Waxaan halkan ku soo gudbinayaa Gabay uu tiriyay Xuseen Cabdi Xalane, oo noqday Wasiirka Maaliyadda Xilligii Madaxweyne Shiikh Shariif iyo mar kale Xilligan Madaxweyne Xasan Shiikh. Gabayga oo uu aniga igu hal qabsaday, isla Gabyaaga ayaa u qoray araarta. Wuxuu yiri Xalane:
Suurgaddoon
Xuseen Cabdi Xalane
Anigoo London maraya ayaa Yusuf Garaad oo ah madaxa Laanta Af-Soomaaliga
ee BBC igu yidhi “barrito Istuudiyaha noogu imow aan wareysi kaa qabannee”. Habeenki baan ka fikirey arrintaas, waxaana igu soo dhacdey, tolow
ninka Soomaaliga ah ee waxgaradka ah maanta muxuu sheegi karaa, Yusuf Garaadse
ciddee wax garanaysa oo uu hadalka gaadhsiin karaa. Waxaa intaas dheer khatarta
ah in warkaad sheegto qolo dhibsato iyagoo kuu arkaya nin afqabiil ku hadlaya
taasoo sii hurin karta colaadaha. Gabaygan aan Yusuf ku halqabsaday tilmaan ka
bixinta xaaladda Soomaaliya ka sokow arrimahaas buu wax ka ifinayaa.
Waa suurgaddoon Yuusufow, gadahan muuqdaaye
Maandhow afkaa loo ganbiyey, guul wixii
jiraye
Adaa gaafan mooyeen tolkaa, geesi ka
idlaaye
Gaashaanliyo sargaal gaammuriyo, gaadh
hayihi beesha
Jananadi garbaha buuxsadiyo, geeshka
taladiisa
La gumaad raggii gali yiqiin, gaylan
dirireede
Raggi talada loo geyni jirey, nabad ha goobeene
Gadhcastiyo garaadyadi la madhi, ganafta
weyne
Mooryaantaa dalkii goofisiyo, gaangis baa
hadhaye
Ciddeed hadalka gaadhsiin rabtaa, oo wax
garanaysa
Xamartaad bidhaan garan jirtee, gabi
hillaacaysey
Wixii daar gamaamnayd wixii, fawqayo lagu
gaarey
Gumucii gun iyo baar rasaas, lagu
garaacaayey
Waa gidaar dalooliyo dhulaan, guri u
nooleyne
Ma guurtiyo hantidi guud taniyo, gaalo laga
reebay
Nin waluba intuu gaadhi karay, goosay
tabartiise
Jidaad garan jid xaafado ku geyn, waa horuu
gudhaye
Waa godad biyeed laamiyadi, giigsanaan
jiraye
Gawaadhida gurrani gees walbay, gabi u
jiidhaane
Geddii beledka loo gooshi jirey, laga
gawaan raacye
Waayarradi la goo iyo xadhkihi, laydhka
gayn jireye
Gudcur iyo mugday gudi hayaan, goosaankaa hadhaye
Waa galangal madhan ceelashay, gogoshu kuu
tiile
Gabbal baa ku dumey reer tolkaa, geedu
joogaba e’
Ciddeed hadalka gaadhsiin rabtaa, oo wax
garanaysa
Gacalkaa isnacay eedahaa, beesha kala geeyey
Galinkiyo dagaal lagu go’iyo, gawraciyo
meydka
Islaamaha gablamay reerahaan, gaban u soo
cayman
Islaamaha asaydii gu’ hore, wali ku
gawriirto
Gagsan waa dadkeenii waa kaa, gees walbow
qaxaye
Galbeed iyo sharqiba maatadaa, gaalo ehel
moodey
Asalguurka dhacay ceebahaa, saaran
guradeenna
Waxaasoo gubtaanyo ah anoo, gudub u eegaaya
Gawgawda hadal gaabanoon, dunida
gaadhsiiyo
Maandhow wuxuu gali karaa, waanan garanayne
Caqligaa gabaabsiyey dadkaa, maanki laga
guurshay
Ninkii hadalsan gaadhsii yidhaa, way
gurracayaane
Gabal gaabtay iyo BBC, fiid warkaad galiso
Guulaamooyinkay sii hurshaan, godobti
aasneyde
Intay taladu geed saaran tahay, soo gondegi
weydey
Gawraarta dheer iyo intay, gabi ka
laadlaado
Ee collaadan guunka ah le helin, xalaan ku
soo goyno
Inaan gaabsannaa ila habboon, yeynan sii
gubane
Raadreeb: in kastoon marar badan ka hadlay
BBC, haddana waxaan doortey in aanan siyaasadda ka hadlin mar hadday sidaas u
murugsan tahay, balse aan suugaanta siiba gabayga iyo dhaqanka xoogga saaro.
Asc Yuusuf gabaygu Waa fiican yahay Masha Allah laakiin, damiir ruuxii Leh bey waanadu damqisaa oo ka dorqa waxa looga digayiyo dabka meesha loo tilmaamo.
ReplyDeleteUstaad,Yusuf waa ku salaamay, gabayguna waa qiimo badanyahay aragtidayda, waxaan isleeyaha,waxaa ka maqan waxa dhacay sababtoodi taas oo hadaan la sheegin, ay cadaalad daro iigu muuqanayso, alle ha naxariistee abwaan dhoodaan arintaas wax ka yiri xiligii kala orodka, anigoo xadfaya maadama uu si taas ah beelo u tilmaamayay, wuxuu yiri ,, Reer hebel iyo Reer hebel kaa bursade waana kula beere, reer hebel bireeyaay waxaa loogu wada baaqay, iyagoon tolnìmadii ka bixin oo wax kaa bi,nin, adinkaa ka baayacay waxay belo sameeyeene, hadaba in aan gabayga ka muuqan Dawladii lahayd mas,uuliyada ee aniga xuseen cabdi xalane aan kaadirinta sare ka ahayn, sow cadaaladii oo indha laga xiray maaha?markale salaan qaaliya,Yusuf
ReplyDeleteBy Ahmed
Gabyga ayaan in kale xusuustay,waana sidaan reer hebel iyo reer hebel kaa bursade waana kula beere, reer hebel bireeyaay waxaa loogu wada baaqay iyagoon tolnimadii ka bixin oo wax kaa bi,nin basar xumadi lagu qaabiliyo baylki lagu sayray ciilkay la barareen ayay kugu butaaceene, adinkaa ka baayacay waxay belo sameeyeene,,
ReplyDeleteGabaygani wuu ila wanaagsan yahay, wuxuuna iila ekaaday in laga minguurshay gabay aan hore u arkay, si kastaba waxa uu waano u yahay ummaddeena.
ReplyDeleteWaa murti cajiib ah
ReplyDeletexusen cabdi xalane wuxuu i galiyey rijo ah in uu wali jiro siyaasi somaliyeed oo qalbigiisu nool yahay. xusen cabdi xalane wuxuu badalay fikirKii aan qabay dhamaan siyaasiyiinta somaliyeed ee hada nool. xusen cabdi xalane in kastoo awoodiisu ay xadidantahay waxaan rijeynayaa in uu helo dhowr asagoo kale ah oo isla garta waxa nagu dhacay, waxa nala gudban iyo sida aan ku gaari karno. xusen cabdi xalane ku amaani maayo shaqo wanaagsan oo uu qabtay oo aan ku arkay iyo mid la iiga sheegay toona lakin cudurka aad qabto qofkii kula qaba isku tolbaad tihiin.
ReplyDeleteYuusuf aad ayaad ugu mahadsan tahay murtida uu gabaygani xambaarsan yahay ee leh aragti fog oo wax lagu waano qaato ah. Waxaan leeyahay Abwaanka "Mahadsanid". Mida kale dadka qaar waxay jeclaadeen dulmigii dhacay in qiil looga dhigo rajiimkii 20ka sano dalkan u talinayey dhibaatadii uu dhigay oo aan oran karo 1 sano wixi ay bi'iyeen kuwii asaga xukunka kala wareegay in ay aad uga badan tahay. Haddaba, caqligu ha shaqeeyo oo yaanan meel loo dayin dambiyadii Somali dhexdeeda ka dhacay. Tanaasul iyo isa saamax ayuu yahay xalka umada horyaalaa maanta ee maaha horaad ii dishay anaa maanta dilkaan ku geysanayo waa xaq.
ReplyDeleteguri quxoon oo si fiican loo dhisay ayaa alaab fiican la dhigaa, soomaalida badankood maanta maskaxdooda ayaan diyaar u ahayn hadal wanaagsan, gabay ama murti wax ku ool ah.
ReplyDelete