Saxaafaddu waa mas’uuliyad culus. Waxayna qeyb ka tahay
mukhaabbaraadka qeybtiisa aan qarsooneyn ee loo yaqaan “open source” iyo weliba
qeybtiisa Falanqeynta.
Weriyaha waa lagu tababbaraa marka uu warku wax u dhimi karo nafta
bani’aadam ama xorriyaddiisa, marka uu dhaawici karo amniga qaranka iyo sida
laga yeelo.
Weriyayaal aan tababbar qumman u helin ayaa jira, waxaana wehliya
dad badan oo hadda adeegsada saxaafadda bulshada hase yeeshee aan wax tababbar
ah qaadan, isla markaana aan ogeyna in ay mid u baahan yihiin.
Weerar marka uu dhaco inta badan dhinaca weerarka soo qaaday
xaruntiisa howlgalku waxay leedahay qaab ay ula xiriirto shakhsiyaadka faltanka
ku jira. Telefoon ama hab kale ayay adeegsadaan si ay u kala warqaataan, talana
isugu biiriyaan sida ay wax u dheceen iyo marba meesha ay xaaladdu mareyso.
Xaruntu waxay xuuraansataa idaacadaha iyo baraha internetka gaar
ahaan baraha bulshada. Waxay ka eegtaa xog hor leh oo talo ku kordhin karta una
sahli karta in ay yoolkooda gaaraan.
Marka haddii faahfaahin laga bixiyo tirada ciidanka howgalka ku
jira, hubka ay sitaan, tabta ay adeegsanayaan ama jihada ay ka galayaan
dagaalka, goorta ay billaabayaan weerarka ama gurmad u yimid waxay keeni kartaa
in la is wargeliyo oo laga gaashaanto.
Xataa haddii la sheego ciidanka dagaalka gelaya midka uu yahay, waxaa laga yaabaa in magaciisa keliya laga fahmo hubkiisa iyo tabtiisa.
Xataa haddii la sheego ciidanka dagaalka gelaya midka uu yahay, waxaa laga yaabaa in magaciisa keliya laga fahmo hubkiisa iyo tabtiisa.
Hotel Maka
Waxaan jecelahay in aan akhristayaasha la wadaago qaar ka mid ah casharrada laga baran karo weerarkii shalay ee Hotel Maka
iyo khaladdaadka ay saxaafaddu gashay ee laga yaabo in ay khatar gelin karaan naf bani’aadam.
Howgalka oo socda ayaa la arkayay sawirrada dad
saqafka fuulaya, si ay ugu dhuuntaan.
Waxaa igu maqaal ah in dadka qaar uu waagu ugu baryay
iyaga oo saqafka saaran, habeenka oo dhanna ay sawirradoodu wareegayeen baraha
bulshada inkasta oo Hotelka la haystay.
Haddii la sheego in ay dad ku dhuumanayaan qolalka qaarkood waxay
keeni kartaa in lagu baraarugo lagana warhelo.
Waxaan arkayay qof facebook ku soo qoray codsi ah in loo soo duceeyo
macallinkiisa iyo dhowr arday oo uu sheegay in uu la xiriiray iyaga oo ku
dhuumanaya qol dabaqa dhexe ee Hoteelka ah.
Bal qiyaas khatarta ay macallinkaas, ardaydiisa iyo kuwa la xaaladda
ahi ay geli karaan haddii warkaasi uu gaaro dableyda hoteelka kula jira.
Waxaan arkay sawirro ciidanka Booliiska oo aagag iyo awaamir kala qaadanaya oo gadaashooda camera lala soo istaagay ee howlgalkii oo socda la soo daayay.
Waxaan arkay sawirro ciidanka Booliiska oo aagag iyo awaamir kala qaadanaya oo gadaashooda camera lala soo istaagay ee howlgalkii oo socda la soo daayay.
Dhanka kale, waxaan arkayay saxaafadda qaar oo shalay galab soo
qoray in weerarkii la soo afjaray. Taas oo khalad ahayd, waayo waxaan ka warqabnaa in ilaa saaka la haystay Hotelka inkasta oo aan xilliyada qaar xabbad la maqlin.
Bal qiyaas qofka qolkiisa ama meel kale ku dhuumanayay ee haysta internet ee rumeysta in weerarka la soo afjaray. Maxaa markaas la gudboon? Dabcan dibadda ayuu u soo baxayaa. Waxa ku xiga ilama aha in qofkii warka khaldan soo qoray uu sidaa ku talo galkiisu ahaa.
Bal qiyaas qofka qolkiisa ama meel kale ku dhuumanayay ee haysta internet ee rumeysta in weerarka la soo afjaray. Maxaa markaas la gudboon? Dabcan dibadda ayuu u soo baxayaa. Waxa ku xiga ilama aha in qofkii warka khaldan soo qoray uu sidaa ku talo galkiisu ahaa.
Xabbad in aan shanqarteeda la maqal macnaheedu khasab ma ahan in uu
yahay in howlgalkii dhammaaday.
Saxaafaddu haddii ay goobjoog tahay waxay sheegi kartaa in aan wax
rasaas ama qarax ah la maqlin hadda, laakiin in howlgalku dhammaaday iyo in
kale ma aha in ay iyadu ku dhawaaqo. Waxay u taallaa Booliiska oo ay tahay in laga soo xigato.
Waxaan arkay dadka telefoonka u diraya qof kasta oo ay yaqaannaan oo
hoteelkaas fariisan jiray ama ay ogaayeen in uu deggan yahay.
Dabcan waxay u danqanayaan qofkaa ka maqan amaba war jacayl dartiis
ayay u wacayaan.
Qiyaas telefoonku marka uu soo dhaco haddii ay maqlaan dableyda
hoteelka dhex meereysanaya ayaga oo qoryo garwaaxiidsan, farqaha ku sita
banbaanooyin lagana yaabo in ay u dheer tahay jaakad ay walxaha qarxaa ku
rakiban yihiin.
Xataa haddii telefoonku mayeere yahay, mugdi marka la joogo iftiin ayuu bixinayaa. Qofka damca in uu ka jawaabo
sow ma dhici karto in codkiisa uu ku soo hago malaggiisa?
Dhanka kale, qofka telefoonka haysta haddii uu booliisku ka soo wici lahaa si uu ugu gurmado, sow ma dhici karto in uu
telefoonku mashquul ku yahay wicitaankaaga wardoonka ah? Intaas oo dhan haddii aanay dhicin sow bateriga ka dhammeyn maayo wicitaankaagu.
Ugu dambeyntii, haddii aad ogaato qof ku dhintay goobta, waxaa
habboon in sawirkiisa iyo magaciisa midna aanad markiiba soo gelin
saxaafadda. Waxaa ka habboon in horta aad wargeliso ehelkiisa ama aad ka dhowrsato
daabacaadda ilaa ay cid kale wargelineyso ehelka marxuumka. Haddii aad meyd sawireyso, uma jraysid warqadda aqoonsiga, markaa uma baahnid in aad sawir ku dhow oo wajigiisa iyo dhaawacyada jirkiisa gaaray ay muuqdaan.