Golaha
Wasiirradu wuxuu maanta magacaabay Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed,
General Maxamed Sheekh Xasan Xaamud iyo
Taliyaha Ciidanka Asluubta, General Bashiir Maxamed Jaamac.
Waa laba sarkaal oo aqoon u leh amniga, horeyna u soo noqday Taliyayaal ciidan. Waa laba wax
bartay oo dhal magaal ah. Waan u hambalyeynayaa. Waxaan Ilaaheey uga baryayaa
in uu ku guuuleyo daryeelka ciidanka iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha si sugid
amni oo sharciga waafaqsani ay ugu suurta gasho.
Dhanka kale,
lama inkiri karo in ay yihiin siyaasiyiin Xubno ka noqday labada Gole. Ciidan
iyo siyaasadna waa la kala leexiyaa. Waa laba shaqo oo dalku u baahan yahay,
ayaguna isu baahan laakiin aan is geyin.
Siyaasaddu
iyadaa dejisa hindisaha guud ee ciidanku ku shaqeynayo, baaxaddiisu inta ay
noqoneyso iyo miisaniyaddiisu waxa ay tahay. Si kale haddii loo dhigo
siyaasaddu iyada ayaa hagta ciidanka.
Taliyayaasha
ciidanku waa in ay ahadaan qaar aan go’aankoodu ku saleysneyn siyaasad ee ay
hagto baahida amniga iyo tan ilaalinta sharciga. Marnaba aan mowqif iyo go’aan
siyaasadeed qaadan, marka laga reebo in ay si dimuqraaddi ah codkooda qarsoodi
ugu dhiibtaan sida muwaaddin kasta oo kale.
Ciidan waa laga
dallici karaa oo siyaasad waa loo gudbi karaa sida General Diini iyo qaar kale
o badan. Laakiin siyaasadda inta laga soo baxo Generaal ciidan ma la noqon
karaa? Waa su’aal ay u baahan tahay in ay dowladdeennu is weydiiso, xeer ka
dejiso, ciidankana ay ku wargeliso.
Midda kale si
loo dhowro heybadda iyo anshaxa saraakiisha, mooraalka ciidanka iyo kalsoonida
uu shacabku ku qabo ciidanka, waa in la dabraa hammiga siyaasadeed ee
sarkaalka. General xaq waa u leeyahay in uu siyaasadda galo, laakiin horta waa
in uu ciidanka ka baxaa isaga oo og inuusan ku soo laaban kari doonin. Waa in
ay noqotaa markii ugu dambeysay ee ciidankeenna lagu dhex arki lahaa isaga oo
lebbisan.
Madaxdana waxaan ka codsanayaa in ay u turaan oo xurmeeyaan dalka iyo nidaamkiisa. Ma ahan in ay ahaato waan falayaa, sababta oo ah waan karaa.
Waa maxay farriinta ay magacaabiddani u direyso sarkaalka waddaniga ah, anshaxa wanaagsan ee howlkarka ah ee khibradda leh ee hammiga ku haya in uu maalin ciidanka hoggaamiyo?
Waa maxay farriinta ay magacaabiddani u direyso sarkaalka waddaniga ah, anshaxa wanaagsan ee howlkarka ah ee khibradda leh ee hammiga ku haya in uu maalin ciidanka hoggaamiyo?
Anigu waxaan siyaasi u aqaan xubnaha Baarlamaanka iyo Golaha
Wasiirrada ee heer Federaal iyo heer Gobol, Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada
iyo xubnaha Xisbi Siyaasadeed oo diiwaan gashan.