Tuesday, 27 May 2014

Amniga Qaranka


Dherigii Fara Badiyaa waa hee?

Inqaasta Yusuf-Garaad

Ammaanka waxaa fashiliyay ma ahan oo keliya aqoon la'aan ammaan ama dayacaad xilkiisa oo ah waxa lagu eedeeyay Wasiir Guuleed, oo isagu si geesinnimo leh xilkiisa isaga casilay. Haddaba si loo sugo amniga waxaa ila habboonaatay in aan aniga talo igu baaqan.

Markaa aniga oo ku halqabsanaya Ra’iisal Wasaare Cabdiweli Shiikh oo aan taageersan ahay, ayay ila tahay in la is weydiiyo tallaabooyinkii Ammaanka ee la qaaday tan iyo 2012 oo dhan in dib loo eego. Ammaanka ma uga raayeen mise waa uga dareen.

Qaar aan ka warqabo waxaa ka mid ah beddelaaddii Taliyayaasha Ciidanka oo dhan, Abbaanduulihii militeriga iyo Taliyaha Waaxda Dembi Baarista Booliiska (CID). Waxaa kale oo ka mid ah Generaal-ladii tobaneeyada ahaa ee laga fariisiyay Nabad Sugidda. Waxaa ka mid ah ciidankii iyo saraakiishii howlgabka laga dhigay.

Intaas oo dhan marka laga soo tago waxaa jira caqabad taagan oo Ammaanka gelineysa jahawareer iyo mid aanay sahlanayn in la sugo gaar ahaan Muqdisho.

Silsiladda Amarka

Wasaaradaha Amniga iyo Arrimaha Gudaha waad kala saarteen taas oo aan sahlayn howsha. Waxaad Magacowdeen Guddoomiyayaal Gobol oo aad sheegteen in ammaanka ay ayagu mas’uul ka yihiin. Bal si deggan u fiiri. Taliyaha Nabad Sugidda iyo kan Booliiska ee Gobolka  immisa nin ayaa xukuma oo ay warbixintooda siiyaan? Ka sokow in ay iyagu wada shaqeyn yeeshaan.

Waxay tahay in ay u warbixiyaan Taliyayaashooda oo iyaguna u warbixiya Wasiirka Aminga iyo Madaxweynaha oo ah Taliyaha Guud ee Ciidammada. Waxaa kale oo ay hoos tegayaan Guddoomiyaha Gobolka oo isagu hoos taga Wasiirka Arrimaha Gudaha.

Intaas oo dhanna waxaa dheer militeriga oo isagu xudduudaha Soomaaliya aan ilaalin ee ka dagaallama gudaha dalka, oo hoos taga Wasaaradda Gaashaandhigga.

Waad fahmi kartaa, iigana xog roon tahay in habkaasi dhalinayo iska-daba-noqod maamul oo aan loo baahnayn. Waxaa kale oo uu keeni karaa iska daba shaqeyn maaddaama aan intaas oo Madax ahi isu wada laab xaarnayn sida aan ognahay.

Iskaba daa dalka oo dhan ee Ammaanka Muqdisho yaa ka mas’uul ah? Haddii su’aashaas la idin weydiiyo ma hubo in aad adiga iyo Madaxweynaha midkiinna hal magac uga jawaabi karo. Haddii gooni gooni la idiin weydiiyana ma hubo in aad isku jawaab ka bixin lahaydeen.

Ma Duqa Magaalada oo hoos taga Wasiirka Gudaha ayaa ka mas’uul ah? Hadday saas tahayse Wasiirka Amnigu muxuu mas’uul ka yahay? Mise Taliyayaasha Nabad Sugidda iyo Booliiska iyo Militeriga? Ma Wasiirka Aminga mise Wasiirka Difaaca? Mise Madaxweynaha oo ah Guddoomiyaha Guddiga Amniga Qaranka?

Ma is weydiiseen intaas oo dad ah oo barbarro siman u wada shaqeynaya ama isugu warbixinaya in loo baahan yahay in ay Amniga faraha la wada galaan? Haddii dhib kale aanuu ka imaan yaa go’aanka qaadanaya? Meeqa mas’uul ayaa tashanaya inta aan tallaabo la qaadin? Xaaladda ay tahay in wax laga qabtaase ma sugeysaa inta madaxdaasi ay iska daba yaacayaan oo cid go’aan gaarta ay sugayaan?

Daryeelka Ciidanka

Tan kale, Ilaahay ka baqa oo xabbadda ha isaga dhigina askari aydnaan mushaar u hayn. Idinkuba mushaar la’aan kuma shaqeysaan. Markaa xaqiijiya askarta aad adeegsaneysaan ee weliba naftooda miiska soo saaraya in aad mushaarkooda mudnaan ka siisan cid kasta oo kale oo aad idinku ku jirtaan.

Mushaarka waxaa xiga daryeel caaafimaad, siiba marka dhaawac uu yimaado. Askari kasta oo dagaal gelayaa waa in uu hasytaa sanduuqa gargaarka deg degga ah. Waxaa kale oo ay u baahan yihiin in dhammaantood la baro gargaarka deg degga ah si ay isu badbaadiyaan, oo dhiig baxa u joojin karoodaan ama u dhimi karaan, neefmarka u furi karaan, ama ugu yaraan ay uga baaqsan karaan in ay uga daraan xaaladda askariga dhaawaca ah. Marka aan arkay qaabka ay dhaawaca u qaadaan, waxaa macnaheedu yahay in ay leeyihiin “war ha nala baro sida ay tahay in dhaawac loo qaado”.

Midda kale waa in ay helaan qalabka dagaalka ee xabbadda gaashaanka u ah. Waxaa ka mid ah koofiyad bir ah, Qaar-hore gashiga xabbadda celiya, baabuur aan xabbaddu karin oo lagu daadgureeyo iyo qalabka la' isticmaalka ah.

Ugu dambeyntii waa in marka xabbadu dhacayso amaba ay ku dhacdo aanuu askarigu ka welwelin agoonta uu ka tegi doono iyo hooyadood daryeelkooda. Markii ay shaqada ku gaboobaanna waa in ay og yihiin waxa ay mudanayaan.

Ciidan qaab beeleed u dhisan

Marba gobolka la joogo beelaha deggan ayaa ugu badan ciidanka halkaas ka howlgala. Waaba haddii cid kale tarraxdo e. Intaas oo dhan waxaa dheer oo ka sii darin sida Militeriga Soomaaliya ee hadda jira uu hal beel ugu badan yahay, beeshaas oo uga badan ciidanka afarta beelood ee kale oo la isku daray.  Taas oo aan ogahay sida ay ku timid, laakiin ay iga dhaadhici la’dahay sababta loo sixi la’yahay. Waa sida aan warka ku helay, haddii aan khaldan ahay, ha loo caddeeyo inta sidaas aamminsan. Khasab ma aha in ciidankaas dadaalka badan shaqada laga fariisiyo. Laakiin maxaa diiday tusaale ahaan in ciidanka Puntland, oo ah mid ilaa iyo xad taabba galay kuna guuuleystay in ay Shabaab uga adkaadaan Buuraha Galgala, oo iyaguna u badan mid ka mid ah shanta beelood in la isku dhafo iyaga iyo ciidanka Muqdisho?

Sidoo kale, maxaa diidaya in garaaddahooda dib loo eego? Maxaa keenay in Taliyaha Ciidammada Puntland uu ahaado Sarreeye Guud, halka Taliyaha Miliyeriga Soomaaliya uu yahay Sarreeye Guuto oo laba derejo ka hooseeya Taliyaha Puntland. Marka ay dhacdo in ay labadoodu kulmaan kee salaanta qaadanaya? Ma xeerka militeriga ayaad dib u qoreysaan?

Saameynta Siyaasadda

Ugu dambeyntii Ammaanku waa siyaasad. Iyada oo aan siyaasadda la isku khilaafsan yahayna ammaanka si buuxda looma sugi karo.

Dagaalka sokeeye ama isku dhacyada ka jira Shabeellada Hoose, Shabeellada Dhexe, Jubbada Hoose, Gedo, Hiiraan, Galdguduud, Mudug iyo Sool iyo weliba khilaafka siyaasadeed ee Baydhaba, Puntland iyo Muqdisho intuba saameyn ayay ku leeyihiin ammaanka.

AMISOM

Inta aan ka warqabno, AMISOM waa ciidanka ugu xoogga badan ee dalka ku sugan. Kaalintoodu in ay tahay taakulo iyo in ay tahay hagid ma kala cad tahay? Inta Ammaanka ka shaqeysa oo dhanse ma u cad tahay?

Midda kale, Ciidammada Ethiopia iyo Kenya, waxaa la socda ciidammo dalalkooda ay ku soo tababbareen oo dadka qaar ay tuhun ka qabaan waxa ka dhexeeya.

Maamul Goboleedyada

Waxaa ammaanka saameyn ku leh, Maamul Goboleedyada is dhinac yaacaya ee ka xawaare dheereeyay siyaasadda Dowladda Federaalka qaarkoodna ay ku daaban yihiin Dowlad ama Dowlado shisheeye. Waxaan hadda ka hor aragnay Maamul Goboleedyo ay Dowladdu caddeysatay in ay diiddan tahay qaabka ay u dhismayaan. Haddana meelo kale ayaa loo soo maray oo laga fara maroojiyay Dowladda, afkeedana laga keenay in ay aqbalsan tahay. Arrimahaas oo dhami ma ahan kuwo ammaanka u gargaaraya ama sahlaya.

Maroodiga indhaha laga qarsanayo

Haddii la yiri ammaanka waxaa lala kaashanaynaa Ethiopia, Kenya iyo Djibouti, maxaan uga tala galnaa Somaliland? Hargeysa miyeysan saameyn ku lahayn ammaanka Soomaaliya? Tani kama jawaabeyso in Soomaaliland ay tahay Jamhuriyad madax bannaan iyo in kale? Laakiin waa tallaabo runta ku dhisan in arrintaas laga sameeyo iskaashi heer farsamo ah. Malahaa Wadahadallada labada dhinac ee mar mar Istanbul lagu qabto ayaa ajendahooda lagu dari karaa.

FG
Waxaan u mahadcelinayaa saaxiibkeey Cabdisalam Caato www.wargelinshow.com oo sawirka ii sameeyay.

6 comments:

  1. Yosuf Amanka Allow sahal waye sheekafana qaseey labaneey waye aniga waxan qabaa in lala tashto dhalinyarada dulman ee ku dhiban dhan Al shaba wayo Godane Cadaadis xogan bu ku hayaa sida Hassan Dahir u so baxsaday bee diyaar u yihiin in ay u so baxsadaan balse waxa ay ka baqdin qabaan in la dilo ama la si xiro wan hubaa hadii ay dowladu ku dhawaaqdo qofkii so baxsadaan wa la nabad galinaaa wana la xanaaneynaa in ay isa so taabsan lahaayen sidii xiliigii Shariif ee la sameeyay xeradii Mariino ee la geen jiray kii so baxsadaaa ( al shabab ) deedna uu amniga dowlada kala shaqen jiray waa talo aysan ku baraarug saneen dowlada Mr Hassan xog ogaal

    ReplyDelete
  2. SCWW

    Sareeye Saxafi Yuusuf Garaad, intaas aad sheegtay oo dhan wey jiraan laakin kaalintii Shacabka iyo laamaha cadaaladda ku dar.

    Tusaale Kalsoonidii Dawladda iyo Shacabka sidee lagu heli karaa oo ay isu kaashan karaan?

    ReplyDelete
  3. Aniga yusufow waxaay ila tahay in dowladu ayna haysanin ciidan qaran, waxaa loobaahan yahay ciidan qaran oo laga keeno 18 gobol ama shanta beelood kadibna la siiyo tabar tayo leh kuwaas ayaa Amniga dalka sugi kara.ciidamada Xamar, garoowe, hargaysa, baydhabo, kismaayo, baladweyne jooga hada waa wada beelo maaha ciidan qaran inta kuwaas ciidan qaran laga dhigayo Soomaaliya qas kama baxayso.

    ReplyDelete
  4. SU'AAL:
    Dhisida ciidamada Soomaaliyeed (Milateri, Boolis, iwm) iyo sugidda amniga waxaa Soomaliya ka taageera beesha caalamka oo kaalmadooda khuseysa howlahaan usoo marisa AU, IGAD iyo dowladaha deriska sida Ethiopia, Kenya, Djibouti iyo Uganda. Hadaba, Beesha caalamka iyo dawladaha dariskaba ma ka dhab baa dhisida ciidanka Soomaaliyeed?
    Xiliyadii kacaanka Soomaaliya waxa ay ku guuleysatay in ay dhisato mid ka mid ah ciidamadii ugu awooda badnaa Afrika. Kadib si bareer ah ayay ugu duushay ambaasadoorka kiristanka u fadhiya Africa "Ethiopia" waliba iyadoo si aad ah looga baryayay Siyaad Barre inuu iska daayo weerarkaas beddelkeedana dalkiisa loo hormariyo si loo badbaadiyo Ethiopia. Dhegaha ayaan ka furaysanay baaqii iyo baryadii beesha caalamka Adis Ababana waan soo taabanay, maxaase ka dambeeyay?.
    Hadda maawaxaan ka rajo qabnaa in beesha caalamku noo dhisto amaba noo askunto ciidan yeelankara awoodeenii hore oo kale kuwaas oo misana ku duulikara Ethiopia ama Kenya ama ciidan ugu deeqi kara cid kasta oo ka hor-imaaneysa danaha USA iyo asxaabteeda.
    Ma suurtogalbaa in ciidanka Soomaaliya ay beesha caalamku dhisto amase ay ka raalinoqoto isagoo dhismaya?

    ReplyDelete
  5. Inta tusale ee meesha lagu soo qaaday dhamaantood waa dhab jirta hadan inta kulugta leh siyaasada sooomaaliya ay wada ogsoonyihiin laakiin aysan rabin in ay si dhab ah wax uga qabtaan amaba waxaa jira in ay jecelyihiin in ay wadada saxda ah u maraaan sidii loo sugu lahaa amaanka dalka guud ahaa iyo gaar ahaan kan Muqdisho lkn waxaan isleeyahay waxaajira wax naga qarsoon oo ay ogyihiin madaxda dalka oo kaliya oo u diidaya in ay maraan dariiqa saxda ah (Awood kasareysa)

    ReplyDelete