Total Pageviews

Sunday, 30 October 2016

Siddeed Qormo Siddeed Maalmood Gudahood

Siddeeddii maalmood ee u dambeeyay waxaan daabacay siddeed qormo oo laba ka mid ahi ay yihiin min laba qeybood. Dhammaantood waxay ku saabsan yihiin xusuusteyda Taliskii militeriga ee dalka ka talinayay October 1969 - January 1991.

Qormooyinkan ujeeddada aan ka leeyahay waa in dhallinyarada Soomaaliyeed ee aan xilligaas soo gaarin aan la wadaago dhacdooyin goos goos ah oo ku saleysan keliya xusuusteyda si ay ra'yi uga helaan sida ay noloshu ahayd.

Qromooyinka aan halkaan ku soo bandhigay ma ahan marnaba in loo qaato in ay isku deyayaan in ay sawir buuxa ka bixiyaan xilligii Kacaanka ama xataa dhacdooyinka aan soo hadal qaaday iyo jilayashooda, oo aan Ilaaheey uga baryayo in uu u wada naxariisto.

Ujeeddada keliya ee aan ka leeyahay waa in aan soo bandhigo sida ay aniga iigu muuqdeen halka dhinac ee aan wax ka eegayay ama aan uga jiray howsha. Kaalinteydu waxay ahayd heer nin aad u dhallinyar, u khibrad yar oo  mas'uuliyaddiisu ay kooban tahay.

Ujeeddada labaad ee aan qormooyinkan u soo bandhigay waa in aan ku xadateeyo oo aan ku daandaansado dad aad iiga xog ogaalsan, mas'uuliyad weyn hayay, howlo waaweyn fuliyay ama qeyb ka ahaa ama xog ogaal u ahaa in ay ka caroodaan qormooyinkeyga weyda ah, oo markaas ay soo bandhigaan miidda sheekada.

Sheekooyinkan oo baahi iyo xiisa badan ay akhristayaasheydu ka muujiyeen, waxaan ballanqaadayaa in aan sii wadi doono haddii Rabbi ii oggolaado hadba sida caafimaadka, wakhtiga, waayaha iyo ammaanku ay iigu saamaxaan.

Haddii aanad weli akhrin Siddeedda Qormo qaarkood iyo haddii aad akhrisay laakiin aad jeclaan lahayd in ay hal bog kuugu wada keydansan yihiin ama aad dooneyso in aad mar qura u dirto saaxiib kale, halkan ayaan ku soo wada koobay. Akhris wanaagsan.

Qormada aad dooneyso in aad akhriso, fadlan dul istaag cinwaankeeda oo dhag-sii.

Maalinta koowaad ee aan la KUlmo Madaxweynuhu waxay ahayd Buulo Burte. Waxay ahayd maalin farxad iyo xorriyad buuxda aan ku wada sheekeysannay.

Waa tusaale muujinaya sida Madaxweynaha Soomaaliya loogu hoggaansanaa talooyinkiisa ka hor shilka baabuur ee 1986.

Waa Qeybta Koowaad ee Qormo aan uga hadlayo raadka shilkii Baabuur ee AUN Madaxweyne Maxamed Siyaad uu ku dhaawacmay.

Waa Qeybta Labaad ahna tan ugu dambeysa Qormo aan uga hadlayo raadka shilkii Baabuur ee AUN Madaxweyne Maxamed Siyaad uu ku dhaawacmay. Maxamed Siyaad Barre wuxuu Golaha Wasiirrada u sheegay in uu carrabku culus yahay jugtii shilka baabuur ka soo gaartay awgeed. Wuxuu sheegay in uu doonayo in uu doonayo in uu nasto. Si ay kuugu fududaato in aad Qyebtan fahamto, fadlan marka hore akhri Qeybta Koowaad.

Waa furitaankii wejiga labaad ee dekedda Kismaayo. Madaxweyne Maxamed Siyaad, Wasiir Muuse Rabbiile iyo Danjiraha Mareykanka Frank Crigler iyo General Adan-Kuukaay oo mid waliba shaqo gooni ah u socdo oo ku kulmay Kismaayo. Dayaarad cillad la kici weyday iyo arrimo kale oo aan ka xusuusto safarkeygii Kismaayo ee 1987.

Waa qormo sawir kooban ka bixineysa hal habeen oo aan ka shaqeynayay Radio Muqdisho 1986.

Waa qiso dhacday 1990 mar la dhisayay Xubnaha Golaha Wasiirrada. Cawke liiska uu Madaxweynaha ka soo qaaday markii uu la tegey idaacadda si uu ugu dhawaaqo ayaa markii wakhtigii taagan yahay waxaa u soo galay weriye kale oo sida isbeddel golaha lagu sameeyay oo ku yiri Madaxweynahaa kugu yiri sidan u beddel.

Cawke muxuu falay? Wasiirrada la is weydaariyay waa kuwee?

Madaxweynuhu markii uu dalka ka dhoofay wuxuu Ku Sime Madaxweyne u magacaabay Maxamed Ibraahim Liiqliiqato. Cabdiraxmaan Jaamac Barre muxuu la damcay Maxamed Cali Samatar? 
Waa maxay go'aanka Wasiirka Warfaafintu uu qaatay?

Maxaa ku kallifay Cabdulqaadir Xaaji Maxamed in uu qabto howshii loo xil saaray Maxamed Cumar Jees isaga oo aan wargelin?

Jees muxuu tallaabo qaatay markii uu ka warhelay in shaqadiisii uu qabtay Cabdulqaaddir Xaaji Maxamed?

Saturday, 29 October 2016

Rabbiile Good iyo Safarkeennii Kismaayo

Waxaa safar shaqo la iigu diray Kismaayo. Waa 1987. Wasiirka Howlaha Guud, Muuse Rabbiile Good iyo Danjiraha Mareykanka, Frank Crigler ayaa berri furaya wejiga labaad ee Dekadda Kismaayo.

Annaga oo shan weriye ah ayaan barqadii Xamar ka qaadannay gaari GMC ah oo ay leedahay Safaaradda Mareyknku. Gaariga iyo wadihiisa ka sokow waxay Safaaraddu nagu dartay mid ka mid ah shaqaalaheeda Soomaalida ah.

Intii aan waddada dheer ku soo soconnay, meelo dhowr ah ayaan shaah ama raashin u fariisannay. 

Waa xilli roobaad. Xareed ayaa meelaha godan ceegaagta. Neecow macaan oo reys iyo doog ka soo kacday ayaa dhacaysa. Heeso ayaan sameecad cod dheer ku dhegeysaneynaa. Marna sheeko, kaftan iyo dacaayad ayaa socda.

Meesha aan doonno ayaan intaan gaariga ka soo degno isku sawireynaa. Shanteenna, laba waa Telefishinka Qaranka, Mid waa Wakaaladda Filimmada, mid waa SONNA, aniguna waxaan ka socdaa Radio Muqdisho.

Makhribku marka uu dumay ayaan nimid kontoroolka hore ee magaalada Kismaayo oo si xoog leh loo ilaalinayo. Waxaan bar garannay booliiska dableyda ee u khaaska ah Madaxweynaha.

Kismaayo


Waan ogeyn in uu Madaxweynuhu dhowr maalmood ka hor u soo baxay kormeer howleed oo uu Gobollada ku marayo. Wuxuu ku socdaa baabuur kolonyo ah. Wuxuu ka billaabay Shabeellaha Hoose. Ma aynaan ogeyn in uu gaaray Kismaayo.

Waxaan ku degnay Hotelka Waamo. Waa beer weyn. Dhismuhu waa Muddullo qurux badan oo teel teel ah oo mid waliba uu ku fadhiyo bed weyn. Wuxuu leeyahay nal iyo qaboojiye iyo biyo qasabad ka socda. Waxaa dhex yaalla qaboojiyaha biyaha iyo raashinka. Muddul kastaa wuxuu leeyahay beer yar oo aan oodneyn oo isaga u gaar ah iyo nambar cinwaan oo kale ah oo iridda hore ku dheggan.

Waa hotel ay Dowladdu leedahay, sida Hargeisa Club iyo kuwa Muqdisho ku yaalla ee Jubba, Shabeelle, Curuuba, Bulsho iyo Taleex. Dhammaantood waxaa maamusha Wasaaradda Dalxiiska.

Wafdiga Madaxweynaha badankiis ayaa deggan. Laakiin Madaxweynuhu wuxuu ku degay Aqalka Madaxtooyada oo aan naga fogeyn.

Markii aan degnay ayaan markiiba raadinnay saxaafadda Madaxweynaha. Iyaga iyo qaar ka mid ah xubnaha wafdiga Madaxweynaha oo hal muddul ku fiidsanaya ayaan u nimid. Qaarkood gudaha ayay ku jiraan qaarna waxay fadhiyaan deyradda. Halkii ayaan ku wada casheynay.

Markii aan si guud u sheekeysannay oo ay noo sheegeen in ay berri u ambabaxayaan Afmadow ayaan Cawke dibadda ula baxay. Waxaan ka sheekeysannay safarrada aan ku jirno iyo farsamada ugu habboon ee aan cod ugu diri karno Radio Muqdisho. Waxaan is xusuusinnay oo aan ku heshiinnay in berri laga billaabo aan adeegsannayo Fooneeyaha booliiska.

Booliisku waa hey’adda keliya ee degmo kasta oo dalka ah iyo weliba tuulooyinka qaarkood ay u taallo isgaarsiin isugu jirta fooneeye iyo midda ku shaqeysa Morse Code ee xuruufta iyo tirooyinka iyo calaamadaha loo rogo summado iyo shanqaro sida hoonka baabuurta ah.

Isgaarsiinta Booliiska Xarunteedu waa Taliska Ciidanka Booliiska oo ka soo horjeeda Radio Muqdisho. Weriyaha gobol jooga ee damca in uu cod diro wuxuu tagaa hadba Saldhigga Booliis ee ugu dhow. Farriin ayuu u dirayaa Taliska Ciidanka. Kaas oo isna telefoon ku wargelinaya Radio Muqdisho in uu soo dirsado farsama yaqaan codka ka duuba weriyaha.

Subixii xigay waxaan is-macsalaameynay Cawke iyo weriyayaashii kale ee ay wada socdeen. Wafdiga Madaxweynaha waxaan isbargarannay Dr. Gabboose oo aan isagana halkaas ku salaamay. Maxamed Cabdi Gabboose wuxuu berigii dambe noqday Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Somaliland.

Waxaan u gudubnay Airporka. Waxaa soo degay Wasiirka Howlaha Guud, Muuse Rabbiile Good iyo Danjiraha Mareykanka, Frank Cringler oo hal dayaarad la socda. Waxaa kale oo soo degay Taliyaha Ciidanka Booliiska, Sarreeye Gaas, Aden Cabdi Ducaale (Aden - Kuukaay) oo ay siddo dayaarad uu booliisku leeyahay oo isna u socda howl ka gooni ah safarka Madaxweynaha iyo Mashruuca Dekedda. Waxaa iyaduna markaa soo degtay dayaarad Somalia Airlines ah  oo ay la socdaan dad rakaab ah oo Xamar ka yimid.

Markiiba waxaan u dhaqaaqnay dekedda iyada oo Wasiirku horkacayo wafdiga laba geesoodka ah. Warbixinno la kala qaatay ka dib si rasmi ah ayaa xarigga looga jaray wejiga labaad ee dhismaha dekedda. Wasiirka iyo Danjiraha Mareykanka oo ay Dowladdiisu maalgelisay mashruuca ayaa wadajir xarigga uga jaray. Madaxda meesha mareysay waxaa ka mid ah Axmed Cadami, oo aan u maleynayo in uu ahaa Madaxa Dekedaha, wuxuu naga qaabbilay biilka Hoteelka. Wuxuu beri dambe noqday Wasiirka Difaaca Somaliland.

Halkaas waxaan uga gudubnay mashruuc kalluumeysi oo shaqadiisa iyo qaboojiyayaashiisaba ay Madaxdu kormeertay.

Annaga oo shaarar khafiif ah gashan, kuleyl la dhidideyna ayaa irdaha loo furay oo aan galnay qaboojiyaal lagu keydiyo kalluunka. Ma illoobo. Anigu markiiba dibadda ayaan uga soo baxay.

Cillad 


Galab gaabkii ayaan airporka ku laabannay si wafdiga aan u hubsanno in uu nabad ku dhoofo. Dayaaradda ugu hor kici lahayd waxay ahayd tan Taliyaha Booliiska General Adan Kuukaay. Laakiin bateriga ayaa malahaa ka yara xumaaday oo markii duuliyuhu matoorka uu daar maagay ayay samaysay shanqar aan wanaagsaneyn.

Danjiraha Mareykanka ayaa General Adan ku yiri kaalay oo annaga nala raac dayaaradda. Danjiruhu wuxuusan u war heyn in aan dayaaraddiisa kursi ka bannaaneyn.

Markaa waxay noqotay diblomaasiyiintii Mareykanku in ay hoos isula hadlaan oo ay reebaan mid iyaga ka mid ah. Waa gabar Mareykan ah oo diblomaasi ah. Waxaa lagu yiri soo raac gaariga weriyayaasha.

Sidaas ayaan wafdiga ku sagootinnay. Damacneyna in aan Hoteelkeenni ku laabanno. Laakiin markiiba waxaa nagu dhashay su’aasha ah yaa gabadha ka bixinaya Hoteelka?

Qaar kale fekerkoodu hoteelka wuuba ka sii gudbay. Waxay leeyihiin haddii ay gabadhani nala socoto waxay naga jiireysaa farxadda iyo qosolka aan berri ku sii jidmari lahayn. Waxay nagu kallifeysaa ugu yaraan in mid ama ka badan naga mid ahi ay Ingiriis ugu sheekeeyaan. Mid kale wuxuu leeyahay anigu jawaan dhuxul ah ayaan rabaa in aan waddada ka iibsado ee gabadhani amay dood ka keentaa?

Ninkii Soomaaliga ahaa ee safaaradda ka socday ayaa yiri ka warrama haddii aan u jaro tikit Somali Airlines ah oo aan ku daro dayaaraddan hadda duuli rabta.

Waxaan ku heshiinnay in uu sidaa yeelo. Gabadhii halkaa ayaan iyadana ku sagootinnay.

Inteennii weriyayaasha ahayd oo ay na wehliyaan wadaha gaariga iyo ninka safaaradda ka socda ayaa ku laabannay hoteelka.

Waagu markii uu baryay ayaan tegey Saldhigga Booliiska oo aan Radio Muqdisho u diray warbixinta furitaanka dekedda.

Amaah


Markii aan damacnay in aan Muqdisho u amba baxno, wuxuu sarkaalkii safaaradda Mareykanku noo sheegay in aan u baahan nahay shidaal. Markii aan weydiinnay sababta wuxuu noo sheegay in lacagtii uu shidaalka ugu soo talo galay ay ahayd midda uu shalay ka bixiyay tikitkii dayaaradda ee Diplomaasiyadda Mareykanka. Lacagta uu hadda hayaana aanay ku filneyn shidaal.

Ragga qaar waxay soo jeediyaan in aan ciidanka ama Wakaaladda Dekedaha midkood weydiisanno shidaal.

Waxaa marinxumo u muuqatay in baabuur taariggo diblomaasiyadeed leh aan shidaal u weydiinno hey’ad Dowladdeenna ah.

Aniga ayaa talo keenay.  Ka dib markii aan weydiiyay lacagta shidaalka ka dhimman waxaan u sheegay in aan amaahin karo lacag ay xusuusteydu ii sheegeyso in ay ahayd 1,500 oo shilin. Laakiin shuruuddu ay tahay in uu ii ballan qaado in uu lacagtaa ii soo celinayo. Markiiba wuu ballanqaaday, anna waan siiyay.

Waddada waxaan ku soo marnay sidii aan markii hore ku sii marnay iyo si ka farxad badan. Hadda wuu naga haray welwelkii shaqadu. Waxaan nahay niman u rawaxaya guryahooda. Waxaan baabuurka oo xawaareynaha ka dhegeysannay Raadiyihiisa Barnaamijka Bandhigga. Xubinta u horreysa waxaa ka hadlay Cawke oo ka soo warrramaya Afmadow. Xubinta labaad waa aniga oo ka soo waramaya Kismaayo.

Anigu ninka Soomaaliga ah ayaan lacagta amaahiyay, isaga ayaanna filayay in uu si shakhsi ah iigu keeni doono. Laakiin ma dhicin.

Maalintii aan Muqdisho ku soo noqonnay maalmihii xigay midkood, ayaa waxaa Wasaaradda timid mooto ay leedahay Safaaradda Mareykanku. Waxaa wata nin keeni jiray boostada ka timaada Safaaradda. Aniga ayaa la ii soo tilmaamay. 

Markii uu ii yimid wuxuu i guddoonsiiyay bakhshad kuwa safaaradda ah oo ay ku suntan tahay astaanta Mareykanku. Gudaha waxaa ku jira 1,500 oo Shilin iyo waraaq lacagta la’eg oo iyaduna sidata astaanta Mareykanka.

Waxaa ku qoran Mahadsanid oo af Ingiriis ah, Thank You.

Waxaan weriyayasha kula kaftamay in ay war iga qoraan maanta. Waxay i weydiiyeen warka la iga qorayaa waxa uu yahay.

Waxaan ku iri “Mareykanka ayaan lacag amaahiyay. Markhaatigeediina waa kan oo hadda ayuu amaahdii iska bixiyay, iigana mahad celiyay”. 

Friday, 28 October 2016

Jengeli iyo Masalle

Xukuumadda Soomaaliya ee uu Wasiirka Koowaad ka ahaa Maxamed Cali Samatar ayaa la kala diray.

Waxaa xigay wax aad mooddo olole ka dhan ah Samatar iyo Xukuumadda oo dhan. Shirar ayaa hey’ado badan lagu qabtay, oo saxaafadda la geeyay, oo Xukuumadda dhacday laga cawday ama lagu eedeeyay dhaliilo waaweyn oo ay ugu yar tahay karti darro.

Mas’uuliyiin Xisbiga ah ayaa ka hadlay munaasabadaha qaarkood.

Xukuumad marka la dhisayo, Xafiiska Madaxweynaha ayaa magacaaba inta bandanna waxaa ku dhawaaqa Radio Muqdisho.

Liiska Golaha Wasiirrada waxaa loo soo dhiibaa weriyaha Gaarka ah ee Madaxweynaha, isaguna inta uu Madaxda iyo weriyayaashaba ka qariyo oo uu isku soo beego xilliga warka ayuu idaacadda ka akhrin jiray.

Wasiirrada qaar xilka laga qaaday iyaga iyo dadweynuhu isku mar ayay idaacadda ka dhegeysan jireen. Sidoo kale, waxaa jiray Wasiirro in Wasaarad kale la geeyay ka ogaada Raadiyaha. Waxaa iyagana badnaa Xubno in ay Wasiir noqdeen ka maqlay idaacadda.

Inta badan waxaa lagu dhawaaqi jiray warka 02:15 ee xilliga qadada ka dambeeya ama warka aroorta hore ee 06:30 oo mar labaad lagu celin jiray 07:50 ama 08:00 oo toban daqiiqo dhimman.

Maalin ayaa Axmed Xasan Cawke oo markaa ahaa weriyaha khaaska ah ee Madaxweynuhu uu yimid Radio Muqdisho. Markii la rawaxayay oo abbaaraha 1:30-ka ah ayuu ku haray idaacadda. Intii markaas joogtay waxay iska qiyaaseen in maanta uu ku dhawaaqi doono Xukuumad cusub.

Laakiin marnaba dadka umuu sii sheegin Wasiirrada xilkooda waayay, kuwa lagu daray Golaha oo ku cusub Dowladda iyo kuwa loo wareejiyay Wasaarad kale?

Markii wakhtigu warku uu soo dhowaaday ayuu Cawke u daaddegay dhinaca Istuudiyaasha.

Laakiin waxaa SONNA ku haray weriyihii akhrin lahaa warka oo maalintaas ahaa Maxamed Axmed Xaaji oo lagu naaneeyso Cag-ma-dhige.

Telefoon Daqiiqadda u dambeysa


Labadii duhurnimo ayaa waxaa soo dhacay telefoonka SONNA. Wuxuu ka yimid Madaxtooyada. Waxaa la raadinayaa Cawke.

Waxaa loogu jawaabay Cawke ma joogo. Wuxuu codkii telefoonka ka soo baxayay uu ku adkeystay in Cawke uu joogo oo loo yeero. Laakiin agagaarka SONNA iyo Xafiiska Wararka Radio Muqdisho oo deris ahaa waa laga waayay Cawke. Daqiiqaduhu waa ay is gurayaan.

Markii dambe telefoonku wuxuu weydiistay weriyaha warka akhrinaya haddii uu joogo in loo dhiibo.

Cag-ma-dhige markii loo dhiibay waxaa la hadlay Madaxweyne Maxamed Siyaad. 

Adeer see tahay? Ayuu war uga billaabay. 

Cag-ma-dhige wuxuu ku jawaabay adeer waan fiican ahay.

Warka ma adigaa akhrinaya maanta? 

Haa.

Qalin ma haysataa? 

Haa. 

Golaha Wasiirrada liiskooda ayaan u soo dhiibay Cawke. Waxaan doonayaa in aad is weydaariso laba ka mid ah. Wasiirka Arrimaha Gudaha Axmed Jaamac Jengeli ayaa ku qoran. Wasiirka Arrimaha Dibadduna waa Cabdulqaadir Xaaji Maxamed, sida liiska aan soo dhiibay ku qoran.
Ma taqaan labada nin? 

Haa, waan aqaan. 


Waxaan doonayaa in la is weydaariyo. 

Qor. Wasiirka Arrimaha Gudaha waxaad ku qoreysaa Cabdulqaadir Xaaji Maxamed. Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda waxaad ka dhigtaa Axmed Jaamac Jengeli.

Sidaa ha looga sheego idaacadda.

Cag-ma-dhige wuxuu tegey Istuudiyaha iyada oo in ka yar 5 daqiiqo ay ka harsan tahay Warka. Halkaas ayay Cawke isku arkeen. Wuxuu u sheegay wixii dhacay. Wakhti badan kama harin idaacadda. Mobile phone ma jiro.

Cawke wuxuu ku aamminay hadalka Cag-ma-dhige, in aanay jirin si kale oo uu Cag-ma-dhige ku ogaan karo in Jengeli iyo Cabdulqaadir Xaaji Maxamed ay Golaha Wasiirrada ku jiraan iyo xilalka ay ku qoran yihiin.

2:15 daqiiqo waxaa warka wada akhriyay Cawke oo ku dhawaaqay Golaha cusub ee Wasiirrada iyo Cag-ma-dhige oo akhriyay warka intiisa kale.

Dad badani waxay aad ula yaabeen in dhaliishii iyo eedeyntii usbuucyada socotay ka dib uu Madaweynuhu Wasiirka Koowaad mar kale u magacaabay Maxamed Cali Samatar.

Inteennii ka war heysayna waxaa noo dheeraa oo aan la yaabbaneyn isweydaarinta xilalka Jengeli iyo Masalle daqiiqaddii u dambeysay dhismaha Golaha.

Cawke inkasta oo aan arrintan ka sheekeysannay haddana Cag-ma-Dhige ayaa markii aan qorayay wabixintan aan mar labaad ka hubiyay. Waxaan weydiiyay sida uu Cawke isaga ku aamminay oo uu ugu dhiirraday in uu idaacadda ka akhriyo wax weydaaran liiska uu Madaxweynuhu gacantiisa ugu soo dhiibay. Telefoon miyuu u diray Madaxtooyada ayaan weydiiyay.

Uma maleynayo ayuu yiri in uu telefoon diro sababta oo ah wakhtiba ma jirin.

Cag-ma-dhige wuxuu ii sheegay in Cawke uu fahmay in aan Cag-ma-dhige ogaan karin waxa liiska ku qoran. Taasina ay markhaati u tahay in Madaxweynuhu uu u soo sheegay.

Tan kale oo jirtaa waxay tahay in aanuu jirin qof miyirkiisa qaba oo berigaas ka been sheegi karay arrin noocaas ah.

Samatar iyo Cabdiraxmaan Jaamac

Maxamed Ibraahim Liiqliiqato
Siddeetamaadkii Soomaaliya waa ay saaxiibbo yareysay. Waxaa batay dhaliisha iyo eedeymaha uu caalamku u soo jeedinayo Dowladda.

Soomaaliya waxay u baahatay in ay is fasirto. In ay caalamka isu fasirto. La fahmo marxaladda ay mareyso. Dowladdii saaxiib ah la sii xoojiyo saaxiibtinnimadeeda, middii aan saxiib ahayna la isku dayo in saaxiib laga yeesho ama ugu yaraan la xaqiijiyo in aanay cadow ku noqon Soomaaliya.

Si taas loo yeelo, Madaxweynaha Soomaaliya waxaa uu soo saaray wareegto. Madaxda dalka ugu sarreysa oo dhan oo uu isagu ugu horreeyo ayaa mid kasta loo qoondeeyay in uu wafdi hoggaamiyo, oo uu wadahadal la soo yeesho Madaxda hal dal ama ka badan.

Madaxda wufuudda ee ay wareegtadu xustay waxaa ugu horreeyay Madaxweynaha iyo dhamaanba Xubnaha shanta ah ee Guddiga Siyaasadda oo iyagu siyaasadda dalka ugu sarreeya.

Waa Maxamed Siyaad Barre, Maxamed Cali Samatar, Xuseen Kulmiye Afrax, Axmed Maxamuud Faarax iyo Axmed Suleymaan Cabdalla.

Wafdiga ugu horreeyay ee Dibadda u dhoofa waxaa hoggaaminayay Madaxweynaha. Habeen ayuu dhoofay. 

Inta aanuu dhoofin wuxuu isla habeenkaa ka hadlay Baarlamaanka. Wuxuu fasiray wareegtada. Wuxuuna ku dhawaaqay in Guddoomiyaha Baarlamaanka, Maxamed Ibraahim Liiqliiqato, uu yahay Ku Simaha Madaxweynaha dalka.

Waxay ahayd markii ugu horreysay ee Taliska Kacaanku uu Ku Sime Madaxweyne ka dhigo Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Madaxweynaha waxaa gegida dayaaradaha ku sii sagootiyay raggii isaga ku soo xigay, sida Samatar iyo Kulmiye, Ku Simaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Madax kale oo badan oo Golaha Dhexe ee Xisbiga iyo Golaha Wasiirrada xubno ka ah.

Waagu markuu beryay saacaddu markii ay ahayd 06:30 ayuu Radio Muqdisho Warka ku billaabay dhoofka Madaxweynaha. Raadiyuhu wuxuu raacay habmaamuuska Dowladda ee kala mudnaanta Madaxda ee dhaqanka ahayd. Wuxuu sheegay in Siyaad dhoofay ay sagootiyeenna Samatar, Kulmiye… Ku Simaha Madaxweynuhu iyo Madax kale.


Yaa hadda Dalka ka Mas'uul ah?




Yaasiin X. Ismaaciil Jirde
Wasiirka Warfaafinta, Yaasiin Xaaji Ismaaciil ayaa waxaa subaxdaa telefoon u soo diray Wasiir Cabdiraxmaan Jaamac Barre. Wuxuu xusuusiyay ballantii Madaxweynaha ee xalay oo ahayd in ku simihiisu uu yahay Maxamed Ibraahim Liiqliiqto.

Ka dibna isaga oo taas ka duulaya ayuu weydiiyay in uu fasiro sababta ay idaacaddu markii ay ka hadlaysay saaka sagootinta Madaxweynaha ay mudnaanta u siisay Samatar, Kulmiye iyo Xubnihii kale ee Guddiga Siyaasadda? Sow ma ahayn in mudnaanta koowaad uu lahaado Ku Simaha Madaxweynaha.

Yaasiin dooddiisu waxay ku salsneyd fahamkiisa ah in Mudnaanta ay leeyihiin xubnaha Guddiga Siyaasaddu laakiin maaddaama ay dhoofayaan maalin iyo laba gudahood ay tahay Sababta uu Liiqliiqato ku noqday ku sime Madaxweyne. Inta ay ayagu joogaanse ay ka leeyihiin mudnaanta.

Cabdiraxmaan wuxuu ku dooday in aan Madaxweynuhu dhihin, marka Samatar iyo Guddiga Siyaasaddu ay baxaan ayuu Liiqliiqato noqon doonaa Ku Sime. Wuxuu yiri inta aan maqan ahay waxaa Ku Sime ah Liiqliiqto.

Markii ay isqancin kari waayeen, Yaasiin wuxuu aaday Madaxtooyada. Wuxuu Xafiiskiisa ugu tegey Maxamed Cali Samatar si uu u kala caddeeyo arrinkaan. Waxaan u fahamnay in Samatar uu u soo sheegay Yaasiin in idaacaddu qaabka ay wax u fahamtay una sheegtay uu sax yahay. Inta tegitaankooda ka harreysanna ay Xubnaha Guddiga Siyaasaddu iyagu mudnaanta ka leeyihiin Ku Simaha Madaxweynaha.

Yaasiin markii uu ku soo laabtay Wasaaradda Warfaafinta ayuu la xiriiray Cabdiraxmaan Jaamac Barre oo uu isku dayay in uu sidaa wax u fahamsiiyo. Laakiin Cabdiraxmaan wuxuu ku adkeystay bartiisii hore. Wuxuuna u dhigay in Yaasiin uu jebinaayo amarka Madaxweynaha.

Maxamed Cali Samatar
Lama aqoon Madaxweynaha oo dalka Dibadda uga dhoofaya in ay cid kale ku sime u noqoto oo aan ahayn Maxamed Cali Samatar. Haddii uu isna maqan yahay muran ma geli jirin Xuseen Kulmiye in uu qabto.

Liiqliiqato inkasta oo uu yahay Generaal ciidan ahaan ka mudan qaar badan oo iyaga ka mid ah, haddana kuma jiro 25-kii Sarkaal ee Golaha Sare oo ay dad badani u arkayeen nimanka ay taladu ka go’do.

Kuma jiro shanta nin ee Xisbiga u sarreysa ee loo yaqaan Guddiga Siyaasadda.

Ma muuqato si uu u xukumi karo Maxamed Cali Samatar, Kulmiye iyo Xubnaha kale ee Guddiga Siyaasadda.

Waxay dad badani u macneysteen in ay kulligood dibadda u dhoofayaan sidaa darteed uu Madaxweynuhu Liiqliiqto uga dhigay ku sime.

Telefoonnada uu Wasiirku dirayay intooda badan waxaa goob joog ah weriyayaasha wararka iyo barnaamijyada ka diyaarinayay howlahaan.

Sababta ay Wasiirka Warfaafinta arrintu u gubeyso, labada mas'uul ee kalena ay u cadaadinayaan ma ahan keliya warkii baxay in qiil loo helo.  Haa, taasi meesha wey ku jirtaa. Waxaa ka muhiimsan wararka soo socda oo uu ka mid yahay TV-ga oo aan weli warkiisa la gaarin sida looga sheegi doono warkaan. Mas’uulkee la siinayaa mudnaanta koowaad?

Tuutaaleey


Cabdiraxmaan Jaamac Barre
Ma filayo in Samatar uu arrinta u fasiray Cabdiraxmaan Jaamac Barre. Umana maleynayo in Cabdiraxmaan uu ku dhiiran karay in uu Samatar ula tago in uu baro in ay jirto cid isaga ka sarreysa oo aan Maxamed Siyaad ahayn.

Laakiin labada dhinac mid waliba wuxuu xoogga saaray in ay Saxaafaddu isaga fasirkiisa raacdo. Waxaa dhex ku jire laga dhigtay Wasiirka Warfaafinta oo dhex taagan, isla markaana midba dhan ka garaacayaa laba garab oo heerka ugu sarreeeya ee Dowladda matalayo oo iyagu biyo hoostood iska arkay.

Waxaa weriye goobjoog ahaa uu ii sheegay in Yaasiin uu yiri, Bal maxaa Madaxweynaha ka yeersiiyay kelmeddaan?


Cabdiraxmaan Jaamac waxaa lagu tiriyaa in uu Hoggaamiye u ahaa ama ugu yaraan ka mid ahaa horseedka Siyaasiyiin iyo saraakiil sare oo ciidan oo ku kacay Samatar iyo inta la jaalka ah, ka dib shilkii baabuur ee Madaxweynaha ee 1986. 

Fallaago ma adeegsadeen laakiin kooxda gadoodday magaceeda waxaa la dhihi jiray Tuutaaleey.

Thursday, 27 October 2016

Jees iyo Masalle - QEYBTA LABAAD

Gaari ku nooc ah kii Wasiirka
Adiga ayaa ku qornaa in aad galabta ii raacdo dhagaxdhigga sida la ii sheegay. Ayuu igu yiri isaga oo weydiin ka wada. Anna waan uga jawaabay. Ma tagtay meeshii? Haa ayaan haddana ku jawaabay.

Maxaa dhacay markaas? Yaa dhagaxdhigay? Waan u sheegay. Waxaan u raaciyay sida ay wax u dhaceen oo dhan iyo meesha uu Cabdulqaadir Xaaji Masalle ku soo galay howshaan.

Wuxuu yiri Sow anigu kuma qorneyn muxuu Cabdulqaaddir ka doonay? Kamaan jawaabin.

Isaga ayaa isaga jawaabay  - Waa khalad, ayuu yiri.  Anigu meeshii ayaan tegey iyada oo aan cidina joogin oo lagu kala tegey, hadda ayaanan ka socdaa. Yaa taa ka mas’uul ah?

Aniga oo aammusnaantu ila fool xumaatay, in aan jawaabana aan dooneyn oo aan dhexgalo maroodiyaal “hardamaya” ayaan ku iri, waan ka xumahay in aad ku lug go’day.

Inkasta oo aan Wasiirka si hoose isu xog wareysaneyno, haddana waxaan ahay weriye oo waxaa iigu muhiimsan waa wakhtiga socda oo waxa oo dhan beddeli kara, uagana dari kara xaaladda aan haddaba sahlaneyn ee aan dhex taagan nahay.

Waxaan maqlaa teeb lagu garaacayo Xafiis dhabarkeyga ah oo si boobsiisa fara ku tababbartay ay uga dhawaajinayaan. Shanqar kasta oo fartu ka yeersiiso teebka waxaad mooddaa nabar igu dhacaya. Waayo waxaan qiyaasayaa in kulankaan aan Wasiirka kula jiraa uu ku biyo shuban doono in wax laga beddelo qoraalkaas hadda la garaacayo. Taas oo isqancin iyo fasiraad u baahan doonta, waaba haddii ay suurta gal noqoto e.

Inta uu Wasiirku ila hadlayo oo dhan maskaxdeydu waxay u qeybsaneyd isaga la xaaliddiisa iyo waxa aan warkaas ka yeelayo.

Shaki badan iigama jiro in SONNA ay qoreyso warkii dhagaxdhigga mashaariicda. Qoraa sare oo ay SONNA u xilsaartay in uu weriyayaasha SONNA wixii ay soo arkeen oo dhan uu hal war dhigo ayaa mid waliba u yeerinayaa qeybta uu warka ku leeyahay iyada oo la ilaalinayo habmaamuuska hormuudnimo ee madaxda ay kala leeyihiin Madaxdu.

Madaxweynaha dalka waxaa mudnaanta ka lahaa Xoghayaha Guud ee XHKS, hase yeeshee labada jago waxaa isku haya Maxamed Siyaad Barre. Madaxweynaha waxaa ku xiga Xubnaha Guddiga Siyaasadda ee Xisbiga, Kaaliyaha Xoghyaha Guud ee Xisbiga. Marka intaas laga soo tago, Wasiirrada ka tirsan Golaha Sare, Madaxda Hoggaannada Xisbiga, Wasiirrada ka tirsan Golaha Dhexe ee Xisbiga, Wasiirrada Baarlamaanka xubnaha ka ah ugu dambeyntana Wasiirrada aan Gole kale ka tirsaneyn.

Ma hubo laakiin Guddoomiyaha Baarlamaanka waxaan u haystaa in uu ku xigay Xubnaha Guddiga Siyaasadda.

Maaddaama weriyihii la igu daray uu iga raacay Duqa Magaalada, oo aan weriye ila socon, markii aan imidba waxaan SONNA u gudbiyay warka intii aan iyada ugu talo galay ee ku saabsan dhagaxdhigga Cabdicasiis.

Xafiiska Wararka ee Radio Muqdisho iyo wakaaladda Wararka SONNA, labadaba waxaa xukuma oo Wasiirka ka amar weyn warka caalamka oo soo gelaya siddeedda fiidnimo.

Mar haddii kaa la gaaro waa in la sheegaa wixii galabta dhacay. Ka dibna wax laga qaban karo iyo sabab loo showraa ma jireyso.

Markaa aniga oo ka welwelsan in warkaasi faafo inta aan Wasiirka wadahadleyno, ayaan Wasiirka hadalka ku jaray. Waxaan weydiiyay su’aal toos ah.

Hadda maxaan sameeyaa Wasiir?


In yar ayuu fekeray. Wuxuu i weydiiyay, ilaa iyo hadda war baxay oo la faafiyay miyaa jira?

Maya. Midka hadda la garaacayo oo siddeedda fiidnimo la sii deynayo ayaa ugu horreeya ayaan u sheegay.

Ma haysataa wareegtadii Madaxweynaha? Jawaabtu waa Haa. Mas’uul waliba mashruucii uu ku qornaa in uu dhagaxdhigay ku sheega.

Waa hagaag. In yar i sug aan SONNA intaas ka saxee, ayaan ku iri.

Waan ogaa in aanay ahayn ka sixid oo ereyga dhabta ahi uu ku habboonaa in aan iraahdo i sug aan SONNA intaa ka khaldee.

Sababta aan isaga u weydiisanayo in uu i sugo waa in uu amarka isagu bixiyo haddii ay dhacdo in diidmo ama xataa dood laga hor keeno farriinta silloon ee aan sido.

Jaranjarta ayaan kor ugu orday. Luuqa qololka dhexdooda ah ayaan midig ugu leexday, ka dibna iridda labaad ee midigta ah oo iyada aanan hubin in ay albaab leedahay maaddama aan lagaba rawaxin ayaan dhakhsa u galay.

Sidii aan filayay Qoraa Sare oo SONNA ah ayaa la dul tuban yahay isaguna teeb ku garaacaya warka. Dariishadda isaga ka dambeysa ee miraayadda ah waxaan uga jeedaa Baabuurka Wasiirka.

Howshii ay wadeen ayaan ka dhex galay. Warkii Wasiirka ayaan u sheegay. Way wada aammuseen. Inkasta oo aan la diidin haddana ma maqal aqbalaad. Waxaan qoraagii sare u sheegay, haddii aad su’aal ka qabto arrinkaas hadda inta aanuu Wasiirku tegin kaalay oo la hadal.

Qoraagii umuu tegin Wasiirka laakiin amarkiisii ayuu ku shaqeeyay.

Calwasaad


Siddeedda fiidnimo waxaan warka ku dhegeystay in Maxamed Cumar Jees uu galabta dhagax dhigay Bukaan-socod-eeg laga dhisayo Degmada Cabdicasiis.

Aniga oo jawahwareersan oo caga-jiid ah daal maskaxeed iyo imtixaanka damiirkeygu iga qaadayo awgiis ayaan u hoyaaday Towfiiq oo aan degganaa, maaddaama aan markaas weli ku noolaa guriga hooyadeey.

Habeenkaas inta aan gam’ay way yarayd. Su’aalo badan ayaa madaxayga ku dhashay. Qaar ay yihiin damiirkeyga, qaar ay yihiin jaahawareerka igu dhacay, qaar kale ay ku saabsan yihiin jahawareerka ku dhacay cid kasta oo arrintan si uun ugu lug leh, mid ka mid ah oo ah tan iigu cusleyd ay tahay wax aan sameyn karay in ay jiraan oo xaaladdan mid ka saxsan aan ku suurta gelin karay. Marmar wax aan i khuseyn ayaan ka fekerayay. Tolow Guddoomiyihii Cabdicasiis iyo dadkii la joogay ma waxay u qaadan doonaan in Raadiyuhu khaldamay mise waxay ku murmi doonaan in ninka u yimid uu ina Masalle ahaa iyo in uu ina Jees ahaa iyaga oo markhaati u qabsanaya idaacadda.

Aroortii xigtay ayaa markaan daal la soo toosay, waxaan haddana soo xusuustay in aanan hayn codka Maxamed Cumar Jees. Barnaamijku wuu iga xumaanayaa haddii sidii uu Madaxeygu iga dalbay aan codadka Madaxda sii daayo, laakiin aanan cod ka hayn Wasiirka Warfaafinta.

Waxaa igu billowday walaac kale. Bal maanta maxaan falaa? Sideen waxyeelaa?
Iyada oo aan go’aankeyga caro ka maqneyn ayaan goostay in aanan aqbali karin in walaacii xalay uu ii xigo mid kale oo maanta ah. Ima qabato ayaan niyadda iska iri in aan intaan oo dhan ka maro si aan shaqadeyda saani ugu guto.

Go’aan aan caro ka maqneyn ayaan gaaray. Waa in aan Wasiirka weydiiyo sida wax loo sameynayo. Haddii isaga oo xafiiskiisa iska fadhiya uu iska dhigo in uu khudbad ka jeedinayo Cabdicasiis oo uu yiraahdo ha la iga duubo bal aan aragno. Laakiin haddii uu sidaa i weydiisto maxaan falaa? Iyo imaba weydiisan ee yaanan walaac isku beerin. Mayee haddii uu lacalla i weydiisto waa in aan u sii diyaar garoobaa. Keligeey ayaa isla murmay. Ugu dambeyn waxaan isku qanciyay,  in ay tahay in isagu uu xal keeno.

Kulmiye Keliya


Xuseen Kulmiye Afrax
Waxaan tegey Radio Muqdisho. Wasiirka Xafiiskiisa ayaan ka billaabay. Saa weli ma soo gelin. Waxaa tegey khaanaddeyda, cajaladihii shalay la soo duubay oo ay ka mid tahay tii aan ka soo duubay Cabbdulqaaddir Xaaji Masalle ayaan soo qaaday oo farta ka saaray farsamo yaqaan. Ilmaan ayaan siiyay in uu ii sii diyaariyo khudbadaha madaxda, iiguna shubo isku hal cajalad isaga oo isugu xijanaya sida uu isugu xigo liis aan u dhiibay.

Aniguna waxaan fariistay xafiiska. Waxaan billaabay qoraalka Barnaamijka. Markii aan dhammeeyay isaga oo weli tifatirid u baahan ayaan haddana soo hubiyay Xafiiska Wasiirka.

Xafiiska Wasiirku wuxuu ku adkeystay in uu imaanayo. Anna waxaan ka codsaday in isla marka uu yimaadaba ay i soo wargeliyaan maaddaama howl muhiim ah oo deg deg ah aan uga baahan ahay.

Sidaas ay tahay waxaa igu billowday walaac. Ka sokow Barnaamijka khaaska ah, waxaa la iga rabaa xubin Barnaamijka Bandhigga oo hawada soo gelaya 1:30 Duhurnimo. Waana in ka hor la sii duubaa. Maxaan falaa?

Daqiiqaddii gudabtaaba waxay igu sii kordhisaa cadaadiska maskaxeed.

Tifatirirka qoraalkeyga ayaan isaga laabtay iyada oo aan niyaddeydu degganeyn. Wax yar ka dib waxaan arkay gaariga Wasiirka oo Wasaaradda soo galaya. Anna kamaba sugin ee hoos ayaan u dhaadhacay oo waan u tegey isla marka uu gaarigu joogsaday.

Shalay isaga ayay wax ku taagnaayeen marka aan bartan ku wadahadleynay, laakiin hadda aniga ayay igu taagan tahay. Waxaan u fasiray xaaladda.

Maxaan cod ka yeelnaa? ayay tahay su’aasha iigu adag.

Wuxuu yiri, Odayga keliya codkiisa sii daa. Inta kalena iyada oo aan cod ahayn qoraal ka samee.

Xuseen Kulmiye Afrax ayaa ugu derejo sarreeyay Madaxda mashaariicda dhagaxdhigtay shalay. Laakiin waan ka hubiyay Wasiirku cidda uu ula jeedo Odayga.

Odayga ma waxaad ka waddaa Xuseen Kulmiye? Haa ayuu yiri.

Ma ahayn wax sahlan in weriyayaashii mid kasta aan ka dhaadhiciyo in codadkii ay shalay ku daaleen duubitaankooda ee ay aniga igu wareejiyeen aan mid mooyee inta kale oo dhan qashinka ku daro.

Laakiin taas waxaa iiga dhib badnayd baqdinta aan ka qabay Madaxda qaar la qandhooda marka cod laga duubay Raadiyaha ka maqli waayaan. Marmarka qaarna toos caradooda ugala dul dhaca weriyaha.

Barnaamijka waxaan ku sii daayay sida uu Wasiirku dalbaday. Ka dibna waxaan la hadlay walaalaheey oo aan u sheegay haddii ay dhacdo in la i xiro in ay wargeliyaan Xafiiska Wasiirka Warfaafinta.

Ma arag cid wax ii raacatay.

F. G. 
Dhacdadani haba yaraatee sawir guud kama bixin karto, kartida ama waddaniyadda Maxamed Cumar Jees oo dalka u shaqeeyay sannado aad u fara badan, mas’uuliyado culusna ka qabtay Xukuumado kala duwan iyo ciidankaba.

Waxa aan arkay oo hal dhinac ah ayaan kula wadaagay.

Waxaan codsanayaa in iyaga oo dhintay ama naga maqan aan xukun lagu ridin Madaxda iyo shakhsiyaadka kale ee aan ka hadlayo. Maaddaama aynaan ka hayn war dhinac walba ah iyo duruufaha ku xeeran ee shaqo ama shakhsi.

Haddii kele waxay igu khasbi doontaa in aan dib uga fiirsado xogta aan soo bandhigo, oo aan ujeeddadeedu ahayn in lagu dhaleeceeyo ama xataa lagu qiimeeyo mas'uul dhintay.

Jees iyo Masalle - QEYBTA KOOWAAD

Kacaanka Oktoobar wuxuu qaban jiray dabbaaldeg sannadle ah oo ku beegan maalintii militerigu uu xukunka la wareegay waa 21-ka Oktoobar.

Waxay Dowladdu qabanqaabin jirtay dabbaaldeg iyo fantasiyo aad uga weyn kan maalinta Gobonnimada. Ilaa yaraanteydii arrintaa si uun ayaan u dhibsan jiray. 

Ilaa carruurnimadeydii waxaan u qabay in maalinta Xorriyadda aanay jirin maalin Qaran oo ka mudan. 

Markii aan garaadsadayna waxaan u arkay Kacaanka laftiisa in ay u roonayd in uu maalinta Xorriyadda xoogga saaro maaddaama ay tahay mid isu keeni karta dadka oo dhan Kacaan, Kacaan-diid iyo Moogayaashaba. Haddii aan isku qalbi la noqon maalintaas, ugu yaraan ma jiro qof ku dhaca in uu dhaliilo damaashaadka la dhigayo.

Malahaa intii aan yaraa waxaa saameyn igu lahaa maalinta dhalashadeyda oo ku beegan 26 June iyo in hooyadeey ay taas faan iiga dhigi jirtay. Naanyesta ay iila baxday waxay ahayd Gaala-Eri sidii in aan anigu dalka xoreeyay.

Dabbaaldegga Oktoobar wuxuu u badnaa gaardi ay qeybaha bulshada, hey’adaha Dowladda iyo noocyada ciidanku ay ka qeyb qaataan. Waxaa intaa dheer bandhig hubka ciidanka lugta, dabbaabbado, madaafiic, gantaallo iyo dayaaradaha ciidanka cirka.

Waxaa jiray qeyb kale oo ah Mashaariic adeeg ama wax soosaar oo la dhagaxdhigay sannadka horraantiisii ama ka sii hor si furitaankooda loogu soo beego maalinta loo dabbaaldegayo curashada Kacaanka. Waa xusuusin sannadle ah oo horumarinta dalka ku wajahan.

Siddeetamaadkii ayaa Madaxweynuhu soo saaray wareegto lagu dhagaxdhigayo mashaariic badan oo qorshuhu yahay in dhammaystirkooda lagu soo beego Oktoobar si xarigga looga jaro. Madaxda sare ee dalka ayay wareegtado mid kasta u cayintay mashruuc kana dalabtay in uu dhagaxdhigo. Mashaariicda kuwooda caasimadda laga hirgelinayo dhammaantood isku hal galab in la dhagaxdhigo ayay wareegtadu sheegeysaa.

Intaa ka dib Madaxweynuhu dibadda ayuu u dhoofay.

Madashu waa Galabta

Radio Muqdisho iyo Wakaaladda Wararka SONNA waxay diyaariyeen weriyayaal si ay mashaariicdaas uga soo warramaan. Ka mid ayaan noqday kooxda shaqada loo ratibay.

Maaddaama mashaariicdu ay tiro badnaayeen, weriyayaal ku filan una gacan bannaan ma aanay haysan labada hey’adood ee Radio Muqdisho oo warbaahinta ugu weriyayaal badnaa iyo SONNA.

Madaxda kuwii ugu derejada sarreeyay ayaa mid kasta weriye ama laba loo qoondeeyay. Aniga waxaa la igu qoray in aan raaco Wasiirka Warfaafinta Maxamed Cumar Jees oo ka tirsanaa Golaha Sare (waa 25-kii Sarkaal ee xoogga kula wareegay talada dalka) ahna xubin Golaha Dhexe ee XHKS (Xisbiga talada haya ahna Xisbiga siyaasadeed ee keliya ee dalka ka jira). 

Wuxuu u xil saaran yahay in uu dhagaxdhigo Bukaan-socod-eegto laga dhisayo Degmada Cabdicasiis. Weriye SONNA ah ayaan ku wada qoran nahay in aan Wasiirka raacno.

Qado ka dib ayaa ciidankeennii ku hubeysnaa qalmaanta, xaashiyaha, mikrafoonnada, rikoorrada iyo kaamerooyinku aan is wada raacnay oo aan mar wada tagnay Aqalka Ummadda oo ay Madaxdu ku ballameen si isku mar loo dhaqaaqo.

Guriga Ummaddu waa magacii loo bixiyay markii la dhisay Xarunta Baarlamaanka ee hadda jirta. Mar wuxuu ahaa Guriga Ummadda, mar wuxuu noqday Xarunta XHKS, ka dibna wuxuu noqday xarunta Goalaha Shacbiga. Waa markii Xisbigu uu yeeshay xarun weyn oo isaga u gaar oo ku taalla Degmada Wardhiigleey meel dhinaca ku haysa Tuulada Sportiga ee Muqdisho.

Guriga Ummaddu inta badan wuxuu ahaa Xarunta lagu qabto shirarka Qaran iyo kuwo caalami ahba. 1989 waxaan uga qeyb galay shirka Caalamiga ah oo Culuunta Soomaaliya oo ay casharro ka jeediyeen doodo-cilmiyeedna ay uga qeyb galeen aqoonyahanno Soomaaliyeed oo dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba ka yimid iyo aqoonyahanno ajnebi ah oo dhammaantood wax ka qoray Soomaaliya ama hadda ay u socota daraasad isla mowduucaas ku saabsan.

Aqalka Ummadda ayay Madaxda iyo weriyayaashu ku kulmeen. Annaga gaadiidka na geeyay halkaas ayuu ku egyahay. Weriye kastaa waa in uu gaariga la raacaa Wasiirka ama mas’uulka kale ee uu la shaqeynayo.

Madaxda qaar waan ugu nimid goobta, qaarna annaga oo joogna ayay yimaadeen.  Maxamed Cumar Jees ma imaan goobta. Madaxda iyo weriyayaashu waxay billaabeen in ay laba laba iyo saddex saddex isu raacaan oo aadaan mashruuca loo qoondeeyay.

Anigu kursi ayaan fariistay si aan u sugo bal haddii uu Wasiirku yimaado waa intaas oo uu soo daahee. Weriyaha SONNA ee aan wadaraaci lahayn Jees, wuxuu ahaa nin haddii aan soo koobo iga dhaqdhaqaaq badan. Nooc firfircooni ah oo berigaas dadka qaar ku badneyd ayuu ka shidaal qaadanayay. 

Isaga oo karkabeysan oo aad arkeyso in uu wax damacsan yahay ayuu ii yimid. Wuxuu yiri Jees ma joogo ee maxaan yeelnaa? Waxaan ku iri aan sugno. Wuxuu yiri ma sugeyno ee na keen aan raacno Duqa Magaalada oo aan weriye ku qornayn isaga. 

Waxaan ku iri anigu go'aankaas ma lihi oo waxaan sugayaa Wasiirka. Haddii uu Wasiirku imaan waayo maxaad sameyn? Raadiyaha ayaan ku noqonayaa ayaan ugu jawaabay. Wuxuu igu yiri war ninyahow fursad ayaan heysannaa ee ha naga lumin. Xasan Abshir ayaan dhul ka soo dhammeysaneynaa. Waxaan ku iri anigu dhul ma soo doonan. Adigana kaama hortaagni haddii aad adigu sidaa go'aansato. Intaa ka dib wuu iga tegey.

Wax yar ka dib ayuu igu soo laabtay. Wuxuu igu yiri, Wasiirku ma imaanayo oo xaaskiisa ayay gaari wadaqaateen marka dabcan halkan uma soo socdo ee na keen. Su'aasheydii xigtay wuxuu uga jawaabay, gurigiisa ayaan telefoon u diray oo sidaa la iiga sheegay. 

Waan la yaabay in uu haysto telefoonka guriga Wasiirka. 

Waan ogahay sababta uu u rabo in aan anigu raaco. Waa marka horee isagu waa weriye SONNA oo qoraal uun buu ka soo sameyn karaa. Wuxuu marka is leeyahay haddii weriye Raadiyuhu kula socdo cod ayaad ka soo duubi kartaan, taas oo Madaxda qaarkood ay aad u jecel yihiin.

Marka labaad wuxuu ka yara baqdin qabaa in Wasiirkeennu yimaado oo hadhow isaga lagu qabsado in uu shaqadiisii dayacay, taas oo laga yaabo in ay ka khafiifto, sida uu is leeyahay, haddii aan labadeennu wadajir u qaadannay go'aanka ka dib markii aan Wasiirka weynay.

Laakiin taa kalamaan hadal ee waxaan u sheegay in shaqadii la ii soo diray mid aan ahayn aanan aadi doonin.

Duqa Magaalada oo aan u maleynayo in uu soo dhagax dhigayay mashruuc Degmada Heli Waa' laga hirgelin rabo ayuu raacay.

Masalle

Goobtii ayaan kaligeey ku soo haray. Welwel waxaan ka qabay in Wasiirku uu toos u aado mashruuci loogu talo galay in uu dhagaxdhigo. Muddo markii aan fadhiyay ayaa waxaa soo galay Cabdulqaaddir Xaaji Masalle oo howshiisii soo gutay. Waxay wada socdaan mas'uul aan u maleynayo in uu ahaa Jaamac Gaas Mucaawiye, weriyihii awal raacayna malahaa idaacadda ayuu ku soo dejiyay oo hadda lama socdo.

Wuxuu igu yiri, maxaa meesha ku dhigay? Yaad ku qornayd? Markii aan u sheegay wuxuu yiri xaggee buu ku qornaa in uu tago? Degmada Cabdicasiis, ayaan iri.

In yar ayuu isaga oo aammusan oo hoos fiiranaya fekeray. Ka dibna inta uu i soo eegay ayuu ku tiraabay kelmado aan isla socon. Su'aal ima weydiineyn, waxna iima sheegeyn. Waxaan is irir waxay ahayd qeyb fekerkiisa ka mid ah oo ay dibnihiisu soo tufeen si aan ku talo-gal ahayn.

Sida Jees, Cabdulqaaddir wuxuu ka tirsan yahay Golaha Sare ee Kacaanka, waana Xubin Golaha Dhexe ee XHKS. Weliba waxaan tuhunsan ahay in uu markaa ahaa Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Xisbiga.

Markii uu go'aan qaatay ayaan is raacnay. Qaddar yar ka dib waxaan tagnay degmada Cabdicasiis oo ay joogaan dad aad u tiro yar oo Guddoomiyaha Degmada ag taagan.

Cabdulqaaddir wuxuu ku xanaaqay ama uu isu xanaajiyay Guddoomiyaha.
Wuxuu ku yiri Degmo dhan ayaad madax ka tahay oo laga furayo mashruuc bulshada anfaca. Sida muuqata ma aadan wargelin Dadweynaha Degmada. Dhowr ruux anigu mashruuc uma dhagaxdhigayo ee dib ayaan u laabanayaa …Marka aaad diyaar garowdaan shacab iyo Madax Allah ha ina gaarsiiyo.

Guddoomiyuhu si aan cabsi lahayn laakiin aan xushmadda ka tegin ayuu isu fasiray. Wuxuu sheegay in haweeneey halgamaa ah oo ka mid ahayd dadka howlkarka ah ee howlaha mutaddawacnimada ah Degmada ka fuliya ay geeriyootay oo Galabta la aasayo. Maaddaama aynaan iyada mushaar siin jirin, ugu yaraan waa in aan aaskeeda quweyno. Sidaa darteed dadkii kale ee mutaddawaciinta ahaa iyo kuwii ila shaqeynayay waxaan u diray aaska.

Cabdulqaadir markaas ayuu qushuucay. Guddoomiyaha ayuu garabka ka taabtay oo ku yiri Allah ha u naxariisto. Go’aan sax ah ayaad qaadatay. Magaca Islaanta geeriyootay ayuu weydiiyay, markii loo sheegayna aniga ayuu igu yiri qoro magacaas oo Barnaamijka aad sameyn doonto waxaad ku dartaa in aan halgamaagaas qoyskeeda tacsi u dirayo iyo degmadaba. Kuna ammaanayo shaqadii ay dalka u qabatay. Halkaas ayuu mashruucii ku dhagax dhigay.

Ka dib Cabdulqaddir wuu i soo qaaday oo wuxuu i dhigay goobteyda shaqada. 


Radio Muqdisho

Weriyayaashii si habqan ah ayaa midba mar ugu soo noqday Warfaafinta. Mas’uulkii markaa howsha Radio Muqdisho noo diray wuxuu soo jeediyay in cajaladaha la soo duubay oo dhan aniga la igu wareejiyo. Waxaa lagu heshiiyay in caawa uu baxo war ay SONNA qortay oo aan codad wadan. Berrina aan anigu diyaariyo oo sii daayo barnaamij ay ku jiraan codadka Madaxda oo dhan.

Aniga oo cajaladaheygii isku duwaya oo midba gooni u suntaya dadka qaarna ay iska sheekeysanayaan oo aan fadhinno jalbeebka barxadda Wasaaradda Warfaafinta kuraasta dhagaxa ah oo uu dhigay Cabdi Xaaji Gobdoon markii uu ahaa Agaasimaha Guud, ayaa waxaa soo galay gaari cad oo Mercedes ah.

Waxaa gacantiisa ku wata Wasiirka Warfaafinta Maxamed Cumar Jees. Waa keligiis. Intuu aayar noo dhaafay ayuu soo kala fireeyay markii uu ku tegi rabo derbiga gadaale ee Guriga Wasaaraddu ay leedahay ee ku sii jeeda Madaxtooyada ee hadda ay deggan tahay safaaradda Ethiopia.

Waxaa uu gaariga joojiyay inta aanuu soo gaarin jaranjarooyinka laga galo dhismaha Xafiisyada Wasaaradda. Baabuurka wuu demiyay laakiin kama soo degin. Niman madax ah oo nala joogay ayaa aaday.

Madaxda warbaahintu mid hoose iyo kan ugu sarreeya shaqadooda si buuxda ugama nastaan galab iyo habeen toona. Agaasimayaasha qaar badan galab kasta wey yimaadaan qaarna habeenkii ayay meesha ku fiidsadaan. Habkan waa mid ay isla yaqaannaan Wasiirku marka uu jeclaan lahaa in uu awaamir bixiyo ama ugu yaraan ay kala warqaataan madaxda Raaadiyaha iyo SONNA laakiin aanuu dooneyn in uu soo dego oo uu xafiis fariisto ama aanuu wakhtiba u hayn. Marka aanuu gaariga ka soo degin kolba mas'uuliyiinta ugu sarreysa inta markaa joogta ayaa u taga oo la soo hadla isaga oo gaarigiisa dhex fadhiya.

Warku wuxuu u badan yahay in wixii jira iyo sida ay howshu ku socoto la kala warqaato. Laakiin Galabta arrintu waa ay ka yara beddelan tahay. Wasiirku ma faraxsana. Ma gudan shaqadii uu u xil saarnaa ee ku cad wareegtada Madaxweynaha ama ugu yaraan sidaas ayaa loo muujiyay.
Aniguna waxaan gacanta ku hayaa markhaatigeedii. Fursad ciriiri ah ayuu haystaa. Taas oo ah in aanan weli Madaxda iyo Dadweynaha la wadaagin markhaatiga. Laakiin isagu ma oga.

Inyar ka dib aniga ayaa la ii yeeray, Madaxdii Waaxyaha oo ku xoonsan gaariga Wasiirka ayaan u tegey. Wuu i salaamay. Anna waan ka qaaday. Wasiirku wuxuu Agaasimayaashii ka dalbaday in ay noo firaaqeeyaan. Iyaguna waa ay yeeleen.

Kala soco waxa na dhex maray aniga iyo Wasiirka Qeybta Labaad ee Jees iyo Masalle oo aan qorsheynayo in aan Bloggan ku daabaco 24 saacadood gudahood.