Wednesday, 12 June 2013

Dhaqan mise Qadaf?


Ma Dhaqan baa? Mise waa Qadaf?
Inqaasta Yusuf-Garaad

Cilmiga Afafka (Linguistics) ayaan ku bartay Jaamacaddeydii koowaad. Shaqadeyduna in badan waxay ku xirnayd macnaha iyo is rogrogga erayada. Waa afka aan ugu badiyo afafka aan ku hadlo, aadna waxaan u xiiseeyaa in aan mar walba barashadiisa sii xoojiyo gaar ahaan xagga eraybixinta iyo is rogrogga eragada iyo adeegsigooda. Taasi waxay mararka qaar ila gashaa dhaqankeenna sida qormadaan.

Waxaan jecel ahay in aan si kooban u soo bandhigo arrin isugu jirta dhaqan iyo af, oo aan is leeyahay waxay u baahan tahay in tooshka lagu ifiyo, si ay u furto dood wax laga kororsado. Waa af Soomaali iigu muuqda in uu ka dhan yahay haweenka sharaftooda iyo qiimahooda lagana yaabo in si aan ka fiirsi lahayn loo adeegsado. Waxaan soo qaadanayaa dhowr tusaale.

Xanta siyaasadda waxaa inta badan curiya raga. Iyagaa  suuq geeya oo sii faafiya. Haddana midka raba in uu qiimo tiro xan markaas loo sheegay, wuxuu yiraahdaa warkaasi waa “ku-tiri ku-teen. Yaah? Ku-tiri ku-teen aa? Oo tumaa tiri?

Runtu waxay tahay in uu warkaasi yahay – Ku-yiri ku-yeen.  Waxaa uu warkaasi gef ku yahay haweenka oo warkooda laga wado inuu yahay war aan sal lahayn.

Oraah aan la yaabay ayaa waxay tahay “Habar fadhida legdini la fudud”.  Xataa Kubbadda Cagta marka la daawanayo ayaad maqleysaa. Si laguu yiraahdo goolkaas in dhaliyo wey kula sahlanayd, sababtoo ah waxaad tahay …
Bal is weydii Oday isagu legdin wax ma ka keeni karaa? Midda kale, haweenku marka horeba ma legdamaan.

Habar waa hooyada na dhashay. Maxay afkeenna uga nabad geli la’dahay?

Haddii mid naga mid ahi uu ka dhowrsan waayo hooyooyinka oo wax ka sheego, maxaa diidaya in inta kale ay u nasteexeeyaan oo ay u sheegaan khaladkiisa? Hadduu ku adkeystana ay ku ceebiyaan?

Marka ay rabaan in ay tilmaamaan fadeexad ama sir bannaanka u soo baxday oo aad u faaftay oo aan qofna ka qarsaneyn, waxay yiraahdaan: “Arrintaan habar walbaa og”. Qaar kalena “habrta suuqa caanaha la fadhidaa way og tahay” ama “Habrta xaabada iibineysaa way ogtahay”.

Ninka ay rabaan in ay liidaan waxtarkiisa amaba caqligiisa, qaar baa dhaha: “Waar kaas gabdhahaa caqli dhaama”. Bal fiiri faduusha intaa le’eg! Ka sidaa dhahayaa ma Saynis buu u cuskanayaa mise diin, in gabdhuhu ragga ka caqli yar yihiin?

Dagaal meel ka dhacay oo lagu hoobtay ayuu nin nabad raadinayaa ka hadlayaa. Wuxuu rabaa in uu dadka u caqli celiyo in aan la is dilin. Wuxuu isticmaalayaa war colaad “in ay gabari nooga dhimato ma aha”. Ama wuxuu leeyaha “xataa gabar laba jir ahi in ay nooga dhimato ma ahan”.

Ninkani xumaan uma dan laha oo wuxuu rabaa in uu naf badbaadiyo. Laakiin haddana wuxuu garan la’yahay in aan Gabdhaha naftoodu ka qiima yareyn midda ragga.

Intaan ayaan ku soo koobayaa tusaalayaasha aan hayo.  Qaarkood ma aha wax anshaxu ii saamaxayo in aan halkaan ku soo bandhigo, inkasta oo aan ka maqlo qof ku hal qabsanaya ayada oo la joogo meel fagaare ah.

Erayadani waxay xad gudub ku yihiin Soomaalida inteeda badan oo ah haweenka. Sidaa darted waxaa habboon in qof kasta oo wax isku falayaa uu ka dhowrsado isticmaalkooda.

Waxayna iigu xanuun badan tahay marka aan arko qof haween ah oo la qabadsiiyay, oo iyada oo aan u fiirsan isticmaaleysa oraah haweenka liideysa.

Waxay ila tahay in arrintaan uu waajib gaar ahi ka saran yahay macallimiinta, qorayaasha iyo suxufiyiinta, gaar ahaan Tifatirayaashu in aanay ka qeyb qaadan bah-dilka ka dhanka ah dadweynaha Soomaaliyeed intooda badan, kuwaas oo ah haweenka. Waxaa kale oo macallimiinta iyo suxufiyiinta ay mas’uuliyadi ka saaran tahay in aanay erayadaan u meerin ubadka soo koraya.

13 comments:

  1. Mahadsanid Yuusuf,

    Ummad waliba waxay leedahay dhaqan iyo af, waxaa ku maldahan tix iyo tiraab laga dhaxlo taariikhda dhaqan iyo af ee ummadu leedahay.

    Si lamida afkeena Soomaaligu marka laga soo tago suugaanta wuxuu qani ku yahay Maahmaahyo iyo Murti (Tiraab) fara badan oo kusoo kala arooray qisooyin dhacay oo dhab ah ama kuwo la sameeyey (baraleey), Inta badan maahmaahyaha waxay ku fadhiyaan xikmado cajiib ah taas macnaheeda maahan in dhammaan maahmaahyuhu sax yihiin balse marka lays barbar dhigo weedhaha iyo dhaqamada dadka ama xayawaanka lagu halqabsado waa wax isleh.

    Sidaas awgeed, ma jiraan wax kuu diidaya inaad maahmaahda u adeegsato qaabka qaafiyadeeysan ee ay u samaysan tahay haday doonto ha khilaafto jinsiga (Dhadig ama Lab) ama xayawaan iyo aadane.

    Tusaale ahaan, maahmaahda ah (Nin buka boqol u talisay) ma ahan in marka gabar lala hadlayo la yiraahdo (Naag bugta boqol u talisay) ee waxaa loo isticmaalayaa sideeda dabiiciga ah waana la ogolyahay.

    Tusaale kale, Maahmaahda ah (Hashu ayadaa cunaysa cabaadaysana) ma jiraan wax kuu diidaya inaad u adeegsato aadane mana ahan gaf.

    Marka Maahmaahyaha aad sheegtay ama odhaahyada qaar ceeb iyo aflagaado kuma ahan dumarka ee waxay lamid yihiin maahmaahyada kale ee xoolaha ama ragga lagu halqabsado.

    Haddii aan iftiimiyo odhaahda ah "waa kutiri kuteen", sida dabiiciga ah faafinta hadalada iyo sheekada badan waxaa u badan dumarka ceebna kuma ahane waa abuuris Eebe, sidaas oowgeed ayaa odhaahda loogu hadal qabsaday jumlad dhadigaysan.

    Mahadsanidiin,
    Abdikadir Dooy

    ReplyDelete
  2. Yuusuf aad baad ugu mahadsantahay soo gudbintaada ah in wax la saxo lagana fogaado dulminta lagu hayo haweenkeena, hoyooyinkeen, gabdhaha walaalaheena iyo kuwa aan dhalnay intaba, laakiin nasiibdarada ayaa waxa tahay in aysan jirin cilmi baaris luuqadeed oo afka soomaaliga ku saabsan iyo dood wadaagyo ay sameeyaan xeeldheereyaal luuqadeed waayo afka soomaaliga waa qoray laakiin waxa uu u baahnaa in wax badan laga saxo naxwihiisa iyo suugaantiisaba waayo inta aad hadda timaantay iyo inkaloo badaniba waxy salka ku haysaa maahmaahooyin, maahmaahduna waa qayb ka mid ah suugaanta afka soomaaliga, Runtii arimahaani waxa ay na tusanayaan sida dumarka waayadii hore aan loogu roonayn ee uu sidii aalad ll kale loola dhaqmi jiray iyagoon xuquuqdoona aan wax badan laga siin jirin amaba laba duudsiin jiray inkastoo hadda noloshii miyiga laga yimid oo magaalo iyo xoogaa ilbaxnimaa la helay hadana meelo badan maanta weli dhibaatadii waa ka jirtaa oo weli waxaa laga helaa igeyiga soomaali in aan gabdhaha dhaxalka wax laga siin. Gabadhii aan la duudsiiyay xuquuqdii ilaahay (SWT) u waajibiyay waxba uma aragto in la yiraa 'WIXII XUNBA XAAWAA LEH' Marka howshaasi waa howl culus una baahan in gunta hoose laga soo ebyo oo laga dhigo QURAAN ALIF KA WAREERAY OO AL-BAQRA LAGA TOOSINAYO.

    ReplyDelete
  3. aad ban kaga mahad celinaya fikirkaga wanag san yusuf

    ReplyDelete
  4. oraahdaan waa mid qalafsan oo jahili ah marka waa in laga waan toobaa mafiicna in aad wax walba aad u adeegsato hooyooyinka sida mahmah aan aad u karhaday oo ah (maal dameer lugu raray iyo mureyey meel ay katalisay murug ayaa u dambeysa.aad ayaan oga rali gelinayaa hooyooyinka hadaladaan

    ReplyDelete
  5. Waa qormo dhiiragalinteeda mudan, dadkana lagu dhiiri galiyo inay dhaqankaasi aan wanaagsaneyn ka tagaan.

    ReplyDelete
  6. walaahi oraahaas aad ayey somlida u isticmaashaa iyadoon ka fiirsan
    waxuu oraahdaas asal ahaan ka soo jeedo marka waaa loo bahan yahay in erey bixintaas laga fiirsado sida badan saxaafada waa curiyaasha erey bixinta maadaama ay aqristaan malaayiin somliya qoraaladooda marka waxaan ku talin lahaa oraahahaas in ay ka fiirsadaan meelaha ay u isticmaalayaan wabilaahi towfiiq

    ReplyDelete
  7. This comment has been removed by a blog administrator.

    ReplyDelete
  8. ANIGA WAXAAN U ARKAA YUUSUF GARAAD INUU YAHY CAAQIL MAR HADUU TOPICAN BULSHADA SO DHAXDHIGAY SOCIAL ILLS AAD U FARABADAN OO DHAQANKEENA KU MILMAY AYAA JIRA DAD BADAN CAADI U HEESTAAN ANIGA WAXAN AHAY DADKA ADEEGSADA EREYO BADAN ANIGOON KA FKIRIN MACNAHA EREYGAAS TUSAALE QOFKA XUN AMA SIDA XUN WAX KU RAADIYA WAXAN DHIHI JIRAY QOFKAAS WAA MIDGAAN LAKIN GOOR DHAWEYD WAXAN OGADAYIN QALAD TAHAY EREYGAS MADAMA AY QABIIL SOMALIDA KA MID AH OO QALAD TAHAY ADEEGSIGA EREYGAAS

    ReplyDelete
  9. This comment has been removed by a blog administrator.

    ReplyDelete
  10. taasi waxay ku tusinaysaa sida ay somaalida u liidi jireen wagas dumarka iminka ay jiraan meelo qaar wali sidii looga liido, balse iminka iyagaa dalka utaliya

    ReplyDelete
  11. Oraahyadaas qaar kamida waxay ka turjumaya dhaqan hore oo ku salaysnaa in dumarku ka qiimo ama martabad hooseeyo ragga. Kuwo kalena waxay sheegayaan wax ay dumarku kaga duwanyihiin ragga sida sheeko-banaanta. Qofka hadda adeegsanayaa waxaa laga yaabaa inuu hadalkiisa uun ku buuxsanayo oo aysan ka ahayn inuu dumarka xaqiro. Aniga waxay ila tahay marka la ogaado, in dumarku iyo raggu waxyaabo badan ka simanyihiin, in oraahyo badan oo dumarka qadaf ku ah laga waantoobi doono.
    Abdiaziz Baashe

    ReplyDelete
  12. SomalĂ­a waa "male dominated country" oo ah waxa fiican ama amaanta iyo mudnaanta lihi ay yihiin ragga oo qura, taasina waxey keentay in la helo dhaqan u xaglinaya qaar bulshada kamida islamarkaana sharaf dhac ku sameynaya qaar kale. Maah maahaha ama hal heysyada ragga lagu amaano waxaa ka mida (Ina rag walaalow wuxuu ku dhaamo la waa) yacni waa ha isugu dhawaan Ina rag waa qataree, waa Ina libaax San kataabtee. Waxaa kaloo ka mida maah maahda oraneysa (rag ciil cadaab ka dooray). Maah maahyadaa iyo qaar kaloo badanba waxey noo sheegayaan in raggu tour dhexaadka aadanaha colaadana wax ka tara saaxiibtimadana wax ka tara oo dumarka aan iyagu waxba laga weydiineyn nabad iyo colaad toona. Hal heysyada iyo maah maahah dumarka lagu libido iyana waxaa ka mida (kas naageed oo kadaloob rageed kaaga danbeeyey kaad ku ogeyd maaha) macnaheedu yahay in dumarku aaney garasho badan laheyn oo si sahal ah go'aankooda loo badali karayo.
    Laakiin waxaan la yaabaa maah maahda kale ee oraneysa "nin naagi wado iyo awr, awr kale eryanahayo midna kaama leexdo" taasi sow noo sheegimeyso in raggu qudhoodu wax ka qaldan yihii mise dumarkaa ku dulman maah maahdanna Yuusufow bal wax ka dheh.

    ReplyDelete
  13. Yusuf Garaad Allaha ku barakeeyo,Qormadaan si wanaagsan ayaan uga faa'iidaystay,INSHA ALLAH,waan faafin doonaa.
    Mahadsanid.

    ReplyDelete