tag:blogger.com,1999:blog-1588656930596661810.post5217638179697386645..comments2024-03-18T15:36:12.111+00:00Comments on Yusuf Garaad: Soomaaliya iyo SomalilandYusuf Garaadhttp://www.blogger.com/profile/12951821007861655479noreply@blogger.comBlogger39125tag:blogger.com,1999:blog-1588656930596661810.post-74610039558695435222020-06-19T18:28:55.731+01:002020-06-19T18:28:55.731+01:00Waa xog muhiimsan oo dad badan aan kamid ahay kawa...Waa xog muhiimsan oo dad badan aan kamid ahay kawarhayn cadiir doonto ha maamusho suaasha dhalinyaro aan is waydiinayno waxay tahay maxaa inoo dana 30yrs baanu dawlad la aan caafimaad amni aqoon caalami xataa hadaan shaqo dibada ka helno aan nala aqoonsanayn aanu hayn ilmaheena maxaa udana seebaanu uga badbaadinaa dhibakaan anagu marayso waa suaasha marwalba qofwalboo dhalinyara oo 30jir ka hooseeya is waydiinayo adna Ex wasiir waxaan kaa codsan hadaad suaashayfa aragto in aad bulshada la wadaagto maqaalna aad ka qorto waliba aaad kasoo jawaabto markad jirtay da deena jaaniska aad haysatay aan anagu maantay haysan ama mid aan anagu maantay haysato aaadan haysan markaas
Thank you marwalba waan ku xidhnahay qoraaaladada aad nala wadaagto Mahadhttps://www.blogger.com/profile/17991225986842661781noreply@blogger.comtag:blogger.com,1999:blog-1588656930596661810.post-48997891904601785262020-06-18T18:53:57.410+01:002020-06-18T18:53:57.410+01:00Madaxaaga Allaha raajiyo.
Wax badan baad ummada ta...Madaxaaga Allaha raajiyo.
Wax badan baad ummada tari doo taaye.Ahmed Hilowlehttps://www.blogger.com/profile/13041240618853769080noreply@blogger.comtag:blogger.com,1999:blog-1588656930596661810.post-10907643445908517242020-06-16T20:47:21.932+01:002020-06-16T20:47:21.932+01:00Inta aan ka naqaano saxiibkeen Yuusuf Garaad waa H...Inta aan ka naqaano saxiibkeen Yuusuf Garaad waa Hadal iyo Qoraal yaqaan lakiin haduu wax qabad yaqaanimo uu ku darsan lahaa cid la bar bar dhigo lama heleen Anonymoushttps://www.blogger.com/profile/02988366469204728792noreply@blogger.comtag:blogger.com,1999:blog-1588656930596661810.post-77175710034260946452015-05-15T15:56:51.993+01:002015-05-15T15:56:51.993+01:00Hello Am Mrs, Morgan Debra Am amaahiye amaah sharc...Hello Am Mrs, Morgan Debra Am amaahiye amaah sharci ah oo lagu kalsoonaan karo siin deyn
on a eego cad oo la fahmi karo iyo xaaladda dulsaar 2%. Laga soo bilaabo
$ 12000 in $ 7000000 USD, Euro Markaasuu oo ginni oo keliya. Waxaan bixin Business Deymaha,
Daymaha shaqsiga, Amaahda Ardayda, Deyn gaariga iyo Deyn bixin biilasha. Haddii aad
u baahan tahay si amaah ah waxa ay tahay inaad sameyso yahay, waayo, waxaad si toos ah ii soo xiriir
at: morgandebra1986@gmail.com
Ilaah ha idiin barakeeyo.
Salaan,
Mrs Debra Morgan
Email: morgandebra1986@gmail.com

Fiiro gaar ah: Dhamaan reply waa in la soo dir: morgandebra1986@gmail.comAnonymoushttps://www.blogger.com/profile/16242995349550503499noreply@blogger.comtag:blogger.com,1999:blog-1588656930596661810.post-55355170708053195942014-09-16T13:34:05.507+01:002014-09-16T13:34:05.507+01:00This comment has been removed by a blog administrator.Anonymousnoreply@blogger.comtag:blogger.com,1999:blog-1588656930596661810.post-24377025195889802662013-07-28T17:06:37.483+01:002013-07-28T17:06:37.483+01:00This comment has been removed by a blog administrator.Anonymoushttps://www.blogger.com/profile/11978886588925460636noreply@blogger.comtag:blogger.com,1999:blog-1588656930596661810.post-8374211269153671802013-07-19T01:16:39.106+01:002013-07-19T01:16:39.106+01:00asxaabay yuusuf waxow kahadlay wax taagan oo mooda...asxaabay yuusuf waxow kahadlay wax taagan oo mooda marka inta iska daaf tiin waxaa la idinka rabaa in aad fikirkiina ka dhiibataan sida wax usucdaan yuusuf garaad na waa naqan karaa in ow madax kanaqdu soamaalia waliba madaxa ugu sareeya taasi waa fikirkayga Anonymoushttps://www.blogger.com/profile/08765603797729696332noreply@blogger.comtag:blogger.com,1999:blog-1588656930596661810.post-82892297737527221172013-07-16T14:15:57.487+01:002013-07-16T14:15:57.487+01:00anigu kuguma raacsani yuusuf in bbc dii lagu aamin...anigu kuguma raacsani yuusuf in bbc dii lagu aamini waayay. dabcan waxa uu ahaa nin khibrad badan, aqoon badan aqlina badan xiligii uu joogay bbcda. waa sidii uu lahaa maxamed claahi markii uu katagay meesha ee ku wareejiyey yuusuf. dhabcan way jiraan dad badan oo u arkayay in uu ujanjeedho dhinaca beeshiisa waana mid ay soomaalidu dhaqan ahaan uleedahay in ay saas yeelaan. waxaan aad ujecl;aa markii uu waraysanayo siyaasiyiinta iyo sida uu ugaliyo god cidhiidhi ah oo ayna ka bixi karin. hadal heli ogidiisa ayaa iyaduna aha wax lagu amaano intii uu joogay xilka. markii uu uarkay in ay uhaboontahay in uu siyaasada galo isaga ayaa shaqsiyan uga tagay ee maahayn in laga caydhiyay ama uu wadi waayay xilkii. waana taageersanahay wax badan oo uu qoro baryahan danbe oo uu kuqoro baloogiisa. waxaan siin lahaa talooyin badan walaalkay yuusuf hadii aan hubo in uu akhrisan. hadii kale...Anonymoushttps://www.blogger.com/profile/05629534544988854610noreply@blogger.comtag:blogger.com,1999:blog-1588656930596661810.post-3182972821526170162013-07-16T13:39:23.277+01:002013-07-16T13:39:23.277+01:00Axmed saalax aad baan uga helay aragtidaada siyaas...Axmed saalax aad baan uga helay aragtidaada siyaasadeed ee qotada dheer walaal. waxaan dhihi karaa waxaad tahay shaqsigii iila aragtida fiicnaa ee kasoo jeeda somaliland ama wixii loo yaqaanay gobolada waqooyi. ma aha oo kalyah in somaliland ay kudayato puntland balse waxaan qabaa in ay somalia idlkeedu kudayato habka maamul wanaaga, dimoqraadiyada, saxaafada madaxabanaan, nabadgalyada iyo waliba qaabka doorashooyinka. in ay somalia badasho qaabka loo doorato madaxweynaha iyo golayaasha baarlamaankla oo ay raacaan qaabka somaliland.
tankale walaal axmadow dawlada soomaliya fikirkii iyo hankii looqabay ee ay soomali uqabtay makasoo baxda? waxa ay dad badan oo soomaaliyeed qabaan in ay kasoo baxday hadan kaaga jawaabo. qaar kale oo badana waxay ay u arkaan in ay lamid noqotay tii 1991 somaliya kadhacday mid lamid ah. majirtaa in tii soomartay kumeel gaadh dawlad sida tan hada loogu kala qayb samey axmadow? dibin daab yadaas mawaxaa gaystay faroole iyo puntlan mise waa hogaamin liidata oo qabatay hogaanka dalka. anigu waxaan qabaa yuusuf garaad hadii uu ahaan lahaa xasan maanta in aynan soomaali sas ukala dhaqaaqdeen. walaal waxad kahadashay sawir kiinya lala galay. maad aragtid dagaalka kasoo cusboonaaday kismaayo ee loo aanaynayo amaba uu kufaanayo xasan in uu isagu shiday. maad eegtid soonoolaynta qabqablayaashii dagaalka, maad eegtid kala fogaanshaha sii kordhaya ee dadka walaalaha ah ee soomaaliyeed ee ay dawladu horseeday.
mahadsanidiin
Anonymoushttps://www.blogger.com/profile/05629534544988854610noreply@blogger.comtag:blogger.com,1999:blog-1588656930596661810.post-6704536248405343662013-07-16T04:54:44.675+01:002013-07-16T04:54:44.675+01:00eng yusuf sxb marka salaan guud intaa ka bac "...eng yusuf sxb marka salaan guud intaa ka bac " waxaan maqlay inaad doonayso madax ugu sareeya somalia " aan ku siiyo talo intaanad galin hawshaa sxb kaftana hayga ahaatee bbc dii baa lagugu aamini waayee maxa lagugu aaminayaa kaftan.com Anonymoushttps://www.blogger.com/profile/16841195497825704061noreply@blogger.comtag:blogger.com,1999:blog-1588656930596661810.post-23688987774194838352013-07-14T16:18:39.463+01:002013-07-14T16:18:39.463+01:00Asad Yusuf ma khaldana aniga fikirkayga marka uu i...Asad Yusuf ma khaldana aniga fikirkayga marka uu isticmaalay erayga Isku dhereris. Waayo Puntland waxay bilawday isku dhererinta Somaliland 1998. Markii iyada la aasasay. Oo hadaad taarikhda hayso cabdulahi yusuf (Allaa yarxama) uu khud badiisii u horaysay ku sheegay inay maamul samaystaan maadama oo Somaliland ba ay dhisantay, wuxuuna marxuumku sharaxayay sababta loo aasasay Puntland. Madaxdii u kala danbaysay Puntland ayan marnaba qarsan kari jirin hinaasaha. Waynu kawada dheregsanahay sababtii Puntland loo aasasay inay ahayd Somaliland kudayasho. Taasceeb maahan oo waa wax fiican. Waxa Faroole dhawrjeer shegay inay hanaanka doorashooyinka iyo dimuqraadiyada kaga dayanayaan Somaliland oo uu ku amaanay. Waxaa kaloo faroole saxaafada uu u mariyay Somaliland waynu kawada go aynaa somalia inteeda kale ama waa kuwada jiri!!! Hadii aankuu qiro inaanay wixii hore ee aad nagaga dayanaysay aanay ISDHERERIN idinka ahayn ee ay wanaag idinka tahay ama wax fiican ood nagaga dayanaysaan ... Gooni isu taagana maad naga ga dayanaysaan? Waxad ku faantay midnimada ayaan ku jiraa oo Sawta Puntland laf dhuun gashay kunoqotay dawlada federalka? Sawdinka anku kalsoonayn dawlada federalka waxa ay miiska wada hadalka idiinka soo goyso. Marka Puntland tiraah heshiiska Dawlada fadaralku soogasho ma aqbalqyo ma dawladu ima meteshaa??? Mudnimadaad sheeganay aaway? Ma magacbaa?? Ma afkaa??? Mayee waa wada shaqayn, Is aaminaad, kalsooni iyo kala danbayn. Ee maaha isbar bar yaac. Balfiiri adoo madaxwayne iyo Raiisal wasare iyo barlaman kumetelaa joogan ayaad Kenya madax wayna heeda sawiro lasoo gelaysan. Walahay waa sharaf dhac waxay na muujinaysaa inaan somaliyi midaysnayn oo koox koox yar cidla looga heli karo. Kagadarane Jubbaland ayaa hogaamiseen oo dawlada kale iyo madaxwaynayal kale lasoo shiraya halkii oo muqdisho isugu keeni lahaydeen oo dawladooda ay la shiri lahaayeen. Somaliland haday joogi lahayd sharaf ayay ku joogi lahayd ee fadeexad, dibindaabyo ,caqabad iyo dhabar toogasho kumanan hayneen dawlad yar oo itaal daran oo ciidamo gaara lahayn oo caalamkoo dhami isugu yimi sidii somalidaa masaakiinta ah labatanka sano qaxayay dhibta ugaga bixi lahaayeen.

Marka Puntland waxan u sheegi lahaa kelmada
Midnimo micno kawayn ayay leedahay hadaad Khariirada ama Map ka oo keliya u haysato.

Waxan u sheegi walaalaha somaliyeed oo dhan Somaliland way idin jeceshahay walalahayo somaliyeed maka maaarano iyaguna nagama maarman Bad na inoo ma dhexayso. Cadawtinimo iyo Colaadna hadalkeedba daa. Halqodob oo keliya ayaa inoo dhexeeya. Laakiinse Horta soo dhameeya insha allaa caqabadaha raagay ee wadanka yaal. Oo ay u horayso Nabadu, Ciidamo somaliyeed, Doorashooyin heer madax wayne ilaa heer baar lamaan waa Homework wayn oo culus oo idinka idiinyaal. markaanu aragno walaalahayo somaliyeed oo gacmaa is haysta oo aan ciidamo shisheeye ku dhex jirin waxan hubaa inaad garta naga heli doontiin!
Markaa hawshu way kala horaysaa ee arinta Somaliland garteedu maaha wakhtigii ku haboonaa.
Hadaase wakhtigan ku adkaysataan waanu idinka gar heli ee maxaydin yeeli?Anonymoushttps://www.blogger.com/profile/09843219510618005160noreply@blogger.comtag:blogger.com,1999:blog-1588656930596661810.post-57906300556063036882013-07-14T15:50:04.354+01:002013-07-14T15:50:04.354+01:00Garaad, waad ku mahadsantahay walaal, sida wanaags...Garaad, waad ku mahadsantahay walaal, sida wanaagsan, eed u fasirtay, qaybta aan tuhunka ka qaaday. Dad badanna, sidoo kale way ila qabeen tuhunka. "Ninna si u yidhi, ninna si u qaaday". Sidoo kale, Assad midduu ku weydiiyayna dad i soo wacay ayaannu is lahayn, tolow, Garaadku waa siyaasi, walibana waa suxufi weyne, hadalku miyuu ka fakaday, mise mise wuu u kasay: Inuu Puntlandna yaso, Xamar & Hargeysana is weydiiyo inay cunaqabateeyaan gobollada kale. Waan ku qancay jawaabtaada 100%.

Waagii hore waxaa la dhihi jiray: "Haddaad cay dooni dhimo, haddaad ammaan doonina guurso". Maanta waa in lagu daro: Haddaad cay dooni ka faalloo arrimaha siyaasadda". Waayo, saan horay kuugu sheegay, nasiib-darro, waxaynu aragtida qofka ku eegnaa ookiyaalo "4.5" ah.

Ookiyaalahaas, haddii la iska bixiyo, waxaad noqonaysaa( dabcanna tahayba), nin Garaad ah oo waliba aqoon ku darsaday, garna u leh in lagu sifeeyo: muthaqaf, mufakir iyo muxallil-siyaasi. Isla markaasna ah shkhsiyaadka ay soomaali oo idili ku faani karto.

Waxaan kaa codsanayaa - waa bil ramadaane -, inaad aniga iyo inta ku xamataba na cafido. Sababtuna waxa weeye, Siyaasaddu waxay maraysaa meel xasaasi ah, mar walbana waxaa laga doodaa waxa taagan, iyadoo ookiyaalaha "4.5" la wada gashanyahay.

Waxaan kuugu hambalyaynaa inuu bloggaagu durba noqday, waxyaalaha la soo xigto, sidii loo dhihi jiray, "War maanta BBC ma maqasheen ama Ammiin Caammir ma aragteen sawirkiisa", haddana waxaa la is-weydiiyaa, "War Yusuf-Garaad maanta ma akhrideen".

Waxaan kaa codsanayaa dulqaad, waayo dadku is ku si uma wada bisla, "ookiyaalaha" la wada xidhan yahayna isku darajo ma wada aha. Marka ku talogal in maalinna lagaa higgaadiyo, Xamar, Jabuuti, Garoowe, Hargeysa, Jigjiga, Kismaayo, Garisa iyo waliba qurbaha, maalinna lagaaga sacbiyo. Waayo af-soomaalka iyo qabiilku xuduudo qaran ma leh. Xerta ku raacataa shanta qaaradood ayay joogaane, yaysan ku caajiz galinnin dadka aan ka midka ahay, ee ookiyaalaha xidhan.

Su'aal kalaan jeclhay inaan ku weydiiyo, laakiin maadaama, aan hadda hadalka badiyay, dib baan u dhiganayaa.
Madaxaa ha jiro, Garaad!Maxamed Muxumed Cumarhttps://www.blogger.com/profile/08820750687126226581noreply@blogger.comtag:blogger.com,1999:blog-1588656930596661810.post-19885751832070260622013-07-14T10:15:41.077+01:002013-07-14T10:15:41.077+01:00waad faahfaahisey lakiin tuhunkaa iska badan qofba...waad faahfaahisey lakiin tuhunkaa iska badan qofba siyaasada been kaliya u taqaan
Anonymoushttps://www.blogger.com/profile/07371335403121604242noreply@blogger.comtag:blogger.com,1999:blog-1588656930596661810.post-47618565470347434172013-07-14T06:29:36.004+01:002013-07-14T06:29:36.004+01:00Garaad, waad ku mahadsantahay walaal, sida wanaags...Garaad, waad ku mahadsantahay walaal, sida wanaagsan, eed u fasirtay, qaybta aan tuhunka ka qaaday. Dad badanna, sidoo kale way ila qabeen tuhunka. "Ninna si u yidhi, ninna si u qaaday". Sidoo kale, Assad midduu ku weydiiyayna dad i soo wacay ayaannu is lahayn, tolow, Garaadku waa siyaasi, walibana waa suxufi weyne, hadalku miyuu ka fakaday, mise mise wuu u kasay: Inuu Puntlandna yaso, Xamar & Hargeysana is weydiiyo inay cunaqabateeyaan gobollada kale. Waan ku qancay jawaabtaada 100%.

Waagii hore waxaa la dhihi jiray: "Haddaad cay dooni dhimo, haddaad ammaan doonina guurso". Maanta waa in lagu daro: Haddaad cay dooni ka faalloo arrimaha siyaasadda". Waayo, saan horay kuugu sheegay, nasiib-darro, waxaynu aragtida qofka ku eegnaa ookiyaalo "4.5" ah.

Ookiyaalahaas, haddii la iska bixiyo, waxaad noqonaysaa( dabcanna tahayba), nin Garaad ah oo waliba aqoon ku darsaday, garna u leh in lagu sifeeyo: muthaqaf, mufakir iyo muxallil-siyaasi. Isla markaasna ah shkhsiyaadka ay soomaali oo idili ku faani karto.

Waxaan kaa codsanayaa - waa bil ramadaane -, inaad aniga iyo inta ku xamataba na cafido. Sababtuna waxa weeye, Siyaasaddu waxay maraysaa meel xasaasi ah, mar walbana waxaa laga doodaa waxa taagan, iyadoo ookiyaalaha "4.5" la wada gashanyahay.

Waxaan kuugu hambalyaynaa inuu bloggaagu durba noqday, waxyaalaha la soo xigto, sidii loo dhihi jiray, "War maanta BBC ma maqasheen ama Ammiin Caammir ma aragteen sawirkiisa", haddana waxaa la is-weydiiyaa, "War Yusuf-Garaad maanta ma akhrideen".

Waxaan kaa codsanayaa dulqaad, waayo dadku is ku si uma wada bisla, "ookiyaalaha" la wada xidhan yahayna isku darajo ma wada aha. Marka ku talogal in maalinna lagaa higgaadiyo, Xamar, Jabuuti, Garoowe, Hargeysa, Jigjiga, Kismaayo, Garisa iyo waliba qurbaha, maalinna lagaaga sacbiyo. Waayo af-soomaalka iyo qabiilku xuduudo qaran ma leh. Xerta ku raacataa shanta qaaradood ayay joogaane, yaysan ku caajiz galinnin dadka aan ka midka ahay, ee ookiyaalaha xidhan.

Su'aal kalaan jeclhay inaan ku weydiiyo, laakiin maadaama, aan hadda hadalka badiyay, dib baan u dhiganayaa.
Madaxaa ha jiro, Garaad!Maxamed Muxumed Cumarhttps://www.blogger.com/profile/08820750687126226581noreply@blogger.comtag:blogger.com,1999:blog-1588656930596661810.post-90187262150914284122013-07-14T04:22:50.033+01:002013-07-14T04:22:50.033+01:00Maxamed, walaal wax kale ulama jeedo ee waxaan oga...Maxamed, walaal wax kale ulama jeedo ee waxaan ogahay in hadda oggolaashaha Hargeysa aan lagu tegin Taleex iyo Buuhoodle. Sidoo kale, in aan Muqdisho lagala tashan dhaawaca laga qaadayo Kismaayo iyo siyaasiyiinta dowladda mucaaradka ku ah ee Kismaayo fariisinta ka dhigtay. Markaa waxaan ka digayaa uun in arrin siyaasad iyo militeri midna lagu xallin kari waayay in aan la isku dayin in cunaqabateyn xagga hawada ah lagu xalliyo. Macnaheyguna ma ahan in aan leeyahay tuhunkaas ayaan qabaa. Sansaankaas ma arko, laakiin waan ka digayaa.Yusuf Garaadhttps://www.blogger.com/profile/12951821007861655479noreply@blogger.comtag:blogger.com,1999:blog-1588656930596661810.post-36676697512069787712013-07-14T04:17:17.717+01:002013-07-14T04:17:17.717+01:00Asad, walaal waad ku mahadsan tahay biseylkaaga. I...Asad, walaal waad ku mahadsan tahay biseylkaaga. Ilaaheey ajar ha kaa siiyo u caqli celinta dadka aan dhowrin xuquuqda iyo sharafka qofka kale ee walaalkood ah. Walaalow anigu Somaliland iyo Puntland ma qiimeynayo mana lihi middaas ayaa bara dheer ama bara dhimman. Waxaanse ogahay sida ay mid waliba isu aragto. Somaliland waxay isla meel dhigtaa Soomaaliya inteeda kale oo dhan. Puntland iyaduna, sida aad adiguba sheegtay, waxay isu aragtaa in ay siman yihiin labadu. Si kastba ha ahaatee, ereyga aad qoonsatay, oo horena dhowr jeer ay dad kale ka cowdeen waxaan ku beddelay mid aan u haysto in dhinacna aanuu wax u dhimeyn. Waxaan mar kale kaaga mahadcelinayaa biseylka aad muujisay oo dabcan ku saleysan isku kalsooni shakhsi ah iyo xaq dhowrka aadanaha.Yusuf Garaadhttps://www.blogger.com/profile/12951821007861655479noreply@blogger.comtag:blogger.com,1999:blog-1588656930596661810.post-45353677766279545182013-07-14T01:15:27.416+01:002013-07-14T01:15:27.416+01:00cayda Yuusuf afkii caytamaa ku wax la' isagana...cayda Yuusuf afkii caytamaa ku wax la' isagana koontadiisa aakhiro baa plus u noqonaysaa,marka Yuusuf caayaayoow ma waxbaad u tartay mise waxbaad ka dhintey. Waa Bil Ramadaane Edebsada oo cayda iyo xumaha iska dhowra si aan Cadho Rabbi idiinku dhicin. War Soomaalaay Walaalooba oo iska ilaaba xumaha qabyaalada oo is cafiya. Aniga shakhsiyan caqliga qabyaalada iyo diiradeeda dulliga ah marka wax lagu eego Yuusuf Qabiilada uu ka soo horjeedo oo la dagaalamo baan ku jiraa!!!!!!! meel Yuusuf igula dagaalamay oo igu colaadiyeyna garan maayo aan ka ahayn Xasad dadka qaarkii u sawira in qofkii karti leh ama Rabbi wax siiyo mansab ama magacba uu isaga iyo qabiilkiisa haddii uusan ahayn uu yahay cadawgooda !!!! waana cudurka Soomali dilooday. Aniga oo reer Sanaag ah Puntlandina ah Yuusuf iyo aqoonyahan ama waxgaradkasta oo Soomaali ahba waa walaalkay aan ku faani cid iga xigtaana ma jirto. Wax waa isku diidi karnaa,waa isku khilaafi karnaa qofkuna aragtidiisa xor buu u yahay haddaan kula dirirona waa dirir aanan guul ka gaadhayn waayo qofka siduu u fekeri iyo waxii uu rumaysan waa arrin Rabaaniya oo awoodayda ka baxsan waxaan ku bedeli karaana waa dood wanaag iyo wax is tus aan isku qasab,san iska gelis iyo isku nac midna lahayn. Walaal Yuusufoow waxaad soo qortay Puntland oo Somaliland isku dhererisa marka ereygaas oday isku dhereris waxaa laga fahmayaa siduu dhandhami in aad Somaliland u aragto mid baro dheer Puntland dhinac kasta oo aanu isku dhererinayno dee walaal uma haysano inay wax na dheeryihiine miyeysan kula ahayn midnimada Soomali oo aananu ka faanayn diidayn jecelna nahay inay wax walboo ay haystaan aragtidaa ay isku fuuqsanayso oo aanu nahay kuwa baro aan la gaadhi karin dheer abid, madaama aan naluku hayn in aan isir Soomali ka faanay ama aan nacnay midowgii iyo midayntii ama iskuba daynay in aan kala dhantaalo taasoo cidii samaysaa taariikhda baal madoow ka gelayso ahna bar wasakh ah oo aan ka maydhmayn. Mahadsanid walaal Yuusuf iyo walaalaha commentka soo qoraba.Asadhttps://www.blogger.com/profile/13204378272673306671noreply@blogger.comtag:blogger.com,1999:blog-1588656930596661810.post-53004861398894257612013-07-14T00:43:46.030+01:002013-07-14T00:43:46.030+01:00Garaad, marka hore waad mahadsantahay. Marka xiga ...Garaad, marka hore waad mahadsantahay. Marka xiga Ramadaan Kariim! Waxaan kugu ammaanayaa, in isku-kalsoonidaadu ay kuu saamaxday, in aad oggalaatid, in dad shakhsiyan kuu weeraray aadan faafreeb ku samaynin qoraalkooda. Waa dabiici, in wixii xiiso badan leh, sida bloggan inuu kiciyo dareenka xerta marsanaysa bloggan. Kuwo jibbaysan oo sacabka tumaya iyo cadhaysan oo oorinaya labadaba. Waxay calaamad u tahay inuu qoraalku guulaystay.

Waxaan ka codsan lahaa xerta marsadta bloggan, inaan shakhsiyan loo weerarin Garaadka, xittaa haddii aan lala qabin aragtidiisa. Fadlan ha ahaado bloggani, mid ay ku kaftamaan ayna fikradahana isku weydaarsadaan garaaddadu(intellectuals). Kala aragti duwanidu waa qayb ka mid ah xalka iyo waliba hore-u-marka.

Intaas kadib, waxaan Garaadka ka codsan lahaa inuu inoo jilciyo wuxuu uga jeeday qaybtan:

(Waxaan maqlayaa in ay dayaarado ka degaan Taleex iyo Buuhoodle, halkaas oo ay ku badan yihiin taageerayaasha Khaatumo State oo diiddan gooni isu taagga Somaliland. Somaliland ma oggoshahay in duullimaadyadaaasi ay si habsami leh u socdaan?

Muqdisho waxaa hadda ugu yaraan khilaaf kala dhexeeyaa Kismaayo. Dayaaradaha u kala goosha Nairobi iyo Kismaayo ama Kismaayo iyo Puntland, waxay mararka qaar daad gureyaan siyaasiyiin ka dhan ah Dowladda marna dhaawac ay islaayeen ciidankeeda. Armay isku daydaa in ay faraha la gasho?)

Waayo dad badani waxay ku eegeen ookiyaalo midab qabiil leh. Nasiibdarro, anaa ka mid ah dadkaas. Anigu waxaan u fahmay sidan: ''Mar hadday, Xamar iyo Hargeysa heshiiyaan, gobollada kale way u awood sheegan karaan, isbaaro dhul ah ayaynu naqaannaye, xittaa hawaday isbaaro dhigan karaan''.

Garaad, haddaan sax u fahmay, hadalkaas waa mid abuuraya walwal weyn oo wax u dhimaya awood-qaybsiga federalka. Haddaadan saas u jeedinna, raalli ahow, nagana jaahil bixi.

Guulayso ayaan ku leeyahay, Garaad. Mahadsanidna.Maxamed Muxumed Cumarhttps://www.blogger.com/profile/08820750687126226581noreply@blogger.comtag:blogger.com,1999:blog-1588656930596661810.post-64257480912934117372013-07-13T21:45:48.863+01:002013-07-13T21:45:48.863+01:00yusuuf garaad waad ku mahadsantahay sida quruxda b...yusuuf garaad waad ku mahadsantahay sida quruxda badaan ee aad uga sheekaysay soo yaalki tariikheed ee hawada somaliya, lakin haddan kaa dhiibto fiikir waxa kaliiya ee muraanka dhaliin kara laba miid uun,1.in laa waayo ciid khibraad uu leh shaqaada 2.iin laa isku af-garaan wayo dhaanka shaqalaaha hawl gaali doona, lakin waxan rajaaynaaya guul iyo gobaanimo uuso hoyaata mushtamaca somaliyeed
Anonymoushttps://www.blogger.com/profile/17336674590882825178noreply@blogger.comtag:blogger.com,1999:blog-1588656930596661810.post-54694590475673309202013-07-13T10:44:01.500+01:002013-07-13T10:44:01.500+01:00Asc, Run ahantii waa maqaal xiiso leh. tan kale wa...Asc, Run ahantii waa maqaal xiiso leh. tan kale waxan rajaynaya in uu isfahamka iyo isusoodhawaanshaha uu intaa kasiiwanaagsanan doono insha alah! Allayahow Soomali dhexdooda nabad dhex dhig! AAMIIN.Anonymoushttps://www.blogger.com/profile/10158230334775108871noreply@blogger.comtag:blogger.com,1999:blog-1588656930596661810.post-38632386149105405392013-07-13T07:26:36.962+01:002013-07-13T07:26:36.962+01:00Salam Calaykum,
Horta waad salamantay Y.Garaad qo...Salam Calaykum,

Horta waad salamantay Y.Garaad qoraalkagana markaan akhriyey waa qoraal kala saafan oo margi aan lahayn in uun qofkii wax dhugan kara,waxaanan anigu aad u raacsanahay oo aan u arkaa guul wayn oo dhamaan u soo hoyatay dadka afka somaliga ku hadla ee aan ku koobnay S/land iyo Somaliya oo qudha.waxa hawaddan maamulaayey in ka badan 20 sanadood dad shisheeye haddii aynu inagu ka Somali ahaan maamulano waa wax fiican oo qof wal oo wax garanayaa ku diirsan karo.waanan leenay bisaylkaasi aynu ku maamulan karno hawadeena inta aynu isku jirno.waana in loo fikiraa sidda waaqica ah ee maanta iyo bari iyo mustaqbalkaba ubadkeena iyo dhulkeena khayrku uugu jiro.awal waxaaba la tagnaa yaan lawadda hadlin oo danbi ahayd markaa aynu wadda haddalno waxa inaga dhaxeeyana aan waddaagno waa guul weeye.Somaliland Consumer Protection Advocateshttps://www.blogger.com/profile/01795188554517524916noreply@blogger.comtag:blogger.com,1999:blog-1588656930596661810.post-68821084783755945392013-07-13T04:20:16.299+01:002013-07-13T04:20:16.299+01:00Unbelievable!
AHU Qamaan Bulxan muxuu yiri?
Cali...Unbelievable!

AHU Qamaan Bulxan muxuu yiri?

Caliyoow da'daan ahay waqaa, looma duurxulo e
Duq gaboobey iyo wiil yarbaa, loo dedaa hadale
Diirkaan ka garan xaajadaad, dabaqa saarteene!

Yuusuf, xaqiiqatan in badan baan isku dayay inaan il dhex-dhexaad wax ku fiiriyo oo "benefit of the doubt" aan ku siiyo, laakiin xaal waa iska cad yahay. Dhowr arimood oo xaqqiiqda ogaan u dhinac martay baan ku tusaalaynayaa.

Aan ugu horaysiiyo afeef dhigashadaada ugu dambaysay ee aad u sheegtay akhristayaasha in Somaaliya & "Somalilan" wada hadlayeen. Dabcan hadalka dahsoon ee ku jiraa waxaa weeye "Qoraalkaygu siduu u dhacayo waxuu ka turjumayaa waaqica"

Taas mar baan kaa rumaysan lahaa oo waa haddii arintan aad dhex dhexaad ka tahay. Waan dhegaystay qudbadaadii markaan madaxweynaha u ordaysay iyo waxaad ka tiri arintaa SNM wadato.
Waxaan kaloo dhegaystay mar aad BBC ku marxabaysiinaysay Sifir iyo Ina Cali waraabe sidaad SNM dowlad uga dhigaysay oo aad xitaa hadal aan run ahayn aad sheegtay oo tiri; "Siilaanyo iyo British PM baa gurigaa ku kulmaya."

Waxaan kaloo xusuustaa Cali Khaliif su'aal aad waydiisay oo ku tiri "Haddii Soomaaliya ay kala go'ayso laba dowladood bay u taalaaye yaa idinka idiin xil saaray Soomaali midnimadeeda?" Cajiib! Waa cod duuban oo aan been laga sheegi karin. Markaa arintan ha isku dayin inaad dhex dhexaad ka tahay. Soomaali badidoodu waa ku og tahay sidaad wax u wado.

Reer Puntland iyagana xaqiraadda ka daa. Maxaad ka wadaa "Puntland waxay isku dhererisaa S- Land" Waa durid cad oo aad PL ku diraysid. PL way haysataa wax kasta oo ay SL haysato iyadoon dhul dad kale leeyihiin weerar ku ahayn.

Ogow, hawadda laga wada hadlayaa waa Hawadda Soomaaliyeed. Haddii reer Hargeisa rabaan qaybtooda,markaa reer Laas Caanood, reer Garoowe, reer Muqdisho & reer Kismaayo iyaguna qabtooda ayay rabaan.

"Soomaalilandta" sida ficiladaada ka muuqata aad aad u danaynaysid in "Deris wanaag" lagu wada noolaado xaggad u taqaan?

Haddii dowlad Soomaaliyeed jirto waa inay dowlad u ahaataa "Somali Republic" wixii la oran jiray. Haddii taasi ayna jirin, Soomaali waa qabiil. Qabiilna qabiil kama wakiil aha.

Either we have Somali government or we have tribal lands! You can't pick and choose. Maamul qabiilna dowlad baad nooga dhigaysaa mid kalana waad duraysaa...your motive is obviously clear!SSC SOMALIAhttps://www.blogger.com/profile/01671073031244158119noreply@blogger.comtag:blogger.com,1999:blog-1588656930596661810.post-11922466679433876112013-07-13T02:42:20.011+01:002013-07-13T02:42:20.011+01:00Marka hore waan salaamaya Yusuf Garaad, marka xiga...Marka hore waan salaamaya Yusuf Garaad, marka xigana shirka beelo isuguma imane waxaa isugu yimi laba dowladood oo wax ka dhexeeyaan kana arin sanaya wixii ka dhexeeyey sidii ay u qaybsan lahaayeen oo kala ha Somaliland iyo Somalia. Wixii lagu heshiiyaana waa wax sharci ah oo aduunkuna lasocdo oo meel mar ah, cidii hadalka keentaa halla xisaabtanto cidey hoos timaado. Markaa meesha ma taal reer hebel iyo reer hebel toona. Cid walbana yaan laga dhegeysan guuraa baaskooda iyo sawaxankooda oo khalkhal gelin kara geedi socodka wada hadalka labada dawladood ee Somaliland iyo Somalia,wada hadalku sidaa fiican haw socdo, hala xaqdhawro ergooyinka labada dhinac ee Somaliyeed waxyaalo badan baa laka tirsanayaa oo 53 years kukala maqnaa. Kuwii hore u kala fogeeyey weli wey joogane yaan loo dheg dhigin.
mahadsanid . Anonymoushttps://www.blogger.com/profile/05468031817039028697noreply@blogger.comtag:blogger.com,1999:blog-1588656930596661810.post-57997376088251276882013-07-13T01:41:07.641+01:002013-07-13T01:41:07.641+01:00ramadaan kariim
fikirka wanaagsan waxaa laga dhax...ramadaan kariim
fikirka wanaagsan waxaa laga dhaxlaa aragti fog oo wax tar badan xambaarsan yuusuf garaad waa macallin siyaasadda iyo arimaha soomaaliya wax badan kala socda wuuna ku mahadsan yahay sida wanaagsan ee uu usoo bandhigay qoraalo uu mudo badan aruurinaay kuwaas oo maanta wax tarkooda na anfacay wuuna ku mahadsan yahay aqoontiisa ayuu jeclaaystay inaay bulshadda wax ka helaan maashaa alaah Anonymoushttps://www.blogger.com/profile/17653627139799250150noreply@blogger.comtag:blogger.com,1999:blog-1588656930596661810.post-13528736145321332192013-07-12T23:55:10.162+01:002013-07-12T23:55:10.162+01:00Salaan iyo mahad badan oo ku wajahan Yusuf iyo akh...Salaan iyo mahad badan oo ku wajahan Yusuf iyo akhristayaashiisa kadib, waxay ila tahay "Aan wadahadalno waa aan heshiino, aan wax wada cunno waa aan is-raacno, yaan la qoonsan haddii kala qoqobnaantii wax looga qabanayo oo qarankii jabay dib leyskugu kabkabayo, Ustaad Yusufna waxaan leeyahay, waxaa jira dhallaan qabyaalad lagu anqariyey laguna soo ababiyey oo website-jufeedyo ku malmaluuqa afsoomaali isku dhex daadsan, magac iyo magacu-yaal, fal iyo fal-kaab shaqal iyo shibbane hamza iyo hakad, ee fadlan School u fur. mahadsanidinAnonymousnoreply@blogger.com