Sunday, 24 February 2019
Yusuf Garaad: Aqoonyahan Allah-aammin ah, Maxamed - Rashiid, AUN...
Yusuf Garaad: Aqoonyahan Allah-aammin ah, Maxamed - Rashiid, AUN...: Dr. Maxamed - Rashiid Shiikh Xasan Waxaan akhriyay in uu geeriyooday Maxamed Rashiid Shiikh Xasan. Allah ayaan uga baryayaa naxariista ...
Aqoonyahan Allah-aammin ah, Maxamed - Rashiid, AUN
Dr. Maxamed - Rashiid Shiikh Xasan |
Waxaan akhriyay in uu geeriyooday Maxamed Rashiid Shiikh Xasan.
Allah ayaan uga baryayaa naxariista Janno. Waxaan tacsi u dirayaa qoyskiisa oo
dhan oo ay ugu horreyso xaaskiisu.
Maxamed Rashiid waxaan 1992 isku barannay London, gaar ahaan daarta
Bush House markii aan ku biiray Laanta Soomaaliga ee BBC World Service.
Wuxuu ka shaqeynayay waaxda xiriirka iyo baarista dhegeystayaasha BBC iyo heerka BBC marka la barbardhigo Idaacadaha kale. Gaar ahaan wuxuu qaabblisnaa Xafiiska ay ku
soo dhacaan waraaqaha ay soo diraan dhegeystayaasha Laanta Soomaaligu.
Waraaqaha oo ay
dhegeystayaashu soo dhigi jireen boostada waxay ahayeen dariiqadda ugu habboon
ee ay BBC kula soo xiriiraan maaddaama aan internet markaa na soo gaarin.
Waraaqahaasi waxay isugu jireen kuwo u socda barnaamij gaar ah sida Baafinta, Tacsida, Waxay
ila tahay, Wax weydiin ogaal, Suugaanta, Arrimaha Qoyska, Qubanaha Talaadada, Bandhigga
Sabtida, Caweyska Sabtida, Muusigga iyo Salaamaha iyo qaar kale.
Waraaqaha qaar waxay ku saabsanaayeen keliya in ay codsadaan in
waraaq ahaan loogu soo diro mowjadaha laga dhegeysan karo Laanta Soomaaliga ee
BBC magaalada uu qorayaha waraaqdu uu markaa joogo.
Waraaqaha qaarkood waxay ahaayeen dacwad ama bogaadin ku saabsan
warbixin, wareysi ama barnaamij ay Laantu hore u sii deysay.
Laanta Soomaaliga wuxuu u shaqeyn jiray
toddobaadkii laba maalmood. Wuxuu qaabbilsanaa wararka iyo wareysiyada ka baxay
BBC kuwooda noqon kara taariikhi in uu keydka ku daro.
Maxamed – Rashiid wuxuu ahaa nin la saaxiib ah aqoonta iyo
waxbarashada, muujiya, weliba jecel in sidaa loo arko. Nin wax akhriya ayuu
ahaa.
Isaga oo labadaa shaqo haya ayuu Maxamed-
Rashiid wuxuu ku mintiday in uu dhowr Jaamacadood ka qalin jebiyo, ka dibna
sameeyo cilmi baaris uu ku qaadanayo shahaaddada PhD.
Wuxuu tegi jiray in uu soo dhegeysto
muxaadarooyin cilmi ah kana qeyb galo shirar iyo seminaarro aqooneed oo
qaarkood uu ugu safro magaalo kale oo UK ka tirsan amaba dal kale.
Taas ayaa keentay in rag ka tirsan tiimka BBC ay ku xifaaleyn jireen
naaneys ah aqoonyahanka.
Wuu safar badnaa, wuxuuna jeclaa in uu arko qof Soomaali ah oo guul
gaaray, gaar ahaan heer caalami ah. Wuxuu mar igu yiri, saaxiibtinnimo aan
dayaarad loo raacin si la isu siyaarto ma aha saaxiibtinnimo weyn.
Waxaa kale oo uu jeclaa diinta Islaamka wuxuu ahaa nin ahalu dariiqa
ah, waxaanna filayaa in uu markiisii horeba iskuulka ku dhigtay Shiikh.
Anigu si gooni ah ayaan u saaxiibnay waxaana naga dhexeeyay wax
shaqada ka baxsan. In badan ayaan sheekeynay, cashooyin bandanna waan isu
raacnay qaar noo gaar ahaa iyo kuwo aan dad ajnabi ah la casheynayba.
Habeen ayuu igu yiri waxaan doonayaa in aad ii raacdo. nin Muqdisho
ka yimid oo aan doonayo in aan soo salaamo. Nin magaciisa aan aqaan laakiin
aanan weli arag oo ah ganasade, siyaasad-ka-warqab ah ayuu ahaa. Waan is
raacnay. Ma ogeyn in ganacsaduhu uu isna suufiyadda ka ag dhow yahay.
Habeenkaas waxaan saacado badan ku dhex jirnay in la marsado bun lagu soo
shubay kurbin, la qariido daango, foox la shito iyo iga rumeyso waliba digri
salaan.
Saaxiibkeey Maxamed Rashiid, inkasta oo guur hore iyo carruur uu soo
maray anigu waxaan ku xusuustaa nin keligii noolaa.
Habeen ayaan xusuustaa in annaga oo joogna xaflad BBC oo sannad
cusub oo dhalan raba loogu dabbaaldegayo Bush House uu ii sheegay in sannadka
cusub uu qorshihiisu yahay in uu guursado. Waxaan weydiiyay gabadha nasiibka u
heshay midda ay tahay. Wuxuu iigu jawaabay weli ma aqaan.
Waxaan xusuustaa in uu arrinkaa ka dhabeeyay oo sannadkaas uu aqal
galay.
Habeen ayaan isaga iyo xaaskiisa cusub ku wada casheynay London. Ka
dibna jawiga oo wanaagsanaa awgiis waxaan goosannay in aan ku lugeyno webiga
Thames jiinkiisa. Webigu wuxuu London u kala qeybiyaa Koofur iyo Woqooyi.
Jiinka woqooyi ayaan lug uga billownay buundada Waterloo annaga oo London
Galbeed u soconna. Ilaa Baarlamaanku na soo xiro ayaan lugeyneynay.
Wuxuu ahaa nin caashaq hayo oo aad u faraxsan. Dhowr jeer ayuu
istaagay, ii dhiibay kameradiisa oo iga codsaday in aan isaga iyo marwadiisa ku
sawiro webiga jiinkiisa. Runtii waan ku farxay in saaxiibkeey aan aniga iyo
isagu isku sheeko daalnay isaga oo keligii hoyda anna aan qoys leeyahay, aan
hadda nahay barbardhac.
Wuxuu ahaa nin aamminsan in Afrika ay midowdo. Dhaqdhaqaaqa PanAfrikaanism
ayuu ka mid ahaa.
Maxamed – Rashiid wuxuu ahaa nin ay Soomaalinnimadu ku weyn tahay. Ku fog Afkrikaannimada kuna faana. Muslinnamudu ay aad ugu weyn tahay. Suufi ah.
Haddana wuxuu ahaa nin degaameed oo aad u jecel, si dhab ahna u
rumeysan degaankiisa Awdal iyo ka dib Somaliland. Wuxuu iyadana jeclaa
magaalada Muqdisho oo uu ii sheegay in uu Baanka ka shaqeyn jiray ka hor inta
aanuu ku biirin BBC. Sannadkii 1989 mar uu fasax ku tegey Muqdisho, wuxuu la
kulmay bannaabixii lagu dhintay ee Masjidka Shiikh Cali Suufi, arrinkaa oo
markii dambe uga warramay BBC.
Maxamed – Rashiid wuxuu ka qeyb qaatay mashruuca BBC ee tababbarka
suxufiyiinta Soomaaliyeed. Wuxuu tababbarro ka soo bixiyay Muqdisho iyo
Hargeysa isaga oo ay wadashaqeynayaan tababbarayaal ay ka mid yihiin Maria
Fraunrath, Yonis Cali Nuur, Celeste Hicks iyo Yusuf Xasan.
Markii internetku soo baxay, waxaa
fududaatay welibana dhakhsa badisay in ay dhegeystayaashu email kula soo
xiriiraan BBC. Idaacaddana ay ka
dhegeystaan internetka. Sidaa darteed, waxaa la xiray Waaxda Maxamed – Rashiid la
shaqeynayay.
Dhanka Keydkana waxaa la soo rogay in cajalad
laga maarmay oo barnaamijyada lagu diyaariyo hab digital ah, idaacad kasta oo
la sii daayana gebigeedba la keydiyo.
Markii uu BBC ka tegey, Hargeysa ayuu degay. Guri magaalada galbeed
uga baxsanaa ayuu dhistay oo isaga oo ku faraxsan uu gaari igu qaaday oo i soo
tusay. Saaxiibkeey Maxamed Rashiid wuxuu
aayar aayar ugu qancay aragtida ah in Somaliland ugu badiso in ay gooni isu
taagto. Wuxuu Wasiiru Dowlada Arrimaha Dibadda ka noqday Xukuumaddii Silaanyo.
Arrimo badan ayaan ka tashannay Maxamed –
Rashiid. Wuxuuna ahaa saaxiib aad ii dhiirri geliya, gaar ahaan marka aan ku jiro tartan gudaha BBC ah iyo marka aan u shaqo tago Waax kale oo shaqadeedu barasho iyo hanasho iiga baahan tahay.
Maxamed- Rashiid mar uu ka mid ahaa Madaxda UCID |
Aad ayaan uga doodnay fikirka cusub ee uu qaatay. Waxaan ahayn saaxiibbo
isku kalsoon oo si adag oo aan turxaan lahayn uga dooda mowduucyo aad u kala
geddisan taariikh, siyaasad, dhaqaale, amni, shakhsiyaad, jacayl, isbarbar dhig
magaalooyin ama waddammo iyo dabcan mustaqbalka Soomaalida midnimo mise…
Laakiin sida aan markaa ka dib bartay, Maxamed Rashiid wuu dhibsaday
dooddeyda. Waxayna saameysay xiriirkii dhowaa ee naga dhexeeyay.
2012 aniga oo Hargeysa u tegey aaska Abwaan Gaarriye, ayaan Maxamed
Rashiid isku aragnay Hotel Mansuur. Si qabow ayuu ii salaamay. Salaadda maqrib
ayaan wada tukannay. Ma hubo in ay ahayd
in uu weli iga xun yahay iyo in ay sababtu ahayd xanuun culus oo uu beryahaa ka
soo kabanay.
Shakhsiyadda Maxamed – Rashiid, waxay ahayd mid aqoon jecel una
saaxiib ah, Soomaalinnimada jecel, aamminsan in ay Afrika Midowdo, aan cidna
iskala sarreyn ama ha noqoto shakshi ama ha noqoto qowmiyad kale. Mar walbana
ah arday jecel in uu aqoon hor leh kororsado.
Intii uu BBC ka shaqeynayay xiriir dhowna uu la lahaa Laanta
Soomaaliga, waxyaabaha ugu waaweyn ee ay dhegeystayaashu ku soo xusuusan karaan
waxaa ka mid ah warbixintiisii qalalaasihii Muqdisho ee July 1989, Taxanaha SAHAN
oo uu ka soo xulay keydka cajaladaha ee BBC Laanta Soomaaliga iyo wareysi uu
General Caydiid oo badanaa aan saxaafadda la hadal uu uga soo qaaday magaalada
Kampala oo ay labaduba uga qeyb galeen shir Pan Africanism ah.
Allah ha u naxariisto Maxamed – Rashiid. Haddii aan soo koobo wuxuu ahaa akhyaar qiimo badan. Wuxuu ahaa nin ku adag salaadda,
quraankana akhrista.
Allow u naxariiso Maxamed Rashiid Shiikh Xasan.