Sunday, 25 February 2018

Qabanqaabada ugu Dambeysa - Taxanaha Maxaabbiistii 77 - Qaybta Siddeed iyo Tobnaad

Marka
Maxaabbiista Ethiopian-ku waxay ku xirnaayeen Xabsiga Dhexe ee Muqdisho, Xabsiga Dhanaane, Laanta Buur iyo Hawaay oo ku taalla Sablaale agteeda.

Waxaan Qaybta 17aad ee Taxanahan ku sheegay in Xabsiga marka laga soo saaro Maxbuus kasta la geynayay Ceel Jaalle inta aan dalkiisa lagu celin.

Akhristow waxaad is weydiin kartaa sababta.


Waayo?

Maxaabbiista Ethiopian-ku waxay intooda badani ay xirnaayeen ku dhowaad 11 sano. Markaa waxa la goostay in dalkoodii aan la isaga celin uun ee la helo muddo yar oo u dhexeysa maxbuus iyo qof xor ah.

Markaa waxaa la goostay in la geeyo Ceel Jaalle dhowr maalmood ka hor inta aan lagu celin dalkooda.

Ceel jaalle waxay ahayd xarun caafimaadkooda lagu baaro, dharka maxaabbiista looga beddelo, ay timaha ku jartaan, qubeys wanaagsan ay ka helaan, raashin nafaqo leh ay ku cunaan, qof waliba uu iskiis xor ugu yahay  goorta uu seexanayo iyo goorta uu toosayo iyo faa’iidooyin kale oo badan marka xabsi la barbardhigo.

Qof kasta oo ka mid ah maxaabbiistaas Ethiopian-ka ah, suuqa dharka aan cusbeyn ee magaalada Muqdisho ayaan dhar iyo kabo uga soo iibannay.  Iibinta dharka waxaa igala qeyb qaatay saaxiibbo Soomaaliyeed oo ka tirsanaa shaqaalaha ICRC iyo qaar kaleba.


Jadwalka Gaadiidka

Maxaabiista Ethiopia waxay ku jireen afar xabsi oo kala fog fog iyo laba Isbitaal oo Muqdisho ku yaal; Digfeer iyo Banaadir.  Tiradoodu waxay kor u dhaaftay 3,500.
 
Bal qiyaas intaas oo maxbuus, oo ciidan iyo rayidba leh, oo mid kasta la rabo in lagu qoro duullimaad.  Waliba ka hor inta aan la gaarin socdaalkiisa la rabo in la geeyo Ceel Jaalle.  Marka duullimaadkiisa la gaarana saacado ka hor laga soo qaadayo Ceel Jaalle oo la geynayo garoonka Muqdisho.  Ka hor inta aanuu dayaaradda cagta saarinna ay labada Dowladood ay kala saxiixanayaan iyada oo ay ICRC oo howsha fulineysana ay dhinac ka saxiixeyso.

Waa howlgal maalin oo dhan iyo saacado badan oo habeen ah socda oo jadwal ciidan, mid shaqaale iyo mid gaadiid dhul iyo cirba u baahan.

In maxaabbiis laga qaado goob oo mid kale la geeyo waxay u baahan tahay oggolaasho in ka badan hal hey’ad ay sameyneyso, dokumenti la hubiyay oo haddana xafidan, ilaalo ku filan oo labada goobood joogta iyo mid waddada marsiisa.

Maxbuus kasta waxaa la rabaa in la geeyo Ceel Jaalle ka hor inta aan la dhoofin.  Ceel Jaalle mar qura ma wada qaado maxaabbiista oo dhan.  Markaa waa in la hubiyaa in kolonyada baabuurta maxaabbiista ka qaadeysa Ceel Jaalle ee u socota Garoonka Dayaaraduhu ay ka soo baxday Ceel Jaalle, ka hor inta aan gawaarida u socota Ceel Jaalle aanay ka soo bixin xabsiga mid uu yahayba.  Sidaasna lagu wargeliyaa hey'adaha ay khuseyso oo dhan oo ay isla aqbalaan.

Sidoo kale, Gawaaridu inta aanay ka soo bixin Ceel Jaalle waa in la hubiyaa dayaaradda ka imaaneysa Dire Dawa  saacadda ay imaaneyso si aan maxaabbiistu ugu qorraxoon airporka iyaga oo sugaya dayaarad dalkooda ku celisa.

Dayaaradda Dire Dawa ka soo kacaysana waxay ku xiran tahay sida ay diyaar u yihiin Maxaabbiista Soomaalida ee ay ka soo qaadi lahayd Ethiopia.

Waxaas oo dhan waxaa dhinac socda hey'ado badan; Ciidanka Asluubta, Laanta Socdaalka, Gaashaandhigga, Arrimaha Gudaha iyo Arrimaha Dibadda oo isha ku haya tallaabo kasta oo la qaadayo iyo cid iyo wax kasta oo xabsiga laga saarayo, la dhoofinayo ama la soo gelinayo dalka.

Yaa ka Mas’uul ah?

Haddii ay si wax noqdaan ama wax aan lagu talo galin lala kulmo, si looga baaqsado daah, waxaa hey’ad kasta oo howsha ku lug leh looga baahnaa mas’uul go’aan qaadan kara isla markaas iyo isla goobta.   

Dhinaca Dowladda Soomaaliya hey’adaha ka socda oo dhan waxaa wakiil ka ahaa oo go’aankooda loogu imaanayay Wasiir ku xigeenka Arrimaha Gudaha, Cabdullaahi Maxamed Maax, oo ahaa Madaxa Guddiga kala wareejinta Maxaabbiista.

Isgaarsiinta VHF
Dhinaca Ethiopia waxaa wakiil ka ahaa Danjiraha Ethiopia u fadhiyay Muqdisho,

Howshaas xooggeeda waxaa hagayay mas’uuliyiin tiro badan oo ka tirsan ICRC oo qaarna ay hore dalka u joogeen, qaar aad uga badanina ay howlgalka u yimaadeen.  Qaar Soomaaliya joogo, qaarna Ethiopia.

Dhinaca ICRC waxaa u sarreeyay Richard Anderegg oo ah Madaxa Ergada ICRC ee Soomaaliya.

Anigu goobaha aan shaqo u tagey, oo weliba aan qaarkood aad ugu noqnoqon jiray waxay ahaayeen Xabsiga Dhexe, Xabsiga Dhanaane, Isbitaallada Digfeer iyo Banaadir iyo Ceel Jaalle.

Safaaradda Ethiopia waxay ku taallay meel u dhaxeysa Madbacadda iyo Xeebta Secondo Lido.  Waxay ahayd safaarad laga feejigan yahay oo shacabku rumeysnaa in ilaalo qarsoon ama basaasiin ay dul fadhiyaan 24-ka saac, qofka galana uu dhib la kulmo marka uu ka soo baxo.   Iyada lafteeda dhowr jeer ayaan u tegey howl maxaabbiista la xiriirta.

Berigaas ma jirin telefoonka la qaato, internetna haba sheegin.  Baabuurta ICRC ayaa waxaa noogu rakibnaa Raadiyaha loo yaqaan VHF.  Isaga oo anteena gacanteyda ka dheer lehna  wuxuu noo ahaa kan Gacanka hadda loo yaqaan oo berigii aan u niqiin Walkie Talkie.  Dabcan ICRC, iyo hey’adaha Dowladda oo iyaga dhexdooduna sii kala duwan waxaan dhammaanteen haysannay mowjado kala duwan.

Saturday, 24 February 2018

Tirada Maxaabbiista Labada Dhinac - Taxanaha Maxaabbiistii 77 - Qaybta Toddoba iyo Tobnaad

Soomaaliya gudaheeda maxaabbiista Ethiopian-ka ah waxaa lagu hayay afar goobood oo ay ka mid ahaayeen Xabsiga Dhexe ee Xamar, Dhanaane iyo Laanta Buur.

ICRC waxaa loo oggolaa saddex xabsi oo ay ku arki jirtay isu geyn 266 maxbuus oo Ethiopian ah iyo duuliye Cuba u dhashay oo isagana dagaalka lagu soo qabtay.  Markii ay labada Dowladood heshiiyeen, Soomaaliya waxay ka aqbashay ICRC in ay iyadu fuliso howgalka kala beddelaadda maxaabbiista. 

Markaa waxaa ICRC loo oggolaaday in ay booqato saddexxdii xabsi ee ay hore u tegi jirtay iyo mid afraad oo hor leh.  Xabsiga afraad waxay ICRC ku soo aragtay oo ay liis gareysay 2,659 maxbuus oo Ethiopian ah.  Waxay u badan tahay in ku dhowaad 11 sano oo ay xirnaayeen maxaabbiistaasi ay ahayd markii ugu horreysay ee ay arkaan cid ka baxsan Soomaalidii gacanta ku haysay.

Mas’uuliyiinta Soomaaliya waxay ICRC tuseen isu geyn in ka badan 3,500 oo maxbuus oo Ethiopian ah mid ka mid ahi waxay ahayd gabar Soomaali ah oo aan gooni uga warrami doono. 

Bishii Luulyo waxay ICRC dib isugu soo celisay xubnaha 300 oo qoys oo Ethiopian ah oo ku kala xirnaa xabsiyo kala duwan oo Soomaaliya gudaheeda ah.
Sida hooyo iyo wiilkeed xusuus weyn igu reebay oo ka mid ahaa dadkii aan dhoofinnay.

Waxay ahayd hooyo Ethiopian  ah oo maalmiheedii ugu dambeeyay Soomaaliya, xanuun dartiis taallay Isbitaal Banaadir.  Xilli salaadda subax la addimayo ayaan ka soo qaaday Isbitaalka oo aan geeyay Airporka maaddaama ay subaaxaas ku qornayd duullimaadka ugu horreeya ee geynaya Dire Dawa. 

Waa ay iska wanaagsanayd. In markii aan airporka joognay oo aan howl kale ku jiray ayaan goor dambe arkay iyada oo ooyaysa.  Waan ka naxay. Maaddaama aynaan is af aqoon, waxaan sababta ooyinta weydiiyay qaar la joogay. Waxaa la ii sheegay in ay aragtay wiilkeeda oo xabsi laga soo saaray.

Jannaale

Maaddaamada ay maxaabbiista Ethiopian-ku aad u tiro badnaayeen isla markaasna ay xabsiyo kala duwan ku jireen waxay ICRC qabanqaabisay xarun geshiin ah ama ku meel gaar.  Dowladda Soomaaliya waxay xaruntaas ka dhigtay Ceel Jaalle, oo ka titsan magaalada Marka.  Waa degaan aad u qurux badan. Waa meel kacsan oo dhinacna ay xigto buur bacaad ah dhinaca kalena badda.  Waa muuqaal aad u qurux badan siiba marka qorraxdo ay soo baxayso iyo galab-gaabkii ilaa qorrax dhaca.

Sarkaal ajnebi ah iyo aniga ayaa naloo diray in aan soo aragno goobta. Waxaan soo hubinney qolalka jiifka, kushiinka iyo meesha wax lagu cuno, xafiisyada iyo musqulaha.

Waxaan xusuustaa soo laabadkii in aan sarkaalkaas aan wada shaqeyneynay oo dalka ku cusbaa aan soo marsiiyay waddo ka duwan middii aan Marka ku tagnay.

Waxaan u weeciyay dhinaca Jannaale aniga oo sii marsiiyay, beerta Adan Cadde, tuulada Mushaanni oo aan booqannay beerta Cabdalla Mushaanni iyo aakhirkii Jannaale.  Waxaan xusuustaa in uu igu xanaaqay.  Wuxuu yiri halkaani waa Yurub oo kale.  Inta aynaan Muqdisho ka soo bixin maxaad iigu sheegi weyday in aan dhul noocaan ah tegeyno?  Waxaan weydiiyay waxa uu sameyn lahaa.  Wuxuu yiri qalab ayaan soo qaadan lahaa Madaxa Xafiiskana waxaan nooga soo qaadi lahaa fasax in aan caawa halkaan ku hoyanno.

Ma ogeyn waxa uu ula jeedo halkani waa Yurub.  Waayo anigu markaa Yurub ma aqoon. Markii aan Yurub tegey kuna wareegay ayaan arkay in meelo badan ay ku leedahay dhul beereed iyo dhir aad u waaweyn.  Geedaheedu aad ayay u jirrid weyn yihiin sida geedo aan ku arkay Jannaale, Jamaame iyo Mareerreey.

Ethiopia

Sannadkii 1988, intii ud dhexeysay bilihii Jannaayo ilaa  Agoosto, ICRC waxay booqatay saddex goobood oo dalka Ethiopia ah oo isu geyn ay ku soo aragtay 238 maxbuus oo Soomaali ah.

18-kii Agoosto ayay Dowladda Ethiopia u fasaxday ICRC in ay maxaabbiistaas u qaaddo dalkooda.  Dowladda Ethiopia waxaa kale oo ay ICRC u fasaxday in ay mid mid u weydiiso maxaabbiista oo ay hubiso in uu doonayo in uu ku laabto dalkiisa.

Ka hor inta aan maxaabbiista la soo qaadin, ayaa booqashadii ugu dambeysay waxay ICRC ku tagtay xabsiga Dire Dawa ee lagu hayay maxaabbiista Soomaalida.  Laba maalmood oo keliya ayaa ka harsanayd billowga daadgureynta iyo kala beddelaadda maxaabbiista.

16 maxbuus oo Soomaali ah oo hor leh oo aan ICRC weligeed arag ayay Ethiopian-ku keeneen.

Tirada guud ee maxaabbiista Soomaalidu waxay sidaa ku noqotay 254.

Thursday, 22 February 2018

Heshiis Soomaaliya iyo Ethiopia - Taxanaha Maxaabbiistii 77 - Qaybta Lix iyo Tobnaad

Berhanu Bayeh
Dagaalkii 1977 ee Soomaaliya iyo Ethiopia waxaa xigay xaalad aan col ahayn nabadna ahayn.  Waxaa soohdinta labada daraf ka fadhiyay ciidan xoog leh si haddii midka kale uu lacalla soo duulo ay isaga daafacaan.  Waxaa dal kastaa uu hubeynayay Jabahadaha la dagaallamaya kan kale.  Waxaa idaacadaha labada caasimadood ka baxayay dacaayad ka dhan ah midka kale. 

1988 ayaa Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre iyo Hoggaamiye Mengistu Hailemariam ay ku kulmeen Djibouti, caasimadda Jamhuriyadda Djibouti.

Labada hoggaamiye waxay la noolaayeen xanuunka Jabhado ku sii xoogeysanaya.  Awoodda militer ee jabhadaha, culeyskooda   siyaasadeed iyo galaangalkooda diblomaasiyadeedba waxay khatar ku hayeen jiritaanka Dowladaha labada Hoggaamiye ay Madaxda ka yihiin iyo xataa jiritaanka ilaa xad dalalkooda.

Wadahadalka marka loo fariistay, labada dhinac midkood wuxuu soo jeediyay in xaaladda colna aan ahayna nabadna aan ahayn ee tan 1977 taagnayd laga baxo.  Wuxuu soo jeediyay in xaaladdaas looga gudbo in ciidanka soohdinta isku hor fadhiya la kala qaado.  Sidoo kale wuxuu soo jeediyay in la joojiyo dacaayadaha uu mid waliba kan kale ka fidinayo. 

Marka intaas la helo oo ay kalsooni abuuranto in loo gudbo ka wadahadalka soohdinta lagu muransan yahay ee labada dal.

Dhanka kale, sidaa ma dooneyn mana oggoleyn.  Wuxuu qabay in waxa ugu horreeya ee laga wadahadlayaa ay noqdaan muranka soohdinta.  Taas oo aan laga heshiinna ma imaan karto ayuu yiri kalsooni iyo in xiriirka caadi laga dhigo.

Waa laba mowqif oo isdiiddan haddana  labada dhinac mid waliba mowqifkiisa ayuu ku adkeystay.  Labada Hoggaamiye sidaa ayay ku kala kaceen.  Wadahadalkana wax natiijo ahi kama soo bixin sida uu mas’uul miiska wadahadalka fadhiyay ii sheegay.

Berbera

Madaxweyne Siyaad dalka ayuu ku soo laabtay wuxuuna ka billaabay booqasho uu ku tegey degaanno ay ka mid yihiin Hargeysa iyo ka dib Berbera.

Isaga oo ku sugan Berbera, Madaxweyne Maxamed Siyaad waxaa soo gaartay farriin ka timid Ethiopia.  Diblomaasi Sare oo Soomaali ah oo farriinta siday ayaa ku wargeliyay in wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ethiopia uu diyaar u yahay in uu yimaado Muqdisho si uu wadahadal ula galo Dowladda Soomaaliya.  Siyaad arrintaa wuu aqbalay.

April 1988 waxaa Muqdisho ka soo degay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ethiopia, Berhanu Bayeh iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Wadahadal labada Dowladood ku dhex maray Muqdisho ka dib ayay Soomaaliya iyo Ethiopia soo saareen war-murtiyeed ay ku heshiiyeen qodobbo dhowr ah.

Waxaa uu heshiiskaasi dhigayay in ciidammada la kala fogeeyo oo mid waliba uu dib uga sii gurto soohdinta, in la labada dhinac uu mid kastaa joojiyo propagaandada ka dhanka ah midka kale iyo in labada dal ay is-wedyaarsadaan maxaabbiistii ay ku kala qabsadeen dagaalkii 1977.

War-murtiyeedka waxaa wadajir u soo saaray Axmed Maxamuud Faarax iyo Berhanu Bayeh.

Axamed Maxamuud Faarax wuxuu ahaa Ra’iisal Wasaare Ku Xigeen, wuxuuna ka tirsanaa Guddiga Siyaasadda ee halka Xisbi ee siyaadeed ee dalka ka jiray.  Axmed waxaa kale uu ka mid ahaa Golihii Sare ee Kacaanka oo ay xubno ka ahaayeen 25-kii sarkaal ee talada dalka xoog kula wareegay 21-kii Oktoobar 1969.

Berhanu Bayeh, waa Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ethiopia.


ICRC

Guddiga Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas dhowr jeer oo hore ayuu Soomaaliya iyo Ethiopia u qoray waxa afka diblomaasiyadda lagu yiraahdo Afti Rasmi ah (note verbale).  Wuxuu u soo jeediyay labada Dowladood in Maxaabbiista la isu celiyo.  Aftida Rasmiga ah ee ugu dambeysay waxaa labada Dowladoodba ay ICRC u dirtay 14 Maarso 1988.

Markii April ay ka war heshay in ay labada Dowladood ku heshiiyeen in Maxaabbiista ay is weydaarsadaan, ICRC mar kale ayay labada Dowladoodba u sheegtay in ay diyaar u tahay in ay iyadu fuliso howlgalka kala beddeleshada maxaabbiista.

Labada Dowladoodba waa ay aqbaleen.  Waxay ahayd tallaabo aadminnimo oo macna weyn ku fadhida.

Galabta uu soo dhacay warka ku saabsan in heshiis ay ku gaareen Soomaaliya iyo Ethiopia in ay maxaabbiista is weydaarsadaan, waxaan joogay Wakaaladda Wararka ee SONNA.  Waxaan markiiba telefoon ku wargeliyay Madaxa ICRC oo ka warsugayay waxa ka soo baxa wadahadalka labada Dowladood.

Xusuus iyo Uur-ku-taallo

Waxaan galabtaa soo xusuustay hadalkii Cabdulle Bashiir markii aan ugu tegey Naar Weyne. Waxaan u sheegay wiilkiisu in uu nool yahay kuna xiran yahay Ethiopia.  Saaxiibkiis oo arrintaa quus ka muujiyay ayuu Cabdulle ugu jawaabay "inta labada Oday ka wadahadlaayaan eey ka shiran tahay". Sheekadaas waxaad ka akhrisan kartaa Qaybta Afraad ee Txanaha Maxaabbiista oo cinwaakeedu yahay Caliyaale iyo Naar Weye.

Nin oday ah oo maxaabbiista Ethiopia ka mid ah, oo ku jiray Isbitaalka Digfeer ayaan isagana maalmihii heshiiska xigay waxaan weydiiyay in uu maqlay in labada Dowladood ay heshiis gaareen oo la geynayo dalkiisa.

Ismaynaan af aqoon oo waxaa noo kala tarjumayay mid ka mid ah Maxaabbiista Ethiopia oo af Soomaali bartay ku dhowaad 11-kii sano ee uu Soomaaliya ku xirnaa.

Odagii in door ah ayuu af Xabashi ku hadlayay.  Waan la yaabay meeshii aan haa ama maya ka sugayay, hadalkan badan ee uu taxayaa wuxuu noqon karo.

Tarjubaanka ayaa markiiba ii fasiray.

Wuxuu odagu sheegay noloshiisa in laba jeer uu damcay in uu is dilo.  Mar waxay ahayd ayuu yiri markii beertiisa laga soo dhex qabtay, naagtiisii iyo dukaankiisii laga soo kaxeeyay ee xabsi Muqdisho yaalla la dhigay.  Si iyo wax aan isku dilo ayaan heli waayay ayuu yiri.

Marka labaad ee aan damcay in aan is dilo waa hadda ayuu yiri.  Waa marka aan muddada intaa le’eg xabsi ku jiray aniga oo aan waxba galabsan ee hadda la igu jeesjeesayo ee la i leeyahay dalkaaga ayaa lagugu celinayaa. 

Waxaan soo xusuustay nolosheydii oo habeenkii ma seexdo.  Waxaana i haysa in aan is dilo.

Wednesday, 21 February 2018

Baydhaba iyo Luuq - Taxanaha Maxaabbiistii 77 - Qaybta Shan iyo Tobnaad

Goor subax ah ayaan gaari wanaagsan kaxeysannay oo aan toos u aadnay Baydhaba.  Saddex ayaan nahay - waa Beatrix, Cornelia iyo aniga.  Hotel Eden ayaan ku degnay saddxdeennuba.

Xuseen oo Madax u ahaa Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed faraciisa Gobolka Bay ayaa howsha baadi-goobka qoysaska hore u sii waday.  Xuseen waa Madaxa Bisha Case ee Baay, waana macallin Jaamici ah oo Dugsiga Sare wax ka dhiga.  Waa nin deggan, xushmad badan oo shaqo yaqaan ah. labadiisa shaqana daacad u ah.

Isla maalinta aan nimid ayaan Xuseen la qaadannay shir.  Warbixin ayuu na siiyay.  Dokumenti hor lehna waan kala qaadannay.

N. S. S*.

Subax hore ayaan quraac u fariisannay makhaayadda hotelka.  Waxaan ku jirnaa diyaar garowgii ugu dambeeyay ee safarkeenna maanta aan ugu amba baxeyno Luuq.  Annaga oo quraacaneyna, iskana hubeyneyna in ay wax walba noo dhan yihiin oo aan qorshaheenna ku soconno, ayaa waxaa ii yeeray saddex nin oo fadhiya miis aan naga fogeyn.  Mid nimanka ka mid ah ayaa i soo dul istaagay oo hadal gaaban igu yiri waan kuu baahan nahay ee noo imow. 

Waan u tegey.  Waxay gashan yihiin muraayado madmadow, waxaadna mooddaa in ay wax qarinayaan xataa qaabka ay iila hadlayaan ma ahan caadi.

Aniga oo ka koobinaya, waxay ii sheegeen in ay ka tirsan yihiin Nabad Sugidda Qaranka, NSS, ayna doonayaan in ay su’aalo i weydiiyaan.  Waxaan su’aashoodii ugu horreysay uga jawaabay in aniga iyo labadan gabdhood aan ka soconno Laanqeyrta Case ee Caalamiga ah, ICRC.  Su’aasha labaadna waxaan uga jawaabay in gabdhaha dhalashadoodu ay tahay Swiss.

Waxay yiraahdeen Ethiopia miyaad ka timaaddeen?  Maya ayaan ugu jawaabay ee Xamar ayaan ka nimid.  Waxay daba dhigeen, hadda ma Ethiopia ayaad u socotaan?  Mar kale ayaan u sheegay in aan xaalku sidaa ahayn.

Cabbaar ayay aammuseen oo is fiiriyeen.

Su’aalahooda markaan qiyaasay waxaan gartay in ay ka warheleen in aan waraaqo ka keennay Ethiopia, kuwa kalena aan hadda u sidno.

Waxaa aan u fasiray ICRC iyo waxa ay qabato.  Intaa ka dibna waxaan u sheegay howsha aan wadno iyo waxa ay tahay.  Waxay yiraahdeen yaa idiin fasaxay?  Marka aan gabdhaha ku laabtay oo aan ka soo qaaday ayaan nimanka hordhigay dokumenti.  Waa waraaqo caddeynaya oggolaashada Dowladdu in ay howshaan la socoto.

Intaas ka dib way i fasaxeen.

Gabdhaha markii aan u fasiray waxa miiska aan tegey ka dhacay iyo sida ay ku dhammaatay ka dib, waddada Yurkud ayaan ku dhacnay.

Gedo

Yurkud waa tuulo u dhexeysa Baydhaba iyo Luuq  dhagax miiran ah.  Dhagxaan aad mooddo in hadda lagu daadiyay ayaa waddada karooran.  Inteenna baabuurka saaran, sheeko warkeed daa ee waxaa adag in aan is maqalno. 

Waxaan uga gudubnay Luuq.  Waxaan ku degnay qolo Mareykan ah oo joogtay xerada Qaxootiga Halbo. Waxaan u maleynayaa in ay ahayd Halbo Two.  Casho iyo jiif ayay na siiyeen subixiina wey na quraaciyeen inta aan shaqo loo kallahin.  Luuq ayaan subaxaas ka billownay howshii baadi goobka qoysaska.

Habeen labaad ayaan seexannay Luuq.  Subixii xigay waxaan u baxnay safar dheer oo qallooc ah.  Waxaan ku hakannay tuulada Meyka-reebay.  Cillad ayaa gaariga naga gashay.  Nasiib wanaag, dhakhso ayaan uga saarnay.  Markii aan u weecannay Garbahaarreey oo aan joognay saacado kooban laakiin aan dad badan kula kulannay waxaan sii wadannay safarkeenna.  Waxaan u gudubnay Buur Dhuubo iyo Qansax Dheere.  Annaga oo kax la ah daal, boorka dusheenna saaranna aad yaabto ayaan u soo hoyannay Baydhaba iyo mar kale Hotel Eden.

Maalintii xigtayna waxaan ku soo laabannay Muqdisho.

Adam Aw Xersi oo hadda ah Wasiir ka tirsan Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa mar dambe ii sheegay in nin ay isku magaalo ahaayeen laga warhelay in Ethiopia ay dhaawac ku qabaty.  Waaxaa looga duceyn jiray Dugsi Quraanka iyo Masaajidkaba in Allah ka soo badbaadiyo.  Ninkaas waxaa mar dambe la soo sheegay ayuu yiri in la dilay.  Waxaa shakiga naga saaray aakhirkii waraaq aad safarkaas keenteen oo maxbuusku soo qoray.

Markii aan Baay iyo Gedo ka soo laabannay, safar kele oo noo qorsheysnaa Beatrix in aan isu raacno wuxuu ahaa Kismaayo.

Muddo markaas dhowr bilood laga joogo ayaan Kismaayo ku tegey safar dhulka ah aniga oo ka socda Radio Muqdisho.  Inkasta oo aan safarka Kismaayo aad uga soo helay, howsha maxxiistuna ay wadnaha iiga taallay, kolkaan waan ka cudur daartay safarka.  Beatrix waxay Kismaayo isu raaceen Faaduma Shiikh Cabdi oo ka tirsanayd xafiiska ICRC.

Taxanaha 

Taxanaha Maxaabbiistu wuxuu geli doonaa Qormooyin ku saabsan, heshiiskii Soomaaliya iyo Ethiopia iyo kala beddeleshadii Maxaabbiista dagaal ee labada dal. 

Waxaan ka warrami doonaa sida aan u amba bixinnay dhowrkii kun ee ka joogay Ethiopia ilaa aan geyno Diri Doa.  Iyo maalin shaqo tii abid iigu farxad badnayd oo ah soo laabashadii Maxaabbiista Soomaaliya ee ICRC ay ka soo qaaday Dire Dawa.

Madaxweyne Maxamed Siyaad ayaa ku soo dhoweeyay airporka.   Ka dibn waxay Dowladdu dejisay xerada militeriga ee Xalane.  Halkaas oo aniga iyo Cornelia aan wareysi kula yeelannay Maxbuus kasta goonidiisa.

-----------------------
*NSS waa ciidankii qarsoodiga ahaa berigii Madaxweyne Maxamed Siyaad.

Tuesday, 20 February 2018

Buur Hakaba - Taxanaha Maxaabbiistii 77 - Qaybta Afar iyo Tobnaad

Beatrix, Cornelia oo iyada shaqada ka beddeli doonta maalmo gudahood iyo aniga ayaa subax ka dhaqaaqnay Muqdisho.  Waxaan sii marnay Afgooye, Wanla Weyn.

Waxaa kale oo aan sii marnay Leego iyo Yaaq-Beri-Weyne oo ah degaan aad u qurux badan oo beryahaas ay dad awood u lihi ay isaga daydeen in guri labaad oo Kahmiista iyo Jimcaha la tago ay ka sameystaan.  

Mar xillligaas in yar ka horreysay ayay ahayd markii iigu horreysay ee caana geel oo aniga oo arkaya la lisay oo kulul aan halkaa ku cabbo mar aan degaankaas u soo raacay saaxiibbo iyo walaalo. Waxay ahayd markii iigu horreysay ee caano geel oo sidaa u cusub aan cabbo.  Waxaan arkay in ay aad uga dhadhan wanaagsan yihiin dhaayda geela ee aan makhaayadaha ka cabi jiray ama xataa guriga marka suuqa laga soo iibiyo ka dib kuwaas oo aan dhibsan jiray cabiddooda.

Waan ka gudubnay oo dhowr tallaabo meel ka sokeysa buundada saaran togga Buur Hakaba ka sokeeya ayaa waxaa nagu joojiyay ciidammo meesha deggan.  Waxay baaraan baabuurta u tallaabeya Buur Hakaba iyo kuwa ka soo baxaya ama ka soo gudbaya.

Qaddar kooban markii su’aalo uu na weydiiyay aan uga jawaabnay ayuu askari goobta taagnaa noo fasaxay in aan socodkeenna sii wadanno.

Waxaan wadannaa gaari kiro ah oo aan ka soo qaadannay sharikadda Meryl.  Gaarigu waa Land Cruiser.  Beatrix oo gaariga wadday waxaa u geli weyday marsha kale oo dhan marka laga reebo midda dib u celisa gaariga.

Si kasta haddii aan yeelnay oo aan isu beddelnay oo la demiyay oo la daaray marnaba gaarigu waa diiday marsha hore.   Waxay kalliftay in gaariga ay gadaal u dhaqaajiso oo isaga oo gadaal u socda ay kala fireyso oo aan Buur Hakaba ku galno annaga oo fuushan baabuur gadaal-gadaal u socda oo magaalada oo dhami ay na soo eegeyso.

Ma ahayn sida ugu qurxoon ee lagu tago magaalo aad howl ugu socoto, laakiin waxay ahayd sida markaas ay dantu nagu kalliftay.

Anigu isla markiiba waxaan ku soo dhacay bas meesha taagnaa oo Xamar u soo socda.  Markii aan Xamar imidna Taksi ayaan qaatay oo waxaan tegey xafiiska hey’adda oo ku yaallay meel aan ka fogeyn Sayidka oo ku beegan Wasaaradda Dalxiiska dhabarkeeda.  Madaxa hey’adda ayaan uga warramay xaaladda. 

Waxaan halkaas ka soo kaxeystay Land Cruiser kale.  Xarig ka sameysay fiilooyin bir ah oo gaariga kale aan ku soo jiidno ayaan hore u soo qaatay.  Inta aan qorraxdu dhicin ayaan Buur Hakaba ugu imid labadii gandhood oo Hotel degay anna qol ii qabtay.  Halkaas ayaan ku hoyannay.

Habeenkaas waxaan Buur Hakaba isku aragnay Macallin ka mid ah Macallimiinteydii Dugsiga Hoose ee Buulo Burte, Gary Cooper, oo weli Wasaaradda Waxbarashada ka tirsan.  Waxaan ka xumahay in aanan Macallinkeyga aqoon magaciisa rasmiga ah.  Inkasta oo magacaan loo yiqiin waa Macallin Soomaali ah.

Waxaa kale oo aan wakhti isla qaadannay saaxiib aan isku horin ahayn Ururka Shanaad, waardiye ama santari aan habeenno dhowr ah wada qabannay markii aan ku jiray Dugsiga Tababbarka Xalane.  Isaguna macallin ayuu markaan ka yahay Buur Hakaba isaga oo soo dhammaystay Kulliyadda Waxbarashada ee Lafoole.

Buur Hakaba waa buur aad u weyn, laakiin ka duwan buurihii aan ku soo arkay Hiiraan, Bari, Shiikh iyo Borama.  Buur dhagxaan ah ma aha ee waa hal dhagax oo aad u weyn oo is-haysta oo keligiis buur ah.

Degaanka intiisa kale waa dhul siman oo beeraleey ah. 

Waagu markii uu baryay ayaan labadii baabuur isku soo daba xirnay waxaanna ku soo laabannay Muqdisho xilliga qadada.


Gaari kale ayaan isla markiiba diyaarsannay, waxaanna ku ballannay in aan berri subax mar kale u baxno safarkeenna Luuq ee naga dhicisoobay.

Monday, 19 February 2018

Boosaaso - Muqdisho - Taxanaha Maxaabbiistii 77 - Qaybta Saddex iyo Tobnaad

Boosaaso markii ay howlaheenni nooga dhammaadeen ayaan ka shiraacannay oo mar kale aan soo marnay waddada dheer. Qaddar aan ku hakannay Qardho ka dib waxaan toos u tagnay Garowe.  Habeen markii aan hoyannay waan ka soo gudubnay. 

Cadaado ayaan u istaagnay in aan shidaal ka qaadanno, kaalin shidaal oo nadiif badan oo aan u maleynayo in ay markaa cusbayd.

Oday keligii joogay ayaan shidaalkii ka iibsannay.  Intii gaariga uu ku shubayay shidaalka ayaan odaga iskala sheekeystay oo aan magaciisa weydiiyay.  Adan ayuu ku soo koobay.  Waxaan weydiiyay wiilal uu dhalay oo Xamar jooga in ay jiraan?  Haa mid baa dhigta Jaamacadda, ayuu ka billaabay.  Qaarka kale inta aanuu sheegin ayaan weydiiyay magaca wiilkiisa Jaamacadda dhigta.  Wuu ii sheegay.  Markaas ayaan odaga weydiiyay oo aan ku iri adigu ma Adan hebel ayaad tahay?  Wuu ila yaabay! 

Ka dib waxaan u sheegay in wiilkiisa aan saaxiib nahay.

Qofka keliya ee aan Cadaado wadahadalnay ayuu ahaa, wuxuuna noqday saaxiibkeey Aabbihiis oo aanan weligeyba hore isu weydiin in uu nool yahay iyo magaalada uu deggan yahay ama waxa uu ka shaqeeyo.

Waxaan maalintaas safarkeenna ku hakinnay Beled Weyne oo aan habeen ku hoyannay.  Markaan aniga oo og wixii socodkii hore iga qabsaday, waan ka baaqsaday Hotel.   Waxaan jiif ka helay xarunta Italian Medical team.

Maalintii xigtay ayaan subaxnimadii ka soo baxnay Beled Weyne waxaanan ku soo laabannay Muqdisho goor galab ah.

Ilaaheey mahaddiis intaa aan soconnay Muqdisho ilaa Boorama, Borama ilaa Garowe iyo Boosaaso, Boosaaso ilaa Muqdisho baabuurka wax cillad ahi nagama gelin.  Marka laga reebo in shidaal, saliid iyo biyo aan ku shubnay, xataa hal taayar lagama beddelin.

Wuxuu ahaa safar guul noogu dhammaaday.

Xarig

Laakiin warka aan Muqdisho ugu nimid wuxuu ahaa in Cali oo aan Hargeysa u xilsaarany in uu waraaqaha ku goobo qoysaska ay u socdaan xabsiga la dhigay.

Ma ahayn marka keliya ee Cali ay ciidammada amnigu ay xireen. Marna wakhti gaaban ka dib ayay iskood u soo daayeen.  Marna waxay kalliftay in aan la xiriiro Madaxa Radio Hargeysa, Xasan – Kuuriya, si uu General Morgan u wargeliyo.  Tabtaas ayaan Cali xabsiga uga soo deynay.

Waxaa billowday in annaga oo la kaashaneyna Ururka Bisha Case e Soomaaliyeed xarumihiisa Gobollada, iyo hey’ado kale oo badan in aan jawaabo ka helno wakiillada aan Gobollada u xilsaarnay in ay goobaan qoysaska Maxaabbiista.

Wakiillada qaar waxay ahaayeen dad ay ICRC shaqo gelisay, qaarna waxay ahaayeen dad Dowladda u shaqeeya oo si samafal ah uga qeyb qaadanaya howsha.

Safar Kale

Safarkii marka aan maalmo yar ka nasannay, Beatrix iyo anigu waxaan isu diyaarinnay safar kale oo aan ugu baxayeno Wanla Weyn, Buur Hakaba, Baydhaba, Luuq, Garba-Haarreey, Buur Dhuubo iyo Qansax Dheere.

Markan waxaa socdaalka nagu wehlisa Kornelia oo u timid in ay shaqada ka beddesho Beatrix oo loo beddelay Lima, dalka Peru. 

Sunday, 18 February 2018

Qardho iyo Boosaaso - Taxanaha Maxaabbiistii 77 - Qaybta Laba iyo Tobnaad

Salaadda subax marka la tukaday anse weli qorraxdii soo bixin ayaan aniga iyo Beatrix ku dhacnay waddada laamiga ah ee ka baxda Garowe, annaga oo u soconna Jihada Qardho. 

In yar markii aan soconnay waddadii laamiga ahayd waa ay dhammatay.   Cagafyo kala nooc nooc ah iyo baabuur iska orgayaal ah iyo mishiinno kale oo waddada dhismaheeda loo adeegsanayo iyo shaqaale dhulka tuban ayaan dhex marnay markii waddada nalaka dejiyay. 

Waxaan marnay waddo dheer oo maalintaa soo dhan aan ku socon doonno oo inta badan dhagax ah.  Waddooyin badan oo miliqsan waan aragnay marnabase qiyaasteennu nama habaabin. 

Annaga oo aad u kulul ayaan goor duhur ah tagnay Qardho.  Waa magaalo dhexaad.  Xilligaa aan joognay aad u kulul. Kulaylka jawiga waxaa noogu darsamay safarka iyo welwelka aan ka qabno in aan habowno ama wax uun ay si naga noqdaan. 

Batuun

Markiiba howsha baadi-goobka qoysaska ayaan galnay.  Qaddar yar ka dib waxaan la kulannay gabar aan magaceeda ku soo koobayo Batuun.  Walaalkeed ayaan waraaq uga sidnaa.  

Waraaqdii markii ay ka bogatay jawaabna ay diyaarisay ayaan weydiiyay in ay ka warqabtay walaalkeed in uu nool yahay iyo in kale.  Waxay noo sheegtay in ay hadda ka hor maqashay in uu nool yahay oo uu xabsi ku jiro.  Inta ay samysay hilib oodkac ah ayay u qaadday.  Waxay aaday Ethiopia. 

Waxay noo sheegtay iyada oo la kaashaneysa rag SSDF ka tirsanaa oo Ethiopia joogay ay isku dayday in ay aragto walaalkeed, taasina ay shaqeyn weyday.  Xataa waxaa u suurta-geli weyday in loo xaqiijiyo in uu nool yahay oo uu xabsi ku jiro.

Ma hubo in ay Batuun nagu tiri in mar labaad u baxday safar noocaas ah.  Warqadda aan u keennay Batuun aad ayay ugu faraxday.  Waxayna markiiba intii aan howsha ku jirnay ay midkeenba u keentay barafuun haddiyad ah oo aan aad uga helay.

Markii aan qadeynay ayaan sii wadannay safarkeennii.  Markaa anigaa ayaa gaariga wada.  Waxaan ka carareynaa in ay qorraxdu dhacdo inta aynaan gaarin Boosaaso.

Inta suura-gal ah ee ugu badan ee gaarigu dhagaxa ku dul roori karo ayaan eryayaa.  Marka ay qorraxdii sii gaabaneyso, waxaan fishaa in buurta nooga muuqata meesha ugu dambeysa ee ishu ay qabato marka aan gaarno ay baddu noo muuqan doonto.  Laakiin mar kasta oo aan bartaas gaarno, waxaa mar kale meesha ugu shisheysa ee ishu qabato nooga muuqaneysa buur kale.  Waa buuro aan kala go’ lahayn.

Daalka, kuleylka, shanqaraha aan dhegaha u rooneyn ee gaariga dhagaxa maraya ka yeeraya, waddo xumada, aniga iyo Beatrix xataa sheeko ma jirto.

Mar kasta oo buur kale ay noo sii muuqato, iyada oo qorraxdiina sii dhacayso annagana waxaa nagu sii badanaya welwelka.

Gobolka Bari hore uma imaan.  Laakiin ilaa xad ayaan sheekooyin badan ka haystaa.   

Boosaaso

Marka laga soo tago waxoogaagii aan iskuulka ku soo qaatay, in magaalada oo la dhihi jiray Bender Qaasim ay tahay magaalo taariikhi ah iyo kaalinteedii ganacsigii fooxa iyo beeyada ee Faraaciinta, walaalkeey Ismaaciil Cumar AUN ayaa dhowr sano ahaa Isu-duwaha Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta ee Gobolka Bari.  Marka uu fasax ama shaqo u yimaado Muqdisho, ayuu nooga sheekeyn jiray Gobolka baaxaddiisa iyo waxyaabaha u gaarka ah; Sida in degmooyinkiisa qaaarkood doon uun lagu tegi karo ee aan waddo jirin.

Waxaa kale oo uu noo sheegay in ay Gobolka ka soo degaan waxyaabo badan oo qaarkood laga soo geliyo dalka dekado macmal ah oo canshuurta lagala dhuuntay.  Sidaa darteed ay waxyaabahaas qiimahoodu aad uga jaban yihiin kuwa xamar yaalla. Waxaa ka mid ahaa saacadaha, boorsooyina, dharka, goglaha iyo katiifadaha, maacuunta, waxyaabaha korontada ama bateriga ku shaqeeya sida rikoorrada oo berigaas kuwa labada cajaladood qaadaa ay ahaayeen farsamada ugu sarreysa, raadiyayaasha, mashiinnada xisaabta, nalalka iyo qalabka kale ee korontada iyo wax kasta oo waxtar leh oo dibadda laga keeno.

Wax aan wakhtiga eegnaba, ugu dambeyntii waxaan soo gaarnay waddo aan laami ahayn, laakiin la simay si laami loo saaro oo gaarigu aad ugu xawaareyn karo.   Waddadaas markii aan muddo yar ku soconnay, qorraxdiina ay markaa dhacday oo salaadda makhrib la tukaday laakiin weli iftiin ah, ayaan waxaan galnay Boosaaso.

Hotel aan u maleynayo in magaciisu uu ahaa Milano ayaan tagnay.  Magaaladu dhaqdhaqaaq noocaasa ma laha.  Dad waddooyinka socda ma aynaan arag.  Gaadiid aan keenna ahayna intii yarayd ee magaalada aan joognay waxaan ka aragnay hal baabuur oo kuwa xamuulka ah oo magaalada ka soo baxaya.

Nin aan hoteelka ugu tagnay ayaa meel deyrad gudaha ku taalla na fariisiyay inta uu malahaa qolalka soo diyaarinayo ama uu soo hubinayo nin la hadlay oo gudaha u galay hoteelka. 

Wuxuu naga wareystay meesha aan ka nimid, markaas ayaan u sheegnay in aan Garowe saaka ka soo baxnay.

Oday meel aan naga fogeyn gogol ku fadhiyay.  Ayaa wuxuu yiri: “Adduunyooy xaalkaa ba’. Ma dadkii xalay Garowe ku hoyday ayaa caawa Boosaaso nala jooga!”.
Wuxuu u dan leeyahay in uu tilmaamo in adduunku casri noqday oo maalin keliya loo kala socon karo Garowe iyo Boosaaso.

Xilli Boosaaso laga xagaa baxay ayay ahayd.  Iga rumeyso waxaa howl noqotay iska daa nooca aan dalbanno ee in casho naloo helo.  Dadaal ay ka mid tahay in la tegey makhaayad la xiray, aakhirkii waxaa nala siiyay raashin.

Cashada ka dib waa naloo digay.  Haddii aan berri joogeyno waa in meesha aan wax ka cuni doonno aan hadda sii wargelinno si loogu talo galo.  Iyaga ayaan u xil saarnay howshaas.

Maalintii xigtay waan joognay.  Waxay ahayd maalin dhinacna aan ku faraxsan ahay in aynaan shalay habaabin, welibana aan soo dheereynay.  Dhinacna aan jawiga magaalada xammili kari la’ahay.  Berbera ayaan markiiba soo xusuustay.

Goobihii tirada yaraa ee aan maalintaas tegey waxaa ka mid ahaa Xarunta Isgaarsiinta ee Gobolka Bari oo walaalkeey wakhti badan ka ahaa Isu-duwaha Isgaarsiinta, ninka hadda joogaana uu yahay saaxiibkiis oo aan is naqaan.  Derejada Isu-Duwaha Gobolka hadda lama adeegsado.  Qiyaasteyda waxay u dhigantay Wasiirrada Dowlad Goboleedyada ee hadda jira.  Isu Duwayaashu waxay ahaayeen mas’uuliyiinta ugu sarreeya howlaha Wasaaradda ee heer Gobol.


1995 iyo 2002 

Safarkeygii 1987, markii iigu xigtay ee aan Boosaaso tago waxay noqotay 1995 mar dad Soomaali ah oo tarxiil ah uu markab ku soo daadiyay xeebta.  Laba maalmood ayaan Boosaaso soo joogay oo aan af Soomaali, af Ingiriisna iyo af Faransiisba aan caalamka ugu soo tebiyay dhibaatada dadkaas haysatay.

Berigaas Dowlad Soomaaliyeed ma jirin, waxayna ahayd ka hor inta aan la sameyn Dowlad Goboleedka Puntland. 

1995 Boosaaso way ka dad badnayd sidii aan ku ogaa 1987, laakiin Boosaasada iga yaabisay waxay ahayd horraantii 2002 markii aan socdaal ku tegey si aan heshiis ula galo SBC, shir saxaafadeedna aan Boosaaso ugu qabto oo aan ku dhawaaqo in BBC, FM looga dhegeysan karo Boosaaso, Qardho iyo Garowe.

Markaas Boosaaso waxay ahayd mid aan la barbar dhigi karin, magaaladii densanayd ee aan arkay 1987. 

Boosaaso waxay ahayd magaalo la mid ah magaalooyinka waaweyn ee dalka amaba qaraddeenna.  Welibana qaar badan ka horumarsan.  Hoteellada, makhaayadaha, gaadiidka cir dhul iyo badba leh, isgaarsiinta, ganacsiga kala socda, shaqaalaha tirade badan ee dekedda, Jaamacadda Bariga Afrika oo aan booqday iyo dhsimayaasha tirada badan ee qaarkood ay aad u qurxoon yihiin.

Qofkii Boosaaso hore u yaqaannay, waxay u ahayd magaalo hor leh. Xataa waan aqoon waayay goobihii aan tegey 1987.

Wararka aan maqlayana, Boosaaso aad ayay hadda uga sii horumarsan tahay, middii intii aan ku ogaa 2002.