxuu sheegay in labada Wasiir ee Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya iyo Kenya ay ka qeyb galeen isla markaana ay aragtiyo ka dhiibteen. Dabcan waxaa uu Wasiir waliba u warbixinayay Hoggaamiyaha ugu sarreeya Dowladdiisa.

Professor Lowe oo Kenya u doodayay, ayaa hadda ka hor Maxkamadda wuxuu u sheegay in ay Soomaaliya dacwadda ku degdegtay laakiin meel la isugu keeni karay mowqifyada kala duwan ee labada dal. Wuxuuna sheegay in haddii ay Soomaaliya la noqotay in aan arrinkaan xal laga gaari karin aanay sidaa ku wargelin Kenya.

Reichler wuxuu yiri Kenya fasiraad kama bixin sababta ay u rumeysan tahay in xal la gaari karay. Waxa keliya oo Prof Lowe uu soo xigtay, ayuu yiri, dokumenti Dowladda Kenya ay hay’adaheedu isu direen 8 August 2014. Laakiin waxaa xusuus mudan in xilligaasi ahaa markii la diyaarinayay kulan la filayay in uu dhaco oo rajo xal la qabay.

Laakiin Kenya waxay ka baaqsatay in ay tagto Muqdisho oo uu ka dhici lahaa shirka xalka lagu goobi lahaa, iyada oo aan weliba fasiraad ka bixin.

Qaabka ay Kenya u dhaqantay iyada oo laga shaqeynayo arrin sidaa muhiim u ah oo ku saabsan heshiis soohdimeed, waxay muujineysaa in aanay ka tarjumeyn fasiraaddeeda Paragraph 6 ee MoU 2009 oo ay ku tilmaamayaan in uu yahay hannaanka loo raacayo xallinta khilaafka soohdinta.

Xataa inta dooddan Maxkamaddu ay socotay fasiraadda ay Kenya ka bixisay paragraph 6 ee MoU 2009 dhowr jeer ayay is beddeshay iyaga oo marba fasiraaddoodii ugu dambeysay ka sameynaya dib-u-gurasho xeel dood.

Waxaa xigay Prof Sands oo ku tilmaamay in xataa haddii Kenya loo raaco dooddeeda ah in MoU 2009 ay Soomaaliya khasab uga dhigeyso in ay wadahadal la gasho Kenya, ay Soomaaliya shuruuddaa fulisay.

Mona Sharmaan

Mona Sharmaan ayaa soo gunaanadday doodda Soomaaliya. Waxay kabahiisa gashatay oo ay qirtay hadalka uu yiri Garyaqaanka Kenya. Wuxuu ku tilmaamay ayay tiri in marka wadahadalka Kenya furmayo ay Soomaaliya markaa uun ay ka soo baxday sannado badan oo dagaal sokeeya, masiibooyin aadminnimo iyo falal argagixiso oo baahsan. Waa marka ay Kenya door bidday in ay wadahadal la furto Soomaaliya. Waa dhab ayay tiri. Weliba Soomaaliya waxay sida ay 2014 ahayd ka sii liidatay, 2009 markii MoU lala saxiixday oo welibana ay Dowladdu ahayd mid cusub. Taas ayaana caddeyneysa in MoU 2009 aanay xammili karin miisaanka ay Kenya siineyso.

Maxay Soomaaliya u dooni kartay, ayay Maxkamadda weydiisay Mona, in ay lugaha la gasho xilli aan soohdinteeda la cayimin? Sharci aanay hor geyn karin si ay kheyraadka  ka maqan u hesho iyada oo aan ognahay in Soomaaliya ay aad ugu tiirsan tahay kaalmo shisheeye?

Mona waxaa kale oo ay sheegtay in markii ay Kenya ka baaqsatay in ay Muqdisho timaaddo si loo qabto shirkii uu codsaday Wasiirkeeda Arrimaha DIbadda ee uu Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya uu aqbalay, aanay jirin wax fasiraad ah oo ay bixisay. Mona waxay intaa ku dartay in Soomaaliya ay u soo jeedisay Kenya in ay labada wafdi ku kulmaan dalka Djibouti, laakiin Kenya aanay taa ka soo jawaabin.

Mona waxay xustay in Kenya ay Maxkamadda ka sheegtay in tan iyo 1979 ay ka talineysay badda hadda uu muranku ku jiro. Waxay ku tilmaantay Mona in aan hadalkaasi ahayn wax khuseeya ama wax ku soo kordhinaya dacwadda ku saabsan cidda leh badda.

Laakiin sheegashadaas Kenya in ilaa 1979 ay iyadu maamulaneysay badda waxay fasireysaa sababta uu wadahadalku u burburay taas oo ah in Kenya ay aamminsan tahay in badda lagu muransan yahay ay iyadu leedahay waxna aanay ka maqnayn.

Haddana hadalka Kenya isaga ayaa is burniya ayay tiri Mona. Waxay soo qaadatay Prof. Akhavan oo arbacadii sheegay in Ciidanka Badda ee Kenya uu isaga oo qeyb ka ah ciidammada Midowga Afrika uu ilaaliyo baddaas, howshaas oo uu Golaha Ammaanka ee Qarammada Midoobay u fasaxay.

Mona waxay tiri, haddiiba aan Kenya hadalkeeda run ka soo qaadno, inkasta oo Soomaaliya aanay sidaa qabin, sow ma ahan in ay badda ilaalineysay iyada oo ka tirsan ciidammada Midowga Afrika ee aanay ahayn bad ay iyadu leedahay?

Mar kale waxay xustay Mona sida ay Soomaaliya aad ugu qaddarineyso xiriirka qotada fog ee kala dhexeeya Kenya. Waxayna sheegty in Kenya walaaca amni ee ay qabto uu yahay mid Soomaaliya iyo adduunka oo dhami ay la wadaagaan.

Nafta ay Kenya u hurtay Soomaaliya, sidoo kale Uganda, Djibouti, Burundi iyo qaar kale ay u hureen Soomaaliya, ma ahan ayay tiri Mona, sabab Soomaaliya la isaga hortaagi karo xuquuqda qaanuunka caalamiga ah ay ku leedahay oo uu u oggolaanayo.

Mona waxay soo jeedisay codsiga Soomaaliya ee ugu dambeeya.

Waxay Maxkamadda ICJ ka codsatay in ay diiddo diidmada hordhaca ah ee Kenya oo ay furto dacwadda Soomaaliya ay soo gudbisay ee ka dhanka ah Kenya.


Usbuucaan

Dhegeysiga dacwaddani wuxuu soo billowday Isniin 19 September 2016. Halkan ayaad ka akhrisan kartaa qormadeyda ku saabsan soo jeedintii Kenya ee wareegga koowaad.


Waxaa xigtay Talaada oo ay Soomaaliya Qareennadeedu bixyeen jawaab. Halkan ka akhriso:

Jawaabta Koowaad ee Soomaaliya


Arabaca Galab ayuu billowday Wareegga Labaad. Kenya soo jeedinteeda, ka akhriso halkan: 

Weedha ugu dambeysa diidmada Kenya ee Hague



Maanta soo jeedinta ay Soomaaliya sameysay ayaa u dambeysay dacwadda.

Waxaa laga wardhowrayaa Go'aanka ay Maxkamaddu riddo ka dib marka ay labada dhinac ka soo jawaabaan su'aalo ay Maxkamaddu weydiisay oo aan mar kale idinkula wadaagi doono bartan, haddii Rabbi idmo.