Wednesday, 28 December 2016

Bil fasax ah ayaan ku maqnaa 264 Bilood

Aniga oo Jaamacad ka qalin jebiyay.  Aniga oo safarro aqoon kororsi u tegey France iyo Zimbabwe.  Aniga oo haysta dhowr shaqo oo wanaagsan oo aan ku faraxsan ahay.  Dhul iibsaday oo markaa guri dhisanaya.  Guursaday.  Gaari wanaagsanna wata. Aniga oo weliba ka sii dhallinyar inta aan maanta ahay.

Isu geyn aniga oo nolosheyda ku faraxsan wax aan tebayaana jirin, ayaan 26 sano ka hor maanta oo kale ka dhaqaaqay wixii aan haystay oo dhan, oo aan ka dhoofay dalkeyga hooyo, Soomaaliya.

Amni darro darteed.

Maalintii aan dhoofayay waxaa gegida dayaaradaha la i geeyay galab dheer, inkasta oo ay dayaaradda Airbus ee Somali Airlines ay kacaysay ku dhowaad habeen-barkii.  Sababta la ii carraabiyay waxay ahayd in anuu jirin gaari socon kara marka gabbalku dhaco.  Iyada oo amar sidaa qorayaa aanuu jirin, ayay dadku cabsi awgeed isku soo rogeen bandow.

Inkasta oo uu dagaalka sokeeya uu qeybo waddanka ka mid ah ka socday sannado, habeenkii aan dhoofay laba maalmood ka dib ayuu si buuxda uga qarxay Muqdisho.

Khibrad aan ka helay shaqadeydii Laanqeyrta Cas ayaa wax i tartay.  Magaalooyinka Burco iyo Hargeysa oo aan dagaalka ka hor aqaannay ayay Laanqeyrta Cas shaqadeedu fursad ii siisay in aan tago oo ka shaqeeyo labadaba markii lagu dagaallamay iyaga oo weli ku jira xaalad colaadeed.  Xarun waxaa ii ahayd Berbera oo aan dayaarad ugu kala gooshi jirnay magaalooyinka Burco, Hargeysa iyo Borame marka laga reebo mar aan Gobolka Awdal baaddiyihiinsa inta badan gaari ku maray iyo mar aan sii socod iyo soo laabasho aan gaari ku marnay waddada isku xirta Berbera iyo Burco. 

Saddex nin ayaan ahayn.  Labada kale midkood Swiss yahay midna Belgium u dhashay ayaan wada soconnay.  Gaari ciidan oo naga dambeeyay waxay SNM-tu ku qarxisay markii aan dhaafnay Shiikh oo u gudubnay dhanka Burco.

Safarkaas annaga oo nabad qabna ayaan ku soo laabannay Berbera.  Inkasta oo weerarkaasi ka dhacay waddada.

Labadii nin ee ajnebiga ahaa ee aan wada soconnay dhowr toddobaad ka dib ayaa midkood lagu dilay aagga Hargeysa.

Xaaladda aan labadaas magaalo ku soo arkay darteed ayay naftu ii diidday in aan Xamar ku sugo dagaalka ay sansaantiisu u muuqatay qof kasta oo daqiiqado yar si miisaaman uga fekera.

In aan dalka ka dhoofo oo aan ka fogaado indhaxumada dagaalka ayuu go’aankeygu ahaa.  Bil fasax ah ayaan ka qaatay shaqadii iigu muhiimsanayd.  Bar aan tilmaansaday ma lahayn.  Runtiina maba jirin meel aan u socdo oo muraad iga yaal.

Habeenkii aan Muqdisho ka dhoofayay waxay ka mid tahay habeennadii iigu murugo badnaa nolosheyda.

Rajo waan ka qabay in Dowladda iyo Jabahaduhu ay kala adkaadaan oo midkood dalka u soo haro ama ay heshiiyaan oo markaa aan soo laabto.  Laakiin maskaxdeydu ma aqoon goorta aan soo laaban doono iyo in aan soo laaban kari doono.

Ninkii madaxa ii ahaa ayaa aad isugu dayay in uu i baajiyo. Wuxuu igu yiri waxaad tahay Laanqeyrta Cas, waxaadna dalka ka dhoofeysaa maalintii laguugu baahi badnaa!  Maxaad dareemeysaa?

Waxaan ku iri, xaaladda Muqdisho waa ay ka duwan tahay meelihii kale ee aan ilaa hadda ka shaqeynayay.  Waa magaaladeyda.  Marka uu dagaalku halkan soo gaaro dhinacyada dagaallamayaa iima arkayaan Laanqeyr Cas.  

Dhibbane cidna ma caawiyo.  Inta aan noqon lahaa dhibbane waan ka fogaanayaa xabbadda, laakiin haddii ay dowladdu adkaato ama la rido durba waan soo laaban.  Hadda ma dhex joogi kario, dariiqyada Xamar oo lagu dagaallamayo, in aan ka shaqeeyana warkeedba daa.

Maalin kale wuxuu igu yiri, ma og tahay in aan ogahay in aanad soo labaneyn? Waxaan ku iri ma ogid mana ogaan kartid.  Sababta oo aah aniga ayaaban ogeyn in aan soo laabanayo iyo in kale.

Inkasta oo ay murugo badan oo dalka ku saabsani ay i soo martay, haddana Ilaaheey mahaddii noloshii aan soo maray 26-kaa sano waxay ii ahayd horumar shakhsi ah.  Waxaa ii kordhay aqoon waxbarasho, xirfad shaqo iyo xog ogaalnimo isbeddellada dalka ka dhacayay oo in badan aan goob joog u ahaa ama aan Soomaalida iyo caalamkaba uga warramayay.  Ka sokow laanta Soomaaliga, waxaan si joogta ah uga bixin jiray Raadiyayaasha iyo TV-yada BBC warbixinno iyo falanqeyn dhacdooyina Soomaaliya.

Waxaan  fursad u helay in aan hadba kuwa isbeddelka markaa sameynaya ku wareysto telefoon.  Marmar aan fool-ka-fool ula sheekeysto dalka gudihiisa ama ayaga oo yara dabacsan awoodna aan haysan dalka dibaddiisa iyo weliba ka dib marka ay xilka ka dhacaan.  Aakhirkii waxaan isku deyay in aan isbeddellada dhacaya aan dejinta naqshaddooda kaalin horseed ah ku yeesho.

Intii aan dalka ka maqnaa waxaan ku noolaaday dhowr dal oo Yurub ah.  Waxaan  socdaal ku tegey dalal kale oo badan oo qaarado kale ku yaalla.  Waxaa ii suurta gashay in aanan is-dhiibin oo aanan marnaba qaadan waraaqo Qaxootinnimo.

Dalal badan oo caalamka oo aan shaqo, waxbarasho ama dalxiis aan u tagay intooda badan waan awoodaa in aan aado magaalada aan doono marka aan doono aniga oo keligeey ah.  Dalalkaas qaarkood dadkooda inta badan uma muuq iyo midab eki.  Isku diin ma wada ihin.  Isku luqadna kuma fekerno.  Weligeey wax ma tarin.  Xaq aan ku leeyahay oo gaar ahina ma jiro.  Aabbahay iyo walaalaheey uma soo dagaallamin difaaca dalalkaas sida ay ugu dagaallameen dalkeyga.

Waxyaabaha aan xusuusto waxaa ka mid ah mar aan tegey Spain oo aan goostay in aan gaari ku tago Jaxiiradda Gibraltar ama Jabal Taariq oo ah Jaziirad Ingiriisku xukumo oo ku ag taalla Spain kana fogeyn Morocco.  Waa Jaziirad ku caan ah buur weyn oo hal dhagax ah.  Midda ugu tilmaan dhow laakiin aad uga yar waa Buur Hakaba.

Waxaan ku socday khariidad ku daabacan xaashi oo aan internetka kala soo degey.  Mar aan istaagay meel aan shidaal ka iibsanayay ayaan qof Spanish ah oo tukaanka iibineysay aan weydiiyay tilmaan si aan u hubsado.  Qofku kuma hadlo af aan Spanish ahayn.  Waxay igu kalliftay in aan jacbur ku wada hadalno isugu jira Spanish iyo afafka ay isku bahda yihiin ee Talyaani iyo Faransiis.  Ugu dambeyn waan fahmay tilmaanta uu qofku i siiyay.

Ima weydiin qofka aan ahay iyo meesha aan ka imid.  Ima weydiin in aan sidiisoo kale ahay Katoolig, oo ah diinta ugu badan ee dalka Spain.  Ima weydiin haddii aanan diintiisa haysan midda aan rumeysan ahay.  Imana weydiin waxa iga yaal Gibraltar.  Iguma mashquulin ee noloshiisa ayuu ku mashquulay. 

Soomaaliya, dalkeyga hooyo waxaan dib ugu soo laabtay in aan dego muddo hadda 4 sano laga joogo.  Waa 264 bilood ka dib markii ay iga dhammaatay bishii fasaxa ahayd ee aan shaqadeyda ka qaatay.

Maanta oo la marayo 2016 weli suurta gal iima aha in aniga oo xor ah aan dalkeyga dego meesha aan doono, marka aan doono.  Degaan waa meeshiisa ee xataa magaalada aan ku dhashay kuna barbaaray sida aan doono uguma socdo.

Cadowga aan ka baqayo ma aha shisheeye ee waa Soomaali.  Wax aan taray mooyee ma jiraan wax aan u dhimay.  Xataa imaba yaqaan hadduu doono.

Marka aan ka fekero Dowladdii Soomaaliya ee ay Soomaalidu gacnaheeda ku burburburisay waxaan soo xusuustaa hadal uu Madaxweynaha Ruushku, Vladimir Putin, yiri sannadkii 2005.  Wuxuu yiri burburkii Midowga Soofiyeeti wuxuu ahaa masiibadii ugu weynayd ee qarniga. 20aad soo marta caalamka.


Mar dambe ayaa Telefishin Jarmal ahi wax ka weydiiyay oraahdaas.  Putin wuxuu ku jawaabay tu kale oo ka xiisa badan.  Wuxuu yiri, annagu Ruush ahaan waxaan dhahnaa haddii aadan ka qoomammeyn burburkii Midowga Soofiyeeti qalbi ma lihid. Laakiin haddii aad ka qoomammeyso burburkii Midowga Soofiyeeti maskax ma lihid.

Saturday, 24 December 2016

Ma jiri karo Xildhibaan Qooto Qooto

Waxay ahayd sannadkii 2004 magaalada Nairobi markii Maxamed Cumar Xabeeb, oo ay dadku ugu yeeri jireen Maxamed-Dheere, uu bil gudaheed isaga casilay kursigii Baarlamaanka ee uu ku guuleystay. 

Wuxuu kursigiisii Baarlamaanka u hibeeyay Cali Maxamed Geeddi oo uu Madaxweyne Cabdullaahi Yusuf damacsanaa in uu u magacaabo Ra’iisal Wasaare.

Axdigii KMG-ka ahaa ee berigaas lagu dhaqmayay ayaa shuruud ka dhigayay in muwaaddinka loo magacaabayo Ra’iisal Wasaare uu ahaado Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka.

Si uu Cali Maxamed Geeddi u buuxiyo shuruuddaas ayay ahayd sababta uu Maxamed – Dheere ugu banneeyay kursiga.

Intii ka dambeysay marar badan ayay dhacday in Xildhibaan geeriyooday uu beddelo wiilkiisa ama walaalkiis. Waxaa kale oo dhacday Xildhibaan iskiis uga tegey Baarlamaanka oo qof uu isagu keenay uu la wareego kursigiisii.  Waxaa iyaduna dhacday in laba walaalo ahi ay wadaag ka dhigteen hal kursi oo labadoodu uu mid waliba midka kale u banneeyay ugu yaraan laba jeer tan iyo 2012.

Tallaaboyinkaas oo dhan ma ahan kuwo qurxoon, laakiin ma ahayn kuwa Dastuurka ama Xeerarka Baarlamaanka jebinaya laba sababood dartood.

Kuraasta waxaa lagu qeybsaday hayb.  Xildhibaanka banneeyay iyo midka uu ku wareejiyayna waa isku hayb.

Marka labaad, Xildhibaanka cusub wuxuu ku soo galayay Baarlamaanka nidaam u dhigma midka ay ku soo galeen Xildhibaannada kale.  2004 waxaa lagu gelayay Baarlamaanka in Hoggaamiye Kooxeedka Beesha iyo Hoggaamiye Dhaqameedka labaduba ay ansixiyaan murashaxa Xildhibaan noqonaya.

2012 waxaa meesha laga saaray Hoggaamiye Kooxeedyadii ay Maxkamaduhu ka adkaadeen oo waxaa awoodda xulidda Baarlamaanka la siiyay Hoggaanka dhaqanka oo keliya.

Doorasho

Hadda 2016 waxaan yeelannay laba Aqal oo mid kastaa uu ku yimid nidaam ka duwan labadii Baarlamaan ee ka horreeyay.

Aqalka Sare wuxuu ku yimid in ay soo wakiisheen Dowlad Goboleedyadu. Isbeddel kasta oo Xubnihiisa lagu sameynayana waxaa loo mari doonaa isla wadiiqada uu hadda ku yimid.

Aqalka Hoose ee Baarlamaanka waxaa lagu soo galay nooc doorasho ah oo Xildhibaan kastaa uu ku guuleystay aqlabiyadda cododka 51 muwaaddin oo jifadiisa ama jifadeeda ah.

Haddii ay dhacdo in kursi Aqalka Hoose uu bannaanaado ka hor 2020 – sababtu ha noqoto geeri, is casilaad, ka eryid ama gudasho waa' waajibaadka sabab caafimaad darteed, ama sababo kale oo ay ka mid noqon karto in Xildhibaan loo magacaabo ama loo doorto uuna aqbalo xil Dowladeed oo aan ahayn Wasiir Federaal ah, waxaa la fili karaa in buuxinta kursigaas loo maro nidaamka doorasho ee qofka kursiga banneeyay uu markii hore ku yimid.

Macnaheedu waxay noqoneysaa in la abaabulo doorasho ay u fariistaan 51 ruux iyada oo murashaxnimaduna ay u furan tahay muwaaddin kasta oo jifada kursiga loo qoondeeyay ka tirsan oo daneynaya in uu u tartamo kursiga.  Dabcan qoondada haweenka ayaa iyaduna tixgelin u baahan doonta.  Haddii Xildhibaanka kurisga banneeyay uu gabar yahay dabcan gabdhaha oo keliya ayaa u tartami doona.

Haddii la doonayo in doorasho laga baaqsado waxaa la qaadan karaa nidaam ah in Xildhibaanka banneeyay kursiga dib loo eego doorashii uu marka horeba kursiga ku yimid, markaasna murashaxii galay kaalinta labaad uu hadda buuxiyo kursiga iyada oo aan loo tartamin.

Waxaa lama huraan ah in arrinkaan go’aan looga gaaro si dhakhsa leh, maaddaama sababaha kor ku xusan awgood ay dhici karto in kursi ama ka badani ay bannaanaadaan wakhti aan qofna sii odorosi karin. 

Go’aanka laga gaaro arrinkan waa in la shaaciyo si ay u fahmaan dadka Baarlamaanka dibadda ka jooga ee ku fekeraya in iyaga oo aan la dooran ay marka ay u baahdaan ay qooto qooto uga mid noqon karaan Baarlamaanka. 

Sidoo kale waxaa u baahan in ay nidaamka fahmaan Xildhibaannada Baarlamaanka ee ay gacansaarka leeyihiin dadka daneynaya in ay Baarlamaanka ka soo galaan dariishadda. Xildhibaannadaasi inta aanay kursigooda iska casilin waa in ay fahmaan in aanay iyagu kursiga siin karin cidda ay doonaan ee ay tahay in Xildhibaanka iyaga beddelayaa uu isaguna ku soo baxo doorasho.

Nidaamka aan ka hadlayo ee iyada oo aan xilli doorasho la joogin haddana doorashada loo abaabulo hal kursi waa nidaamka ka jira dalal badan oo Dimuqraaddi ah.  Dalka UK waxaa doorashada noocan ah loo yaqaan By-election halka Mareykanku u yaqaan Special Election.

Wednesday, 21 December 2016

Sheekada Xamar ee Disembar 2016

Xamar waxaan ka dhoofay iyada oo ay is dhintay tirada siyaasiyiinta iyo inta siyaasadda kulaasha. Waxay ku maqnaayeen caasimadaha Dowlad Goboleedyada oo ay doorashadu ka socotay.

Hadda waxaan imid iyada oo buux-dhaaf ma dhihi karo laakiin aad u cammiran.

Waxaa yimid Xildhibaanno cusub oo sita shahaaddooyin Gobollada laga soo siiyay.  Dadkii soo dhisay ama la soo dagaallamay Xildhibaannada. Qaar ka mid ah dadkii ku soo bixi waayay kuraasta ay u tartamayeen. Murashixiin Madaxweyne.  Gobollada ama xataa dibadda dad uga yimid in ay Madaxweyne soo saaraan iyo weliba dad daawasho iyo yaan lagaaga sheekeyn u yimid Muqdisho oo qaarkood ay dalka dibaddiisa ka yimaadeen.

Ma ahan dad keliya waxa magaalada soo buuxiyay ee iga dambeeyay. Waxaan Caasimadda ugu imid sheekooyin aan kala go’ lahayn oo lagu hayo hoteellada, makhaayadaha iyo xafiisyada. Sheekadu waxaa kale oo ay ka socotaa xataa qaar ka mid ah guryaha ku yaalla xaafadaha magaalada qaarkood. Waa xaafadaha ay ku yaallaan guryaha ay deggan yihiin Madaxda, saraakiisha, shaqaalaha, howlwadeennada kale iyo qandaraaslayaasha dowladda intooda badan.

Waa sheeko ku saabsan doorashada 2016 oo hadda ku sigan in ay foodda la gasho 2017.

Maaddaama aan diblomaasiyad ka shaqeeyo qeyb kama ihi tartanka doorashada, kaalinna kuma lihi ololaha doorashada ee aan ku koobnayn laakiin uu xooggeedu ka socdo Muqdisho.

Sidaa darteed sheekooyinka waxaa iigu xiisa badan kuwa ku saabsan Xildhibaannada ilaa hadda soo baxay oo uu mid kastaa ku soo guuleystay ama ay ku soo guuleysatay aqlabiyadda codadka 51 qof oo ay isku jifo hoose yihiin.

Run miiran iyo mid la cayiliyay waxa ay tahay ma aqaan, laakiin Xildhibaannada soo galay intooda aan la sheekeystay ama la iiga sheekeeyay mid kastaa waa halyeey.

Wuxuu hayaa ama ay haysaa sheeko dheer oo ku saabsan sida uu ku soo baxay ama ay ku soo baxday.  Inta dabin ee mid kasta uu kursiga ku waayi karay balse uu ka soo tallaabsaday. Caqabadahaas oo ay u dhigeen ama ugu yaraan ay qeyb weyn ka qaateen dad ay isku reer yihiin ama xataa Suldaanka beesha. Mid kastaa wuxuu kuu sheegayaa inta uu dad iska reebay iyo kuwa uu ka guuleystay.

Qaarkood waxay ka sheekanayaan qof la tartamay oo u dhaqmay si aan la aqbali karin iyo sida ay caqabaddaas uga guuleysteen.

Qaar baa ka sheeganaya dhinacyo kale oo kala duwan. Xildhibaannada qaar waxay ka dhigayaan sidii in ay ahayd wax la iska og yahay in ay soo baxayaan. Waxay u dhigayaan jilibka ay ka yihiin jifadoodu in uu yahay kan ugu tiro badan jilibyada hoose ee reerka halka uu murashaxa la tartamay uu ahaa jilib ka tiro yar.

Bal Adba!


Sheekooyinka iyagana laga sheekeysto waxaa ka mid ah Xildhibaannada magaca dheeraa ee hadda kursigoodii waayay iyo sida ay arrintaasi ku dhacday.  Markii aan Muqdisho ka dhoofayay waxaa socday kaftan ah  Xildhibaan hebel wuxuu ka cabanayaa mid yar oo beeshooda ah oo lagu tag gareeyay.  Haddii lagu tag gareeyay iyo haddii uu keligii is dirayba hadda natiijadii ayaa la hayaa. Waxaa keliya oo furan waa post-mortem.

Kursi uu hore u fadhiyay Xildhibaan aad loo yaqaannay amaba Wasiir ahaa dadka ku soo baxay qaarkood si farxad leh ayay kuugu sheegayaan in ay yihiin qofkii Xildhibaan hebel ka guuleystay.

Waxaa mar walba la i baraa saddex ama afar Xildhibaan oo wada socda oo dhallinyaro u badan. Qaar kale oo aanan anigu toos ula kulmin iyagana waa la iiga sheekeeyay.

Xildhibaannada cusub waxaa ka mid ah Xildhibaan ku soo barbaaray xeryaha Qaxootiga ee Dhadhaab.  Qofkii galay ama booqday ayaa xaaladdooda ka warqaba.  Waxaa ka mid ah Xildhibaan Minnesota ka timid oo la ii sheegtay in ay tahay milkiilaha astaan naqshadda dharka ah.  Waxaa ka mid ah Xildhibaan halgan ka soo billaabay caseeye, soo maray shaqooyin kale oo badan.  Intaa ku garab waday waxbarasho iyo dadaal ilaa uu isaga oo shaqeynaya Jaamacad iyo mid labaadba ka qalinjebiyay.

Waxaase iyaguna ku jira Baarlamaanka Xildhibaanno ka tirsanaa Baarlamaankii hore, kuwo ka tirsanaa kii ka horreeyay iyo weliba qaar kii ka sii horreeyay xubin ka ahaa. Qaarkood Xubinnimadooda Baarlamaanku hakad ma gelin tan iyo sannadkii 2000.

Go’aammada ugu Muhiimsan


Xildhibaannadii hore iyo Xildhibaannada cusub waa laga yaabaa in ay wax badan wadaagaan, laakiin waxyaabo ay ku kala duwan yihiin ayaa jira. 

Xildhibaannada hore waxay leeyihiin cadow siyaasadeed oo dagaallo hore oo siyaasadeed oo badan ayay ka soo qeyb qaateen.  Sidoo kale waxay leeyihiin saaxiibbo siyaasadeed oo ay isku dhan wax u wada riixayeen. 

Qaarkood waxay ka tirsan yihiin isbahaysi siyaasadeed oo la yaqaan waxa diiwaanka ugu yaal. Xildhibaannadaasi waa kuwo la qiyaasi karo waxa ay galaan iyo waxa ay gudaan iyada oo laga tusaale qaadanayo nooca mooshinnada ay hindiseen iyo mowqifka ay ka qaateen mooshinnada kale.

Dadka aan la qiyaasi karin jihada ay u dhaqaaqi doonaan waa Xildhibaannada cusub.  Foolkooda iyo indhahooda waxaa ka muuqda iftiin, ifafaalo wanaagsan iyo rajo.

Xildhibaannada dib loo soo doortay iyo Xildhibaannada cusub marka la dhaariyo ka dib waa loo kala bixi doonaa. Fool-ka-fool ayay hal qol gudihiis ugu shaqeeyn doonaan. 

Mas’uuliyaddooda waxaa ugu soo horreyn doona in ay durba qaataan go’aammada ay gaari doonaan afarta sano ee soo socda kuwooda ugu adag uguna muhiimsan.  Xataa waxaa laga yaabaa in ay noqdaan noloshooda oo dhan go'aan ay qaataan midka ugu muhiimsan. Waa go'aan ku saabsan masiir ummadeed.

Waa go’aanka ay murashax uga dhigi doonaan Madaxweyne iyo midka ay murashax kale uga dhigi doonaan Guddoomiye Baarlamaan.

Go’aammada kale ee markiiba ku soo xiga waxaa ka mid ah laba iyaguna aad muhiim u ah.  Waa Ansixinta Ra’iisal Wasaaraha iyo Golaha Wasiirrada.

Xildhibaannada cusub ma waxbay ku soo kordhin doonaan oo sare ayay u qaadi doonaan habka uu Baarlamaanku ku shaqeeyo mise maya?  Mise Xildhibaannadii hore ee dib loo soo doortay ayaa tababbari doona oo iyaga ayay ku dayan doonaan? Jawaabtu ma cadda.

Tababbarka Caga-Baruurka


2009 ayay  ahayd markii Djibouti shir lagu qabtay lagu heshiisiiyay Dowladdii KMG-ka ahayd iyo Kooxdii matalaysay dhiancyada hubeysan ee Islaamiyiinta u badnaa ee la dagaallamayay Dowladda iyo ciidammadii Ethiopia ee taakuleynayay Dowladda.

Baarlamaanka ayaa kuraastiisa tiradooda la laba-laabbay oo lagu daray kuraas la tiro eg intii uu awal ka koobnaa si mucaaradka loo soo xareeyo.  Xildhibaannada kuraastaa lagu qoray waxaa ka mid noqday dad badan oo Islaamiyiin ah iyo qaar kale oo dhallinyaro ah oo aan hore siyaasadda uga qeyb qaadan. 

Waxaan ka mid ahaa dad ku shaahayay Nairobi mar arrintaas su’aal laga weydiiyay nin ka mid ah Hoggaamiyayaashii dagaalka ee siyaasaddii kooxaha hubeysan ku gaammuray oo markaa ka tirsanaa Baarlamaanka.

Iyada oo loo quusgoynayo ayaa lagu yiri dad badan oo nadiif ah ayaa soo galay Baaralaamnka ee maxaad faleysaan? Wuxuu yiri waan tababbareynaa.  Markaas ayaa lagu yiri isku sheekaba ma tihidin oo nimankani wadaaddo ayay u badan yihiin ee sideed u tababbareysaan? 

Wuxuu yiri, in aan la hadalno uma baahnin ee keliya wakhti ayaan u baahan nahay in aan wadashaqeyno, waxaadna arki doontaa in ay nala mid noqdaan. Libaaxu marka uu carruurtiisa ku tababbarayo sida loo ugaarsado, uma baahna in uu la hadlo, ayuu daba dhigay.

Waxay ahayd arrin feker igu dhalisay, dhacdooyinka qaar markii aan arkayna aan is weydiiyay in hadalkii Hoggaamiye Kooxeedku uu sax ahaa iyo in kale.

Xildhibaannada cusub waxaa looga fadhiyaa in ay noqdaan kuwo siyaasadda Soomaaliya sare uga qaada heerka hadda la soo gaarsiiyay, Baarlamaankana ku muda cirbad firfircooni hor leh siisa si uu u noqdo mid soo kordhiya tallaabooyin loo aayo.

Waxaan u rajeynayaa Baarlamaanka 2016 in uu muujiyo biseyl siyaasadeed oo hore u sii wada inta wanaagsan howlaha ay soo qabteen Baarlamaannada isaga ka horreeyay, kana digtoonaada oo cashar ka barta khaladdaadkii hore u dhacay.

Shaki kama qabo in ay jirto fursad ay Soomaaliya hore ugu tallaabsato.