|
Xabsiga Dhexe ee Xamar - 29 Okt 2015 |
Waxaan maanta fursad u helay in aan soo arko gudaha xabsiga dhexe ee
Muqdisho. Waxay ka dambeysay Laanqeyrta
Case ee Caalamiga ah ICRC iyo weriyayaal maanta loo furay irdaha xabsiga.
Madaxweynaha ICRC, Peter Maurer, ayaa meesha marayay.
Waxaan ku soo wareegnay qolal ay maxaabbiistu is kor tuban yihiin.
Waxaan tagnay qeyb loo yaqaan qamta oo qolalku ay ka yaryar yihiin qeybaha
kale. Qeyb kale waa Piemonte iyo qeybta haweenka. Piemonte waa Gobolka caasimaddiisu ay tahay Torino ee dalka Talyaaniga. Ma aqaan sababta magacaas loo siiyay.
Waxaa xabsiga ku jira dad ay tiradoodu kor u dhaaftay 1200 oo
maxbuus oo isugu jira dad ay Maxkamadi xukuntay iyo dad aan weli la soo taagin
maxkamad.
Dadka xukuman waxaa ka mid ah qaar dil ku xukuman.
Qaarkood way ka qeylinayeen codkoodana si sax ah looma kala saari
karin, laakiin waxaan maqlayay mid ku qeylinaya shan bilood ayaan xirnaa iyo mid
leh saddex sano ayaan xiran ahay ee maxaan bi’iyay?
Bal qiyaas in xabsi lagu dhigo adiga oo Maxkamad kugu xukuntay aanay jirin.
Maxaabbiista aan maanta soo arkay waxay isugu jiraan haween, carruur
aan qaan gaar ahayn iyo rag u badan dhallinyaro. Carruurta iyo dadka waaweyni
ma kala soocna.
Sidoo kale, ma kala soocna nooca dembiyada ama tuhunka ay u xiran yihiin dadku. Si kale haddii aan u dhigo, dad iyagu ka tirsan kooxo isu cadow ah marka ay bannaanka joogaan, ayaa laga yaabaa in ay hal meel ku wada xiran yihiin.
Xabsiga waxaa loogu tala galay ugu badnaan 400 oo Maxbuus. Laakiin
hadda waxaa ku jira saddex-laab tiradaas. Meeshii loogu talo galay in hal qof
lagu xiro, waxaa ku jira 4 ruux. Sidaa darteed waxaa aad ugu adag jiifka oo
aanay haysan dhul ugu filan in qof waliba uu dhabanka dhigo. Sidaa darteed
waxay iska sugaan hurdada oo marba in ayaa seexata inta kalena way taagtaagan
yihiin oo waxay kuwa hurda ka sugayaan meeshii ay dhinaca dhigi l;ahaayeen. Waxaan soo xusuustay xabsiga Kigali oo aan booqday 1995 gumaadkii dalka
Rwanda ka dhacay bilo yar ka dib. Xaaladda Xabsiyada Rwanda waxay berigaas ahaayeen kuwo caalamka oo dhami uu ka hadlay.
Xabsiga Dhexe ee Muqdisho, waa xabsi uu dhistay gumeyste.
Waa meel aan dhir badan lahayn. Qorraxdu ay aad u kulushahay. Qolalka ay
maxaabbiistu ku xiran yihiin oo iska soo horjeedana inta u dhexeysaa ay tahay
sibir. Deyraddu dusha ayay ka bannaan tahay oo qorraxda sibirka ku dhacda ayaa dib kuugu soo laabaneysa oo saameyneysa neeftaada. Waa xataa haddii aad dibadda taagan tahay.
Bannaanka ayaan joogi kari la’ayn kuleyl dartiis. Qaar badan oo naga
mid ah shaararka ayaa ku qoyay dhidid awgiis. Ma qiyaasi karo inta uu le’eg
yahay kuleylka haya 40 ruux oo ku jira qol loogu talo galay 10 ruux. Hawada keliya ee ay haystaan waa midda ka soo
dhex dusta biraha isu dhow dhow ee sida ulo u teedsan ee ay ka sameysan yihiin dariishadda
iyo albaabka oo quful weyni saaran yahay.
Waxaan booqannay jikada iyo qeybta caafimaadka xabsiga.
Waxa aan la yaabay arrin uu Xeer Ilaaliyuhu ii sheegay. Waa in ay
jiraan dad uu waalidkood soo xiray. Taas oo waafaqsan, ayuu yiri, sharciga dalka.
Waxaan qiyaasay in waalidkaasi uu yahay mid aan ka warqabin xaaladda xabsigu uu
ku sugan yahay. Marka labaadna ma garanayo sababta uu sharcigu u fasaxayo in
qof qaangaar ah oo isagu hadduu doono waalid ah haddana xabsi la dhigo damaca isaga waalidkiis awgii.
Rajo
Markii uu dhex wareegga xabsigu noo dhammaaday, waxaan Xafiiskiisa ugu
tegey Taliyaha Ciidanka Asluubta, Sarreeye Gaas Bashiir Maxamed Jaamac. Inkasta
oo uu qiran yahay dhibaatada xabsiga ka jirta haddana wuxuu ii sheegay waxyaabo
dhowr ah oo uu rajo ka qabo.
Wuxuu ii sheegay in sariiro is dul saaran ay u soo socdaan Xabsiga,
kuwaas oo suurta gelin doono jiif sidaan ka wanaagsan. Sariiruhu maaddaama ay
is dul saran yihiin waxaa rajo laga qabaa in ay soo haraan qolal bannaan oo
waxbarashada maxaabbiista loo adeegsan doono. Bisha Febraayo ee sannadka 2016 ayaa noo asteysan, ayuu yiri.
Waxaa la hirgeliyay biyo gelin
musqulaha qubeyska. Ceel ayaa loo qodi doonaa xabsiga.
Qeybta Piemonte waa la dayactiray oo anigaaba indhahayga ku soo
arkay. Waxaan arkay qeyb kale oo la dhisay oo loogu talo galay in tababbar
xirfadeed lagu siiyo maxaabbiista. Waxaan arkay baabuurta shabaqlaha ah ee
maxaabbiista lagu qaado oo laba ah oo la diyaariyay maaddaama dhibka Maxkamadda
daaheysa ay qeyb ahaan u sabab tahay in aan la hayn gaadiid ku habboon in
Maxbuuska lagu geeyo Maxkamad. Waxaa kale oo la i tusay xafiis Xabsiga ku dhex
yaalla oo Maxkamad ahaan loo adeegsado mararka qaar.
Mashaariicdaas oo isugu jira qaar la fuliyay iyo qaar soo socda,
waxaa ku deeqay ganacsato iyo hey’ado samafal oo Soomaaliyeed.
Waxaa kale oo i dhiirri geliyay in dhowr ka mid ah maxaabbiista loo oggolaaday in Madaxweynaha ICRC, Peter Maurer, ay keligood la kulmaan maanta iyada oo aan askari iyo cid kale la joogin.
Waxaan jecleystay sida Maxaabbiista codsigooda loo tixgelinayay maanta, haddaysan ahayn show xilligaas ku eg. Maxaabbiistu waxay ku qeyliyeen war naga daaya kaamerada, markii ay weriyayaashii damceen in ay sawirtaan video-na ay ka duubaan maxaabbiista. Markiiba saraakiisha ciidanka oo uu Taliyuhu ka mid ahaa ayaa iyaguna ku dhawaaqay war ka daaya.
Dabcan maxbuusku in uu yahay qof ciqaab looga aargoosanayo iyo in uu yahay qof xuquuqdiisa la dhowrayo, lana toosinayo waxay saameyn ku leedahay bulshada berri lagu soo dhex deyn doono.
Waxaan u mahadcelinayaa Taliyaha Ciidanka Asluubta, Sarreeye Gaas
Bashiir Maxamed Jaamac, oo mar aan usbuucan horraantiisii kala hadlay ra’yi aniga
igu dhashay oo Maxaabbiista waxtari kara, igu martiqaaday booqashada Xabsiga,
iyo Xeer Ilaaliyaha Guud, Axmed Cali Daahir, oo si wanaagsan ii soo dhoweeyay
xog bandanna i siiyay. Waxaa kale oo aan u mahadcelinayaa Taliyaha Xabsiga
Dhexe iyo saraakiisha kale ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.