Thursday, 19 June 2014

Sidan ayuu ku dhammaan doonaa dagaalka Sh. Hoose?


Dagaalka Sh. Hoose 
Sidan ayuu ku Dambeyn Doonaa
Qiyaasta Yusuf-Garaad

Gobolka Shabeellaha Hoose colaaddiisu wey dhammaan doontaa. Waxay ku dhammaan doontaa in qof kasta oo aan dhiman uu gurigiisa degganaado, beertiisana lahaado.

Waxay ku dhammaan doontaa in qof waliba gurigii uu doono iyo beertii uu doono oo kiro ah oo uu awoodo uu kireysto.

Waxay ku dhammaan doontaa in ninkii ku dhaawacma ama ku naafooba uu isagu isu qabo dhaawiciisa.

Waxay ku dhammaan doontaa in kii qof dila lagu eedeeyo in uu yahay mooryaan gacan-ku-dhiigle ah. Waxay ku dhammaan doontaa in ninna aan la siin shilin uusan shaqeysan.

Waxay ku dhammaan doontaa in aabbaha iyo hooyada uu wiilkoodu ku dhinto asaga oo dagaaalllamaya, in aan cidina u ogeyn abaalna looga hayn doonin.

Waxay ku dhammaan doontaa sida dagaal kasta oo na soo maray uu ku dhammaaday.

Waxay ku dhammaan doontaa xaflad weyn oo niman aan baahi qabin, qofna uga dhiman dagaalka, iyaguna aan ka qeyb gelin, ay bariis, hilib iyo cabitaan baraf leh oo caynba cayn ah ay ka wada dhergaan. Iyaga oo findhicilanaya  oo qosqoslaya ay gacanta is geliyaan ayada oo video laga duubayo sawirrana laga qaadayo. Waxay sheegi doonaan in dadku is dilo kana heshiiyo. Labadaan beelood oo is dilay waxay dhihi doonaan waa dad  weligoodba saaxiib iyo xataa walaalo ahaan jiray.

Nimanka heshiiska gelaya waxaa soo ururin doona NGO ama niman is habeeyay oo mashruuc ka dhigtay howhaas fulinteeda, oo dowladda ama hey’ado shisheeye lacag badan uga qaatay.

Nimanka heshiiskaas gelayaa, hadday doonaan waxay isa siin doonaan gabdho ay ku xaraarad gooyaan oo ay xaasaskooda ku labaystaan, saddexystaan, afareystaan ama…

Waxay ku dhammaan doontaa in magaalada ay u arrimiyaan Guddoomiye Degmo iyo Taliye Booliis oo ay u badan tahay in ay warmoog ka yihiin dagaalka hadda socda wax dan ahna aanay ka lahayn.

Wiilasha intii ay wax baran lahaayeen dagaalka ka doortay, hadday xabbadda ka badbaadaan waxay ku dambayn doonaan in ay xamaali ka noqdaan beeraha mooska ee gobolka. Haddii kale ay doomaha iyo shabaqa  u xafidaan, u nadiifyaan ama u jiidaan doomaha kalluumeysatada.  Howshaas waxaa xisaabayayaal iyo Madaxba ka ahaanaya amaba ay lahaan doona wiilasha dagaal-moogga ah ee hadda wax baranaya.

Ragga hadda dagaallamaya iyo qabiillada ay sheeganayaan in ay u dagaallamayaan midna marti loogama ahaan doono Shabeellaha Hoose iyo meel kale toona.

Soomaali iyo ajnebi badan iyo Dowladda ayaa intuba hanti gashaday Gobolka. Mustaqbalkana qaar intaas ka sii badan ayaa imaan doona oo hanti gashan doona.

Malleeshiyada is dileysa marka la isu geeyo waxaa ka tiro badan dadka kale ee Gobolka nabadda ku jooga, Dimuqraaddiyad maalinta la gaaro Gobolka kuwaas ayaa xukumi doona. Wixii Dimuqraaddiyad ka horreeyaana waa ku meel gaar.

36 comments:

  1. Sxbow waad ku mahadsan tahay maqaalkan, kow dheh sanadka 16 ma kula tahay dimuqraadiyad ayaa loo gudbi karaa si dimuqraadiyadan aad sheegaysaa u hana qaado, adiguse Xisbi ma samayn, ilayn kolay waan hubaayoo waad isa soo sharxiye?

    ReplyDelete
  2. Fadlan aragtidaada nala wadaag oo halkan ku reeb. Mahadsanid.

    ReplyDelete
    Replies
    1. warkaas yusuf yiri waa dhabtii nin walba waa la yaqaan beertiisii iyo dhulkiisa maalinrii ay runta timaadana waa lagu kala bixi intii ku dhimatayna alaha u naxariisto in la dhihi doono u malayn maayo kuwa ku naafoobayna cidi wax u qaban mayso,duulaan dagaal soo galin baa caloosha ka buuxsan doona,waxa jira in hada la arko yaa roonaan lahayd intaan dadku naga dhiman

      Delete
    2. yusuf waad ku mahadsantahay fikirkaaga, waana daremi karaa sida aad u abaareso arinta, laakin soma ogid somalia in aan hada lees baraneeni oo qof walbo somalia ilaah meel ku abuuray, anigoo aan ka tageenin gobolka qabiilkasto ee wada degenyihiin xitaa 50 sano ka hor dadka maanta xooga ku heesto nin ku heeb uu kaso gali jire barlamaanka, magaalada marko waxaa degaan ahaan u degnaan jire dad tiro badan oo reer puntland ah, lakin dad waxaa jira degan ah o dareemaya in dhulkoodi ebed ka ebed lagu maamulaya oo biyaha wabiga laga gadan jiray oo beerahoodi lagala wareege, markayusuf taasna wax ka dheh

      Delete
  3. Almost digasho weeyaan warkaan.. Waxay ku dhamaani in qof walbo uu ka arrimiyo gobolkiisa. Just like how it works out in Jubbaland, Bay, Puntland and all the other federal states.

    ReplyDelete
    Replies
    1. Abdalla, digasho uma dan lihi. Ilaaheey ha iga koriyo. Waxaan u dan leeyahay in aan muujiyo in qofna laga qaadi doonin hanti ma guurta ah oo uu leeyahay, qofnana aanuu dagaal ku heli doonin hanti ma guurta ah. Ujeeddadeydu waa in aan qofka dagaallama iyo kan adeegsanaya aan madaxooda ku dhaliyo su'aasha ah maxaan ka helayaa? Isla markaana aan xusuusiyo waxa uu ku waayi karo. Mahadsanid.

      Delete
  4. Yusuf mahadsanid, waana saad u sheegtay arintu oo wax ka-dhimid iyo wad-ku darid midna qoraalkaaku uma baahna. Laakiin ama-da maxaad ka wadaa manoo fasiri kartaa? adoo raali ah.

    ReplyDelete
    Replies
    1. Siciid, ma garan su'aashaada.

      Delete
    2. Yuusuf Siciid wuxuu ku yiri ama,da ku jirta nimanka heshiska galaya waxay isa siin doonaan naago ay ku xaraarad gooyaan oo ay ku labeystaan,sadexeystaan,afareystaan ama....? amadaas ayaa lagaa raacileyn xadkii guurkii dhaaftee dadka Soomaalida ah amaba Islaamka ahe....jawaab wacan...? Dadku ma cawaanbaa aad xad guur laheyn maxa amada ka wadaa saxafi sare oo syaasi ah????

      Delete
  5. Waa qormo hallaasi ah, wax tusaaleynayso. Mahadsanid ina Garaad.

    ReplyDelete
  6. Yuusufow, hadal la raaciye ma aadan reebin. Aniga waan kuuga raacsanahay 100%, saadaasha aad bixisay. Aniga shakhsiyan, weligee, waan aamisanahaa. Waadna mahadsantahay

    ReplyDelete
  7. masha allaah run ayaa sheegtay alle waxa baryayaa inuu umadda somaliyeed xaqa tuso

    ReplyDelete
  8. Macalin Yuusuf waa qormo xikmad leh. Ma aha kuwa ku lug leh dagaalada Shabeelaha hoose kuwa keliya ee u baahan inay ka faa'iideystaan xikmadaan laakiin waxaa u baahan Soomaalida oo dhan. Qof kastoo Soomaali ah hadduu is weeydiin lahaa su'aalahaan si daacad ah, waxaan hubaa iney Soomaaliya isbadal wanaagsan uu ka dhici lahaa.
    Fiiri waxyaalaha aan ku mashquulnay Federalism ka oo aan hubo in uu yahay waxyaalaha lagu qasaayo Soomaaliya guud ahaan Shabeelaha hoose gaar ahaan. Ma dhab baa inaan u dooneeyno system kaas sida aan sheeganeeyno oo ah in is aaminidi ay luntay sidaa aawgeed uu yahay Federalism ka nidaamka keliya eey Soomaali isugu soo laaban karto.
    Waxaan ku talin lahaa in aan Su'aalahaan leys weeydiiyo inta aan dagaal uyo dhibaato la sameyn. Wa bilaahi towfiiq

    ReplyDelete
  9. Yusuf Garaad sxb waad haleeshey badana arrimahad meesha ku lifaaqdey waad na ku mahadsantahay dadaal kaaga iyo jid bixintad wadid.
    Ka yusuf garaad ahan maxad iskugo dayi weysey inad wacyi gwlintad ka so jeerisid meel dadka badankis ay ka maqli karaan, khaas ahan wiilasha iyo waalidkoda dhibanayaasha uah dagaalkan oo ay ubadan tahay inay idaacadaha dhageystan -BBC, VOA-

    ReplyDelete
  10. Asc. Mahadsanid Yusuf. Marka hore fasax ma u ahay in qormadaada email ahaan, Facebook, Iyo watsupka aan u gudbiyo sxbadey kana codsado in ay sii forward gareeyaan. Tan labaad qormadaada waxaa ku jirtay.
    Nimanka heshiiskaas gelayaa, hadday doonaan waxay isa siin doonaan gabdho ay ku xaraarad gooyaan oo ay xaasaskooda ku labaystaan, saddexystaan, afareystaan ama… waxaan fahmin AMA....

    ReplyDelete
    Replies
    1. CS Osman, Waad ku mahadsan tahay sida aad ula dhacday Qormada waxaan jecel ahay in la faafiyo lifaaqeeda. Laakiin si walba oo aad ku faafin karto iyada oo dhan waad u fasaxan tahay haddaan wax laga dhimeyn waxna lagu dareyn. Su'aashaada labaad waxa keliya oo aan tilmaamayaa dadka haweenka badan qaba ee qarsoodiga ay u yihiin oo markaas aan la aqoon tirada xaasaskiisa ama marka ay afar gaaraan mid fura si uu tu kale ugu beddo.

      Delete
  11. Waa hadal xalaal ah oo run ah maskax caafimaad qabto ayaa qortay qormadaan laakiin bulshada lagama waaye si xun wax u arag ee illaahay kuwaas xaqa ha tuso aamin

    ReplyDelete
  12. Qoraalkan waa mid taabana sida ay arinku noqon doonto waxaase haboonaa in loo daabaco oo ay aqristaan amam loo aqriyo dhalin yarta isku dileysa wax aan meesha oolin. Waa iyaga kuwa weynaya wax kasta: naf, adin, ehel, hanti iyo mustaqalkooda. Dadkanu goormeey waxgaran doonaan?!

    ReplyDelete
  13. Yusuf inay siday wax u jiraan u sheegto ayey ahayd..oo aad tidhaa dadka dhulka leh ha oo daayo oo boobka iyo gardarda garabka og ha la joojiyo....

    ReplyDelete
  14. Waan kugu waafaqsanahay goor ay noqotaba in biyuhu kala miirmi doonaan. runtuna ku danbayn doonto nin iyo waagii, hase yeeshee shaki baaba igaga jira goorta taasi dhab noqon doonto. markaan sidaa leeyahay waxan milicsanayaa mudada ku dhaw rubuc qarniga ee la is laha sanadba sanadka ka danbeeya ayaa rajo la gaadhi. Si kastaba ha ahaatee waxay ila tahay dadkaa soomaaliyeed ee Puntland koonfur ka xigaa waxay u baahan yihiin inaanay rajo ku nool noqon, si guul loo wada gaadhona la isu tanaasulo. ninka gurigiisa la haysto waxaan kula talain lahaa dawladnimada dhismaheeda jaanis sii si iyadu marka danbe kuugu soo dhiciso xaqaaga. hadaan xasuusto Somaliland 2003 waxan garanayaa guryo dad reer Hargeysa ahi kala haysteen, may dagaalamin, sharciga ayay wakhti dheer siiyeen ugu danbayntiina Garsoorka ayaa uga saaray, ninkii ku jirayna alaabtiisii dibada ayaa la soo dhigay iyadoo loo wada joogo. waxan u soo qaatay tusaaale

    ReplyDelete
  15. waa hadal fiican laakiin waxaan ka waayay ...hal eray oo ah ,, haloo daayo Gobolka dadka iska leh iyadoo la dabaqaayo nidaamka goboleysiga ee aan qaadanay.. kuwa xoogga ku yimidna halooga faatixeeyo...wixii soo gaaray... waxay boobeenna cafis ha weydiistaan dad ay dhaceen... Gobolka maal gasho laakiin iska qadari dadka aad meesha ugu timid...wax aadan adiga Guuroceel iyo Matabaan aadan ku qaadan lahaynna walaalkaa ha u qaadan.. waaan waa aduun. sc

    ReplyDelete
  16. Sheekada hal dhinac lee yaan laga eegin, dagaalku. Kuma saleesna kaliya Beer iyo Guri ee waxa Kamid ah Gacan ku heenta siyaasadeed iyo maamul ,
    Anaraigti ahaan waxaan. Qabaa In Xal sayasadeed laga hadlo ee aan guri iyo beerta lagu Boor kacsanaayo mel leeska dhigo, because dadka deegaankaas dagan waxa ey xaq u leeyihiin in eey maamulaan Deegaankooda, because ninka sh.hoose u diriraya Suurta galmaha in uuu Puntland ama somaliland Galmudug iyo hiraan iyo sh.dhexe, baay iyo bokool iyo jubooyinka in uu maamulo ama uu ku doodo gacan ku heenta dhulkaas kle, marka Dagaalku waxa ila tahay in uu yaay mid siyaasaded sidaas baan wax u arkaa akhyaareey

    ReplyDelete
    Replies
    1. Siyaasadda dimuqraaddiga ah guri ayaa u sal ah. Dadka meesha deggan ayaa codka bixinaya. Taas ayaa u sabab ah in aan sheego in qof weliba gurigiisa ku ekaan doono siyaasaddana ay maamuli doonaan dadka degaanka deggan qofkii ay doortaan. Xoog wax ku kala qaadid iyo boob inta uu socdana macnaheedu kaalinta dowladda oo meesha ka maqan.

      Delete
  17. Mid baadan meesha laga sheegin hadii aan beer iyo guri ku leeyahay Sh/hoose oo aananba siyaasad shaqo ku laheyn aabahay iyo awoowgeyna degenaan jireen magaalada Marka ama iwm kana imid Mudug iyo Galgaduud H/gidirna udhashay miyaanan sida Dirta kale ee walaalahay ahh ee Mudug iyo Galagaduud igula nool ugu noolaan karin magaalada Marka mise dadka birimageydafa ah ee la gubay lana bireeyey hantidoodiina la dhacay ayaad ku diganeysaan. Wiil iyo aabihiis la gubey xoolahoodiina la dhacay oo H/gidi ah ayaan maqlay dagaalku in uu ka bilowda dad badan oo ku heyb ah oo la bireeyey ayaa xigey, dad caroodeyna wey u aargudeyna waa jireen oo qalad sameeyey. NGO Talyaani bixiyeyna waan maqlay oo sheegaya hala barakiciyo beesha H/gidir si mooskii Talyaani u maalgeliyo oo siyaasiyiin dhaqaale lagu siiyey Biyomaal ah Alle ayaase og warkaas xaqiiqdiisa. Marka Direey kitaabadiina u noqda dadka culumaad u aheydeena walaalaheen ayaadna tihiine farisnimada ilaaliya. Yuusuf Garaadna waa siyaasi si ad wax uma cadeyn karo cod buu rabaa mustaqbalka dagaalkuna waa socdaa wax dhamaaday uma jeedno timaadana Alle daayee tan taagan ka hafla.

    ReplyDelete
  18. mashaa aallah Yusuf Garaad Omar waad ku mahadsantahay qormadaan aadka u qiimaha badan runtiinaa waa sida ay shegtay kuwa maanta is dilaya ee ku dhimanaya dagaal qabiil runtii adduuna wey qasaareen aakhirana naar ayaa sugeysa madaama diinteenu no shegtay rasuulkuna (NNKH) uu yiri cidii qabiil u dagaalanta ani iga mid maahan, kii u caroodaana iga mid maahan, kii u yeerana ig mid maahan marka runtii wanasiib daro in maanta wiil somaliyed oo wali qabiil dartiis u dhimanaayo marka falaqeyn kale uma baahna waa sida aad shegtay mudane Yusuf somalida waxaan oran lahaay dhulku wuu idinku filanyahay ee malmaha aad noshihiin si wanagsan ugu noolada adduun walaga tagi wax leysku dhajiyo maahine tan danbe yaan leyska xumeyn thanks Yusuf iyo asxaabta kaleba

    ReplyDelete
  19. Yusuf Garad, maqaalkan runta ayuu taabanayaa, anigu na inta aanan aqrin ka hor ayaan maskaxdeyda u sheegay in ay indho fiyoow ku aqriso qoraalka ay iska ilowdo in Yusuf kasoo jeedo mid kamid ah beelahaas is dilaya. Inta jiran ee war xumada kuu qoreysana Alle haka saaro madaxooda cuqdadda beenta ah ee ay xambaarsanyahiin! Waa blog wax tar u leh inta runta jecel. Mahadsanid walaal.

    ReplyDelete
  20. maansha alh yuusuf waa mid ka mida maqaladii bosassive ahaa ee aan waligay akhriyo waana maqaalka xaqiiq ku fadhiya iyo run indhihii caafidmaad qabaana waa arkayaa

    ReplyDelete
  21. Arar wanaagsan waaye balse wax lamoog yahey ma aadan sheegin.

    ReplyDelete
  22. mansha allah waxa aad iitaabatay qodobka niman lebisan ayaa hadhow isugu iimaan doonaa hotel quruxbadn saxaafaduna uyeedho doona kadibna odhan doono beeluhu awalba walaalo ayey ahaayeen................ waa shayaadiin kuwaasi imikana waa kuwa dagaalka dadka walaalaha ah dabada kawada

    ReplyDelete
  23. Runtii waa qormo xiisa leh. Haddii sida Yusuf qoray ay dhab tahay, waa horumar iyo bislaasho sitaasadeed oo la gaaray. Waxaana loo baahan yahay in warqaddan lagu faafiyo isgaarsiinta oo dhan si ay testimony(markhaati) ugu noqotay kuwa kale ee khaladka ku jira ee boobka iyo xoogga ku haysta hantida qaranka iyo shacabka ee Xamar gaar ahaan, iyo dhammaan gobolada dalka guud ahaan. Congrats Yusuf waa bislaasho la gaari.

    ReplyDelete
  24. Soomalia wali kama jirto qof hantidiisa, gaarka, lagu xurmeeyo, waxase jira dad wali hantidoodii, lahaysto o waliba dawlada rag kujira hanti shacab, haysata. Waxan maalin, dhagaystay, ganacsade, xoosh o bbc da kaleh 12 guri ba xamar xoog laygaga haysta safiiro ayana dagen.madaxwayne, xasana wuxu yidhi wixii hore ha la ilaawo..yusufow saxiib waxay ku danbaynba sheegtaye, wax sababa dhibtaatada somaliyeed wa inago on qalin iyo af midna ku taageerin xaqa. aan dhahno dadka qofkii dhib kuwada kadaa inago isku mid ah si ayna xafladi uba dhicin.

    ReplyDelete
  25. This comment has been removed by a blog administrator.

    ReplyDelete
  26. Sixun wax usheeg sixir kadaran walaalayaal ninkaan si nasteexo iyo wax garadnimo ah buu u hadlay ee kuwii wax kuqaata allaha kadhigo dadka hada kasii talinaya in uu dhiig cusub daato. iyo kuwa warkiisa qaloocinaya

    ReplyDelete
  27. Yuusuf, anigoo aad u tixgalinaaya aragtidaada haddana kuguma waafaqsani qaabka aad wax u ifisay. Waxaad iftiisisey KHASAARAHA ka dhalan doona colaada ka holcaysa gobolka Shabeeladda hoose iyo sida uu xaalka ku dhamaan karo.
    Dad badan oo aan aniga ka mid ahay waxaan ka jeclaan lahayn haddaad si un wax uga qorayso colaadaas, inaad bidhaamiso dhibaatada halka ay ka socoto iyo sarta halka ay ka qurantay, waayo khasaaraha waa calaamadaha cudurka ( sign & syptoms) haddii xal la rabana waa cudurka la abbaaraa ee ma’ahan in waxkhti lagu lumiyo calaamadaha.
    Dad badan oo Soomaaliyeed waxay qabaan inay dhibaatadda ka socoto dhinac ka mid ah dhinacyadda ku hardamaya gobolka. Inkastoo ay jiraan dad badan oo mid ah dhinacaas dhibtaadda ka socoto, oo deegaan ahaan kasoo jeeda gobolka, haddana waxaa jira maleeshiyo ku heyb ah oo ka yimid ama kasoo jeeda goboladda dhexe oo dagaalka doorka ugu weyn ka ciyaaraya, qaar badan oo ka mid ahna ayba ka tirsanyihiin ciidamadda dowladda oo ay qaab qabiil uso aruursadeen si ay u dhibaateeyaan dhinaca kale.
    Marka Ilaahaa runta nagu jecelee indhaha kama qarsan karno dulmiga ay wadaan dadkaas.
    Micnaheeda ma’ahan in dhinaca kale ay yihiin ceeb ka saliim, dabcan dhibaatadda qeyb ayay ka yihiin.
    Yuusuf, waxaan qabaa inaad ogtahay dhibaatadda meesha ay ka socoto, waa aragtideyda, mana qabo inaad raali ka noqonaysid in dad Soomaali ah ay Soomaali kale dhibaateeyaan, lakin waxaan aaminsanahay sababta aad indhaha uga qarsanayso ama aadan u rabin inaad bidhaamiso meesha ay dhitaabada ka socoto ay tahay adiga oo ka baqaya inay ku dhaleeceeyaan xitaa aadba ku HEYB noqotidee adigoo og sida ay Soomaalida u aaminsanyihiin qabiilka.
    Marka qormadaadan waxaa loo fasiran karaa MARINHABAABIN ( misleading ) aad marin habaabinaysid dadka si aad uga leexiso inay fahmaan HALKA AY SARTU KA QURANTAY.

    ReplyDelete
  28. maash aalah waa qormo aad u wanagsan oo inta wax fahmi kartaa ee aad ula dhacayaan waad ku mahadsan tahay yuusuf waana run in kii dhintaa ama ku dhaawacmaa uu ka dhintay waalidkiis ama uu ka dhawaacmay waalidkiis iyo caruurtiisa kuwa uunka dagaalka yeerinayana aysan kala jecleyn ee madaxooda wax ku cunayaan ilaah nabad hanoogu badalo dagaalka .

    ReplyDelete
  29. yusuf garaad, anigo ku xushmeenaya meesha aad wax ka taabatayna dareemi karo. lakin suasha wexe tahay dagaalka muxu uso noqnoqnayaa, yusufoow biyamaal h/gedir wax badan ayu ka tabanayaa, biyaha wabiga o laga ibsan jiray kufsi. beerihi janaale oo xoog lagu qabsaday. magaalada marko waa magaalo somaliyeed cid walbaa degta xitaa reer puntalnd baa 10 sano kahor degnaa reer la yiraah majeerteen cismaan maxamud. cid is qabqabsan jirtay malaha, sidee dareemi leheed nin ka yimid buufoow inuu isbaaro dhigto cadaado amo galgaduud biyaha ceelkana intuu xoogo u hadana dadka ka iibsado, marka yusuf nabarka meesha uukuyaalo taabo ee kor haka taataaban

    ReplyDelete