Monday, 29 July 2013

Siyaasadda Dibadda ee Somaliland


 Ciidan Caabboon
Inqaasta Yusuf-Garaad

Marka la barbardhigo Soomaaliya inteeda kale, Somaliland waxay ku tallaabsatay horumar dhinacyo badan leh oo la taaban karo. Waxaana aniga iigula muhiimsan horumarka ay ka gaartay xagga amniga iyo hirgelinta nidaamka axsaabta badan iyo doorashooyinka u suurtageliyay muwaaddin kasta uu saameyn yeesho, waa Dimuqraaddiyadda.

Inkasta oo ay jirto dhaqaale xumo iyo shaqo la’aan da’yarta haysata, haddana waxaad moodda in Somaliland arrinta ugu muhiimsan ee ay raadineyso in ay tahay aqoonsi caalami ah. Geed dheer iyo mid gaabanba wey u fuushay.

Taas ayaa ugu wacan in Afartii Madaxweyne ee Somaliland soo martay ay magacaabaan isugeyn 13 Wasiir oo Arrimaha Dibdda midba mar loo xil saaray. Waxa ugu weyn ee loo diray waxay ahayd, kac oo aqoonsi raadi.

Somaliland doodo fara badan ayay caalamka soo hor dhigtay. Waxaa ka mid ah in Somaliland ay xorriyad iskeed u qaadatay 26 June 1960. Isla markaana ay iyada oo ah dal xor ah ay iskeed ugu biirtay Soomaaliya. Markii midnimadaasi ay anfaci weydayna ay iskeed ula soo noqotay madaxbannaanideedii. Waxay cuskatay Xeerkii Ururka Midnimada Afrika oo u xuubsiibtay Midowga Afrika ee ahaa in soohdimaha Afrika loo daayo sidii Gumeysigu uga tagey.

Somaliland ka dib markii ay ku guuleysatay in ay gacanta ku dhigto Sool oo markii hore ay Puntland ka talin jirtay, waxay doodda ku soo dartay in ay soohdimaheeda oo dhan gacanta ay ku heyso.

Doodaha Soomaaliland waxaa ka mid ahaa in la xasuuqay dadka Somaliland oo Qarankii Soomaaliya uu u adeegsaday ciidankii dowladda oo wata madaafiicda goobta, dabbaabado iyo dayaarado, welibana adeegsanaya calooshood-u-dirir ajnebi ah iyo qaxooti ka yimid Ethiopia. Waa dagaal aan aniga lafteydu 1989 iyo 1990 aan indhaheyga ku arkay qaar ka mid ah xad gudubyadii dadka rayidka ah loogu geystay Hargeysa, Berbera, Burco, Beer iyo weliba Borame iyo baadiyaheeda ilaa tuulooyin Awdal ka tirsan oo ay ka mid yihiin Qolujeed, Xaliimaale, Boon, Weeraar iyo Beysaarre.

Xataa waxaa jirtay dood uu mas’uul Somaliland ahi hadda ka hor yiri wax aan diinta ahayn ee Somali nagala dhexeeyaa ma jiraan. Inahaas oo dhan wey ku qancin waayeen caalamku in uu Somaliland u aqoonsado dal Madax bannaan.

Somaliland waxay Madaxweyne u dooratay Silaanyo, oo intaan kula soo ekaaday siyaasadda Soomaaliya. Waa mar uu Wasiir ahaa, mar uu Jabhaddii SNM Hoggaaminayay, mar uu Wasiir ka ahaa Somaliland iyo mar uu hoggaamiye mucaarad noqday. Markii uu xilka qabtay Madaxweyne Silaanyo oo aan siyaasadda ka caajisin, waxaad mooddaa Siyaasaddiisa Arrimaha Dibadda oo uu garwadeen ka ahaa Dr. Maxamed Cabdullaahi Cumar, in ay qaadatay dariiq ka duwan kuwii ka horreeyay.

Wasiirradii hore waxay qaar isku dayeen in Somaliya ay is diidsiiyaan oo sidii wax aan jirin ama aan waxba ka khuseyn ay u dhaqmaan. Qaarkood waxay isku dayeen in taariikhdu sida ay tahay aan looga warramin.

Haddaad fiiriso Afrika, Ethiopia waxaa ka go’day Eritrea. Labada ayaa isaga raalli ahaa. Sudan ayaa iyadana laga jaray South Sudan. Waxay ku timid wadahadal iyo heshiis labada dhinac ku dhex maray Naivasha, Kenya.

Markaa Dowladda Silaanyo, iyada oo aan joojin dariiqii dowladihii ka horreeyay ee Somaliland ay iskeed caalaamka aqoonsiga uga raadsanaysay ayay haddana waxay ku soo kordhisay dariiq cusub. Iyada oo aan ka tanaasulin Madaxbannaanideeda ayay furtay wadahadal fool-ka-fool ah oo ay la yeelato Somalia. Waa wax aan Somaliland marna hore suurta gal uga ahayn.

Waxay ku dhiirratay in ay ka qeyb gasho shirar siyaasad, ammaan iyo maalgelinba leh oo Soomaaliya loo qabtay, taas oo sida caalamku u arko ay Somaliland ka mid tahay. Waxaan goob joog ka ahaa Shirarkaas qaarkood ka dhacay Yurub iyo Afrika. Waxaan dhihi karaa, Dr. Maxamed Cabdullaahi Cumar wuxuu shiiqiyay mas’uuliyiintii matalayay Dowladda Soomaaliya. Taas ulama jeedo isbarbardhigga laba Wasiir oo keliya.

Wasiirka Somaliland waxaa ka muuqday diyaar garow wanaagsan. In uu yaqaan waxa uu shirka ka rabo iyo danta uu ka leeyahay in uu ka gaaro. Waxaa kale oo hadalka u qurxiyay in uu hayo horumar la taaban karo oo uu soo bandhigo. 

Waxaa kale oo uu ku helayay garowshiyo. Dhiirrada ah in uu goobta yimid inkasta oo qaar badan oo dadka uu metalo ka mid ahi aanay raali ka ahayn in shir Soomaaliya ku saabsan laga qeyb galo. Waxaa loo arkayay in Somaliland ay wax muuqda qabsatay ayadoo taageerada ay deeq bixiyayaashu siiyaan Somaliland ay tahay mid ka yar tan lagu kharash gareeyo Soomaaliya. Inahaas oo dhan waxaa uu ku helayay sacab ama garowshiyo ka xoog badan kan ergadii Soomaalidu ay helayeen.

Wasiirka Soomaaliya u hadlayay saa wuu ka duwanaa. Goobaha qaarna waxaa Wasiirka Soomaaliya ka muuqatay kalsooni darro oo waxaaba ka garab hadlayay, Maamul goboleedyo, mararka qaar hadalkoodu is khilaafayo.

Dr. Maxamed Cabdullaahi Cumar hadda waa laga wareejiyay Wasaaradda Arrimaha Dibadda. Waxaa la magacaabay Maxamed Biixi Yonis. Waa mas'uul leh khibrad gaammurtay oo ah xagga maamulka hawlaha Qaramada Midoobay. Wuxuu ahaa ninka labaad ee Madaxda ka ah hawlgalka ballaaran ee Qaramada Midoobay ay ka waddao Darfur, Sudan. Wuxuu afkiisa ka sheegay in uu maamulyay miisaaniyad dhan $1.8b. Qof barteyda Facebook uga fallooday oo afka Sportiga adeegsaday wuxuu Biixi ku tilmaamay cayaaryahan halis ah oo ay Somaliland soo gatay.

Waxaa isaguna cududda Somaliland ku biiray Axmed Ismaaciil Samatar, oo aqoon iyo khibrad maamul isku darsaday. Waa Bare Sare oo Jaamacdeed iyo Hormuud, cimrigiisa inta bandan ku qaatay waxbaridda dhallinyaro Mareykan ah. Jaamacado kale oo badanna casharro ka jeediya. Buugaag badanna qoray. Waxaa uu ku takhasusay Xiriirka Caalamiga ah. Axmed waa hadal yaqaan aan waxba hambeyn marka uu Soomaali ku hadlayo iyo marka uu Ingiriis ku hadlayo labadaba.

Axmed markii aan ku wada hungownay doorashadii Muqdisho ee kal hore ee lagu doortay Madaxweyne, Xasan Shiikh, iyo weliba dhismihii dowladda, ayuu goostay in uu tago degaanka Gebiley oo uu ku dhashay. Soo dhoweyn, uu isaguba qirtay in aanuu fileyn, ayuu kala kulmay Somaliland inteeda badan oo uu cagta mariyay. Wuxuu qiray in uu hadda ka dib ka shaqeyn doono suuqgeynta Jamhuriyadda Soomaaliland.

Isbeddelkan Wasaaradda Dibadda lagu sameeyay ma cadda in micnihiisu yahay in Madaxweyne Silaanyo iyo kooxdiisa khusuusiga ahi ay u dan leeyihiin in ay wax ka beddelaan siyaasaddii dibadda.

Waxaan ogaan doonnaa 100 maalmood gudahood, taas oo ah muddada ka harsan, madasha ah in 120 maalmood gudahood ay labada dhinac isku arkaan.

Laakiin waxaan muran ka joogin arrinta aqoonsiga Somaliland sida ay muhiimadda koowaad ugu tahay Hargeysa in xaalku ka duwan yahay Muqdisho.

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya inkasta oo Somaliland aanay illowsaneyn oo weliba ay dhowr jeer la fariisatay, haddana aqoonsiga ama aqoonsi la’aanta Somaliland ma ahan sida Hargeysa ay ugu tahay mudnaanta koowaad.

Dhismaha dowladda ayaa in yar nooga ifinaya taas. Dadka Soomaaliyeed ee reer Somaliland ee sheegay in ay midnimo doon yihiin, hal Wasiir oo keliya ayaa ku jira Golaha Wasiirrada. Waa Fowsiyo Yusuf Xaaji Aden, WasiirKa Dibadda iyo Ra’iisal Wasaare ku xigeen.

Waxyaabaha Dowladda hor yaallana waxaa ka mid ah sidii loo sugi lahaa ammaanka caasimadda oo marxalad xun maraya, xallinta dagaallada Shabeellada Hoose iyo Kismaayo, isu diyaarinta iyo ka qeyb galka shirka Brussels, ku dhaqaaqidda isbeddelka dhismaha xukuumadda ee saameeyay niyadda Wasiirrada qaar ka warhelay in la beddelayo laakiin weli sii jooga xafiiska, in Puntland la iska afgarto dastuurka, mushaar u helidda hey’adaha dowladda oo ay kuwa amnigu ugu horreeyaan, dhismaha hey’adaha dowladda, la dagaallanka musuqmaasuqa iyo diyaarinta wixii la fali lahaa 2016 marka xilliga baarlamaanku dhammaado - maaddaama aan jawi doorasho hadda soo muuqan.

Dowladda Xasan Shiikh iyo Saacid Shirdoon uma gaar aha. Xataa xilligii KMG-ka dowlad kasta oo Muqdisho ka dhalata waxaa dhaqaaq u diiday arrimo soo dabra hanka iyo himilada hoggaamiyayaasheeda, kuwaasoo qaar badan ay u sabab yihiin Soomaali kale.

Ugu dambeyntii waxaan shaki ku jirin in culeyska horyaalla dowladda Soomaaliya iyo miisaanka u sii kordhaya Hargeysa, oo lagu daray oonka uu caalamku u qabo in shidaal laga soo saaro dalkeennu ay tahay mid rajo ku abuuri karta taageerayaasha Somaliland.

Waxaa la gudboon Dowladda Soomaaliya in haddii ay wadahadalladu sii socdaan ay tayada u sii kordhiso ergada la xaajooneysa Somaliland. Ergadaas waxaad hadda mooddaa in lagu soo xulay nidaamka Baarlamaanka lagu soo xulay mid la mid ah.

88 comments:

  1. YUSUF adoo lasocda mar xaladahaas oo dhan qeybo kamid ahna carabaabay dhibaatooyinka loo geystay somaliland, shegayna in arrimaha dibbada somaliland loo doortay aqoonyahan gaamuray Maxamed Biixi Yonis, sidoo kale aa sheegtay in uu ku biiray Axmed Ismaaciil Samatar, maxaa ladhihi karaa somalia iyo somaliland dan ayay u tahay? tankale YUUSUF sooma wanaagsanayn in aadan faah faahin dhibaato ama boog laga bogsoo rabo?

    ReplyDelete
    Replies
    1. This comment has been removed by the author.

      Delete
    2. This comment has been removed by the author.

      Delete
    3. jaw waar nimankan waxba ma fahmayaan ninkan yuusuf garaad ha umalayn inuu somaliland uhiilinayo waxani waa baraarujin iyo kashifaad uu kashifayo new srategy of somaliland markaa wuxuu garaadku hogo tusaalaynayaa xubnaha dawlada ugu sareeya inay baraarugaan oo gaashaanka sii adkaystaan ha moodin inuu somaliland uhiilinyo

      Delete
    4. Yaa ka Bugsaday boogta?

      Delete
  2. Si fiican baad u sharaxday, rayigaaga,waana wax jira inay somaliland u tafaxaydan tahay siday aqoonsi ku heli lahayd,..Waxaa la gaadhey xilligii Somalia garawshiiyo siin lahayd somaliland una aqoonsan lahayd dawlad madax banaan, si ay u noqdaan 2-dawladood oo walalo oo saaxiib ah, oo aanay waxba u kala soocnayn, halkii laga noqon lahaa 2-dawladood oo jaar ah oo col daahii go'ay ah sida Ethiopia and Eritrea

    ReplyDelete
  3. Asc Yusuf Garaad,waan ka xumahay in aad igu tilmaamatay kuwa afka duubta oo dhameeyey umadda,balse anigu shuqul kuma lihi kuwaas,dabcan dadkeena dunida sadexaad waa nagu adagtahay in aan aqbalno critikada xataa haddii ay tahay mid wax dhiseyso,arintan haddii aan intaas uga baxo waan kuugu hambalyeeynayaa qoraalkan aad aadka uga soo shaqeysaa,aniga waxa ay ila tahay balse aan jecelahay in aan u hambalyeeyo walaalaheena soomaliland howsha wanaagsan oo ay qabteen,una rajeynayo guul,balse soomaaliland wax horyaala caqabado.
    haddii aan soo qaato tusaalahaagii eritrea,sud sudan,soomaaliland waa ka duwan tahay labadan wadan,waxa ayna kaga duwan tahay soomaaliland waxaa ku nool dad minorati ah,islamarkaana aan raacsaneyn damaca soomaaliland,halka sud sudan iyo eritrea aysan jirin caqabadan.
    tan labadaan somaliland waxaa ka jirta dimoqoradiyada nooca formalka,oo la dooranayo madaxda,go'aan kastana waxa ay qaadataa iyada oo aan la tashan dadka minoritiga ah.
    marka leexashada soomaliland waxa uu marka ugu horeysa ku xiran tahay sida ay uga dhaadhiciso dadkaas kula nool deegaanka,islamarkaana dhinacaas ilaa hadda waxba kama qaban,oo xataa laga yaabo in uu sii xumaado sababna ay u tahay dhaqaalo xumada ka jirta,shaqo la'aanta heysato dhalin yarada,naas nuujinta dad gaar ah,musuqmaasuqa iyo qabyaalada.
    caqbadaha kale ee horyaala soomaaliland waa in looga shakisan yahay in ay xiriir la leedahay kooxaha wax qarxiya.
    waa run in soomaliland ay aheyd dowlad madax banaan,leh saldanadeeda,shacabkeeda,iyo dhulkeeda,taasna waxaa kuu cadeyneysa in marka la xeerinayo arimaha soomaaliya iyo soomaaliland loo adeegsado international law,balse midowgii labada soomaaliya ma aheyn League,ee waxa uu ahaa wax ka weyn oo aan caadi aheyn,islamarkaana ay goobjoogayaal ka ahaayeen bulshada caalamka,laguna heshiiyey in la midoowo,marka qaanuun ahaan waa renegotiation lagu sameeyo midowgii 60kii sida confederazione ama federaal loo sameeyo labadii gobol ee midoowday.

    ReplyDelete
    Replies
    1. Saaxiib, kuwa afka duubta kuguma tilmaamayo. Magac la qariyo iyo weji la qariyo ayaan isbarbar dhigay. Si kastaba ka raalli ahow. waxaan moodayay case-kaan in aan soo xirnay mar hore. Mahadsanid.

      Delete
    2. sxb yuusuf garaad waxaan ku laqirayaa in somaaliland ay hurumar samaysay laakin dhebaatada jirta waa dad is wada yaqaan tan kale dhismaha dowladda fedaralka somalia waxaa lagu qaybsaday tiro 4.5 marka aniga waxaan kaadareemayaa in aad adigun taagayrayso cidd waliba oo ka soohur jeeda dowladda federalka marki aan su aal ku waydiyo adega qabiilka aad ka dhalatay waa qabaa ilka ugau waawayn somalia ee dowlad la aqoonsanyahay ma yeelan kartaa maxaad sa ku leedahay wareero ii sheeg sxb somaaliland waxaa ladhahaa inta aw gumaystay british marka somaaliland ma xakuntaa inta ay sheegaaan oo ingiriiska aw xakumi jiray waxaan kuu arkaa aniga ka shaqsi ahaa marki aad ku hingowday madax tinimada somaalia in aad billowday mucaarad aan ahayn mid wax saxaya ee ah mid wax duminaya samatar somaaliland ayow tagay marki aw hingoobay baadiyowna mucaarad ayow naqday waliba aan ahayn mucaarad wax saxa ee waxow naqday mid adiga oo kale ah marka adiga iyo baadiyow waxaan idin samaynaynaa wadan raadinaya madax banaani raadinaya sida somaaliland ilayn somaaliland matagikartaan niman kiina waxba qarin maayee waliba haweye oo aan wax dumis ma ahi aqaan wax kale sxb yuusuf ama wadan goosanaya yeelo oo madax banaani raadinaya aan ku gu taageerneee

      Delete
  4. Yuusuf maqaalkan wxd ku amaaneysaa Somaliland koley cabsi kaama ahan ama xildoon ee maxaad ula jeeda inaad umada Somaliyeed inteeda kale dad liita kutilmaantid hal wasiirna aad sidaas u amaantid qormooyinkaan lagaagama baran nuucaan ah

    ReplyDelete
    Replies
    1. Bro ninkani waa nin kicinaya aqoonyahanada Somalia
      Madama ay yareeysteen xaalada taagan ee ay u dhiibeen aan taariikhda Somalia waxba kahen
      Oo boos buuxis loogeeyay
      Iyo Dadkaas ay somaliland wataan oo ah dad isugu jira aqoonyahano iyo dad mucaarad ah markaa isku meel magalaan labadaas qolo oo isku level maba ahan oo dhan walba waa Loga horeeyaa.

      Delete
  5. yuusufgaraad waan salaamaya aragtida qofka sida saxan wax kucabiraya kolay way balaadhantahay markaa waxaan odhankaraa aragtida yuussuf garaad waa mid uu kusaleeyay cilmibaadhis isagoo sooqaatay daliilo badan saaxiibada qaar ayaan taas xasuusinayaa marka qof wax cabirayo sixira muhiim ma aha inuu guul wadeeyo in wax laysky qirana waa wax wanagsan. Aniga aragti ahaaan markaad fiiriso siyaasada somaliland waxaad moodaa in ay jiraan caqabado hortaala oo shacabka dhexdiisa ah intaan ka arkay ama aragtidayda gaabani itusayso waxaan la inkiri karun in dadka fikradan goosashada raba iyo kuwaan rabin aan lakala qiyaasikarin oo xitaa maamulku aynan qiyaasi karin taas awgeed siyaasiyiinta soomaliland waa sababta ay uga qayliyan marka lagahadlo isusocodka siyaasiyiinta labada dhinac qodobkaa soomaliland aadbay uga boodaan taas aniga waxay iimuujinaysaa haday ogololaadaan waxaa imanaysa in wax qarsoon dibada usoobaxaan masaxbanaanida somaliland kajirta markaan fiiriyay waa un kaliya waxaad umadaxbananthay inaad taageertid gooni isutaaga markaa caqabadaa kamaynan gudbin iyagu markaa dadka hakusoo canciyaan inay fikirkan bal kawada dhaadhiciyaan dhinaxa kasoo horjeedana haqanciyaan markaa waxay ilatahay way ku guulaysan karaan gooni isutaaga intay laakiin rabaan inay codka shacabka inta lawada duuduubo jeebka lagashto waxalarabana ladhaho umadaan kumatalaynaa kalaqaybsanan baa jiraysa taasina xalkay daahin wuxuu noqdaba.

    ReplyDelete
  6. "Timirtii horaba dab loo waa"

    Beenta marka lagu cel celiyo aakhirka run bay u ekaataa. Dimoqraadiyadda ka jirta SNM land lenses ka lagu arkaa xaggee laga helaa?

    Doorasha qabiil ayaa dhacday, qabiilkii wax doortay baana meesha ka muuqda. Horta in siyaasad ahaan iyo Juquraafi ahaal la qeexo weeyo waxa "Somaliland" la yiraahdo.

    Dadka dega SSC wax lug ah kuma laha maamulka reeraysan ee Hargaysa jooga. Reer Awdal iyo reer Lug Haya iyagan Juquraafiga ayaa ku ooday ee 80% ma aaminsana maamulkan reeraysan.

    Markaa horta Yusuf inuu sharxo weeye waxa uu "Somaliland" ugu yeerayo.

    Tan kale, saddex xisbi ayay samaysteen saddexdaba hal reer baa u taliya. Labada reer ee la jooga (Awdal & Lug Haya) ma observers bay ka yihiin meesha?

    Tan kale Siilaanyo da'dii baa u run sheegtay mana soo noqonayo. Xisbigiisa sow in madaxweyne ku xigeenku xaq u yeesho maahayn? Xitaa cidiba ma hadal hayso 3 nin oo isku reer ah baa u soo tafa xaytay.

    Riyaale hadaad is leedihiin xaq baa lagu doortay aqoon baa idiin dhiman. Rag rag dhalay oo meesha ku noolaa baa u dhiciyay ee kuma soo noqdeen. Markii horana waa tii loo bixiyay "Calaf & Wed" oo macnaheedu tahay Calafna waa ku lahaa Cigaalna wed baa qaaday.

    Arintan Professor Axmed nin carooday baan u arkaa. Laakiin Muqdisho qabyaalad baa ka kaxaysay Hargaysa ma caanaa loogu lisayaa?

    Qaladka wayn ee Prof. Axmed laga galay waxaa ka masuul ah madaxweynaha maanta. Isagoo og Axmed Samatar iyo fikirkiisii 20kii sanno ee la soo dhaafay ayuu inta ka booday isaga wuxuu Wasiirka Arimaha dibadda ka dhigtay Islaan shalay u ololaynaysay SNM land. Dabcan taasi kalsooni daro madaxweynaha agtiisa taala weeye oo wuxuu isku wareejiyay dad aan fikir u gaar ah lahayn isagana aan challenge ku samayn karin. Dowlad madaxii ugu sareeyay kalsoonidiisu liidato inay Soomaali dhibka ka saarto ha sugina.

    Ninkan kale ee retirement ku soo qaatay halkan, UN ka soo shaqaynteedu maaha in cirka la soo rinjiyayn karo. "Cosmetic application" weeye oo retirement meesha loo keenay. Dhibkaba Soomaali waxaa ugu wacan dowladda Muqdisho joogta. Waxay Soomaali tarto daaye raggii 20ks sanno u soo taagnaa bay maalin ku hugufeen. Dadka qaar baaba u qaadanaya qorshe degsanaa. Haddii taasi ta jirta tahayna, bal meeshay ka dhacdo ha la sugo iyo ninka ku hungooba. Maxaa inoo diiday 6 dowladood oo qabiilo ku dhisan? I am in for it!

    ReplyDelete
    Replies
    1. saxib Somaliland ictiraafkeedi wuu dhawyahaye guusha soo raac oo adigu iska daa reeraysiga kolay waad garan kartaa in maanta reer ahaan halkan aad sheeganayso aanay ahay dad go'aan leh balse dhulbahante labac labacda iska daaya oo SOMALILAND dariiqii aqoonsiga ayey haysaa

      Delete
    2. sxb, aduunka horta mel perfect ah majirto, qabyaalad way kajirta somali meel walboy joogto, arinta Somaliland minoritiga, madamo s/land kudoodayso xuduudihi 60 kii, dhulka sool iyo awdal wa kujiraa, juqurafi ahaan waa dalki somaliland walow dadka qaar ayna ogolayn goni isutaaga, hase ahaate cod hadii laqaado, dadka s/land dhulkeeda dagan dhaman meshay u bataan ayaa laguqasbanyay in laraaco, ninki somalia raba lasacano ha isaga tago oo bosaso si nabad ah haku dago, cid walba lamaqancin karo, dadbaa la helaya aaminsan in maraykan la midoobo mexico...sidaasay s/land ku hano qadaysa wana majority democracy lagu shegayaa.
      Talo yar hadaan kusiyana, waxa lamooda in warkagu ubadanyay dhinaca (negative)ka. somalia meshi ugu fiicnayd ayay maraysaa maanta, dawlad wax uun inay qabato rabnata way jogta, fosiya iyadaa uga khayr badan samatar. waxan anigu aminsanay inu samatr lashaqaysto rer galbeed oonu somaliland iyo somalia midna dadn u hayn, (ninka israel aaday asagon soo xajin farbaa kugodan inu yuhud lashaqaysto). wasirka cusube UN, asna s/land ayaa kadayaysa inu wax uun khibradisa baro ummada iyo dadka wasaaradisa, inta cimriga uga hadhayna wuxu qabankaro qabto sanadna ha ahaatee. marka dhinaca khayrka iyo positive wax kafiri bro, negative kaliya waxba masoo kordhiyo.halaga faidaysto ramadan inta ka haday khayrkeeda una duce meshi aad khayr u aragto sxb.

      Delete
    3. Imika imaad siin jawaab sharci ama siyaasad midna ku salaysan. "ninkii LA rabin Boosaso ha u guuro" micnaheedu maxaa weeye?

      Xuduud beenaad adiga muqadas kuu ah aniga waxba iiguma fadhido. Anigu weligayna Ingriis wax lama yeelan wuxuu ka tegayna qiimo iiguma fadhido. Maanta hadaad leedahay xariijintii Ingriis ka tegay baad qiimaynaysaa waa riyo adiga kuu gaar ah. Soomaali ama waa Soomaali ama waa qabaailo. Adigay kuu taalaa taad door bidid inaad qiimayso.

      Soomaali dhulka waa kala degtaa waana wada degtaa. Haddii Soomaali reerku nacay dhulkiisa waa u xor.

      Professorka anigu shaqsiyan waxba oran maayo laakiin fikirkiisa dambe wuu qaldan yahay. Nin caro ka xoog badisay baan u arkaa.

      Ninkan kale ee leh reerku waa Labac labac laynayaa muxuu dhegaystaa?

      Qolyaha reerkiina ka mid ah ee Muqdisho joogaa maxaad ku xisabisaan? Kuwa Hargaysa joogaa way nagala liitaan kuwiina Muqdisho jooga sidaad u aragtaan. Saa kuwiina Muqdisho joogaa fikir iyo qadiyad reer ka wayn bay arkaane. Kuwa idinla joogaa taariikhdooda ayaa kugu filan.

      Soomaali oo mid ah ama 6 dowladood oo qabiil ku salaysan. Taasay maanta joogtaa!

      Delete
    4. maxuma fikirkaagu, laakin hadaynu xaqiqda unimaadno, waa mide suurogal maha in qabiil walba samaysto dawlad. waa ta labaade, somali inay midawdo cidina horta iskuma haysato inay ta ugu fiican tahay, laakiin somalidu waa dad damac leh oo nin aanu ninkale wax u ogolayn, way adagtay inay hal meel hos yimaadan oo ka amar qaataa siiba qarnigan (wa nature ka soomalida maanta), taas ana kajecel laakin waa riyo oo lamagadhayo. xaqiiqda markaynu usoo dhadhacno, muhiimada kuxigta midnimada oo ah horumar iyo dhaqaale aan unimaadno, tasi waxay ku surogalaysa inaynu inti meel wax kuwada qabsan kartaba ay israacdo, 8 somali xita haday noqonayso.
      taasi si ay usuro gasho waxa kaliya ee manta la tixraaci karo waa xuduudihi ingiris, hadi taa muddo lagu wada socdo oo hadhaw markay wax hagagan si kuhaboon looga baxsankaro maxuma.
      markaan leeyay qofka somaliland an rabin bosaso hatago, waxan ujeeda, dhulka horta cida dagan ayaa iskaleh, cidina kama qaadikarto ee waxa la isku haystaa cida ka talinaysa. maadamu hada khariradan s/lan kujiro hadi laguqanciyo s.land inay go'aan waa sharci, hadii kale oo iska baxo waxay kadhigantay fawdo iyo adoo leh s/land wax jira maaha ee dhinacan doono ayan raacaya. taas miyad ila aragta?
      qolyaha muqdisho joogana, fikirkooda xor ayay uyihin waanay ku saxsanyihin aragtidooda, laakin madamo inti kale ee majority ahayd wax udhimi karan qadiyadooda aya laga mamnuucay s/land inay yimaadan. wana ta kala danbaynta ilaalisay oo inay sida xamar meeshu u waalato ka ilalisa.

      midaan jeclan laha inan kuwaydinaya waxa weeye, dadka ssc markay joogan s/land aya looga ixtiraam badanyay puntland, anigu waan tagay halkas oo iyago loo tiro sheeganayo ama ladulminayo wan joogay qaar madamo dadka halkaa daga qabyaaliyada kagabadanyin soomalida kale sidan u arko,s/land wax dan ah oo ay kuwayeen rerkaasi magaranayo anigu, marka ma qabiilka guud o kaliya ayuunbay kusii raacayan kuwasi mise waxkalaa s/land kalamqanatay? iyadoo aan ogayn maalinti xamar dhibtu bilabatay inay reerkas qarkod kusobaxeen magaca SNM madamo isku deganyihin.

      Delete
  7. yuusuf waad ku mahadsantay maqaalkaagan haddii soomaali sidaa wax isgu qIri lahaydna waa hashiIn lahayd lakiin inta la is dafirsan yahay hashiis ka dheer somaliland oo wax noqotaana waa guul soomali oo dhan u soo hoytay lakiin ninka xamar kaaruhu ku ilaalinayo waliba yugaandhiisku wato saw xaasid nimo maaha inuu xaqiro waxay reer somaliland qabaan marNA caadifad ku tilmaamaya mise waxaad wadaan maahmaahdiinii ahayd KAALIGAA WAALO WAREER HALAGULA WAASHO WANAAH!!!

    ReplyDelete
  8. Yuusuf Garaad Si Wacan bad U Hadashey , Lakin Nasiib Darrada Jirtaa waxa Weeye In somalia Noqotey Dadkii Ugu Danbeeyey ee Ogaanaya Waxey somaliland Qabsatey Iyo Hiigsigeeda Aqoonsi Siyaasadeed oo Ka Madax Banaan Wadamadi Somalia Laysku Odhan Jirey. Taasina Maaha Mid Lama Filan u dhacdee waa kas Iyo Ula Kac ay Indhaha Ka Qabsadeen Soomaalidu Horumarka Somaliland Iyo codsiga Ay Walaalaha somalida U dirayso ee ah Iney Iska ilaawan Midawga lagu Hungoobey 50 sanno Ka Hor ee Ay 23 sanno Daba Jiitamayaan. Siyaasada Arrimada Debeda ee somaliland ee Xukumada Dr Axmed Silanyo Inteeda Public ga ah Mooyee waxanu ku Kalsoonahey Inteeda U Privateka ah ee ay Ku raadinayan Ictiraafka Dalkan Iyo dadkan Somaliland Oo Dawlad Noqotaana Waa Guul ay gaadheen Dhamanba Ummada somaliyeed Maanta

    ReplyDelete
  9. Waxaan kuugu hambalyeynayaa sida fiican ee milgada leh aad uga warantay xaqiiqda ka jirta labada dhinaca ee somaliland iyo somalia.Runtii waxaan jecelahay in dadka walaalaha ee soomalidu isla gartaan oo dantooda raacaan isna tixgelinayaan midwalba midkale waxa uu rabo. Annagu hadaanu reer somaliland nahay si bilaa shuruuda ayaanu midnimo soomaliyeed ku qaadanay, markaa suaashadeydu waxa ay tahay talow walaalahayaga reer Somaliya ku dhac ma leeyihiin ay noo ogoladaan inaanu gooni isu taaga aanu rabno helno amaba annagoo aha laba dal oo siman oo loona bixiyo magac cusub sida Union of somali republics (midowga jamhuuriyaddaha soomali oo ah somaliland iyo somalia), calan cusub, heshiis cusub oo caalamka markhaati ka yahay la galo oo si siman loo qaybayso dhamaan lamaha iyo hayada dawlada taas oo u horseedki karta labada dhinac midkii doonaa ka kale ka go afti isaga u gaara dabadeed? Anigu xal aan kaas ahayn ma hayo, laakiintii goaanka uu reer somaliland ahayn waad mid lagu tacbay oo tanaasulkeedu aanay fududayn kumana salaysna qabiil ee waa mid loo dhanyahay oo geediga nabadeed wali haya kuna salaysan isu tanaasul iyo istixgelin, dadka soomaaliyeedna guud ahaan gaar ahaan reer somaliya aanu u nahay tusaale ku daysho mudan. Waad ku mahadsantahay faaladda aad ka bixisay mawduucaa aad ka qaatay iyadoo ah xaqiiq jirta. Mahadsanid.

    ReplyDelete
  10. Hortaa aad ayaan ula dhacay fikir qof oo ku fadhiya cilmi iyo dood caafimaad iyo xaqiiqo qabta (taasna Yusuf Garaad baa soo bandhigay)

    Wadankii la isku odhan jiray Jamahuriyadii somaliyeed [Hada Somaliland&Somalia] bilowgii ayay wax ka khaldameen 1960kii. Somalina waxa ay ku maahmaahdaa Alif kaa qaldamaa Albaqra ayuu ku dhibaa. Markaa dhisme ama nashqad socon weydo, waa in dub loogu noqdaa misska nashqada [Drawing board] ka si wixii dub loogu soo saxo. Nasiib daro hadii aynu somali nahay labada dhinacba 53 sano aynu qaldkii uun ku soconaa. Arinta somaliland iyo somalia aniga fikir ahaan waxa ay ila tahay, in sifiican loo wada hadlo oo labada dhinacba dood adag oo xaqiiqada taabanaysa kana turjumaysa rabitaanka labada shacab la soo bandhigaa. Wadahadalandan waa in lagu soo daraa UN, EU, USA, iyo AU, si ay goobjoog uga ahaadaan. Aakhirka waxa aan qabaa in Somaliland ayna ka takhalusayn rabitaanka ah In ay wadan buuxa oo kursi ku leh qaramada midoobay noqoto, Somaliyana ayayna ka takhalusayn fikirka midow. Taas markaa waa la isku khilaafayaa, laakin waa in la helaa hesshiis labada dhinac ah oo aduunku ogyahay taas oo ah in shacabka Somaliland laga qaado Afti/doorasho, in ay goaan iyo inkale taas oo wixii ka soo baxa natiijada labada dhinacba u hogaansamayaan. Sidaas ayaa arinkan lagu furdaaminkaraa hadii kale weligeen [Status quo] aynu ku jiraynaa oo labada dhinacba dan u ahayn.

    Wa Salaamu calaykum.

    ReplyDelete
  11. Sc Asxaabey waad akhrideen qoraalka Yuusuf garaad isga siday doonto ha ka ahaato, laakiin aniga waxaan aaminsanahay inuu daba socdo nin ay warbaahinta sxb ku ahaayeen oo qaali ah Pro Samatar oo dhawaan soo taabtay xaqiiqada taala Somaliland, markaas aragtidaa ayuu taageerayaa oo ku qancay.

    ReplyDelete
  12. Runta marka laga hadlo aqoonyahanku wuxuu fahmayaa wax aanay caamiyuhu fahmi karin Yusuf garad cumar waa nin aqoon leh oo multiexperience ah runtii isaguba waxaan odhan karnaa muddo aad u dheer ayuu iska idhi tiri jiray xaqiiqda somaliland taala laakiinse hadda ayuu xaqiiqda ku hadlay imika waana siyaasi soomaaliyeed. ummada soomaali koonfureedna waxaan usheegayaa in somaliland iyo somalia uu farqi u dhexeeyo waana tan la arko maaanta ee ay kukala duwanyihiin.

    ReplyDelete
  13. Yuusuf Garaad waxbaad iskala qaxday saaxiib. Arimo aan isku xidhneyn ayaad dusha iska saartey. Soomaaliland dagaalkii sokeeye wixii gaadhey ma ragime baa gaadhsiiyey mise shacab soomaaliyeed? ragime dhacay ayaa dagaalka la galeen SNM. waadna ilduuftay ee dadka degaa hargeysa iyo burco waxa ay dooneyaan waa inaaney waligood xilalka ugu sareeya wadanka aysan ku fadhiisan.ee maaha waa nala xasuuqay, Markaa adigu inaad la shirtimaado ma ahayn sheekada siyaasiyiinta somaliland shacabkooda ugu sheekeeyaan ee ah waa lana xasuuqey, sheekadaasi waa mid dadka soomaalida la isku nacsiinayo, caadifadna lagu abuurayo si loo gaadho mansab siyaasadeed. takale Xaqiiqda ka jirta Somaliland waad ila duuftey, ee dimuqraadiyada aad sheegeyso waxay la mid tahay qabiilada soomaalda markey doorayaan Suldaan ama ugaas ama Garaad. reer ayaa doortey ninkii hogaamin lahaa Waa siilaanyo'e.

    ReplyDelete
  14. yuusuf garaad waxaan ku hambalyaynayaa xaqiiqda aad iftiimisay runtii waxaan odhan lahaa madaxda dawlada federalka hays nacsiinina umada soomaliyeed marmarka qaar kala taga ayuu xalku ku jiraa waayo iminka shacabka ku nool hargeisa berbera burco iyo guud ahaan gobolada somaliland waxay u arkaan in yaga la xaasidayo taasaaa keenaysa in somalida kale nacaan markaan anigu waxaan odhan lahaa afti halaga qaado umada degan waqooyiga wixii ka soo baxana 2da dhinacba haku qancaa

    ReplyDelete
  15. Ramadan karim Yusuf garaad iyo inta soo booqatey bartan.
    Hadal nuxurkiisu waa intaad tidhi waxaase jira dad badan oo haddaad runta u sheekto ku bukoonaya ama aan fahmeyn bal eeg maanta wax socda iyo berri waxa iman taariikhduna waa cashar .
    Haddaan yaro eegto dagaalkii labaad ee dunida ka hor dalal jirey baa lumey dagaal dabadii
    waxaa u eeg somalia haddaan la daba qaban inta ay goori goor tahay.
    Siday ku badbaadi laheydna waxaa garaya somaliland ee xamarey af garo haddii kale sug inta lagu dhalan roggayo.

    ReplyDelete
  16. Salaan qaali ah dhamaantiin.
    In la isku jawaabo ma fiicna , waana laga wanaagsanyahay.
    Yusuf Garaad waa wariye , aqoon yahan, iyo saadaaliye.
    Yusuf waligii waxaanu hubin kama hadlo , mana maqal meel uu gobol aba Somaliland D jabuuti , Nfd, W.somaligalbeed uu ku dhaleecaynayo.
    Wariyaha saxda ahna waxaa lagu yaqaanaa hubsiimo, gorfayn wanaagsan, aragti ka fog qabiil, diin, iyo kala jeclaysi.

    Markaa kuwiina u maleeya in uu Yusuf hada toosay ama uu hada Somaliland soo hadal qaaday waxay ila tahay in aad fikradiina u gaartihiin.

    Maha macnaheedu in uu maqaalkan hada uu ka hadlayaa uu ku amaanayo Somaliland ee waa dhiiri galin labadoodaba si ay u walaaloobaan , si qoto dheerna uga wada hadlaan danahooda iyagoon wax kale oo qoqoba raadin.
    Yusuf waxaan hada iyo mar walba ugu hambalyeeyaa xaqiiqda waaqica jira in uu soo bandhigo.

    Hadii aad hadaba la doodayso Yusuf please wajiga ha qarsan ee soo saar magacaaga iyo wajigaagaba sidaa Yusuf oo kale.

    ReplyDelete
  17. Ma la odhan karaa yusuf garaad qudhiisa ayaa somaliland u soo dhadhawaanaya marka la eego qaabka aad u dhigtay qoraalkaaga dhanka kale waxaad dagaal kula jirtaa in wufuuda labada dhinac ee kulmaya 100 maalmood kadib in ay soo noqdaan kuwii laga saxeeexay hawada somalia in ay somaliland ku soo noqdaan taa waan kugu taageersanahay in la tayeeyo raga maxamed biixi la fadhiisanaya .

    ReplyDelete
  18. Garaad salaan sare, adiga akhyaarta bloggan raacataba.

    Adiga iyo pro Samatar ba, ka qayblgalkii doorashada madaxweynenimo ee Soomaaliya waad ku degdegteen. Waxaa idinka maqnaa tol xoog leh. kaas oo ah boorso lacag ah oo diyaarad lagu keenay ama taageero qarsoon oo waddamada deriska iyo Beesha Caalamka ah. Somalia aqoon iyo khibrad eegga kama socdaan sxb. Xildhibaanno badan dugsi sare kama bixin.

    Somaliland anigu degaan ahaan kama soo jeedo, lkn 1960 kii khalad kay galeen yaysan ku noqonnin oo aysan Italian Somalia waxba ku darsannin ayaan qabaa.

    Gen. Siyaad Barre iyo Gen Caydiidba(AHN labadaba) qabiil ayay adeegsadeen burbur mooyee wanaagna lagama helin. Sadbursi iyo xaqiraadna waynu aragnay natiijadeeda. Siyaad Barre qaxootigii Absame ee -77 wuu u diiday inay la dagaan dadka ay isku beesha ahaayeen. Wuxuu dajiyay dhul Hawiye iyo Isaaq isagoo ka lahaa ujeeddooyin gurracan, kuna rajo weynaa inuu ku cabnudhiyo Hawiye iyo Isaaq. Arrinkaasoo ka mid ahaa kacdoonkii Somalia la duntay.

    Sidoo kale Caydiid wuxuu isku dayay inuu xaqiro ama uu qariyo mugga iyo miizaanka ay Daarood ku leeyihiin Somalia(dhul iyo dadba). Isna fursaddiisii uu waddanka ku hoggaamin lahaa xisaabtankaas khaldamay ayaa seejisay.

    Haddana wali uma egka in ay soomaalidu diyaar u tahay inay is aqoonsato xaqqa iyo waajibka ay isku leeyihiin. Qolo walbaa xaqqeeda iyo sharafteeda unbay ogtahay. Ceebteeda iyo waajibkeedana lagu ma soo qaadi karo.

    Caalamka waxaa jira ummado badan oo wadaaga af, diin, isir(ethnicity) iyo dhaqanba, sida soomaalida. Haddana kala ah dalal kala duwan. Soomaalinimada laguma kala tagi karo, lkn haddii xal la waayo, waxaan qabaa ha la kala yaaco: Hawiyeland, Isaaqland, Daaroodland, Raxanweynland. Ama Somalia, Somaliland. Marba sidii lagu kala nabadgalayo ama lagu hormarayo.

    Rajada ugu weyn ee iiga muuqata wixii la odhan jiray Jamhuuriyaddii Soomaaliya, waa iyadoo aan ukumhu ugu wada jirin hal sallad sidii Xamar. Magaalooyin badan ayaa leh jaamacado, koronto, biyo, gegiduullimaadyo iyo suuqaq ganacsi. Burburkii 1991 oo kale ma dhici doono, markay meeli dunto meel loo baxsadaa jirta.

    Kulligiin wxn idin leeyahay Ramadaan Kariim, Ilaahay ha ina tuso wanaagga midnmada iyo caddaaladda.

    ReplyDelete
    Replies
    1. This comment has been removed by the author.

      Delete
    2. Dhamaantiin salaan Qaali ah (Ramadaan kariim)

      Yuusuf Garaad aad ayaad u mahadsan tahay hadii Madaxweyne laguu dooran lahaa sidaan qoraalada tayada leh nooma soo qorteen ama in lagula xariiro waa adkaan laheed.

      Soomaaliya 100 sano ka hor waxaa taladeeda hayey dad aqoon yar oo waliba u badnaa reer miyiiyo beeroley waxay la dagaalamee gumaytihii reer Yurub gumeytaha Wax walba waa adeegsaday Wax waa ka qaadi waayey aaqirkii Ilaahay guushii ayuu naga siiyey.

      Aabashii Xoriyada gayiga soomaaliya waxay guushaas u gaareen minnimo iyo walaalnimo hadaba waxaa loo baahan yahay in aan ku dayano dadkii naga horeyey oo meel iska dhigno danta gaarka ah.

      Qoraalkayga waxaan ku soo koobayaa Wax midnimo lagu waayey kala go lagu helimaayo maxaan kala go,naa sow uma jeedid dadkeeni Soomaaliyeed sida badaha iyo saxaraha ugu dhimanayaan oo waliba qaar ka mid ah gabdhaheeni iyo wiilasheeni adoonsi loogu haysto Afrika, Carabta sida Yaman , Liibiya iyo Dalal badan oo kale taas uma jeedaan miyaa Soomaali oo dhan ayey ku dhacday.

      Hadaba walaalaha soomaaliyeedow waligaa ma maqasheen qof soomaali ah ayaa qof kale oo soomaali ah gaajo u cunay waa arin laga naxo.

      Wixii aan qalday ka raali noqda.


      Mahadsanidii

      Delete
    3. Yusuf Garaad maxaa ila muqan dhibaatada ka dhacday soomalilad iyo kuwa ka dhacdhacay inaa Soo iftiiniso
      Sababtoo dhibaato dhibaato

      Delete
  19. Horta, si mug iyo xogogaalnimo ka muuqato ayaad, u qortay maqaalkaaga yuusuf, waanan kuugu mahad celinayaa, dhexdhexaadnimada aad wax u qortay, oo ah raganimo iyo geesinimo.
    Somaliland kumay iman, waan waan , ee waxa ay ku timi qori caaraddi iyo dhiig fara badan oo daatay kadib, taasi waxay kuu sheegaysa, in aan wada hadalo lagu bedeli karin, mawqifka umadda somaliland ay qaadatay, ee ah inay dal aan shaqo ku lahayn soomaaliya, ahaato, walalnimo iyo deris wanaagna inaga dhexeeyo uun.
    Marxaladda ay maanta soomaalya marayso, horaanu uga soo gudubnay, iyada oo alle naga ilaaliyay farogelin shisheeye, intaanu geedi socodkaa, dhisida qaranimadda ku jirnay, gaadhigu ma taagna maalin walba horu socod baa lagu jiraa, haday tahay mid, siyaasadeed, dhaqaale, aqooneed, ciidan, intaba, mar kasta oo geedigu sii socdna waxa aad u fogaanaysa, masaafada noo dhaxaysa anaga iyo walaalaha soomaaliya, tusale ahaan, marka uu dhamaado sahanka shidaalku, hadii lagu guulaysto soo saridiisa oo lagu wado ina la bilaabo 2014ka, waxay indhaha kusoo jeedinaysaa maalgashiga somaliland inuu yay mid aad la isugu haleeyo, hadii cudud dhaqaale bilabantona, geedigu si fog buu u sii hinqaday, markaa hadii ay is diidsiiyaan, iyo haday yeelaanba walaalaha somaliya, waxa inshaa ALLAAHU, imanaysa maalin, ay ku qasbanaan doonaan, inay soomaali oo dhan dani ugu jirto ianay somaliland sideedaa dawlad ku ahaato, oo soomaliya daneehad raacato, ifafaalaha muuqdaaana wuxuu sheegaya, in dharaartaasi aad iyo aad u soo dhawaatay.

    ReplyDelete
  20. Asl Yusuf garaad Meelha qaara waad asiibtay melha Qaara waad Is Dabraysaa <waaxaan Ku Su,aal Xagee U taqanaa Somaliladn Ma dhul Mise Qabiil ,Tusale ahaan hadaad U taqaano gobolada Waqooyi O Dhan , maxad U So qadatay In Ay Gobolada Waqooyi Ama Somalialdn Ay fosiya Xaji Adan Keliya Golaha Wasirada kaga jirto , Iyado la ogayahy In Goboalda Waqooyi Wasiiro Iyo Wasiiro dowlayalba Ka ga Jiraan Nidamkuna waa 4.5 ,Mise Somlaildn Wxad U taqan Hal qabiil Sida hadalkagu U dhacayo,
    Tan labaad <waxad Shegtay O soo qadatayIn Beesha ISaaq Dhibatoyin badan Lo Geystay ,Waxadse dafirtay ta Iyagu Geysteen,Oo Ay ka geysten SSCayn Adooba Xusay In Ay Sool Qabsadeen Lakin Ma adan cadayn Dhib Ay geysten Tasina Waa lagu fahmaya Ulajeedkaga
    Tan sadexad waxad So qatay Sumacada Somalidn Marka La bar bar Dhigo SOmali Ado Doladii Somlaiya DFS Shegay In Ayba Ka agqayliyaan mamul Gobledyo adoo U jeda Puntland,Waa Arin Fican hadad somali weyn Jeceshahay lakin ahdadba aragtay In somaliya Konfarta ay Dhibato KU hayso Puntladn
    maxad U xusi Weyday in Somalindba Cadadis ka ahaysto Mamulka Khatumo Oo Isba Meel kasta la tagan In Usan ka mid ahayn Somiland Wax la DhehonaUasanba aqonsayn

    Waxay na tusaysaa Qoraalkaago Dhan In Uu KU so BIya shubtay koonfura Muqdisho ha lOga Taliyo waqoyina Hargeysa, Lakin taas Ka quuso Way Dhamatay wadanku Waa Ninkastaa Intuu Dego hana Ku fekerin In Dib Muqdish Meel kale ay si Toos ah Uga xukunto ama jeclow hargeysa ama Daba orod Wadanku waa mamaul goboledyo hadad Wax xar xariiq KU aqoonsan lahayd Somaliladn Iyo hadii kaleba Waana Soon Iska kay cafi hadaan Kugu Gefay lakin Waxan Qoonsaday hadaladaa iyo Qoralkaga Walow Ad U madax bana tahay fekerkaga

    ReplyDelete
  21. Salaam Yuusuf

    Aad ayaad ugu mahadsan tahay aragtidaada aad kolba ka bixiao wixii jira ee aad anagana nala wadaagto. Dood-wadaaguna waa dhaqanka is-af-garashada iyo isku soo dhawaanshaha abuura.

    Harta qoraalkaagan waxaa iiga baxay lexejeclada aad u qabto dalkaaga iyo harumarkiisa. Sidii aad jeclayd haddaad madaxdiisa tahay ee aad wax u wadi lahaydna ka leexsan. Haddii markaa aan fahmo ujeedadaada waa baraarujin aad ku baraarujinayso dadka iyo dawlada Xasan Sheekh, halka ay Soomaaliland marayso haddii aan la gaadhina, dhawaan dabarka goosan doonto, heli kartana himiladeedii aqoonsigu ugu mudnaa.

    Yuusufow talada aan doonayo inaan ku siiyo adiga iyo inta magac ku leh qoomiyada Soomaaliyeed, ee hadalkoodu in badan saamayn karaa waxa weeyi. Mar hadii Soomaalinimadii sidii hore ku shaqayn wayday bal in dhankale hayaanka loo duwo oo haddii in uun wali jirto lexejeclo Soomaalinimo ahi in wixii walaalaha Somaliland doonayaan lagu raageero laguna garab istaago. Haddii laakiin ma gu'i kartaan uun xaalku noqdo iyo ku jiqsii iyadoon fikir ahaan laysku qan cinayn miyaanay runtii noqonayn in la sii xabaabalayo intii sii hadhsanayn ee Somalinimada inooga hadhay.

    Waan ku salaamayaa mar labaad aragtidaydaasna ila eeg waa walaal Soomaaliyeed.

    Ramadaan kariim..

    ReplyDelete
  22. ASC Yusuf maqaalakan waxaad moodaa in aad Soomaaliland ku dhiiro galineyso Soomaaliya hala heshiinina. tankale waxaan akhriyey maqaalo badan oo aad qortey runtina talooyin iyo tilmaamo badan siinayey madaxda Soomaaliyeed iyo shacabkaba.sida aan hada kohor ka maqley khudbad aad jeedisey oo aad tiri Hooyaday ayaa hargeysa ku nool malaga yaabaa in aad xil ka rabto Somaliland mar hadii aad ku hogowdey Somaliya?

    ReplyDelete
  23. Cadaalad ilaahey ayaa laga helaaaa demoqradiyada wada iyadaa cadaalada joogsaneyso america obama ayaa maanta madaxweyne ah reer koonfureed yey ku meereysan minority waa in ay horumarka ka fikiraan yuusufna waxaad talada reeer koonfureeed ugu dartaaa Somaliland chapterkeeda sida ay rabto qalinka ugu duugaan lasocotka ay la socoto somaliland koonfur ayey ceeb ku tahay ismana oga waayo sida jabuuti haddii ay ka harto koonfuri ceeb ku noqon meyso laakin lasocodka somaliland shirar wada fadhiisanayaan ceeb ayey ku tahay dadka koonfureed ismana oga iyagoo tangi lagu ilaalinaayo ayey misna ku leeyihiin hawadii ayaan ceshanay lol yaabayee ma yaabteen

    ReplyDelete
  24. الاجتهادُ في العشر الأواخر من رمضان: قد وردت فيه الأحاديث التالية:
    1- عن عائشة رضي الله عنها قالت {كان رسول الله صلى الله عليه وسلم يجتهد في العشر الأواخر ما لا يجتهد في غيره} رواه مسلم (2788) والنَّسائي والترمذي وابن ماجة وأحمد.
    2- وعنها رضي الله عنها قالت {كان رسول الله صلى الله عليه وسلم إذا دخل العَشْرُ أحيا الليل وأيقظ أهله وجدَّ، وشدَّ المِئْزَر} رواه مسلم (2787) والبخاري وأبو داود والنَّسائي وابن ماجة وأحمد.
    3- عن عليٍّ رضي الله عنه قال {كان رسول الله صلى الله عليه وسلم إذا دخل العشر أيقظ أهله ورَفَع المِئْزَر، قيل لأبي بكر - بن عياش أحد الرواة - ما رَفَعَ المِئزر؟ قال: اعتزل النساء} رواه أحمد (1103) وابن أبي شيبة والبيهقي وأبو يعلى. ورواه الترمذي وقال [هذا حديث حسن صحيح] . فهذه الأحاديث الشريفة تدل على مشروعية الاجتهاد في العبادة في العشر الأواخر من رمضان، وعلى إحيائها بالعبادة، وعلى الحث على إيقاظ الأهل فيها لجني ما أعدَّ الله فيها لعباده العُبَّاد من خير وثواب. اعتكافُ النساء: وردت فيه الأحاديث التالية: الاجتهادُ في العشر الأواخر من ..

    ReplyDelete
  25. Ramadaan kariim

    Aragatida Yusuf Garaad ee ay ku dheehantahay khibrada iyo waayo aragnimada uu u leeyahay Somaliland iyo Somalia waxa ka muuqata in uu runta ka sheegayo wax dhabta ah ee jira kuna mahadsanyahay dadka Somaliyeed yanay u qadanin in uu isagu cid gaar ah u jeedo lakin waa waxa dhabta ah ee jira.

    Yusuf Garad Cumar waxa aad ka mid tahay dadka magac wayn ku leh bulshada Somaliga ku hadasho meel ay joogtaba aadna wan u dareemi karaa lexejeclada aad u hayso iyo wanaaga Somalida cidii wax qabsata wanan kugu dhiiri galinaynaa wanad ku mahadsan tahay in aad marwalba nooga faa'iidayso aqoontada iyo waayo aragnimadaada.

    ReplyDelete
  26. ASC sida quruxda badan ee aad fikirkaaga u soo bandhigtay waa ku mahadsan tahay binu-aadumku way kala aragti duwan yihiin fikirka ah in somaliland iyo somalia dib u midoobaan waa wax ay adag tahay in al arko markale xalka kale ee looga wareegi karaana waa in walaalaha koonfurtu u aqoonsadaan walaalahooda somaliland dal madax, taasi waxaaba cadayn kugu filan hadii aan akhrido inta yar ee commentka ka bixisay aragtidaada ayaad ku ogaan kartaa somali.........

    ReplyDelete
  27. Garaad, mar kale salaan sare walaal. Waxaan ugu soo noqday, inaan weydiiyo su'aalo aanan wali jawaabtooda ka maqal dadka taageersan inay Somaliland ka ko'do Somalia.

    1. Waxaad u go'aysaan dulmi aad kala kulanteen Koonfurta. Ha noqoto awoodqaybsigii lagu tagrifalay 1960kii ama awood militeri la idiin adeegsaday markaad arrinkaas ka biyodiiddeen. Somaliland waa lix gobol. Saddex ka mid ah(Sool, Sanaag & Cayn) waxaa idin la dega beelo siyaasadda go'idda diiddan. Kuwaas ma waxaad ku qancinaysaan awood militari ama marka hadalka la qurxiyo in "xuduudaha la sugo"?

    2. Muqdisho waa lagu kala yaacay. Hal beel ayaa looga tagay waxay soomaali ku wada maalgashatay xornimadii 1960 iyo ka horba. Mid guud iyo mid gaar ah ba. Waliba waxaa Dowladdan lagu eedeeyaa, inay mashaariicda horumarineed iyo deeqaha waxbarasho ee caalamku bixiyo ku koobtay isla Muqdisho. Dibuheshiisiin dhab ahina wali ma dhicin.

    Gobollada kale, sida Puntland, hadday dhahaan dowladda Muqdisho kuma kalsoonin oo shirarka caalamiga annagaa goobjoog ka noqonayna si aan xaqqayaga loo duudsiyin, maxaad ugu aragtaan isku dhererin Somaliland ama fowdo iyo minjaxaabin qaran?

    (Afeef: Dowladda Muqdisho markaan leeyahay u lama jeedo qabiil. Siyaad Barre 1990 kii jaraa'idda caalamku, sida New York Times, waxay ugu yeedhi jireen duqqa magaalada Muqdisho. Waayo waddanka intiisii kale jabhado hubaysan ayaa ka qabsaday sida koonfurta ama ku qabsaday sida waqooyiga. Dowladdan na waxaa kursiga ku haya ciidammo shisheeye iyo aqoonsiga caalamka.

    Gobollada mucaaradsan iyo kuwa ayyidsan midkood na awooddeedu ma gaadhsiisna oo waxaa ka taliya ciidamo ka amar qaata beelo, ururro ama maamullo sida Somaliland, Puntland, Jubbaland iyo gobollada dhexe. Ama Amisom sida Hiiraan iyo Baay-Bakool. Ama Alshabaab iyo Ahlsunna. Marka dowladda Muqdisho waxaan ula jeedaa inta ay ka taliso ama tabarteeda oon Muqdisho dhaafin wali).

    Labada su'aalood ee sare nin/naag midkii jawaab u hayaa iyagoo mahadsan ha soo dayaan.

    Ramadaan Kariim.

    ReplyDelete
    Replies
    1. Moxamed

      Haddaan isku dayo innaan jawaab kaa siiyo su'aalahaas siday aniga ila tahay;

      Anigu horta ma isticmaalo magaca "Soomaaliland" sababtoo ah macno gaar ah ayuu yeelanayaa marka la isticmaalo. Soomaalidu cadaaladda iyo cadaalad daradda toona ma sheegto oo dhaqan uma lihin taas. Arintan kal go'a sidaad u sheegtay reeraha dega saddexdaa gobol kaliya ma diidana ee reer Awdal iyo reer Lug Haya iyaguna ma ogola. Laakiin Juquraafiga ayaa ka hiiliyay oo xero ku ooday. Hadaad maanta Boorame waydiiso fikirkooda waan hubaa 80% inay midnimo doon yihiin.

      Su'aashaada ah ma xoog baad isticmaalaysaan jawaabteedu waa caddaan. Oo maanta xoog baa Las Caanood lagu joogaa. Dadkii Laas Caanood deganaa badidoodu ama tuulay u qaxeen ama waa Qaxooti Kenya jooga. In yar baa ku hartay dadkii Laas Caanood deganaa sanadkii 2007.

      Arintan dowladdu waa run inay Muqdisho isku koobtay. Wixii maal Soomaali la siiyay Muqdisho iyo hareeraheeda ma soo dhaafaan. Reer Puntland iyo meel kasta oo kale oo maamul ka jiraa waa in ay xaqooda helaan. Haddii taa la waayo way dhacaysaa in dowladda laga aamin baxo kadiba is dhex yaac iyo fawdo timaado.

      Dowladda ayaa la rabay inay taa ku baraarugsanaato oo ka hor tagto inta talo faro ka bixin. Waxaadse moodaa in dowladdu ku mashquul santahay dano yar yar oo kale.

      Delete
    2. M M Omer
      Waad Mahadsan yahay Su'aalaha aad soo gudbisay haddaan isku dayo jawaabahooda waxan kaga hal celin lahaa

      1- su'aasha koowaad ee ah Waxaad u go'aysaan dulmi aad kala kulanteen Koonfurta. Ha noqoto awoodqaybsigii lagu tagrifalay 1960kii ama awood militeri la idiin adeegsaday markaad arrinkaas ka biyodiiddeen. Somaliland waa lix gobol. Saddex ka mid ah(Sool, Sanaag & Cayn) waxaa idin la dega beelo siyaasadda go'idda diiddan. Kuwaas ma waxaad ku qancinaysaan awood militari ama marka hadalka la qurxiyo in "xuduudaha la sugo"?
      Jawaab: Go'aanka Gooni isu taaggu maaha mid ku yimid oo keli ah Xasuuq iyo Saluug dhinaca Xaqsoorka ah oo Bulshada Reer Somaliland tirsanayaan, bal se taasi waa ka mid sababaha dhaliyay Gooni isu taagga, lkn Go'aankani waxa uu la mid yahay Xisaab Aljebra ah oo leh laba Qaacido (Formula) oo maxsuulka waxaad doonayso isku wax soo baxayaan, markaa kan fudud ayuu caqliga fayowi qaadanayaa,
      like wise Somaliland markii Dagaalladii SNM iyo Siyaad Barre ay dhammaadeen ee Goboladii Waqooyi laga saaray Dawladdii xamar amaba ay ka baxeen Maamulkii iyo Ciidankii Siyaad, Waxa talo la iskula noqday Jihada tan xigta ee la qaadanayo, Shirkaasna isagoo taariikhdiisa lahaa waxa la is bar bar dhigay Gooni isu taag iyo Midnimo lagu sii jiro midka u faa;ido badan Dadka Reer Waqooyi (current Somaliland.
      midda aad tidhi Awood iyo Xoog ciidan miyaad ku haysanaysaan dadka aan rabin Gooni isu taagga, taasi maaha xal, waana Arrimo Daakhili ah oo Somaliland ayay u taallaa siday Arrintaas u xallinayso waddadeediina way haysaa in kasta oo qaladaad jiraan.

      2-Su'aashaada labaad ee ah Gobollada kale, sida Puntland, hadday dhahaan dowladda Muqdisho kuma kalsoonin oo shirarka caalamiga annagaa goobjoog ka noqonayna si aan xaqqayaga loo duudsiyin, maxaad ugu aragtaan isku dhererin Somaliland ama fowdo iyo minjaxaabin qaran?
      Jawaab: Gobolada aad ka hadlaysaa waxay ka mid yihiin oo ay ayidsan yihiin Dawladda Federaalka, inta la hubona may sheegin inay madax bannaan yihiin, markaa ma arko Sabab loo bar bar dhigo Dad ama Ummad (Somaliland) leh waar annagu idinkama mid nihin oo waan madax bannaanahay.

      Waxan filayaa inaan isku dayay inaan ka jawaabo Su'alahaaga

      Mahadsanid

      Delete
  28. sc
    yusuf garaad waa nin waxbadan u soo joogay siyasadana lasocday aragti fogna leh waxa socdana waxkafahmaaya hadana qoraalkiisu aad ayuu uwacan yahay xag walba qoraalo horena waan arkay lkn dadka dhaliilaya waxaan kee yahay wax run ah ayuu aheegay somaliland kaalinteeda ayuu ku tilmaamay somaliana kalinta aytaagan tahay ayuu sheegay iyo waxa sugaya markaa aad ayuu umahadsan yahaye qolooyinkina dhaliilayo wax walba xa positivka ka eega yaanay idin qadin caadifada aad ku nacaysan magaca somaliland. hori marka somalilan waa guu u soo hoyatay umada somaliland umada somaliana waxaa loo baahan yahay inay igu hanbalyeeyaan kuna daydaan kuna sii dhiri gelitaan inay wax qabadkooda siiwadaan ee ma aha inaad ka naxdo ama aad diido magacooda iyo hori markooda waa wax kufu nasiib daro ah waa inaad ku faantaan horo marka somalilan

    ReplyDelete
  29. Salaam Calaykum,

    Waa qoraal waano u noqon kara dad badan oo iska indha tira xaqiiqadda jirta maanta s/land, way socotay,wax walbana waxaanu ku bixinaynaa siddaanu icitiraaf dhamaystiran u helin lahayn.

    waana arin loo baahan yahay in ay dhug u yeelato dawaladda fedraalku oo ay noqoto mid la jaanqaadda kolba heerka gobolku maraayo,oo ay yesheen kalsooni ay ku qancin karaan dadkooda in ictiraafka ay u fududeeyaan reer S/land inta uu wakhtigu dhow yahay ee Ictiraafka aanay noqon mid ku yimaada dirqin dibadeed,waayo aduunku maanta dano ayuu iskugu xidhanyahay,waxna kaga xumaan mayaan Muqdisho, waxaanay heli kartaa inaanu la bar bar istaagno tageero dhaba hadday arintaa fududeyaan.

    culaysyadda faraha badan ee maanta Muqdisho haystaa way fududaan lahayeen haddii arintan indho iyo caqli fayawba lagu dheehdo runtii.

    Reer muqdishana waxaan leeyey reer Hargeisa dad ahaan idiin ma necba ee isku dan maanta ma nihin dantiininu waxay ku jirtaa ictiraaf aad samaysaan oo aad aqoon sataan walahiin tidhaahdaan walalyaal horena idiinka noogu yimid maantana haddi arintu siddan tahay naga gudooma.

    ReplyDelete
  30. maan jeclayn inan ku soo laabto lkn waxaan ugu soo laabtay hadalka ama sualaha MM.Omar sxb suaalahaga waxaan filayaa hal mid ayaa quseesa soamaliand taas ayaan isku deyeyaa inaan ku fahansiigo intii awoodayda ah.
    marka hore somaliland waxay ahay dal ama jamhuuriyad uu gumaysan jiray england halka dowlada somali uu haystay italy hadaba ssomaliland wax xoriyadeedii qaadatay 26 june 1960 oo aygumaystaha iska kicisay isla wkhtigaa intaanay somalia la midoobin waxa aqoon saday inkabada 32 dowladood oo u aqoonsaday dowlad ku soo biirray caalamka afar maamood gudahoo ama 1 july waxaa xoriyadii qaadatay somalia marka somaliland waxay garaty inay walaalaheed isku biiran oo somalo mid u noqoto taas ayaana ku kaliiftay in dowladii caalamka laga aqoon saday ay ku biirto dowlad aan wali la aqoonsan lakin gumaystihii ka xorowday markaa somaliland waxay ahayd in aya wax ku qaybsadaan sidii laba dowladood taasina may dhicine waxa dhacay wax fool xun oo uu qof walbaaba oo damiir lahiba aanu u bafheedhe karin waxaa goobtaa ka dhacday heshiish aan gorgortan lhayn somalia oo hoygeeda lajoogay markaa muqdisho ayaa taladii la wareegtay iyada oo ka faa idaysanaysa jacaylka somalinimo ee markaa kujiray samolilan ayaa waxay sameesay dowlad ay iska leedahay somalia.somalinad iyada waxaa layiri way jibeesan yihiine iskadhaafa oo dowlada inoo dhisa waxaaana meesha lagu qaybsaday 1.madaxweyne. 2.raysalwasaare. 3.raisal barlaman. caasimadii iyo wasiiradii tayada lahaa oo dhan iyo taliyayashii ciidamada markaa ayay bilaabantay in somliland layiraaahdo qolooyinkii jibayasnaa waxana dhacday in dowladii aadancade dhacdo dowlad markaa dhaanta tii hore oo waqooyiga lasiiyay halxil oo ah kuwii waawaynaa oo ahaa raysal wasaare (mohamed haji ibrahim cigal.)ale ha u naxariistee dowladiisiina ma sii raagin markii dowladii laga dilay madaxweynihii somaliyed waxaa dalkii qabsaday meletery uu hogaaminayay siyaad bare waxayna qabat wax lataaban karo hawba badnaadeen koonfurta e lkn waxay sii waday cadaawada lagu fogaynayo somaliland waxaan lagaaraiiyay in lagi garaaco diyaarado iyo tagaandhi markii somaliland go aan satay inay ka baxdo dulmiga lgu hayo wayna ku guulaysatay inay la soo noqoto marax banaanideedi waxyaabahaas oo dhan ayaa axb ku kaliifay inat somaliland dib ula noqoto dowladeedii lkn somalilnd may bilaabin dowlavdii siyadbare cadaawada e waxay bilaamantay 1 june 1960 waxaan rajeenayaa inaad fhan tay kana garaabi doonto waanad mahad san tahay

    ReplyDelete
  31. yusuf maqaalkan inta tanbe ayaa hiil ah , taas oo talo soo jeedin aad u dirtey dawlada somalia. haddii ay daacaad kaa tahay inaad dhexdhexaad tahay miyaad taas mid lamid ah u dirtit dhanka kale ee dawlada somaliland?

    ReplyDelete
  32. Abdiaziz M. Elmi, jawaabtaada kuma aanan qancin. Anigu Somaliland kama soo horjeedo, hadda waan taageersanahay inay go'do dulmigii ay Koonfur-Soomaaliya kala kulantay awgeed. Waxaan kuu sheegay in lagu duudsiyay awoodqaybsigii(1960). Markii danbena awood milteri loo adeegsaday. Taariikh ha inoo akhriyin sxb, waynu ka wada dharagsannahay, waliba anigu heer jaamacad baan ku bartay arrimaha Geeska.

    Marka is ku day inaad su'aalahayga uun jawaabtooda adoo fikirkaaga ku cabbiraya toos u abbaartid. Hana isku dayin inaad meel kale u du'do sheekada ama ka booddid su'aalaha khadhaadh. Haddaadan fahminna dib u akhri su'aalaha.

    Aadbaad ugu mahadsantahay jawaabtaadana. Ramadan Kariim.

    ReplyDelete
  33. Run ahaabtii Yusuf Garaadow waxaad soo sheegtay waa wax jira oo somaliland samaysay balse wali halka ay sartu ka qudhun santahay ee somaliland na caqabada ku ahi waa midan nidaamka ku dhisan reerka ee hada ka jira somaliland ( CLAN BASED SYSTEM) kaasi oo halbeel ay is door biday inay dalka wax ka tahay beelaha kalena ay u sacabtumaan taasna waa tii Regime kii Siyaad bare ku jabay ee dawladii xooga lahay ku kuftay oo ay kow ka ahayd
    1. Cadaalad daro sidaad adba ka dhawaajisay.
    2. Xasuuq loo gaystay dadka reer woqoyiga.
    intaas iyo inkaloo badanba maanta waa ka jiraan somaliland sidaad sheegtay Gobolka Awdal dawladii Maxamed Siyaad Bare wax xasuuq ah kama qaysan meel ka mid ah lkn waxaa xasuuq lagu hoobtay goor casar gaaban oo dadku iska nasanayaan ka gaystay jabhadii nabadiidka ahay ee afka u riday qarankii somaliyeed ee SNM halkaasna ku dishay mudo saacado ah 540 qof haldoorkii magaalada Borama ahaa iyagaana ka soo galay dhanka xeebta oo weeraro ga gaystay Malagaalooyinka sida Boon, Quljeed Xariirad Jidhi C/qaadir iyo meelo kale oo baadiye ah. Intaa waxaa dheer Buuhoodle iyo laas caanood waxaa xasuuq lagu hoobtay ka gaystay Mamulka somaliland halkaasna ay ku lohdeen dad shacab ah oo la garanayn wax lagu maagay. Somaliland waxay rabtaa aqoonsi somaliduna waxay ku maah-maahdaa ''DOQONTAAN ARDAAGEEDA FIIQIN ARDAA KALE UMA WAREEGTO'' markaa iyadoo gudihii uu jiro tafaraaruf iyo cabasho dhanka saami qaysiga ah waa waxan marnaba u sooro galayn. Dhanka kale somaliland waxay ka koobantahay gobolo ee maaha uun hargasa sidaan ogsoonahay markhaatina ka ahay 99% dhalinyara reer Awdal, gabiley iyo Salal waa ka soo hor jeedaan nidaamkan waxayna taageero u hayaan dawlada federalka arintaas waxay ku tilmaamaan inay somaliland tahay dawlad qabiil aysan ahayn mid qaran,. Waxaan isna meesha ka maqnayd maamul goboleedyo ka jira dhanka woqooyi sida Khatumo, Makhir iyo Awdal state oo intuba shacab dabada ku haya. Intaa waxaa dheer gobolada sool iyo sanaag dawladu waxay ku haysaa qori caaradii taasina maaha mid anfac leh. Inahaas oo iswada birsaday Somalilnad waxay ku noqonaysaa caqabado waa wayn.

    ReplyDelete
    Replies
    1. sxb kayga commentkan bixiyay, aniga wuxuu ila eg yahay ninkii xoosh ee Universal Tv ka lahaa Somaliland waa Hargeisa iyo Isaaq, sxb jawaabtu waa Xamar maxaa yaala iyada ba waxaa ka jira Nibaa Clan based ah, clan kuna meelkasta oo Somaliyi joogto wuu ka jiraaa.

      Lakin, Somaliland waa Qaran marka Hargeisana waa Caasimad.... Ninka intas ku dhimanaya Hada ha ka boodo.

      Delete
  34. MM.Omar sxb waxaan filayaa jawaabta sool iyo sanaag ayaad tebaysaa taasna waa ay jiraan dad aan la dhacsanay jamhuuriyada somaliland meel kastana way kajirtaa in aan laysku raacin dadka sool degaa xaqiiqdii hada 70% way taageersan yihiin somaliland sanaagna 85% way taageersan yihiina mucaaradna meelkasta way leedahay caalamka maanta somalia waxaa jira gobolo kamida oo aan somalia rabin hada sharciga caalamka ayaan u saamaxayn inay kabaxaan xuduudka caalamaka iyo africaba wada an sixissay ee ah kii gumaystuhu u jeexaay africa kaas yaana laguvdhaqmayaa qaramada midobayna aqoon satahay wax weyna haka dhigin somaliland mucarad ayay leedahy waad arikrtaa awooda ay leeyihiin mucaaradadaasi waanad mahadsan tahay

    ReplyDelete
  35. Midnimada Somalia waa muqadas lama taabtaan ah marnaba waa waxan suuro galayn in wadanka la kala jaro lkn se beel ma noqon kartaa Qaran.

    ReplyDelete
  36. Ninka Maqaalkan qorey, Yuusuf Garaad, waa nin aqoon dubla maa siyaded leh wuxuuna u jeeda baraarujin isaga taagiisa laakin saaxiib, Laba qaran oo waa midoobay hadana sii kala socda weeyi.
    SOMALILAND waxay hore u wayday wax kasta oo an jeclayn midnimada awgeed, waxan ku waynay dad iyo duunyaba waxaa la waayay magaalooyin dhisan. waxaa la waayay kumaan Geesi.
    HADA, Somaliland waxay ledahay dawlad dhamaystiran taas oo diyaar u ah qaranimada dalkan in lagu difaaco heer kasta ooy gaadho.

    BAL KA FIKIR, anigu waxaan ahay midka mida dhalinta reer Somaliland ee ku dhashay xiligii qaxa waxaan ku aqliyaystay tiyoo madfaca laga yaacayo waxaanan dalka ku soo noqday tiyoo la iga iga nixiyo FAQASH ayaa so noqonaysa, maantana waxaan ka bartay wax badan Idiolig -jiyada ka jirta Somalia, taas dardee anigu oo ah shakhsi ka tirsan dad ka reer Somaliland maan aqbaleen Midnimo Xamar, xataa hadii wax kasta la i siinayo, WAAYO, waxan ka dharagsanahay waxaa yaala xamar.
    caasimad danbena noo noqon mayso meeshi sida waraabaha dadka habeen madow loo ugaadhsanayay.

    ------ xusuustii iga ma guurin xasuuqii maan ilaawin------
    ------ nin kii xiisanayna yoow xasuuq danbe yeeli mayo ----

    ReplyDelete
  37. Runtii faalo aad uu xiiso badan ayaad Yuusuf halkan inoogu soo bandhigay, aad baan kuugu hanbalyaynayaa. Waxaan kale oo jeclaan lahaa in aan Yuusuf kuu saxo in Suudan kala go’eedu aanu ugu horeyn ka imaan wada hadaladii ay galeen labada dhinac ee waxa suurto geliyay in ay wada hadlaan waxay hayd dhinac madaxweyne Cumar Albashiir oo si kedis goor habeen ah afkiisa looga maqlay isagoo u waramaya barnaamij la dhaho Bilaa xuduud oo uu leeyahay telefiishanka caanka ah Aljazeera inuu u goynayo koonfurta suudaan hadii ay sidaa iyagu rabaan laakin ay tahay uun in ay ka wada hadlaan sidii ay u go’i lahaayeen, markaas ayay bilaabmeen oo laga shaqeeyey wadahadalada lagu gaadhay kala goynta Suudaan. Waxaan filayaa intaas oo kale in ay tahay inta aanu idinka la’nahay inagoo walaaloo ah.

    ReplyDelete
    Replies
    1. yuusuf waxa uu tuseyo somali si qof walba afkaarteda u dhiibato

      Delete
  38. Waxan lagu mashquulay oo dhan waa iska huuhaa, dawlada somalia dagaal ay somaliland ku qaado iyo afti dadka somaliland laga qaado mooyee rajo kale oo ay leedahay ma jirto. Dhanka somaliland marka la eego already bay kasii gaashaanteen somaliland aadbay uga awood ciidan badantahay somalia, ciidamada somaliland 40 kun ka badan waa nearly double the size of kenyan defence forces. Dadka somaliland waa dhalinyaro intooda badan koray intii somaliland jirtay shaki kuma jiro inay u codaynayaan gooni isutaaga.




    ReplyDelete
  39. Somaliya ayaa awal la dhihi jiray waa shan sida calankaba ka muuqata oo ay sadax ka maqan yihiin laakiin xabashida iyo sawaaxiliga waxay ku guuleysteen in ay gudaha jamhuuridii soomaaliya nooga sameeyaan shan soomaaliyeed oo dib u heshiisiin u baahan lagana yaabo in wadahalada soo socda lagu daro in la badalo Calanka xdigta shanta gees leh oo macno ku fadhida si loo iloobo wax kastoo mabaadii.ahaa waxaase ka sii xanuun badan in ay siyaasiyiin aqoonyahan iyo wax garad kaleba arintaas caadi la noqotay iyagoo ama qabiil la xanuunsan ama wax mucaarada is leh ama qolo ha kugu jeclaadeen ka fiirinaya

    ReplyDelete
    Replies
    1. ASC, Waxan jeclaystay in aan runta uga sheego dad commentkooda ku xusay Calanka buluuga ah ee dhexda ay uga taalo xidigta cad ee shangeeslayda ah leh in uu ku fadhiyo macno ah in Soomaaliya tahay shan qaybood, kuwaasi oo 2 ay midoobeen 1960kii, Jabuuti, Soomaalida Itoobiya iyo Somaalida Kenya oo NFD la oran jiray. Dadka sidaasi taariikhda u haystay waxa u sheegayaa in Calanka Buluuga ah ee Xidigta shanta Gees leh in aanu ahayn wax soomaliyi hindistay oo samaysatay balse uu yahay calan la soo min guuriyay oo copy ah macnaa la soo xaday. Nin maamulkii Talyaaniga ee xukungaarsiinta Soomaaliya ka soo shaqayn jiray markii dambana noqday xogahaya gaarka ah ee Aadan Cade EEBE haw naxariisto labadoodaba e ayaa calankan soo min guuriyay. Haddii aad rabto in aad xaqiiqadiisa ogaato fiirso cajalkan youtubeka ah: http://hornwatch4rights.blogspot.com/2013/07/balakhridaawo-adba-yaabiye-asalka.html Barigii hore waxan is dhihi jiray maxay soomaaliya u dagi la'dahay ilayn calan booli ah oo la soo xaday ayaa guudkeeda suran.

      Delete
    2. ASC, Waxan jeclaystay in aan runta uga sheego dad commentkooda ku xusay Calanka buluuga ah ee dhexda ay uga taalo xidigta cad ee shangeeslayda ah leh in uu ku fadhiyo macno ah in Soomaaliya tahay shan qaybood, kuwaasi oo 2 ay midoobeen 1960kii, Jabuuti, Soomaalida Itoobiya iyo Somaalida Kenya oo NFD la oran jiray. Dadka sidaasi taariikhda u haystay waxa u sheegayaa in Calanka Buluuga ah ee Xidigta shanta Gees leh in aanu ahayn wax soomaliyi hindistay oo samaysatay balse uu yahay calan la soo min guuriyay oo copy ah macnaa la soo xaday. Nin maamulkii Talyaaniga ee xukungaarsiinta Soomaaliya ka soo shaqayn jiray markii dambana noqday xogahaya gaarka ah ee Aadan Cade EEBE haw naxariisto labadoodaba e ayaa calankan soo min guuriyay. Haddii aad rabto in aad xaqiiqadiisa ogaato fiirso cajalkan youtubeka ah: http://hornwatch4rights.blogspot.com/2013/07/balakhridaawo-adba-yaabiye-asalka.html Barigii hore waxan is dhihi jiray maxay soomaaliya u dagi la'dahay ilayn calan booli ah oo la soo xaday ayaa guudkeeda suran.

      Delete
  40. somaliland way helaysaa aqoonsiga somaliya iyo somaliland in laysku khaldo maaha yuusuf garaadna waa run wuxuu sheegayaa bosol sano haday gaarayso somaliland lagama yaabo in ay somaliya daba fadhiisado

    ReplyDelete
  41. ASC, Waxan jeclaystay in aan runta uga sheego dad commentkooda ku xusay Calanka buluuga ah ee dhexda ay uga taalo xidigta cad ee shangeeslayda ah leh in uu ku fadhiyo macno ah in Soomaaliya tahay shan qaybood, kuwaasi oo 2 ay midoobeen 1960kii, Jabuuti, Soomaalida Itoobiya iyo Somaalida Kenya oo NFD la oran jiray. Dadka sidaasi taariikhda u haystay waxa u sheegayaa in Calanka Buluuga ah ee Xidigta shanta Gees leh in aanu ahayn wax soomaliyi hindistay oo samaysatay balse uu yahay calan la soo min guuriyay oo copy ah macnaa la soo xaday. Nin maamulkii Talyaaniga ee xukungaarsiinta Soomaaliya ka soo shaqayn jiray markii dambana noqday xogahaya gaarka ah ee Aadan Cade EEBE haw naxariisto labadoodaba e ayaa calankan soo min guuriyay. Haddii aad rabto in aad xaqiiqadiisa ogaato fiirso cajalkan youtubeka ah: http://hornwatch4rights.blogspot.com/2013/07/balakhridaawo-adba-yaabiye-asalka.html Barigii hore waxan is dhihi jiray maxay soomaaliya u dagi la'dahay ilayn calan booli ah oo la soo xaday ayaa guudkeeda suran.

    ReplyDelete
  42. Isku soo laabasho majirtee halaka foofo...qasab majiro adunkan taiwan ba wataas dadkeedi dhinac ka raacdeey

    ReplyDelete
  43. yuusuf graad runta halkeeda ayuu ugu tagaa waa nin xogbadan haya runtii oo soomaalida ku saabsan takale somaliland si kastoo loo qariyo horuumarkeeda iyo wanaageedu isma qarindoono oo waa mid iska muuqata waxaan weydiin lahaa yuusuf garaad in uu ku soo daro sababaha ay puntland ugu fashilantay doorashooyinkii koley hadiii uu dimuqraadiyad ka hadlay waynu ognahay somaliland in ay tahay wadan doorasho u goo go'ay markastoo mid laga boxo midkale dhalato markaas taasi cidna loo tilmaamimaayee su'aasha isweydiinta lehi waxay tahay yuusuf hadii loo dooran lahaa madaxweynaha somalia sidaa iminka somaliland ma ugu qirilahaa dal xora in ay tahay

    ReplyDelete
  44. Ascw.. walaalkey Yusuf Garaadow Mahadsanid qoraalada aad baad uga hadashey Somali land iyo horumarkeeda waxbadanbaan kugu raacsanahey.oo ad runta ka sheegtya.. walaalow nin aan ad u tixgaliyo baad tahey maxaa mar walba cida gooni ah aad qoraaladaada ugu weerartaa.. Tusaale ahaan markaad leedahey dad qooxti ah oo ethipia ka yimdi baa dhib badan u geystay isaaq ama somaliland maxaytahey ujeedadaada ma ciidamadii qarnaka Somalia ayaa Qooxti ku ahaa hargeysa..... waa arin laguu xisaabin doono qaladkada aad ka galeyso beelaha qaar somalia Mahadsanid

    ReplyDelete
  45. ASC.dhaman umada islaamka ah marka xigta walalkay abdala mahdi iyo inta la fikirka ahba waxaan jeclahay inaan usheego yuusuf garaad inuu yahay shaqsi haya xog badan oo guud ahaan soomalida muhiim u ah maqaalkan uu somaliland iyo somalia isbar bardhiga kusamaynaayona wuxuu kaga hadlay waxa jira ama fikirkiisa ah ee hadii aad qabtaan fikir kaas kaduwan idinka oo aan meel uga dhicin shaqsiyadiisa iyo fikirkiisa soo qora oo aan idinla aragno wswm

    ReplyDelete
  46. yusufow, nin-yahow qoraaladaada u fiirso. kolkaad qoonsato akhristayaashaada qoraalkooda, durba waa tir-tiraa. adiga kaaga yaa looga dacwoodaa.isagoo waliba aflagaadaynaya beelaha somaliyeed qaar. hadii uuna xaalku ahayn.lama canaantaabaa caanihii daadiyay. Somaliland waxad ku amaantay arimaha dibada. khasaare ka badan muxuu yahay , aqoonsi ay daydayayeen in kabadan 20 sano oon lahelin.Ethiopia ayay isagu dhawyihiino aqoonsi way u diiday. teeda kale qaxootiga somaali ugu cimriga dheeri wuxu kayimid Gobalada waqooyi. lagasoo bilaabo 1987kii ilaa maalinka maanta ah waxay degan yihiin dawlad deegaanka somalida Ethiopa sida magaalooyinka Harta shiika,Qabri Bayax ooy ku rafadsanyihiin. Somaliland wali kumay guulaysan inay celiso. waa marakan labo kaliya kataabto arimaha ugu muhiimsan dibada.gudahana kasii daran hadii xaq loo hadalayo. haa way haystaan nabad galyo aan southka soomaliya oolin. lakin macnuhu ma aha wax walba waa shaxshax. teeda kale yuusufow, maxaad u sheegi la'dahay siyaasiyiinta reer somaliland ee rugcadaaga ah ee kasoo horjeeda kala go'a soomaaliya ileen kolayba sheegtay qabsashadii Sool&Sanaagbe? intaa waxa iidheer yuusufoow,doodaan aad ladhacday ee katimid Somaliland e ah Xuduudaha sidii Africanku kaga tagay haloo daayo. Somaliland Ma ogala . tusaale aan kusiiyee dadaka waqqoyiga jooga ugu yaran badhkood waxay kayimaadaan kililka .bal arinkan ha ogaalaato inay dad kusoo hadhaan Somaliland.Somaliland xaga Soomaaliyana way rabtaa in xuduuda la'aqqnsado xaga kililkana waxay rabtaa dadka jooga inay Kuxidhnaato qabiil Ahaan . waa sheekooyinka mashaqadu kahaysto dadkan aad ku amaantay garashada dheer.

    ReplyDelete
    Replies
    1. Badaw geel jire adiga cuqdada sida gaarka ah kuu haysaa waa maxay, somaliland horumarkay samaysay hadii lagu amaano maxaa kaa xumaanaya adiga, qaxooti hadii lagu sheegay dadkii deganaa somaliland waqtigii kaligii taliyihii siyaad bare,miyaanay ahayn qaxooti waliba lagu hubeeyey dadkii maganta siiyey...Harta sheekha mida kale dadkii u dhashay baa degan qaxooti kuma aha, horena way u deganaayeen walina way degan yhiin waanay deganaan doonaan, adigu calooshaada soo nadiifi bal.

      Delete
  47. Saaxiibbada dhibsaday kelmadda qaxooti in uu joogay Gobolladii berigaa loo yaqaannay Woqooyi Galbeed iyo Awdal, waxay u baahan yihiin in ay taariikhda dib u baaraan. Saddexda magaalo ee Berbera, Hargeysa iyo Borama waxaa ku sugnaa qaxooti aad u fara badan oo ka soo qaxay Ethiopia oo ay gacanta ku hayeen UNHCR iyo Hey’addii Qaxootiga Qaranka ee Soomaaliya. Qaar badan Soomaali ayay ahaayeen, laakiin waxaa aad ugu badnaa Oromo iyo qowmiyado kale. Ceeb ma ahan qaxootinnimo ee waa xaalad. Soomaali oo dhan ayaa xilliba degaan gooniya uu barakac ama qaxootinnimo ay soo soo food saartay.

    ReplyDelete
  48. Garaad salaan sare. Anigoo ah nin Absame ah, waxaan rabaa inaan arrinka qaxootiga ee laga cadhooday mid ku darsado. Dowladihii ka horreeyay kacaank ee Somalia waxay taagnaayeen in soomaalida deggan Itoobiya iyo Kiiniya ay yihiin ajaanib, walow aqoonyahannadii Itoobiya kasoo qaxay 1964 ay ka faa'iidday jamhuuriyaddii curdunka ahayd.

    Kacaankiina wuxuu qaadtay in qowmiyadda soomaalidu ay wada yihiin Muwaadiniin Soomaaliya ka tirsan. Beesha Absame waxay lahayd Saraakiisha sarsare ee Soomaaliya kuwa ugu badan marka beelbeel loo xisaabo. Laakiin shatiyada ganacsiga waa laga ilaalin jiray.

    Yuusuf Garaad taariikhda dib u ma qori karo, laakiin wuxuu awoodaa inuu dhinac ka arko ama dhinac qariyo ama siduu Ilaahay ku ogyahay uga warramo. Taasna Ilaahay ayaa kala xisaabtamaya hadduu khaldo, laakiin fadlan qabyaaladda ha la iska daayo. Yuusuf Garaad waa shakhsi xor ah, ee u daaya xornimadiisa. Innaguba intaasaynu afuufaynaa qabiilkiisa, innagoo waxa laga tirsanayo u labajibbaarayna.

    Colaaddii ka dhaladtay qaxootigii uu Siyaad Barre(AHN) u diiday inay degaan dhul Daarood ayaa qeyb ka ahayd colaadihii qabaa'ilka ee burburiyay Somalia. Waad ogtihiin qaxootigii koonfurta joogay ee wabiga lagu guray ama kuwii waqooyiga wixii ay SNM ku samaysay.

    Sxb soomaali nin nin caano iyo malab waraabiyay ma jiree dakharradii dagaalka sokeeye oo wajiyo badnaa laga ma heshiin la is mana cafin. Lamana illoobin. Xalkuna ma aha in la qariyo ee waa in la jeexjeexo, dibuheshiinna laga gaadho.

    Yurub waxaan dugsiyda ku barannay ee ay isku sameeyeen ayaa kun jeer ka foolxun kii soomaalidu isku samaysay. Waana laga gudbay. Lamana qariyo, ee facyada soo korayaa dugsiyada lagu baraa, si ay u ogaadaan taariikhdooda.

    Hadduu jiro nin qabiilkiisu ceebkasaliim yahay oo dhexdiisa ama deriskiisana aan dhib ku samaynnin(oon ka ahayn beelaha laga tirada badanyahay), fadlan ha inoo sheego, waanan uga mahadcelinaynaa cilmigaas uu nagu kordhiyay.

    Ug danbeyn Garaadka waxaan u sheegayaa in aanu xaq u leennahay, in wixii aannu qoonsanno ama aanu khalad u fahanno aannu kugu qabsanno. Adna sharaftaadu waxay ku jirtaa inaad naga qanciso. Mar walbana waad qancisaa ciddii wax qoonsata. Waanad ku mahadsantahay.

    Ramadaan Kariim.

    ReplyDelete
  49. Yuusuf Garaad maqaaal dheer oo dhinacyo badan taabanaya ayaad qortay waxyaalo badan oo xaqiiqo ahina ku jiraan, dhinac markan anigu fikradayda ka eego waa kashifaad aad banaanka ku soo dhigayso dariiqa cusub ee somaliland qaaday iyo miisaanka ku soo kordhay,...dhinaca kalena waxan u fahmay inaad adigu ku xod xodanayso dawlada somalia inaad ka mid noqoto dadka siyaasadeeda gacanta ku haya, si aad uga hortagto arimo aad u aragto inay somaliland ku talaabsan karto oo danaheeda ah.

    ReplyDelete
  50. Yusufow, waxa la dhibsaday qaxooti ma aha, waa markhaati kaca aad ka markhaati kacday inuu qaxootigu ka qayb qaatay xasuuqii shacabka waqooyi galbeed. waana wada garanaynaa dadka loola jeedo. waxba yaynaan Oramo meeshi keenin. bal dib u fiiri hadalkan aad qortay "Doodaha Soomaaliland waxaa ka mid ahaa in la xasuuqay dadka Somaliland oo Qarankii Soomaaliya uu u adeegsaday ciidankii dowladda oo wata madaafiicda goobta, dabbaabado iyo dayaarado, welibana adeegsanaya calooshood-u-dirir ajnebi ah iyo qaxooti ka yimid Ethiopia. Waa dagaal aan aniga lafteydu 1989 iyo 1990 aan indhaheyga ku arkay qaar ka mid ah xad gudubyadii dadka rayidka ah loogu geystay Hargeysa, Berbera, Burco, Beer iyo weliba Borame iyo baadiyaheeda ilaa tuulooyin Awdal ka tirsan oo ay ka mid yihiin Qolujeed, Xaliimaale, Boon, Weeraar iyo Beysaarre." xageed ku aragtay qaxooti ka qayb qaatay dagaalkaas? hadalka probaganda SNM ay doonayso inay ku duudsido dhibkii ay iyagu u gaysteen qaxootiga oo u dhimanayay kaliya dawladii Siyaad bay isku qolo yihiin ayaad run ka dhigaysaa adiga oon arag ama waraysan dadkii qaxootiga aha ee la baa'biyay . marka wadaayow arin aadan ogayn ha dhex dabaalan. maxaadse u tagi wayday qaxootiga meeluhuu daganaa si aad u ogaato dhibaatada loo gaystay iyagaba?

    yusufow gaban-gaabsi la'aanta aad ku sheegtay wasiirkii Somalia uga qayb galay shirka , oo kalaa qoraalkaagan kidh ka ah.
    1. Eratria iyo South Sudan iyo Somaliland maxaa isla mid ka dhigay? Eratria , Ethiopaya ku duushay oo qabsatay. South Sudana, Brtitish baa madax isku galiyay. Somaliland laakiin Somalidii dagnayd Britishka jihaad bay kala hortageen. maxay ahayd Draawiishi hadii maanta la ogalaanayo shalay guumaysigii wixii laga diidaday in maanta la ogaalado oo ahayd kala qayb-qaybinta. xusuusnow beesha maanta xukunka Somaliland haysa way kasoo horjeedeen dagalkii lagula jiray in guumaysiga wadanka lagaga saaro badankood. maantase waxay rabaan in la aqbalo xuduudihii uu katagay. intaa waxa dheer Somaliland iyada ikhyaarkeeda u timid ulana midowday Somaliya. mana aha inaan hal qoys doodiisa meesha soo dhigto.

    xaga hal wasiir bay leeyihiintaada . miyaadan ogayn in 4.5 wax lagu qaybsaday oo beesha ay kamidka yihiin tahay pointiyada ugu muhiimsan qaatay 65 xildhibaan, wasiiro, iyo kuxigeeno. waliba hadaad tirso dadka waqooyi kasoo jeeda ee dawlada ku jiro beel kasta xisaabiso iyaga ugu badan .hadayse sida hadalkaaga ka buuxda aad ujeedo beesha Isaaq, ninyahow bal raadi qabiil kale oo Somaliyeed oo Wasiir ka badan ku leh. qaarbaaba halna ku lahayn.

    waxaanse ina Aaboow, aad ula yaabay waxa aad u qarinayso Siyaasiyiinta cul-culus ee kasoo horjeeda in Soomali lakala gooyo.Cali khaliif waa rug cada, waa saxiibkaa, waa professor, waana reer Somaliland , isaga Xageed raacisay, kawaran Khaatumo, Maakhir, iyo wilba Awdal State? oon doonayn in Somali lakala jaro.

    ugu danbayntii fikradaada xaq baad u leedahay. laakiin, dhacdooyinka taariikhiga ah ee lamarin habaabinayo cidna uma fiicna aw- yuusofow ina aabo.
    mahadsanid

    ReplyDelete
    Replies
    1. Saaxiib hadalkaaaga waan akhriyay waanan fahmay. Waan arkaa in aad keyga akhrisay, waxaanse jeclaan lahaa in aad u fiirsato oo aad fahamto. Anigu marnaba kama markhaati kicin, mana beenin in qaxootigii woqooyiga joogay uu ka qeyb galay dagaalkii SNM iyo Dolwadda. Waxaan ku tilmaamay doodda Somaliland in ay sidaas tahay.
      Waxa aan anigu arkay waa xad gudub loo geystay dadka berigaa degganaa degaannada aan meesha ku qoray. Tan ku saabsan sida wax loo qeybsaday anigu Golaha Wasiirrada ayaaan ka hadlay ee baarlamaanka kama hadal. Cali Khaliif iyo siyaasiyiinta kale ee ka soo jeeda degaanka Somaliland ee doonaya midnimada Soomaaliya in ay jiraan waan ogahay, waana aniga sheegay in lagu qadiyay xukuumadda hadda dhisan marka laga reebo Wasiirka Dibadda. Qormadeydu kuma saabsana arrimaha Soomaaliya oo dhan ee waxay ku saabsan tahay miisaanka u soo kordhay Somaliland.

      Delete
  51. ugu horreyn asc
    yuusuf garaad waxaan kaaga mahadnaqayaa sida quruxda badan ee aad daaha ugu qaaday xaalada dhabt ah ee ka jirta 2 dal somaliland iyo somaliyaba, runtii waxaad iftiimisay oo aad si waadaxa u ibbo furtay, arrimo badan oo u baahnaa in dadka loo sheego. waxaan aad ugu faraxsanahay sida qiimaha leh ee aad noo deeqsiisay maqaaladaadan xaqiiqada ku salaysan adiga oo aan dhinac qudha wax ka eegin. waxaad tahay qof xog-ogaalaha oo warkooda haya wax badan oo maanta dahsoon, waan rajeynayaa inaad halkaa ka sii waddo soo bandhigida faalooyinka xaaladaha murugsan ee ka aloosan dhulka somalidu degto iyo dunida kaleba.

    ReplyDelete
  52. In la kala fikir duwanaado waa dabeecada bani'aadamka, waxaase wanaagsan in dhinacyo badan wax laga eego. Arrinta Somaliland iyo Somalia, waxey ku qurux badan tahay aniga fikirkeyga sida ay ila tahay in midnimada la adkeeyo. Jarmalka oo hormuud u ah dhaqaalaha bahweyn Midowga Yurub, caalamkana kaga jira kaalinta afraad, ayaa u arkey inaanu kaligiis noolaan karin, sida himilooyin badan ugga jibo keenay ayuu xulufo badan raadiyey, deetana uu qeyb ka noqdey Midowga Yurub.

    Midowga Yurub yaa ku jira? Waxaa kujira dalal ay kamid yihiin Faransiiska, Talyaaniga, Belgium, Holland iyo kuwo kaloo badan. Bal isweydii Soomaaliya, oo dadkeedu yar yihiin laguna sheego toban "10,000,000", aqoonteeda aan og nahay heerka ay joogto ee liidata, dhaqaalo haba sheegin, cudud ciidan maba jirto, marka laga reebo iney jiraan kuwo reero reero iyo jibsin jibsin u dhisan, oo aan wax badan ka galin awoodaha dunida ku loolamaya. Marka aniga waxey ila tahay inaan bal daganaan u dhuganno inahaas, kadibna aan ka fekerno mustaqbalkeena. Qalad waa dhacey, waana la sixi karaa, aan is daba qabanno, inagaa is dhalannee, aan is oggolaano. Siyaasiyiinta mujtamaca ha u turaan, daneysigana ha yareeyaan.

    ReplyDelete
  53. Aw-yusufow, in ka badan 20 jeer baan akhriyay qoraalkaaga waana fahmay. Hayeshee, siyaasi baad tahayo way adag tahay inad garowdo. Siyaasigu waa labo.midka koobad, wuu garaaba, sida dadka caadiga ah bu ogyahay in qalad kadhaco,runtuu sheega, wuxuse dhexlaa inuusan meel fog ka gaadhin siyaasada. Midka kale, inta kan koobad o dhan ma sameeyo hadaladiisana waxa ugu badan, sida uma jeedin, qalad baad ufasiratay, midna eeda masaarayo, isago la 'fahmay yuu dhahaa an isfahano iwm. Kani waaka ilaa heer madaxwayne gaadha. Ina aabow, kan danba iiga kaa muuqda waxanse ilahay ka baryi in qalbigaaga dadkaaga o dhan wanaagooda ku tuso hadiiba aad nasiib u yeelato inaad xukun somali u qabato. Waadna ku mahadsantahay jawaabahaga.

    ReplyDelete
  54. Said Hassn Anteno, wxd tahay ni da' yar oo qalbi fiican. Jabuuti dadkeedu 10%, dhulkeeduna 5% ka ma dhanna Soomaaliya. Dad/dhul Yaraan kaliya isku dowlad looma ahaan karo haddaan la is aamminsaneyn. Derisku(Kiiniya, Itoobiya iyo Jabuuti) waa wada kala af, diin iyo isir.

    Saddexda qabiil ee ugu weyn Soomaaliya Dir(Isaaq), Hawiye iyo Daarood way kala aammin baxeen. Isaaq labada kale inuu ka go'uu rabaa. Labada kalena inuu midba midka kale ka u awood sheegtuu rabaa. Ha isu adeegsadaan shaadh dowladeed, shaadh diimeed ama ciidan shisheeye.

    Ka warran haddii aynu u kala googo'no dalal yaryar oo kala calan kala xuduud iyo kala ciidan ah? Laakiin ku midooba dhaqaalaha(isku lacag), waxbarashada iyo caafimaadka sida EU?

    ReplyDelete
  55. Badow Geeljirow, sxb Yuusuf Garaad waa Aadame. Cirka kama soo dhicin waa muwaadin soomaaliyeed oo qabiil ka dhashay. Waxa calooshiisa ku jira nama khusayso, Ilaahaybaa ugu talo galay in la kala asturnaado.

    Cid walbaa khalad way gali kartaa, lkn u malayn maayo nin aqoonyahayan ah oo waliba si xirfadaysan wax u qori yaqaan, inuu qoraal fagaare ah uu diyaar u yahay qabiil duro/duudsiyo.

    Somaliland eedahay tirsanayso in la sheego waa xaq. Sidoo kale kuwa laga tirsanayo waagii SNM ama maamulka hadda jira ka gaysto gobollada qaarna in la xusi waayo caddaalad ma aha.

    Taas waxaan xusuusinayaa Garaadka, inuu qoraallada danbe ku xuso. Waayo qolo/maamul kaligeed dhibbane ah taariikhdeennan dhaw.

    Waad mahadsantihiin. Ramadaan Kariim.

    ReplyDelete
  56. Wan ku salamay YUSUF. Wad ku mahadsanatahay in aad qortay qormaddaan. wan akhriyey wana fahmay in badan wax yaabaha aad ka hadashay in ay yihiin sida wax u jiraan. waxaan qabaa in aad dadaashay lkn aadan xaqiiqda Somaliland taal weli wax kaaga dhiman yihiin. waa dhici kartaa dadka faalooyinka bixiyey in ay qaybtood muujiyeen wax yabaha aad ka tagtay.

    Kuguma raacsani in Somaliland marka ay Sool qaybo ka mid ah ka qabsatay Puntland, taas ay ka dhigayso in somaliland gaartay xuduudeheedii. Waxa loo yaqaan Soomaliland oo ah dhul beri gumaystihii Ingiriisku ka talin jirey loogu yeero. dhulkaa xuduudiisu waa ka wayn tahay inta hada uu ka taliyo Maamulka somaliland. Wax mar akhriyey in aad tagtay dhamaan gobolda soomaliya oo dhan, weliba aad gaari ku martay, haddaana qaldanayn. Gobolka Sanaag waxaa Gobolka labaad marka lagareebo gobolka Bari xaga waynaanta Gobolada Somaaliya. Maamulka hada fadhigiisu yahay Hargaysa waxaa uu ka taliya sanaag in ka yar 15% baaxada gobolka sanaag. taas macneheedu waxaa weeye dadka halkaa allaah ku beeray in aaney aaminsanayn wax la dhoho somaliland. waa jiraan dad sanaag u dhashay oo maamulkaa ka mid ah lkn waa dad u shaqategay halkaa . sidoo kale Sool iyo qayb a mid ah Togdheer kama talaiyaan .
    waxaan qabaa in ay tahay arinta somaliland beel ka midda beelaha somallidda oo doonaysa in ay ka go'aan beelaha kale ee soomalida. aaneyna haboonayn in sidaas loo sii buun buuniyo. tabashada beeshaasina waa wax laga wada hadli karo. lkn aad ayaan kuugu raacsanahay in Dowladda somalida, wufuuda uga qayb gelisaysa wadahadaladaas ay yihiin kuwa aad u tayo liita, marka loo barbar dhigo qoladaan reer waqooyiga.

    Markale mahadsanid.

    ReplyDelete
  57. SALAAN YUSUF GARAAD FIKIRKAYGA anigaa markan egaay waxad qortaay dhanbaal ficaan somaliland waay adaag tahay sidaay somaliyaa uguu biirto waayo anigaa walaahy waxan dhagaay 1991 waxanan kusoo koraay dhibaato badaan oo xagaa nolasha aaah waxan kuu garaad sadaay somaliland waligaay maan araag cakanka somaliyaa waxan arkaay calanka somaliland waxan iskula kusoo bartaay calanka somalilan markaa anigaa waay adaag tahay sidaa laygaa dhadhiciyoo somaliya ayaad ka tirsan taahaay waayo aniga hadaan ahay somaliland ama waaqoyi somaliya waxba kamaa ihii waxan ka ahaayn ciidlaa

    ReplyDelete
  58. taas maaha mid aan filaynay sababtoo ah aad ayaan ugu han weyneen ahmed ismail anagoo dhalinyaro qurbo joog ah ayaa waxaan tijaabinay tageerada musha raxiinta waxana cadakeenu garayeen ugu yaraan inkabadan sedeetan dhalinyaro ah o isugu jira dumar iyo rag oo jecel samaha katalinta aayaha iyo mustaqbalka somaliya waxaan isku raacnay sadex meelood in ahmed uu istaahilo maanta lakin markii uu guul daraystay waxaan isniri bari ayay imaanaysaa lakiiin waxa uu hada kudambeeyo waxay muujinaysaa somalidu saiyaasi culumo iyo in ay meel dhow wax ka arkaan taasna waa mid niyad jab ku abuurayso jiilka soo socda

    ReplyDelete
  59. Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com

    ReplyDelete
  60. YUUSUF GARAAD waa runtaa somaliland waxa ay u diyaasantahay ka mira dhalinta yoolkeeda aqoosiga dowlad madaxbanaan, somalia na waxaa la muuqda dabacsanaan iyo diyaar garowla’aan.
    Hadaba maxaa la gudbion somalia madaama dooda somaliland ay cadahay?
    Aniga aragtidayda waxaan qabaa in somalia miiska wada hadalka la imaato faa’iidooyinka ay leedahay midnimada iyo faa’iido darada ay leedahay kala go’a labada dhinac ayadoo u saaraysa aqoonyahano waayo aragnimo u leg howsha meesha taala.

    ReplyDelete
  61. YUUSUF GARAAD waa runtaa somaliland waxa ay u diyaasantahay ka mira dhalinta yoolkeeda aqoosiga dowlad madaxbanaan, somalia na waxaa la muuqda dabacsanaan iyo diyaar garowla’aan.
    Hadaba maxaa la gudbion somalia madaama dooda somaliland ay cadahay?
    Aniga aragtidayda waxaan qabaa in somalia miiska wada hadalka la imaato faa’iidooyinka ay leedahay midnimada iyo faa’iido darada ay leedahay kala go’a labada dhinac ayadoo u saaraysa aqoonyahano waayo aragnimo u leg howsha meesha taala.

    ReplyDelete
    Replies
    1. Warkada wa ka dhergay lkn waxa jira wax ay uu kala duwanyihiin Eritira South Sudaan iyo Somalilnd wa mide malahan o lama haayo quwado waaween oo gadaal ka riixaya qadiyada Somalilnd wa laboe lama haayo dowlado jiiraan ah oo maanta diyaar u ah Taagero la siiyo gobol ka go'ayo dowlad Afrikan ah oo Xuduud kulawadaagto iskaba daaye Caalamka wuxu arkaya labadii dowladood ee ugu dambeeyay ee la ictiraafo meesha ay maanta taaganyihiin amni ahaan dhaqaala ahaan iyo dimoqradiyad ahaan, Siwirka guud ee maanta ka hor muuqdo Somalilnd ma ahan midkii ay ku haminayeen.

      Delete
  62. Yusufow salaan marka hore, Somalia waxaa ka dhacay dhib sida aad sheegtayba waana kala xanun badan yahay, wllheen somaliand waxaa gaaray dhib wayn waxaana sabab u ahaa rag shaar dowlad gashnaa oo waliba ay qayb ka ahaayeen tag reer Somaliand ah, waxaa ku jiraa dad qaba reer somaliand inay mudan yihiin raali galin iyo qancin, lkn waxaan qabaa inaysan maanta ahayn waayo reer somaliand afsomali ku qanci maayeen somalia dhibbaa ka jira waxaan qabaa in somalida kale marka hore iska soo xooreeyaan dhibka jira oo ugu horeeyo nabadiidka, wixii intaa ka danbeeyo reer koofureed waxaa u furan inay somaliand u tanaasulaan haday xil ahaan leheed iyo hadii ay maal ahaan leheed, inta kasii horeysana reer somalaind lagu wado wada hadalada jawiga dagan ah oo ku saabsan daris wanaaga, isku furka dhaqaale, hadalada xanafta leh oo la iska daayo. Mahad sanid

    ReplyDelete
  63. Siyaasadda arrimaha dibadda ee soomaliland sideed immika u aragtaa?

    Wax iska beddelay se majiraan?

    Sidee bay kuula muuqataa rajeda somaliland --ee ah aqoonsi raafiska-- haddii ay isku af-garan waayan shirarka ay la galaan soomaliya?

    Sidee ayey suurto gal ku noqonasaa, aragtidaada, in ay soomaliland ku noqon karto waddan iskii u madax bannaan? -waa haddii in uun ay suurto gal noqon karto e!- dhankaaga markaad ka istaagto.

    F.G: waad iska dayn kartaa, ka jawaabidda su'aal kasta oo aad u aragto inaanay munaasab ahayn inaad ka jawaabto ama si kale aad u gu aragto in laga haboon yahay ka jawaabiddeeda.

    Waxaan se filayaa, inaad qaar ka mid ah ka jawaabi doontid. Waayo, waan kugu bartay ka jawaanidda su'aalaha. Qaar kalena qormo nooga soo diyaarin doontid. Mahadsanid. way wacnaan lahayd haddii ay hal-doorku sidaada oo kale ahaan lahaayeen (ku ra'yi' dhiibashada qalinka iyo qoraalka) mar kale, mahadsanid.

    Waan ku faraxsanahay inaan ka mid ahay dadka ku xidhan ee dhugta qormooyinkaaga.

    ReplyDelete
  64. Aqoon yahan Yuusuf Garaad aad baan kuu salaamayaa, Runtii waa Qormo si cajiib ah oo Farshaxannimo ka Muuqato u diyaarsan, Bal sè Marka la eego xilliga imminka lagu jiro waxaad mooddaa in wax badan is dooriyeen intii M/Farmaajo iyo M/Muuse Kala qabteen Hoggaanka labada dhinac. Siyaasaddii Arrimaha dibadda ee S/land na way soo jilicday oo soo debecday, halka Caalamkii u heellanaa kolkii hore dhegaysigooda aad Moodda inay hadda Midnimada Soomaaliya u xaglinayaan oo danaynayaan.

    Waad na mahadsan tahay Mudane.

    ReplyDelete
  65. Yuusuf garaad qormadan inabadn baa kasoo wareegtay 8sano garaafkii siyaasaduna wuu isbadalay gabi ahaantiiba waxaad malintaa hore aad sheegtay in somaliland tudhtudh roontahay xaga besha calamka iyo arimaha dabadaba lkn maanta garaafka siyaasadu xaga somaliyad mooda inuu la jiro hadaba waxaa is waydiin mudan majahadaha siyaasadu malaga yaaba inay xaga somaliland usoo kacaan hadii ay taasi dhacdo waxay ilatay in markaa somaliland toos uheli doonto aqoonsiga waxaan aaminsanahay in 11sano kadib somaliland hali doonto aqoonsiga ama markay somaliland 40sano jirto waayo waxaa kala badanya intay mideesnayeen iyo intay kala maqnaayen oo mid nimadu 30sano ayeey ahayd waynu eegi doona mustaqbalka hadii illahay inadaayo ana dadeydu waxqtigaa waa 34jir

    ReplyDelete