Sawir: Qado Maansoor Hotel, Oktoobar 2012 |
London ayaan maanta ku wada qaxweynay Dr. Maxamed Cabdillahi Cumar
oo ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland afartii sano ee ugu horreysay
xukuumadda Madaxweyne Silaanyo. Maxamed waxaa aragti isugu keen dambeysay
Nairobi oo aan shir uga wada qeyb galnay 2013. Ka horna Hargeysa oo uu qado
iigu qaaday 2012.
Maxamed annaga oo 20+ sano jirna ayaan wax ka wada baran jirnay
jaamacadda Umadda Soomaaliyeed. Galbihii iyo fasaxyadana waxaan ka wada shaqeyn
jirnay Radio Muqisho. Maanta waxaan ka wada sheekeysannay xaaladda aadminnimo,
amni, dhaqaale iyo siyaasadeed ee Geeska Afrika iyo Yemen.
Su’aalaha aan is weydiinnay waxaa ka mid ahaa dagaalka Yemen
saameynta amni iyo tan aadminnimo ee uu ku yeelan karo Gobolka. Doorashada
Somaliland ee dib u dhacday haddana u mddeysan Juun 2016, iyo wadahadalka hakadka galay ee Soomaaliya iyo
Somalilandoo ka mid ahaa Madaxdii hindistay iyo weliba sida waddada loo qodxa bixin karo. Mustaqbalka Soomaaliya oo hadda la go’aansanayo sida Federal in ay ahaaneyso iyo in kale iyo haddii ay
Federal noqoneyso qaabka uu ahaanayo iyo sida ay Gobolladu isu raacayaan, iyada
oo Somaliland ay miiska ka maqan tahay iyo saameynta uu arrinkaasi ku yeelan
karo aayaha wadahadallada labada dhinac. Sidoo kale waxaan isla soo qaadnay Higsiga 2016. Waxaan wax iska weydiinnay derbiga
dhererkiisu yahay 700 km ee ay Kenya ka dhiseyso soohdinta ay la wadaagto Soomaaliya
iyo saameynta al Shabaab ee Gobolka.
Ujeeddadu waxay ahayd in aan xog iyo aragti
is weydaarsanno.
Maxamed wuxuu hadda ka talo bixiyaa xallinta khilaafaadka Geeska Afrika.
Maxamed wuxuu hadda ka talo bixiyaa xallinta khilaafaadka Geeska Afrika.
I am really impressed with the way you handle your issues, very sober, moderate and knowledgeable on the current issues facing the region. You are the kind of person that is needed at the helm of the Somali issues. I pray that Somalia gets a leader with foresight like you
ReplyDeleteLaba nin oo aqoon iyo waayo aragnimo badan leh ,karti iyo dadaal dheeraad ahna Allah SWT ku manaystay,Allah cimriga iyo caafimaadka ha idiin kordhiyo.
ReplyDeleteWaxad kaalmaha hore kaga jirtaan ragga aan ku faano ,aad iyo aad ayaan idiinku han waynahay,runtiina tusaale fiican oo aan ku daydo ayaad ii tihiin aniga...Guuleysta.
Intaasi waa warka oo kooban. Yusufow waxaan kaa sugna waa warka oo tifaftiran. Fadlan qodobqodob tafasiil uga bixi arrimaha xogta iyo aragtida aad iska weydaarsateen ee geeska Afrika.
ReplyDeleteyhfghgfhgfhhgh
ReplyDeletesomalilnd inaad ku so caan baxdo ayaad rabta ha nola imaan sxb xamar may ku qadi way day
ReplyDeleteAad baan ubogaadinayaa kulankan.
ReplyDeleteMahadsanid La wadaagidaada
ReplyDeleteWaa xayeysiin muuqata
ReplyDeleteKKK, walaal Yuusuf aragtideyda gaarka ah: "warkaagu waxuu xambaarsan yahay oo iska cad (adigoo weliba xirfaddaadii wariye-nimo uga faa'ideynaya saaxibkaa) inaad xayeysiin u sameyneyso Dr. Maxamed Cabdillaahi guud ahaan hammigiisa siyaasadeed ee maamulka SL balse la arkee nasiibkiisu waxuu u saamaxo".
ReplyDeleteYusuf waxaad ogaadaa in barashada aad is barataan qof. Aay ka saameen badantahay qofka aad isku Class aheedeen yaraantiina.
ReplyDeleteWaxaa kulankan ka dhadhan saday. In aad iska wareeysateen dhamaan wax yaabaha kusoo fool leh Dalka iyo Marxaladaha hada taagan sidii looga foojignaan lahaa. Iyo iskaashiga lays weedeersan karo nooca uu yahay.
Waa fikirkayga .