Sunday, 16 June 2019

Diinta, Dalka iyo Damiirkaaga

Diinta Islaamka iyo damiir la’aantu ma wada noolaan karaan oo waliba hal qof qalbigiisa ma isla degi karaan?

Adiga oo jilbaha iyo foolku ay salaad kugu murxeen, ma ahaan kartaa laaluush qaate?

Adiga oo soonka Ramadaan la dhuubtay, ma kartaa in aad eex, duudsi iyo dulmi aadan keliya ka raalli noqon ee aad u dhafarto in aad adigu wax ka abaabusho?

Adiga oo masjid dhisaya ama lacag ku darsanaya dhismihiisa, ma degganaan kartaa dhul Dadweynaha ka dhexeeya oo mas’uul kugu heyb ah ama dan uu kaa leeyahay aawgeed uu magacaaga kuugu qoray warqadda lahaashaha?

Adiga oo cumreysanaya ama soo xajin raba, ribix ma ka raadin kartaa daawo iyo raashin dhacay in aad dalka keento?

Adiga oo muslim ah, Magaalo dhan oo xaafad kasta ay masaajiddu isu wada muuqdaan, ma banneysan kartaa dhiigga muslimiinta deggan marka aad doonto?

Adiga oo madax ah, ma la noolaan kartaa caddaalad darro maamulkaagu geysanayo?

Adiga oo waacid ah, ma kaa suurta geli lahayd in ….

Aan halkaa ku joojiyo.

Ka fikir.

Fadlan qaddar yar haki akhriska oo bal si qoto dheer uga feker arrinkaan.

Isku day in aad soo xusuusato tusaaleyaal kuwan oo kale ah.

Fadlan su’aalaha qaar si deggan uga bixi faallo aad ka fiirsatay. 

Tuesday, 11 June 2019

Madaxweynayaal, ka Quusta in aad ka Quusataan

Waa farriin u socota Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada ku shiraya Nairobi.

Mudanayaal, Madaxweynayaal, iga hooya salaan Soomaalinnimo, salaan saaxiitinnimo oo Muqdisho ka timid oo aan khadka idiin soo marinayo.

Waxaan qiyaasayaa Ramadan iyo waddac ka dib in aad quraac wanaagsan qaadateen, qadaduna ay idiin soo carfeyso. Allah ha idiin daaweeyo. 

Waan ku kalsoon ahay in aad maanka ku haysaan in aad u maqan tihiin Soomaali qaarkood badani aanuu labada midna haysan.

Walaalayaal waan jeclaa in shirkuunnu uu ku qabsoomo dalka gudihiisa. Waxaan ku kalsoonahay in aad idinkuna sidaa jecleydeen. Ma dhicin. Sababta idinka ayaa iga og.

Waan ogahay Dowladda Federaalku dhaliil, laba iyo ka badanba in ay leedahay.

Ma ahi dadka ku soo baraarugay muranka hadda ka dhashay shidaalka iyo madasha doorasho ee mid ama laba Dowlad Goboleed ku soo fool leh iyo Hannaanka doorashada Federaalka. 

Intaa ka horow, waan la socday khilaafka. Waan ogaa in ugu yaraan mid idinka mid ahaa xilka looga tuuray si aan munaasab ahayn. Waan ogahay murashax fursadi u muuqatay in uu xorriyaddiisa ku waayay dembi aan hore loogu eedeyn. Waan ogaa in dhiig Soomaaliyeed iyo mid shisheeyaba uu ku daatay. 

Waa ogahay mid kale oo idinka mid ah muddo dheer lagu hayay xasillooni darro siyaasadeed oo, aragtideyda, Federaalku haddaanuu curinteeda lahayn uu ugu yaraan hurinteeda ku lug lahaa.

Khilaafkaas oo markii uu billowday aan ka dhowrsaday iskana diiday in aan ku dhexmilmo, waa tii mar dambe warqad ka soo baxday Wasaarad aan Wasiirkeedu ka raalli ahayn la damcay in lagu kala diro Dowlad Goboleed. Taasi waxay qeyb ahaan sabab u noqotay dhismaha Golihiinna iyo shirkii Kismaayo.

Waan qabaa in dhacdooyinkaas ay Puntland doorashadeedii gayeysiiyeen in ay irdaha ka xirato Mas'uuliyiinta Federaalka inta tabarteed ah. Waa tallaabo aan Soomaali ku farxi karaa jirin, haddana qiil haysata.

Federaalku marka uu ka habaabo waddada, kana xishoon waayo xadgudubka noocaas ah, intii uu jiho khalad ah u xawaareyn lahaa waan qabaa in la joojiyo. 

Isla mar ahaantaas, waxaan qabaa in Dowladda lala shaqeeyo.

Waliba hadda oo awood-yari, culeys badan oo gudaha ah iyo culeys ay Dowlado na saareen intuba ay Soomaaliya ku goobteen, waxaan qabaa in aan la wiiqin Dowladda ee garab iyo gaashaan loo noqdo. 

Haddana waxaan qabaa in Dowaldda lala xisaabtamo. Waliba si adag. Si la mid ah sida ay iyaduba xaq ugu leedahay in ay idiinla xisaabtanto.  

Waxaan qabaa in mooradeenna dhexdeeda lagu xisaabtamo.

Heerka uu khilaafku hadda gaaray iyo xilliga uu ku soo beegmay, midkoodna uma roona hanaqaadka Dowladnimadeenna curdunka ah. Labada midna ma sahlayo kor u qaadidda kalsoonida uu shacabku ku qabo Dowladda aad idinku ka midka tihiin Madaxdeeda.

Ma qabo in khilaafka hadda idiin dhexeeya looga sii daro. Mana qabo in uu sii jiitamo. Waxaan qabaa in aan is arag laga quusan.

Ma qabo in khilaafka looga sii daro, oo caasimado shisheeye loo raro, sababta oo ah ma xammili karno, waana ka soo kornay shir Soomaaliyeed oo ka dhaca dal shisheeye.

Ma qabo in khilaafku uu sii jiitamo, waayo wakhtigu waa warmoog oo kama warqabo khilaafka. Wakhtigu uma hakanayo xalraadin ee sidiisii ayuu u xawaareynayaa kol dhowna wuxuu na geynayaa xilliga doorashada.

Waxaan qabaa in aan is arag laga quusan.

Waxaan qabaa in majliska minankeenna sharafta leh lagu dhex murmo.

Waxaan qabaa in aan Gobol keliya loo fakarin ee heer Qaran loo fekero. Gobol badbaadayaa ma jiro haddaan Qaranku badbaadin. Gobol keligii horumar weyn oo taabba-gal ah sameyn karaana ma jiro.

Muqdisho marti kama tihiin. Waa caasimaddiinna. Waxaan qabaa in aad timaaddaan, Madaxweynaha iyo Madaxda kalena aad la gorgortantaan.

Ma fududa. Laakiin yaa yiri arrimaha Soomaaliya ayaa fudud? Yaa yiri sida dal dib loogu dhiso ayaa fudud?

Mar kasta oo ay sii dheeraato muddada la kala maqan yahay, wakhtiga doorashada ka dhimmani isaga oo aan ka warqabin khilaafka uu ku xawaareynayo hoos-u-tiris aan la hakin karin, kala fogaashuhu wuu sii qoto dheeraanayaa, wuuna sii xoogeysan doonaa. Labada dhinac ee khilaafku u dhexeeyo, wuxuu mid waliba ku go’aan qaadan doonaa tuhun, xumo-filasho, baqdin iyo yaan lagu gaadin.

Madaxweynow, intaas midkoodna ma aha waxa ay kaa sugayaan dadka ku doortay.

Fool-ka-fool in loo wadahadlo waxay keeni kartaa isu soo dhowaasho iyo in xal la gaaro. Waan ogahay Garowe ayaad isku daydeen in is-af-garad la gaaro. Laakiin inta khilaafku uu taagan yahay, wakhtiguna xawaareynayo, ma ahan in laga quusto is arag iyo wadahadal oo ah dariiqa keliya ee idiin furan.

Haddii aad xallin weydo mushkiladda, ugu yaraan garawshiyo ayaad ka heli doontaa shacabka, waa haddii aad gar leedahay, bulshadana aad la wadaagto.

Waad ogtihiin markii aad idinku ku baaqdeen shir, oo Madaxweynaha aad u yeerteen in uu idiin yimid. Keliya ma aha ee in uu hore u soo waday Wasiirro dhowr ah iyo Hormoodkooda.

Waxba kuma jabna ee waa geesinnimo iyo Soomaalinnimo in aad martiqaad la'aan aad idinku u timaaddaan.

Si gaar ah waxaan Madaxweyne Siciid Cabdullaahi xusuusinayaa, fursadda gaarka ah ee isaga u furan. Madaxda kale hore ayay isugu soo daaleen. Wejiga ugu cusub Madaxweynayaashu waa adiga. Doorasho la isku khilaafsan yahay kuguma soo socoto.

Dowlad Goboleed guun ah oo miisaan siyaasadeed iyo khibrad isku darsatay, dhulkeeduna inta badan badan uu nabad yahay ayaad Madax ka tahay. Nin dhallinyar oo mustaqbal hoggaamineed leh, Puntland iyo ka weynba waad tahay. 

Mas’uuliyad gaar ah ayaa kaa saaran xallinta khilaafka. Mas'uuliyad keliya ma aha, haddii aad guul ka soo hoyso, waa dhigaal qofeed oo kuu yaalla Baanka Dhexe ee wanaagga ee Soomaaliya.

Ugu dambeyn, hal Soomaaliya ayaan wada nahay.

Madaxweynayaal, ka quusta in aad ka quusataan wadahadal. 

Madaxweynayaal, ka quusta in aad ka quusataan Dowladda. 
Waayo mid kale ma lihin.

Friday, 7 June 2019

Maroodiga Muqdisho!


Maroodi weyn ayaa Xamar dhex taagan! 

Ma arkin miyaa?
  
Keligaa ma aha. Qof aragtay ma jirto!

Ama aan dhahee qof qiran in ay aragtay ma jirto.


Ma qarsoona loomana jeedo. 

Meel islama geli karaan in Ganacsi uu canshuur siiyo Shabaab, u hoggaansamo awaamirteeda, Shacab uu caddaalad u raadsado, Dowladdu ay la noolaato xaaladda, haddana qarax la shareysto.

Maxay qaadan doontaa in aan isu qiranno runta na hor taalla?

Nin aan is naqaan oo Madaxda Sare ee dalka ka mid ah ayaa hadda ka hor ii sheegay sheeko. Ereyadeyda iyo tacbiirkeyga marka aan ku sheego waa sidan: 

Qaraxa Muqdisho kuugu horreeya waxaa laga yaabaa in aad tiraahdo xagguu ka dhacay?

Midka xiga in aad tiraahdo qof ehel ama saaxiibkeey ah ayaa ku dhintay.

Kan kuuga xiga aad tiraahdo dirqi ayaan uga badbaaday. Marka xigta in aad ku dhaawacnto.

Kan kalena adiga lagaa sheekeeyo. Sheekadana lagu gunaanado, Allow u naxariiso.

Sidaas miyaan wada sugnaa?

Culeyska ugu badan wuxuu ku dhacayaa shacabka. Ha noqoto caasimadda dalka oo kala xiran, oo isu socodku aad u adag yahay ama ha noqoto halista qofku og yahay in uu ku sugan yahay. 

Mar kasta oo aan la qabsanno xaaladda oo aan la sii noolaanno, xalku wuu sii fogaanayaa. Qaraxa iyo dhimashaduna waa ay sii badan doonaan.

Howl aan ku hureyn, horaa loo fuliyaa. 

Ganacsatada canshuurta siisa Shabaab, wadaaddo iyo xataa siyaasiyiinta qaarkood gacan waa ay ka geysan karaan in la soo afjaro colaadda Shabaab. 

Soomaaliya nugeyl aan lagu aqoon ayay badeen dagaallada daba dheeraaday. 

Nama soo marin xilli aan uga baahi badan nahay in aan joojinno xabbadda Soomaalida dhexdeeda ah.

Maalinta runta na hortaal la qirto ka dib ayay billaaban doontaa raadinta xal shaqeyn kara oo laga gaaro Shabaab.

Thursday, 6 June 2019

Saxafi maxaa ka galay Siyaasad?

Dhallinyarada aan saaxiib ku nahay saxaafadda bulshada oo aan macluumaadka isku weydaarsanno ayaa qaar isla su'aal soo celceliyaan mar kasta oo aan wax qoro. Weriye ayaad tahay ee maxaa siyaasad kuu geeyay? Amaba waxay ii sheegaan khalad in ay ahayd in aan Danjire ama Wasiir noqdo. Qaar kale wuxuu yiraa, bal maxaa diblomaasiyad iyo siyaasad kaa galay weriye?

Weriye waan ahaa, heer wanaagsanna waan ka gaaray, waanan ku faraxsan ahay. Laakiin ma rabo horumarka aan saxaafadda ka sameeyay in aan u noqdo dhibbane, oo uu hareeyo aqoonteyda iyo khibraddeyda.

Qormadaan in waan isku fasirayaa aniga oo aan ka warrameyn khibraddeyda shaqo oo dhan ee ku soo koobaya midda Saxaafadda. Inta kale waxaan uga warrami doonaa tusaaleyaal caalamka ah oo muujinaya in ay saxaafaddu ka mid tahay mihadaha Siyaasadda looga gudbi karo.





Radio Muqdisho waxaan u shaqeeyay qiyaastii ku dhowaad siddeed sano oo ku dhammaatay burburkii Dowladda. Ka sokow xirfadda aan ka bartay, waxaan fursad u helay in aan ku kala barto Madaxda iyo hey’adaha dalka, ku dad iyo dal barto, la safro Madaxdii Qaranka qaarkood, qaarna aan wareysiyo ka qaado. Waxaan fursad u helay in aan goobjoog ka ahaado shirar muhiim ah, qaarna uu xasaasi yahay.

BBC World Service, afkeennu waa isku ammaan, labaatan sano keliya ayaan uga shaqeynayay London. Wakhtigaa marka afar loo qeybiyo meel ahaan iyo waxoogaa, waxaan weriyennimo ugu shaqeeyay Laanta Soomaaliga, Focus on Africa iyo waaxda tababbarada oo aan ka noqday tababbare sare. Ku dhowaad saddex qeybood ee kale waxaan ahaa mas’uul maamula shaqaale u badan weriyayaal, miisaaniyad,  wax soo saar iyo istaraatiijiyad maamul. Maalin kasta waxaan go’aan ka gaari jiray warar xasaasi ah oo siyaasad, amni iyo xiriir caalami ah u badan, ha noqoto laanta Soomaaliga ama Xafiisyo kale oo aan si KMG ah Madax uga noqday sida Tifatiraha Wararka Afrika iyo Bariga Dhexe iyo Madaxa fuliyaha ah ee Afrika, markaas oo aan maamulayay shaqaale lixdameeyo dal kala jooga.

Waxaa intaa dheer in aan ku shaqeynayay dal uu sharcigu shaqeeyo. Xuquuqda Shaqaalaha haddii aad ku xad gudubto ama haddii iyaga dhexdoodu ay isku xadgudbaan, haddii ay wararkoodu ku xad gudbaan shakhsi, shacab, sharikad ama Dowlad, waxaa suurta-gal ah in Maxkamad la geeyo hey’adda ganaax culusna dusha laga saaro. Kuwaasi waa shaqaalaha xarunta, laakiin kuwa dalalka kale jooga waxaa khuseynaya sharciga dalka ay deggan yihiin. Sidoo kale, dal kasta oo idaacadda laga dhegeysto ama uu qoraalku gaaro waa laga dacweyn karaa saxaafaddu haddii ay gef geysato.

Sidaa darteed waxaad joogto u qaadaneysaa tababbaro la xiriira maamulka wanaagsan, habraaca xisaabaadka, dheellitirka miisaaniyadda, shuruucda shaqaalaha iyo sharciyada ka degsan xadgudubka saxaafaddu ay u geysan karto shakhsi, koox, sharikad ama Dowlad sida sumcad dil aan war sugan ku saleysneyn, amaba ka been sheegid sababtay khasaare hanti, sumcad-bi'in, khalkhal ama ka sii culus. 

BBC intii aan joogay waxaan fursad u helay in aan Madaxda Soomaalida mid mid u barto, goobjoog ka ahaado shirar iyo heshiisyo dhex maraya laba dhinac ama ka badan. Waxaan iyagana hor fariistay oo aan wareystay Madax badan oo dalalka Geeska Afrika iyo caalamka kale ah, aniga oo inta badan kala hadlayay mowqidkooda iyo kaalintooda waxa markaa ka socday dalka. Gobollo badan aan booqdo waliba xilliyo kala duwan si aan u fahmo isbeddelka socda ee horumarka u badan mararka qaarna dib-u-dhaca ah. Laga soo billaabo 1994 ilaa 2012 oo aan dalka soo degey, inta badan socdaal ayaan ku imaan jiray dalka sannad kasta. Waxaan xusuustaa sannadaha qaar aan imid saddex jeer. 

Sidoo kale waxaan booqanayay meelaha ay Soomaalidu u qaxday ama ay u tagtay waxbarasho, caafimaad ama ganacsi.

Waxaa kale oo aan fursad u helay in aan curiyo fursado ay dad kale gacan igu siiyeen meelmarintooda sida mashruuc ay hantidiisa bixisay Beesha Yurub oo ay BBC ku tababbartay ku dhowaad dhammaan weriyayaashii Soomaalida ee berigaas. Mashruucaasi wuxuu socday in ka badan saddex sano.

Xagga aqoonta waxaan bartay Cilmi Afeed iyo xiriirka caalamiga ah oo ay ka mid yihiin sida siyaasadda dhaqaalaha, diblomaasiyadda, qaanuunka caalamiga ah iyo amnigu ay isu saameeyaan.

Haddii aan goostay in aan shaqadeydii ka tago, oo wax kasta oo aqoon iyo khibrad ama xataa dhiirri gelin aan awoodo ee aan waddankeyga ku biirin karo aan dalka la soo dego, waxaan u qabaa in aanay iga hor istaageyn in aan idaacad soo maamulay. 

Marka labaad waxaan rabaa in aan waxyar kaaga taabto suxufiyiinta iyo weriyayaasha caan ku noqday siyaasadda adduunka qaar ka mid ah.

Winston Churchill 
Oo hore muddo sannad ah wararka u tebin jiray wargeys wuxuu beri dambe noqday Ra’iisal Wasaaraha UK. Waa Hoggaamiyihii UK ka daafacy Hitler iyo xulafadiisa. Churchill isabahaysigii uu ka midka ahaa ee UK, USA, France iyo Midowga Soofiyeeti waxay ku guuleysteen Dagaalkii Labaad ee Adduunka. 

Jomo Kenyata
Qormooyin badan ayuu ku daabacay wargeyso kala duwan, isaga oo markii dambena ku biiray Guddiga Tifatirka ee mid ka mid ah wargeysada. Jomo Kenyatta waa Madaxweynihii koowaad ee Kenya, waana Madaxweynaha hadda xilka haya, Uhuru Kenyatta, aabbihiis.

Giulio Andreotti
Marar badan ayuu Ra’iisal Wasaare iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ka noqday Italia. Wuxuu kale oo noqday Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Wasiirro kale oo ay ka mid yihiin Difaaca, Maaliyadda, iyo Arrimaha Gudaha. Wuxuu ahaan jiray qoraa iyo Tifatire markii uu socday dagaalkii labaad.

Ronald Reagan
Wuxuu ahaa weriye laba Raadiye u qaabbilsan tebinta cayaaraha. Ka hor inta aanuu noqon jilaa Holly Wood. Wuxuu laba jeer oo is xiga Madaxweyne ka noqday dalka Mareykanka.

Sarah Palin 
Oo madax ka ahayd Gobolka Alaska, marna u tartantay Madaxweyne ku Xigeenka Mareykanku waxay ahayd weriye tebiya cayaaraha.

Samantha Power
Markii aan New York u fadhiyay Soomaaliya, iyaduna waxay ahayd Danjiraha Mareykanka u fadhiya Qaramada Midoobay. Mar bay ahayd weriye caan ah.

Boris Johnson
Oo hore isaga oo ah Wasiirka Arrimaha Dibadda ee UK gurigiisa aan kula casheeynay aniga oo ka mid ahaa wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya oo ay ku jiraan Madaxweyne Goboleedyada oo dhan, waa weriye caan ku ah saxaafadda UK.

Wuxuu ka shaqeyn jiray wargeysyada The Times iyo The Daily Telegraph. 

Boris wuxuu hadda ka mid yahay siyaasiyiinta ugu cadcad ee u tartamaya kursiga bannaan ee Ra’iisal Wasaaraha UK.

F. G.
Ma aha in aan leeyahay anigaa mudan. Waxaan fasirayaa oo keliya in aanan anigu u horreyn shakhsi saxaafad iyo siyaasad labadaba ka shaqeeyay. Saxaafadduna aanay ahayn mikrafoon uun.

Xildhibaanow u fiirso Xeerka Saxaafadda

In la yiraahdo qof ka qalin jebiyay kulliyad saxaafadeed keliya ayaa ka shaqeyn kara saxaafad, waxay u dhigantaa iyada oo shuruud laga dhigo in Xildhibaan iyo Wasiir ay noqon karaan keliya qof ka soo qalin jebiyay Jaamacad lagu barto cilmiga siyaasadda.
Dalal dhowr ah ayaan saxaafad ka shaqeeyay. Qaar kale warar ayaan ka soo tebiyay. Kuwo waxaan ka bixiyay tababbarro saxaafadeed. Kuwo kalena waxaan u tegey ama looga yimid kontameeyo imtixaan oo shaqo qoris ama dallacsiin-doon ah oo aan qeyb ka ahaa qaarna aan mas’uul ka ahaa. Intaba waxaan la macaamilyay suxufiyiin maaddooyin kala duwan oo cilmi ah soo qaatay.
Saxaafadda waxaa laga shaqaaleysiiyaa macallin, dhaqaale yaqaan, sharci yaqaan, dhakhtar, saynisyahan, diin yaqaan, taariikhyahan, Juqraafi yaqaan, cayaaryahan, boliis, aqoon yahan ama xirfadle kale oo kasta. Waxaa la siiyaa tababbar adag billowga hore, ka dibna tababbar joogta ah oo qaar qaadan karo hal saac, qaarna lix bilood iyo inta u dhaxeysa.
Suxufi shuruud laguma xiro aqooneed waase lagula xisaabtamaa isaga iyo hey'adda uu u shaqeynayaba in ay u hoggaansanaadaan xeerarka saxaafadda iyo shuruucda kale ee dalka.
Suxufiga ha lagu xiro shuruud aqooneed, laakiin yaanay ku koobnaan Shahaaddo Saxaafadeed. Wuxuu ahaan karaa qof ka soo baxay Machad siaxaafadeed wuxuuna ahaan karaa qof Machad kale ka soo baxay.

Qoraa laguma noqdo Shahaado Jaamacdeed. Gabyaa laguma noqdo Suugaan aad ka baratay Jaamacad. Siyaasi laguma noqdo Siyaadad inaad Jaamacad ka baratay. Suxufi laguma noqdo keliya in aad Saaxafad Jaamacad uga baxday. Waa shaqo kulansatay aqoon, xirfad, luqad iyo hal abuur.

Weriyayaasha ugu caansan ee Telefishinnada Caalamka, Idaacadaha Caalamiga ah, Wargeysyada iyo Baraha Internetka waa ku yar yihiin qaar ka soo baxay Kulliyad Saxaafadeed.
Baaralamaanku ha ka roonaado Golaha Wasiirrada. Dib ha u eego Xeerka. Wax aan caalamka horumarka looga dayan karo ka jirin, kana fiicneyn ee ka liita yaan Sharci looga dhigin Soomaaliya.