Thursday, 26 March 2015

Socdaalkii Saddexda Maalmood


Galabta ayaan ku soo laabtay Muqdisho. Ka dib markii aan saddex maalmood soo joogay Dhuusa Marreeb, xarunta Gobolka Galguduud. Wafdi Madaxweynuhu hoggaaminayo ayaan ka mid ahaa. 

Waa markii iigu horreysay ee aan tago magaalo Soomaaliyeed oo ay ciidammo Ethiopian ahi dhinac ka joogaan, kana daafacayaan kuwii duullaan ku ah.

Haddii aad qormadeyda ka raadineysid Cadaado iyo Dhuusamarreeb yaa fiican kama heleysid. Haddii aad ka raadineysid hebel ayaa sidaa yiri, markaasaa hebelna saa ugu jawaabay, ku arki meysid. 

Qormadani waa mid kooban oo ku saabsan waxa aan anigu ka soo bartay ergooyinka qabaa’ilka dega Gobollada Dhexe oo hadda Dhuusamarreeb ku sugan oo aan kula wadaagayo.

Waxay ii ahayd seminaar ku saabsan qabaa’ilka Soomaalida iyo sida ay u wadahadlaan dalka gudihiisa marka ay joogaan isla markaasna aan ajnabi u kala dabqaadeyn.

Waa marka hore ee ballamadu saacad ma lahan. Aan is aragno hadhow, galabta marka casarka la tukado, caawa fiidkii, berri quraacda ka dib iwm ayaa lagu ballamaa.

Dadka shirka fariisan kara iyo kuwa aan fariisan karin inta badan go’aan lagama gaaro. Marka la isu yimaado ayaa la fariistaa. Haddii shirku qabiil yahay oo bannaankaas la fadhiyo dharaar cad, qof aan qabiilka meesha fadhiya ahayni kuma soo leexanayo. Waa xeer aan qorneyn, booliis ilaaliya lahayn, cid ku dhacda in ay ku xad gudubtana aanay jirin.

Shirku wakhtiga uu leeyahay ma xaddidna ee waa mid furan. Telefoonnada  codadka kala nooca ah leh ee soo dhacaya, salliga nebiga CSWS, qofka soo daahay ee soo galaya ee dhowr ruux salaamaya, sagbadda shaaha ah ee lala wareegayo, biyaha la qeybinayo, dhowr kursi oo hal nin mar looga wada istaagayo, kuraas hor leh oo la keenayo iyo qaar kale oo badan waa waxa ay tahay in dhegehaaga iyo indhahaagu ay la qabsadaan adiga oo hadalka la sheegayana u dhug leh. 

Waxaa iga yaabiyay aftahammada, meel-ku-dhegga, af-adeyga, qabiilinnimada bannaanka taal, ku-jiqsiida, isu garaabid la’aanta iyo ka cadgoosiga kuwaas oo qeybta hore ee shirka oo maalin gelinkeed ama maalin dhan qaadan karta lagu lumiyo.

Iyo marka talada la helo codkarnimada, caqli wanaagga, Soomaalinnimada, aragti dheerida, Islaannimada iyo akhyaarnimada ka muuqata isla dadkii iyo isla madashii.

Waxaa kale oo aad iiga yaabiyay mahmaahyada tirada badan ee daliisha laga dhiganayo iyo tusaalooyinka hadalka lagu naqshadeynayo oo inta badan ku billowda “Waxaa la yiri…” ama “Hadda ka hor ayaa…” ama "Beri baa..." Sheekooyinkaas oo qaarkood ay aad u dhaadheer yihiin.

Waxyaabaha xiisaha leh waxaa ka mid ah in wadahadalka ay si dadban uga qeyb qaadanayaan qurba joogta iyo dad Xamar ku sugan oo daneynaya arrinta. Intaa waa la wargelinayaa, talo ayay bixinayaan, marka ay ka fursan weydana waxaa la tuhunsan yahay in ay lacag ku bixinayaan wixii kharash ah ee lagu gelayo howl fulinta - degaan, maciishad iyo isgaarsiin - xag gaadiid iyo xag telefoonba.

Waxaa kale oo aan la yaabay in saddexda wakhti ee wax la cuno ay saddexdaba cuntada ka mid yihiin hilib ari iyo caano geel.

Waxa iigu muhiimsan ee aan la soo laabtay waa in uu igu xoogeystay fikir aan muddaba qabay.

Waa in dadka Soomaaliyeed ee caadiga ahi ay dalka oo dhan ku sugan yihiin xaalado isu dhow. 

Midda ka muhiimsan waa in danaha dadka Soomaaliyeed la is waafajin karo haddii Madaxdu ay daacad ka tahay, xirfaddeeda leedahay, lana timaaddo dulqaadka ay u baahan tahay. Iyo haddii meel la saaro danta siyaasiyiinta, danta ganacsatada iyo, yaanan illaawine, danta kuwa siyaasadda qudheeda ka ganacsada. 

39 comments:

  1. Fadlan adiga oo mahadsan halkan aniga iyo akhristayaasha kaleba nagula wadaag waxa kaaga baxay qormadeyda.

    ReplyDelete
    Replies
    1. asc. salaan diiran iga hoo sahmiyoow garaadoow, maad saluugtay dhaqan inaan saacad loo qaban sahayda iyo hadalkaba, arartaan saluug iyo kalgacayl ku saafnayn, hadana aan sargooyiyo ka tegeynin sooryayn, carrab sagal colaad lohoo xumo laga saraadsado, sidoo kalena samir iyo sado laga malaystoo waxsan laga sugaayaa, sooyaal horeetiyo saakadaan la joogaba, sifihii dadkeeniyo ma salguure weeyaan.

      waqtigu waa salaad dabadi waana saacad aan garano, subaxdii barqada gaaban, markuu arigu soof aado, ay soofiyaan dumarku, inuu odaygu seeteysto, sengihiisa ee xaajo, sal u dhigo masiirkeeda, sidaan anigu soo gaarey, intan gacanta lagu saafin saacada iyo goorshegta, sidaasaanu garanayney, sinjiguna ma duugoobee, saa u garoo ha mooganin.

      Delete
  2. waa sidaas mudane qof walbo o samali ah wanaga ah inuudadkiisa iyo dalkisa wax u qabto wu jecelyahay oo fikirkisa ka muqdo waxa la isku hestana waa wadadan ba fudud iyo midana ka fudud lkn ood jidis iyo qadis wa isku mid waxa ina hesta waa hadalka hebel ma soconayo keyga socanaya laakin in la isku tanasulaa wey dhici karta kaliya waxa mar walba carqaladeeya waxa waye rag ka beecmushara qilaafka oo dano ganacsi oo ay usoo dhiibeen wadamo kale o dano kalo gar ah kaleh amuraan o kale mahadsanid

    ReplyDelete
  3. lkn Yusuf ma jirtay quraan iyo xadiis la aqriyay madalkasta ama wacdi kooban mahan mid dadka ku furtaan hadalka hadii aad ilowday wali waa la roonyahay hadii aysan jirin awalba barakada aa ka dhineed madashaas

    ReplyDelete
    Replies
    1. Cumar, Fadhi kasta aayado quraan ah ayaa lagu furayay. Mararka qaarna wacdi ayaa wehliyay. Ugu dambeyntana faataxada ayaa la alkrisanayay Allahna waa la baryayay.

      Delete
  4. Asc yusuf waxaad raacda safaro badan
    Oo dal iyo dibadba ah xubnaha dawlada ugu sareeya
    Waxanad ka qeyb gasha shirarka madaxda lala kulmayo ma la odhan karaa dawlada xil aan la magacaabin baad u qaabilsan tahay
    Ama sida wasiirada ayaad adna dhinacaga
    Kharashka yar ee dawlada soo gala safaro iyo raaxo ugu tamash leysa

    ReplyDelete
  5. Inta aragtay anagana waad noga fa'ideysay mahadsanid.

    ReplyDelete
  6. Yusuf waan akhriyay qoraalkaga aad kaga hadashay dhaqan somalida, su'aal ayaan rabaa inaan ku weydiiyay dhaqanka ma ku, cajabiyay somalida aad soo aragtay adiga oo ee gaya aduunka iyo xiliga la maraayo?! Mida kale kuma aad sheegin, qoraalkaga u jeedkii aad .Mesha u tagteen inay idiin soo qabsoo meen iyo in kale?

    ReplyDelete
  7. Waxaanka mid ahay dadka goboladaas kaasoo jeeda. Warbaahinta ayaana kala socday sadax maalin sida uu xaalku ahaa. Runtii aad beey eey xanuun jineysaa dib dhaca ii muuqda, kailya waxaan nafta ku dhiiri galiyaa in maanta iyo bari eeysan isku mid ahaan doonin.
    Waxaan kaloon codsan lahaa Yuusfow in aan lasii deeyn oo aanan looga gogal kicin hadalka , dooda iyo wax is fahansiintuna eey meesha kasii socoto waxan rayeenayaa qeeylo iyo qool adag dabadiis in qeerbadan jiri doono.

    ReplyDelete
  8. Yuusuf waxa aan filayay in fikirka dhaqanka Somalida ah aad ha kaysataa uu yahay mid intaas ka balaadhin. Mafilayn in aad la yaabto arraarta iuo hoga tusaalaynta odayaasha Somaaliyeed. Waan ka xumahay in hanka madaxtinimo ee kugu jirta iyo aqoonta aad u ledahay dadka aad hogaanka in aad u qabato rabtaa kala fogyahay. Mahadsanid

    ReplyDelete
    Replies
    1. Maxamed, Inta hadda aan qoray ma wada haystaan akhristayaasheyda da'da yar, qurbaha ku barbaarya ama aan fursad u helin fadhiyadaas? Ma waxbaa ku jaban haddii aan la wadaago?

      Delete
  9. Yuuduf inbadan somali waan ku wanaagsanahy lkn magaran karno isu tanaadul iyo isu hambeeyn kali waxaan garanaa yuusuf iska celi o anan garan karin sababta maahmaahda aad sheegtayne waa hebal yow ka hadal badin dhibaatada bagu dhacday ayey ka mitahy ee rabi ha sakhiro amuurta somaliya

    ReplyDelete
  10. Waa qormo aad u xiisa badan , Qibradna ii siyaadisay.

    ReplyDelete
  11. Waa qoraal muhiim oo sawir buuxa ka bixinaya xaaladda bulsho siyaasadeed ee dalkeenna. Aad baad u mahadsantahay Yuusuf. Waxaan kuugu raacsanahay Yuusuf in Soomaalida isku soo laaban karto waxna wada qabsan karto. Waase haddii loo helo madax danta shacabka Soomaaliyeed kala weeyn tahay wax kasta oo kale. Madax aan qolo goonni ah, koox gaar ah lagu tuhmeeyn. Madax aan shacabka qeeyb ka mid ah eed ka qabin. Hoggaamiyayaal shacabka ixtiraam ka kasbada oo ay aamini karaan.

    ReplyDelete
  12. Mahadsanid Yuusuf,
    mahadcelin kadib Yuusufow, Wax garad waa fahmi karaa halka ay wax marayaan. lkn su'aasha aan qaabaahi waxay tahay fadhiyadaasi oo dhan marka la eego ma gudiyo farsamo ayaa gelayay doodaha mise Madaxweynuhuba si toos ah ayuu dooda u dhex fariisanayay, waanba u jeedaa biseelka siyaasadeed ee meesha ka muuqdee.

    ReplyDelete
  13. "Wixii aad samaysaba kuu sacaba tumaayo", may maree lkn lkn in madasha laysku raaco ficned oo dib loo dhigto wax yaalaha, shacabkana waxaa deeqa mamul iyo kala danbeyn.
    Waxa hada larabo in lagu dhaqaaqo ahayd, isku meri waaga waqtigan kuma ficnen ayan aminsanahay,waxaana habooned in la ka fikiro waxa ka dhalan kara mamul la anta ,maaha 2016 umadda dhan kafikiraan kan loo rabo iyo kan rabba madaxwaynaha mamulka G/Dhexe .waxase su al mudan bal arintan hada yey saameen ku leedahay?
    Yaana iwaydiya dadkaaas afarta sano gababsiga ah waxa ay talo kula haayen dalka iyo dasturka? Hadaseh sowma oga shirka furmi rabba in looga hadli doono afarta sano sosocota ilaa dasturka sowmana habonen in ay ku lahaadan qebtoda.hadaseh waxa ku filan mamul malihdiin, mana nala fadhisankartan sidi muqdisha, New deal ka qebta sadexdan mamul qaarna qabyada ah si buuxda u helayan qebtod, kuwa an mamulka lahayn xaqooda lagu dudsiyo mamul mahaysatan, halkaasna hal qeeb laysku siiyo mudug ila banadir ayado ay ka dhigantahay hal qabiil oo qebtisa helay ,loona diidan yahay mamul inay u helaan kolay mamul la anta dadbay faa ido utahay, Waxanse ka baqi afarta dano soosocota seg segaan inuu ku dhaco,qoslaayana wax yalaha qaar loo hoos geliyo, xassan shirka mamul isku shegyada watan ma asagay jecel yihiin saxiixo lee ka rabaan hana la dhaho xataa adaa matala dadkaaa! Waana su aale wax aan somali udhamayn sidii laguugu keenay waxay ayaga watayn ayna kugu socodsiyen ilaa 8sano ma afarta sano soocotana may kuula imaanaayan saad udhaqmi lahayd si an juujubkan looga bixin.
    Kuwan wada yaacayana danta shacabka mawadaane dano gaara ayey kaleyihiin.
    War iyo dhamantii lama huraan ka ayaa ah dadka inay mamul yeeshaan ,
    Ama ahaynoo malinwalba shirar hala qabto oo ah walayn dulmiyay ma an layn kala tashan kama qeb gelin shir mamulba ahayn meelaha halagu haayo .xibin iyo xeb iyo galmudug inay ayagana tana sulaan aya roon kuwan dhusamarebna sido kale kuwa danaha gaarka watana sido kale kuwa lawatana sidoo kale danaasulka xal ka fcn yaa yaqaan!

    ReplyDelete
  14. waad mahadsantahay yusuf garaad warbixintaada aad ayay u xiiso badan tahay waana ku faraxsanahay inaad ka qayb qaadato waxna ka soo barato dadka gobolada dhexe daga, runtii waa dad sifaha ad ku tilmaamtey leh oo warkoodu cadyahay waxana rajaynaa in maamul wanagsan uu ka soo bixi doono goboladda dhexe adiga waa inaa gacan wayn ka gaysataa talo iyo tusaale, waana laguu baahan yahay waayo waxaa tahay aqoonyahan wali da'yar waana mahadsantahay

    ReplyDelete
  15. Yusuf ,aadbaad umahad santahay sida wanaag e aad noo xusuusisay dhaqankeenii suubanaa ,dad Keena waxaa madaxa ka galay waa siyaasad yar oo wayn hadii qadhankeenana wax laga waydiuyo wax ka garan mayaan aadbaad ugu Mahad santahay qoraalkaaga

    ReplyDelete
  16. This comment has been removed by the author.

    ReplyDelete
  17. waxaa jira sawiro lagaaga qaadey ama wafdigii iyo dayaashii laga qaadey, waxaa jira waxyaaba kale oo qurxoon oo aad so qaadan karto. su'aashayda waxay tahay mar walba oo aad wax ka qoreyso gobolada dhexe maxaad u soo qaadataa ciiid GADUUDN? sida aan ognahay dh/mareeb waa carro cad, ciideedana ma gaduudna! dhul bacaad ahna maaha! fadlan su'aasha naga qanci

    ReplyDelete
  18. Qormadaan Garaadka markii aan akhristay waxa badan ayaa iiga baxay marka u horaysa shirka iyo meesha uu marayo waxaa kae oo meesha ka muuda dhaqanka ay Soomalidu caanka ku tahay ee ah xisaabtanka iyo wax isku hanbayn la aanta.

    Waxaa kale uu meesha ka muuqata in Garaadku uu san xiligaan tartamayaasha ku jirin sababta oo ah wafdigii oo la socday ayuu la laabtay llakiin waxaa suurtagal ah hadii uu dadaalo oo muqdisho ka bilaabo is abuubul xoogan uu dib u soo laban karo .

    ReplyDelete
  19. Waaan ku Salaamay mudane YGC hadalkaaga waxaa iiga baxay Maahmaahdi Somali ee ahayd Maqaar/Harag sagaaro iiga kac mooyee iga durug/siko malahan....

    ReplyDelete
  20. Yusuf Garaad waad kuamahad santahay qormada qiimaha badan eed nalawadagtay

    ReplyDelete
  21. Yuusuf Marka hore waxaan aad uga helay sida xirfadaysan eed qoraaal kan ugu soo koobtay sida ay wax u dhacayeen inta wada xaajood ku socday. Waxaa hubaaal ah oo la isku wada raacsanyahay in sida ugu wanaagsan ee dowladnimo sax ah lagu gaari karo ay tahay in hoos lagaso dhiso taaso micnaheedu yahay in dadka ayagu wada hadlaan si loo gaaro natiijo sharci ah oo dhinac waliba raali kayahay. Maadama aan hal mar laga wada guuri karin nidaaamka qabaaailka, waxaa loo baahanyahay in la isku wado intii mudo ah. Ugu danbeynti waxaan aad u amaananayaa taalabadan ah in dadka ay talada ka go' do lala fariisto, la dhageeysto, loona fududeeyo iney ayaga dhexdooda wada hadlaan Waxaan leeyahay waa tallaabo wanagsan u madaxweeynu horey u qaaday.

    ReplyDelete
  22. Mahadsanid Yusuf, waad sharaxday socdaalkaagii Dhuusamareb ee ma inoo sheegi kartaa kulamadaas badan ee wajiyada kala duwan leh ugu yaraan wax kasoo baxay ama la isla meel dhigay oo berri ama baryo kale laga sii wado karo meeshaas

    ReplyDelete
  23. Yusuf wad mahadsantahay. lakin manta waxan ubahanahay aqoonyahano culuumta aduunyada nocay ahataba iyo mid diini ahba oo daacad ah . dadkan heshiisiyo, waxii lagu heshiyana laqoro, baritana sharciga lagu kala baxo. lakin oday dhaqamed kuwii hore mise kuwa manta jira. kuwa maanta jira WALLAH hadaan awoodo oday dhaqamed iyo siyasi qaqabla ahba god ayaa kuwada guri lahaa. aniga waxan qabaa in laga gudbo dhaqankan aanan meel lagu gaareynin maanta geed fadhisanayan, heshiis iskuracayaan baritana dagal horeh. waxan qabaa dadkan dhaqanka iyo odayasha ladhacsanow, siiba dhalinyarada oday qaraan iyo in uu adiga dagal ujedkisa lagaranayn kugaliyo moyee. wali nin ay skole ama dugsi quran geyen lama haayo. warkuwan aan god kuwada ridno. qolokasto somali ah odayasheda xunxun hasoo aruuriso.

    ReplyDelete
  24. Yusufow adigoo raali iga ah aan kugu tuuro....;)
    Ileen wariyenimada waaa ruufyaanimo dadban.........Allow aan meel kula fadhiisan oo iska hadlin :)

    ReplyDelete
  25. Dabcan wariye yusuf garaad waxaad ka mid tahay lataliyaasha madaxweyne xasan marka waxaan filanaaba waa waxaan yusuf garaad ka filan jirey soo ma ah? mase xiligaan la sugnaa ?

    ReplyDelete
  26. Yuusuf garaad oo kasoo tanaasulaya aragtidii qalinka unasoo tanaasulaya dhul xariiqii dhaqanka ,shaxda siyaasada soomaliyeed geedka hoostiisa iyo cumaamada odaygaa laga dhex baadhaa kk thanks

    ReplyDelete
  27. Mahadsanid Yusuf Garad waa qormo fiican, maba aqrin qormo iiga qiimo iyo dareen-badan, waa astaamaha dad han-leh lagu garto, waa dad ad-adag hadan jil-jilcan, wixii ka dhiman ilbaxnimada ayaa bari doonta, lakii waxaa caqligeyga xun u qaatay in shirka waxba aan lesla garan maxaa yeelay Sawirka aad soo dhigtay waa lama dagaan cara-gaduud, cusba-eel ah. marka Cusbo hadii lagu daro Carro maxaad ka fileysaa waa jiq-bey-isu-tahay, alaw sahal. Mahadsanid waa qormo aan ka helay,

    ReplyDelete
  28. odayaal dhaqameedka somalidu waa awoodaan inay ka gaaran xal arinta ka taagan gobolada dhexe . laakiinse odayadu waxay leeyihiiin hal cilid waa iyagoo aan eegin mustaqbalka fog waxay wax ku qiimeeyaan waa hadba wixii markaas taagan . mahadsanid garaad

    ReplyDelete
  29. ASC Mudane YUUSUF GARAD CUMAR aad ban kaga mahadcelineyna qormada wanagsan
    Lakin aniga sual ayan qabaa mundane Somalia waxaa lagu wareeriyay dib u heshisin been ah iyadon wali an la fahmin cida dagashan waxadna modaa in xaqiqda leyska indha tiraayo wayo waxa is dagashan shacabka ma ahan e wa siyasiyinta somalida o iyaga shisheye mid kasta Ku xiranyahay dano gar ahna lagu wato Malaga yaba mudane Yusuf in xal lo helo siyasiyinta o iyaga is hor fadhistan runtana isugu yimadan iyado qof walba danahisa garka ah iyo tan shisheeye mesha ka sarayo shirkaasna u noqdo mid siyasiyinta iyo odayasha dhaqanka culumada intuba isugu yimadan faragalin shisheeyana mesha laga saaro suura gal matahay in sidaas dhacdo mudane?
    Mida kale hadi an Ku shego sababta An target uga dhigtay siyaasi waxa waye aniga wan dawaday dorashadi 2012 dalka ka dhacday iyo qudbadoyinka ay kajediyen siyasiyinta Somalia hadan so qaato ti xasan Sheikh waxa ka mid aheyd in hadu isaga madaxweyne dalka ka noqdo inu hubin doono qoys walba o somali ah ineey dab shiten iyo in kale mantana sual uma bahna wixi ka qabsomay marka adiga Yusuf garad ahaan hadi manta ad kuso baxdo dorashada 2016ka ama raisalwasare lagu magacaaabo maxad is ledahay Somalia wad ka badali laheyd ama ad qaban laheyd o aysan qaban siyasiyinta kale ?madaama wariye ad aheyd Ana dhihi in siyasiyin badan ad kaga xog ogalsaneyd adigana ad wareysan jirtay maxad ka baratay intaas ad Ku dhax jirtay arimahas ?
    Mahadsanid mudane YUUSUF GARAD CUMAR

    ReplyDelete
  30. Yusuf waa ku salaamay
    Suaal:- odayaasha ma ahaayeen kuwa ku hadlaaya maslaxada dadka G/DH mase waxaa meesha kaaga muuqdey raadtirashi (PROXY), maadaama gobolka ethiopian dhonac ka joogaan. Iyo niman qurba joog iyo kuwa qorax joog ahba meesha ku lug leeyohiin?
    Mahadsanid

    ReplyDelete
  31. Very objective and articulate. Well done Yusuf.

    ReplyDelete
  32. Asc walalkey yusuf garad omar mahadsanid sida sharafta leh aad inoogu kala dhig dhigty balse sidaa hadalka ka dhedhemiyey lagana yaabe ineysan aheyn ijiid aan ku jiido rag dhergan hilib ari iyo caano geel 3 waqti loo kenayo dadka masaakinta ah ee lagu dul dagalame ee guricel ku dhibateysan qaar u qaxay dhagaxyale habar ciro daadaale gabuun ceelbaxay waradhumaleh galqoryale ma yihin dad xal u haya maxaase la gudboon dadka aad so aragte oo ad noga warbixise weliga umada somaliyed ayad u shaqeyn jirtey wanaagooda u taganan jirtey sakay maxa kaga baxay

    ReplyDelete
  33. Yusuf Garad waan kaaga mahadcelinayaa qormadaada xog waranka ah bulshada waxaan dhihi lahaa maqaalkaan waxaad ku aqrisaan aqli aan ciifo leheyn iyo maskax aadan amaahin qof asaagaa ah.

    ReplyDelete
  34. marka wanaaga ayaa badanaaya sidaan u arkaayo

    ReplyDelete