Xabsiga Taloja ee Mumbai, India oo ay ku jiraan 118 maxbuus oo Soomaali ah
ayaan booqannay.
Waxay ahayd maalin aan isu diyaariyey in aan la kulmi doono murugo iyo caloolxumo laga yaabo in ay hurdadeyda iyo raashinkeyga saameyso.
Waxaan u arkayay in ay tahay in aan cagaheyga ku doonto murugada si aan u ogaado xaaladda dhabta ah ee maxaabbiista Soomaalida ah.
Waan ogaa in aanay xorriyad haysan oo ay maxaabbiis yihiin. Waan ogaa in aan weli la xukumin oo isla
maalinta aan booqanayay ay 15 – kii ugu horreeyay ay ku maqan yihiin Maxkamad
oo la xukumayo.
Waan ogaa in xorriyaddooda ama xataa in iyaga oo weli maxaabbiis ah
dalkooda lagu celiyo ay tahay mid aan dhoweyn oo saacado ka hor uun aan soo
saxiixay heshiiska ay Soomaaliya la gashay India oo arrintaa faahfaahinaya.
Qol weyn oo saqaf leh, ilaa hal mitir oo keliya uu derbi ku
wareegsan yahay, dhinacyada ka haawanaya si neecow loo helo, marwaxada dhowr
ahi ay neecawda yar ee ku soo dhacaysa ay sii babbinayaan, dhulkuna uu
shameento yahay, ayaa dhammaantood la fariisiyay iyaga oo kabaha dibadda uga
soo tegey.
Markii aniga iyo wafdiga ila socdaa aan soo galnay qolka ayay noo
istaageen waxayna isla markiiba billaabeen in ay qaadaan:
Soomaaliyeey toosa,
Toosa oo isku tiirsada,
Hadba kiinna taag daran,
Taageera weligeen.
Qaar badan oo ka mid ah waxay kor u taagayeen waraaqo A4 ah oo ay ku
sawireen calanka Soomaaliya. Mid iyo
labana waxay gacanta ku hayeen calanka oo ul suran.
Waxay ahayd muuqaal iyo maqal qiiro badan.
Heestii marka ay sii dhammeynayaan oo aan fariisan rabno ayaa mid ka
mid ahi uu gariiray. Dhulka ayuu ku dhacay.
Wuu suuxay!
Ha i weydiin. Ma aqaan sababta.
Midbaa qoorta dhulka uga celiyay isaga oo jilibkiisa barkin uga dhigay.
Mid kale biyo ayuu ula soo orday.
Anigu lama kulmin Shucuur iyo murugo intaa ka badan, marka laga reebo in aan ogahay in
aan iyaga uun dhegeysto oo niyadda u adkeeyo rajana ku abuuro moogiye in aanan wax deg deg ah u qaban karin.
Maxaabbiistu waa rag Soomaaliyeed oo ay da’doodu kala duwan tahay
laakiin wada dhallinyaro ah.
Jirkooda iyo dharkoodaba waxaa ka muuqda nadaafad. Macluul iyo ilgooyo kama dareemin.
Waa wiilal ay ciidammo shisheeye badweynta ka soo qabteen. Qaarkood, rasaas la isku weydaarsaday barta laga soo qabtay. Goobtaas ay dad Soomaali iyo
ajnebiba lihi ku dhinteen. Iyaga oo weli qaba arga-gax la geeyay dal
shisheeye oo aad uga fog dalkooda. Lagu
xiray xabsi aan magaalo ku ool ee heyjad buuro hoostood ah ka dhisan. Toddoba sano ku dhowaad halkaa ku jira.
Haddana marka aad eegto niyaddoodu waa cajiib. Weli waa ay soo taagan
yihiin. Ma rajo dhigin. Welibana quruxda iyo niyadda ka muuqata waa
mid aad u sarreysa marka lagu jimeeyo xaaladdooda.
Ka dib marka aan uga warbixinnay xaaladdooda iyo heshiiska aan la
galnay India ayay qaarkood hadalka qaateen.
Su’aalo, warbixin, salaan, dardaaran, farriin Madaxda dalka u sarreysa, mahadcelin iyo xataa talo intaba waa ay noo soo jeediyeen.
Guud ahaan farriintooda waxaa lagu soo koobi karaa – Dadkeenna iyo
Dowladdeennu yaanay xabsigan nagu illoobin.
Mid iyaga ka mid ah ayaa markaa waxaa uu sheegay in uu doonayo in uu
ciidanka ilaalada iyo Madaxda Xabsiga uu uga mahadceliyo in ay munaasabadda
suurta geliyeen. Markii aan mikrofoonka u dhiibay wuxuu kula hadlay afkooda.
Maxbuusku wuxuu gashanaa funaanad kuwa Sportiga ah oo ay ku summadeysan tahay SYL.
Wuxuu ii sheegay in kooxo kubbadda cagta ahi ay ka jiraan xabsiga oo dal dal loo beratamo. Wuxuu ii sheegay in kooxda Soomaaliya uu magaceedu yahay SYL. Wuxuu intaa iigu daray in ay dhowaan ay SYL ku guuleysatay tartan dhex maray Maxaabbiista Soomaaliya, Nigeria, Nepal iyo Bangladesh.
Ka dib ayaa Madaxa Xabsiga oo Xafiiskiisa iigu warbixnayay waxaa uu ii sheegay in qaarkood ay barteen
afka Hindiga qaarna ay barteen afka Marathi oo ah afka looga hadlo Gobolka Maharashtara oo xabsigu
uu ku yaallo.
Waxaa kale oo uu ii sheegay in ay yihiin dad akhlaaq wanaagsan. Wuxuu kaloo ii sheegay in beryihii hore ay la qabsan waayeen raashinka xabsiga balse hadda ay xaaladdoodu wanaagsan tahay.
Booqashada waxaa igu wehliyay Xeer Ilaaliyaha Qaranka, Danjiraha Soomaaliya ee New Delhi iyo saraakiil ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Safaaradda.
Booqashadeenna India oo qaadatay afar maalmood oo aan ku tagnay New Delhi, Mumbai iyo Hyderabad caawa ayaan soo gebagebeyn doonnaa Insha Allah.