Monday, 20 February 2017

Doodihii Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed - Qeybta Koowaad

Xarunta Shabeelle ee Jaamacadda
Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed (JUS) berigii aan ardayga ka ahaa 1982 – 1986 waxaa dhaqan u ahayd in ay qabato dood cilmiyeedyo iyo muxaadarooyin ay qaarkood jeediyaan aqoonyahanno iyo Madax Sare oo ay Wasiirro ka mid yihiin.

Doodaha xusuusta igu reebay waxaa ka mid ah dood loo bixiyay Qabiilka iyo Qaranka oo toddobaad ka socotay xaruntii Jaamacadda ee Shabeelle.

Madaxweynaha ayaa furay, soona gunaanaday. Inta ay socotayna waxaa Guddoominayay Wasiirka Tacliinta Sare oo markaa ahaa Cabdiqaasim Salaad Xasan.  Waxaa ka hadlay madax sare iyo aqoonyahanno waaweyn.

Maalinba mowduuc ayaa la soo qaaday. Maalintii laga hadlay Qabyaaladda iyo Hantida Qaranka, waxaa la sheegay in qabiilku uu ku dhiirri geliyo qofkii Madax noqdaa in uu xado hantida dowladda. Waxaa tusaale loo soo qaatay in ay qofka Madaxda ah ay xubnaha qabiilkiisu ay ku yiraahdaan hebel oo aad haysaan jagooyin isu dhigma wuxuu tabcaday hanti badan adna waxba ma haysatid.

Waxaa jiray Macallin Jaamacadda wax ka dhiga oo dhakhtar ka ahaa Isbitaalka Digfeer oo sheegay in qabiil kastaa uu leeyahay qab, neceb yahayna qofkii iyaga ka tirsan oo ku kaca fal sharaftooda dhaawacaya.  Sidaa darteed wuxuu soo jeediyay in marka qof mas’uul ah lagu helo xatooyo xoolo dadweyne oo la xukumayo in marka magaciisa la sheego lagu daro reerka uu yahay oo la yiraahdo hebel hebel oo xaday daawada dadka xanuunsan loogu talo galay waa nin reer hebel ah.  Isla markaasna la raaciyo inta jeer ee qof reerkaas ah sannadkaan lagu qabaty xatooyo.  Oo tusaale ahaan la yiraahdo waa markii shanaad ee reerkaas ay fal tuugo ah ku kacaan sannadkaan.

Bidix ka billow: Xaayow, Shiine, Garaad iyo Samatar.
Waxaa kale oo jiray aqoonyahan ku dooday in tusaale ahaan marka qofka ay geeri gasho ama uu qof ka xanuunsado oo uu u baahdo kharash badan oo lagu daweeyo oo markaas aan qofkaasi aqoodin ay khasab tahay in ay qabiil la kaashadaan.  Markaa sida keliya ee taas looga gudbi karaana ay tahay in ilaa la helo adeeg bulsho oo ay Dowladdu u fidiso muwaaddin kasta in aan laga maarmi doonin ku tiirsanaanta qabiilka.

Macallin sare oo Jaamacadda dhigi jiray ayaan xusuustaa in uu hadalkiisa ku billaabay hordhac ahaa in markii la furay symposium-ka uu ka shakisanaa in aan xor loo hadli karin. Markii uu arkay in xor loo hadlayana uu u qaatay in la is calool baarayo oo la xiri doono dadka arrimaha qaar soo hadal qaada.  Laakiin ka dib markii uu arkay in dhowrkii maalmood ee u u horreeyay dadkii hadlay aan la xirin uu isaguna maanta ku dhiirraday in uu dhiibto aragtidiisa.

Waxaa jiray mas’uul ku dooday in qabiil aan la tirtiri karin oo dadku ay is garanayaan laakiin ay tahay qabyaaladda waxa loo baahan yahan in lala dagaallamo.

Qormada tan xigta waxaan ku soo qaadi doonaa dood dhex martay Cabdiraxmaan Jaamac Barre iyo ardayda Jaamacadda.

Sunday, 19 February 2017

Xafid Rasaasta

Rasaas in la rido oo lagu dabbaaldego waa laga habboon yahay sababo dhowr ah awgood.

Sababaha waxaa ka mid ah in rasaastu ay lacag ugu fadhido dowladda.

Midda kale, Soomaaliya waxaa saran cunaqabateyn hubka ah oo ay Qarammada Midoobay ku soo rogtay 1992. Mar kasta oo Soomaaliya ay rasaas soo iibsaneyso waa in ay marka hore oggolaasho weydiisataa Qarammada Midoobay.

Intaas oo dhan ka sokow, rasaasta lagu ridayo hawada magaalo cammiran waxay geysan kartaa dhaawac iyo dhimasho.

Qodobka kale ee muhiimka ah, rasaasta la ridayaa waxay khalkhal gelin kartaa amniga.

Dhibka ka imaan kara rasaasa damaashaadka loo rido intaa wuu fara badan yahay laakiin hadda intaas ayaan ku soo koobayaa.

Farmaajo iyo Shariif

Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, wuxuu xalay qaabbilay Madaxweynihii hore, Shiikh Shariif Shiikh Axmed.
Madaxweyne Farmaajo dhowr dabaq inta uu ka soo degey ayuu Shiikh Shariif sugay, soo dhoweeyay oo salaamay markii uu ka soo degay baabuurka.
Sidoo kale, markii uu kulankoodu dhammaaday, inta uu dhowr dabaq ka soo degay ayuu baabuurka geeyay, sagootiyey, sugayna ilaa gaarigu uu ka dhaqaaqo oo uu gacanta u haatiyo.
Waxaan u arkaa xushmadda iyo qaddarinta ay Madaxda maantu u muujiso Madaxdii hore in ay tahay mid kalsooni iyo isu soo dhowaasho abuuri karta, korna u qaadeysa sharafta Qarankeenna.
Mas’uulka siiya Madaxdii hore maamuuska ay mudan yihiin oo sharfaa isaga ayaa sharfan. Waanan ku bogaadinayaa Madaxweyne Farmaajo isku kalsoonaanta uu qabo iyo islaweyni la’aanta oo ah mid si wanaagsan uga dhex shaqeysa shacabka Soomaaliyeed oo hadda u dhug leh erayadiisa iyo tallaabooyinkiisa.
Sawirku waa mid hore.

General Cadde Muuse - Qeybta Labaad



Aqoonteyda kooban ee Cadde Muuse - Qeybta Labaad uguna dambeysa.
Waa London. Waa Galab. Waa 2006. BBC ayaan ka sii deynay dood ku saabsan Galmudug. Sida dhaqan ii ahayd habeenkii inta aanan shaqada ka rawaxin ayaan wacay dhowr ruux oo gacan naga siiyay helitaanka dadka aan maalintaa wareysannay si aan ugu mahadceliyo weydiiyana sida Barnaamijka loo arkay.
Dadka aan wacay waxaa ka mid ahaa Jibriil Cabdulle (CRD) oo markaa joogay Gaalkacyo. Waxaan ogaa in magaalada ay kaabiga ku hayaan ciidammo ka socda Maxaakimtii uu Madaxda u ahaa Shiikh Shariif Shiikh Axmed. Oo inta badan Koofur iyo Bartamaha dalka gacanta ku dhigay muddo aad u kooban. Mahadcelin ka dib ayaan Jibriil weydiiyay xaaladda Gaalkacyo. Wuxuu ii sheegay in uu mar dhoweyd arkay Cadde Muuse oo tuute gashan. Waan xusuustaa waxaan ku iri war ma odeydii weynaa baa tuute gashaday?
Arrintaa waan ka naxay. Cadde inkasta oo uu General ahaa haddana wuxuu ahaa nin oday ah, madax u ah maamul rayid ah, oo aan ku qaabsameyn dagaal. In uu fadhigiisa Garowe ka soo tago, Gaalkacyo yimaado, gashado tuute waxaan u arkay sansaan colaadeed oo meel xun mareysa.
Waxaan wacay oo aan arrinta ka hubsaday Cali Cabdi Awaare oo ahaa ganacsade iyo Wasiir Puntland oo uu naga dhexeeyay xiriir dhow oo shaqo iyo saaxiibtinnimo, isla markaana ay gacansaar fiican lahaayeen Cadde Muuse, markaana Gaalkacyo la jooga.
Inkasta oo aan London joogay, waxaan beryahaas ka soo laabtay Muqdisho. Waxaan soo xusuustay Madaxda Maxaakimtu in ay wareysiyo iyo sheeko intababa keey isugu fasireen in ay yihiin niman nabad-doon ah oo maslaxad raadis ah. Waxaa keey isu qaban wayday nabad-doonnnimo iyo in ay ku duulaan degaan aan Hoggaamiye Kooxeed ka talin oo nabad ah oo ay dadweyne fara badani ku nool yihiin oo cammiran.
Waxaan telefoonka kula hadlay Cumar Idris oo hadda ah Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Dooxa, berigaana ka tirsanaa Maxaakimta. Waxaan Cumar ku aqaannay in uu yahay dulmi-diid jecel in wadaxaajood xal lagu gaaro. Waxaan u fasiray xaaladda Gaalkacyo, waxaanan weydiiyay si dhiig loo baajiyo oo aan la isugu khaldamin bal in ay suurta gal tahay in Madaxda labada dhinac ay wadahadlaan.
Wuxuu qiray in ay habboon tahay oo uu dhinaciisa taa ka shaqeyn karo inkasta oo caawa ay tahay xilli dambe. Waxaan durbadiiba isbaray oo aan isku xiray Cali Cabdi Awaare iyo Cumar Idris. Waxaan u sheegay in howshan nabadraadinta ah ee aan galay aanay shaqadeyda ku saabsaneyn ee ay Soomaalinnimo iyo dar Allah iga tahay. Welibana laga yaabo in ay dhaawacdo kaalinteyda dhexdhexaadnimo haddii la is af garan waayo. Sidaa darteed waxaan ka codsaday labada mas'uul in aanay madaxda labada dhinac u sheegin in fikirkani uu aniga iga yimid.
Subaxnimadii xigtay waxaa aroor hore wakhtiga London hurdada iga kiciyay telefoon aan ka helay Cadde Muuse. Allah ha u naxariistee wuxuu si diirran iiga mahadceliyay iguna ammaanay nabaddoonnimada iyo Soomaalida wuxuuna ii sheegay in isaga iyo Shiikh Shariif ay wadahadleen, is af garteen, oo dagaal laga baaqsaday. Mahaddeeda Rabbi ayaa leh.
Allah ha u naxariisto General Cadde. Qoykiisa, ehelkiisa iyo saaxiibbadiisna samir Allah ha ka siiyo.

General Cadde Muuse - Qeybta Koowaad

AUN General Maxamuud Muuse Xersi oo loo yiqiin Cadde Muuse ayaa la aasay Talaado. Muu ahayn nin aan aad isu naqaan.
Wuxuu ahaa Hoggaamiye aan is naqaan dhowr jeerna uu xiriir na dhex maray, shaqo ama Soomaalinnimo darteed.
Laba ka mid ah xiriirradaas ayaan midkood kula wadaagayaa, kaas oo aan mar kasta Cadde ku soo xusuusto maaddaama ay wax iiga bidhaamiyeen shakhsiyaddiisa.
Maalin ayaa aniga oo fadhiya Xafiiska BBC ee London waxaan telefoon ka helay shakhsi aanan garaneyn oo ii sheegay in uu joogo Gaalkacyo.
Wuxuu igu yiri mar kasta waxaad sii deysaan siyaasiyiin isku beeninaya in ay ciidammo Ethiopia ahi joogaan gudaha dalka Soomaaliya iyo in kale.
Hadda oo dharaar cad ah waxaa Gaalkacyo dhex maraya baabuur kolonyo ah oo Ethiopian ah oo qaarkood ay jiidayaan madaafiicda goobta.
Hubin ka dib ayaan telefoonka ku dhuftay Cadde Muuse oo markaa ahaa Madaxweynaha Puntland.
Weriyuhu marka uu daliil u hayo run la qarinayo, wareysi adag ayuu qaadaa laakiin ay u fudud yihiin su’aaluhu.
Ma jirtaa, ayaan Cadde weydiiyay, in maanta ay Gaalkacyo yimaadeen ciidammo Ethiopian ah oo hubeysan.
Wuxuu ku jawaabay haa.

Oo maxaa keenay? Wuxuu yiri anigaa u yeertay oo u baahan.
Wareysigii aan filayay in uu noqon doono wareysi adag oo diidmo iyo ku tirtirsiin ah, wuxuu noqday mid aniga igu adag in aan helo su’aalo munaasab ah oo aan weydiiyo.
Qofkii xusuusta Xilligaasi wuxuu ahaa mar aanuu jirin siyaasi Soomaali ah oo ku dhaca in uu qiro joogitaanka ciidanka Ethiopia.
Arrinta labaad qormo kale ayaan ku soo bandhigi doonaa. Insha Allah.

Friday, 10 February 2017

Madaxweyne Farmaajo ayaa Codsi u jeediyay Shacabka

Madaxweynaha dooran ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo xalay saq dhexe la hadlay dadweynaha ayaa uga mahadceliyey shacabka Soomaaliyeed daamaashaadka iyo isu soo baxa ay ku muujinayaan kalsoonida ay ku qabaan natiijada doorashada uu isagu ku guuleystay in uu noqdo Madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxweynuhu wuxuu guushiisa ku tilmaamay mid u soo hoyatay oo ay iska leeyihiin shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.

Madaxweyne Farmaajo wuxuu ballan qaaday in ay Dowladdiisu la dagaallami doonto musuqmaasuqa kuna shaqeyn doonto Dowlad wanaag,

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in ay Dowladdiisu noqoneyso mid aammin ah oo ka shaqeysa caddaaladda.

Madaxweynaha la doortay, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, wuxuu shacabka Soomaaliyeed ka codsaday in ay joojiyaan isu soo baxa iyo damaashaadka oo ay ku laabtaan howlahooda.

Tan iyo markii lagu dhawaaqay guusha Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo waxay dadweynaha Soomaaliyeed muujiyeen damaashaad anigu mid la nooc ah oo la mid ah aanan hore u arag waayadaan.  Waa bannaanbax ay dadku ku muujinayaan shucuurtooda iyo kalsoonida ay ku qabaan Madaxweynaha iyo waxa uu u taagan yahay oo ah isbeddel billow ah oo aad loogu hanweyn yahay in lagu diirsado.

Waa bannaanbaxyo aanay jirin Dowlad iyo hey’ad abaabushay toona.

Caasimadda Muqdisho, fagaaraha Dhamme Yaasiin ee Daljirka Dahsoon ayaa isu rogay meel ay dadku iskood isugu soo baxaan oo yeelatay muuqaal i soo xasuusiyay fagaaraha Taxriir ee magaalada Qaahira oo astaan u ahaa kacdoonka Carabta.  Sidoo kale waxaa aad u cammirnaa waddooyinka magaalada oo ay dadweynuhu xeyn xeyn aan kala go' lahayn u mushaaxayeen iyaga oo ku dhaawaqaya erayo waddaniyad ah oo ay ka mid yihiin Ha noolaado Xoogga Dalka Soomaaliyeed.  

Maanta oo Jimco ah dad badan ayaa isu diyaarinayay filyayna bannaanbixii ugu weynaa in ay isugu soo baxaan.

Waxaan rajeynayaa in dhammaan loo hoggaansanaado codsiga Madaxweynaha oo ku baaqaya in la joojiyo isu soo baxa dabbaaldegga iyo damaashaadka ah. 

Madaxweyne Farmaajo qalabka warbaahinta ayuu farriintiisa u marsiiyay shacabka Soomaaliyeed.

Wednesday, 8 February 2017

...Dhawaaq Farax leh mooyee Dhiillo kama Sugaayo

Dowladnimada Soomaaliya ee xorta ah waxay soo billaabatay bartamihii 1960. Ilaa iyo hadda waxay maraysay marba heer. 2017 ma ahan markii ay ugu sarreysay. Haddana marka la eego burburkii ka dib, dhaliili ha jirto laakiin waxaa socda kororsiimo ay ku sii xoogeysanayso Dowladnimada Soomaaliya.

Aniga oo ka faa’iideysanaya fursadda doorashada oo ay dadweyne fara badan u heellan yihiin in ay akhristaan kana doodaan arrimaha Soomaaliya ayaan jeclahay in aan soo qaado laba qodob oo la xiriira Dowladnimada Soomaaliya.

Dadweynaha Soomaaliyeed siyaabo kala duwan ayay u saameysay Dowlad la’aan iyo Dowlad xumo xigtay oo soo jiitamayay sannado fara badan.  Dadka qaar ehelkooda ayaa lagu dilay dagaalka sokeeye.  Qaar iyaga ayaa lagu dhaawacay. Haween la kufsaday ayaa nool.  Dad badan waxay ku abaadeen qaxootinnimo. Qaar kale dalka gudihiisa ayay ku barakaceen. 

Dadka qaar is yiri dowladnimada wax ka dhisa ayaa hagardaamo loo geystay.  Dhibaatooyin ay ka mid yihiin xad gudubyo awood-sheegad ah ayaa lagula kacay.   Musuqmaasuq ayaa lagu hor istaagay horumarkooda.  Qaar ku naf waayay difaaca dalka ayaa agoontoodii la daryeeli waayay.  Kuwa nool oo u soo taagan shaqadooda ayaa la lunsaday mushaarkooda iyaga oo arkaya in ay madaxda dalku ku takri faleyso hantida Qaranka.

Taasi waxay dadka badan geyeysiisay in ay ka calool goostaan wanaag Dowladnimo Soomaaliyeed.  Kama calool goosan karaan laakiin waxay noqotay mar kasta oo ay soo hadal qaadaan wax ku saabsan Dowlad Soomaaliyeed in ay noqdaan kuwo dhinaca xun uun wax ka arka.  Waxay saameeyeen dad kale oo badan oo ay ku daarteen in xumaan uun laga fisho Dowladda Soomaaliya.

Tusaale ahaan waxaad arkeysaa doorashada maanta dhacaysa qof ku dhahaya dadka tartamayaa waxba isma dhaamaan waana jugjug meeshaada joog.  Qofkaas indhihiisu ma arki doonaan xataa haddii wanaag la falo.

Arrintaasi ma ahan oo keliya in ay dadka niyad jab ku rideyso. Haa waa ay ku rideysaa. Waxayna saameyneysaa awoodda waxqabad ee shakhsiga xumaha uun filanaya waxayna soo gaabineysaa hammigiisa.

Waxaan qabaa in aan la quusan.  In aan madaxda xumaan uun laga filan.  In aan dadka lagu eedeyn wax aan daliil loo hayn.  In la arko wanaagga, la isu qiro, lana isku dhiirri geliyo.

Xataa haddii aad aragto khaladdaad culus iyo wax rajadaada dhaawici kara, wehesho halheyskeyga - Waan ka quustay in aan ka quusto Soomaaliya.

In la ogaado in dhibka laga bixi karo. In wanaag la fisho lagana shaqeeyo.

Dhanka kale, si ay Dowladnimadu u hanaqaaddo waa muhiim in Madaxweynuhu uu helo taageerada shacabka. 

Laakiin qofka Soomaaliga ah ee soo jeediya in Madaxweynaha la taageero looma fasirto in uu dalka iyo Dowladnimada uu u daneynayo.  Waxaa loo qaataa in uu isagu dano shakhsi ah dartood uu u taageersan yahay Madaxweynaha markaa xilka haya, sidaa darteedna uu u raadinayo taageero.

Maanta Madaxweynaha xilkiisii ayaa dhammaaday.  Doorasho ayaa loo dareeray.  Lama yaqaan shakhsiga caawa noo ahaan doona Madaxweyne.  Waxay ku jirtaa gacanta xubnaha labada Gole. Mudane kasta keligiis ayuu qol gelayaa isaga u xiran, murashaxa uu doono ayuuna codka siinayaa.

Waxaa dhici doonta laba middood.  In Madaxweynaha hadda fadhiya dib loo doorto iyo in Murashax kale uu ku guuleysto Xilka Madaxweyne.  Labada jeerba, natiijadu waxa ay noqon doonto hadda ma naqaan. Waxaanse ognahay in ay tahay nooc billow ah oo hor leh.

Marxaladdaan Madaxweynuhu yahay Lamayaqaan waxaan rabaa in aan dhiirrado.  Waxaan rabaa in aan ku baaqo in Madaxweynaha la dooran doono la taageero.  In Madaxweynaha la dhiirri geliyo oo la geesinnimo geliyo.  In gacan lagu siiyo gudashada waajibaadkiisa Qaran.
Si doonta aan wada saaran nahay ee Soomaaliya la yiraahdo aanay noola deign, waxaa muwaaddin kasta la gudboon in uu naakhuudaha doonta ee maanta la dooran doono uu gacan ku siiyo wixii dalka horumar gaarsiinaya, si toosin iyo sixitaan ahna u tilmaamo wixii gaabis ah, ka digo kana hor yimaado wixii dalka wax u dhimaya.

Intaas oo dhan in si nabad ah loo sameeyaa waa lama huraan. Soomaaliya ha noolaato.

Monday, 6 February 2017

Ololaha Doorashadu waa Bilo Dhammaystay

Caasimadda Soomaaliya, Muqdisho waxaa soo buuxiyay Xildhibaannada Golaha Shacabka iyo mudanayaal aqalka Sare, siyaasiyiin looga soo adkaaday kuraasta, salaaddiin, Madax iyo shaqaale Dowlad Goboleedyo, dallaalliinta siyaasadda oo badiyaa la arko marka ay doorasho jirto ama marka xiisad siyaasadeed ay oogan tahay oo cod loo baahdo, Madax iyo shaqaale aanay munaasab ahayn in ay olole doorasho ka qeyb qaataan hase yeeshee bareeray oo aan dhowrsaneyn cid yac ka dhahaysana aanan anigu arag, qurba-joog, weriyayaal iyo noocyo kale oo badan.

Intaa waxaa socda martiqaadyo qado ama casho u badan.  Dhoollatus ayaa jira.  Gooddis kama maqna. Qaar waa xodxodasho.  Kuwo waa kasbeyn. Noocyo kalena waa ay jiraan.

Waddadooyinka tirada yar ee ay siyaasiyiintu ku diqdhiyaan waxaa suran sawirrada murashixiinta oo aad u waaweyn oo ay ku jiraan sawirrada murashixiin tanaasulay ama illoobay in ay tartanka qeyb ka yihiin.  Sawirrada qaarkood waa ay isku beegan yihiin sidii in ay isa salaamayaan ama uu midba midka kale isha ku hayo dhaqdhaqaaqiisa.

Guryo waaweyn oo qaarkood ay isu muuqdaan ayaa waxaa ka socda ololaha doorashada oo habeen iyo maalin dad sii galayaan, qaar kale ay ka soo baxayaan, qaar gudaha hawiran la sheegayo, baabuurtu ay hor tuban tahay.

Waxaa kale oo socda isu guurguur iyo isu beenguur ka dhex jira mudanayaasha iyo xataa marmar murashaxiinta qaarkood.

Safarrada gaa-gaaban ee Murashxiinta ah ee dalalka deriska ilaa Khaliijka lagu tagayo iyo kuwa lagu tegayo ama looga imaanayo caasimadaha Dowlad Goboleedyadu waa joogto.

Waxaa iyaguna batay muuqaalka baabuurta la yiri xabbaddu ma karto oo ay gelbinayaan kuwa dulbannaanka ah ee ay wiilasha tuuteysan ee luguhu u raaracaan ay qorayaha la dul yuururaan.

Dhafarka iyo Xanta Doorashada

Xanta doorashada ayaa baalal yeelatay oo intaa duuleysa.  Adigu haddii aadan doonan iyadaa ku soo doonaneysa.  Xataa adiga oo hurda ayaa farriimo qoraal ah laguugu sii baarkimayaa telefoonkaaga gacanta.  

Sidii ay u kala dambeeyeen ayaga oo u kala sarreeya ayaad qaar ku heleysaa SMS.  Qaar waxaad ka heleysaa sanduuqyada farriimaha ee saxaafadda bulshada sida Twitter iyo Facebook.  Qaar kale waxay kugu sugayaan isgaarsiinta webka ku shaqeysa sida WhatsApp, Viber iyo kuwo kale.

Saacadda Muqdisho laga seexdo siiba xaafadaha siyaasiyiintu ay badiyaa degaan kuna shaqeystaan aad ayay dib ugu dhacday oo waxay u sii dhowaaneysaa waaberiga. 

Makhaayad hotel oo la xiri jiray saacad ka hor inta aan la gaarin habeenbarkii ayaan habeen hore arkayay iyada oo la tuban yahay 1:30 habeennimo (toddoba saac iyo bar) oo shaah iyo qaxwo laga dalbanayo.  Goobtaas waxaa xilligaa ku sugnaa ugu yaraan saddex ka mid ah murashxiinta oo gooni gooni u ugaarsanaya Xildhibaanno.

Haddii aad soo jeeddo la yaab ma laha in aad saddexda aroornimo (sagaal saac) aad idinka oo aan ballamin iska soo horbaxdaan murashax magac weyn sida habeen dhoweyd igu dhacday mar aan Xildhibaanno doodaya aan dhegeysanayay.

Dadkaan isu soo ururay oo dhan waxaan u arkaa wanaag iyo in loo soo jeestay in talo lagu lahaado xulidda Hoggaamiyaha dalka.  Waa xaq muwaadddin kasta u bannaan.  Waana wax anigu aan ku farxay.

Wada Madaxweyne

Xilliga lagu jiro ee doorashadu ay soo dhow dahay, olole kasta uu gaaray heerka ugu sarreeya ee uu gaari karo, welina aan codka la qaadin, waa xilli aan ku magacaabo xilliga farxadda.  Koox kasta waxaa ay isu aragtaa in ay kursiga soo haaban karto.

Walow aan Xildhibaanno badan saaxiib nahay, qaar ka sii bandanna aan macriifo nahay, ma jiro Xildhibaan sida in aan ka caqli badan ahay, ka xog ogaalsan ahay ama aan ka waddanisan ahay aan u tilmaamay murashaxa uu codka siin lahaa. 

Haddiiba ay dhacdo in aan doorashada ka sheekeysanno waxaan Xildhibaannada weydiiyaa su’aalo ku saabsan sida laga yaabo in ay wax u dhacaan.

Weli ma arkin koox u ololeyneysa Murashax oo qaba in uu murashaxoodu ku hari doono wareegga koowaad sida aniga iyo murashxiin kale oo badan nagu dhacday 2012.

Waxaan naxaa, marna nafis dareemaa marka aan arko rag been ii sheegay 2012 oo hadda dad hor leh wax u sheegaya.

Si kastaba ha ahaatee, murashxiinta ku hari doona wareegga koowaad iyo kuwa ku hari doona wareegyada xiga iyo kooxaha hadda u ololeynayaa waxay u baahan yihiin in ay hadda ku sii talo galaan in uu hal murashax oo keliyihi uu ku guuleysan doono Xilka.

Waxaa ka sii muhiimsan in ay ka fekeraan in laga yaabo in aan murashaxaasi kooda noqon.

Waxaa habboon in arrinkaas laga fekero ka hor inta aan Xildhibaannada afka kaaga sheegay in murashaxaagu Madaxweyne noqon doono aanay ficil ahaan kuu tusin in ay murashaxaaga u diideen in uu noqdo Madaxweyne.

Haddaba natiijada ka dib, maxaa la gudboon murashixiinta aan guuleysan?  Xildhibaannada u codeeyay?  Miigganayaasha u ololeeyay?  Iyo guud ahaanba shacabka Soomaaliyeed?

Qormadeyda tan xigta ayaan su’aashaas uga jawaabi doonaa sida ay aniga ila tahay.

Sunday, 5 February 2017

Murashax Khudbaddiisa Xikmad kama Hagrado

Guddoomiye Jawaari
Waxaan dhegeystay ku dhowaad dhammaan khudbadaha murashixiinta u soo istaagay Xilka Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya ay ka horjeediyeen fadhiga labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya.

Waxaa shir Guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane Mudane Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari, iyada oo uu goobjoog yahay Guddoomiyaha Aqala Sare, Mudane Cabdi Xaashi, isla markaasna waxaa howsha daaddihinayay Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Mudane Cabdiraxmaan Beyle.

Qormadani qiimeyn iyo isbarbardhig kuma sameyneyso khudbadaha murashixiinta sababtoo ah ma ahan kaalin ila gudboon in aan u galo.  Waxa keliya oo aan kula wadaagayaa sababta aan u daawaday khudabadaha murashixiinta iyo waxa iiga soo baxay.

Maaddaama aan ogahay in murashax kasta uu maskaxdiisa tuujiyay isla markaasna uu la taliyayashiisa iyo taageerayaashiisa uu aqoonta iyo khibradda bidayo aan qiyaasayo in uu ka codsaday in ay wax ku biiriyaan ayaan doonayay in aan miidda ka soo maaxata maskaxahaas oo ku wajahan xalka dalka in aan wax ka barto.

Fikirka aan ka qabo xalka dalka oo ku saleysan khibraddeyda iyo muddo dheer oo ay ahayd mushkilad aan ka fekero, doodo badan oo gaar ah iyo kuwo badan oo saxaafadda ah aan ka yeeshay, shirar lagu gorfeynayo aan ka qeyb galay ayaan doonayay in aan arko inta la ila wadaago, inta la iiga duwan yahay iyo inta cusub ee la igu kordhiyo.

Waxaa kale oo aan u dhegeystay si aan u kala barto murashixiinta iyo fikradaha ay qabaan.  Kuwo aan fikradahooda hore u aqaannayna aan arko bal in ay wax ka beddeleen ama ay kobciyeen afkaartooda iyo in kale.  Murashixiinta cusub ayaan iyagana doonayay in aan ka dhegeysto in ay afkaar cusub fagaaraha la yimaadeen.  Madaxdii hore wax u soo maamushayna waxaan sugayay waxa cusub ee ay soo bandhigayaan.

Ujeeddada saddexaad ee aan u dhegeystay waxay tahay in aan ogaado Baarlamaankan oo ay  Xildhibaanno badan oo cusubi ay ku jiraan sida uu u dhaqmo inta ay socdaan khudbadahan muhiimka ah xagga ilalinta wakhtiga, tirada mudanayaasha ka qeyb gala dhegeysiga khudbadaha, wakhtiga ay yimaadaan iyo wakhtiga ay baxaan. 

Iyo weliba khudbadaha sida ay uga jawaabaan maalinta ay codka bixinayaan.

Dabcan keligeey ma ahan, fadhigaan oo keliyana ma ahan, laakiin Xildhibaannadu waa in ay ka feejignaadaan in iyada oo fadhi Baarlamaan oo Qaranka muhiim u ahi uu socdo in aynaan ku farxayn marka aan aragno iyaga oo xeyn xeyn u socda ama u fadhiya oo ka sheekeynaya makhaayadaha.

Guud ahaan khudbadaha la jeediyay waxay ahaayeen kuwo aad u sarreeya.  Isu geyn wax badan oo fiican lagala dhex bixi karo. Dadka qaarkii waxaa ka muuqatay qiiro, qaar kale waxaa ka muuqatay khibrad, qaar waxaa ka muuqatay in ay aad uga soo shaqeeyeen khudbaddooda iyo soo jeedinteedaba, qaarna inta badan waa ay isku darsadeen astaamahaas.

Khudbaduhu inta ay socdeen waxaa la soo bandhigay aragtiyo qiimo gal ah, waxaa lagu dhiirraday arrimo daakhili ah iyo kuwo xiriirka dibadda ah oo aan inta badan lagu dhiirran, waxaana la faaqiday sax iyo kahaldba wax qabadka Dowladda afartii sano ee na dhaaftay.

Maaddaama murashixiintan labaatan kor u dhaafay uu mid keliyihi xilka qaban doono, waa ay wanaagsanaan lahayd in inta kale aanay dalka isaga tegin doorashada ka dib ee ay isku dayaan in la gacan qabto Madaxweynaha soo baxa lana taageero haddii uu oggol yahay haddii kalena la xisaabtan aan naxariis lahayn lala daba joogo si aan loogu dhiirrin wax isdabamarin, loogana feejignaado waxqabad la’aan.

Waxaan murashixiinta oo dhan, Guddoonka labada Gole, Guddoomiyaha Doorashada, Murashixiinta iyo dhammaanba xubnaha Baarlamaanka iyo SNTV uga mahadcelinayaa seminaarka waddaniyadda iyo qiiro-gelinta ah ee ay na siiyeen muddo saddex maalmood ah.

Marka aad daawato khudbadahan iyo sida ay shacabku u xiiseynayaan waxaa kuu soo baxaya in aan dal wadaagno.  Xeeshu waa meesheeda laakiin in aan hoggaanka dalka la kala xigin.  In muwaaddiniin badani ay ka fekerayaan xallinta dhibaatooyinka jira iyo horumarinta dalka.  In ay Soomaalidu talo wadaag ahaan karto. 

Iyo in Soomaaliya oo Dimuqraaddiyadda horseed u ahayd Qaaraddeenna Afrika, ay hadda mar kale DOwladnimadeeda iyo Dimuqraaddiyaddeeduba ay hanaqaadday oo ay hore u socoto.

Wednesday, 1 February 2017

Saacado ayaa ka harsan Go'aanka ICJ ee berrito

Midig: Guddoomiyaha ICJ. Bidix: Guddoomiye Ku Xigeenka
Muranka badda ee Soomaaliya iyo Kenya waa mid aad u muhiim ah.  Waxay labada dal isku haystaan bad uu bedkeedu yahay qiyaastii 142,000 km oo laba jibbaaran.  Waa bed ka baaxad weyn dhulka Somaliland oo dhan.  Waxaana la rumeysan yahay aagga badweynta India ee ay Soomaaliya iyo Kenya ay lahaashaheeda ku muransan yihiin in uu ku jiro kheyraad badan oo dabiici ah oo uu ka mid yahay shidaal.

Berri ayay magaalada Hague, Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladdu (ICJ) ku dhawaaqi doontaa go’aanka ay ka gaartay diidmada hordhaca ah ee Kenya ee ku saabsan dacwadda Soomaaliya ay ku dalbeyso in la cayimo soohdinta badeed ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya.

Soomaaliya ayaa dacwadda u gudbisay Maxkamadda ICJ sannadkii 2014.  Kenya waxay iyaduna Maxkamadda u gudbisay diidmo ay dooneyso in ay Maxkamadda ka hor istaagto in ay qaaddo dacwadda.

Kenya waxaa ay cuskatay is afgarad ay la gaartay Soomaaliya 2009 oo waxyaabaha ku qoran ay ka mid tahay in ay labada dal ka wadahadlaan wixii khilaaf ah ee ka jira soohdinta badda.

Soomaaliya waxaa ay ku doodday in ay labada dowladood ay ka wadahadleen khilaafkan, ayna ku fashilmeen in ay xal ka gaaraan soohdinta.

Maxkamadda ICJ waxay bishii September 2016 dhegeysatay doodaha Qareennada Caalamiga ah ee matalaya labada Dowladood.

Berri galab saacaddu marka ay tahay 5-ta Galabnimo wakhtiga Soomaaliya ayaa Guddoomiyaha Maxkamadda ICJ, Ronny Abraham, uu ku dhawaaqi doonaa go’aanka Maxkamadda.

Sida Soomaaliya ay dooneyso, haddii ay Maxkamaddu go’aan ku gaarto in ay dacwaddan hadda gasho waxay noqon doontaa in Kenya la siiyo wakhti ay ku diyaariso waxa ay isaga daafaceyso kiiska ay Soomaaliya ku oogtay Kenya.

Markaasna la galo dhegeysiga dacwadda, taas oo wakhti dheer qaadan doonta.

Sida ay Kenya dalbeyso, haddii ay Maxkamaddu go’aan ku gaarto in aanay dacwaddan furi doonin, waxay noqoneysaa in Soomaaliya ay dacwaddeeda dib ula soo noqoto oo markaas ay wadahadal la furto Kenya.

Ergada Soomaaliya

Berrito waxaa goob joog ka ahaan doona Hague, wafdi Soomaaliya ah oo uu hoggaaminayo Xeer Ialaaliyaha Axmed Cali Daahir,  Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Brussels, Dr. Cali Faqi oo isagu ah wakiilka Soomaaliya ee dacwadda ayna wehliyaan Danjirayaal dhowr ah iyo Muna Sharmaan oo ah Qareen Soomaaliyeed oo dacwaddan billowgeedii ilaa iyo hadda gacanta ku haysa sumcadna uga kasbatay Soomaali badan.


Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda (ICJ):

ICJ waa mid ka mid ah Hey'adaha Qarammada Midoobay.  1945 ayaa la unkay.  Waxaa ay ku saleysan tahay Axdiga Qarammada Midoobay.  Xarunteedu waa Hague, dalka Netherlands.  Waxaa ay ka kooban tahay 15 Garsoore oo midkiiba 9 sano ay xilka u doortaan Golaha Guud ee Qarammada Midoobay oo ay xubno ka yihiin 193 dal iyo Golaha Ammaanka ee Qarammada Midoobay oo ay xubno ka yihiin 15 dal.  Garsoore kastaa waa in uu helaa aqlabiyadda codadka labada Gole si uu xilka u qabto ama uu u sii hayo.

Markaa Garsoore kasta oo ka tirsan ICJ wuxuu u baahan yahay codadka Dowladaha xubnaha ka ah Qarammada Midoobay.

Hadda waxaa Guddoomiye u ah Ronny Abraham oo dhalashadiisu ay tahay Faransiis kuna dhashay magaalada Alexandria ee dalka Masar.  Guddoomiye ku Xigeenka ICJ waa Cabdiqawi Yusuf oo ah Soomaali.