Qormadeydan aadka u koobani ma ahan qiimeyn siyaasadda Dowladda.
Mana ahan xataa qiimeyn khudbadda uu Madaxweynuhu shalay jeediyay oo dhan. Waa
isku day aan weyneyso dul joojinayo muhiimad iiga dhex muuqatay khudbadda. Waa
sida uu u wajahay mid ka mid ah mowduucyada uu khudbaddiisa ku soo qaatay.
Waa mowduuc ay maskaxdeydu ka fekerto habeen iyo maalin kasta.
Waa mowduuca goobaya sidii loo heli lahaa xal looga xoroobo qaraxyada, weerarrada iyo
dakanada u dhexeysa Shabaab iyo Dowladda iyo shacabka oo ku dhammaaday. Waa
arrinta cuuryaamineysa Dowladnimada Soomaaliya iyo horumarka dalka ee dhan
kastaba.
Madaxweynuhu isaga oo la hadlaya culimmo Soomaaliyeed, kuna
tilmaamay in ay yihiin indhaha Ummadda, ayuu u sheegay kaalin u bannaan.
Wuxuu qiray Madaxweynuhu in dagaalka Shabaab iyo Dowladda ay labada
dhinacba ku dhimanayaan dad Soomaali ah. Shabaab in dhallinyaro badan laga
laayay ayuu sheegay. Wuxuu dhallinyaradaa la laayay uu ku tilmaamay in ay
yihiin wiilasheennii.
Wuxuu ku daray in iyaguna ay dileen dad badan oo isugu jira
dhallinyaro uu iyagana ku tilmaamay wiilasheenna, hooyooyin, carruur iyo
hal-door Soomaaliyeed.
Wuxuu is weydiiyay Madaxweynuhu, “yaan u faa’iideynay marka?”
Wuxuu ku daray “yeey u faa’iideeyeen [Shabaabku]?”
Su’aasha ugua wanaagsan ee uu Madaxweynuhu is weydiiyay waxay ahayd,
Ilaa goorma ayaan ku jireynaa xaaladdaas?
Wuxuu ku tilmaamay in uu soo dhoweynayo haddii ay suurta-gal u tahay, waa Culimmadee, in ay
dhexdhexaadin karaan Dowladda iyo Shabaab.
Waxaan rajeynayaa in Madaxweynaha ay ka
tahay siyaasad cusub oo ay Dowladdu qaadatay. Oo ku saleysan daraasad wadata
baaris iyo lafa-gur, laga baaraan degay, gooreysan, miisaaniyaddeeda leh, aan lala daahin ku dhaqaaqiddeeda, daba-gal iyo dhammaystirna leh si looga miro dhaliyo.
Maaddaama halista amni ee ugu weyn ay hadda ka taagan tahay Shabaab,
isla markaana sida uu qiray ay Soomaali badani labada dhinacba ku dhinteen, waxaan qabaa in hadalka Madaxweynuhu aanuu ku dhex lumin khudbadihiisa kale.
Waxay ila tahay hadalkani in uu mudan yahay in si gooni ah dhug loogu lahaado, in
la taageero, qofkii awoodaana uu talo iyo gacanba ka geysto in dagaalka Shabaab
lagu xalliyo hab aan ahayn xabbad iyo dayaarad xambaarsan keliya gantaallo iyo
ama bambaanooyin. Ayada oo aan ognahay in hordhaca weerarkaas ama jawaabtiisu ay tahay Qarax caasimadda ka
dhaca oo aan dadka loo kala aabbayeelin iyo isu socodka gobollada dalka iyo
xataa caasimadda dhexdeeda oo ma-jire ku negaada.
Taladeyda ugu dambeysa waxay tahay maaddaama
uu Madaxweynuhu isla khudbaddaas uga cawday siyaasiyiinta qaar, uu isagu ku
tilmaamay in ay geedka ka jarayaan jirridda, in aan culimmada lagu koobin
dhexdhexaadinta Dowladda iyo Shabaab.
Siyaasiyiinta ay Dowladda is diiddan
yihiin, sababtu wax kasta ha ahaatee, waa dad aan Dowladda hub u sidan
qaarkoodna ay qayb ka yihiin heykalka Dowladeed.
Waxaa tijaabo noqon karta in culimmadu ay
gacan ka geystaan isfahamsiinta siyaasiyiinta aan hubka isu sidan, si khibradda
laga helo wadahadlkaas iyo niyad kabashada ka dhalataa ay waddada ugu xaarto in
kuwa qoryaha iyo banbaanooyinka isu sita la heshiisiinyo.