Total Pageviews

Wednesday, 26 October 2016

Ka hor Shilka Madaxweynaha

Xarunta JUS iyo Rugta Gahayr
Dhowaan waxaan qoray saameynta ii muuqatay ee Shilkii Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre ee 1986. Mar waxaan soo xigtay Madaxweynaha oo Golaha Wasiirrada uga warbixinaya xaaladdiisa caafimaad. Marna aniga ayaa u fiirsaday oo hoos u dhac ka dareemay nidaamka kala dambeynta Madaxda Sare ee dalka.

Waxaan maanta soo bandhigayaa hal dhacdo oo yar oo aan goobjoog u ahaa oo ka horreysay shilka.

Waxay ila tahay marka qormadan aad akhriso ee aad barbardhigto labada qeybood ee qormada ku saabsan Shilka oo aad isla bartan ka heleyso, in ay sahli karto in la fahmo sida ay xaaladdu isu beddeshay xagga kala dambeynta iyo isu hoggaansanaanta madaxda.

Booqashada Craxi

Ra’iisal Wasaaraha Talyaaniga Bettino Craxi ayaa 1985 booqasho ku yimid Soomaaliya. Waxaa uu Booqday Muqdisho, Kismaayo iyo Hargeysa.

Laba weriye oo Radio Muqdisho u xil saaray in ay booqashada ka warramaan ayaan midkood ahay. Weriye Cabdulqaadir Cali Iidle waxaa uu qaabbilsanaa Kismaayo Aniguna Hargeysa. Wejiga safarka ee Muqdisho wadajir ayaan uga shaqeyneynay.

Hal dhacdo oo keliya ayaan isku koobayaa si aan wax u iftiimiyo.

Madaxweyne Maxamed Siyaad ayaa goor barqo ah soo horkacay Bettino Craxi. Waxaa uu u kaxeeyay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.

Jaamacaddu waxay ka koobnayd Xarunta Lafoole oo ay degganeyd Kulliyadda Waxbarashada oo iyadu diyaarisa Macallimiinta Dugsiyada Sare. Iyo Kulliyadda Saxaafadda oo markii dambe u guurtay Gahayr ka dib markii ay noqotay Kulliyadda Saxaafadda iyo Siyaasadda.

Xarunta Beeraha oo iyadu Lafoole iyo Afgooye u dhexeysay.

Xarunta Kulliyadda Caafimaadka oo Digfeer u dhoweyd.

Xarunta Kulliyadda Shareecada iyo Daraasaadka Islaamka oo ku taallay bartanka magaalada meel u dhow Shabeelle. Waxay ahayd Kulliyadda keliya oo aan ardaydeedu lahayn hooy, maaddaama ay ahayd Kulliyaddii ugu dambeysay ee la sameeyay, kuna taal bartanka magaalada. Isla markaana waxaa ardaydeeda ka mid ahaa Madax Dowladda ah iyo rag waaweyn oo qoysas leh oo diinta hore u bartay laakiin hadda Shahaado doon ah.

Gahayr

Xarunta Maanta la booqanayo waa Xarunta Kulliyadaha Gahayr. Waxaa deggan toddoba Kulliyadood Kulliyadda Qaanuunka oo ay arday ka yihiin Madaxda uga badan ee Jaamacadda dhigta sida Saraakiil Ciidan, Xildhibaanno Baarlamaanka ah, Duqa Magaalada Muqdisho, Agaasimeyaal Guud iyo Madax kale oo badan. Kulliyadda Dhaqaalaha iyo Kulliyadda Afafka. Kulliyadda Xannaanada iyo Daawawada Xoolaha, Kulliyadda Injineeriya oo ay saraakiil badan oo militeriga ahi ay dhigtaan, Kulliyadda Jiyoolajiya iyo Kulliyadda Kiimiko.

Waxaa kale oo Xarunta Gahayr deggan Madaxda iyo Maamulka Jaamacadda.

Isu-geyn Kulliyadaha Gahayr waa kuwa soo saaray Ra'iisal Wasaarayaal ay ka mid yihiin Cali Geeddi, Nuur Xasan Xuseen, Cabdiweli Gaas, Saacid Faarax Shirdoon, Cabdiweli Shiikh iyo Cumar Cabdirashiid.

Dhismaha Gahayr waa afar qeybood. Laba waa degaanka ardeyda, midi waa Kuliyadda Saxaafadda iyo Siyaasadda midda kalena waa toddobada Kulliyadood iyo Xarunta Maamulka Jaamacadda. 

Dhismaha maamulka ayaan booqaneynaa.  Waa dhul aad u weyn, si qurxoon loo dhisay, beero nasasho ay dhinac walba kaa xigaan marka aad dhex mareyso.

Waddooyin laami ah oo wada xoodan oo masaafo siman isu jira ayaa mid waliba u sameysan yahay qaab goobo in yar dhimman ah. Habeenkii nalal qurxoon ayaa ka shidan oo ka midab duwan kuwa magaalada.

Waa dhisme cusub haddana aad u nadiif ah.

Baabuurta ayaa markiiba soo hor istaagay dhinaca Iridda hore ee Jaamacadda ku beegan ee Xafiisyada Maamulka Jaamacadda oo u sameysan qaab goobo ah oo aad u weyn.

Siyaad, Craxi iyo Madaxdii la socotay ayaa baabuurta ka soo degay. Jaamacaddu waa mid ka mid ah mashaariicda madaxweynuhu jecel yahay kuna faano. Wuxuu isu diyaarinayaa in uu Craxi tuso waxa Soomaali u qabsoomay inkasta oo lacag Yurub iyo mid Talyaaniba ay qeyb ka yihiin mashruucan.

Dhowr iyo soddon weriye oo ajnebi ah ayaa socda. Xagga Soomaalida waxaan nahay qiyaastii dhowr iyo toban Astaanta Press sita laakiin ma wada nihin weriyayaal.

Baabuurtu maaddaama ay tiro badan tahay, kuwa Madaxda Sare sidana aan la oggoleyn in agtooda baabuur kale lagu baarkimo, waxaan ku soo degnay meel dambe.

Markaas ayaa weriyayaasha iyo ciidanka waxaa u billowday gucle iyo isgarbin. Weriye kastaa wuxuu isku dayayaa in aan laga xigsan labada mas’uul si uu u maqlo waxa lagu wadahadlayo. Isgarbinta waxaa dhinaceeda uga jirta saxaafadda Madaxtooyada oo uu hoggaaminayo Yaasiin Xaaji Ismaaciil Jirde oo aan weli Wasiir loo magacaabin.

Weji-Gabax


Madaxweynuhu markiiba wuxuu Craxi u soo horkacay dhinaca Xafiisyada maamulka. Madaxdii Jaamacadda oo kala ordaya ayaa timid. Salaan iyo isbarasho ka dib Madaxweynaha ayaa billaabay in uu martidiisa mar kale u horkaco dhinaca dhismaha si gudaha loo arko meel hoos ahna loogu wadahadlo.

Madaxdii Jaamacadda ayaa Madaxweynaha u sheegay in ay daarta goobada ah iridda laga galaa aanay ahayn jihadan uu hadda u dhaqaaqay. Waxay iriddu ku taallaa dhanka cagsiga ku ah meesha aan hadda taagan nahay.

Macnuhu waa daartan hadda la ag taagan yahay oo ku fadhida goobo weyn in lala soo wareego oo dhanka kale laga soo galo. Si taas loo yeelo waa in dadka oo dhan ay baabuurta dib u fuulaan. Ama in Madaxweynaha iyo martidiisa Talyaaniga ah iyo inteenna labada dabayaaceysaa ay qorraxda ku lugeeyaan daqiiqado dhowr ah.

Meeshii waxaa ka dhacay weji-gabax.

Ma xusuusto labada midda la yeelay. Laakiin waxaan xusuustaa wixii uu yiri Madaxweynuhu. Wuxuu madaxdii ku tuuray su’aal aanuu jawaab ka dooneyn markaas ayada ah.

Wuxuu yiri, waa maxay dhismahan dhinaca gadaale laga soo gelayo?

Aan soo koobee, maaddaama aan ahaa arday Jaamacadda dhigta, maalmo fara ku tiris ah ka dib ayaa aniga oo kaligeey lugeynaya bartii uu Madaxweynuhu ka noqday ayaan arkay jawaabta su'aashiisii. Waxaan arkay iyada oo la jebiyay derbigii Madaxweynaha xannibay ee uu ka laabtay. Irid aad u weyn oo dhismaha laga galo ayaa laga sameeyay bartii uu Madaxweynuhu moodayay albaabka ee damcay in uu daarta ka galo.

Daartii waxay yeelatay irid hore iyo middii dambe ee awalba jirtay. 

Ogow Madaxweynuhu ma dhihin irid ha laga sameeyo halkan. Keliya waxaa amar noqotay su’aashiisii ahayd waa maxay dhismahan albaabka ku leh xagga dambe?

Tuesday, 25 October 2016

Wareysigeygii Jaalle Siyaad

1986, Xilli la dhaafay 10:30 habeennimo ayuu Yaasiin Xaaji Ismaaciil Jirde oo ah weriye khabiir ah, laakiin hadda Madax ka ah Wasaaradda Warfaafintu uu iigu yimid Xafiiska Wararka ee Radio Muqdisho. Waxaan akhrisanayaa wararka caalamka  si aan uga xusho kuwa ay tahay in aan ummadda u sheego. Wuxuu i weydiiyay waxa aan caawa ka shaqeynayo. Waxaan u sheegay warka Saqda Dhexe in aan leeyahay iyo kan aroorta 06:30 diyaarintooda iyo akhrintoodaba.

Wuxuu igu yiri warka saqda dhexe cajalad ku duub, ka dibna isu diyaari in aad Madaxweynaha soo wareysato. Maxaan ka wareystaa Madaxweynaha? Caawa ayuu dalka ku soo laabanayaa ee diyaarso su’aalo ku wajahan socdaalkiisa oo dhakhso, ayuu igu yiri, si aan u aadno airporka. Waa hagaag ayaan ku jawaabay.

Markiiba warka saqda dhexe ayaan ku duubay Studiyaha 4aad oo shaqaaluhu uu ugu yeeri jiray Studio Four. Ka dibna waxaan diyaarsaday su’aalo dhowr ah. Waxay noqoneysaa markii iigu horreysay ee aan Madaxweyne wareysto.

Wasiirka ayaa igu soo laabtay oo i weydiiyay in aan u sheego su’aalaheygu waxa ay yihiin. Runtii, Wasiir shaqo kuma lahayn su’aalaha Madaxda la weydiinayo. Laakiin maaddaama uu Wasiirku ahaa weriye khabiir ah, maaddaama uu muddo dheer ahaa weriyaha khaaska ah ee Madaxweynaha iyo maaddaama ay ahayd markii u horreysay ee la igu aammino in aan Madaxweynaha wareysto, marnaba culeys uma arag dalabkiisa.

Waan hor dhigay su’aalaheyga. Waxba kamuu reebin waxna kumuu darin ee wuu igu raacay. Gaari ayaan qaadannay ah Toyota Corolla. Yaasiin inta badan gaarigiisa isaga ayaa wadan jiray. Mararka qaarna isagaa nadiifin jiray. Wuxuu degganaa guryaha Xamar Bila. Habeenkii wuxuu gaariga dhigan jiray Saldhigga Booliiska Wardhiigleey oo gurigiisa aan sidaa uga sii fogeyn ka dibna wuu ka lugeyn jiray. Wasiirnimadiisa waxaa ka weynaa weriyennimadiisa. Isaguna marka horeba wuxuu ahaa nin ka dabeecad duwan xataa weriyayaasha. 

Yaasiin waa nin nolol jaban ku nool. Baahidiisa maaddiga ah iyo danihiisa shakhsiga ahiba ay aad u kooban yihiin. Damaacinnimo ka maran, iyo is muujin. Aad u uruursan. Akhris iyo dhegeysi ku nool ah isaga oo adeegsanaya afaf kala geddisan Soomaali, Ingiriis iyo Carabi. Dadka aan iska weyneysiin ee weliba la sheekeysta, si dhab ahna ula sheekeysta oo u sheekeeya shaqaalaha oo dhan siiba kuwa ugu derejo hooseeya. Saaxiibbo khaas ah aanan ku aqoon oo ku diqdhiya dhabbaha isku xira gurigiisa iyo xafiiskiisa meel kalena ay adag tahay in aad ku aragto.

Safarka Airporka

Waddada dheer ee Maka al Mukarrama ayaan ku dhacnay. Dhigta KM4 marka aan mareyno ayaa askar dhulka tuban oo daba-laabyo ku hubeysan aan ku soo dhex dhacnay. Mid ka mid ah ayaa na soo aaday, ka dib markii uu Yaasiin u hoggaansamay amarradiisii afka iyo tilmaanta gacanta isugu jiray ee ahaa “joogso" iyo "demi nalka”. Wadaha baabuurka kumuu leexan askarigu isaga oo malahayga mooda in ninka madaxda ah ee la sidaa uu hore fadhiyo. 

Markuu ila soo sinmay ayaan si qabow ugu iri Wasiirka la hadal aniga oo gacanta ugu tilmaamaya Yaasiin oo shukaanta fadhiya. Askarigu isaga oo aan hadal igu soo celin ayuu baabuurka dhanka hore kala soo wareegay. Laakiin Yaasiin maba sugin ee si halhaleel ah ayuu iigu yiri war aniga i garan mayee tus mikrofoonka iyo qalabka aad wax ku soo duubeyso oo u sheeg in aad Madaxweynaha soo wareysaneyso.

Runtii waan yaabay in Wasiirku aniga miciin i bido, isaguna isku koobo in uu yahay nin aniga uun gaari igu wada. Xataa inta aanuu Wasiir noqon Yaasiin wuxuu ahaa nin aad caan u ah, heybadna leh oo meel kasta oo uu tago laga xushmeeyo fadhigana looga kaco, inkasta oo meel uu tago oo aan shaqadiisa iyo gurigiisa ahayni ay iskaba yarayd.

Inta aanuu gaari yeelan marka uu Raadiyaha ka rawaxo wuxuu lug ku sii dhex mari jiray Villa Somalia. Iridda dhanka idaacadda inta uu ka galo ayuu ka bixi jiray tan dhanka Wardhiigleey ee ku dhow Dugisga 15-ka May, si uu uga baaqsado waddada dheer oo la soo wareegeysa gidaarka kore ee Madaxtooyada. Markaa in annaga oo wada soconna uu i yiraahdo askariga isu fasir waxay igu noqotay filanwaa’. Askarigii aan dhinaca kale u diray waxay noqotay in aan haddana anigu la hadlo oo aan damco in aan isu sheego, taas oo ah wax askari ka careysiin kara, maaddaama uu u qaadan karo in aan ku cayaarayo.

Markii aan hadalka billaabay ayaa waxaa xowli waalli ah nagu dhaafay gaari Cabdi Bile ah oo dhanka airporka u xawaareynaya oo ay kor tuban yihiin Booliiska Dableyda ama ciidanka koofiyad casta ee u khaaska ah Madaxweynaha. Waxay joojiyaha si xoog ah ugu qabteen bartanka waddada meel horteenna ku beegan oo qiyaastii boqol tallaabo in ka badan noo jirta. Inyar markii uu sii jiitamay asaga oo ay shaagaggiisu shanqar aan dhegaha u rooneyn sii deynayaan ayuu istaagay gaarigii. Markiiba dib ayay u soo qaadeen si haddana xawli ah oo riinkiisa aad yaabto. 

Markii ay nagu soo dhow yihiin ayaa nin hore fadhiyay uu madaxa iyo gacanta midig la soo baxay isaga oo gadaal u soo qooransanaya askartii na hor taagneyd. Wuxuu cod kore ku yiri soo daaya gaariga. Jawaab iyo ficil ma aanay sugin ee xowli ayay haddana ku dhaqaaqeen. Laga yaabee in ay aqoonsadeen Wasiirka. Sidaan is irise Baabuurka ayay aqoonsadeen marka aan eego xawaaraha ay ku socdeen.

Gudaha Airporka

Airporka ayaan gaarnay abbaaraha saqdii dhexe. Madax iyo ciidan isku dhafan ayaa is dhexmaraya. In yar ka dib Madaxweynaha ayaa soo degay. Somali Airlines ayuu ku socdaa. Wuxuu gacanqaaday Madaxda intoodii goobta timid. Isaga oo aan ku leexan qolka VIP ee uu wareysigu ka dhici lahaa ayuu baabuurkiisa raacay. Ma ogi in ay jirto cid ku wargelisay in weriye iyo Wasiirkiisii ay ku sugan yihiin Airporka si isaga loo wareysto.

Halkaas ayay mar qura wada dhaqaaqeen baabuur tiro badan oo u badan Landcruiser guux weyn oo ka badbadis ah iyo xowli ku dhaqaaqaya oo Madaxweynaha lagu gelbinayo. Waxaa dhex yaacaya koofiyad cas nin waliba qorigiisa hal gacan kor ugu hayo oo gaarigii uu la socday beegsanaya. Airporka oo aan ahayn hal waddo ee ah barxad weyn oo wada laami ah ayaa baabuurta midba meel ka soo dhaqaaqay ama ka sii dhaqaaqay. Nalalkooda ifitiinka aragga fog loogu tala galay ayaa u wada shidan oo indhaha aadan siin karin haddii kale wakhti dhan oo ka dambeeya aadan waxba u jeedi karin. Waxaa birbiriqaya qoryaha iyo astaamaha birta ka sameysan ee ku tolan lebbiska ciidanka marka ay qabtaan nalalka baabuurtu.

Waxaad moodda jahawareer iyo niman col galay. Dabcan waa hab ay u barteen oo waa ay og yihiin waxa ay sameynayaan. Goobtaas haddii aad taagan tahay waxa keliya oo aad ku mashquuleysaa waa in aad baabuurtaas ka badbaaddo iyo in aydnaan isku dhicin askari qori sita buudna gashan.

Wasiirkayga dhererkiisa, lixaadkiisa iyo codkiisa marnaba kuma khaldamayo waxa goobta ka dhacaya. Waxaan arkay asaga oo igu soo cararaya, gacnaha taagtaagaya oo hadalka ka soo billaabay meel iga fog. Marka hore waan maqli waayay, guuxa baabuurta iyo dabaysha badda ka soo dhacaysa awgood. Markuu soo dhowaaday ayaan fahmay. 

Waxay noqotay in aan jahawareerkii anna dhex rooro aniga oo qalabka naagra oo igu culus garabka iigu jiro, luqunta ii suran tahay sameecadda dhegaha daboosha oo xarig ka laallaado, gacantana mikrofoon iyo xarko ku sita, baabuurta khatartooda iska ilaalinaya, haddana raadinaya mid aan aqoodo oo i sii qaada.

Ma hubo, waxaanse u maleynayaa baabuur Land Cruiser ah oo Cawke oo Madaxweynaha la socday lagu soo doonay in aan raacay. Kolleyba Cawke ayaan raacay sababta oo ah wadayaasha gawaarida kale ninka keliya ee aan is naqaan wuxuu ahaa wadaha gaariga Madaxweynaha. Isagana suurta gal ma ahayn in aan weydiisto in uu i sii qaado.

Cawke wuxuu ahaa weriyaha khaaska ah ee Madaxweynaha. Wuxuu xilkaas kala wareegay Yaasiin Xaaji Ismaaciil Jirde markii uu noqday Wasiir ku Xigeen ka dibna Wasiirka Warfaafinta. Yaasiin wuxuu mar ka sii horreysay kala wareegay xilkaas, Cabdi Xaaji Gobdoon oo isagu noqday Agaasimaha Guud ee Warfaafinta, ka dibna Sportiga.

Saddexdooda keliya ayaan xusuustaa in ay noqdeen weriyaha khaaska ah ee Madaxweynaha. Waxaa wehliya Axmed Cabdi Nuur oo mar Cawke uu shil galay isagu qabtay xilkaas. Maxamed Khaliif Giir ayaa isaguna ahaa weriyaha Madaxweynaha ee Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed, SONNA oo la shaqeeyay laba Axmed. Xasan Cusmaan (Xasan-Biid) wuxuu ahaa weriyaha Kamerada TV-ga ee Madaxweynaha. Waxaa isaguna jiray sawirqaadaha Madaxweynaha oo ka socday Wakaaladda Filimmada.

Wareysiyada Madaxweynaha waxaa mar kasta qaadi jiray weriyihiisa khaaska ah. Laakiin marka uu dibadda u dhoofayo oo uu weriyuhu raacayo iyo marka uu soo dego oo uu weriyuhu la socdo labada jeerba weriye kale oo Radio Muqdisho ah ayaa wareysan jiray.

Dhaqdhaqaaqa Madaxweynuhu ma ahayn wax ay dad badani hore u sii og yihiin, waaba hadday jiraan dad og. Sidaa darteed, waxaa dhici jirtay in si kedis ah loogu baahdo weriye. 

Waa tan keentay caawa in la iga soo qafaalo Xafiiska Wararka si aan anigu u qaado wareysiga Madaxweynaha.

Villa Somalia

Madaxtooyada markii aan nimid, qol waxaan galnay uu Madaxweynuhu fadhiyo miis nooca shirarka ah. Waa miis aad u dheer oo dhammaan kuraasta hareerihiisa taalla ay buuxiyeen xubnaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Hantiwadaagga Kacaanka Soomaaliyeed (XHKS) iyo Wasiirro. Markii aan isa sheegay, ayaa Madaxweynaha garabkiisa midig kursi yaalla la ii banneeyay. Halkaas ayaan fariistay. Markii aan isu sheegay fasaxna ka qaatay ka dib ayaan bartaas wareysiga uga duubay Madaxweynaha.

Dabcan qof kasta oo qolka ku jiray wuu aammusay intii wareysigu socday marka laga reebo aniga iyo Madaxweynaha. Waxaan moodayay in ay shanqaraha uun ka ilaalinayaan wareysiga. Ma ogeyn in ay taxaddar tifatire ku dhegeysanayaan kelmad kasta oo aan Madaxweynaha ku wadahadalno.

Markii aan dhammeystay duubista ee aan u mahadceliyay, inta aanan qalabkeyga xirxiran ayay xaaladdu is beddeshay. Mid ka mid ah Madaxda ayaa aammusnaanta jebiyay oo ila hadlay iyada oo la wada maqlayo. Wuxuu yiri jawaabtaa uu Jaalle Madaxweynuhu ku siiyay ee uu kuu sheegay in magaalada uu hadda ka yimid ee Faransiiska uu Talyaanigu lahaan jiray laakiin uu Faransiisku ka qabsaday war baa ka imaan kara ee ka taxaddar.

Intii aanan u jawaabin ayaa Yaasiin Xaaji Ismaaciil oo aanan awal ogeyn in uu i dul taagan yahay uu jawaabay. Wuxuu yiri annagu waxaan leennahay "warshad" aan warka sii marsiinno ee yaan laga welwelin.

Madaxweynuhu isaga oo aammusan ayuu markii horena wuxuu eegayay ninka Madaxda ah ee talada soo jeediyay,  ka gadaalna wuxuu intii uu jawaabayay aad kor ugu eegay Yaasiin oo na dul taagan ahna nin joog dheer.

Madaxweynaha oo ahaa nin hadal aan loo dusin wuxuu gartay in waxa la sarbeebayaa ay yihiin, qeyb ka mid ah hadalka uu Madaxweynuhu ku hadlay diblomaasi ahaan munaasab uma aha. Wax baa ka soo noqon kara ee yaan la sii deyn. Wuxuu gartay in la leeyahay waxa uu odaygu ku hadlay ha la saxo.

Maxamed Siyaad isaga oo u jawaabaya mas’uulkii warka dhaliyay iyo madaxda kaleba ayuu aniga igu hal qabsaday isaga oo gacanta igu tilmaamaya. Wuxuu yiri, aniga iyo qolyahan Warfaafintu waan is naqaan.  Waxaa aan ku hadlo iyo waxa ay sii deynayaan waan isla og nahay. Idinka halkaan fadhiya uun ayaan idinla hadlayay si aqoon guud ah.

Sida aan is leeyahay halkaas ayaa lagu kala hoyaaday.

Anigase waxaa ii billaabatay ka shaqeynta wareysiga Madaxweynaha iyo diyaarinta shaqadii la iga soo kaxeeyay oo ahayd in Soomaalidu marka ay berri subax soo toosto aan uga warramo waxa dalka iyo dibaddaba ka dhacay intii ay hurdayeen oo ay ka mid tahay in Madaxweynuhu uu dalka ku soo laabtay.

Saxaafad qofkii aan ka shaqeyn ama la shaqeyn wuxuu halkaa ka fahmi karaa warka hal daqiiqad ama ka yar lagu soo gudbinayo iyo wareysiyada saddex daqiiqo ama wax la mid ah ku kooban inta howl laga soo maray oo ay ku jiri karaan dhafar iyo halis.

Anigu habeenkaas shil baabuur ayay ahayd halista aan ka baqayay, laakiin marxaladaha qaarkood marar kale i soo maray, wuxuu weriyuhu u shaqo tegeygaa goob khatarta aad ka baqeysaa ay tahay xabsi, afduub, rasaas, qarax iyo madfac oo sas iyo dhaawac fudud ka sokow aad ku naafowdo ama aad ku ahaato.

Monday, 24 October 2016

Shil Madaxweyne - QEYBTA LABAAD

Baabuur SBS ah ayaan qaadannay qado aan guryahayaga ka soo cunnay ka dib. Waa Landrover, midabkiisu yahay kan calanka. Ay labada albaab ee hore dushooda uga xardhan tahay saddex xaraf SBS. Iyada oo dhammaystiran, Somali Broadcasting Service ay uga qoran tahay labada dhinac. Dusha ay ka saran yihiin dhowr sameecadood oo waaweyn oo midabka dambaska leh oo sii kala jeeda.
Albaabka ugu gadaale haddii aad ka soo gasho waxaa ku rakiban Studio cod iyo shanqarba lagu duubi karo, lagu tifatiri karo lagana sii deyn karo. Waxaa u dheer mikrofoonno iyo qalabka duubista iyo xarkahooda oo dhaadheer oo meel baabuurka ka fog cod looga soo qaadi karo sida fagaarayaasha la isugu soo baxo iyo garoommada cayaaraha.
Waa baabuur ka tilmaaman magaalada iyo dalka badankiis, inta badan aan booliiska waddooyinku joojin, laga celin waddo xiran, aan su’aalo badan la weydiin haddiiba ay dhacdo in wax la weydiiyo. Weliba waxaa dhacda in shacabka qaarkii ay soo eegaan dadka la socda gaariga bal in ay arkaan weriyayaal caan ah. Marka aad gaarigaas saaran tahay waxaad tahay saaxiibka qof kasta aqoo ama ha aqoon. Marka uu istaago isgoys ama baabuur kale aad la siman tahay, qofkii doono ayaa ku salaamaya ama wax ku weydiinaya. Waa carwo furan.
Waa hubka ugu culus ee Radio Muqdisho iyo Radio Hargeysa, labada Radio ee keliya ee dalka oo mararka qaarna la isku sidko sida idaacadda siddeedda fiidnimo oo warka Muqdisho uu labadaba toos uga baxo. Radio Muqdisho waxaa laga dhegeysan jiray Soomaaliya oo dhan, dalalka deriska ah iyo Khaliijka. Wuxuuna ku hadli jiray 9 af oo kala duwan.
Waxaan u amba baxnay xerada Afisyoone. Ciidan badan oo kala duwan ayaa deggan, waxaana ugu badan ciidanka Cirka oo ay xarun u tahay. Waa sababta ay magaca Afisyoone u qaadatay oo laga wado Aviation ama Aviazione. Waa meel dhowr boqol oo tallaabo u jirta guriga aan ku dhashay iyo Dugsigeyga Xannaanada ee Xamar Jajab. Waa xaafad xusuus gaar ah ii leh.

Dhaar
Qol dhululubo oo kale ah oo dhinac u yuuban ayaa la fariistay. Inteenna weriyayaasha ah, Radio Muqdisho, Wakaaladda wararka SONNA, TV-ga Qaranka iyo Wakaaladda filimmadu annaga oo taagtaagan waxaan u dhowaannay darafka miiska ee uu fadhiyo Madaxweynuhu. Dhanka derbiga ayaan u dhowaaney marka laga reebo qolyaha Kamerooyinka oo aan cidina qoonsaneyn meel kasta oo qolka ka mid ah oo ay maraan ama ay istaagaan marka ay doonaan.
Madaxweynaha labada garab waxaa fadhiya Maxamed Cali Samatar iyo Xuseen Kulmiye Afrax. Maaddaama uu berigaas habmaamuuska liiska Madaxda loo kala hormariyo ama loo fariisto uu ahaay wax aan innaba lagu khaldami karin, waxaan is iri Wasiirrada qaarkood barta ay fadhiyaan waa nooc muddaaharaad ah oo tilmaami kara sida aanay ugu wada qanacsaneyn dhismaha Goluhu sida uu yahay.
Markii la fariistay nin caato ah ayaa soo galay oo mid mid u xaadiriyay Madaxda isaga oo ka billaabay Maxamed Cali Samatar. Wasiirrada qaarkood xataa marka magacooda la yeeriyo iyaga oo aan soo eegin dhinaca magacooda looga dhawaaqay ayay cod nuxuus ah ku sheegayeen in uu isaga yahay magaca lagu dhawaaqay - waa i kan ama waan joogaa, ayuu falceliska badankiis ahaa.
Xataa waxay gaartay in Madaxweynuhu soo dhex galo oo ninkii magacyada xaadirinayay uu ku yiraahdo war bal u kaadi. Jaallayaal ninkii magaciisa lagu dhawaaqo gacanta ha taago oo cod xayi ah ha ku yiraahdo waa i kan. Ilbiriqsiyo waxaan soo xusuustay sidii ay noola hadli jireen saraakiishii iyo sarkaal xigeenkii nagu tababbaray Dugsiga militeriga ee Xalane.
Xataa markii uu Madaxweynuhu sidaa yiri, waxaan maqli karay gunuunuc hoose. Dabcan nin kastaa kuma dhicin anshaxa-darrada noocaas ah in laga dareemo meel Madaxweynuhu fadhiyo. Ama aan si kale u dhahee, ogaalkeyga ninna kuma dhici jirin shilka ka hor.
Markii xaadirinta la soo gebagebeeyay waxaa soo galay nin kutub sita oo aan u maleynayo in uu ahaa Shiikh Cali-Salaad. Allah hortiisa ayuu ku dhaariyaya iyada oo kaameridu ay markhaati ka tahay. Afar afar iyo shan shan ayuu u dhaariyay Wasiirrada. Sidoo kale wuxuu dhaariyay Wasiir-ku- Xigeennadii oo aan ka xusuusto Nuuro Shire oo aan isku Kulliyad ahayn oo markaa uun ku biirtay Golaha Wasiirrada.
Intaas ka dib Madaxweynaha ayaa hadalka qaatay. Anigu waxaan taagan ahay meel qiyaasta xusuusteyda u jirta laba ama  saddex tallaabo.

Kuwo Lagu Nasto

Madaxweynuhu maba leexleexan. Waxaad moodda in uu i ogyahay sababta aan u imid oo aniga uun iiga jawaabayo su’aasha madaxeyga ku jirta, laakiin aanan faruuryaheyga soo marin.
Xuseen Kulmiye oo garab fadhiya ayuu tilmaamay. Wuxuu yiri aniga iyo Xuseen ayaad is leedihiin iyaga ayaa idiin hor dhiman doona adinka oo ka eegaya in aan annagu idiinkugu da’ weyn nahay.
Laakiin waxaan idiin sheegayaa aniga waxaa ii dheer dhaawicii beri dhoweyd i gaaray. In aad dareemeysaan ma aqaan, ayuu yiri, laakiin haddadaas aan idinla hadlayo carrabka ayaa i culus.
Dhakhaatiirtii i soo daweysay waxay igula taliyeen marka aan dalka ku laabto in aan muddo nasto oo aanan wax shaqo ah qaban. Waa kuwan ayuu yiri dhakhaatiirteydu isaga oo gacanta ku taagaya dhanka ay fadhiyeen Wasiirro aan u maleynayo in ay ahaayeen Dr. Munasar iyo Dr. Gabboose. Weydiiya ayaga haddii aad doontaan.
Taladii dhakhaatiirta uma uu hoggaansamin Maxamed Siyaad sida uu isaguba sheegay. Wuxuu yiri, markii aan gegida dayaaradaha ka soo degey xafiiska ayaan toos u fariistay oo shaqo ayaan billaabay aniga oo aan gurigeyga ku leexan. Sababta oo ah howlaha ii yaallay dartood ayaa damiirkeygu ii diiday in aan nasto.
Waxaan idinka rajeynayaa kuwii aan ku nasto in aad nqotaan, ayuu raaciyay.
Waxaa kale oo aan idiin sheegayaa ayuu yiri waxaa maanta keenay in munaasabadda dhaarta aan diidno Madaxtooyada in lagu qabto oo aan u doorbiday Afisyoone.
Sababtu waxay tahay sannadihii ugu horreeyay Kacaanka waxaan ku shiri jirnay halkan. Waxa aan go’aansannaana waa ay noo qabsoomi jireen.
Waxaan marka doorbiday afisyoone aniga oo rajo ka qaba in go’aammadeennu ay fulaan sidii berigiii uu Kacaanku cusbaa.
Madaxweynuhu laba jeer ayuu maalintaa galay waxa ay ciyaal xamarku ugu yeeraan qatif oo uu khadka ka dhacay. Ma ahayn wax weyn laakiin waxay markhaati u ahaayeen xaaladdiisa caafimaad ee uu isaguba tilmaamay iyo waxyaabo uu malahaa gocanayay.
Munaasabaddu markii ay dhammaatay ayaa loo baxay deyradda. Sida geedaha teel teelka ah ee meesha ku yaallay ayaa koox koox loo istaagay laba laba, saddex saddex iyo afar afar. Waa loo adeegayaa oo waxaa lala dhex meerayaa cabitaan iyo gowsqabsi u badnaa sandwich iyo macmacaan.
Waxaan galab gaabkii ka soo carraabay aniga oo ka walaacsan xaaladda aan soo arkay. Ay igu taagan tahay dalku xasillooni ma ku sii socon doonaa? Amniga ka sokow, waxaa igu taagnayd qalin jebinteyda Jaamacadda oo ay bilo yari iiga harsanaayeen. Qalinjebintu waxay markaas ii ahayd waxa caalamkeyga ugu muhiimsan. Marka aan hadda dib uga fekero, waxaa walaaca igu dhaliyay ma ahayn keliya waxa aan fadhiga kala kulmay ee waxaa maskaxdeyda qeyb ku lahaa hugunka magaalada oo dhinac ay saameyn ku lahaayeen mucaaradku.

Gunaanad
Awoodda siyaasaddu waa laba. Waa awood dhab ah oo gacantaada ku jirta iyo midda lagaa aamminsan yahay. Haddii ay labadu iskabi waayaan, mid ahaan sida ay kuugu meel martaa waa ay adag tahay.

Intii maalintaa ka dambeysay, waxaan qabaa in Maxamed Siyaad awooddii uu dalka ku lahaa aanay sideedii ku sii socon. Waxaan qabaa in ay dad kale ay si uun ula qeybsadeen awoodda. Ha noqdo go’aan ay ku dhaliyeen, oggoleysiiyeenna ama ha noqoto howlo ay fuliyeen ogaal la’aantiisa ugu yaraan marka hore.
Waxaa kale oo aan qabaa in labadii garab ee ay Dowladdu u qeybsanayd, aanay huri weyto ma ahane mar dambe dib isula shaqeyn si kal iyo laab ah, xataa markii ay noqotay in ay isla qaxaan. Waa markii ay dhimbilihii nimankii magaca Jabahadaha watay ee buuraleyda naga soo galay ay sida daadkii ku soo rogmadeen xeebtan Xamar. 
Aragtideydu waxay ku saleysan tahay waxyaabaha ii muuqday oo la mid ah sawirro aan badneyn oo marba meel laga qaaday oo aan muuqaal buuxa bixin karin. Waa sida qof mugdi jooga oo iftiinka hillaaca wax ku arka.

Taxanahan labada qeybood ah halkaan ayuu ku eg yahay.
Waxaan hubaa in ay joogaan dad badan oo iiga xog ogaalsan iigana dhowaa xuddunta ay go'aammadu ka soo fuliyeen iyo dariiqyada ay ka soo aroortay xogta lagu saleeyay tallaabooyinka la qaaday ama laga baaqsaday in la qaado.  Qofka ama hey'adda xogta keentay iyo sida loo lafa-guray. 

Qof kasta oo xog-ogaal ah oo aan damiirkiisu u diideyn, sida Dhakhaatiirta Madaxweynaha daaweyay, yeerayaa in uu reebo dhaxalka taariikheed ee dalka macaan iyo qaraar midka uu leeyahay si uu noogu sahlo in khaladdaadkii shalay aan maanta dib loogu laaban.
Sawirrada goos gooska ah ee aniga daaqadda iiga muuqday qaarkood waxaan ku soo gudbin doonaa qormooyin kale. Insha Allah.

Sunday, 23 October 2016

Shil Madaxweyne

Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre
Intii aan ka shaqeynayay Radio Muqdisho ayaa waxaa xafiiskiisa subax iigu yeeray Madaxa Radio Muqdisho, Maxamed Faarax Xalane Dhaashane, oo aan u maleynayo in uu ahaa ku simaha Agaasimaha Idaacadaha.

Wuxuu ii sheegay in uu iiga baahan yahay in aan galabta tago dhaarta Golaha Wasiirrada oo aan ka soo warramo.

Waxaan isku dayay in aan ka cudur daarto. Far ayaan ka dhaawacmay ka dib markii aan isaga xiray albaabka baabuur FIAT 127 ah oo G. D. ah oo Bankiga Dhiiggu uu lahaa. Waa Baabuurkii iigu horreeyay abid ee ii keli noqda. Baabuurta Dowladda ee aan ahayn kuwa ciidanka ayay summaddoodu ahayd Gaadiidka Dowladda G. D. iyo tirsi kooban oo raacsan.

Gacanta ayaa ii qoolneyd. Qalabka wax lagu duubo wuu cuslaa. Haddii aan qaado qalabkaa culus gacanta ayaa i dooganeysa, ayaan u sheegay.

Nagra ayaan wax ku duubi jirnay Radio Muqdisho
Weriyayaasha qaar ayaa ka sagsaagi jiray shaqada aan dan shakhsi ahi ugu jirin sida tan oo kale. Markaa wuxuu isku dayay in uu igu khasbo. Intii aan hadalka isku celcelineynay ayay xusuusteydu dib u laabatay. Waxaan gartay in aan u baahan ahay in aan galabta tago dhaarta.

Waddada Afgooye

Waxaan xusuustay shil dhacay bishii May 1986. Madaxweynaha ayaa waxaa gaari ku qaaday Mudane Xasan Abshir Faarax.
Waddada Afgooye iyo Muqdisho isku xirta oo ahayd waddooyinka Gobollada midda ugu gaadiid, dad iyo xoolo badan ayay foodda saareen. In uu roob da’ayay, ayay wararka qaar sheegeen. Durbadiiba waxay galeen shil.

Ma ahayn markii ugu horreysay ee Madaxweynuhu uu shil baabuur galo. Waxaa la sheegaa in baabuur uu isagu gacantiisa ku watay uu shil ku galay gooladda Gobollada Dhexe. 

Waddada Afgooye
Shilka waddada Afgooye waa ka duwan yahay kii hore. Madaxweynaha waxaa madaxa ka gaaray dhaawac loo dhiman karo. Feerahana qaar baa burburay. Waxaa loola cararay Isbitaal ku yaalla dalka Sucuudiga.

Maantuu Caano Cabbay

Idaacadda Qaranku marnaba ma sheegin sida ay Madaxweynaha wax u gaareen iyo dhaawiciisu sida uu halis u yahay.

Wasiirka Warfaafinta, Maxamed Cumar Jees, oo dhaawaca Madaxweynaha qaaday, ayaa isaga oo jooga Sucuudiga wuxuu u warramay BBC.

Waxay ahayd dhowr maalmood ka dib markii uu Madaxweynuhu shilka galay. 

Wuxuu Wasiirku sheegay in Madaxweynuhu uu ka jabay kalxanta. Weriyihii su’aalaha weydiinayay oo aan u maleynayo in uu ahaa Cabdullaahi Xaaji ayaa su’aalo badan weydiiyay oo ay ka mid ahayd, Miyuu raashin cuni karaa?

Maxamed Cumar Jees wuxuu bixiyay jawaab daacad ah dhegeystayaashuna ay ku fahmeen culeyska dhaawaca Madaxweynaha.  “Maantuu caana cabbay” ayuu yiri Jees.

Qiyaastii bil uu Isbitaal ku maqnaa, oo dadka qaar ay isla dhex marayeen in uu Madaxweynuhu koomo ku jiro, waxaa dalka ka talinayay General Maxamed Cali Samatar. Qof ogaa ma jirin xaaladda Madaxweynuhu waxa ay ku dambeyneyso.

Koox goosad ah oo diiddan in Samatar la wareego awoodda dalka haddii lacalla uu Madaxweynuhu ka kici waayo dhaawaca ayaa sameeyay gadood aan aad dibadda ugu soo bixin. Magac aan rasmi ahayn ayay qaateen ama lagu suntay. Dowladdiina waxay noqotay laba kooxood oo dadka iyada ka tirsan iyo dadka ka aga dhow ama u kuurgala sida weriyayaasha qaarkood ay og yihiin.

Golaha Galabta la dhaarinayo waa Xukuumaddii u horreysay ee uu Madaxweynuhu dhiso tan iyo markii uu Isbitaalka ka soo baxay dalkana uu dib ugu soo laabtay. Labadii garab ee is-hayay labadaba dad ayaa ugu jira.

Suuqa waxaa ku jirta xan siyaasadeed oo ka deyrineysa xaaladda caafimaadka maskaxeed ee Madaxweynaha. Xataa waxaa la gaarsiinayaa in aanuu isagu ka talin ee  ay dad kale dalka maamulaan.

Intaa markii aan xusuustay waxaan fahmay in aan Galabta fursad u haysto in aan arko Madaxweynaha. In aan fursad u haysto in aan dhegeysto hadalkiisa oo aan la tifatirin. In aan u fiirsado bal sida ay Wasiirradu ula dhaqmayaan in ay ka geddisan tahay sidii shilka ka hor iyo in kale. In inta yare ee aan qolka ku wada jirno laga yaabo in aan wax uun ka fahmo xaaladda caafimaad ee Madaxweynaha.

Waxaan markaa Dhaashane ka codsaday in aan laba weriye ku aadno munaasabadda si aan shaqada isaga kaashanno. Tii ayuu iga yeelay aniguna waan ka aqbalay.

Qeybta Labaad ee Qormadan ayaan uga hadli doonaa wixii ka dhacay fadhiga lagu dhaariyay Golaha Wasiirrada ee uu dhisay Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre, dhaawacii shilka baabuur ee Afgooye ka dib. Waxaa kale oo aan kula wadaagi doonaa qiyaasta aan anigu qaatay. La soco.

Saturday, 22 October 2016

Kulankeygii Koowaad ee Jaalle Siyaad


Annaga oo ah ciyaal dhigta Dugsiga Hoose ayaan galab isugu soo baxnay in aan kubbad cayaarno. Galbo fara badan oo aan banooni cayaarnay ayay ka mid ahayd. Laakiin waa Galab aan weli xusuusteyda ka go’in.

Waa Buulo Burte. Waa Xaafadda Oktoobar. Waa barxad gawaan ah oo ku ag taalla kawaanka.

Annaga oo cayaartu dhexda noo mareyso ayaan aragnay laba baabuur oo yaryar oo FIAT ah oo tartiib isu daba socda meel dhinac nooga beegan laakiin isla barxadda ah. Waa baabuur aynaan magaalada ku aqoon. 

Baabuurta magaalada ugu badan waxaa leh militeriga umana eka kuwan.  Qaar kale waxaa leh booliiska oo LG iyo kuwo sidiisa u waaweyn. Dowladda Hoose iyo Wasaaradaha qaar sida caafimaadka ayaa iyaguna baabuur leh. Baabuur rayid ah oo aan badneyn ayaa jira iyo kuwo Buulo Burte ku xira Xamar iyo Beled Weyne iyo weliba kuwa isaga goosha Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee dalka ee woqooyi ka xiga Hiiraan. Kuwaas oo dhan noocyadooda ay yihiin ama laga fili karo ayaan naqaan. Mana soo dhaafaan laamiga weyn ee magaalada dhex mara ee Bari iyo Galbeed u kala qeybiya. Labadan baabuur waa kuwo waxaas oo dhan ka duwan.

Banooniga waan joojinnay. Dareenkeenna oo aan qeybsaneyn ayaan siinnay baabuurtan doolka ah. Waxay ku wajahan yihiin gurigayaga oo barxadda dhinac ka saaran. Markii ay derbigiisa ku tageen ayay soo leexdeen oo ay damceen in ay ku laabtaan jihadii ay ka yimaadeen.

Aabbe ma Aha

Qacda hore waxaan mooday Aabbahay. Laakiin aabbahay xilligan ma soo rawaxo. Nooca baabuurtuna waa ay ka duwan yihiin kuwa uu aabbahay ku yimaado ama lagu keeno, haddii aanuu lug ku imaan. Badiyaa baabuur militeri oo Ruushku sameeyay ayuu ku imaan jiray aabbe. Waxaa baabuurtaas ka mid ahaa Jeeb uaz ah iyo kuwo waaweyn oo ay ka mid ahaayeen Gaz, Maz, Triaz iyo baabuur dheereeya oo ay Soomaalidu ula baxday daf iyo miriq.

Labada baabuur ee meesha maraya ee tartiibta u socda ee marba dhinac noo dhaafaya waan ku soo yaacnay. Markii ay na arkeen in aan ku soo ordeyno ayay labadii baabur joogsadeen. Annaga oo aan hakan ayaan foodda la galnay baabuurka hore. Aniga oo dhinaca baabuurta xigay ayaa ugu soo orod horreeyay ciyaalka. Tallaabo ama laba meel u jirta ayaan soo istaagay ciyaalkiina wey ila soo safteen.

Fool-ka-Fool Madaxweynaha

Ninka baabuurka wada ayaa isaga oo dhoollacaddeynaya noo yeeray oo nala hadlay. Anna waan u jawaabay aniga oo markaan labada gacmood ku haysta baabuurka albaabkiisa meesha miraayadaha haddii la dallaco ay ka soo bixi lahaayeen.

Su’aalo fudud ayuu na weydiiyay. Waan uga jawaabnay. Markii uu in yar nala waday sheeko ciyaal ayuu yiri waan baxayaa ee nabadgelyo. Iskuulka ku dadaala ayuu yiri isaga oo gacanta noogu tilmaamaya in aan nabadgalno. Waxaan ku iri maad nala joogtid. Wuxuu igu yiri shaqo ayaa la iga sugayaa oo Xamar ayaan aadayaa. Qaarkeen nabadgelyo ayay ku dheheen qaar kalena waa ay iska aammuseen. 

Xoogaa markii aan sii daba cararnay ka dibna uu naga dheereeyay, ayaan annaguna halkii ka sii wadannay kubbaddayadii.

TV ma jirin. Internet ha sheegin. Wargeysna markaas ma aynaan arki jirin inta badan. Ilaa iyo hadda ma aqaan sida aan wejigiisa ku gartay. Laakiin waan ogaa ninka baabuurka wadaa in uu yahay Madaxweynaha dalka. 

Hadda markii aan dib u fekeray waxaan is iri malaa waa wakhtigii uu u ekaa sawirka tukaammada iyo xafiisyada suran.

Dhar ciidan muu gashaneyn ragga la socdayna dhar ciidan ma wadan. Ma xusuusto in aan qori arkay. Waan hubaa baabuurka uu isagu isteerinka u hayay qofna kama soo degin. Ma hubo in kan labaad oo daba taagnaa laga soo degey.

Ilaa iyo hadda ma ogi sababta uu Goddoomiyaha Goboolka ama kan Degmadu aanuu ula socon Madaxweynaha. Sidoo kale militerigii xoogga lahaa ee magaalada degganaa Taliyahoodu lama socon.

Xuseen Kulmiye Afrax

Ma hubo labada booqasho midda horreeysay. Laakiin Kawaanka Oktoobar dhismihiisu markii uu dhammaaday waxaan isagana maalin ku arkay Xuseen Kulmiye Afrax. Madaxda Degmada ayaa u warbixineysay. Dharka booliiska ayuu ku lebbisnaa. Isaga ma aanan garan, laakiin shaki iigama jirin in uu yahay Madax Sare. Waxaan u fiirsaday garaaddihiisu waxa uu ka kooban yahay iyo sida uu u eg yahay. Garaadduhu wuxuu soo jiitay indhahayga maaddaama aanan mid la nooc ah ku arag ciidanka faraha badan ee magaalada jooga.

Aabbahay markii uu shaqada ka soo rawaxay ayaan u sheegay ninka yimid xaafaddeenna markaasna waxaan u sawiray garaaddaha uu lebbisnaa sida uu u ekaa. Aabbahay ayaa ii sheegay ninka uu ahaa.

Berigaas ma aanan ogeyn in nimankaasi iyaga oo weli dalka Madax ka ah aan dhammaysan doono waxbarasho ilaa heer Jaamacdeed. Ma ogeyn in aan labadaba wareysan doono. Ma ogeyn in aan safar u raaci doono. Ma ogeyn in aniga oo weriye ah aan soo dhex istaagi doono Golaha Wasiirrada dalka oo ay labaduba fadhiyaan.

Mana ogeyn in aan amni darro darteed dalka uga tegi doono iyaga oo weli Madax ka ah. 

Dhammaantood Allah ha u naxariisto.

Friday, 21 October 2016

Kacaanka Nooli Keyd ha Reebo

Dunidu caddaan iyo madow keliya ma aha ee midabbo badan oo kale ayaa u dhexeeya. Qof kasta oo xil qabtayna xumaan ama samaan ayuu yeelan karaa, ama labadaba wuu wada yeelan karaa xilliyo kala duwan amaba isku mar.

Maanta waa 21-ka Oktoobar. Waa maalintii 1969 saraakiil ciidan ahi ay xoog kula wareegeen siyaasadda dalka Soomaaliya. Waxay isku magacaabeen Dowlad Kacaan ah.

Wax badan oo khaladdaad iyo dembiyo culus ah ayuu galay Kacaanku. Khaladka ugu weyni malahayga waxa uu ahaa kii ugu horreeyay oo ah in Baarlamaan shacabku doortay la qabqabto, anshaxa ciidanka lagu xad gudbo oo xooggii in dalka lagu daafaco loogu aamminay lagula wareego awoodda siyaasadda. Dembiga ugu weynina waa naf Aadane in la gooyo weliba si xaq darro ah.

Dabcan dooddoodu waxay tahay in ciidanka loogu talo galay in uu dalka ka badbaadiyo khatar nooc kasta oo ay tahay.

Dhanka kale, Kacaanku wuxuu dalka ka hirgeliyay mashaariic horumarineed oo badan.

Jeclow ama nac, Kacaanku wuxuu go'aan ka gaaray arrimo badan oo aayaha dadkeenna iyo dalkeenna saameyn fog ku yeeshay. Warka laga hayaana wuxuu u badan yahay war aan qofka sheegayaa aanuu u hayn wax daliil ah oo uu ku caddeyn karo. Weliba wararka qaar laga hayo kacaanku wey is khilaafsan yihiin. Qaarkoodna waxaa la hubaa in ay been yihiin loogu talo galay in dad lagu kiciyo, niyadda loogu dhiso, lagu beri yeelo shakhsi ama qof loogu abuuro godob aan sal lahayn.

In badan oo ka mid ah Howlwadeennadii Kacaanka iyo weliba qaar ka mid ah saraakiishii awoodda la wareegay ayaa maanta nool.

Waxaan ka codsanayaa kuna dhiirri gelinayaa in ay ummadda Soomaaliyeed u reebaan taariikh run ah oo qoran. Qoraalku haddii uu cuslaado waxaa ka sahlan raadreeb maqal iyo muuqaal ah. Iyadana waxaa ka sahlan kana jaban markhaati cod keliya ah.

Xataa qofka qoraalku uu ku culus yahay waxaa suurta gal ah in gacan laga siiyo haddii uu xog muhiim ah hayo.


Waxaan hubaa in keydka dalka oo intiisa badan uu raacay buburkiiin ay aad u soo kabi lahayd rallaabadani. Waxaa laga yaabaa in shakhsiyaad khalad laga fahamsan yahay laga qanci lahaa marka kaalintooda dhabta ah la ogaado.

Qoraalku wuxuu ahaan karaa mid dheer oo buug ah ama qormooyin taxane ah. Wuxuu noqon karaa mid hal qormo ama dhowr qormo ah. Wuxuu ahaan karaa silsilad dhacdooyinku sida ay isu daba yaalleen ah wuxuuna ahaan karaa mid ku kooban hal dhacdo ama xataa qeyb yar oo hal dhacdo ka mid ah ayaad ifin kartaa. Qoraallada iyo sheekooyinku iyaga ayaa is kaamili doona. Ayaga ayaana dhalin doona ra'yi ah xogta daba gal iyo dhammaystir u baahan.

Waxaan aqaan howlwadeenno hore oo raba in ay wax qoraan, laakiin is leh xilligeedii lama gaarin. Ogow, runta xilligeedu waa hadda iyo had kasta. Ogow, mustaqbalka aad hubtaa waa maanta.

Madaxda qortay waxa ay goob joog u ahaayeen iyo wax kale oo ay baaritaan markhaati leh ku heleen aad ayaan u bogaadinayaa. Waxaan Allah uga baryayaa wakhriga, maskaxda iyo hantida ay geliyeen in ay ku kabaan garaadkeenna taariikheed in Ilaaheey uu saddaqo uga dhigo.