Total Pageviews

Friday, 23 March 2018

Hargeysa - Taxnaha 89 - 90 - Qaybta Toddobaad


Aniga oo Berbera ka soo qadeeyay ayaan goor galab ah ka degey garoonka Dayaaradaha ee Hargeysa. Waa bilihii ugu dambeeyay 1990. 

Muuqaalka koowaad oo ay indhaheygu qabtaan wuxuu ahaa garoonka dhexdiisa.

Hal dayaarad oo kuwa dagaalka ah oo aan u maleynayo in ay ahayd Mig 17 ayaa meel iiga muuqata. Dayaaraddu waa duug. Mana hubo in ay kici karto. 

Meel ka yara durugsan ayaa waxaa taal haan aan u qaatay in shidaal ku jiro ayse dhici karto in waxa ku jiraa ay biyo yihiin.  Nin caato ah oo aan si xayi ah u socon ayaa la lugeynaya baaldi. Weelka uu sitaa wuxuu ka sameysan yahay caag madow.  Waa baaldi nnooca dhismaha loo adeegsado oo dadka qaar u yaqaan sakeel.  Baaldiga ayuu u hoorsaday dareeraha haanta ku jiray.  Ka dibna si tartiib ah ayuu ugu dhaqaaqay dhanka dayaaradda isaga oo ka dhowraya in uu dareeruhu ka daato.

Intuu sallaan dayaaradda ag yaalla kor u fuulay ayuu dareeraha meel ku shubay.  Anigu barta aan taagnahay  ugama jeedi karin in dayaaradda lafteeda uu ku shubayo iyo in weel kale oo dayaaradda dhex yaalla uu ku shubayo. Ma aqaan in ay biyo ahaayeen iyo in ay shidaal ahaayeen waxa uu dayaaradda ku shubayo.

Laakiin waxaa halkaas aan ka helay sawir ah in ciidanku xaaladda uu ku jiraa aanay wanaagsaneyn.

Laba nin oo midkood dareewal yahay oo labaduba u shaqeeya hey’adda ayaa keligeey iga soo qaaday garoonka.

Waa xilli roob ah.  Dhulku waa doog indhaha u roon. Neeacaw udgoon ayaa dhacaysa. Sanka ayaan la raacayaa. Maaddaama aan Berbera ka imid si gooni ah ayaan u macaansanayaa neecawda.

Guri ay hey’addu degganeyd oo ku began xagga dambe ee halka ay Madaxtooyadu hadda tahay ayaan tegey.  In yar ka dib gabbalka ayaa dhacay.  Ma aqaan baqdin iyo waxa ay tahay - weligeey ma arag gudcur ama mugdi aan waxba ka arki waayo haddii aan nalka ka fogaado.

In badan ayaan maqlayay Hargeysa waxa ka dhacaya.  Markii la ii sheegay in aan Hargeysa tegayo waan jecleystay oo waxaan doonayay in aan indhaheyga ku soo arko xaaladdu sida ay tahay.

Hadda oo aan soo dhex istaagay jirkeygu waa diiddan yahay.  Waxa meesha ka dhacayna waan dareemay, anigana baqdin ayaa i gashay.

Gudcur dam ah, roobabbow iyo colaad ayaan dhex taagan ahay.

Waxaa dhacaysa rasaas aad dhawaaqeeda ka garaneyso in kor loo ridayo. Mar xaafado naga fog ayay ka dhacaysay.  Marna xaafado nagu dhow iyo guryaha nagu xiga.  Marmar labadaba way ka dhacaysaa. Teel teel ayay magaalada marba meel ugu dhaceysaa.

Aad uma xusuusto sababta xilligaas nagu kalliftay laakiin aniga iyo saddex ajnebi ah ayaa gaari qaadannay in yar ka dibna waan soo laabannay.  Waxaan gaarnay guri kale oo isia hey’addu ay degganeyd.

Intii aan soconnay dad waxaan ka aragnay in yar oo malahaa aan toban dhammeyn oo ka cunteynaya meel buush ah oo qiyaasteyda ku beegan Baar Hargeysa.

Mar dambe waxaan ogaaday dadka meeshaas wax ka iibsadaa in ay yihiin ciidan.


Gidaarrada ayaa ii warramay


Maalintii xigtay ayaan keligeey gaari qaatay. Waddooyin kooban ayaan maray. Ma arag cid ii warranta.  Laakiin war waxaa iigu filnaa inta ay indhaheygu qabteen. 

Hargeysa waxay Berbera kala mid tahay in aanad heleyn cid kuu warranta.  Laakiin waxay uga duwan tahay in aanad dadba arkeyn.  Iyo waliba, in ay yar yihiin wax aad u baahan tahay in aad dad weydiiso. Waa sadar muuqdaa su’aal ka dhan.

Waxaa ii warramay cidlada waddooyinka iyo burburka “dhismayaasha” magaalada. 

Dagaal toos ahi magaalada kama socdo marka aan tegey.  Laakiin saqaf kasta, gidaar kasta iyo waddo kasta ayaa ra’yi kaa siinaya sida ay wax u dheceen.

Ku dhowaad dhammaan dhismayaasha magaalada saqafku waa maqan yahay. Midkii saqaf leh waxaa ka muuqda dalool weyn ama kuwo yaryar oo badan ama labadaba.

Gidaarrada intooda badani wey dumeen oo waxay noqdeen dhagxaan badan oo dhulka daadsan. Qaar kale in baa taagan.  Midka aan dumin waxaa ku xardhan rasaas aad mooddo in lagu naqshadeeyay.

Berbera waxaan dareemeyay jawi cakiran. Laakiin Hargeysa waa goob dagaal. Si dhab ah ayaad lafaaga ugu baqeysaa oo nafta ayaa diideysa.

Hargeysa waa Cidla’ 

Xilli duhurku dhow yahay ayaan baabuur ku dhex maray magaalada.  Waxaa ka soo billaabay aqal ku beegan xagga dambe ee meesha ay hadda tahay Madaxtooyadu.   Waxaan maray waddada Hargeysa ugu muhiimsan haddana ugu dadka iyo gaadiidka badan.

Marka aan ku dhowahay Saldhigga Booliisku meesha uu yahay, inta aanan gaarin halka looga leexdo waddada weyn ee loo aado dhinaca Bridge-ka ayaan gaariga joojiyay.  Ka soo degay.  Jiho kasta ayaan midba mar eegay.  Inta ay markaa indhaheygu qaban kareen, ma arag gaari socda ama meel yaalla oo aan keyga ahayn.  Xataa ma arag hal qof oo socda ama meel fadhiya. Mana arag wax astaan u ah in magaaladan dad ku nool yahay.

Qofka aan Hargeysa aqoon, waddada aan ka hadlayaa waa midda magaalada ugu weyn bartankeeda.  

Dareen aan ku cabbiro ma aqaan.   Magaalo aan dad joogin waa sida qof weyn oo aan dhar gashaneyn oo waddada maraya.  Naxdin iyo murugo ayaa igu kulmay.

Naxdin sababta oo ah filan waa ayay igu noqotay.  Waan baqay sababta oo ah Hargeysa waan ogaa sida ay u cammirnayd dad, gaadiid iyo ganacsi. Hadda waa ay maran tahay. Dadkii joogi jirayna waan ogahay in qaar badan la dilay. Inta ugu badani ay qaxday.  In qaar kale uu duurka ku jiro oo dagaallamayo.

Waan murugooday.  Inta qof rayid ah oo aan waxba galabsan meesha lagu dilay.  Inta dad aan awoodin da', caafimaad ama xataa saboolnimo darteed ay dantu ku kalliftay in ay qaxaan. Ugu dambeynta waxaan dhibsaday awood darreyda ah in wax aan ka qaban karaa aanay jirin dhibaatada aan dhex taagan ahay.

Hore ayaan u gudbay oo waxaan tegey meel hadda shidaalka laga qaato dhinaceeda dambe oo ka soo horjeedda meel ahaan jirtay ENC. Waa meel  ku beegan Isbitaalka Edna gadashiisa. Meel bannaan oo halkaa ku taalla ayaa waxaa jooga dad haween iyo waayeel u badan oo raashin loo qeybinayo.

Fannaanadda Caanka ah Sahra Axmed oo gacan siineysa Ururka Bisha Case ee Soomaaliyeed ayaan goobtaas ku arkay.

Waxaan u gudbay xaafadda dalcadda saaran ee ENC horteeda ku beegan oo dhammaanteed cidla’ ahayd.  Markii aan soo laabtay, nin aan ku arkay meesha raashinka lagu qeybinayaa wuxuu ii sheegay in xaafaddaas aan cid tagtaa jirin. Mar dambena aanan ku laaban.

Dadka ku Sugan Hargeysa

Haweenka iyo carruurta magaalada joogay aad ayay u tiro yaraayeen. Rag marka ay noqoto waxaa magaalada ku sugnaa ciidan, qaxooti iyo dad aad u tiro yar laakiin aan ka soo jeedin beelaha lagu tiranayo in ay Jabhadda SNM taageero u hayaan.

Nin Qaxooti ah oo aan la sheekeystay wuxuu ii sheegay in ay jeclaan lahaayeen in ay dalkooda ku laabtaan.  Markii aan weydiiyay waxa ka hor taagan wuxuu ii sheegay in ay doonayaan in ay carruurtooda iyo haweenkooda kaxaystaan. Qolyaha Jabhadda [SNM] ayaan uga baahan nahay ayuu yiri in aan ka ammaan helno.  Sababta uu iila hadlayaa waxay ahayd in Laanqeyrta Cas ay Jabhadda ka keento in ay nabad gelinayso Qaxootiga ku laabanaya dalkiisa.

Ninka Qaxootiga ah wuxuu ag fadhiyay oo aan kula kulmay garoonka Kubbada Cagta ee Tima Cadde oo raashin loogu qeybinayay dad aan tiro badnayn.

Arrintaas ma ahayn markii ugu horreysay iyo markii keliya ee aan ka maqlo Soomaalida Ethiopia ee Qaxootiga u joogtay aagga Hargeysa iyo Berbera.

Waxa ka dhexeeyay Qaxootiga iyo SNM waxaan ku fasiri doonaa qayb kale oo Taxanahan ka mid ah.

Maalmo dabadood waxaan ku laabtay Berbera.  Waxaan uga sii gudbay Muqdisho halkaas oo aan ehel iyo saaxiibbo fara badan oo qaarkood yihiin reer Hargeysa aan uga warramay socdaalkeyga waxa aan soo arkay.

Wednesday, 21 March 2018

Isbitaalka Qalliinka ee Berbera - Taxanaha 89 - 90 - Qaybta Lixaad


Isbitaal cusub oo qaliinka oo ICRC ay ka hirgelisay Berbera ayaa bartamihii Agoosto 1989 billaabay in uu dhaawac qaabbilo. 

Laba qeybood oo ay yaallaan 33 sariirood ayaa lagu billaabay howsha.  Laba dhakhtar oo qalliin ah iyo afar kalkaaliye caafimaad ayaa lagu billaabay.

Waxaa diyaarintoodu socotay afar qeybood oo kale oo marka ay dhammaystirmaan, isbitaalka qaadkiisa gaarsiin doona 77 sariirood. Laakiin marka xaalad deg deg ahi ay jirto Isbitaalku wuxuu awoodaa in uu seexiyo 100 dhaawac ah.

Waa isbitaal qalliinka dhaawacyada dagaalka lagu sameeyo.  Qalab wanaagsan ayaa yaalla.

Isbitaalka waxaa ka howlgala Dhakhaatiir iyo kalkaaliyayaal caafimaad iyo sheybaarayaal dhammaantood u dhashay dalal dhowr ah oo Yurub ah.

Waxaa loogu tala galay in uu daweeyo dhaawaca dagaalka iyada oo aan loo eegin dhinaca uu xabbada u ridayo iyo in uu rayid yahay iyo in kale.

Inta aan ka warqabo militeri dhaawac ah waa la keenay, dhaawac SNM ahna waa la soo dhigay.  

Taliyaha Militeriga ee Burco ayaan xusuustaa maalin uu hey'adda la soo xiriiray oo uu ka codsaday in laga soo qaado dhaawac SNM ah oo ay ciidankiisu qabteen.  In aan maalintaas goobjoog ahaa darteed ayaan u xusay laakiin markaas oo keliya ma ahayn keenista dhaawaca SNM.

Dhaawaca Militeriga iyo dhaawaca SNM waxaa labadaba ka badnaa dhaawaca rayidka ee isbitaalka lagu qalo lana seexiyo. Rayidku wuxuu isugu jiray reer guuraa dhex istaagay beer miino, musaafar ayaga oo gaari wata ay miino la kacday iyo dadka rayidka ah ee magaalooyinka oo si uun xabbad ama qarax ula kulmay.

Miinada siiba midda waddooyinku waxay ahaayd farsamo dagaal oo SNM ay caan ku tahay.

Waxaa kale oo uu isbtaalku daweeyaa bukaan socod reer Berbera ah ama degaanno kale ka yimid.

Militeriga waxaa laga yaabaa in ay dhaawacooda meelo kale geyn jireen marka ay awoodaan. Waxaan hubaa in dhaawac badan loo qaadi jiray saddex Isbitaal oo militerigu ku lahaa Muqdisho.


ICRC waxay toddobaad kasta laba jeer raashin siisaa labada Isbitaal ee kale ee Berbera. Midkood waa Isbitaalka Qaaxada kan kalena waa Isbitaalka dhimirka.


ICRC waxay diiwaan gelisaa dadka rayidka ah ee la waayay. Waxaa laga yaabaa in la dilay, xabsi ay ku jiraan ama ay iskood u qaxeen iyada oo aan laga warqabin. Waxaa dhici karta in dalka gudihiisa ay ku barakaceen ama ay ka tallaabeen soohdinta.

Dayaaradaha ICRC


Waa sawir aan tusaale u soo qaatay
Dayaarad hal matoor leh oo ICRC ay leedahay ayaa dhaawaca ka soo qaadda Shiikh, Burco, Ceerigaabo, Hargeysa iyo Borame.

Dayaaraddu waxaa ay isbitaallada rayidka ee magaalooyinkaas geysaa daawo iyo qalab caafimaad.

Ma ogeyn in ciidanka airporka Berbera fadhiyaa uu intaa daba-gal ku hayo dayaaraddan yar ee ICRC. Ma ogeyn in ay hubiyaan in ay tagtay meesha uu duuliyuhu sheego in uu tegayo. 

Maalin ayay dayaaraddu u baxday Ceeri-Gaabo.  Markii ay soo laabatay ayay ciidanka airporka joogaa ay weydiiyeen duuliyaha meesha uu ka yimid.  Duuliyaha oo ahaa nin dhallinyar oo Swiss ahi wuxuu ciidanka u sheegay in uu  Ceeri Gaabo ka yimid.  Isaga iyo nin la socday ayay ku xannibeen airporka.

Markii laga wadahadlay arrinta, wuxuu ciidanku qiil ka dhigtay in uu hubo in aan dayaaraddu tegin Ceeri Gaabo ee looga baahan yahay in uu duuliyuhu runta ka sheego meesha uu tegey.

Aakhirkii waxaa soo baxday in duuliyuhu aanuu caga dhigan Ceeri-Gaabo.  Ceyryaamo awgeed ayuu degi kari waayay.  Sidaa darteedna isaga oo aan ku deign Ceeri – Gaabo ayuu ku soo laabtay Berbera.

Dayaarad kale oo taa la nooc ah oo iyadana ICRC ay leedahay waxay isku xirtaa Muqdisho iyo Berbera oo maalintii mar ama laba jeer ayay u kala duushaa.

Hub-ka-dhigis General


Isbitaalka xag maamul iyo xag shaqaba waxaa gacanta ku haysa ICRC laakiin wuxuu ku furan yahay magaca Bisha Case ee Soomaaliyeed iyo Guddiga Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas.

Dhallinyaro ka tirsan Bisha Cas ayaa marmar tababbar Gargaarka Degdegga ah u sameeya dhallinyarada reer Berbera oo qaarkood markii dambe ay shaqooyin kala duwan ka heleen Isbitaalka.

Saraakiisha militerigu haddii ay shir ama cabasho u yimaadaan goob ay ICRC leedahay sida Xafiis, Isbitaalka, Goobta aan ka cunteyno iyo xataa Guryaha aan deggan nahay xeer ayaa noo yaallay ayaguna muran la’aan ayay u hoggaansami jireen.  Nidaamku wuxuu ahaa in aanay la soo gelin.  Bastoolad, qori ama banbaano.

Waxaan xusuustaa General markaas ahaa Taliyaha Qaybta 26aad ee Hargeysa oo noogu yimid miiska aan ka cunteyno. Waxaa loo diiday in uu bastooladdiisa la soo galo.  Suunka baylka ah ee galka bastooladdu u suran yahay ayuu iska furay oo u dhiibay askari ilaaladiisa ah.  Ka dibna isaga oo sacabbooleey ah ayuu keligiis miiska noogu yimid.

Laakiin maalin ayaa niman hubeysan oo isku beel ah ay gaadiidka hey’adda oo dhan mid kasta oo waddada marayay ay qabteen oo ay meel ku xannibeen.  Isbitaalkana inta ay hub la galeen ayay gaadiid ka qaateen.

Dhakhaatiirta iyo kalkaaliyayaasha caafimaadka iyo shaqaalaha maamulka iyo kuwa Xafiiska ICRC ee magaalada ayaa isu socon waayay, goobohooda shaqada iyo guryahoodana u kala socon waayay.  Waxay noqotay in lug la adeegsado.

Xafiiskeyga Muqdisho ayaan maalintaa fadhiyay. Waxay noqotay in aniga ooo aan gurigeyga ku laaban aan isla maalintaas u duulay Berbera si aan waanwaanta wax uga galo. 

Waxaan beesha gaadiidka la wareegtay ku marti qaaday meel lagu shiro oo Isbitaalka ka tirsan.

Waxaa ii soo baxday in dhaawucu markii uu batay, uu isbitaalku go’aansaday dadka hadda ka hor la qalay ee soo bogsoonaya kuwooda ugu xaalad roon in laga saaro Isbitaalka. Waxaa loo wareejiyay Isbitaalka Degmada.  Beeshani waxay markaas ku doodeysaa in dadkii la soo saaray oo dhami ay noqdeen beeshooda oo sooc ah.  Waxay taas u aaneynayaan oo ay tuhmayaan in ay ka dambeeyaan dhallinyarada reer Berbera ee Isbitaalka ka shaqeeya.

Baaritaan kooban oo deg deg ah ayaan sameynay. Waxaana soo baxday in go’aanku uu ahaa mid sax ah oo ku saleysan xaaladda caafimaad ee bukaan kasta oo isbitaalka laga saaray marka la barbardhigo kuwa lagu reebay isbitaalka iyo kuwa maalintaas la soo dhigay.

Halkaas ayay nimankii falka geystay iyo odayaashoodu ay ku garawsadeen gefkeeda.  Raalli gelin ay ka bixiyeen iyo ballan qaad in aanay mar dambe dhici doonin. Gaadiidkii oo dhanna waa ay soo fasaxeen.

Su'aal Askari Berbera - Taxanaha 89 - 90 - Qaybta Shanaad

Ka sokow xiriirka mas'uuliyiinta iyo shacabka oo aan kala shaqeeyo Madaxa Xafiiska, howsha iigu weyn ee aan Berbera u tegey waa in aan fasiro sababta ay Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed iyo Guddiga Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas ay u yimaadeen Berbera iyo Howlaha ay qabanayaan.

Sidoo kale  waxaa la iga rabaa in aan faafiyo Qaanuunka Caalamiga ah ee Dagaalka.  Waxaa la iga doonayaa in aan ku faafiyo ciidanka, hey’adaha Dowladda iyo  dadweynaha siiba ragga da’  dagaallami karta ku jira ama ku dhow.

Waxaan ku qalabeysan ahay buugaag iyo waraaqo ku qoran Soomaali, Ingiriis iyo Carabi.

Waxaan sitaa aflaam kala duwan oo ka sheekeynaya bilaha iyo Laanqeyrta Cas iyo Xeerarka Dagaalka iyo tusaalayaal taariikh ah oo xeerarka dagaalka laga fulinayo goob dagaal oo dhab ah.  

Waxaan sitaa mashiinka daara filimka ay dhumucdiisu tahay 18mm iyo midka lagu daawado sawirrada ee isagu is roga.  Waxaan sitaa Shaashadda filimka laga daaawado. Waxaan sitaa dab-dhaliye  fudud oo culeyskiisu uu dhowr kiilo uun yahay.

Waxaan sitaa cod baahiye iyo laba mikrofoon.

Xeryaha ciidanka iyo shaqaalaha Bisha iyo Laanqeyrta Cas ayaan ka billaabay howsha.

Xeryaha ciidanka badiyaa galab ama habeen ayaan tagaa.  Subaxa waxaana culeyska saaraa nooc kasta oo ay leeyihiin shaqaalaha Bisha Cas iyo Laanqeyrta Cas - hadday noqon lahaayeen kalkaaliyayaal caafimaad, dhallinyaro khibrad qaadasho u jooga, shaqaalaha xafiisyada, kuwa gaadiidka iyo farsama yaqaannada, kuwa nadaafadda iyo nooc kasta oo kale sida ilaalada.

Su'aal Askari


Ciidammadu inta badan si wanaagsan ayay xeryahooda iigu soo dhoweeyaan. Marka aan casharkeyga jeediyana su’aalo iyo jawaabo ama ra’yi ayaan inta badan is weydaarsannaa.  Marmar anigaa weydiiya su'aalo dood dhalin kara si aan u qiyaaso fahamkooda iyo sida ay u arkaan Qaanuunka Dagaalka.  Tusaale ahaan waxaan weydiiyaa sideed u aragtaa nin kula dagaallamaya haddii aad dhaawac ku qabato in aanad dilin ee weliba aad oggolaato in la daaweeyo?


Habeen ayaan Berbera cashar ku wada qaadannay. Filim isla mowduuca ahna waan daawannay. Waxaan xusuustaa askari dhallin yar oo iyada oo saraakiishii u madaxda ahaa ay fadhiyaan su’aal i weydiiyay.   Inta aad labada dhinacba dhaawacooda daaweyn lahaydeen sow kama habboona in aad na heshiisiisaan? Ayuu iiga nixiyay.

Waxaan u sheegay mas’uuliyadda Bisha iyo Laanqeyrta Cas in ay ku kooban tahay daryeel aadminnimo oo samafal ah.  In ay dooneyso in dhinacyada dagaallamaya ay dhexdhexaad ka ahaato si ay ugu adeegi karto rayidka, dhaawaca iyo maxbuuska dagaal.  In aanay mas'uuliyaddeeda ka mid ahayn siyaasad, dhexdhexaadin iyo heshiisiin kooxo dagaallamaya toona.

Askariga oo ahaa nin da' yar intaa kuma harin. Su’aashiisii xigtay ayaa iiga sii yaab badneyd.  Wuxuu igu yiri in aad dhaawaca labada dhinacba daweysaan waxaa ay sii daba dheereyneysaa dagaalka.  Qof dhaawac uga maqnaan lahaa goobta dagaalka ayaad soo daweyneysaan oo ku soo noqonaya faltanka dhib hor leh ayuuna geysan karaa.  Markaa waxaa habboon in aad ka shaqeysaan sidii aan isu af garan lahayn oo aan u heshiin lahayn.  Haddii adnaan taa awoodin in aad naga dhex baxdaan ayaa la qaatay.

Ma ahayn feker aan ka fili karay in uu i weydiiyo askari dable ah oo laga yaabo in Muqdisho ama gobol laga soo qafaalay.  In uu saraakiil igu hor weydiiyana waxay i tustay in aan xaalku ahayn sidii aan militeri ku aqaannay.

Qafaal


Ciidanka ka dagaallamaya Woqooyiga waxaa ku jiray dhallinyaro la soo qafaalay.  Makhaayadaha, waddooyinka iyo goobaha cayaaraha inta ciidan uu gaadmo ku tago ayuu soo ururin jiray wiil kasta oo kuray ah oo qori qaadi kara.  

Markaa inta xero ciidan la geeyo, timaha laga xiiro, tababbar gaaban oo sida qoriga loo rido u badan la siiyo oo tuute, qori iyo rasaas farta laga saaro ayaa la geyn jiray goob dagaal.  Xabbadda marka la hor dhigana wuxuu ku khasbanaa in isaga la dilo ama uu is difaaco oo dilo ciidanka horjooga.

Waxaan xusuustaa niman aan is naqaan oo Sucuudiga laga soo tarxiilay oo aan Berbera isku aragnay.  Maalin ayay i geeyeen guriga ay joogeen oo uu lahaa sarkaal militeri ah.  

Waxaa guriga ka adeegaya wiil aad u yar oo haddiiba uu taban sano gaaray, malahayga, aan laba ama saddex sano ka badani ula jirin.  Wuxuu ku hadlayaa af-guriga degaannada koofurka qaarkood siiba aagga Balcad iyo Banaadir.

Waxaan sarkaalka weydiiyay wiilkan yari reer Berbera ma ahan ee sidee halkaan ku yimid?  Wuxuu ii sheegay sarkaalku in wiilka la soo qafaalay oo uu ka mid ahaa ciidan isaga loo keenay in uu dagaal geliyo.

Laakiin, ayuu yiri,  markii aan arkay ninka sidaan u yar waxaan goostay in aanan geyn goob dagaal. Waxaan ku soo daray ciidanka ilaalada ah ee aniga ila shaqeeya.  Adeegyada yaryar ayaan u dirsadaa.

Waxaan weydiiyay sababta uu dib ugu celin waayay meeshii laga keenay.  Wuxuu ku jawaabay in uu ka baqayo in mar kale dib loo soo qafaalo oo goobta dagaalka la geeyo.

Sarkaalkaas waxaan beri dambe ka warhelay in isaga lagu dilay dagaalka.

Iskuul La’aan

Magaalada hal iskuul kama furna.  Inkasta oo sannad dugsiyeed lagu jiro haddana iskuul ma furna.

Nin akhyaar ah oo aanan hadda magaciisa xusuusan ayaa dhallinyarada da’ ahaan Dugsi Sare ahaan lahayd af Ingiriis u dhiga.  Waxaan u maleynayaa in ay ahaayeen laba fasal.  Wuxuu ku dhigaa qol ka mid ah dhisme Iskuul ahaan jiray.

Maalin ayaan soo arkay isaga oo wax dhigaya.  Aad ayaan ugu bogay garashadiisa, is xilqaankiisa, hagar la’aanta uu casharka u bixinayo iyo waalidnimada iyo baarrinnimada qabku ka maqan yahay ee uu carruurta ula dhaqmayo. 

Waxaa haddana i tabaatay sida uu keligii u yahay, una yahay agab la’aan. 

Sida maamule, macallimiin kale iyo shaqaale Iskuul ay kaalintoodu u maqan tahay.

Maalmo ka dib ayaan ku laabtay.  Waxaan wada soconnaa gabar aan wada shaqeyno oo Swiss ah.   Ardaydii ayaan kala hadalnay howsha Laanqeyrta iyo Bisha Cas.  Waxaan kala hadalnay xeerarka dagaalka.  Waxaan u daaray filim ku saabsan Laan Qeyrta Cas oo af Ingiriis ku hadlaya.  Waxaan u qeybinnay buugaag iyo waraaqo inta badan af Ingiriis ku qoran qaarna aan anigu Soomaaliyeeyay oo ku saabsan muwduucyada aan kala hadalnay.

Ayaan dambe ayaan ku soo laabtay oo waxaan u qeybiyay bugaagta wax lagu qorto iyo qalmaan.

Waxaan ahaa nin dhallinyaro ah oo firfirconi iyo isku kalsoonaan badan ku shaqeeya laakiin aan waayo arag ahayn oo ay dunidu la fudud tahay.  Wax kasta waan isku qaadi jiray aniga oo mooda in aan ka lib keeni karo.  Tabaha Buugga Saaxiibbo Kasbo oo an akhrisay tobaneeyo sano ka hor ayaan ku dhaqmaa.   In badanna waa ay ii shaqeyeen.

Waxaan u qabay in qof kastaa uu wanaag rabo.  Kii markaas ka dhacsanna in la tusi karo wanaagga. 

Uma haysan in ay dhici karto in wax macquul ah aan qof ka dhaadhicin kari waayayo.  Wax kasta oo wanaag ah in dadku isla fahmi karo ayaan u heystay. 

Weli waan u haystaa, laakiin khibradda ayaa i bartay in mar kasta iyo meel kasta aanay taasi ka shaqeyn.

Iskuulka Berbera waxaan aamminay in macallimiin uun loo waayay.  Macallin ka shaqeyn kara magaalo shidan maxaa keenaya Berbera? Ayaan is weydiiyay.

Waxaan ka fekeray in aan is biirsanno oo annaga oo dhowr ah aan ardayda Berbera Iskuul u furno.  Waxaan talada ka qeyb geliyay dad kala duwan oo Xamar iyo Berbera jooga.  Waxaan damcay iyada oo mutaddawacnimo ah oo aan aniga lacagi iiga bixin in aan macallimiin u helno afarta fasal ee kala sarreeya ee dugsiga Sare.  

Qorshaheygu wuxuu ahaa marka aan Dugsiga Sare saldhig u yeelno, in aan furno fasal kasta. In ardayda Dugsiga Sare kuwooda ugu fiican aan Macallimiin uga dhigno Dugsiga Dhexe iyo kan Hoose.

Waxaan mid mid u raadiyay macallimiintii ka dhigi lahayd Dugsiga Sare maaddo kasta oo lagu qaato.  Ina abtigeey oo ahaa Jaamici Kulliyadda Macallimiinta ka soo baxay,  Xisaabta iyo saddexda maaddo ee sayniska ah ee lagu dhigo Dugsiga Sare aad uga wanaagsan ayaa iga aqbalay in uu Berbera ii raaco.  Wuxuu aqbalay in uu diyaar u yahay in uu mutaddawacnimo ku tago Berbera. Wuxuu ii sheegay in haddii loo diyaariyo meel uu seexdo iyo wax uu cuno uu aqoontiisa ugu deeqi doono ardayda.

Waxaan doonayay in aan dhowr maaddo aniga lafteydu dhigo.  Shaqada Qaranka markii aan ahaa, Xisaab, Kimisteri iyo Ingiriis intaba waxaan ka dhigay Dugsiyada Sare ee Sakhaawaddiin iyo General Daud.  Haddii aan is diyaariyana mar kale waan dhigi karaa.

Aniga oo weli ku jira xulidda macallimiin Dugsi Sare oo aan Muqdisho iyo Berbera labadaba ka raadinayo ayaa qof howsha dhinac uga jiray uu iskuu isu xilqaamay.  Isaga oo aan i wargelin ayuu arrinka hor dhigay mas’uul sare oo Wasaaradda Waxbarashada ah.  Jawaabtu waxay noqotay "Suurta-gal ma aha".  

Sida uu saaxiibkeey yeelay ma ahayn dariiqii aan is lahaa aad u martid oggolaashada Wasaaradda Waxbarashada oo lagama maarmaan ahaa.  Laakiin mar haddii MAYA la ii soo qaaday, waxaa khasab ah in aan dib u dego, oo aan aqbalo in aan hungoobay.

Markaas uun ayaan billaabay in aan dib isugu noqdo oo aan u qaatay in ay dhici karto in aan faraha kula jiro howlo aanan fahamsaneyn.  'Waa macquul' oo keliya in aanay ku filleyn in woqooyiga ra'yi loo rogo waxqabad xataa haddii uu yahay mid dadka iyo dalka u dan ah.