tag:blogger.com,1999:blog-1588656930596661810.post2545390194698980457..comments2024-03-18T15:36:12.111+00:00Comments on Yusuf Garaad: Siyaasadda Dibadda ee SomalilandYusuf Garaadhttp://www.blogger.com/profile/12951821007861655479noreply@blogger.comBlogger88125tag:blogger.com,1999:blog-1588656930596661810.post-87942845184837242652020-06-29T10:13:50.491+01:002020-06-29T10:13:50.491+01:00Bro ninkani waa nin kicinaya aqoonyahanada Somalia...Bro ninkani waa nin kicinaya aqoonyahanada Somalia
Madama ay yareeysteen xaalada taagan ee ay u dhiibeen aan taariikhda Somalia waxba kahen
Oo boos buuxis loogeeyay
Iyo Dadkaas ay somaliland wataan oo ah dad isugu jira aqoonyahano iyo dad mucaarad ah markaa isku meel magalaan labadaas qolo oo isku level maba ahan oo dhan walba waa Loga horeeyaa.Yaasirhttps://www.blogger.com/profile/08611196125388723438noreply@blogger.comtag:blogger.com,1999:blog-1588656930596661810.post-7694070462368982032020-06-24T20:55:10.465+01:002020-06-24T20:55:10.465+01:00Yuusuf garaad qormadan inabadn baa kasoo wareegtay...Yuusuf garaad qormadan inabadn baa kasoo wareegtay 8sano garaafkii siyaasaduna wuu isbadalay gabi ahaantiiba waxaad malintaa hore aad sheegtay in somaliland tudhtudh roontahay xaga besha calamka iyo arimaha dabadaba lkn maanta garaafka siyaasadu xaga somaliyad mooda inuu la jiro hadaba waxaa is waydiin mudan majahadaha siyaasadu malaga yaaba inay xaga somaliland usoo kacaan hadii ay taasi dhacdo waxay ilatay in markaa somaliland toos uheli doonto aqoonsiga waxaan aaminsanahay in 11sano kadib somaliland hali doonto aqoonsiga ama markay somaliland 40sano jirto waayo waxaa kala badanya intay mideesnayeen iyo intay kala maqnaayen oo mid nimadu 30sano ayeey ahayd waynu eegi doona mustaqbalka hadii illahay inadaayo ana dadeydu waxqtigaa waa 34jirHamse alihttps://www.blogger.com/profile/01505282026578817240noreply@blogger.comtag:blogger.com,1999:blog-1588656930596661810.post-73599245802159934982020-06-24T20:11:20.907+01:002020-06-24T20:11:20.907+01:00Aqoon yahan Yuusuf Garaad aad baan kuu salaamayaa,...Aqoon yahan Yuusuf Garaad aad baan kuu salaamayaa, Runtii waa Qormo si cajiib ah oo Farshaxannimo ka Muuqato u diyaarsan, Bal sè Marka la eego xilliga imminka lagu jiro waxaad mooddaa in wax badan is dooriyeen intii M/Farmaajo iyo M/Muuse Kala qabteen Hoggaanka labada dhinac. Siyaasaddii Arrimaha dibadda ee S/land na way soo jilicday oo soo debecday, halka Caalamkii u heellanaa kolkii hore dhegaysigooda aad Moodda inay hadda Midnimada Soomaaliya u xaglinayaan oo danaynayaan.

Waad na mahadsan tahay Mudane.
Anonymoushttps://www.blogger.com/profile/13908951330729592611noreply@blogger.comtag:blogger.com,1999:blog-1588656930596661810.post-18574191174044915902020-06-24T19:05:02.062+01:002020-06-24T19:05:02.062+01:00Yaa ka Bugsaday boogta?Yaa ka Bugsaday boogta?Anonymoushttps://www.blogger.com/profile/04083009201070549241noreply@blogger.comtag:blogger.com,1999:blog-1588656930596661810.post-40032917244252653962020-06-24T14:06:38.008+01:002020-06-24T14:06:38.008+01:00Siyaasadda arrimaha dibadda ee soomaliland sideed ...Siyaasadda arrimaha dibadda ee soomaliland sideed immika u aragtaa?

Wax iska beddelay se majiraan?

Sidee bay kuula muuqataa rajeda somaliland --ee ah aqoonsi raafiska-- haddii ay isku af-garan waayan shirarka ay la galaan soomaliya?

Sidee ayey suurto gal ku noqonasaa, aragtidaada, in ay soomaliland ku noqon karto waddan iskii u madax bannaan? -waa haddii in uun ay suurto gal noqon karto e!- dhankaaga markaad ka istaagto.

F.G: waad iska dayn kartaa, ka jawaabidda su'aal kasta oo aad u aragto inaanay munaasab ahayn inaad ka jawaabto ama si kale aad u gu aragto in laga haboon yahay ka jawaabiddeeda.

Waxaan se filayaa, inaad qaar ka mid ah ka jawaabi doontid. Waayo, waan kugu bartay ka jawaanidda su'aalaha. Qaar kalena qormo nooga soo diyaarin doontid. Mahadsanid. way wacnaan lahayd haddii ay hal-doorku sidaada oo kale ahaan lahaayeen (ku ra'yi' dhiibashada qalinka iyo qoraalka) mar kale, mahadsanid.

Waan ku faraxsanahay inaan ka mid ahay dadka ku xidhan ee dhugta qormooyinkaaga.Khalid abdiwahid ahmedhttps://www.blogger.com/profile/18109273721540501466noreply@blogger.comtag:blogger.com,1999:blog-1588656930596661810.post-43271362632503084382020-06-24T13:36:29.657+01:002020-06-24T13:36:29.657+01:00Yusuf Garaad maxaa ila muqan dhibaatada ka dhacday...Yusuf Garaad maxaa ila muqan dhibaatada ka dhacday soomalilad iyo kuwa ka dhacdhacay inaa Soo iftiiniso
Sababtoo dhibaato dhibaato Anonymoushttps://www.blogger.com/profile/17763239329281926903noreply@blogger.comtag:blogger.com,1999:blog-1588656930596661810.post-12009477828634738112020-06-24T13:03:15.136+01:002020-06-24T13:03:15.136+01:00Yusufow salaan marka hore, Somalia waxaa ka dhacay...Yusufow salaan marka hore, Somalia waxaa ka dhacay dhib sida aad sheegtayba waana kala xanun badan yahay, wllheen somaliand waxaa gaaray dhib wayn waxaana sabab u ahaa rag shaar dowlad gashnaa oo waliba ay qayb ka ahaayeen tag reer Somaliand ah, waxaa ku jiraa dad qaba reer somaliand inay mudan yihiin raali galin iyo qancin, lkn waxaan qabaa inaysan maanta ahayn waayo reer somaliand afsomali ku qanci maayeen somalia dhibbaa ka jira waxaan qabaa in somalida kale marka hore iska soo xooreeyaan dhibka jira oo ugu horeeyo nabadiidka, wixii intaa ka danbeeyo reer koofureed waxaa u furan inay somaliand u tanaasulaan haday xil ahaan leheed iyo hadii ay maal ahaan leheed, inta kasii horeysana reer somalaind lagu wado wada hadalada jawiga dagan ah oo ku saabsan daris wanaaga, isku furka dhaqaale, hadalada xanafta leh oo la iska daayo. Mahad sanid Abubakar Gedowhttps://www.blogger.com/profile/01765217833122540564noreply@blogger.comtag:blogger.com,1999:blog-1588656930596661810.post-12159856206049045742020-06-24T12:57:22.082+01:002020-06-24T12:57:22.082+01:00Warkada wa ka dhergay lkn waxa jira wax ay uu kala...Warkada wa ka dhergay lkn waxa jira wax ay uu kala duwanyihiin Eritira South Sudaan iyo Somalilnd wa mide malahan o lama haayo quwado waaween oo gadaal ka riixaya qadiyada Somalilnd wa laboe lama haayo dowlado jiiraan ah oo maanta diyaar u ah Taagero la siiyo gobol ka go'ayo dowlad Afrikan ah oo Xuduud kulawadaagto iskaba daaye Caalamka wuxu arkaya labadii dowladood ee ugu dambeeyay ee la ictiraafo meesha ay maanta taaganyihiin amni ahaan dhaqaala ahaan iyo dimoqradiyad ahaan, Siwirka guud ee maanta ka hor muuqdo Somalilnd ma ahan midkii ay ku haminayeen.Abdiwahabhttps://www.blogger.com/profile/13267673215439964854noreply@blogger.comtag:blogger.com,1999:blog-1588656930596661810.post-70698154987831570602020-06-24T12:39:42.219+01:002020-06-24T12:39:42.219+01:00YUUSUF GARAAD waa runtaa somaliland waxa ay u diya...YUUSUF GARAAD waa runtaa somaliland waxa ay u diyaasantahay ka mira dhalinta yoolkeeda aqoosiga dowlad madaxbanaan, somalia na waxaa la muuqda dabacsanaan iyo diyaar garowla’aan.
Hadaba maxaa la gudbion somalia madaama dooda somaliland ay cadahay?
Aniga aragtidayda waxaan qabaa in somalia miiska wada hadalka la imaato faa’iidooyinka ay leedahay midnimada iyo faa’iido darada ay leedahay kala go’a labada dhinac ayadoo u saaraysa aqoonyahano waayo aragnimo u leg howsha meesha taala.Engabdiazizxidighttps://www.blogger.com/profile/06875260685339061939noreply@blogger.comtag:blogger.com,1999:blog-1588656930596661810.post-64775897075459761902020-06-24T12:39:40.894+01:002020-06-24T12:39:40.894+01:00YUUSUF GARAAD waa runtaa somaliland waxa ay u diya...YUUSUF GARAAD waa runtaa somaliland waxa ay u diyaasantahay ka mira dhalinta yoolkeeda aqoosiga dowlad madaxbanaan, somalia na waxaa la muuqda dabacsanaan iyo diyaar garowla’aan.
Hadaba maxaa la gudbion somalia madaama dooda somaliland ay cadahay?
Aniga aragtidayda waxaan qabaa in somalia miiska wada hadalka la imaato faa’iidooyinka ay leedahay midnimada iyo faa’iido darada ay leedahay kala go’a labada dhinac ayadoo u saaraysa aqoonyahano waayo aragnimo u leg howsha meesha taala.Engabdiazizxidighttps://www.blogger.com/profile/06875260685339061939noreply@blogger.comtag:blogger.com,1999:blog-1588656930596661810.post-14613664597183652032014-09-16T13:32:24.138+01:002014-09-16T13:32:24.138+01:00Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkad...Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.comAnonymousnoreply@blogger.comtag:blogger.com,1999:blog-1588656930596661810.post-39165270935742724342014-03-01T19:47:43.671+00:002014-03-01T19:47:43.671+00:00taas maaha mid aan filaynay sababtoo ah aad ayaan ...taas maaha mid aan filaynay sababtoo ah aad ayaan ugu han weyneen ahmed ismail anagoo dhalinyaro qurbo joog ah ayaa waxaan tijaabinay tageerada musha raxiinta waxana cadakeenu garayeen ugu yaraan inkabadan sedeetan dhalinyaro ah o isugu jira dumar iyo rag oo jecel samaha katalinta aayaha iyo mustaqbalka somaliya waxaan isku raacnay sadex meelood in ahmed uu istaahilo maanta lakin markii uu guul daraystay waxaan isniri bari ayay imaanaysaa lakiiin waxa uu hada kudambeeyo waxay muujinaysaa somalidu saiyaasi culumo iyo in ay meel dhow wax ka arkaan taasna waa mid niyad jab ku abuurayso jiilka soo socda Anonymoushttps://www.blogger.com/profile/18114009484050138492noreply@blogger.comtag:blogger.com,1999:blog-1588656930596661810.post-52582101461537757682013-08-04T15:42:22.588+01:002013-08-04T15:42:22.588+01:00SALAAN YUSUF GARAAD FIKIRKAYGA anigaa markan egaa...SALAAN YUSUF GARAAD FIKIRKAYGA anigaa markan egaay waxad qortaay dhanbaal ficaan somaliland waay adaag tahay sidaay somaliyaa uguu biirto waayo anigaa walaahy waxan dhagaay 1991 waxanan kusoo koraay dhibaato badaan oo xagaa nolasha aaah waxan kuu garaad sadaay somaliland waligaay maan araag cakanka somaliyaa waxan arkaay calanka somaliland waxan iskula kusoo bartaay calanka somalilan markaa anigaa waay adaag tahay sidaa laygaa dhadhiciyoo somaliya ayaad ka tirsan taahaay waayo aniga hadaan ahay somaliland ama waaqoyi somaliya waxba kamaa ihii waxan ka ahaayn ciidlaa Anonymoushttps://www.blogger.com/profile/13511777347985606896noreply@blogger.comtag:blogger.com,1999:blog-1588656930596661810.post-11165039803332810412013-08-03T15:25:48.614+01:002013-08-03T15:25:48.614+01:00Wan ku salamay YUSUF. Wad ku mahadsanatahay in aad...Wan ku salamay YUSUF. Wad ku mahadsanatahay in aad qortay qormaddaan. wan akhriyey wana fahmay in badan wax yaabaha aad ka hadashay in ay yihiin sida wax u jiraan. waxaan qabaa in aad dadaashay lkn aadan xaqiiqda Somaliland taal weli wax kaaga dhiman yihiin. waa dhici kartaa dadka faalooyinka bixiyey in ay qaybtood muujiyeen wax yabaha aad ka tagtay.

Kuguma raacsani in Somaliland marka ay Sool qaybo ka mid ah ka qabsatay Puntland, taas ay ka dhigayso in somaliland gaartay xuduudeheedii. Waxa loo yaqaan Soomaliland oo ah dhul beri gumaystihii Ingiriisku ka talin jirey loogu yeero. dhulkaa xuduudiisu waa ka wayn tahay inta hada uu ka taliyo Maamulka somaliland. Wax mar akhriyey in aad tagtay dhamaan gobolda soomaliya oo dhan, weliba aad gaari ku martay, haddaana qaldanayn. Gobolka Sanaag waxaa Gobolka labaad marka lagareebo gobolka Bari xaga waynaanta Gobolada Somaaliya. Maamulka hada fadhigiisu yahay Hargaysa waxaa uu ka taliya sanaag in ka yar 15% baaxada gobolka sanaag. taas macneheedu waxaa weeye dadka halkaa allaah ku beeray in aaney aaminsanayn wax la dhoho somaliland. waa jiraan dad sanaag u dhashay oo maamulkaa ka mid ah lkn waa dad u shaqategay halkaa . sidoo kale Sool iyo qayb a mid ah Togdheer kama talaiyaan .
waxaan qabaa in ay tahay arinta somaliland beel ka midda beelaha somallidda oo doonaysa in ay ka go'aan beelaha kale ee soomalida. aaneyna haboonayn in sidaas loo sii buun buuniyo. tabashada beeshaasina waa wax laga wada hadli karo. lkn aad ayaan kuugu raacsanahay in Dowladda somalida, wufuuda uga qayb gelisaysa wadahadaladaas ay yihiin kuwa aad u tayo liita, marka loo barbar dhigo qoladaan reer waqooyiga.

Markale mahadsanid.Anonymoushttps://www.blogger.com/profile/11130358247862592979noreply@blogger.comtag:blogger.com,1999:blog-1588656930596661810.post-65486503219739909932013-08-01T23:57:01.784+01:002013-08-01T23:57:01.784+01:00maxuma fikirkaagu, laakin hadaynu xaqiqda unimaadn...maxuma fikirkaagu, laakin hadaynu xaqiqda unimaadno, waa mide suurogal maha in qabiil walba samaysto dawlad. waa ta labaade, somali inay midawdo cidina horta iskuma haysato inay ta ugu fiican tahay, laakiin somalidu waa dad damac leh oo nin aanu ninkale wax u ogolayn, way adagtay inay hal meel hos yimaadan oo ka amar qaataa siiba qarnigan (wa nature ka soomalida maanta), taas ana kajecel laakin waa riyo oo lamagadhayo. xaqiiqda markaynu usoo dhadhacno, muhiimada kuxigta midnimada oo ah horumar iyo dhaqaale aan unimaadno, tasi waxay ku surogalaysa inaynu inti meel wax kuwada qabsan kartaba ay israacdo, 8 somali xita haday noqonayso.
taasi si ay usuro gasho waxa kaliya ee manta la tixraaci karo waa xuduudihi ingiris, hadi taa muddo lagu wada socdo oo hadhaw markay wax hagagan si kuhaboon looga baxsankaro maxuma.
markaan leeyay qofka somaliland an rabin bosaso hatago, waxan ujeeda, dhulka horta cida dagan ayaa iskaleh, cidina kama qaadikarto ee waxa la isku haystaa cida ka talinaysa. maadamu hada khariradan s/lan kujiro hadi laguqanciyo s.land inay go'aan waa sharci, hadii kale oo iska baxo waxay kadhigantay fawdo iyo adoo leh s/land wax jira maaha ee dhinacan doono ayan raacaya. taas miyad ila aragta?
qolyaha muqdisho joogana, fikirkooda xor ayay uyihin waanay ku saxsanyihin aragtidooda, laakin madamo inti kale ee majority ahayd wax udhimi karan qadiyadooda aya laga mamnuucay s/land inay yimaadan. wana ta kala danbaynta ilaalisay oo inay sida xamar meeshu u waalato ka ilalisa.

midaan jeclan laha inan kuwaydinaya waxa weeye, dadka ssc markay joogan s/land aya looga ixtiraam badanyay puntland, anigu waan tagay halkas oo iyago loo tiro sheeganayo ama ladulminayo wan joogay qaar madamo dadka halkaa daga qabyaaliyada kagabadanyin soomalida kale sidan u arko,s/land wax dan ah oo ay kuwayeen rerkaasi magaranayo anigu, marka ma qabiilka guud o kaliya ayuunbay kusii raacayan kuwasi mise waxkalaa s/land kalamqanatay? iyadoo aan ogayn maalinti xamar dhibtu bilabatay inay reerkas qarkod kusobaxeen magaca SNM madamo isku deganyihin. ahmed awlhttps://www.blogger.com/profile/15519379405297115110noreply@blogger.comtag:blogger.com,1999:blog-1588656930596661810.post-45794770830394068512013-08-01T23:26:18.312+01:002013-08-01T23:26:18.312+01:00Badow Geeljirow, sxb Yuusuf Garaad waa Aadame. Cir...Badow Geeljirow, sxb Yuusuf Garaad waa Aadame. Cirka kama soo dhicin waa muwaadin soomaaliyeed oo qabiil ka dhashay. Waxa calooshiisa ku jira nama khusayso, Ilaahaybaa ugu talo galay in la kala asturnaado.

Cid walbaa khalad way gali kartaa, lkn u malayn maayo nin aqoonyahayan ah oo waliba si xirfadaysan wax u qori yaqaan, inuu qoraal fagaare ah uu diyaar u yahay qabiil duro/duudsiyo.

Somaliland eedahay tirsanayso in la sheego waa xaq. Sidoo kale kuwa laga tirsanayo waagii SNM ama maamulka hadda jira ka gaysto gobollada qaarna in la xusi waayo caddaalad ma aha.

Taas waxaan xusuusinayaa Garaadka, inuu qoraallada danbe ku xuso. Waayo qolo/maamul kaligeed dhibbane ah taariikhdeennan dhaw.

Waad mahadsantihiin. Ramadaan Kariim.
Maxamed Muxumed Cumarhttps://www.blogger.com/profile/08820750687126226581noreply@blogger.comtag:blogger.com,1999:blog-1588656930596661810.post-75619534647380788702013-08-01T22:32:20.479+01:002013-08-01T22:32:20.479+01:00Said Hassn Anteno, wxd tahay ni da' yar oo qal...Said Hassn Anteno, wxd tahay ni da' yar oo qalbi fiican. Jabuuti dadkeedu 10%, dhulkeeduna 5% ka ma dhanna Soomaaliya. Dad/dhul Yaraan kaliya isku dowlad looma ahaan karo haddaan la is aamminsaneyn. Derisku(Kiiniya, Itoobiya iyo Jabuuti) waa wada kala af, diin iyo isir.

Saddexda qabiil ee ugu weyn Soomaaliya Dir(Isaaq), Hawiye iyo Daarood way kala aammin baxeen. Isaaq labada kale inuu ka go'uu rabaa. Labada kalena inuu midba midka kale ka u awood sheegtuu rabaa. Ha isu adeegsadaan shaadh dowladeed, shaadh diimeed ama ciidan shisheeye.

Ka warran haddii aynu u kala googo'no dalal yaryar oo kala calan kala xuduud iyo kala ciidan ah? Laakiin ku midooba dhaqaalaha(isku lacag), waxbarashada iyo caafimaadka sida EU?Maxamed Muxumed Cumarhttps://www.blogger.com/profile/08820750687126226581noreply@blogger.comtag:blogger.com,1999:blog-1588656930596661810.post-22995749871565290592013-08-01T19:04:08.992+01:002013-08-01T19:04:08.992+01:00Aw-yusufow, in ka badan 20 jeer baan akhriyay qora...Aw-yusufow, in ka badan 20 jeer baan akhriyay qoraalkaaga waana fahmay. Hayeshee, siyaasi baad tahayo way adag tahay inad garowdo. Siyaasigu waa labo.midka koobad, wuu garaaba, sida dadka caadiga ah bu ogyahay in qalad kadhaco,runtuu sheega, wuxuse dhexlaa inuusan meel fog ka gaadhin siyaasada. Midka kale, inta kan koobad o dhan ma sameeyo hadaladiisana waxa ugu badan, sida uma jeedin, qalad baad ufasiratay, midna eeda masaarayo, isago la 'fahmay yuu dhahaa an isfahano iwm. Kani waaka ilaa heer madaxwayne gaadha. Ina aabow, kan danba iiga kaa muuqda waxanse ilahay ka baryi in qalbigaaga dadkaaga o dhan wanaagooda ku tuso hadiiba aad nasiib u yeelato inaad xukun somali u qabato. Waadna ku mahadsantahay jawaabahaga. Anonymoushttps://www.blogger.com/profile/02154506785452657150noreply@blogger.comtag:blogger.com,1999:blog-1588656930596661810.post-80846247881350167872013-08-01T13:30:43.429+01:002013-08-01T13:30:43.429+01:00In la kala fikir duwanaado waa dabeecada bani'...In la kala fikir duwanaado waa dabeecada bani'aadamka, waxaase wanaagsan in dhinacyo badan wax laga eego. Arrinta Somaliland iyo Somalia, waxey ku qurux badan tahay aniga fikirkeyga sida ay ila tahay in midnimada la adkeeyo. Jarmalka oo hormuud u ah dhaqaalaha bahweyn Midowga Yurub, caalamkana kaga jira kaalinta afraad, ayaa u arkey inaanu kaligiis noolaan karin, sida himilooyin badan ugga jibo keenay ayuu xulufo badan raadiyey, deetana uu qeyb ka noqdey Midowga Yurub.

Midowga Yurub yaa ku jira? Waxaa kujira dalal ay kamid yihiin Faransiiska, Talyaaniga, Belgium, Holland iyo kuwo kaloo badan. Bal isweydii Soomaaliya, oo dadkeedu yar yihiin laguna sheego toban "10,000,000", aqoonteeda aan og nahay heerka ay joogto ee liidata, dhaqaalo haba sheegin, cudud ciidan maba jirto, marka laga reebo iney jiraan kuwo reero reero iyo jibsin jibsin u dhisan, oo aan wax badan ka galin awoodaha dunida ku loolamaya. Marka aniga waxey ila tahay inaan bal daganaan u dhuganno inahaas, kadibna aan ka fekerno mustaqbalkeena. Qalad waa dhacey, waana la sixi karaa, aan is daba qabanno, inagaa is dhalannee, aan is oggolaano. Siyaasiyiinta mujtamaca ha u turaan, daneysigana ha yareeyaan.
Anonymoushttps://www.blogger.com/profile/02286782116392503499noreply@blogger.comtag:blogger.com,1999:blog-1588656930596661810.post-660015306252588772013-08-01T13:01:29.093+01:002013-08-01T13:01:29.093+01:00Saaxiib hadalkaaaga waan akhriyay waanan fahmay. W...Saaxiib hadalkaaaga waan akhriyay waanan fahmay. Waan arkaa in aad keyga akhrisay, waxaanse jeclaan lahaa in aad u fiirsato oo aad fahamto. Anigu marnaba kama markhaati kicin, mana beenin in qaxootigii woqooyiga joogay uu ka qeyb galay dagaalkii SNM iyo Dolwadda. Waxaan ku tilmaamay doodda Somaliland in ay sidaas tahay.
Waxa aan anigu arkay waa xad gudub loo geystay dadka berigaa degganaa degaannada aan meesha ku qoray. Tan ku saabsan sida wax loo qeybsaday anigu Golaha Wasiirrada ayaaan ka hadlay ee baarlamaanka kama hadal. Cali Khaliif iyo siyaasiyiinta kale ee ka soo jeeda degaanka Somaliland ee doonaya midnimada Soomaaliya in ay jiraan waan ogahay, waana aniga sheegay in lagu qadiyay xukuumadda hadda dhisan marka laga reebo Wasiirka Dibadda. Qormadeydu kuma saabsana arrimaha Soomaaliya oo dhan ee waxay ku saabsan tahay miisaanka u soo kordhay Somaliland.Yusuf Garaadhttps://www.blogger.com/profile/12951821007861655479noreply@blogger.comtag:blogger.com,1999:blog-1588656930596661810.post-16955744280270014202013-08-01T07:35:02.444+01:002013-08-01T07:35:02.444+01:00ugu horreyn asc
yuusuf garaad waxaan kaaga mahadna...ugu horreyn asc
yuusuf garaad waxaan kaaga mahadnaqayaa sida quruxda badan ee aad daaha ugu qaaday xaalada dhabt ah ee ka jirta 2 dal somaliland iyo somaliyaba, runtii waxaad iftiimisay oo aad si waadaxa u ibbo furtay, arrimo badan oo u baahnaa in dadka loo sheego. waxaan aad ugu faraxsanahay sida qiimaha leh ee aad noo deeqsiisay maqaaladaadan xaqiiqada ku salaysan adiga oo aan dhinac qudha wax ka eegin. waxaad tahay qof xog-ogaalaha oo warkooda haya wax badan oo maanta dahsoon, waan rajeynayaa inaad halkaa ka sii waddo soo bandhigida faalooyinka xaaladaha murugsan ee ka aloosan dhulka somalidu degto iyo dunida kaleba.Anonymoushttps://www.blogger.com/profile/07589564149846938128noreply@blogger.comtag:blogger.com,1999:blog-1588656930596661810.post-85679611050852068892013-08-01T03:45:45.416+01:002013-08-01T03:45:45.416+01:00Yusufow, waxa la dhibsaday qaxooti ma aha, waa mar...Yusufow, waxa la dhibsaday qaxooti ma aha, waa markhaati kaca aad ka markhaati kacday inuu qaxootigu ka qayb qaatay xasuuqii shacabka waqooyi galbeed. waana wada garanaynaa dadka loola jeedo. waxba yaynaan Oramo meeshi keenin. bal dib u fiiri hadalkan aad qortay "Doodaha Soomaaliland waxaa ka mid ahaa in la xasuuqay dadka Somaliland oo Qarankii Soomaaliya uu u adeegsaday ciidankii dowladda oo wata madaafiicda goobta, dabbaabado iyo dayaarado, welibana adeegsanaya calooshood-u-dirir ajnebi ah iyo qaxooti ka yimid Ethiopia. Waa dagaal aan aniga lafteydu 1989 iyo 1990 aan indhaheyga ku arkay qaar ka mid ah xad gudubyadii dadka rayidka ah loogu geystay Hargeysa, Berbera, Burco, Beer iyo weliba Borame iyo baadiyaheeda ilaa tuulooyin Awdal ka tirsan oo ay ka mid yihiin Qolujeed, Xaliimaale, Boon, Weeraar iyo Beysaarre." xageed ku aragtay qaxooti ka qayb qaatay dagaalkaas? hadalka probaganda SNM ay doonayso inay ku duudsido dhibkii ay iyagu u gaysteen qaxootiga oo u dhimanayay kaliya dawladii Siyaad bay isku qolo yihiin ayaad run ka dhigaysaa adiga oon arag ama waraysan dadkii qaxootiga aha ee la baa'biyay . marka wadaayow arin aadan ogayn ha dhex dabaalan. maxaadse u tagi wayday qaxootiga meeluhuu daganaa si aad u ogaato dhibaatada loo gaystay iyagaba?

yusufow gaban-gaabsi la'aanta aad ku sheegtay wasiirkii Somalia uga qayb galay shirka , oo kalaa qoraalkaagan kidh ka ah.
1. Eratria iyo South Sudan iyo Somaliland maxaa isla mid ka dhigay? Eratria , Ethiopaya ku duushay oo qabsatay. South Sudana, Brtitish baa madax isku galiyay. Somaliland laakiin Somalidii dagnayd Britishka jihaad bay kala hortageen. maxay ahayd Draawiishi hadii maanta la ogalaanayo shalay guumaysigii wixii laga diidaday in maanta la ogaalado oo ahayd kala qayb-qaybinta. xusuusnow beesha maanta xukunka Somaliland haysa way kasoo horjeedeen dagalkii lagula jiray in guumaysiga wadanka lagaga saaro badankood. maantase waxay rabaan in la aqbalo xuduudihii uu katagay. intaa waxa dheer Somaliland iyada ikhyaarkeeda u timid ulana midowday Somaliya. mana aha inaan hal qoys doodiisa meesha soo dhigto.

xaga hal wasiir bay leeyihiintaada . miyaadan ogayn in 4.5 wax lagu qaybsaday oo beesha ay kamidka yihiin tahay pointiyada ugu muhiimsan qaatay 65 xildhibaan, wasiiro, iyo kuxigeeno. waliba hadaad tirso dadka waqooyi kasoo jeeda ee dawlada ku jiro beel kasta xisaabiso iyaga ugu badan .hadayse sida hadalkaaga ka buuxda aad ujeedo beesha Isaaq, ninyahow bal raadi qabiil kale oo Somaliyeed oo Wasiir ka badan ku leh. qaarbaaba halna ku lahayn.

waxaanse ina Aaboow, aad ula yaabay waxa aad u qarinayso Siyaasiyiinta cul-culus ee kasoo horjeeda in Soomali lakala gooyo.Cali khaliif waa rug cada, waa saxiibkaa, waa professor, waana reer Somaliland , isaga Xageed raacisay, kawaran Khaatumo, Maakhir, iyo wilba Awdal State? oon doonayn in Somali lakala jaro.

ugu danbayntii fikradaada xaq baad u leedahay. laakiin, dhacdooyinka taariikhiga ah ee lamarin habaabinayo cidna uma fiicna aw- yuusofow ina aabo.
mahadsanidAnonymoushttps://www.blogger.com/profile/02154506785452657150noreply@blogger.comtag:blogger.com,1999:blog-1588656930596661810.post-19356568217673452912013-08-01T00:58:57.080+01:002013-08-01T00:58:57.080+01:00Badaw geel jire adiga cuqdada sida gaarka ah kuu h...Badaw geel jire adiga cuqdada sida gaarka ah kuu haysaa waa maxay, somaliland horumarkay samaysay hadii lagu amaano maxaa kaa xumaanaya adiga, qaxooti hadii lagu sheegay dadkii deganaa somaliland waqtigii kaligii taliyihii siyaad bare,miyaanay ahayn qaxooti waliba lagu hubeeyey dadkii maganta siiyey...Harta sheekha mida kale dadkii u dhashay baa degan qaxooti kuma aha, horena way u deganaayeen walina way degan yhiin waanay deganaan doonaan, adigu calooshaada soo nadiifi bal.Anonymoushttps://www.blogger.com/profile/16551024927494024056noreply@blogger.comtag:blogger.com,1999:blog-1588656930596661810.post-17270976747904443412013-08-01T00:52:59.389+01:002013-08-01T00:52:59.389+01:00Yuusuf Garaad maqaaal dheer oo dhinacyo badan taab...Yuusuf Garaad maqaaal dheer oo dhinacyo badan taabanaya ayaad qortay waxyaalo badan oo xaqiiqo ahina ku jiraan, dhinac markan anigu fikradayda ka eego waa kashifaad aad banaanka ku soo dhigayso dariiqa cusub ee somaliland qaaday iyo miisaanka ku soo kordhay,...dhinaca kalena waxan u fahmay inaad adigu ku xod xodanayso dawlada somalia inaad ka mid noqoto dadka siyaasadeeda gacanta ku haya, si aad uga hortagto arimo aad u aragto inay somaliland ku talaabsan karto oo danaheeda ah.Anonymoushttps://www.blogger.com/profile/16551024927494024056noreply@blogger.comtag:blogger.com,1999:blog-1588656930596661810.post-54016965948458635732013-07-31T18:21:23.630+01:002013-07-31T18:21:23.630+01:00Garaad salaan sare. Anigoo ah nin Absame ah, waxaa...Garaad salaan sare. Anigoo ah nin Absame ah, waxaan rabaa inaan arrinka qaxootiga ee laga cadhooday mid ku darsado. Dowladihii ka horreeyay kacaank ee Somalia waxay taagnaayeen in soomaalida deggan Itoobiya iyo Kiiniya ay yihiin ajaanib, walow aqoonyahannadii Itoobiya kasoo qaxay 1964 ay ka faa'iidday jamhuuriyaddii curdunka ahayd.

Kacaankiina wuxuu qaadtay in qowmiyadda soomaalidu ay wada yihiin Muwaadiniin Soomaaliya ka tirsan. Beesha Absame waxay lahayd Saraakiisha sarsare ee Soomaaliya kuwa ugu badan marka beelbeel loo xisaabo. Laakiin shatiyada ganacsiga waa laga ilaalin jiray.

Yuusuf Garaad taariikhda dib u ma qori karo, laakiin wuxuu awoodaa inuu dhinac ka arko ama dhinac qariyo ama siduu Ilaahay ku ogyahay uga warramo. Taasna Ilaahay ayaa kala xisaabtamaya hadduu khaldo, laakiin fadlan qabyaaladda ha la iska daayo. Yuusuf Garaad waa shakhsi xor ah, ee u daaya xornimadiisa. Innaguba intaasaynu afuufaynaa qabiilkiisa, innagoo waxa laga tirsanayo u labajibbaarayna.

Colaaddii ka dhaladtay qaxootigii uu Siyaad Barre(AHN) u diiday inay degaan dhul Daarood ayaa qeyb ka ahayd colaadihii qabaa'ilka ee burburiyay Somalia. Waad ogtihiin qaxootigii koonfurta joogay ee wabiga lagu guray ama kuwii waqooyiga wixii ay SNM ku samaysay.

Sxb soomaali nin nin caano iyo malab waraabiyay ma jiree dakharradii dagaalka sokeeye oo wajiyo badnaa laga ma heshiin la is mana cafin. Lamana illoobin. Xalkuna ma aha in la qariyo ee waa in la jeexjeexo, dibuheshiinna laga gaadho.

Yurub waxaan dugsiyda ku barannay ee ay isku sameeyeen ayaa kun jeer ka foolxun kii soomaalidu isku samaysay. Waana laga gudbay. Lamana qariyo, ee facyada soo korayaa dugsiyada lagu baraa, si ay u ogaadaan taariikhdooda.

Hadduu jiro nin qabiilkiisu ceebkasaliim yahay oo dhexdiisa ama deriskiisana aan dhib ku samaynnin(oon ka ahayn beelaha laga tirada badanyahay), fadlan ha inoo sheego, waanan uga mahadcelinaynaa cilmigaas uu nagu kordhiyay.

Ug danbeyn Garaadka waxaan u sheegayaa in aanu xaq u leennahay, in wixii aannu qoonsanno ama aanu khalad u fahanno aannu kugu qabsanno. Adna sharaftaadu waxay ku jirtaa inaad naga qanciso. Mar walbana waad qancisaa ciddii wax qoonsata. Waanad ku mahadsantahay.

Ramadaan Kariim.Maxamed Muxumed Cumarhttps://www.blogger.com/profile/08820750687126226581noreply@blogger.com