Total Pageviews

Wednesday, 20 April 2016

Wax na Dilay - Xaaji Aadan Af-Qallooc

Saaxiib ayaa ii soo diray gabaygan oo uu ii sheegay in uu tiriyay Xaaji Aadan Af-Qallooc., sannadkii 1967. Masuuliyad-xumo,  waxqabad  la'aan iyo caddaalad-darro ayuu ka cabanayay.

AUN Xaaji Aadan wuxuu yiri:

1. Afkaa  laga maqlaa  maaddaadiyo, ereyga  qaanuune
2.  Faqii  guriga lagu  soo abyey,  ka akhriyaan koodhe
3.  Aqoon  laawe  laaluush cuniyo, aafo daba gaab  ah
4.  iyo oday  ergo  ah baa sharciga, dila  abidkoode
5.  Eexdiyo rishwadu waxay  dhalaan, uur-xumiyo ciile
6.  Aanaduna caaliga  laga  tegay, aabbaheed tahaye
7.   Aargoosi iyo dulmigu, waa ilma adeere
8.  Marka  xaqa Ia awdaa  tolnimo, loo abtiriyaaye
9.  Haddii  uu insaaf  jiro qabiil, lama ogaadeene
10.  Kolkuu  oday  durbaanka u tumuu, inan  cayaaraaye
11.  Wax ka dhigan mas'uul  edeb la'oo, lagu  ilqaadaaye
12.  Dadku  kuma  aqbalo  qalad hadday,  kugu  arkaayaane
13.  Adna  iinta  inaad  dhawrataad, ku arrin  weydaaye
14.  Waxa na diley  xaqoon  aasniyo,  iib dacaawiyaha
15.  Waxa na diley  danuub anad ogeyn,  aanadeed  bixiye
16.  Waxa na diley  anaaniyad iyo,  ab iyo  laan sheege
17. Waxa na diley  albaabbada dantaan,  uunka  loo furine
18.  Waxa na diley  halkaad  ku agbanayd, Kongo ku abuure
19.  Waxa na diley  is -maqalli'ida aan, lays adeecayne
20.  Waxa na diley  istaafka  iyo  tijaartoo iskaashada e
21.  Waxa na diley  araajida  Ia qoro, imad  la'aanteede
22.  Waxa na diley  ujr ada kuuligaan, abad Ia siinayne
23.  Waxa na diley  u-sheekee midkii, hawl abyi  lahaaye
24.  Waxa na diley  umuur  waajib aad, kaga  baqdaa  eede
25.  Wax ana diley  iskuullada Ia baro  inanka  qaad keene
26.  Waxa na diley  akhlaaq  xumo  mas'uul, aabbaheed yahaye
27.  Waxa na diley  dadkoo Ia xaqiriyo, gaal isu ekeyne
28.  Waxa na diley  faqiir  eed nin  kale, lagu  ijbaaraaye
29.  Waxa na diley rag amarkii sinnaan, iniq  is-dheerayne
30.  Waxa na diley  acyaan  aan xilkii, fulin  awoodayne
31.  Waxa na diley  ajnabl  taladayda, laguJa eertaaye
32.  Waxa na diley  adeege  u ahow,  kaad amri  lahayde
33.  Waxa na diley  adduun nimaan  raboon, eegahayn sharafe.

Macnaha Erayada qaarkood:

Koodh (court):  Maxkamad.
Abyey:  Dhammeeyey.
Aafo:  Belo'.
Aano:  Aargudasho.
llqaade:  Daydo.
Uunka:  Dadka.
Agbanayd: Halkaad joogtay.
lstaaf:  (Staff)  Shaqaalaha Xafiisyada. 
Ujrad: Mushaar. 
Kuuli  (coolie):  Muruqmaal. 
ljbaaraaye: Kallifaaye. 
lniq:  Wax. 
Eertaaye:  Lala cuskadaa.

Tuesday, 19 April 2016

Nolol ama Geeri

Yaasiin oo dhexda ku jira ayaa ka nool
Shalay waxaan dayaarad ku dul maray badda Mediterranean ee u dhexeysa Yurub iyo Afrika. Muddo saacad ku dhowaad ah oo badda aan dul marayay inta u dhexeysa Port Said oo Masar ah iyo Antalya oo Turkiga ah waxaan in badan hoos u eegayay badda.

Waxaan si murugo leh u xusuustay dhallinyarada Soomaaliyeed ee baddaas ku dhinta ayaga oo raadinaya caddaalad, nabadgelyo, daryeel caafimaad iyo fursado waxbarasho iyo shaqo.

Waxaa ugu dambeeyay 400 oo dhallinyaro ah oo la sheegay in ay Soomaali u badan yihiin oo toddobaadkii hore intooda badan ay naf waayeen markii ay la degtay doon ay is lahaayeen aad Talyaaniga ku tagteen.

Axmed iyo Ayman oo sawirka ka muuqda waxau ku dhinteen shilka. Yaasiin oo dhexda ah ayaa ka nool wiilsha sawirka ka muuqda.

Bal eeg quruxdooda. Bal eeg qiimahooda. Bal eeg sharafta ka muuqata. Bal eeg rajada indhahooda saaran.

Bal ka feker sida da’yartaas loo gabay.

Cusmaan Obokor oo abti u ah wiilasha ayaa sawirka ka qaaday mar uu Qaahira ku booqday isaga ayaana sawirka soo dhigay Facebook. Allah ha u naxariisto saddexda iyo dhammaan inta kale ee shilkaa ku geeriyootay. Eheladoodana Samir iyo Imaan Allah ha ka siiyo. 

Qaxu intaa kuma joogsan doono ee Dhallainyarada rajo doonka ah ee hadda ka dib baddaas isku qaadi doontana waxaan Allah uga baryayaa in uu ka badbaadiyo halista.

Dhib ma dhaco aan xal lahayni. Fal ma dhaco aan mas'uuliyad lahayni.

Ummad sida ay u nooshahayna waxaa mas'uuliyaddeeda wax weyn ku leh hoggaamiyayaashooda, qaar hore iyo kuwa hadda.

Waxaan is weydiiyay ergooyinka hadda la xulayo ee soo dooranaya Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka iyo Xildhibaannada sannadkan gudihiisa dooran doona Guddoomiye Baarlamaan iyo Madaxweyne ma la socdaan xaaladda dhallinyarada Soomaaliyeed? Haddii ay la socdaanse ma ka gubanayaan xaaladda dhallinyaradu ay ku sugan tahay?

Ma og yihiin in go’aanka ay gaarayaan iyo qofka ay codkooda siinayaan in uu saameyn toos ah ku leeyahay aayaha umadda Soomaaliyeed oo ay dhallinyaradu ugu horreyso?

Ma og yihiin in codka ay dhiibtaan uu macnihiisu dhallinyaro badan u ahaan karo Nolol ama Geeri?

Friday, 8 April 2016

Madasha Muqdisho iyo Muraadyada Miliqsan

Sawir hore oo Madasha ah
Waxaa socota qabanqaabada Madasha Madaxda Dowladaha Gobollada iyo Dowladda Federaalka. Horeyba wey u dhici jireen kulammadani. Inta badan Muqdisho ayay ka dhici jireen. Sidoo kale Garowe iyo Kismaayo waa lagu qabtay.

Laakiin middan hadda la qabanqaabinayaa wey ka duwan tahay, kana xasaasi san tahay kuwii hore. Cirka ayaa kicin doorasho oo billow ahi ku jiraa, inkasta oo aan wakhti ka harin xilligii in roobku curto la sugayay.

Ajendaha ugu muhiimsan ee Madasha horyaalla waa doorashada 2016 iyo habka loo maamulayo.

Madaxweynuhu wuxuu noo sheegay in uu yahay murashax. Ugu yaraan nooma qarin rabitaankiisa. Ninkii igu aadaa bannaanka ha u soo baxo, ayuu na leeyahay. Madaxda kale ee weliba Sare wey aammusan yihiin. Waa dhici kartaa in ay la damac yihiin laakiin ay duruufahoodu ka duwan yihiin Madaxweynaha ama ay ka xeelad duwan yihiin.

Madaxda Dowladaha Gobolladu waa hoggaamiyayaal siyaasadeed oo mid waliba uu gacan saar la leeyahay Madax hadda xilka haysa (kuwa caddeystay iyo kuwa ay dhici karto in ay gamban yihiin) ama inta aan Dowladda ka tirsaneyn laakiin raba in ay iyagu beddelaan kuwa hadda talada haya.

Markaas in biyo hoostood ay iska arkaan Madaxda madasha fadhida, isla markaana ay isku tuhmaan isku-day ah in ay kala jiitaan awoodaha iyo hadba sida ayagu ay dantooda u arkaan waa dabiici. Waxaanse uga fadhinnaa in ay qaataan go’aammo lagu gaaray si daalacan, meelmar ah, xalaalna ah.

Laakiin, Madaxweyne Goboleedyadu waa in ay xariiftanka iyo xisaabtanka siyaasadda iyo iska jiridda Murashixiinta miiska fadhiya aanay geyeysiin in ay ku dhegaan mowqifyo aan hadhow meelmar noqon karin amaba Qarannimadeenna dakharro gaarsiinaya.

Halkan waxaan akhristaha iyo Madaxda madashaba kula wadaagayaa su'aalo dhowr ah oo aan ku cabbirayo aragtideyda. Waxaan ugu talo galay in ay dhaliso in qofku uu bal keligii ka fekero. Ila arko fursadda, haadaantana naga ilaaliyo. 

Ama sida aan jeclaan lahaa, aragtideyda mid ka wanaagsan ama kaamileysa uu meesha la yimaado.

Is weydii - Horta xaggeed ka Talisaa?


Markii ay Warlords ka arrimaneeyn dalka, ama aan iraahdee ay moodayeen in ay ayagu dalka ka Taliyaan, wuxuu ahaa xilli aad u xun. Waxay ahaayeen badankood madax qallafsan. Waxayse Warlords-ku lahaayeen xeer aan qornayn. Niman waxay ahaayeen inta badan taagtooda tallaabsada. Ma haysan ciidan shisheeye oo u dagaallama ama u damaanad qaada damac ay qaar kale u arki karaan sadbursi.

Qaabka ay doonto ha u dhacdo, Madaxweynayaasha Gobolladu waa niman la doortay. Way ka sharciyad wanaagsan yihiin Hoggaamiye Kooxeedyadii la koolkoolin jiray mana barbardhigayo. Xataa Madaxweynihii u dhaqma sidii Warlord lalama meel dhigi karo Warlord, ugu yaraan waa Super Warlord shati haysta.

Aan iftiinka tooshka hoos ugu sii dhoweeyo. Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada ma jiro mid ka taliya degaannada uu sheeganayo. Qaarkood xataa ciidan shisheeye oo kumanyaal ah iyo ciidanka dowladda ayaa ku sugan Gobolka, welina waxay ka fadhiyaan qeybo yar oo weliba loo soo dhaco oo qarax iyo dil lala daba joogo.

Puntland ayaa ugu roon. Madaxdeeda iyo xaruumaheeda iyo inta badan magaalooyinkeeda iyadu amnigooda wey ku filan tahay.

Laakiin, Xarunta Puntland waa Garowe. Marka aad ka baxdo Degmada ugu dhow ee ku soo xigtaa waa Laas Caanood (LA).  Bartamaha Laas Caanood (Downtown LA) calanka ka babbanaya bal soo eeg. Puntland iska daaye ma ahan calanka Soomaaliya. Puntland wey baratay si xaqiiqadaas la deriska ah ay ula noolaato.

GalMudug weli waxaan ka sugeynaa in ay tagto oo xarunteeda ay degto kuna shaqeyso. Koofur Galbeed iyo Jubbaland iyaga waxaa ku yaalla xarumo looga duulo caasimadda iyo weliba dalal kale.

Dowlad Goboleed kasta waxaa jira qabaa’il iyo kooxo siyaasadeed oo ka gadoodsan oo ku nool kuna shaqeysta degaannada ay ayadu sheeganeyso. Aniga oo aan isbarbardhig sameyneyn siina dhex galeyn waxaa tusaale iiga filan Khaatumo, Ahlu Sunna iyo Bakool Sare.

Waxa aan sawirayaa waa xaqiiqada dalka. Ma ahan wax aan ku eedeynayo Dowlad Goboleedyada iyo Madaxdooda midna. Sababta oo ah iyagu mas’uul kama wada aha, tab ay wax uga qabtaanna gacantooda kuma wada jirto. Qaarkoodna dhibka haystaa wuuba ka fac weyn yahay Dowlad Goboleedka.

Hadda waa laga yaabaa in kooxaha aan sheegay iyo kuwa la mid ah oo aan sidaa u caan bixin si uun loo muquunin karo ama loo duudsin karo. Laakiin ismuquunin iyo duudsi waxa keliya oo ay dallacsiin karaan colaadda, taas oo xalka sii fogeyn karta.

Waxaa ka wanaagsan isu-garaabid, istixgelin iyo is-aqbalaad labada dhinacba ka timaadda. Waa hab dan u ah Soomaali. Ka raqiisan kana dhib yar isxaqiraadda iyo ismuquuninta. Oo aan dhiig ku daadaneyn. Waxa keliya oo ku dhiman karaa waa qab, qabkuna dhiig ma lahan.

Banaaddir, Baarlamaanka iyo Guddiga Doorashada


Banaadir isagu buugga kuma yaal. Waa haddii la eego aragtida Madasha. Waxay ku doodaysaa in Baarlamaanka lagu qeybsaday qabiil. Banaadir-na  qabiil ma ahan ee waa Gobol. Sidaa darteed qeyb iyo cod midna ma lahan.

Waxaan Madasha la weydiin, haddii qabiil wax lagu qeybsaday, ayagu qabiilladee ay u yihiin Hoggaamiye dhaqameed? Miyaanay ayagu magac Gobol ku fadhin miiska?

Banaadir waxay tahay waxa Gobol yahay. Kama sarreyso, lagamana hoos dhigi karo. Taas macnaheedu ma ahan in qabiil leeyahay caasimadda sida dadka qaar ay ku doodayaan. Qormo aan ku dhiibtay Aragtideyda Muqdisho halkan ayaad ka akhrin kartaa oo aan ku soo lifaaqay.

Haddii qabiil wax lagu qeybsado dadweynaha Banaadir waxay qeybtooda ku leeyihiin qabiilladooda. Haddii degaan wax lagu qeybsadana Gobol kasta cid ka wakiil ahi waa in ay miiska fadhidaa. Dabcan hal qof wakiil waa ka ahaan karaa dhowr Gobol.


Su’aasha kale ee ku dhimman Madaxweynayaasha Gobolladu waxay tahay,
Xildhibaannada Baarlamaan Goboleedkooda ma iyagaa u saxiixay waraaqda uu Baarlamaanka ku fariistay? Jawaabtu waa Maya. Kumana dhacaan in ay awooddaas weydiistaan in la siiyo.

Haddaba maxaa keenay in ay yiraahdaan Baarlamaanka Federaalka waxaa lagu fariisanayaa waraaqo uu Madaxweyne Goboleed saxiixay? 

Dhanka kale, haddiise loo oggolaado in Madaxweyne Goboleedyadu ay Federaalka sidaa ugu tuntaan, maxaa ka hor istaagaya in ay dadweynaha Dowlad Goboleedka uu mid kastaa madaxda ka yahay in uu ku xadgudbo?

Su’aal kale. Miyaan Madashu ogeyn in awoodaha iyo mas’uuliyadaha dalku ay kala qeybsan yihiin?

Doorasho waxa la yiraahdo, qofkii aan aqoon iyo kii is moogeysiinayaba waa loo sheegayaa. Doorasho waxay leedahay xeerar iyo nidaam loo raaco, waxaana ka mid ah - Doorasho in uu maamulo Guddi Doorasho oo Madaxbannaan.

Guddiga doorashada ee hadda dhisan waan ogahay in dood laga qabo. Haddii ay lagama maarmaan tahay wax ha laga beddelo, haddii ay kallifto isaga dhan ha la kala diro oo sida lagu soo magacaabayo ha laga heshiiyo.

Laakiin dariiqad kale oo xalaal ah oo looga leexdaa ma jirto. Doorasho aan Guddi Doorasho maamuleyn ma ahan doorasho ee eraybixin kale ha loo helo.

Dardaaran


Madaxda Madasha waan salaamayaa. Waxaad tihiin Madaxdeyda. Waxaa iga xusuus ah  in aad annaga oo dhan na matashaan. Fadlan naga dhowra xasaasiyadaha goboleysiga, qabiilka iyo colaadda.

Xusuusnaada in aan Doon wada saaran nahay. Doonta waxaa la yiraahdaa Soomaaliya. Qof madax ah iyo mid aan ahayn, qof ma jiro qofka kale ka leh. Qof, gobol ama qabiil ay meel doog leh keligood geyn doontaana ma jiraan. Doogga waan wada tegi doonnaa ee inta ka horreysa yaan doontu nala degin ama nala caarin.

Haadaanta kale waa Khatarta Burcadbadeedda. Iska ilaalin ayay rabaan. Doonta in aan ka ilaashanno ayaa waajib ah.

Doonteennu waa ay muuq iyo magac dheer tahay. Naakhuudayaasheeduna ma tiro yara, Soomaali iyo ajnebiba.

Soomaaliya dowladnimadeeda, nabadgelyadeeda, horumarkeeda iyo karaammadeeda waxaa lagula xisaabtamayaa marba Madaxda markaa mas’uulka ka ah. Taariikh loo aayo in aad ka tagtaan ayaad fursad u haysataan. 

Fursadda arka oo noogaa faa'iideeya.

Madasha Muqdisho iyo Muraadyada Miliqsan

Madasha. Waa sawir hore.
Waxaa socota qabanqaabada Madasha Madaxda Dowladaha Gobollada iyo Dowladda Federaalka. Horeyba wey u dhici jireen kulammadani. Intabadan Muqdisho ayay ka dhici jireen. Sidoo kale Garowe iyo Kismaayo waa lagu qabtay.

Laakiin middan hadda la qabanqaabinayaa wey ka duwan tahay, kana xasaasi san tahay. Cirka ayaa kicin doorasho oo billow ahi ku jiraa, inkasta oo aan wakhti ka harin xiligii roobabku in uu curto la sugayay.

Ajendaha ugu muhiimsan ee horyaalla waa doorashada 2016 iyo habka loo maamulayo.

Madaxweynuhu wuxuu noo sheegay in uu yahay murashax. Ugu yaraan nooma qarin rabitaankiisa. Ninkii igu aadaa bannaanka ha u soo baxo, ayuu na leeyahay. Madaxda kale ee weliba Sare wey aammusan yihiin. Waa dhici kartaa in ay la damac yihiin laakiin ay duruufahoodu ka duwan yihiin Madaxweynaha ama ay ka xeelad duwan yihiin.

Madaxda Dowladaha Gobolladu waa hoggaamiyayaal siyaasadeed oo mid waliba uu gacan saar la leeyahay Madax hadda xilka haysa (kuwa caddeystay iyo kuwa ay dhici karto in ay gamban yihiin) ama inta aan Dowladda ka tirsaneyn laakiin raba in ay iyagu beddelaan kuwa hadda talada haya.

Markaas in biyo hoostood ay iska arkaan Madaxda madasha fadhida, isla markaana ay isku tuhmaan isku-day ah in ay kala jiitaan awoodaha iyo hadba sida ayagu ay dantooda u arkaan waa dabiici. Waxaanse uga fadhinnaa in ay qaataan go’aammo lagu gaaray si daalacan, meelmar ah, xalaalna ah.

Laakiin, Madaxweyne Goboleedyadu waa in ay xariiftanka iyo xisaabtanka siyaasadda iyo iska jiridda Murashixiinta miiska fadhiya aanay geyeysiin in ay ku dhegaan mowqifyo aan hadhow meelmar noqon karin amaba Qarannimadeenna dakharro gaarsiinaya.

Halkan waxaan akhristaha iyo Madaxda madashaba kula wadaagayaa su'aalo dhowr ah oo aan ku cabbirayo aragtideyda. Waxaan ugu talo galay in ay dhaliso in qofku uu bal keligii ka fekero. Ila arko fursadda, haadaantana naga ilaaliyo. 

Ama sida aan jeclaan lahaa, aragtideyda mid ka wanaagsan ama kaamileysa uu meesha la yimaado.

Is weydii - Horta xaggeed ka Talisaa?


Markii ay Warlords ka arrimaneeyn dalka, ama aan iraahdee ay moodayeen in ay ayagu dalka ka Taliyaan, wuxuu ahaa xilli aad u xun. Waxay ahaayeen badankood madax qallafsan. Waxayse Warlords-ku lahaayeen xeer aan qornayn. Niman waxay ahaayeen inta badan taagtooda tallaabsada. Ma haysan ciidan shisheeye oo u dagaallama ama u damaanad qaada damac ay qaar kale u arki karaan sad bursi.

Qaabka ay doonto ha u dhacdo, Madaxweynayaasha Gobolladu waa niman la doortay. Way ka sharciyad wanaagsan yihiin Hoggaamiye Kooxeedyadii la koolkoolin jiray mana barbardhigayo. Xataa Madaxweynihii u dhaqma sidii Warlord lalama meel dhigi karo Warlord, ugu yaraan waa Super Warlord shati haysta.

Aan iftiinka tooshka hoos ugu sii dhoweeyo. Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada ma jiro mid ka taliya degaannada uu sheeganayo. Qaarkood xataa ciidan shisheeye oo kumanyaal ah iyo ciidanka dowladda ayaa ku sugan Gobolka, welina waxay ka fadhiyaan qeybo yar oo weliba loo soo dhaco oo qarax iyo dil lala daba joogo.

Puntland ayaa ugu roon. Madaxdeeda iyo xaruumaheeda iyo inta badan magaalooyinkeeda iyadu amnigooda wey ku filan tahay.

Laakiin, Xarunta Puntland waa Garowe. Marka aad ka baxdo Degmada ugu dhow ee ku soo xigtaa waa Laas Caanood (LA).  Bartamaha Laas Caanood (Downtown LA) calanka ka babbanaya bal soo eeg. Puntland iska daaye ma ahan calanka Soomaaliya. Puntland wey baratay si ay xaqiiqadaas la deriska ah ay ula noolaato.

GalMudug weli waxaan ka sugeynaa in ay tagto oo xarunteeda ay degto kuna shaqeyso. Koofur Galbeed iyo Jubbaland iyaga waxaa ku yaalla xarumo looga duulo caasimadda iyo weliba dalalka deriska ah.

Dowlad Goboleed kasta waxaa jira qabaa’il iyo kooxo siyaasadeed oo ka gadoodsan oo ku nool kuna shaqeysta degaannada ay ayadu sheeganeyso. Tusaale waxaa iiga filan Khaatumo, Ahlu Sunna iyo Bakool Sare.

Waxa aan sawirayaa waa xaqiiqada dalka. Ma ahan wax aan ku eedeynayo Dowlad Goboleedyada iyo Madaxdooda midna. Sababta oo ah iyagu mas’uul kama wada aha, tab ay wax uga qabtaanna gacantooda kuma wada jirto. Qaarkoodna dhibka haystaa wuuba ka fac weyn yahay Dowlad Goboleedka.

Hadda waa laga yaabaa in kooxaha aan sheegay iyo kuwa la mid ah oo aan sidaa u caan bixin si uun loo muquunin karo ama loo duudsin karo. Laakiin ismuquunin iyo duudsi waxa keliya oo ay dallacsiin karaan colaadda, taas oo xalka sii fogeeyn karta.

Waxaa ka wanaagsan isu-garaabid, istixgelin iyo is-aqbalaad labada dhinacba ka timaadda. Waa hab dan u ah Soomaali. Ka raqiisan kana dhib yar isxaqiraadda iyo ismuquuninta. Aan dhiig ku daadaneyn. Waxa keliya oo ku dhiman karaa waa qab, qabkuna dhiig ma lahan.

Banaaddir, Baarlamaanka iyo Guddiga Doorashada


Banaadir isagu buugga kuma yaal. Waa haddii la eego aragtida Madasha. Waxay ku doodaysaa in Baarlamaanka lagu qeybsaday qabiil. Banaadir-na  qabiil ma ahan ee waa Gobol. Sidaa darteed qeyb iyo cod midna ma lahan.

Waxaan Madasha la weydiin, haddii qabiil wax lagu qeybsaday, ayagu qabiilladee ay u yihiin Hoggaamiye dhaqameed? Miyaanay ayagu magac Gobol ku fadhin miiska?

Banaadir waxay tahay waxa Gobol yahay. Kama sarreyso, lagamana hoos dhigi karo. Taas macnaheedu ma ahan qabiil in qabiil leeyahay caasimadda. Qormo aan ku dhiibtay Aragtideyda Muqdisho halkan ayaad ka akhrin kartaa oo aan ku soo lifaaqay.

Haddii qabiil wax lagu qeybsado dadweynaha Banaadir waxay qeybtooda ku leeyihiin qabiilladooda. Haddii degaan wax lagu qeybsadana Gobol kasta cid ka wakiil ahi waa in ay miiska fadhidaa. Dabcan hal qof wakiil waa ka ahaan karaa dhowr Gobol.


Su’aasha kale ee ku dhimman Madaxweynayaasha Gobolladu waxay tahay,
Xildhibaannada Baarlamaan Goboleedkooda ma iyagaa u saxiixay waraaqda uu Baarlamaanka ku fariistay? Jawaabtu waa Maya. Kumana dhacaan in ay awooddaas weydiistaan in la siiyo.

Haddaba maxaa keenay in ay yiraahdaan Baarlamaanka Federaalka waxaa lagu fariisanayaa waraaqo uu Madaxweyne Goboleed saxiixay? 

Dhanka kale, haddiise loo oggolaado in Madaxweyne Goboleedyadu ay Federaalka sidaa ugu tuntaan, maxaa ka hor istaagaya in ay dadweynaha Dowlad Goboleedka uu mid kastaa madaxda ka yahay in uu ku xadgudbo?

Su’aal kale. Miyaan Madashu ogeyn in awoodaha iyo mas’uuliyadaha dalku ay kala qeybsan yihiin?

Doorasho waxa la yiraahdo, qofkii aan aqoon iyo kii is moogeysiinayaba waa loo sheegayaa. Doorasho waxay leedahay xeerar iyo nidaam loo raaco, waxaana ka mid ah - Doorasho in uu maamulo Guddi Doorasho oo Madaxbannaan.

Guddiga doorashada ee hadda dhisan waan ogahay in dood laga qabo. Haddii ay lagama maarmaan tahay wax ha laga beddelo, haddii ay kallifto isaga dhan ha la kala diro oo sida lagu soo magacaabayo ha laga heshiiyo.

Laakiin dariiqad kale oo xalaal ah oo looga leexdaa ma jirto. Doorasho aan Guddi Doorasho maamuleyn ma ahan doorasho ee eraybixin kale ha loo helo.

Dardaaran


Madaxda Madasha waan salaamayaa. Waxaad tihiin Madaxdeyda. Waxaa iga xusuus ah  in aad annaga oo dhan na matashaan. Fadlan naga dhowra xasaasiyadaha goboleysiga, qabiilka iyo colaadda.

Xusuusnaada in aan Doon wada saaran nahay. Doonta waxaa la yiraahdaa Soomaaliya. Qof madax ah iyo mid aan ahayn, qof ma jiro qofka kale ka leh. Qof, gobol ama qabiil ay meel doog leh keligood geyn doontana ma jiraan. Doogga waan wada tegi doonnaa ee inta ka horreysa yaan doontu nala degin ama nala caarin.


Haadaanta kale waa Khatarta Burcadbadeeddana. Doonteennu wey muuq iyo magac dheer tahay. 

Soomaaliya dowladnimadeeda, nabadgelyadeeda, horumarkeeda iyo karaammadeeda waxaa lagula xisaabtamayaa marba Madaxda markaa mas’uulka ka ah. Taariikh loo aayo in aad ka tagtaan ayaad fursad u haysataan. Fursadda arka oo noogaa faa'iideeya.

Monday, 4 April 2016

Geed 3500 oo sano ka hor laga keenay Soomaaliya


Hatshepsut Temple, Luxor. Photo by Yusuf-Garaad
Waa 1997. Dalkeennu Dowlad ma laha. London ayaan ka duulay aniga oo safar shaqo ku tegey Qaahira. Shir ayaa loogu qabtay kooxo Soomaaliyeed oo isugu jira siyaasiyiin aan hubeysneyn iyo niman madax u ah jabhado dagaallama.

Shirka waxaa qabatay Jaamacadda Carabta. Dowlado daneynayana wey imaan jireen sida Ethiopia oo ay inta badan goobta shirka imaaneysay Danjiradda u fadhiday Qaahira.

Sidoo kale waxaa imaan jiray Soomaali aan markaas siyaasadda ku jirin. Dadka aan shirka qeyb ka ahayn laakiin halkaa imaan jiray ee aan isku barannay waxaa ka mid ah Shariif Xasan Shiikh Aden, oo ganacsade la igu baray.

Markii dambe shirka waxaa loo raray xero ciidan, si aan ajnebi, Soomaali kale iyo weriyayaal midna u soo dhex galin.

Shirkani wuxuu noqday mid taariikhi ah oo saameyn weyn ku yeeshay Soomaaliya. Sababta oo ah wuxuu sabab u noqday ama ugu yaraan uu soo deddejiyay asaaska Dowlad Goboleedka Puntland.

Labada dhinac mid waxaa Hoggaaminayay Xuseen Caydiid, dhinaca kale waxaa hoggaaminayay Shan mas’uul oo Madaxtinnimadu meerto u tahay. Waxay kala ahaayeen Cali Mahdi Maxamed, Cabdullaahi Yusuf Axmed, Cusmaan Xasan Cali, Cabdulqaadir Zope iyo General Aden Gabyow, ragga la socdayna waxaa ka mid ahaa Cabdullaahi Shiikh Ismaaciil, Raajis iyo Cali-Marguus.

Cabdullaahi Yusuf Axmed oo Muqdisho u tagay in Dowlad ay isla dhisaan General Caydiid, laakiin ay isku af garan waayeen awood qeybsiga, ayaa mar labaad ka carooday talada ay soo jeediyeen dhinaca Xuseen Caydiid uu horkacayay oo ay ka mid ahaayeen, Maxamed Qanyare Afrax, Cabdiraxmaan Axmed Cali, Axmed Cumar Jees, Maxamed Nuur Caliyow, Cabdikariin Axmed Cali, Xasan-Qalaad iyo rag kale oo badan.

Waxay labada dhinac ay isku afgaran waayeen midka la qaadanayo in sida laba isbahaysi wax loo qeybsado iyo in qabiil wax lagu qeybsado.

Cabdullaahi Yusuf wuxuu goostay in uu ka qanco shirka isagana baxo. Waxaa ra’yigaa ku wehliyay General Gabyow. Waxay u duuleen Garowe. Halkaas oo shaqo badan ay geliyeen maamul u sameynta wixii markaas ka hor loo yaqaannay Gobollada Woqooyi Bari, siyaasad ahaanna ay matali jireen Madaxda SSDF oo la soo raaciyay Gobollo iyo degaanno kale.  Sannadkii 1998 ayaa lagu dhawaaqay Puntland.

Haddii aad daneyneyso sida 1997 gaar ahaan shirka Qaahira ay howshiisu u socotay waxaan isla qormadaan qeybteeda hoose ku soo bandhigay warbixin aan ka soo diray Qaahira Isniin 17 November 1997 oo laga sii daayay BBC.

Isla maalintaas, ayaa weerar argagixiso oo ka dhacay Masar, magaalada Uqsur lagu dilay in ka badan 70 ruux oo lixdameeyo ay yihiin dalxiisayaal reer Galbeed ah. Uqsur (Luxor) waxay Qaahira u jirtaa 504 km oo koofur ku began. Waxay dalxiisayaashu daawanayeen Qasriga Xatshebsut oo markii la dhisay laga joogo in ka badan 3,400 oo sano.

Weriyayaashii aan wadatagnay Uqsur
Subixii xigay ayaa annaga oo saddex weriye ah qaadannay dayaarad yar, Waxaan tegey Uqsur. Waxaa nala tusay goobihii uu weerarku ka dhacay oo dhan. 

Intii aan qasriga deyraddiisa dhex wareegeynay ayay indhaheygu qabteen calaamad i soo jiidatay. Geed jirriddu ay ka soo hartay, oo ku dhex yaalla deyradda qasriga Xatshebsut ee la dhisay 3,400 oo sano ka hor. Geedka waxaa ku ag dheggan calaamad sheegeysa in laga keenay Punt. Sida aan taariikhda ku dhigtay Punt waxay Masaaridii hore u tiqiin xeebaha Soomaaliya ee xabagta, beeyada iyo waxyaabo kale oo iyaguna udgoon ay ka qaadan jireen.

Sidaa darteed waxaan Geedkii ka qaaday sawirka aan ku soo bandhigay meesha boggaan ugu sarreysa. Idaacadda BBC iyadana waan ka sheegay.


Warbixinta Wadahadalka Qaahira Isniin 17 Nov 1997

Wadahadallada kooxaha Soomaalida uga socda magaaladan Qaahira ayaa soo gaaray qodobbo culculus oo la xiriira qaabka ay yeelan doonto dowladda Soomaaliyeed ee mustaqbalku.

Labada dhinac ee wadahadalka ka qeyb gelaya waxay la shir yimaadeen laba qaab oo isu eg laakiin kala duwan.

Golaha NSC oo uu hadda Hoggaamiyo Cusmaan Xasan Cali "Caato" waxay soo bandhigeen in qaabka Dowladdu uu noqdo Gole Madaxtooyo oo u kaltama jagada Madaxweynaha iyo Wasiirro.

Dhinaca uu hoggaamiyo Xuseen Caydiid iyagu waxay soo bandhigeen in qaabku uu noqdo Gole Madaxtooyo oo leh Madaxweyne aan ahayn meerto, Ra'iisal Wasaare iyo Wasiirro.

Ka dib markii ay labada dhinac isbarbar dhigeen hindisayaashooda, waxay u saareen  Guddi ka kooban lix xubnood oo saddexba ay dhinac tahay. Dhinaca NSC waxaa ka socday Cali Mahdi Maxamed, Cabdullaahi Yusuf Axmed iyo Maxamed Aden Zope. Dhinaca kale waxaa ka socday Axmed Cumar-Jees, Maxamed Qanyare Afrax iyo Maxamed Faarax Jimcaale.

Dhowr fadhi oo uu qaatay ka dib Guddigu talo ayuu soo jeediyay, markii laga doodayna waxaa la gaaray is af garad.

Ilo Xog Ogaal ahi waxay ii sheegeen in lagu heshiiyay in qaabka Dowladdu uu noqdo Gole Madaxtooyo oo ay xubnihiisu awood siman yihiin, Madaxweyne aan kaltan ahayn, Ra'iisal Wasaare iyo Wasiirro.

Intaas ka dib, Guddi ka kooban toban xubnood ayaa loo saaray in uu soo diyaariyo awoodaha iyo waajibaadka xilalka Golaha Madaxtooyada iyo Golaha Wasiirrada. Qodobbadii uu Guddigu soo jeediyeyna intooda badan waa la isku waafaqay.

Qodobka ilaa shalay la isla meel dhigi la’yahay waa tirada xubnaha Golaha Madaxtooyada.

In la isku afgarto qaabka Dowladeed micnaheedu ma ahan in la isku afgartay waxyaabihii ugu adkaa ee khilaafku ka taagnaa. Arrinta loo dheg taagayaa waa marka loo gudbo, waaba haddii loo gudbee, magacyada shakhsiyaadka qabanaya xilalka waaweyn. Haba ugu sii darnaadeen Madaxweynaha, Golaha Madaxtooyada iyo Ra’iisal Wasaaraha.

Marka la isku af garto magacyada dadka xilalkaas qabanaya oo keliya ayaa qaab dhiskmeedka Dowladdu uu noqon karaa mid jira. Haddii kale wuxuu ahaan doonaa Dowlad mala’awaal ah, oo waraaqaha ay ku qoran tahay aan ka qiimo badneyn.

Sunday, 3 April 2016

Goormaad Fekertaa?

Goormaad fekertaa?
Shaqadaada ama waxbarashadaada wakhti ayaad siisaa. 
Raashinka cunistiisa wakhti ayaad siisaa. 
Salaadda wakhti ayaad siisaa. 
Dadka waad la ballantaa oo wakhti ayaad siisaa.
Dano kale oo badan wakhti ayaad siisaa?

Adigu wakhti ma isa siisaa?
Maskaxdaada ma la ballantaa?
Muddada kooban ee laba howlood ama laba ballan u dhexeysa miyaad si aan qaabeysneyn isula hadashaa?
Fasalka miyaad ku dhex fekertaa casharka oo socda?
Salaadda miyaad ku dhex fekertaa? 
Mise marka aad sii seexaneyso ayaad xoogaa yar fekertaa oo hurdada iska xumeysaa? 
Saasi sax ma kula tahay?

Feker waxaan ule jeedaa falka isu keli ahaashada adiga oo degganaan u adeegsanaya maskaxdaada aad ku qiimeyso waxa ku haysta, waxa kaa soo horbaxa, waxa dhacaya, waxa xigaya iyo waxa aan muuqan si aad ra'yi uga yeelato go'aan aad ka baaraan degteyna uga qaadato, aragti ama talo u curiso.

Khasab ma ahan in aad jawaabta su'aashan aad halkan ku qorto, laakiin is weydi oo ka feker, goorma ayaad naftaada la ballantaa?

Goormaad Fekertaa?

Thursday, 31 March 2016

Aragtideyda Muqdisho: Marti mise Muwaaddin?

Muqdisho waa caasimadda Soomaaliya. Waa magaalo ay tahay in qof kasta oo Soomaaliyeed uu ku soo hirto. Waa meel ay tahay in uu si xor ah u degi karo, ka shaqeyn karo, ku noolaan karo, codkiisa ka dhiiban karo isaguna uu iska rashaxi karo.

Qofkii isku daya in intaas aan sheegay uu u diido muwaaddin Soomaaliyeed hayb darteed, oo isku dayo in uu oggoleysiiyo in uu caasimaddiisa marti ka ahaado, oo uu marti u ahaado qabiil, ha ogaado wuxuu Muqdisho u diiddan yahay caasimadnimada.

Sax iyo khalad isuma eka. Waana in caqligu na hago oo aan si maskax furnaan ah u fekerno.

Muxuu yahay caqliga na baraya in labada gabdhood ee Soomaaliyeed oo Gaalkacyo ku wada dhashay aan dhahno middood waxay marti ka ahaaneysaa Caasimaddeeda. Oo ka darane waxay marti u ahaaneysaa midda kale?

Anigu ma qabo in Caasimaddeenna lagu sheego in uu qabiil leeyahay. Mana qabo in muwaaddin Soomaaliyeed la isku dayo in la iska xijiyo caasimaddiisa oo loo sheego in uu marti ka yahay.

Hadalka Muqdisho laga jeediyay wuxuu dhaawac ku yahay qalbiga dadka Soomaalinnimada ku kalsoon jecelna. Wuxuuna si gaar ah dulmi ugu yahay beelaha aan hubeysnayn ee Xamar mooyiye meel kale oo ay dalka ka degaan aanay jirin. Wuxuu dulmi ku yahay Soomaaliga ku dhashay ama ku barbaaray caasimadda magaalo kalana aan dalka ka aqoon. Ma hubo in ujeeddada hadalka laga lahaa ay sidaas ahayd.

Hadalka odayaashu waa isku-day aan shaqeyneyn. Waayo Qabiilka odayaashu ay u hadleen, oo aan sidaa wada oggoleyn, waxaa ka badan Soomaalida kale. Soomaaliduna ma yeeleyso in ay caasimaddooda marti uga ahaadaan qabiil.

Baarlamaanku muxuu ka qabaa?


Midda ka khatarsan, waa fikirka aan anigu u qabo in uu kaas la nooca yahay ee Baarlamaanka Soomaaliya uu qabo. Waa fikir ay ii soo baxday in Xildhibaannada u ololeeyay iyo kuwa u codeeyay qaarkood aanayba fahamsaneyn saameynta uu ku yeelan karo dalka iyo dhaawaca uu u geysan karo Soomaalinnimada. Waxay taasi ii soo baxday dhowr jeer oo Xamar iyo Kismaayo aan Xildhibaanno kala dooday mowduucaan.

Waa fikir la mid ah hadalka odayaasha ee hadda laga qeylinayo laakiin ka asluubeysan. Fikir kuma koobna ee waxa ay Xildhibaannadu isku dayeen in ay sharci ka dhigaan. Waa waxa ay ugu yeereen “U dhashay” oo lagu go’aamiyay meel aan sidaa uga fogeyn meesha ay hadda odayaashu hadalkan uga dhawaaqeen.  

Haddii aad fahmi weyso “U dhashay” waxaa loola jeedo, sida ugu habboon ee aad ku fahmi kartaa waa in aad daawato video-ga laga soo duubay Muqdisho ee odayaasha. Macnaheedu waa reer ayaa magaalo leh inta kalena waa ka marti xataa haddii ay ku dhasheen, ku barbaareen kuna dhaqmeen.

Waxa ay ka horimaaneysaa xuquuqda uu Dastuurku siinayo muwaaddinka Soomaaliyeed oo ah in uu codkiisa ka dhiiban karo lagana dooran karo goob kasta oo dalka Soomaaliya ka mid ah.

Odayaasha waa lagu diidi karaa damacooda, laakiin Baarlamaanka ayaa hadalka odayaasha oo si kale loo yiri isku dayaya in uu sharci ka dhigo inkasta oo aan Dastuurku oggoleyn. Taas ayaa aniga igala khatarsan.

Xal


Haddii Duqa Muqdisho iyo Golaha Degaanku ay ku yimaadaan doorasho, looma baahna in laga doodo qabiilkee Duqa magaalada laga dhigaa iyo yaa Golaha lagu daraa? Duqa magaaladu wuxuu noqonayaa murashixii ay doortaan dadweynaha magaalada deggan.

Sidaa darteed waxaa loo baahan yahay in la diyaariyo nidaamka doorashada caasimadda iyo xeerarkeeda. Kaas oo ay khasab tahay in uu codeeyo muwaaddin kasta oo degganaa caasimadda muddo lagu cayimi doono xeerka. Shakhsiyan waxaa ila habboon in beelaha aan hubeysneyn ee reer Muqdisho la xaqiijiyo in ay leeyihiin kuraas u dhiganta.

Waxaan adeegsaday ereyga Xal ee ma adeegsan Xalka, sababta oo ah sidan keliya ma ahan xalku.


Dowladda


Dadweynaha Muqdisho waxay tirsanayaan in ay ku dulman yihiin nidaamka Federaalka. Inta aan ka warqabo dulmiga ugu weyn waa qodobka ku saabsan kuraasta Aqalka Sare ee Baarlamaanka.

Waa in dib loo egaa sida dadweynaha Muqdisho ay kursi uga waayi karaan Aqalka Sare ee Baarlamaanka inkasta oo lagu qiyaaso in Xamar ay deggan yihiin dad ka badan 10% tirada iyaduna qiyaasta ah ee dadka Soomaaliyeed.

Sabab lagu qanco haddii aan Dowladdu hayn, waa in ay xaqiijisaa xuquuqda codka ee dadweynaha Muqdisho.

Waxaa u dheer in ay ku hareereysan yihiin oo weliba ay cariiri geliyeen Gobollo leh Dowlado iyo Madaxweynayaal oo dalka badankiis ku firirsan.

Dowladda iyo dadweynaha Soomaaliyeed waa in ay ku baraarugaan halista hadallada noocan ah iyo dhaawaca ay u geysan karaan Soomaalinnimada oo la il daran dakharro waaweyn oo Soomaali iyo ajnebiba ay u geysteen ulakac iyo ogaal la'aanba.

Xumaha laguma daydo ee waa la saxaa. Haddii aad sixi kari waydana waa la sheegaa in uu xumaan yahay si qof sixi kara ay baraarujin ugu noqoto ama xataa mid saxayay ay u dhiirri geliso. 

Sheegitaanka aad xumaha tilmaantay waxay horseedi kartaa in lagaaga qanciyo lacalla haddii ay xumaantu ahayd mid aan jirin oo aad adigu is moodsiisay.

Soomaaliga aan Soomaaliya waxtari karin, ugu yaraan yaanuu wax u dhimin.

F. G.
Qormooyin Taxane ah oo aan hadda ka qoray Muqdisho, "Xamar lagaama Xigo" waxaad ka heli kartaa isla bloggan haddii aad cinwaanka ku qorto isla boggan meesha ay ku qoran tahay raadi (search).