Saturday, 27 June 2015

Cadaado Fari kama Qodna


Hambalyo Cali Gacal Casir oo maanta Cadaado loogu doortay Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug. Wuxuu ka guuleystay Cabdullaahi Maalin Gaafow, oo isagana aan u hambalyeynayo dadaalka uu muujiyay iyo in uu meesha keenay tartan aan wax la isula harin. Gaafow sababta kale oo aan ugu hambalyeynayo waxaan soo maray xanuunka guuldarrada doorashada.

Waa sir aan qarsooneyn in murashixiinta Madaxweyne ee Gobollada Dhexe iyo dadka geed fadhiga u ahi ay la kala safnaayeen Casir iyo Gaafow.

Waa dhab in doorashada Cali Gacal Casir ay dharbaaxo siyaasadeed ku tahay murashaxa Madaxweyne ee ugu tunka weyn inta Gaafow taageertay. Iyo murashaxaas inta xulafada la ah ee Cadaado iyo Muqdisho fadhiya oo qaarkood ay aad u miisaan culus yihiin. Waana laga yaabaa in ay dharbaaxadaas ka soo waaqsan waayaan, inkasta oo aan dharbaaxo keliya loo dhiman.

Laakiin macnaheedu ma ahan in taratanku uu dhammaaday ama natiijada aan maanta aragnay ay tilmaan sugan u tahay waxa soo socda.

Dadka qaar waxay u haystaan in maaddaama guushu ay raacday Cali Gacal Casir ay tahay in doorashada Madaxaweynaha uu ku guuleysan doono Axmed oo isaga taageeray.

Waa laga yaabaa in ay sidaas u dhacdo, laakiin haddana ma jirto wax diiddan in aan cagsigeeda aragno.

Xisaab iyo Siyaasad

Xisaabta marka laba lagu daro laba waa afar, sababta oo ah waa cilmi ku saleysan xaqiiqada iyo run.

Laakiin siyaasadda, siiba tan Soomaaliya, marka laba lagu daro laba, in la qiyaaso ma ahane ma jiro qof si hubanti ah u sheegi kara natiijadu waxay noqoneyso.

Waayo waxaa lagu sii darayaa ama laga jarayaa, lagu dhufanayaa ama loo qeybinayaa waxyaabo badan oo aan la cabbiri karin, oo qaarkood yihiin ilu-ma-qabato. Waxay  ku xiran tahay Allah ka cabsiga, daacadnimada, awoodda iyo sharci dhowridda shakhsiyaadka shaxda dhigtay.

Dadka qaar waxay adeegsadaan ballanqaad been ah, mid run ah laakiin sharci darro ah, khiyaamo, laaluush iyo wax kasta oo laga dhowrsado iyo xataa xarig ama dil haddii ay ku kallifto. Waxaa kale oo farsamooyinka ka mid ah isku dir iyo in been laga faafiyo murashax kale. 

Dadka qaarna ayaga oo si sharci ah u dhaqmaya ayay laba laabaan dadaalkooda ololaha.

Intaas oo dhan waxaa dheer ajnebi iyo Soomaali aan doorashadu toos u khuseyn laakiin ay saameyn ku yeelan karto oo meesha ka adeeganaya.

Kenya 2004

Waxaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya u tartamay Shariif Xasan Shiikh Adan iyo Shiikh Adan Madoobe. Murashax Madaxweyne Cabdullaahi Yusuf wuxuu taageersanaa Adan Madoobe.

Madaxweyne Cabdiqaasim oo qudhiisu ahaa murashax iyo murashaxiin kale oo badan way ka soo horjeedeen Shiikh Adan Madoobe oo waxay dhisayeen Shariif Xasan oo ku guuleystay Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Nin aan telefoonka kula hadlay oo safaarad muhiim ah ka tirsanaa wuxuu habeenkaas ii sheegay in Madaxweyne laga sugayo dhinaca ku guuleystay Baarlamaanka.

Markii la isugu yimid garoonka Kasarani oo aan goobjoog ka ahaa, waxaa dhacday sidii ay dadka qaar filayeen cagsigeeda.

Cabdullaahi Yusuf Axmed, oo isaga murashixiisii Baarlamaanka hore looga guuleystay, ayaa soo laba kacleeyay oo ku guuleystay Madaxweyne.

Marka tartanku weli wuu furan yahay oo Cadaado fari kama qodna.

Qaxootiga Yemen



Shalay waxaan tegey safaaradda Yemen ee Muqdisho oo ku taalla meel u dhow dekeddii hore ee Muqdisho. Waxaa halkaa ku sugan dad ka soo qaxay dagaalka Yemen. Qaarkood waa Soomaali asalkoodu ka soo jeedo Yemen. Qaarna waa Yemen aan Soomaaliya xiriir hore kala dhexeyn marka laga reebo in ay hadda u soo qaxeen.

Dadkaas runtii waxaan ugu tegey xaalad murugo iyo calool xumo i gelisay.

Waxaa aad ugu badan haween, ay qaarkood sitaan ilmo maalmo ama bilo yar jira.

Laba ilaa saddex teendho oo markaas la dhisay oo aan weli la dejin iyo meel balbala ah ayay aga taag taagan yihiin. Wax ay cunaan, wax ay cabbaan, musqulo macna leh, hu iyo hooy midna ma haystaan.

Goobta ay ku sugan yihiin oo loo yaqaan Liido Labaad ama secondo lido, waa meel kor u kacsan oo badda ku soo jeeddaa. Waxaa ku dhacaysa dabayl xoog leh, oo xataa maalintii qabow dhaxan xigeena ah.

Qaarkood waa qoysas ka kooban aabbe, hooyo iyo carruur.

Waxaan soo arkay xaalad aan aad ugu calool xumaaday ummad dagaal ka soo qaxday, oo miciin na soo badday in ay xaaladdaas ku sugnaato waan dhibsaday.

General Saacid oo ah Taliyihii hore ee Booliiska Soomaaliyeed ayaa shalay u geeyay timir, rooti, biyo iyo sonkor. Kuma wada filneyn, intii ay gaartay ayaan u qeybinnay.

Waxaan hubaa in dadkaas iyada oo aan culeys badan lahayn maalin walba raashinkooda meel la saari karo haddii bulshadu ay iska kaashato.

Midda kale, waa lama huraan in Hey'adda Qaxootiga ee Qaramada Midoobay, UNHCR, laga wada diiwaan geliyo maaddaama aan la aqoon wakhtiga uu qaadan doono joogitaanka Qaxootigu.

Friday, 26 June 2015

AUN Cabdulqaadir Xaaji Maxamed


Cabdulqaadir Xaaji Maxamed  ninka ugu sokeeya
Allah ha u naxariisto Cabdulqaadir Xaaji Maxamed oo shalay ku geeriyooday London. In badan kama aqaan, laakiin mar iyo laba aan shaqo isugu nimid waxaa iiga muuqatay in uu yahay nin aruursan, afgaaban, daacad ah, iskuna kalsoon.

Madaxa Radio Muqdisho ayaa mar ii xil saaray in aan wareysi ka soo qaado dhammaan xubnaha Guddiga Dabargoynta Qaadka oo ay ka mid ahaayeen Wasiirro iyo Taliyaha Ciidanka Booliiska.

Waxaan ka billaabay Cabdulqaadir Xaaji Maxamed oo ahaa Guddoomiyaha Guddiga. Ballan ka dib, markii aan ugu tegey Xafiiskiisa oo ku yaallay Guriga Ummadda, waa dhismaha  uu hadda Baarlamaanku fariisto, wuxuu Cabdulqaadir i weydiiyay su’aalaha aan wataa nooca ay yihiin. Waxaan iri maxaad uga jeeddaa? Wuxuu yiri ma su’aalihii Radio Muqdisho baa mise waa su’aalo dhab ah oo xaqiiqada ka tarjumaya? 

Waxaan ku jawaabay waa kuwii Radio Muqdisho. Wuxuu yiri ma doonayo, ee waxaan kaa rabaa in aad i weydiiso su’aalaha ay dadku is weydiinayaan ee xaqiiqada ka tarjumaya. Waxaan u sheegay in aan u baahan ahay wakhti aan ku diyaariyo, markaas ayaan ballan kale ka soo qaatay.

Aakhirkii, wareysigii aan ka soo qaaday wuxuu noqday mid xiiso badan, oo dad aan saaxiibbo ahayn ay igula taliyeen “war wiilyahow lafahaaga ilaasho” oo ay ula jeedaan kacaanka ha ku dhiirran.

Laakiin Cabdulqaadir isaga ayaa iga dalbaday ee dhiirri iyo bareer midna igama ahayn. Sababta oo ah Madax Sare oo wax uun khalad qaadka la xiriira uu ku tuhunsanaa ayuu rabay in uu si sarbeeb ah u dareensiiyo in laga warqabo. 

Wuxuu igula taliyay in aan su’aalaha noocaas ah weydiiyo dhammaan xubnaha Guddiga. Sidii ayaan yeelay.Taas oo siddeetamaakii ahayd, mid aan looga baran inta badan madaxdii berigaas xilalka haysay. Xubnaha Guddiga Dabargoynta qaadka ee aan wareysiyada ka soo qaaday waxaa ka mid ahaa Wasiirka Warfaafinta, Maxamed Cumar Jees, Wasiirka Tacliinta Sare, Cabdisalaan Shiikh Xuseen iyo Taliyaha Booliiska, Adan Cabdullaahi Xersi.

Allah ha u naxariisto.

Monday, 22 June 2015

Dadaal, Karti iyo Samir




Qof wax uusan aqoon ma ahan in looga xumaado. Dembina ma ahan aqoon iyo khibrad yaraantu keli ahaantood haddii ay qofka ku kooban yihiin.

Laakiin marka uu qofku damco in uu qabto howl aanuu xeerarkeeda aqoon u lahayn, markaas ayuu dembiile noqon karaa.

Tusaale ahaan haddii aan qofku aqoon in nalka casaanka ah ay tahay in ay baabuurtu ka istaagto, ogaan la'aantaasi keligeed dembi kuma aha. Laakiin haddii isaga oo aan nalka casaanka ah macnihiisa aqoon uu yiraahdo gaari ayaan wadayaa, markaas ayuu dembi gelayaa.

Dabcan waxaa dembigaas la wadaaga kii yiri kaxee gaariga. Ama asaga oo og cilladda aqooneed ee jirta, haddana oggolaaday in qofkaasi uu gaariga kaxeeyo.

Ma jiro qofna aqoon iyo khibrad ku dhashay. Dadaal iyo samir ayuu ku kasbaday. Qof kastaana wuu gaari karaa haddii uu dadaal, karti iyo samir la yimaado. 

Laakiin ma jirto wadiiqo xalaal ah oo looga leexdo in aqoon toos ah iyo mid dadban la urursado, mar kastana taagtaa la tallaabsado, si martabad sare loo gaaro.

Shakhsiyaad waxaa jira degdegaya, wax-walba-yaqaan ah, ummadda ugu dhiirran, madaxdana indhaha uga dhaca, si ay uga ritaan hadba waxa ay jantaan. 

Waxaa jira qaar kale oo ay isku ujeedda yihiin, sifooyinka kalena ay wadaagaan marka laga reebo dhiirranaanta. Kooxdan dambe kama xishoodaan in ay madaxa ay xil ka doonayaan ama m ay doonayaan in xil ay hayaan aanuu ka qaadin ay jaakadiisa asaga oo gashan ay boorka ka jafaan, kabahana ...

Labada kooxood waxay Madaxda u geeyaan war ay maqleen, mid ay wax ku dareen ama xataa mid ay  ayagu curiyeen oo ku saabsan dad kale, si ay kalsoonida Madaxda u helaan.

Labada kooxood oo siyaasadda iyo maamulka dalkeenna ku badan, kama khaldana sababta ay sidaa u sameynayaan. Waa in ay helaan ama sii hayaan maqaam aanay u qalmin, aqoontiisa iyo khibraddiisana aanay lahayn, si kalena aanay ku heli karin.

Dadka noocaas ah waxaa habboon in aan khalad la fahmisiin oo wax aanay ahayn aan la dhihin waa tihiin, si aanay isugu maleyn in ay yihiin. Howl aannay qaban aqoonna aan loo dirin, si aanay isugu qabin in ay qaban karaan. In aan been loo sheegin si aanay run ugu maleyn.

Haddii qofka aan loo dirin mas'uuliyad aanuu aqoonteeda iyo khibraddeeda lahayn, hananna karin, ogow khatar ayaa laga badbaadiyay. Waxaana laga yaabaa in ay taasi ku dhiirri geliso in uu aqoonteeda diyaarsado. 

Qof aan hadda ka hor u sheegay in shaqada uu soo doontay aanuu heli karin oo waxa ka dhimman aan u sheegay, dib ayuu isu soo diyaariyay, sannado yar gudahoodna shaqadii uu doonayayna si wanaagsan ayuu ugu guuleystay. Sidaas oo kale ayaa qof kasta isu diyaarin karaa.

Haddii qofku isku halleeyo aqoontiisa iyo kartidiisa cidna ugama baahna in uu shaqo ku hayo ama ku ilaaliyo. Haddiise uu isku halleeyo shakhsi madax ah oo markaa jooga, shakhsiga madaxa ah waa la beddeli karaa amaba wuu dhiman karaa.

Kuwii hore loo xulay iyo kuwa la magacaabay ase la arkay in aanay gudan karin waajibaadkooda, waa in looga mahadceliyo intii ay isku dayeen in ay qabtaan howl aanay qaban aqoon. Dhibka ayaga haysta iyo midka ay ku hayaaan dadka iyo dalkana halkaa lagu soo af jaro.

Dadaal, karti iyo samir waxay kuu sahlaan nolosha. Waxay dhab kuu kala baraan dadka aad la macaamileyso. Waxay ku tusaan haadaanta, waxayna sahay kuugu noqdaan mustaqlka.

 Dad waxaa ugu  liita, maya aan iraahdo dad waxaa ugu dhiirran, midka aan haadaanta u jeedin.