Monday, 20 May 2019

Maxaa ka si ah Xiriirkeenna Kenya?


Sharciga Batroolka ayuu Baarlamaanku la degdegayaa. Dhinaca kalena waxaa isa sii dhimaya oo hoos-u-tiris ku socda wakhtiga ka haray in Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladdu ay go’aan ka gaarto muranka soohdinta Badda ee Soomaaliya iyo Kenya.

Labaduba waxay ugu yaraan uga sii dari karaan xiriirka mugdigu soo galay ee nagala dhexeeya dalka aan jaarka iyo saaxiibkaba nahay ee Kenya.

Waxaa xusuusin mudan ee aagga badda aan ku muransan nahay iyo dhulka ku beegan ay hadda ilaaliyaan ciidanka Kenya oo dhinacna ka tirsan AMISOM.

Waxay arrintaasi dhacaysaa iyada oo Saaxiibbadeen Kenya dowlad iyo shacab, kor iyo hoosba ay noogu sheegeen karkoodu meesha uu marayo ku saabsan dacwadda soohdinta badda ee aan ka geynay Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda. Mararka qaar hanjabaad ayay ku dareen ugu yaraan hal marna tallaabo waxay qaateen looga nixiyay Soomaaliya.

Waxaa kale oo Kenya ay si maxfal ah uga cabatay waxa ay ku tilmaantay qaabka ay Madaxda Soomaalidu ula dhaqanto Kenya.

Waxaa hadda youtube wareegaya Video xaalad-abuur loogu talo galay. Waxaa uu faafinayaa marinhabaabin iyo kicin shacab. Wuxuu sababi karaa isku dir laba bulsho, isla markaasna horseedi karaa isir nacayb uu ka dhalan karo xad gudub iyo faquuq lagula kaco mid ka mid ah qowmiyadaha Afrika ugu weyn oo qaarkood ay yihiin Kenyaan. Ma filayo in Dowladda Kenya ay raalli ka tahay farmuuqa Soomaalida ku lidka ah.

Kenya waa dal iyo dad aad muhiim noogu ah xilliyo kala duwanna waa ay na soo gacan qabatay. Isla maantadaasna waxay taageertaa, ciidankeeduna ay naftooda u huraan nabadda Soomaaliya, taas oo ay wehliso Qaxootiga Soomaaliyeed ee Boqollaalka kun ah ee tobannaanka sano lagu marti gelinayay Kenya. Abaal weyn ayaan uga haynaa.

Annagu hore ayaan u soo gacanqabannay Kenya, oo waxaa Muqdisho Qaxooti ahaan loogu marti geliyay halgamayaal kikuyu ah oo gumeysi la-dirir iyo xornimo-doon ah. Maantana muhiim ayaan u nahay Kenya. 

Inkasta oo taageerada Kenya ay noo fidisay ay tahay mid ka badan tan ay annaga naga heshay, haddana weli Kenya waxaan u nahay deris muhiim u ah nabadgelyada, ganacsiga iyo xirfadleyda Kenya ee ka shaqeysta dalweynaha Soomaaliya.

Xiriirka noocaas ah uma oggolaan karno in ay soo dhex galaan kala shaki iyo isku mashquulid.

Su’aalo adag ayaa maanta Soomaali horyaalla, kuwaas oo aan u baahan nahay in aan is weydiinno, gorfeyno, aragti ka lahaanno, jawaabna u helno.

Maxaa kallifay in Kenya ay aad u carooto si adagna ula hadasho Madaxdeenna maanta oo aan ahayn kuwii dacwadda geeyay Kenya? Aan ahayn kuwii xilka haayay markii dacwadda la qaadayay?

Su’aashaan waxaan isu weydiineynaa in aan fahamno sababta Kenya ay hadda uun caradeeda bannaanka u keentay maaddaama aanay caro intaa le’eg hore ugu muujin madaxdii hindistay dacwadda Badda sannadkii 2014?

Ma waxaa jira ballanqaad hore loogu sameeyay Kenya ama carrab laallaadin hore oo hadda looga baxay? Mise waa istiraatiijiyad cusub oo ay Kenya hadda la soo baxday? Mise wax baa siligleh oo sababay?

Si kasta oo ay tahay, waxaan u baahan nahay in aan is weydiinno waxa lagu baajin karo in Kenya ay ku dhaqaaqdo fal lid ku ah wadajirka dhuleed iyo kan badeed ee Soomaaliya?  

Sidoo kale waxaan u baahan nahay in aan dhowrno derisnimo wanaagga naga dhexeeya oo dan u ah labada dal iyo Gobolweynaha aan ka wada tirsan nahay.

Waxaa na hor taalla su’aasha ah -Sideen ku baajinnaa is af garan waa’ oo aan ugu beddelnaa is af garad? Sideen ku baajinnaa in midkeen uu khalad ka fahmo midka kale, ka dibna uu ku khaldamo? Sideen u ahaannaa deris aan isku mashquulin ee iska warqaba, isxaq dhowra, isku kalsoon, siina xoojiya iskaashiga?

Ma habboona in aan hurda-socod ku tagno meel aan la aqoon. Waxaan u baahan nahay in aan xaqeennu lumin, sidoo kalena aan xiriirka aan la leennahay deriskeenna qiimaha badan Kenya aan dhaawac soo gaarin.

Waxaan soo jeedinayaa wadatashi Qaran oo Dowladda laamaheeda kala duwan oo ay ku jiraan Dowlad Goboleedyadu ay dhexdooda yeeshaan, lana yeeshaan Mucaaradka iyo hoggaamiyayaasha bulshada. Si loo helo ra’yi Qaran oo loo dhan yahay oo lagu baajiyo khatarta ka imaan karta in aan Kenya isku xad gudubno.

Anigu ra’yigeyga aan sii hormarsado. Waxaan ku aragti ahay Kenya. Waxaan qabaa sida ay ayaduba qabto oo caddaaladda ku dhisan. Waxaan leeyahay, ma dooneyno hal inji oo badda Kenya ah, kamana tanaasuli doonno hal inji oo baddeenna ah.

Saturday, 18 May 2019

18-ka Meey

18 May maad wax ka tiraahdid? ayay si soo-jeedin oo kale ah ii weydiiyeen saaxiibbo aan qaddariyo.


Jawaab:

Somaliland waa dalkeyga iyo dadkeyga. Waa walaalahay Soomaaliyeed oo qaarkood wax i soo baray, aan soo wadashaqeynay. Waa dal iyo dad aan jecelahay oo ka mid ah taariikhdeyda dal iyo teyda shakhsi.

Markii dalkii naga dhexeeysay uu naga wada burburay, dhibkuna uu markaas dhankooda u badnaa, waxay qaateen tallaabo loo aayay oo degaannadooda ay ku nabadeeyeen dibna ugu dhisteen. Nabadda ka sokow, waxay dhiseen nidaam siyaasadeed iyo hey’ado Dowladeed oo tayo leh.

Siyaasadi wax kale ma aha ee waa nidaam ay dadka intooda badani isla oggol yihiin. Waxay samaysteen hannaan hadda u shaqeeyaynayay in ka badan laba dersin oo sannadood.

Intaas oo dhan waan ugu hambalyeynayaa. Allahna waxaan uga baryayaa in uu u xoojiyo nabadgelyada iyo horumarka.

Maalinta ay go’aansadaan in ay u dabbaaldegaanna waan ku xushmeynayaa.

Gooni Isu-Taagga.

Ma rabo in aan munaafaqad ku hadlo. Anigu waxaan ku soo barbaaray kuna soo shaqeeyay in Somaliland ay tahay midkood, laba Gobol oo midoobay oo wadajir u sameystay dal la yiraahdo Jamhuriyadda Soomaaliya.

Waxaa la igu tababbaray in Xamar oo aan ku dhashay iyo Hargeysa ay labaduba dalkeyga yihiin, isku sina aan cadow uga daafaco. Tusaale sahlan waxaa ah Halyeygii Xalane oo ay hooyadeey isku magaalo ka soo jeedaan in uu u dhintay asaga oo daafacaya Wajaale.

Maanta rabitaankeyga shakhsiga ahi waa midnimo ay labada Gobol isla oggol yihiin. Taa lama hayo. Xataa dariiqeedii ma muuqdo.

Gooni isu taagga Soomaaliland isaguna ma haysto heshiis Soomaaliyeed oo Midowgii 1960 looga noqday. Mana haysto sharciyad caalami ah.

Sida aan anigu ra’yi iyo rabitaan u leeyahay, ayuu muwaaddin kasta oo Soomaaliyeed uu u lahaan karaa ra’yi, ha ku noolaado Koofur ama ha ku noolaado Somaliland.

Waxaanse qirayaa in go’aanka Midnimada ama gooni isu taagga uu yahay mid ka go’aa dadweynaha Somaliland iyaga oo u maraya waddo nabadgelyo oo sharci ah.

Inteenna kale aan ku ra’yi ahaanno ama aan ka ra’yi duwanaanno e waxaan ku khasban nahay in aan rabitaanka dadweynaha Somaliland ee sharciga ah aan u hoggaansanaanno.

Hadduu rabitaanku Shacabku uu noqdo Midnimo waa sida aan jecel nahay aniga iyo inta ila aamminsan Midnimada ee Koofur iyo Woqooyiba leh. Haddii uu rabitaanka shacaka Somaliland uu noqdo Gooni isu-Taag waan ku xushmeynayaa, si niyad ah ayaan u aqbalayaa. Ka dibna waan u dalxiis tegayaa, haddii aan u baahdana waan u shaqo tegayaa ama aan degayaa aniga oo waddo sharci ah u maraya.