Sunday, 29 June 2014

Dowladda Soomaaliya Vs Beel Soomaaliyeed


Adigu Ka Tali
Yusuf-Garaad
Maalmahaan waxaa Muqdisho ka jiray welina ka socda khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeya Dowladda iyo beel ka mid ah shanta beelood oo aad mooddid in Xubnaha Xukuumadda iyo kuwa Baarlamaanka ee beesha ka soo jeeda ay isku qanicyeen in ay isku mowqif qaataan inta hadda ah.

Waxay beeshaasi ka careysan tahay in Gobolka Shabeellada Hoose laga mid dhigo maamul goboleed ay xaruntiisu noqoneyso Baydhaba.

Dhowr maalmood oo aan Muqdisho joogay waxaan dhegeystay doodda dad ka soo jeeda beesha gadoodsan. Waxaa ii soo baxay dhowrka qodob ee dooddoodu ay ku salaysan tahay, waxaana ka mid ah:

Xafladda lagu qabtay Madaxtooyada ee saddexda gobol la isku raaciyay in ay tahay mid dastuurka ka soo horjeedda. Sababta oo ah Dastuurku wuxuu qorayaa in dadyowga Gobollada deggani ay ka xaajoodaan haddii ay doonayaan in ay is raacaan. Ma ahan go’aan ay leedahay Dowladda Federaalku.

Dood kale waxay tahay taariikh ahaan in Shabeellada Hoose iyo Shabeellada Dhexe ay labaduba ka tirsanaan jirteen Banaadir oo Muqdisho ay xarun u tahay.
Hadda haddii Muqdisho laga reebo waxay door bidayaan in labada Shabeelle ay is raacaan.

Dowladdu sababta ay u diidday in ay aqoonsato maamulka Shabeelle ee Afgooye looga dhawaaqay oo ay u aqoonsatay midka ay iyadu uga dhawaaqday Villa Soomaaliya oo ka danbeeyay kan looga dhowaaqay Afgooye, in ay tahay caddaalad darro.

Ugu danmbeyntii waxay ku doodayaan in Shabeellada Hoose aanay ahayn Marka oo keliya ee ay jiraan degmooyin ay inta badan dadka deggani ay beeshooda ka soo jeedaan oo Gobolka ka tirsan. Iyo in Gobolku uu dacalka la soo galo magaalada Muqdisho oo xataa xeebta Jazeera, oo u soo dabaal tagaan dad badan oo reer Muqdisho ah ay hadda ka dib hoos tegi doonto Baydhaba.

Akhristow maxay kula tahay in qodobbadaas lagu xallin karo. Haddaad madax ahaan lahayd iyo haddii aad beesha la talineyso ama dowladda aad la talineyso maxay noqon lahayd taladaadu?

Fadlan ha iga raalli ahaadeen akhyaarta tirada badan ee barteyda akhriya, waxaan doonayaa in aan ka afeefto wiilasha dhoohan ee aan iyaga oo aan talo hayn, waxna akhrin aflagaaddadu sidii matag u soo dhaafto.

Waxaa iga afeef ah in aanan barteyda u dooneyn aflagaaddo iyo hadallo qadaf ah qofkey doonaan ama dhinaca ay doonaan ha ku saabsanaadeene.

Fadlan haddii calooshaada cuqdadi barkatay ama aadan aqoon si asluub leh in aad fikir aan xanaf lahayn u gudbiso, barteyda ha la soo doonan.

Inta fikir haysa ee dooneysa in ismari waaga laga gudbo, fadlan taladaada ila wadaag.

20 comments:

  1. Fadlan taladaada halkan ku reeb.

    ReplyDelete
  2. maamulka koofur galbeed oo sh hoose ka mid tahay beesha xubno haka qaadato waxna haka dhisaan maamulo kale kale oo ay gooni uleeyihiine ha dhistaan ileen reer baydhabo laftigooda sh hoose waa dagaane! maamulo kale oo ay gooni uleeyihiine ha dhistaan tankale maamulka koofur galbeed wali lama sheegin meesha xarun unoqoneeyso balse baydhabo qiyaasta waa ubadantahay mahad alla leh adinkana ramadaan kariim

    ReplyDelete
  3. Ramadan karim mudanayaal iyo marwooyin fikirkayga waxan qaba talada wadanka ha lodayo madaxda wadanka. Qabiil dhaxalkiisa waa xabaalaha oo bata iyo dhalinyarada oo qaxda.

    ReplyDelete
  4. Siday anniga ila tahay waxa dhibka keenay waa nidaamka fedaraalka oo ah mid soomaaliya ku cusub kuna wareertay. Ma ahan Shabelaha-hoose oo kali ah gobolada la isku haysto, bal eeg Sool iyo sanaag oo Somaliland, Puntland iyo Khaatumostate isku haystaan, Hobyo oo Galmudug iyo Ximaniyoxeen isku hor fadhiyaan, Matabaan oo reer Hiiraan iyo ree galgaduud isku muransanyihiin.
    Reer walba waxuu isku dayeyaa in uusan ka gobolo iyo maamul-gaboleedyo yaraan reerka kale si aan meeqaamkiisa siyaasadeed u liicin.
    Hadii 4.5 wax loogu qaybshay waagii hore in aan la kala awood badnaan hada waxaa timid tab cusub oo lagu kala sad-bursan karo oo ah reerba reekuu ka gobolo badanyahay in uu ka maamul-goboleed bato sidaana oga sad roonaado. Waa taas tan loo baahan yahay in wax laga qabto oo dawlada, baarlamaaka iyo siyaasiyiintaba sugaysa.

    ReplyDelete
  5. Anigu beesha mid baan leeyahay, dawladdana qodob baa dhaafay.
    Beesha waxaan leeyahay, waa run waan dareemi karaa heerka qabiilka iyo qabyaaladdu naga taagan tahay haddaan Soomaali nahay, laakiin bal aan isku dayno inaynu ogolaanno inaan wax dhisanno, haddii la yiraahdo Afgooye Baydhaba laga xukumi mayo waxay noo keeni kartaa in la yiraahdo Baydhabo xamar laga xukumi mayo, bal aan aragtida inta ka dheerayno.
    Dawladdana waxaan ku oran lahaa idiinma qalanto inaad shacabkii aad dawladda u ahaydeen sacabka la garaacataane hadday idin dhaaftay in aad go'aanka ka jor eegtaan saamaynta uu yeeelan karo,mhadda la imaada sidii aad beesha ku kasban lahaydeen, yaan lagu mashquulin wasiirada iyo xildhibaannada adkana ka leh qaran baan nahay ficilkana ka leh reer hebel baan nahay oo ay ficiladoodu u og yihiin reer hebel ma matalno, halagu mashquulo odoyaasha iyo ganacsatada beesha in wax lala meel dhigo.
    Soomaalida kalena waxaan leeyahay kollay go'aanka ay dawladdu qaadato wuu idin saamayn doonaaye marna yaysan noo keenin kala furfurasho kale.
    Raalli ahaada akhyaareey malaha hadal helidda waa la igu dhaamaaye

    ReplyDelete
  6. ramadan karim fikir ahan ila tahay in banadir iyo shabelloyinka la israciyaa kadibna caasimad laga dhigo shabellada hoose si loga gcn maroojiyo qabilka muqdishona wa ey ku fashilantay casimad waa ey dad bdn tahay cadaw kastena wa u bartay , dawlada ha ku qabato gcn bir ah labada shabelle kadibna haka dhigto dhul guud oo ey somalida ey ledahay

    ReplyDelete
  7. Ma ii sheegi kartaa hal degmo ama tuulo oo Sh/hoose ka tirsan oo beesha aad ka soo jeedo degto isla markaasina beeshaada ay ka noqon karaan gudoomiye?
    Sh/hoose waa 8 degmo (haddii aan ka reebo degmooyin la aqoonsaday waqtigii Madaxweyne C/laahi Yusuf sida Jannaale iyo KM50), degmo walbo qabiil soomaaliyeed oo gaar ah ayaa lagu yaqaanaa oo deegaan ku ah, ma khariidad cusub ayaan u sameynaa dadka Galgaduud ka imaan doono si ay hadda kadib u soo dagaan Sh/hoose?

    ReplyDelete
    Replies
    1. War goormaa Dalka Soomaaliya la kala xigi jiray , mideeda kale 20 kii sano ee rabshaduhu jireen S/hoose way shibanayd maxaa soo kiciyey , aniga waxay ila tahay waa siyaasad waxa ka dambeeyo ..

      Delete
  8. Waxaan moodayey in dawladda ay wada hadashiineysay laba kooxood oo mid walba lahaa waxaan madax ka ahay 6 ama 3 gobol oo dadka deegaanka ay dhisteen, markaa in la yiraahdo dawladda ayaa Villa Soomaaliya uga dhawaaqday maamul waa wax qaldan oo la abuurayo, tan kale beesha gadoodsan ee meesha waxbaan ka degenaa leh, yaaney iyagu wax yeerine, ha isku daydo iney wax la qeybsato Baydhabo oo cadkey doonayaan haku gor gor tamaan, dawladda waxaad ba moodaa iney shido badan oo kale oo dhici laheyd iney soo yareysay, waayo intaa weyba ka balaarneyd oo waxaa awal laga baqayey dad degan ilaa 6 gobolk ay is fara saaraan. Waxaan aad u door bidi lahaa in arinka sida dawladda ay ku xalisay loo daayo.

    ReplyDelete
  9. ANIGU WAXAAN U ARKAA XALKA IN LAGA NOQDO FEDERALKA INAAN HADAAN SOOMAALI NAHAY DOORAN EE AFKA NALOOGU TIRAY TOO KEENAY IN (QABIILKII SHAATI KALE LOO SOO GALIYO) WALIBA HADDAY IDINKAGA ROONTAHAY WAXAA DHIMMAN MURANKII UGU WAYNAA EE XUDUUDAHA KAAS TUSAALE USOO QAADAN KARO IM MAGAALADA GAALKACYO OO QURA SUUQEEDA LAYSKU QABSADO ANAA CANSHUUR KA QAADAYA DAD BADANINA AY KU DHINTEEN Mahadsanidin

    ReplyDelete
  10. dowlada oo dhan beeshaan danteda kama soo horjeedo laakiin dad dowlada ku jura oo qaab qabiil heshiis ula soo galay kenya iyo itobia ayaa danta beeshaan ka soo horjeeda dadkaasna waxaa hormuud ah R/wasaaraha somali sidaas darteed aniga waxaan qabaa beeshaan in eysan dowlad aan cadaalad aheen uga heybeysan ineey difaacato degaamadeeda oo ey ka difaacato somalida ka soo haajirtay ismaamulka itobiya iyo garoowe beesha waxaan uga baaqayaa ineey dhulkooda difaacdaan dhul beel kalana duulaan ku aadin beeshaan galkayo ilaa kenya ayey dagtaa ee waa in ey isku duubtaan oo dhulkooda u dagaalamaan ciidankana kala baxaan dowlada iyaga dagaanadooda in lagu boobo u taagan madaxweynaha oo isaga ka soo jeeda beeshaana waxaa dhihi lahaa adiga oo soo taagan in dagaamadii beeshaada hortaada la isku dayo in la boobo ceeb ayey kuugu tahay diintuna ma ogolo in la is boobo ee hadii aad wadaad tahay maxaa kuugu kalifay in aad ogolaato in dagaamada beeshaada la boobo.

    ReplyDelete
  11. Maadaama ay Dowlada Soomaaliyeed ka gaabisay iney dhisto maxkamadii dastuuriga ahayd oo khilaafaadka ku saleysan dastuurka go aan ka gaari lahayd, wasaaradii arimaha gudaha iyo Federaalkana aysan heshiiskan la socon sida wasiirkuba sheegay in hada ay dowladu mar labaad heshiis dhex dhigto maamulka ay dhistay iyo kan Shabelle State, beeshana waxan ku dhihi lahaa iney isu diyaariyaan iney tanaasulaan hadii cabashooyinkooda qeyb ahaan wax laga xalliyo.

    Dowladu hada gobolada kale haku dadaasho in maamul hal dhinac u socda ay ka dhisto inta aysan kasoo bixin wax is garab ordaya

    ReplyDelete
  12. Bismilaah. Ascw .
    Anigu waxaan dhihi lahaa ka talo ahaan anigoo og inay fogtahay in la qaataa.
    Soomaaliya waxay ka koobnayd 18 gobol. In goboladii is raac raacooda lagu dabaqo doorasho shacab ee aysan cidina gooni u magacaaban karin.waxaa taa laga yaabaa in looga gudbo isqabqabsigan qabiil.waxaa sidoo kale dowlada looga baahan yahay inay ogaato maadaama golaha baarlamanka lagu soo xulay hab qabiil ee aan lagu soo xulin hab qaran. Waa inay dowladu dhaqangelisaa in uu shaqaynayo 18kii hobol ee hore sida ay isku raacayaana ay ahaato keliya siday isku saaran tahay oodoodu. Waana sida keliya oo looga gudbi karo qabyaalada.waxaa kale oo loo baahanbyahay in ciidamada dowladu aysan u adeegi karin qabiil. Hadii ay taasi dhacdo waa in ay yeelato ciqaab 1. Shaqo ka cayrin.

    ReplyDelete
  13. This comment has been removed by the author.

    ReplyDelete
  14. (Q) 1-aad
    Marka hore waxaan ka afeefanayaa in fikirkeyga loo qaadan nooc weerar shekh-siyadeed, mid beeleed ama mid difaac ah, ileen walaallkey Yuusuf hore ayuu uga afeeftey oraahyada qaarkood iyo shekh-siyaadka qaarkood.
    Marka xiga, walaallkeey sida ku cad qoraalkiisa, waxaa jira khilaaf beesha Hawiye iyo Dowlada dhexdeeda ah, waana dhabb ka hadal warkaas, waligeedba wey khilaafsaneyd beesha dowladaha la dhisayey mudadii dalku uu burbursanaaa. Waxaase la yaab iyo amakaag ah, in beeshu marna Madaxweyne ka noqoto dowladahan la dhisayey, marna Ra’iisul wasaare. Sidoo kale beeshu sida beelaha kale ay ogolaadeen in 4.5-ka wax lagu qaybsado ayey u ogolaatey, waxay keloo ogolaadeen oo hadda xilka madaxweynenimo ku hayaan dhismaha maamul goboleedyo sharciga shushubka waafaqsan ama federaalka oo xilkii madaxweynenimo ayey ku qaateen oo uu ugu dhaartey, marka waxaa yaab ah, in beeshu ay ka soo horjeesato go’aano hore ay u sixiixdey!!. Halkaas waxaa ka muuqda khaladaadka beesha Hawiye iyo sedd bursiga siyaasadeed ee ay dooneyso.
    Xaflada looga dhawaaqey madaxtooyada soomaaliya ee lagu dhisey maamul goboleed seddax gobol ah, khaladaadkeeda waxaa leh cida mas’uuliyada beesha xilka ku qaadey, waxaase yaab kale ah, madaxweyne, gudoomiye baarlamaan, ra’iisul wasaare iyo wakiilkii Q.M, kii IGAD IWM in ay wada sixiixaan heshiis waxa uu yahay aan la garaneyn. Yaa lala heshiiyey ma maamul baa lala heshiiyey mise shekhsi ama laba shekh-si??!! Koleey waad ogtahay nin wargalna waad tahaye.
    Haddii sida dastuurka shushubka ah uu qabo lagu dhaqmaayo, waa sida aad sheegtey oo maamulka dowladu ay ku dhawaaqdey waa khaldan yahay, sababtoo ah, baydhabo waxaa laga dhisey maamul waafaqsan sharcigaas shushubka ah, dowladuna way ka soo horjeesatey. Sidoo kale waxay aqoonsatey maamulka KMG ee Kismaayo ka dhisan, isla markaana xiligii loogu talogeleyba aad moodo in uu dhamaadey ama soo koobmey, waxaa su’aal taagan ah, haddii dowladu nidaam dowladeed rasmi ah dooneyso, maxay labadaas maamul oo kala taagan isu waafajin weysey, maxayse tahay waxa ay ka heleyso dhismaha seddax gobol oo cusub oo waliba aad sheegtey in dhismahoodu muran ka taagan yahay??!
    Haddii aan ka hadlo taariikh-da aad ka sheekeysey ee labada Shabeelle, runtii waa wax aan la qaadan Karin in xiligan daliil loo soo qaato gumeystayaashii dalka soomarey. sababtoo ah, xiligoodii waa laga soogudbey oo waa laga xoroobey, sidaas darted habkii uu u dhaqmi jirey ayaan u dhaqmeynaa haddii ay hawshu tahay, waxaa ka fiican in la isu cadeeyo in wadanku gumeysi ku jiro, isla markaana waxa wax dhisayo oo go’aankeeda leh uu isagu yahay.
    Sababtoo ah, addiga hore waxaad u ahayd Mas’uul ka tirsan Idaacada BBC-da oo waxaad ahayd Wariye, laakiin waad ka tagtey oo waxaad noqotey Musharax Madaxweyne, marka labadaasi shaqo hadda midna ma haysid, midka laguugu yeerayo bal addiga kala sheeg, hana moodin mid aan kugu weerarayo, balse waxaan wax u sheegayaa kuwa fikradaha khaldan iska dhaadhicinaya xili aan loo baahneyn. Waayo, addiga hadda labadiiba xil uma haysid, marka dib baan u noqoneynaa oo sidii addigoo shaqadii haya oo kale ayaad u dhaqmeysaa oo aan sax ahayn, waa wax aan la qaadankarin.

    ReplyDelete
  15. (Q) 2-aad

    ahayn, waa wax aan la qaadankarin.
    Dhinaca kale, maamulka laga dhisey Baydhabo, sida ay dad badan ogyihiin ma ahan mid beel gaar ah dhisatey sida ka muuqato oo waxay leeyihiin dhisme la hubo in uu ka duwan yahay kuwii hore ee maamul goboleedyada soomaaliya kharibey ee beelaha danleyda caalamku ay dantooda ka arkeen ama ay aqoonsadeen, laakiin kani wuxuu soo af-jarey ama addigaba aad arkeysaa in siyaasadii dalka oo dhan uu mugdi geliyey, isla markaana uu toosh weyn ku ifiyey habka ay wax u socdaan in uusan sax ahayn. waayo beelo badan ayaa ku midoobey, woloow qaarkood aysan ahayn kuwa hubeysan.
    Ugu dambey, waxaan ku talin lahaa intey goori goor tahay.
    1- In madaxda hadda jirta ay awoodooda oo dhan isugu geeyaan dhisamaha lixdaas gobol, isla markaana colaada ay ka hurinayaan shabeellaha hoose u bedelaan tan dowladaha deriska ay ku hayaan dalka iyo dadka soomaaliyeed.
    2- Beesha hawiye sida ay u dhan tahay waxaan qabaa in ay ka fiirsato dhaq dhaqaaqyada cusub ee ay dooneyso in ay isku balaariso dhinac kasta oo ay tahay, sababtoo ah, mudo 24 sanno ayaa farta lagu fiiqayaa, far fiiqida badana faa’iido ma keento oo dowladii Militeriga iyo Beesha Ajuuraan oo ahayd beesha keliya ee maanta taariikh ahaan loo xuso halka ay gaartey maamul ahaan iyo ciidan ayaa dunida ku kala firirsan, waxaana ugu wacan hogaamiyeyaashii xiligaasi jirey oo wax walba ka horyimid, kadibna inta loo midoobey ayaa gebi ahaanba khadka laga saarey!!, hawshuna haddii ay sii socoto ama soomaali oo dhan ayaa u midoobeysa ama dowladaha deriska ah ayaa soomaali u midoobaya oo halkaas wax kasta ku soo af-jarmayaan, taasina waa waxa aan ka digayo!!.
    3- Sheegashada beesha ee gobolka shabeellaha hoose, ma ahan sax ee waa shaxaad siyaasadeed oo la doonayo, in colaad cusub laga huriyo gobolkaas, kaasoo mustaqbalka ku baahi doono dalka oo dhan ee waa in la joojiyaa arrintaas oo walaall-nimo iyo soomaalinimo wax loo wada qaybsadaa, dhulka oo dhan soomaali ayaa iska leh cid u diidikarto ma jirto.
    4- Addigana waxaan kaa codsanayaa in aad ka shaqeyso sidii beesha aad ka dhalatey uga dhaadhicin lahayd joojinta colaadaha, wax wadaqaybsiga bulshadeedna u bari lahayd, haddii aysan aqoonin, haddii kale ka hadalka siyaasadaha noocaan oo kale waa inaad ka gaabsataa, waayo waxaa laguu arkayaa sida aad qoraalkaaga kaga afeefatey dhinac.
    5- Anniguna waxaan noqdey nin nasiib xun, sababtoo ah, ninkii aan isugu dhaweyn dhinaca mihnada ayaa loo arkayaa in colaad beeleed ama siyaasadeed naga dhexeyso, walaahi billaahi waa wax laga xumaado, xanuunka ihayo waa in la demiyo colaada ka jirta shabeellaha hoose iyo tan siyaasadeed ee aad ka hadashey. waligeeyna sidaan oo kale qoraal aan leeyahay dad gaar ah uguma qorin. Xiliga aan qorayo qoraalkan waa xili dambe oo akh-riskiisa iyo ka baaraan degiisa ayaa waqti igu qaatey.
    Mahadsan Saaxiib Yuusuf.
    By:- Maxamed All-man USA

    ReplyDelete
  16. yusuf with all respect. dadka aad sheegeso o wax tabanaya ee kaso jeeda gobolada dhexe lakin shaati hawiye ku hoos gambanaya ayaan dhaxdaas waxaa kaso yeertay oday aan ku tilmaami karin oday dhaqameed (XAAD) in beesha eekuso duleen ee marko degta inee naagahoda kufsanayaan xoolahoda dhacayaan sida reer banadiriga ee u galeen. marka yusufow taas jawaabteda adaa lagaaga fadhiyaa,

    ReplyDelete
  17. This comment has been removed by the author.

    ReplyDelete
  18. This comment has been removed by the author.

    ReplyDelete
  19. Ascwrwb & Ramadan Kariin Yusuf Garad
    Walaal 1994 Ayaa Geneva ka dhacay Shir reer Galbeedku uga hadlayeen siduu noqon doono mustaqbalka somalia 5 maamul gobaleed & caasimada ayay u arkeen xalka..
    1.Jubaland: Jubada hose, Juba dhexe. Gedo.
    2.Arladiland: Bay,Bakool, Shabelada hoose.
    3.shabeeleland:Shabelada dhexe, Hiiran, Galgaduud.
    4.Puntland:Mudug,Nugaal,Bari.
    5.Somaliland:Sool.Sanaag,Togdheer,Waqoye galbeed,Awdal
    Muqdisho: caasimada
    Yuusuf walaal Road mapkan beesha caalamka wadata, Dhowr mar ayuu Madaxweyne Haasan isku dayay in uu ka leexdo qorshan waad ogeed sidii bahdilka loogu sameeyay , tusaale kale puntland ayaa 15 sano isku dayaysay in ay Sool & sanaag lacagta beesha caalamka in uu dhankooda u soo mariyo laga diiday waligeedna dhanka somaliland loo marin jiray. Tusaale kale markii hishiiska 3da Gobal bay, bakool, shabele hose la saxiixay 24 hours kadib dowlada ethiopia ayaa ku dhawaaqday in ay ciidamadeeda amaanka & gobaladaas la wareegayaan.
    Walaal qaylada hada ka soo yeeraysa beesha HAWIYE waa political earthquake waxaana cadeyn u ah hadalkii AXMED DIIRIYE.

    ReplyDelete