Monday, 22 June 2015

Dadaal, Karti iyo Samir




Qof wax uusan aqoon ma ahan in looga xumaado. Dembina ma ahan aqoon iyo khibrad yaraantu keli ahaantood haddii ay qofka ku kooban yihiin.

Laakiin marka uu qofku damco in uu qabto howl aanuu xeerarkeeda aqoon u lahayn, markaas ayuu dembiile noqon karaa.

Tusaale ahaan haddii aan qofku aqoon in nalka casaanka ah ay tahay in ay baabuurtu ka istaagto, ogaan la'aantaasi keligeed dembi kuma aha. Laakiin haddii isaga oo aan nalka casaanka ah macnihiisa aqoon uu yiraahdo gaari ayaan wadayaa, markaas ayuu dembi gelayaa.

Dabcan waxaa dembigaas la wadaaga kii yiri kaxee gaariga. Ama asaga oo og cilladda aqooneed ee jirta, haddana oggolaaday in qofkaasi uu gaariga kaxeeyo.

Ma jiro qofna aqoon iyo khibrad ku dhashay. Dadaal iyo samir ayuu ku kasbaday. Qof kastaana wuu gaari karaa haddii uu dadaal, karti iyo samir la yimaado. 

Laakiin ma jirto wadiiqo xalaal ah oo looga leexdo in aqoon toos ah iyo mid dadban la urursado, mar kastana taagtaa la tallaabsado, si martabad sare loo gaaro.

Shakhsiyaad waxaa jira degdegaya, wax-walba-yaqaan ah, ummadda ugu dhiirran, madaxdana indhaha uga dhaca, si ay uga ritaan hadba waxa ay jantaan. 

Waxaa jira qaar kale oo ay isku ujeedda yihiin, sifooyinka kalena ay wadaagaan marka laga reebo dhiirranaanta. Kooxdan dambe kama xishoodaan in ay madaxa ay xil ka doonayaan ama m ay doonayaan in xil ay hayaan aanuu ka qaadin ay jaakadiisa asaga oo gashan ay boorka ka jafaan, kabahana ...

Labada kooxood waxay Madaxda u geeyaan war ay maqleen, mid ay wax ku dareen ama xataa mid ay  ayagu curiyeen oo ku saabsan dad kale, si ay kalsoonida Madaxda u helaan.

Labada kooxood oo siyaasadda iyo maamulka dalkeenna ku badan, kama khaldana sababta ay sidaa u sameynayaan. Waa in ay helaan ama sii hayaan maqaam aanay u qalmin, aqoontiisa iyo khibraddiisana aanay lahayn, si kalena aanay ku heli karin.

Dadka noocaas ah waxaa habboon in aan khalad la fahmisiin oo wax aanay ahayn aan la dhihin waa tihiin, si aanay isugu maleyn in ay yihiin. Howl aannay qaban aqoonna aan loo dirin, si aanay isugu qabin in ay qaban karaan. In aan been loo sheegin si aanay run ugu maleyn.

Haddii qofka aan loo dirin mas'uuliyad aanuu aqoonteeda iyo khibraddeeda lahayn, hananna karin, ogow khatar ayaa laga badbaadiyay. Waxaana laga yaabaa in ay taasi ku dhiirri geliso in uu aqoonteeda diyaarsado. 

Qof aan hadda ka hor u sheegay in shaqada uu soo doontay aanuu heli karin oo waxa ka dhimman aan u sheegay, dib ayuu isu soo diyaariyay, sannado yar gudahoodna shaqadii uu doonayayna si wanaagsan ayuu ugu guuleystay. Sidaas oo kale ayaa qof kasta isu diyaarin karaa.

Haddii qofku isku halleeyo aqoontiisa iyo kartidiisa cidna ugama baahna in uu shaqo ku hayo ama ku ilaaliyo. Haddiise uu isku halleeyo shakhsi madax ah oo markaa jooga, shakhsiga madaxa ah waa la beddeli karaa amaba wuu dhiman karaa.

Kuwii hore loo xulay iyo kuwa la magacaabay ase la arkay in aanay gudan karin waajibaadkooda, waa in looga mahadceliyo intii ay isku dayeen in ay qabtaan howl aanay qaban aqoon. Dhibka ayaga haysta iyo midka ay ku hayaaan dadka iyo dalkana halkaa lagu soo af jaro.

Dadaal, karti iyo samir waxay kuu sahlaan nolosha. Waxay dhab kuu kala baraan dadka aad la macaamileyso. Waxay ku tusaan haadaanta, waxayna sahay kuugu noqdaan mustaqlka.

 Dad waxaa ugu  liita, maya aan iraahdo dad waxaa ugu dhiirran, midka aan haadaanta u jeedin.

5 comments:

  1. arrinkaan waa arrinka maanta wadankeenna haadanta kasiiridaya arrimaha dibla maasiyadda ayaaba ugudaran waliba mana aha inaan dadaan qirad laheeyn wadankeena god kusiiridaan waayo dad waxa ugudaran qofka naftiisa beenta usheega asigoo doonaya inoow kunoolaado dhalanteed doonayana inoow dadna kuhago amaba kuhogaamiyo soow hadaan katuuri maayo waxasa kasiidaran ninka madaxda ah ee nuucaas nagu caddibaya

    ReplyDelete
  2. Xukuumada uu soo dhisay Xasan sheekh iyo raga la shaqeeya mid qudha oo leh waayo aragnimo iyo aqoon uu ku hanan karo shaqada uu hayaa ma jirto ,dhamaan waxa lagu wada keenay is garabsi iyo reer hebel ,madaxwaynaha laftiisu khibrad iyo aqoon uma laha maamulka uu hayo thanks

    ReplyDelete
  3. biya dhaca sheekhada inta aan lagaarin ereyada maldahan iyo ku duur-xulka ah ayaaba cajiib ah

    ReplyDelete
    Replies
    1. Waan kugu raacsanahay Yuusuf qoluu toosh ku ifinayaa. Waase lagama maarmaan in lagu ifiyo.

      Soomaalida dhibka haysta waxaa weeye, caddaalad xumo iyo xeer xumo.

      Haddii caddaalad jiri lahayd waxaa masuuliyiinta lagu xulan lahaa kartidooda (meritocracy.) Masuuliyiintuna cadaalad bay fali lahaayeen oo waxay shaqaalaha ku xulan lahaayeen sidii iyaga lagu soo xushay. Maanta taas ayaa Soomaali ka maqan meel fog bayna ku jirtaa.

      Maanta qabiil baa masuulka lagu xushaa isna qabiil buu wax ku xushaa. Soomaalidu ma is waydiisay, war 60 sanno baan qalad wax ku wadnay waxaynu hagaajino daaye wixii yaraa ee aan haysanay baan kala tuurnay ee sida ma isu dhaanaa?

      Dhibku waxaa weeye, sida kaliya ee aan naqaan waa taa jaan-gowracan ciddii badali lahayd ama sixi lahaydna cidi fursad ma siin ama waa tiro fara ku tiris ah.

      Qabiil, federlaism, 4.5 gobolaysi, Xariijiintii Engriis ka tagay qiimee dhamaan kuwaas oo dhan wax bedeli maayaan ilaa cadaalad wax lagu doorto caddaalad wax lagu shaqaalaysiiyo kii masuul qaadayna cadaalad wax ku maamulo ama ku shaqeeyo sharci cadaalad ah oo ilaaliyana la helo.

      Delete