Friday, 19 June 2015

Buubbaa oo Calankiisa Beddelay


Mudane Ismaaciil Buubbaa
Goobtu waa Djibouti. Waa garoonka dayaaradaha Ambouli. Waa bisha April sannadkuna waa 1994. Kulaylka ayaa soo yara billaabanaya. Waa aroor hore. Waxaan ka imid London inkasta oo aan markaa magaalada dhowr maalmood joogay.

Waxaan goobta isku aragnay Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubbaa, oo markaa lagu yiqiin siyaasadda SNM iyo Wasiir Maaliyadda ee Somaliland in uu noqday.

Wuxuu ii saray in war weyn oo xagga Somaliland ahi uu jiri doono. Inkasta oo aan aad isugu deyay in uu faahfaahin i siiyo, haddana wuxuu ku gaabsaday in uu warka ku dhawaaqi doono Guddoomiyaha SNM, Cabdiraxman Axmed Cali, waa Madaxweynihii koowaad ee Somaliland markii ay gooni isu taagtay. Waxaan weydiistay in aan la kulmi karo Cabdiraxman Axmed Cali. Wuxuu ii sheegay in uu hadda ka dhoofay garoonka oo uu qabtay Addis Ababa. Halkaas oo uu kaga dhawaaqi doono warka oo ah mid aad u culus.

Waxaa maalmahaa Djibouti joogay Maxamed Faarax Caydiid. Waxaan soo xusuustay in Caydiid ay toddobaadkii hore isku soo arkeen Addis Ababa Hoggaamiye Kooxeedyo dhowr ah oo uu ka mid yahay Cabdullaahi Yusuf oo markaa madax ka ahaa Gobollada Woqooyi Bari. Wuxuu ahaa safarkii ugu horreeyay ee Caydiid uu Dibadda u soo baxay ka dib markii uu Mareykanku ka joojiyay duqeyntii iyo baadigoobka dagaalkii la baxay Blackhawk Down. Caydiid oo baqdin ka qabay Mareykanka ayaa diiday shir ka dhici lahaa Addis Ababa in uu ka qeyb galo. Dayaarad khaas ah oo loo diray ayaa waxaa wadajir u raacay Wasiir Ethiopian ah iyo Cabdullaahi Yusuf Axmed si ay uga soo qanciyaan in uu shirka ka soo qeyb galo. Wuuna soo raacay.

Halkaas waxaa iiga soo baxday in sababta Caydiid loogu qanciyay in uu dibadda u soo baxo, is araggii isaga iyo Cabdullaahi Yusuf iyo Madax kale oo Soomaaliyeed oo badan ee Addis Ababa iyo kulanka Cabdiraxmaan Tuur, in laga yaabo in go’aanku noqdo mid wax ka beddela siyaasadda Soomaaliya.

Markii uu Buubbaa iigu daray in war weyni jiri doono waxaan billaabay in aan xaaladda darso, bal waxa aniga ka weriye ahaan ila gudboon. London iyadana xan ayaa iga soo gaartay ku saabsan qorshaha SNM. Subixii xigay waxaan ka degey Hargeysa iyada oo aan dadku dareen qabin. Fiidkii ayay ahayd mar aan makhaayad kala casheynayay saaxiibbo markii aan dhegeysannay BBC. Cabdiraxman Axmed Cali wuxuu ku dhawaaqay in laga noqday gooni isu taagga Somaliland.


Gen. Aideed oo diiday in uu ka jawaabo su’aasheyda,
Garoonka Dayaaradaha Djibouti 1994.

Sida ay magaaladu uga jawaabtay iyo bannaanbaxyadii ka dhacay ee rabshadaha iyo dhagaxtuurka watay ayaan Hargeysa ka soo tebiyay maalintii xigtay. Siyaasiyiintii aan la kulmay maalintaas waxaa ka mid ahaa Madaxweyne Maxamed Ibraahim Cigaal iyo Mudane Jaamac Maxamed Qaalib oo aan gurigiisa ku booqday.  

Intii ka dambeysay waa taariikh aanan dooneyn in aan hadda halkan ku faaqido.

Wixii berigaa ka dambeeyay inta badan Ismaaciil Buubbaa aad ayuu uga dhex muuqday siyaasadda Soomaaliya. Mar uu Xildhibaan ahaa iyo mar uu xil Wasiir hayay. Sannadkii 2000, markii Cabdiqaasim Salaad Xasan lagu doortay Carta, Ismaaciil wuxuu ka mid ahaa raggii ugu cadcaddaa ee u taagnaa Ra’iisal Wasaare.

Dowladdii lagu soo dhisay Nairobi ee uu Madaxweyne Cabdullaahi Yusuf hoggaaminayay, oo iyadu ka yara aqoonsi rooneyd dowladdii ka horreysay, wuxuu Ismaaciil Buubbaa mar ka noqday Wasiirka Arrimaha Dibadda.

Xilkaas intii uu hayay ayuu yimid goobteydii shaqada, Bush House, isaga oo ay wehliyaan Allaha u wada naxariistee Yusuf Dirir oo isaga dhowaan lagu dilay Muqdisho iyo Cabdikariin Faarax Laqanyo. Imey soo wargelin oo waxaa laga yaabaa in aanay dooneyn in la ogaado in lagu siday baabuur ay leedahay Safaaradda Ethiopia ee London, ballanatana ay iyadu u qabatay. 

Anigu markii aan ka war helay waxaan u qabanqaabiyay wareysiyo dhowr ah oo ka dheeraad ah midkii ay u yimaadeen, maaddaama aan ogaa afafka badan ee uu ku hadlo Buubbaa. Ka dib waxaan u qaban qaabiyay in aan la kulanno oo aan isbaro Madaxa Afrika iyo Bariga Dhexe ee BBC, Jerry Timmins, oo aniga madax ii ahaa. Maaddaama aan socdaalka Wasiirka cidi hore noogu wargelin, waxaan Jerry Timmins ka soo saaray shir uu ku jiray, ka dib markii aan ka codsaday in uu qaabbilo Wasiir Soomaaliyeed oo jooga Xafiiskeyga. Halkaas ayaan shaah ku wada cabnay. Marnaba ma sii ogeyn in Wasiirku uu fursaddaas uga faa’iideysan doono in uu aniga i dacweeyo.


2015

Hadda Salaadda subax inta aanan tukan ayaan dhegeystay wareysi taariikhi ah oo uu Ismaaciil Buubbaa siiyay Horn Cable. Wareysiga waxaa si wanaagsan u qaaday weriye Cali-Seenyo, oo ah nin cod kar ah.

Waxaan ka fahmay in Ismaaciil Buubbaa uu hadda ka noqday go’aankii uu in ka badan 20 sano ka hor waa April 1994 uu iigu sheegay garoonka dayaaradaha ee Djibouti.

Wuxuu si codkarnimo leh uu u fasiray sababta uu uga guurayo Muqdisho oo uu u qabanayo Hargeysa, isaga oo calankana beddelanaya.

Ismaaciil Buubbaa wuxuu ka gaabsaday in uu afka si buuxda ugu ballaariyo laakiin wuxuu erayo kala duwan ku sheegay in nidaamka Federaalku qaabka uu ku socdo aanuu isaga ugu muuqan mid haya dhabbihii lagu dhisi lahaa Qaran Soomaaliyeed oo hana qaada. Welibana uu halis u yahay in Soomaaliya uu u horseedo in ay kala burburto, oo ay noqoto dowlado yar yar oo iyagu isu cadow ah iskuna mashquulsan.

Anigu waxaan qabaa in Buubbaa go’aankiisa lagu qaddariyo. Soomaali guud ahaan, keennii jecleysta iyo midkeennii aan jecleysanba waxaa ila habboon in aan ku qaddarinno aragtida iyo go’aanka uu shakhsi ahaan u qaatay Ismaaciil Buubbaa.

Waxaanse qabaa in si aan laab-la-kac ahayn u faaqidno oo u miisaanno sababaha uu noo sheegay iyo sababaha kale ee muuqda laakiin aanuu carrabka ku dhufan.  Waxaan qabaa in aan wax iska weydiinno habka Federaalka. Waxaan qabaa in aan wax iska weydiinno dhaliisha uu u jeediyay Somaliland oo uu ku tilmaamay in dooddeedu ay ku saleysan tahay taariikh ee aanay mustaqbal ku saabsaneyn. Waxaan qabaa in aan wax iska weydiinno Mas'uuliyiinta Soomaaliyeed ee uu ku tilmaamay in ay oggol yihiin in la noqdo laba dal.

Ismaaciil calanka wuu beddeshay, hase yeeshee waa Soomaali, waa waaya arag, waa siyaasi miisaan leh, wuxuu ka dhawaajiyay waxyaabo Muqdisho iyo Hargeysaba aan weli si wanaagsan looga doodin. Waxaan qabaa in aan dooddaas hore u sii wadno. 

F.G. Dadka dhintay ee aan qormadeyda ku soo qaaday Allah ha u wada naxariisto.

64 comments:

  1. Fadlan falceliskaaga halkan ku reeb. Mahadsanid.

    ReplyDelete
    Replies
    1. Yusuf Graad salaam ka dib maxaad ka wadaa. "Maba Sii ogeyn in Wassirka I dacweyn doono" waa hadalka ka dambeeya markaad ugu yeertay Jerry Timmins ka dib? Mahadsanid

      Delete
    2. This comment has been removed by the author.

      Delete
    3. ASC Wr Wb

      Yuusufow Doodaadan Waxay I xasuusisay Hadalkii Axmed Ismaaciil Samatar ee ahaa “ Nalaguma Beer Laxawsan karo Calanka In sidaas loo Lulo ,” Isgoo fartiisa Gilgilaya” annagoo nala lee yahay Xisaabtanka Dowladnimada banaanka ka jooga.

      Runtii Odayaasha Siyaasiyiinta ah ee Soomaalilaan, Waxa kaliya ee aaminsanyihii waa in Sad Bursi Soomaaliya looga saaray. Soomaalina waxay tiraahdaa “ Qoore Xero kuma wada heshiiyaan”. Siyaasiyiinta manta joogta ee Soomaalida ahna waxay garan waayeen Maamuuskii Lixdankii In aay manta ka falceyiyaan.

      Soomaaliyana waxay fashilantay Lixdankii Markii Qoladii calanka keentay sadkoodii meesha laga saray, Iyagiina manta waxay Cidla isla taageen, Caro dadaal xumi doodi ka dhalatay.

      Arintu hada waxay u dhigantaa, Tolkaa oo lagu yiri Caasumada waxaa laga dhigayaa Hargeysa, Ooo Muqdisho xalkeeda ayaa dib loo radaadinaya. Runtii arintaas waa macquul oo Muqdisho 40sano ee soo socota iyadoo caasumad ah Dalku nabadoobi mayao.

      Sababtoo ah, Wixii Dowladu xakameeneysay oo cidwalba lahaa, hadey tuugo, tahay haday dad waal waalan tahay, Hadey Siyaasad dibadeed tahay wixii oo dhan xariga ayey goosteen, Xamar ayeeyna ku baahsan yihiin wali.

      Walina lama hayo Cid isgarata oo tiraahda warbal aan si sidaan dhaanta tijaabino. Maxaadiidy in ay Odayaasha Soomaaliyeed ee siyasiyiinta ah ee Gobolada waqoooyi ka soo jeedi in ay qaatay Siyaasada deegaankoodi ka jirta ee Soomaalilaanimada.

      Bal adigu isweydii hadii manta lagu dhawaaqi lahaa Maamul xoogan oo soomaali diid ah Magaalada Muqdisho, Wixii ku qabsan lahaa? Adoo baahidaada nololeed dhinackasta ka eegaya.

      Muhiimadu mahan sababta uu Buubaa u badayshay Calanke ee waa dareenk fod ee qotada dheer ee ka dhashay sadbursiga tan iyo Lixdankii Muqdisho ka jiray.

      Aaan isweydiino Labdii Xafadood ee uu ka hdlay Axmed Iismaaciil Samatar oo saaxiibkaa ah Kana Tiran raggi sidaada oo kale BBC soo maray.

      Soomaaliya Xalkeedu xagee ku jira, Ma dhabaa in Lixdankii Reer Waqooyi Calanka geeyeen Muqdisho? Maalinta 1 Luuliyo Xuska la xuso sida loo xuso haday tahay, Maxaa Isxilqaankii Lixdankii looga waayey reer Koonfur?

      Aniga waxaan qabaa Siyaasiyiinta reer Koonfurka ah in ay Caqliga ka shaqeysiiyaan. Iyagaa Goboladoodii Colaadi ka oogan tahay. Soomaali Koonfr ma ahee Intii kale waa Nabad Sida ay taas ku dhacday. Marka aan ogaano ayaan isweydiin karnaa sababta keentay in Uuu Ismaaciil Hure Buubaa Calanka Badasho

      FG: Anigu ma ahi Reer Waqooyi ama Soomaalilaandi. ee Waxaan ahay Muwaadin Soomaaliyeed oo Reer Buntilaan ama Reer Jubbalaan oo aan hada ku Sugnahay Doodan Qalbi fiyow ayaan oga qayb qaatay.

      MAHASANID

      Cabdullaahi Cbduraxmaan
      Tafaftiraha http://kulmiyepress.com/

      Delete
    4. Mid horta in la ogaado weeye, Soomaali wax "Reer Waqooyi" & "Reer Koonfur" la yiraahdo isuma qaban.

      Miyaad aragtay nin lagu dilay waa reer waqooyi? Mise aragtay mid lagu dilay waa reer Koonfur?

      Reer Koonfur wada socda oo si wax u wada raba ma aragtay?
      Reer Waqooyi wax wada raba oo si wax u wada doonaya ma aragtay?

      Jawaabuhu waa may.

      Hadaba reer Waqooyigan aad isku jamcinaysaan kala daaya.

      Buubaa mid wuu ku saxan yahay. Qaldse qalad laguma saxo!

      Ina Samatarna, waxyaabo badan oo uu sheegay gar buu u leeyahay sida "Duopoly" oo kale, laakiin taas awalba wuu ogaa ee waxay dhibtay markay isaga shaqsiyan is hor taagtay damaciisii siyaasadeed, Hadana qaladaad kale oo badan buu samaynayaa. Isagoo doonaya in si gaar ah loola dhaqmo oo laga fadli yeelo rag meel la soo fariistayna waan arkay!

      Hadaba Soomaalidu hadalka hoos ha ugu daa-degto oo runta ha ka hadasho. Wax Koonfur & Waqooyi la yiraahdaana ma jiraan!

      Delete
    5. UST yusuf Garad waa Qormo Macnaweyn xambarsan
      Wanan Kulaqaba hdlka Ah In latixgeliyo Mowqifkiisa Shakhsiga ah waa Rugcadaa An Laganban Hdlkisa
      Waxanse Anan Fahmin Kaliya
      Mafilayn In uu Idacwaynayo Oo Kadabaturka Bl ino Fasir?

      Delete
    6. Mudane waayo arag ayaad u taha xalado badan, bal aniga fariin aan massager kugu soo diray ii fiiri

      Delete
  2. Siyaasada Somalia wali way raranthay oo sal-mugii uma ay fariisan.
    Laga yaabee in isbadalo waaweyn oo kale ay na soo hayaan 20-ka sano ee soo socota.

    Anaga somali ahaan wali si rasmi ah iskuma aanan waraysan. Waayaha dhow iima muuqato inaan is waraysan doono.

    1960 somalidii halka calan isla qaatay hubanti ma ahan inay mar kale calankii bluuga ahaa wada hoos fariisan doonaan.
    Saadaashu laba calan iyo kabadan ayay muujinaysaa.
    Dhul ka mid ah somalidii 1960 inay wadan kale la midoobaan mustaxiil maahan. Bal waa macquul.

    ReplyDelete
  3. Tani waxay muujinaysaa in rajadii dad badan ka qabeen in dib loo helo jammuuriyaddii Soomaliyeed a god madaw ku dhacday.Waayo suurto gal ma aha dad 25 kala maqnaa wali wax wanaag ah iyo islaabxaadhaso aanay dhexmarin in laysku keeno.
    Two-State solution is the only way forward.
    Mahadsanid qoraalkaaga taariikhda xambaarsan eed nala wadaagtay.

    ReplyDelete
  4. This comment has been removed by the author.

    ReplyDelete
  5. Ramadan karum iyo Juma mubarak Yusuf Garad, Runtii Ismail Buuba in badan wuxuu wakhtigiisa ku lumiyay wax u eeg riyo isaga oo soo jeeda oo ah Somalia oo dib u midawda, wuu dadalay lakin wuxuu markasta iska indha tiraayay rabitaanka dadka uu ka soo jeedo iyo aragtida siyasiyinta iyo wax garadka somaliland ee ah Somalia lama amini karo waxna laguma darsan karo. Runtii Buuba intaas uu sheegayba waxay ahayd in hore noogu muuqatay aakhirkana somaliada koonfurtu waxay noqon doontaa dawlado yaryar oo col ah waana hadafka ay leyihin Ethopia iyo kenya. Lakin somaliland waxay kaga badbadaysa masibadas somalia ku dhacday iyada oo ka goda kuna adkaysat. Waan soo dhawaynayna siyasiyinta wali xamar jooga ee danaysta yasha ah waxaanan leyahay xaqiiqdu waa taan uu qatay buuba ee ah Lama huraan waa caws jiilaal ee hargeisa uunbaa idin huran ee soo noqda oo umadiina u tobad kena

    ReplyDelete
  6. Buubaa waa siyaasi aragti dheer, sababta uu federaalka u dhaliilayna waxa ay noqon kartaa in Federaalku uusan isaga iyo siyaasiyiinta Somaliland kasoo jeeda ee dowladda Federaaka ah ku jirba uusan u damaanad qaadeynin in ay jagooyin ka helaan dowladaha la filayo in ay dhismaan 2016, 2020 iyo 2024, maadaama yasan heli doonin deegaan laga soo doorto iyo dad soo doorta.
    waxaase ka sii daran in Somaliland iyo Federaalku wada hadlayaan oo laga yaabo in la isla fahmo in Somaliland la timaado siyaasiyiin buuxiya jagooyinka deegaannadooda, ama gebi ahaanba la hakiyo ka qeyb galkooda Federaalka. sidaas darteed anigu ma arko sabab ay siyaasiyiinta Somaliland ee Federaalka ugasii mid ahaan karaan. Buubaa iyo Samatar waxa ay u horreeyaan siyaasiyiin badan oo dhowaan Hargeysa ku laaban doono.

    ReplyDelete
  7. Yusuf Garaad warbixin meelo badan taabatay weeye runtii waanad ku mahadsan tahay horta. Mida kale, waxaad noo sheegtay nin wasiir ah oo aad si wacan u gashay oo aad u sahashay inuu la kulmo madaxda BBC da oo aad marka ka shaqaynaysay laakiin isagii ku khiyaamay. Miyeyna wacnayn hadii aad noo sheegtay khaladkiisii inaad sheegto waxa ku kalifay ama sababay inuu ku dacweeyo? Maxaa khalad ahe uu kaa tirsanayey ma ogtahay ama ma weydiisay isaga? Mahadsanid.

    ReplyDelete
  8. hadalkaas waa dhab federalism ku in soomaaliya kala qoqob iyo colaado u horseeday waana ku raacsanahay siyaasi buubaa. Soomaaliya iyo Soomaaliland inay u wada hadlaan laba dawladood oo jira waxna u wada qaybsadaan suuro gal noqon mayso bay ila tahay maadaama dad deegaankaas Soomaaliland matasho kazoo jeeda ay dawladda Soomaaliya kaba tirsanyihiin.

    ReplyDelete
  9. Soomaalida runta iskuma sheegto aniga waxay iigu muuqataa in wadajirkii dowladeed ama unity-gii uu waqtigiisa dhamaday.

    Sidaas darteed waxaa quruxbadan in dowlado Soomaaliyeed ladhiso lana is aqoonsado si lagu kala badbaado, Puntland, Somaliland, Jubaland, southwest, muqdisha iyo inta dhexena ay is raacdo halkaasna dawlado soomaaliyeed oo kala madax banaan ay soo baxaan oo is qadariya isgarab taagan oo soomaalinimo, diinta islamka, afka, iyo dhaqanku kadhexeeyo.

    Hadaba mid ogaada dhulkii makala tagin dadkii afkii iyo diintii waa isla sidii, lakin maamulkii dowladeed ayaa kala tagay oo dowladkasta dhineceeda ayee hawsheeda uwadanee iyadoo garab istaagaysa walaleheed soomaaliyeed ee kale.

    Sidaas maxaan uleeyahay? Hada asxaabeey mid ogaada Soomaali kama dhumin 25 sano oo dowlad la'aan ah ee kahor ilaa xoriyadii lahelay way is haysatay oo is eedeneesay dharigii markuu kulka kabatayna waatii 1991kii uu qarxay dagaalkii aan wada ogayn, si hada iyo sanado badan oo soosocda waqtiga inooga lumin waa inaa tashanaa waayo iima muuqato Soomaali hada dhow heshiinaysa iyo dowlad dhexe oo hawl wanaagsan wada.

    Walalayaal waa inaa ka gudubnaa taariikh hore oo maskaxdeena ku qufulan, waa inaa samaynaa taariikh cusub oo wanaag, nabad iyo hormar xanbaarsan.

    Maxay tahay faa'iidada uu xanbaarsanyahay nidaamkaas dowladaha badan ee soomaaliyeed uu xambaarsanyahay? Waxaad is barbar dhigtaan dalka Qatar iyo Soomaliya, sidoo kale dalka Singapore iyo Somalia, iyo kuwo kaleba waxaa dalwayn oo dad badan oo hadana khayraad badan Soomaliya, lakin waxaa hormarsan oo dadkoodu ladanyahay oo hanti leh oo sharaf aduunka kuleh waa Qatar iyo Singapore, waayo waxaa micnaha samaynaya waa nabada iyo hormarka uu dal sameeyo haba dhul iyo dad yaraadee.

    Walalayaal arintaas aan kahadlay igama ahan dad iyo dal nacayb ee waa iga talo iyo fikir aan isdhahay waa mid fiican.

    Hadii sidaas lasameeyo waxaa kala badbaadaya Soomaalida is haysata waxaa soo baxaya dowlado Soomaaliyeed oo badan waxaa hormar gaaraya dhamaan deegaanadaas soomaaliyeed waxaanu helaynaa nabad hanti iyo hormar, waxaa helaynaa dowlado Soomaaliyeed oo is garab taagan is xushmeeya, sida European Union-ka, markaas kadib waxaa samesankarnaa ciidan soomaaliyeed oo badan oo tayo leh iyo lacag naga wada dhaxaysa.

    Waxaa soo baxaya markaas Dowlado Soomaaliyeed oo xoog leh hormarsan nabad kuwada nool, waxaanu ubaahanahay waa nabad iyo hormar.

    Hadaa sida aan hada ku jirno kusii jirno cadowgeena ayaa xoogsanaya oo hadhowna nalaqaya ogaada xal ayaa loobaahanyahy aniga fikirkaygana waa kaas aan kahadlay.

    Thanks.

    ReplyDelete
    Replies
    1. Ama Soomaaliya ayaa la noqonayaa oo daku caqliga ayay isu keenayaan. Ama qabiilo baan ku noqonaynaa oo reer-reer baa loo kala go'ayaa haddii caqligu shaqayn waayo.

      Laakiin "British Somaliland" & "Italian Somaliland" will never be the outcome.

      That should be clear to all Somalis!

      Delete
    2. Aad ayaan kaaga aragti duwanahay fikirkaagaa, aniga waxay iila muuqataa in wanaaga iyo fiicnida labada dhinac waxay ku jirtaa in lakala gurto oo midkastoo labada dhinac ka mida roobku dhinaciisu ugu da'o

      Delete
  10. Buuba mar uu ka qayb galay dood ka baxaday SNTV mudo sanad iminka laga joogo waxa uu ku tiraabay in somalia ay bulshada Caalamku siisay fursadii 3aad ee u danbeysay, quusna laga taagan yahay.. Markaa haddii aysan ka fa'iideysan fursadan, loo-laba-lugoodin maayo ee bulshada caalamku waa ay ka tashanayaan. Marka waxaad moodaa in Buubaa uu ka hordhacay bulshada caalamka uuna tusayo toosh uu jecel yahay in indhohoodu qabto oo soo jiidasho leh, micno ahaana la oran karo baldhinacanna aynu ka istaagno.
    Buubaa annigu waxaan u aqaan shaqsi CAADIFAD iyo MAANGAABNIMO ka fiyow, waana shaqsi dhegihiisu u nugul yihiin caalamka, tilmaantiisuna aan la dhayalsan karin!

    ReplyDelete
  11. This comment has been removed by the author.

    ReplyDelete
  12. anigu waxaan aaminsanahay Odaygu inuu doonaayo inuu siyaasada ka fariisto maadaaba uu yahay maanta nin wayn, sidaa daraadeed buu rabaa inuu ku noqdo gurigiisii ama deegaankiisii sida keliya ee uu halkaas ku tegi karaana waa inuu ka baxaa siyaasada Somalia haddii kale waa ku adkaanaysaa inuu ku laabto Hargaysa isaga oo xildhibaan ah, laakiinse anigu waxaan aaminsanahay inuu weli aaminsan yahay fikirkiisii uu qaatay 1994kii sida aad sheegay Yuusuf.

    ReplyDelete
  13. ramadaan kariim yusuf garaad runtii waan kaga mahad celiniyaa taarikhda kooban ee aad nala wadaagtay balse arinkaa aad ka dhawaajisay in yahay in bubaa ka noqday mabdai fadaaralka waxanay dhibaato wayn ku nqon doondta dadka u oleeeleya nidaamka fadaraalka, ismaacilna waxuu dadka ugu magaca wayn ee somaliland ee aaminsanaa mabada somaali waynta balse waxaa ka niyad jabiyayay wax yar maaha

    ReplyDelete
  14. xamar xisaabta taala badanaa ,,,,,.. wax kale meesha ka socda loo joogaa waxaa ka soo baxa meesha iyadaa

    ReplyDelete
  15. Hadal kaa buuba aninu waxaa iga baxay dhoor arimood tan koobad in buuba waqtiyadi ugu danbeyay wasirnimada uu umatalay waqooyi ee asiga dhorkii sano loo magacabayay asiga la sasinin taasina kentay quusta ah inusan mar danbo xil udoonan koonfur,tan labadan federalku oo lagu saleyay 2gobol iyo wixi kabdan taasina ay keenayso in maamulka uu ka soo jeedo ay ula muqatay in meeshi asal ahan ka yimid kala qaadid mamulaad ku imanayso,axmed ismaacil samatar kama duwananayo sidaa ha ogado sxbken iyo qaar kalo wali qarsan xilalne ka so qabtay dowladii yar yara laguna afeeyay soomaalida hadda iyo talo buubaa hadalad ka in uu iska dhaafo wixii wanag ahne uu kala shaqeyo soomaalida taas ha uweecdo aragtidayda

    ReplyDelete
    Replies
    1. Laba mid AMA nin da'yar AMA nin siyaasada ku cusub Tolow midkeed tahay?

      Delete
  16. Waa qormo wanaagsan Uustaad lakin waxaan ka jeclaan lahayn inaad soo qorto siyaasada hada taagan ee madaxdeena

    ReplyDelete
  17. asc ramadan kariim walaalah somaliyed

    ReplyDelete
  18. Waan kugu bogaadinayaa Yusuf qoraalkan qiimaha leh, waa dhab in aan arrinkan Buubaa bedeley Somali weynnimo oo doortay labo somaliyeed oo is ixtiraama, waxna wada qabsada, hadday doonaana markay miyirsadaan dib isugu darsada, sida siyaasiyiin badan oo labada dhinac joogtaaba qabaan. waan soo dhawaynayaa fikirkiisa. arrimaha jira ee dhaliisha ahna si miyir qabta oo aragti ku dhisan aan u eegno. waad mahadsantihiin Ramadan Karim

    ReplyDelete
  19. Aan caadifadla,aan iraahdo waa rajo beel siyaasadeed,proof buubaa,Somaliland culaab kuma ahayn awal miisaana ku kordhin maayo, Somaliyana meesha ay u jeedo iyo meesha ay ka jeedo midna siyaasiinta xaandaabka ku jiraa waxba ma qabo in ay ka badali karaan ama awoodaan, waxaana taas u daliishanayaa sida ay siyaada ku yimaadaan ,

    ReplyDelete
  20. kol haddu odeygu so ogaado runti waa wax weyn waayo filmka somali weyn ee lola baxay hargeisa iyo mugishu isku tagooda waa mid xaga hore kaso oodan,somaliland wey u baahantey dadkeeda waa nin culus o somaliland khibrad badan kuso kordhin doona,waxa kale la raba in odeyga sidi samater hargeisa logu so dhaweeyo o kale si kuwa kalena ugu so hirtaan.o filmka uga so diga rogan lahayeen.

    ReplyDelete
    Replies
    1. Oo Haddii filimkii "Soomaaliwayn" soo dhamaaday ma kii adeer Ingriis baa miro dhalaya? British Somaliland ma kitaab baa lagu qoray?

      Anagu ma aaminsanine sidee la yeelayaa? Ma feedh & fara laabaa?

      Delete
  21. Aniga waxay ila tahau dhamaan waxa matalaya G/waqooyi ee baarlamanka iyo xukuumadaba kaga jira in la soo diro oo ay sababtu tahay dee dadkii iyo deegaankii ay matalayeen hadii ay goosteen sabab xubno matalaya ay xamar u joogaan ma jirto ilaa inta ay saaxiga keenayaan oo ay soomaali ka soo mid noqonayaan.

    M

    ReplyDelete
  22. Ismaaciil Bubaa waa siyaasi rug cadaa ah waliban wasirka arimaha dibadda soo noqday wax badan ayuu ogyahay oo ku saabsan masiirka dalka. shacabka somaliyed ayaa been loo sheegayaa maahine waxee ila tahay in dalku dowlado yar-yar noqonayo taasi ayaa xaqiiqda u badantahay. marka qof walba oo wax fahmaya islamarkana siyaasi ah waa in uu ka faa'ideestaa inta waqtigu dhamaan oo deegaankiisi wax kanoqdaa.

    ReplyDelete
  23. asslama callaykum Yusuf garaad iyo asxaabta daalcata bogan weriyaha,...... waxay aniga ila tahay in uu sii laba laxaadsanayo mabda'a in aanay reer somalia waxba u ogolayn reer Somaliland dhinackasta oo aad ka eegto ba...waxaana kuu cadaynaya in dad Siyaasiyiin ah oo sida Ismaciil hure buubaa oo ah nin khabiir waayo arag ahi oo ka quusto wixii Somaliweyn la odhan jiray si dhabana uga calool go'ay ....
    kolay tani waxa ay cadeynaysaa in Somaliland dowladnimadeedu iyo jiritaankeeduba si adkaado oo caalamkuna dhagaha u furo doodaha cusub ee ay soo bandhigi doonaan Ismaaciil hure buuba iyo weliba siyaasiyiinta kale ee jidka ku soo jira ee ku soo fool leh dalki ay u dhasheen eey ay xagal daacintiina caadaysteenba !!.

    Waxase la yaab leh in Yusuf garad uu cabasho ku gabagabeeyo qoraalka uu Buubaa ka sameeyey iyada oo sida la ogyahay laga wada dharagsan yahay habdhaqankii Yusuf Garad ee BBC da intii uu joogay.!!
    sida aan qabana qayb weyn ku leeyahay kala fogaanshaha dadyowga reer Somaliland iyo Somalia.

    ReplyDelete
    Replies
    1. War imisa goor baa la sheegay in "British Somaliland" & "Italian Somaliland" ayna jirin? Soomaaliya ayaa jirta. Haddii Soomaaliya aan lagu heshiin karin dee malaha arinta Buubaa ka soo caraysiisay baa xal ah.

      Laakiin in Buubaa Kud ka guuro oo qanjo u guuro, abti taasi socon mayso.

      Soomaaliland hal reer bay meteshaa haddii aad taa been u haysatana hypocrisy baa fiigaaga ahaaday!

      Delete
    2. caqli fayow hadii uu kugu jiro amase aad aqoonteeda leedahay dib u akhri taariikhda ma guurtada ah iyada ayaa ku bari doonta xaalada maanta taagan iyo mustaqbalka intaba eh !! .

      Qodobka kale ee aad ka hadashay ee kud ka guur oo qanjo u guur waxaad uga jeedaa sal ma leh oo meeshaba ma qabto, maxaa yeelay waa lawa ogsoon yahay horumarka xawliga ah ee lugta la hayo ee ay Dawlada iyo Shacbiga Somaliland ku talaabsanayaan iyaga oo wada jira.

      inta caqliga badan ee calool adayga badan baa nalaga joogta laascaanood waana ku dhabta ah ee wax u soo dhicin kara waxna ka dhimi kara......tuslaale fiican waxa ku ah " xaglo toosiye".

      shacbiga reer Somaliland waa midaysan yahay ....maxaa yeelay dhismahooda cadaalad baa u sees ah.

      Delete
    3. Beenta marka lagu cel-celiyo dadka inta laga caqliga badan yahay baa run mooda. War xaggaad ku aragtay wax reer Waqooyi la yiraahdo oo ku midaysan fikirka SNM aabaha u tahay? Ma waxaad leedahay SNM reer Waqooyi bay meteshaa?

      Shacabka keliya ee ku midaysan fikirka SNM aliftay waa reerkiina keliya. Been lagu cel-celiyay run ma noqoto.

      Adigaaba sheegaya oo qiraya in shaqsiyaad idinla socdaan aad Xagla-Jebiye ka xustay. Nin naftiisa u shaqo tegay macno samayn maayo. Reer Khaatumo shaqsi iyo labo Is-xambaar meel ma gayn karaan.

      Soomaali ama waa qabiil ama waa qaran. Wax Juquraafi ka kala tagayaa ma jirto!

      Delete
  24. likes of Buubaa, Galayr, Samatar has nothing to do in the new federal Somalias politics.
    their time has passed.

    ReplyDelete
  25. likes of Buubaa, Galayr, Samatar has nothing to do in the new federal Somalias politics.
    their time has passed.

    ReplyDelete
    Replies
    1. Federalism in its current form won't solve our problems.And SNM land formula is much worse than this. Anyway you look at it, It's clan centric and that never solves a thing.

      Delete
  26. Yussuf garaad wad kumahad santahay QORMADADA runtii waxa aan ka faaiday ama aan ka ogaaday wxy tahay in SIYAASIGA SOMALIYEED UU DAYDAY UGU JIRO ETHOPIA DAL IYO BIBAD, bal fiiri asagoo wasiir somaliyeed ah ayaa SAFARADA Ethopia wadaaa

    ReplyDelete
  27. Buubaa waxaa ku kalifay in uu soo noqdo waa qorshe siyaaadeed oo ay u soo dhiibtay Sacuudi arabiya . Tan iyo intii uu bilaabmay dagaalkii yaman xulafada sacuusiga waxay indhaha ku hayeen istiraajiyada woqooyiga soomalaiya ay ku leedahay dagaalka yeman , Sacuudiga waa dawladda kaliya aan qarsan in soomaliya aanay la kala go'i karin. somaliland iyo Sacuudi arabiyana iskuma fiicna cidda uu kala hadlo danaha soomaliya sacuudi arbiya wa muqdisho. Djibuuti iyo khaliijka xidhiidhkoodii wuu xumaaday ka dib xulafadii iiraan waa shiinahee wuxuu saldhig milateri ka helay meel dhulka yeman u jirta 37 km oo kaiye oo ku taala Djibuuti, sacuudiga hadii uu jibuuti waayey waa in aanu waayin Berbera. Sacuudiga isagooo aan rabin goitaanka somaliland ayuu hadana doonayaa in uu berbera helo si uu ugu ilaashado danahiisa wadanka yeman , waxaa isweydiin leh dawlada xasan sheekh in anaay waqtigan ka talin somaliland, meeshii somaliland lama aqoonsan karo sidee lagu helaa hadaba somailand. Mr buubaa oo xamar iska joogay xilna ka waayay dawlada xamar ayaa waxaa boodhka ka soo jafay sacuudi arabiya oo uu muddo dheer macalin jaamacadeed ka ahaa, laguna xaman jiray inu yahay mr buubaa agency u fadhiya soomaaliya sacuudi arabiya, sababta buubaa uu u qaatay mawqifkii somaliland waxa ku kalifay sacuudi arbiya oo doonaya in uu talada somaliland gacanta ku qabto buubaa jidkuu doonana ha u maro. somaliland ama ha go'do ama ha joogto waxaa ku soo jeeda indhihii wadamada khaliijka taana waxaa ku cadeyneysa wafdiyo iska daba imanayay maalmahan oo hargeysa joogay diyaaradii flydubai oo dulimaadyo ka bilowday somaliland, sacuudigaa oo sheegay meesha kaliya ay xoolaha uga iman karaan ay tahay maxjarka dekadda berbera kaliya waxaa soo dhaqdhaqaaq ah waxa keenay saldhigii milatary ee shiinaha laga siiyey Djibuuti. by xasan cabdi

    ReplyDelete
    Replies
    1. Arintan Soomaaliland ee aad ku cel-celisaan qolyihiina Isaaq maxaad runta u sheegi waydeen?

      Sida rag horaba sheegeen, "Modern day Somaliland" SNM baa dhashay. SNMna qabiil bay matashaa. Maad ciyaarta naga daysaan oo Isaaqoow dowlad hadaad rabtaan dhulkiina ka sheegataan?

      Delete
    2. Waa falanqayn siyaasadeed oo aad u muhiima si fiicana aad u lafa gurtay. Mahadsanid Hassan Abdi.

      Delete
    3. SSC SOMALIA
      Subxaanalaah!! tusaale fiican baad u tahay cudurka ku habsadey umada SOMALIYEED mar hadii qof adiga oo kale uu af labadii kula badheedhayo qabiil oo qudhun abaalkiisu yahay.

      SNM may ahayn garabka kaliya ee eryaday MANAXIHII SIYAAD BARE ee moofeeyey shacbi badan oo soomaaliyeed hadii adigu aad ku hoos naaxday dhiiga shacbiga Soomaaliyeed waa abaalkaa inaad maanta u oydaa qabiil maxaa yeelay waxaad wax ku ahayd qaraabo kiil !!

      Delete
    4. Maxaad ka subxaanalaysatay? Ma inaan qabiil magacii sheego?

      Haddii aad aragto qof Soomaali ah oo diidaya inuu si cad u sheego magac qabiil waa beenaale.

      Anigu maba soo qaadin dowladdii hore iyo dembigay gashay. Waxaan sheegay in SNM dhashay waxaad ugu yeertaan "Soomaalinad"

      Taasna qpofkii caqli lihi wuu arkaa

      Qabiil waa la wada yahay. Si xun u isticmaalka ayaa xun.

      Haddii aad leedahay SNM land maaha fikir Isaaq iyadana been uun baad ku sheegtay.

      Delete
    5. waxan kuu sheegayaa hadii aad caqli leedahay waad ka waantoobi lahayd qabiil iyo qaadqaadi diisa maxaa yeelay waxaa laga yaabaa inaad maanta
      qaxooti ku tahay dal shisheeye oo kaa ash asha qofnimadaada iyo jiritaankaaga waxase muuqata inaad ku faraxsan tahay.....

      hadii aanad ku faraxsanayna maad qaadaa dhigteen qabiil iyo qabiil waxaad tahay ma kore xaga maskaxda ah !!

      dawladii hore ee ay riday SNM qabiil bay ahayd iyaduse qabiil ma ahayn oo waxaa kuu cadaynaya waxa ay saldhigyo ku lahayd meelo badan oo ku teedsanayd gobolo badan oo SOMALIA ah . ilaahy wuu ku guuleeyey halgankaas oo waa laga takhalusay taliskii maxaysatada ahaa ee nacaska ahaa.

      Somaliland hadii aad qabiil ku la dagaalan aad is tidhaahdo adiga ayaa daali oo waxba ka qaadi maysid maxaa yeelay iyada ayaan qabiilba ahayn...!!
      maxaa kuu cadaynaya DAAHIR RIYAALE oo ahaa madaxweynihii ugu wakhtiga dheeraa SOMALILAND waxa uu qabiil ka aad sheegayso mid aan ahayn oo wuu kaga lexejeclo badnaa qabiilka aad sheegayso.....!!

      isaga ayaana dib loogu dooranayaa in uu sii daadihiyo dalka ilaa aqoonsiga laga haleelayo!!

      Delete
    6. Qabiil idinkaa Soomaali uga tegaya. Qabiil baad rabtaan inaad dad qaran uga dhigtaan.

      Hadaad leedahay dowladdii Soomaaliyeed qabiil bay ahayd SNM na qabiil ma ahayn, gartaad niqi lahayd alle nama hoos joojiyo. Caadifad wayn laakiinse aad is leedahay qari baad go la huwantahay.

      SNM land waa qabiil. Qabiilna qabiil kale ma san dulayn karo. Haddii SNM inta maamul samaysteen ay rabaan inay dad sanduleeyaan waa loo joogaa.

      Riyaalahan aad ku cel-celisaan sowdinkii u bixiyay "Wad & Calaf."

      Haddii maamul wanaag SNM dhab ka yahay, hal reer baa idinla jooga ee maxaa sababay inay #2 wax ka sareeya ay u is taagi waayaan? Weligod ma waxay sugayaan in Alle #1 ka oofsado si ay #1 u noqdaan?

      Tan kale, Siilaanyo ma ordayo oo waan ognahay, maxaa diiday in Saylici u tartamo oo labo nin oo Isaq ahi isugu haystaan kii ordi lahaa?

      Been la daahay run ma noqoto. Soomaaliya ha noolaato!

      Delete
  28. anigu waxaan qabaa in Buubaa sabirkiisu intaas ku ekaa. qof walbana sabirkiisu intuu la egyahay socon doono. mida ah habka federaalka waan laqabaa ani sida hada wax u socdaan ma ahan sidii somali iskugu imaan laheed lkn raja xumada intaas la eg ma qabo

    ReplyDelete
  29. Buubaa ma dhegaysan weli. Waanse ku raacsanahay inuu saluugo federaalka Soomaaliya sida uu u socdo.

    Waa siyaasi oo waxaa u muuqata wadan qabiil lagu qaybsanayo inuusan sida hadda xaalku yahay uusan rajo ku lahayn inuu wax ka noqdo isagoo asalkiisii ku noqda mooyaane.

    Qaladka uu samaynayaa waxaa weeye, isagoo qalad ka cararaya inuu qalad kale u cararo. Haddii uu federal diidan yahay inuu maamulka SNM Hargaisa ku hor joogto uga hadlo inuu matalo wixii la oran jiray "British Somaliland" waa arin aad u qaldan.

    Dadka Soomaaliyeed dhibaatada haysata waxaa weeye, qabiil baa naftooda hogaamiya. way og yihiin in qabiil ay ku dhaqmaan. Qabiil inay dad wax ku taraan midna wax ku yeelaan. Waa og yihiin in gardaraale ay qabiil ugu hiiliyaan nin la dulmiyayna ay qabiil uga hiiliyaan. Qaarkood waa og yihiin xumaanta uu qabiil leeyahay balse kama haraan.

    Soomaali qabiil bay u sii kala fur-furmaysaa. Ama federal ugu yeera ama SNM land ugu yeera wadadaa baa lagu socdaa.

    Qolyahan maamulka SNM wadan ugu yeerayaana qabiil baa fikirkooda u asal ah.

    Soomaali xalkeedu waxaa weeye:

    War Soomaalinimo ma doonanaa mise qabiil baan ku noqonaa? Labadaa inoo kala doora.

    Wax "Soomaaliya" & "Soomaaliland" la yiraahdaa ma jirto.

    British Somaliland and Italian Somaliland are no-longer with us. RIP.

    ReplyDelete
  30. Aniga waxaan ka fahmay in Buubaa arkay in meesha midnimo iska daayee lagu kala tagi rabo. Tan kale barnaamijkan Hiigsiga 2016 wuxuu meel mara soo istaajin doonaa siyaasiinta reer Waqooyiga ee K/Soomaaliya jooga, waayo dowladda la dhisayo sanadka dambe waxaa ku mideysnaan doona Puntland, Jubbaland, Galmudug, K/Galbeed, iyo wixii ka soo baxa Banaadir, Shabeellah iyo Hiiraan.
    Marka dowladdaasi waxa ay meel mara soo istaajin doontaa reer Waqooyiga Xamar ku sugan oo ay qasab noqon doonto in ay laabtaan sida Buubaa oo kale.
    Nabad gelyo

    ReplyDelete
  31. Ismacil Buuba waa ninweyn oo Khabiir ah waxaanu kasoo qoostey midawgii Soomaaliweyn isagoo og in Hiigsiga 2016 ee dhismaha Dawladda Somalia oo loo qoondeeyey in looso dhiso Maamul goboleedyada Somalia. Somaliland kama tirsana Hiigsiga 2016. cid lasoo doortey oo u meteleysana ma jirto. Wada hadalka Somaliland iyo Somalia wuxuu furmaya Higsiga 2016 dawladda kasoo baxda

    ReplyDelete
  32. Mahadsanid Yusuf.

    Buubaa cabsi kamuujay Burburka Somalia taasi taasi waa dhab. Dalkan waxaa u dhameyndoona federalism, mamula yaryar oo Adis laga xukumo.

    waxaa daliil u ah Axmed Madoobe, Shariif Xasan iyo Cabdiweli Gaas, lagama xukumo Mudisho ee waxaa laga xukumaa taladana kaqaatasn Adis Ababa.

    weli ma aragtay maamul goboleed afka ku ballaarinaya dowlada xiriirkii waan u jarnay ama calankii dowladda dhexe gubaya.

    Somalia haddii eey sidaan kusii socoto waxaa lagaaridoonaa xilli la iskaba hilmaamo wax somaliya ladhaho.

    ReplyDelete
  33. This comment has been removed by the author.

    ReplyDelete
  34. This comment has been removed by the author.

    ReplyDelete
  35. 1991 JABHADA: SPLM -----------2015 DOWLADA : JUBBALAND
    1991 JABHADA: SNM --------------2015 DOWLADA: SOMALILAND
    1991 JABHADA: USC ---------------- 2015 DOWLADA: PUNTLAND
    1991 JABHADA: USE---------------- 2015 DOWLADA: GALMUDUG
    1991 JABHADA: RRA -----------------2015 DOWLADA: KOONFUR GALBEED
    Allah naga qabto kuwa diirkeena leh ee cadowgeenu noo soo adeegsaday
    Thanks for your post yusuf garaad

    ReplyDelete
  36. SSC SOMALIA

    SXB ARAGTIDAADA WAAN SOO DHAWAYNAYAA

    ARINTA buuba Ku Saabsan Dhex Dhexaad Ayan ka Ahay

    ReplyDelete
  37. SSC SOMALIA

    SXB ARAGTIDAADA WAAN SOO DHAWAYNAYAA

    ARINTA buuba Ku Saabsan Dhex Dhexaad Ayan ka Ahay

    ReplyDelete
  38. HADDALKA AAN SHALAY DHAGEYSTAY Qoraalkuba waa kala labo

    ReplyDelete
  39. Dhamaan inta aad bidhaamisey in si degan looga doodo waa arin loo bahanyahay

    ReplyDelete
  40. General Mohamed Farah Caydiid Garaad Allaha u naxariisto ��

    ReplyDelete
  41. General Mohamed Farah Caydiid Garaad Allaha u naxariisto 🙏

    ReplyDelete