Saturday, 8 November 2014

Saxaafadda iyo Xagjirnimada


Waxaa la i weydiiyay in aan ka hadlo kaalinta saxaafadda ee xagjirnimada. Waa su’aal adag. Xagjir wuxuu yahay xataa la iskuma waafaqsana. Wax bandanna waa laga qoray. Waxaan isleeyahay muddooyinkan dambe Soomaalidu khibrad badan ayay u yeelatay shakhsiyaad iyo kooxo xagjir ah iyo la noolaantooda ama iska dhicintooda. 

Waxaan markaa saaxiibbadeey ka codsanayaa in ay gacan iga siiyaan jawaabaha laba su’aalood:

1) Waa maxay kaalinta ay saxaafaddu ku leedahay dhiirri-gelinta dhallinyarada qaadanaya fikradaha xagjirka ah?

2) Waa maxay kaalinta ay saxaafaddu ka cayaari karto in dhallinyaradu aanay qaadan fikrado xagjir ah iyo in kuwa horey u qaatey ay ka soo noqdaan?

Waxaan ka hadlayaa dhallinyarada Soomaaliyeed. Saaxaafadda aan ka hadlayaana waa Radio, TV, Wargeysyada, Baraha internetka iyo saxaafadda bulshada sida Facebook, twitter, youtube iwm. Qofkii aan jecleyn in uu fikirkiisa halkan ku soo bandhigo, waxaan ka codsanayaa in uu keligeey ii soo diro.

2 comments:

  1. Warbaahintu door weyn bay ku leedahay faafinta qaybaha kala duwan ee xagjirnimad, Sida xagjirnimada siyaasada, xagjirnimada qabiilka iyo qabyaalada, xagjirnimada dhaqaale iyo xagjirnimada afkaarta diiniga ah, fakar kasta oo xagjirnimo ahna wuxuu dhalaa mayal-adayg iyo nooc argagixisonimo ah.
    Sababaha warbaahintu muhiinka ugu tahay faafinta afkaarta xagjirka wey badanyihiin waxaase iila muhiinsan;
    1: Hadii warbaahinta laga baabuuniyo fakar xagjirnimo noocuu doonaba ha ahaadee fakarkaas waxuu halmar kala gaarayaa dad aad u badan oo aan si kale halmar loo wada gaareen, dadkaas waxaa halis la hubo ah in ay ka midyihiin dad awalba fakaradaha xagjirnimada ah u nugulaa oo sheekadaas qiil qanciya ka dhigan kara iyo kuwo kale oo borobogaandadaasi isweydiin iyo tashwiish ku furu karto lagana yaabo in ay dacaayadaas wax aan sax ahayn ka rumaystaan.
    2: Warbaahintu waxa ay haysataa farsad ah in la rumaysto waxa ay sheegeyto. Hadii ay xagijirnimo faafisana waxaa loo rumaysanayaa si aan loo rumaysteen hadii dadkii fakarka xagjirka ah faafinayey ay si kale u faafin lahaayeen. Si gaar ah warbaahinta waxaa ugu dayacan dad ay liidato ama aan lahayn xirfada qiimaynta macluumaad ( Source criticism) .

    Sida ay kaalinta weyn ugu leedahay faafinta afkaarta xagjirka ah oo kale bay warbaahintu la dagaalanka afkaarta xagjirka ahna kaalin weyn ugu leedahay.
    Anniga waxay ila tahay Fagradaha xagjirka ah waxa ugu haboon oo lagula diriri karo waa run sheega iyo afkaarta dhex-dhexaadka ah oo xal iyo xaq-doon ka ah; cida kali ah oo si balaaaran oo isku duba ridan hal mar dad badan u wada gaarsiin kartana waa warbaahinta.

    ReplyDelete
  2. Magacayga waa faisal hariir yuusufow xagjirnimada la sheegaayo anaga soomaaliya nama quseyso aragtidayda balse waxaan u baahanahay inaan wax iska weydiino xagjirnimada qabyaalada.

    ReplyDelete