Total Pageviews

Sunday 25 June 2017

Xorriyaddeenna, Midnimadeenna iyo Aayaha Ubadkeenna

Caawa waa habeenkii ugu horreyay ee calan Soomaaliyeed oo xor ah la taago. Waxay ahayd magaalada Hargeysa 26-ka June 1960.

Halgamayaashii suurta geliyay ee dhidibbada u aasay neecawda xornimada ee aan maanta haysanno Allah ha ka abaalmariyo.

2017 waxaa habboon in aynaan annaga oo keliyihi isu muuqan ee aan eegno horumarka ay dalalka asaaggeen ah oo qaarkood ay naga xorriyad dambeeyeen ay ku tallaabsadeen.


Qof kasta isaga oo aan cid iska dhicineyn, cidna aan u sheegeyn, keligiis ha isu weydiiyo in uu ku qanacsan yahay xuquuqda iyo adeegga uu ka helo Qaranka Soomaaliyeed marka uu isbarbardhigo muwaaddinka dal asaaggeen ah.

Markaa ha is weydiiyo waxa ka hor taagaan in uu la xuquuq ahaado oo uu helo adeeg la siman kuwa uu helo muwaaddinka dal kasta oo horumar ku tallaabsaday.

Qodku ha is weydiiyo in sida aan u nool nahay ay tahay tabta ugu fiican ee ubadkeenna u suurta gelin karta in uu la jaanqaado asaaggiis kulana tartamo fursadaha caalamka.

Inteenna maanta joogta shacab iyo siiba Madaxda aan ka mid ahay ayay mas’uuliyadi ka saaran tahay in aan taabba gelinno midnimo mirodhal ah oo la isaga raalli yahay.

Sida aan maanta go'aansanno ayaa cayimi doonta inta uu la ekaan doono cadka ay carruurteennu ka kasban kari doonto kheyraadka adduunka.


Asaaggeen heerka uu caalamka ka marayo waan aragnaa ee aan higsanno welibana waan karnaaye aan ka dheereyno.

Xornimada, Midnimada iyo Aayaha Ubadkeennu waa kuwo is khuseeya oo uu xiriir toos ahi ka dhexeeyo.

Wednesday 21 June 2017

Socdaalkeyga Ankara


Xalay waxaan u hoyday Ankara, caasimadda Turkiga.  Caawa ayaan ka amba baxay.

Inta aan joogay Ankara waxaan midba kulan gooni ah la qaatay Wasiir Ku Xigeenka Arrimaha Dibadda Turkiga Ahmet Yıldız.

Saacad ka dibna waxaan la kulmay Ra’iisal Wasaare Ku Xigeenka Turkiga Veysi Kaynak.

Labada mas’uul waxaan ka wadahadalnay xiriirka wanaagsan ee Istaraateejiga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga iyo sida aan sare ugu sii qaadi karno. Arrimaha aan isla soo qaadnay waxaa ka mid ah mashaariicda horumarinta ee Turkiga iyo xerada casriga ah ee tababbarka saraakiisha oo laga dhisay aagga Jazeera dhowaanna si rasmi ah loo furi doono.

Waxaa kale oo aan isla soo qaadnay sidii aan wadajir daraasad ugu sameyn lahayn iskaashi dhinacyo hor leh sida ganacsiga iyo isugudbinta teknooliyada warshadaha yaryar.


Mas’uuliyiinta Turkiga waxaan la soo qaaday xaaladda ardeyda Soomaaliyeed ee ay keentay kooxdii dalkan laga mamnuucay afgembigii dhicisoobay awgiis.

Kulammada aan la qaatay mas’uuliyiinta Turkiga waxaa dhammaantood goobjoog ka ahaa sii hayaha Safaaradda Soomaaliya ee Ankara, Suleymaan Kaarshe.

Intaa ka dib waxaan booqday safaaradda Soomaaliya ee Ankara, halkaas oo aan kulan wadajir ah iyo qaar kooban oo gooni gooni ah aan ku qaadannay Diblimaasiyiinta iyo shaqaalaha Safaaradda Soomaaliya ee Ankara oo uu horkacayo sii hayaha Safaaradda, Suleymaan Kaarshe.

Waxaan ku bogaadiyay diblomaasiyiinta iyo shaqaalaha safaaraddu howsha wanaagsan ee ay dalka u hayaan iyo in ay dhowraan sumcadda iyo karaamada Shacabka iyo Qaranka Soomaaliyeed.

Safaaradda Soomaaliya inta aan galabta joogay waxaan la kulmay qaar ka mid ah dadweynaha Soomaaliyeed oo safaaradda u soo doontay adeegga oo ay ka mid yihiin arday waxbarasho u jooga Turkiga oo aan qaarkood ka dhegeystay adeegyo ay uga baahan yihiin Safaaraddooda.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkigu wuxuu hadda booqasho ugu maqan yahay dalka Japan.

Inta aan joogay Ankara waxay mas’uuliyiinta Turkigu qowl ahaan iyo ficil ahaanba ii muujiyeen qaddarinta ay u hayaan Qaranka Soomaaliya taas oo aan si weyn uga mahadceliyay.


Markii aan caawa ka amba baxayay Ankara, waxaa garoonka igu sagootiyay Duqa Magaalada Ankara oo uu ku xigeenkiisu shalay i soo dhoweeyay sida ka muuqata sawirka calammada sita.

Wednesday 14 June 2017

Oslo Forum iyo Soomaaliya


Shalay iyo maanta waxaan joogaa Oslo Forum oo ka dhacaya dalka Norway.  Waxaa isugu yimid madax badan oo caalamka ah.  

Waxaan ka jeediyay hadal aan uga warramay marxaladda uu dalkeennu soo gaaray iyo isbeddellada isdabajoogga ah ee ka dhacayay tan iyo 2000 markii dib loo unkay Dowladnimada Soomaaliya.

Kulammo gooni gooni ah ayaan magaca Soomaaliya kula yeeshay Wasiirro Arriimo Dibadeed oo kor u dhaafay nus dersin oo ay ka mid yihiin Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Norway oo shirka marti-geliyay iyo Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Kenya iyo Sudan, Madax sare oo ka socda Qarammada Midoobay, wakiillo Ururro Caalami ah iyo Madax hore.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Sudan, Ibrahim Ghandour
Waxaan fasiray sida ay Soomaaliya wax uga beddeshay sarena ugu qaadday Dowladnimadeeda iyo sida aan Dowladaha aan saaxiibka nahay iyo kuwa la macaammila Soomaaliya uga fileyno in ay dhankoodana wax uga beddelaan oo ay sare ugu qaadaan tayada iyo qaabka iskaashigeenna.

Waxaa kale oo aan fasiray dib u heshiinta mirodhashay iyo qorshaha dib u heshiineed ee ay Dowladdu damacsan tahay.

Magacyada ugu waaweyn ee ka qeyb galayaasha Oslo Forum waxaa ka mid ah, Thabo Mbeki oo Madaxweyne ka ahaa Koofur Afrika; John Kerry oo ah Xoghayihii hore ee Arrimaha Dibadda ee Mareykanka iyo Kofi Annan Xoghayihii Guud ee hore ee Qarammada Midoobay.

Oslo Forum oo ay wax ka qabanqaabisay hey'adda Centre for Humanitarian Dialogue, Ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, oo laga casuumay ayaa ii wakiishay, ka dib markii uu Madaxweynuhu isaga u wakiishay shir Madaxeedka IGAD ee shalay ka dhacay Addis Ababa.