Tuesday, 28 July 2015

War hela ayaa Talo hela

Baarlamaanka iyo xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqay in 2016 aan laga gaarin in la qabto doorasho uu muwaaddin kasta oo Soomaali ah, oo buuxiyay shurudaha aan weli la aqoon uu codkiisa dhiibto.

Yey la hadlayaan? Tan iyo 2012 ayaa la haystaye maxaa hadda loo soo baraarugay? Muxuuse yahay yoolku? Waa su’aalaha ay qormadani u goobeyso jawaabaha.

Inkasta oo ay af Soomaali ku hadlayaan, yihiinna Baarlamaankeenna iyo Xukuumaddeenna, haddana labada Gole cidda ay la hadlayaan ma ahan shacabka Soomaaliyeed. Ha ku ajarmin.

Sabab? Waxaa sababta kuu macneyneya goorta la soo hadal qaaday mowduuca. Sidee?

Talada sidan u culus una muhiimka ah, ah waajibaad dastuuri ah, lana haystay tan iyo 2012, wada tashi lama gelin oo Dadweynaha Soomaaliyeed lama soo hor dhigin. Ma ahan mid Madaxda Dowlad Goboleedyada la hor dhigay oo iyaguna ay Golayaashooda geeyeen. Xataa ma ahan mid uu Baarlamaanku hore uga dooday.

Maalin ka hor shirka berri ay isku hor fariisan doonaan 120 ruux oo ay ku jiraan wakiillo Dowladda ah, wakiillo Dowlad Goboleedyada ah iyo 30 wafdi oo caalami ah loona ballansan yahay in laga wada hadlo isla mowduucan ayaa wixii la rabay in la hor geeyo oo diyaarsanaa hadda loo sii qiil badsanayaa. Waa Xukuumadda oo rabta in ay ka dhex hadasho Baarlamaan isaguna kororsi doon ah. Awooddiisana ay u cuskato hadalka u qoran ee ay berri la shir tegi rabto.

Shirweyne Qaran
Waxaa kale oo ay labada Gole go’aansadeen in Shirweyne Qaran la qabto oo looga arrinsado sidii la yeeli lahaa 2016.

Sidii la yeeli lahaa 2016 waa ay qoran yihiin oo waxaa la qoray 2012. Shaqadii lagu ballansanaa in la qabto, madaxdii ku dhaaratay in ay qaban taqaan, qabanna doonto hadday tiri howshii wey qabsoomi weyday, waxaan u qabaa in markaa erayada wax laga beddelo. Doorasho lagama gaaro iyo ma qabsoomi karto ma ahan. Waa in si cad loo yiraahdo howshii ay ahayd in la qabto waa lagu fashilmay.

Taas marka la helo, weli inta aan loo boodin shirweyne Qaran iyo wadatashi waxyaabo kale ayaa ka horreeya. Xog ayaa maqan. War hela ayaa talo hela. Adiga oo aan war u hayn waxa ay u qabsoomi weyday howshii loo ballamay, talo wanaagsan ma bixin kartid sida ay hadda tahay in loo qabto iyo cidda ay tahay in ay qabato.

Golayaashu ha na bareen sababta ay u qaban kari waayeen howshii ay u dhaarteen? Ma la aqoon waayay mise waan la rabin in la qabto? Mise wax awoodda Dowladda ka tan weyn ayaa ka hor yimid?

Marka ay arrimahaas nooga jawaabaan oo aan ogaanno sababta loo qaban waayay, ayaan talo ku darsan karnaa waxa hadda la yeeli karo.


Waan fashilmay ee maxaan yeelnaa iskuma xigi karaan.

Farsamayaqaannada xarfadda badan ee Xukuumadda horboodaya iyo saaxiibbadooda geed fadhiga u ah, waxaan ugu baaqayaa in xariifnimada dalka loogu shaqeeyo ee aan looga shaqeysan uun.

23 comments:

  1. Fadlan halkan ku reeb aragtidaada si ay u gaarto akhristayaasha ka soo gelaya baraha kale.

    ReplyDelete
    Replies
    1. Dhaqanka Soomaalida kolkaad dheehato waxaad suugaanteeda ka arkeysaa halqabsi qof aanu gabaygu keligiis quseyn balse si uun u saameynaayo. Sidaas darteed baan waxaan qormadaan gaaban ku halqabsan doonaa Yuusuf Garaad oo duray go’aanka goleyaasha dowladda Soomaaliya ay ku sheegeen in aanay doorasho qabsoomi karin 2016ka.

      Yuusuufoow, tan iyo markii kumeelgaarkii laga baxay oo ay dibadjooggii hilowgu dilooday billaabeen in ay ku qulqulaan caasimaddii dalka waxaan fileyney in ay abuurmaan bulshooyin rayid ah oo abaabula shacabka isla markaana la yimaada siyaasad cusub oo looga gudbo tan caadada noqotay ee ama dhaqaalaha kursiga lagu doono ama shisheeyeha laga sugo in ay khaliifaan madaxda. Balse, ma dhicin oo baarar baa la fadhiistay, xeebta Liido ayaa sidii shinni boqoraddeedu fadhido loogu yaacay, sawirraa lala galay madaxda dayeysan, facebook iyo instagram ayaa lagu feegaaray, iyadoo AMISOM waddooyinkey marmaraan iyo xerayahooda dukaal laga dhiganaayo. Waxaa loo dhaqmay sidii rahii roobku u da’ay iyadoo aan lagu fekerin haddii haradu gurto oo AMISOM baxdo maxaa xal ah.

      Yuusufoow, dhowr iyo labaatankii sano ee la soo dhaafay waxaad ku dhexjirtay siyaasadda Soomaaliya, waadna la socotaa sida badanaa Soomaalidu u ogtahayba in nidaamka ka dhisan dalku yahay mid jujuub ah oo shacabku aanu dooran. Sidaas si la mid ahna waan ka wada dheregsannahay in aanay wax micno u leh shacabka ka soo baxayn rogrogiddooda baalasha buugga JAHAWAREER (Dastuurka) ee ay u qoreen dalalka jaarku.

      Haddaba, soow illeen biyo sacabbadaadaa looga dhergaahe ma habboona in aan isku tashanno oo aan 2016ka isku dayno in aan abaabulno kacdoon shacab oo ciidammada dalku qeyb ka yihiin, warbaahinta caalamkana loogu yeero kaas oo ka billowda Muqdisho kuna fida dhammaan dalka.

      Haddaan sidaas la yeelin nimanka hadba talada dalka ku guuleysta waxay la shir immaan doonaan oraahdii caanka ahayd ee “anaa gadhay anaana geddistay”

      Delete
  2. Yusuf waxaan u baahanay su,aalahaaga jawaabtooda marka hore, hadaan jawaab loo hayn wax aan ka sugnaa ma jiraan, mase malaynayo dhaqan dawladeedka hada somaliya ka muuqda mid rays lagu degayo

    ReplyDelete
  3. Tolow ila arka , walle xasan iyo saxiibadii way fashilmeen

    ReplyDelete
  4. Yusuf Garaad walaal waxaan qabaa inay tahay fashil siyaasadeed iyo raja beel shacab maadaama aan wada arkaynay inaan doorasha qof waliba codeeyo ayna suuroobi karin maadaama wakhtigii lagu diyaarin lahaa xukumadu gudaheeda isku mashquushay oo aan aragnay raysal wasaarayaashii la riday iyo kharashka ku baxay in ay baneeyaan xafiiska.

    Maanta waa ayaan darro in la yiraahdo doorasho ma qabsoomi karto waana garawshiyo la'aan inay faashil noqotay xukumada.

    Mida kale sida caadiga ah hadii aad ku fashilantid shaqo laguu diray oo aad fulin kari waydid waxaa kugu ceeb ah inaad lasoo taagnaatid anaa masana qabanaya saas darteed waa in goloyaasha baarlamaanka lakala diraa oo dhamaan dawladu dhacdaa kadib hoos laga soo bilaabaa taasoo macnaheedu yahay 5 sano oo qasaara ah oo ina soo martay rajadii soomaaliyeedna mugdi galisay.

    Abdihalim Abdiasis M Abubakar

    ReplyDelete
  5. Waxaa ka muuqdo madaxda soomaalida waa maxaa iga galay? Caadi ayay ka noqotey wixii ceyb loo yiqiin.Dr. Baadiyoow ayaa yiri: Soomaaliya company ayaa iibsan karo illeen lacag ayay noqoteyee wax walba..

    ReplyDelete
  6. "Qaalin geel ah i sii, iyo hoo iskuma xigaan". Qof og iyo qof kaleba, wadankeena waxa ka jira waa " Qofkii inta Muraayad isku fiiriyey ee isagu aan is arag, ee arka waxa uu rabo ama qof kale" taasina waa hallucination {delusion). Waa hubaa iney jiraan oo joogaan dad badan oo Soomaali ah, awooda iney wadankaan cagabadaan ka saaraan, laakiin ummaddii ayaa 4.5 hor fadhidaa, markii weelkaas gacanta la geliyana waxaa soo baxaya ma ahan dadkii ay aheyd iney soo baxaan. Rabbow wadankeena dadkiisa fiican shaqadda ugu dhiib

    ReplyDelete
  7. Somaali jar bay ka foorartaa

    ReplyDelete
  8. Arintaan wax ay qaldantay marki Dastuurka lagu qoray: Federalism, 4.5 iyo waxyaabo la mid ah kaba xun. Dowlada waxa laga rabay marka hore wadanka in Wadanka gacanteeda soo geliso, dustuurkana Barlamaanku uu dib u saxo.
    Dowlada waxa ay waqtigeedi ku lumisay in ay bulshada Soomaaliyeed sanka ka geliso waxa ay ku macawday FEDERALISM, tiirna ay uga dhigtay Maamul Gobolaydo ku dhisan Qabiil.
    La isma weydiin oo Afti looma qaadin in dadka ay doonayaan Federalka iyo in kale, lagama dha-dhacsin Federal waxa uu yahay iyo noociisa. Sheekada inta way ka badantahay, balse in tani ay dhacayso horay ayaa loo ogaa ee yan lala yaabin.
    Tan soo socoto ayaa ka daran!!! Bal ila eega Madaxda Maamul Goboleedyada loo dhiibtay iyo muraadka laga leeyahay. Dagaal Sukeeye ayaa ii muuqdo ee Allah na amaansado.

    ReplyDelete
  9. Axmed farax cali idaajaa baan ka dhagaystay nin gabyaa ahaa oo leegadiina ka mid ahaa oo xiligii daaqiliyadii duraayey madaxdii markaas joogtay, qirayeyna ineysan ayagu waa madaxdii waagaase awood badan u lahayn iney wax qabtaan wuxuuna yiri .
    Intuu farangot teelada hayoo idin ka hooseeyo
    Waxba nooma haysaane waan idin hafraynaaye
    Hashii daranse inaad shubi kartaan hubanti waayane.
    Golayaashani dalka ayagu xoog iyo ciidan iyo siyaasad iyo dhaqaalo midna uma hayaan lakin ayagaa is hafray oo waxaysan qaban karin iyo waqti aysan ku qaban karin sheegay marka su'aalaha yuusuf waa la weydiin karaa waa haday markale fursada ka faa'idaysan karaan oo runta sheegi karaan, hadayse ogyihiin inaan anagu aanan meesha keensan kana diri karin ee ay jirto cid kale mindhaa cidii kalay la hadlayan, aan isku dayno ayaga iyo saaxibadood meeshay iskula furaan.

    ReplyDelete
  10. Dal Burberry dheh, gacantana ugalay qawlaysa to aan diirnaxeyn

    ReplyDelete
  11. Somalia ilahay u gargaaro maalinba dadbaa iskaga shaqaysan waaa yaaaab wlh!!!!

    ReplyDelete
  12. Inta aanay doorashada ay qaban doonaan aan la gaadhin miyaanay ka habboonayn in aan is weydiinno yaa doortay iyaga? qaab sidee ah ayay ku ku yimaaddeen? Xidhiidh intee le'eg ayay la leeliyihiin shacbi-weynaha Soomaaliyeed.

    ReplyDelete
  13. Yuusuf Garaad Waxaan Kuugu Hambalyeynayaa Dood Yaqaanimada & Sida Aad U Abaadhay Halka Boogtu Ka Damqanayso Waxaadna Tahay Afmaal U Dooda Inta Mayeeraanka ah Ee Aan Codkooda Ku Cad Goosan Karin Maasha Allah

    ReplyDelete
  14. Yuusuf Garaad, waan dareemi karaa, cadhada, amakaagga, iyo han-jabka ay nagu ridaan dadkii ina matalayay. Wxn qabaa, qof walba oo u damqanaya dalkiisa iyo dadkiisuna inuu kula wadaagayo dareenkaas.

    Hadal badan haan ma buuxshee, wxd hadalba ebiday, hadday dhago duleelaan, matkaad tidhi "waxaan ugu baaqayaa in xariifnimada dalka loogu shaqeeyo ee aan looga shaqeysan uun".

    Ani waxaa i haya walwal kaas ka duwan. Madaxdani kursiga ku waarimayso, way ka tagi, kuwii ka horreeyayna way ka tageen.

    Ma laga yaabaa inaynu maqalno 10 sano kadib, iyadoo laga doodayo, gobolkee Itoobiya ama kiiniya ku biiraya iyo kee baa xornimo gaar ah qaadanaya?

    Ogow: xildhibaan codkiisa uu kitaabka Alle ku maray lacag ku iibsaday, maxaa u diidaya inuu dalka(bad iyo barri) oo idil lacag ku iibsado?

    -Hal xaan ahi nirig xalaal ah madhasho-

    ReplyDelete
  15. Filika noo shidnaay waan arkayay in uu Atoorihiisa dhimanayo lkn isma laheeyn Filanka oon dhamaan ayaaa shaleemada la xeri doona

    ReplyDelete
  16. Waxaa Shaki kujirin in loo baahanyahay jamhad dib uxorayn OK dalka looga xoraynayo 1. 4.5 2. Federalism iyo qodabka sedexaad oo ah mid aysan shacabka Soomaali ku baraarugsanayn oo ah Wahhabism oo ah fikir diini ah ooy wadaado Soomaaliyeed nooga soo minguursheen wadamada carabta kaasoo batatamba lid ku ah kii soomaalidu qarni kaqarni kudaabnayd.
    BASHIR M AW ALI

    ReplyDelete
  17. This comment has been removed by the author.

    ReplyDelete
  18. laga soo bilaabo 10 September 2012-kii oo aheyd maalintii la doortay hogaanka Dawladda Federalka Somaliya, waxaan hamiga iyo laabta ku heyny in 2016-ka ay waddanka ka dhici doonta doorasho qof iyo cod ah (one man one vote),

    madax weynihii naloo doortay his Excellency Hassan SHeikh, wuxuu noo balan qaaday dhowr waxyaalood oo ay ka mid ahaayeen.

    1. siyaasad ku dhisan 6-tiir,

    2. doorasho xor ah oo dhici doonto 2016-ka.

    3. gaadhsiinta wadddanka oo dhan hanaanka Federalka.

    4. iyo qodobo kale oo fara badan.

    markii sanadkii koowaad dhamaaday ayaa waxaa dadka qaar ka dhawaajiyeen in dalka gacanta u galay dad NGO'ste ah, oo hadafkooda fog uu yahay xil kororsi iyo iney wax badan ku sii nagaadaan Xarunta Villa Somalia, waxaana eedeyntaas ay ku sababeeyeen dhor qodob oo ay ka mid yihiin,

    1. is af-garanwaa soo kala dhex gala mar kasta waziirka koowaad iyo madax weynaha

    2. hanaanka maxkamadaha iyo garsoorka madaxa banaan oo toosi waayay. iyo qodobo kale,

    3. Magacaabidda guddiga doorooshaooyinka iyo Guddiga xudduudaha, oo aan laga tashan Dowlad goboleedyada qaarkood.

    laba sano iyo badha kadib bishaan july 2015-ka ayaa hal mar waxaa la maqlay waxaa la ansix yey Guddiigii doorasha iyo giddiga xuduudaha, waan xasuusany maah-maahdii soomaaliyeed oo oraneysey! (maxey ku nuugtaa ama ka nuugtaa), maxay ansixiyaan ama diidaan qeylo ayaaba ka dabayeereysee? shalay oo taariikhdu ku beegneyd 28-07-2015-ka ayaa waxaa la maqlay 3-da hey'adood ee Dowaladda ayaa kulan isug yimid oo isku afgartay inaan doorasho dhici karin 2016-ka, baritoole oo taariikdh ku beegan tahay 29-07-2016-ka waxaa shir looga hadlayo arrinkaas ka dhici doonaa Muqdisho, waxaana shirkaas guddoomin doona isla raggi ku fashilmay doorashada 2016-ka.

    By:ABDISHAKUR AHMED MOHAMED.

    ReplyDelete
  19. waxaan ka cabsiqabaa in 2da gole aya ay mudo kororsi sameyaan lkn waxaa qornoon in isbadel yimaado 2016 shacabku wa inuu kaalintiisa qaataa oo coddheer ku shegaa in aya isbadel u baahanyihiin 2016 uuna ku yimaadaa qaab sharciyada waafaqsan waa in siyaasiyiinta cusub ayhelaan fursad lamid ah kuwa xilka haya loona sinaadaa talada dalka.

    ReplyDelete
  20. Inta fara galin shisheeye arinmaha soomaliya faraha kula jirto wax xal ah lagama gaarayo.. ??

    ReplyDelete