Total Pageviews

Friday, 30 October 2015

Duqa cusub ee Muqdisho


Duqa magacaaban, yacni aan xilka weli la wareegin, ee magaalada Muqdisho, Yusuf Xuseen Jimcaale, ayaa billaabay wadatashi uu la yeelanayo Soomaalida deggan caasimadda.

Ujeeddadu waa si uu u helo talooyin iyo fikrado uu ku biiriyo Barnaamijka oo awalba ka fekerayay ee uu doonayo in uu caasimaddeenna ku horumariyo.

Waxaan ka mid ahaa aqoonyahanno xalay lagu marti qaaday kulankiisii ugu horreeyay ee la tashi ee uu sameeyo.

Dadka la martiqaaday oo leh khibrado iyo waayo aragnimo kala duwan, waxay dhammaantood ama aan dhehee ugu yaraan intii hadashay ay ka dhawaajiyeen fikrado waxtar leh ama ugu yaraan dood dhalin kara.

Waxaa la isla soo qaaday talooyin la xiriira sugidda amniga caasimadda, kobcinta dakhliga Gobolka Banaadir, siyaasad ahaan sidii dadweynaha Soomaaliyeed ay u dareemi lahaayeen in ay caasimaddu tahay caasimaddooda oo aan laga xigin, xalka Khilaafaadka dhulka, Xafidaadda ammaanada, Xuquuqda haweenka, xaaladda barakacayaasha, Xuquuqda Dumarka, sidii dadweynaha Muqdisho ay u heli lahaayeen xuquuq la siman midda dadweynaha Gobollada marka ay joogto Golayaasha ay  Dowlad Goboleedyadu ku matalaan dadweynaha kale ee Soomaaliyeed oo aan Gobolka Banaadir ku jirin,  ka digtoonaanta masiibooyinka dabiiciga ah, dhismaha waddooyinka iyo qodobbo kale oo badan.

Erayo kooban oo uu goobta ka jeediyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ee magacaaban, Yusuf Xuseen Jimcaale, waxaa ka muuqday in uu yahay mas’uul fahamsan miisaanka iyo muhiimadda xilka loo magacaabay. Wuxuuna hadalkiisu u muuqday mid yididdiilo gelin kara dadweynaha Muqdisho, iyada oo weliba aan la gaarin inta aanuu xilka la wareegin.

Thursday, 29 October 2015

Gudaha Xabsiga Dhexe ee Xamar

Xabsiga Dhexe ee Xamar - 29 Okt 2015
Waxaan maanta fursad u helay in aan soo arko gudaha xabsiga dhexe ee Muqdisho.  Waxay ka dambeysay Laanqeyrta Case ee Caalamiga ah ICRC iyo weriyayaal maanta loo furay irdaha xabsiga. Madaxweynaha ICRC, Peter Maurer, ayaa meesha marayay.

Waxaan ku soo wareegnay qolal ay maxaabbiistu is kor tuban yihiin. Waxaan tagnay qeyb loo yaqaan qamta oo qolalku ay ka yaryar yihiin qeybaha kale. Qeyb kale waa Piemonte iyo qeybta haweenka. Piemonte waa Gobolka caasimaddiisu ay tahay Torino ee dalka Talyaaniga. Ma aqaan sababta magacaas loo siiyay.

Waxaa xabsiga ku jira dad ay tiradoodu kor u dhaaftay 1200 oo maxbuus oo isugu jira dad ay Maxkamadi xukuntay iyo dad aan weli la soo taagin maxkamad.

Dadka xukuman waxaa ka mid ah qaar dil ku xukuman.

Qaarkood way ka qeylinayeen codkoodana si sax ah looma kala saari karin, laakiin waxaan maqlayay mid ku qeylinaya shan bilood ayaan xirnaa iyo mid leh saddex sano ayaan xiran ahay ee maxaan bi’iyay?

Bal qiyaas in xabsi lagu dhigo adiga oo Maxkamad kugu xukuntay aanay jirin.

Maxaabbiista aan maanta soo arkay waxay isugu jiraan haween, carruur aan qaan gaar ahayn iyo rag u badan dhallinyaro. Carruurta iyo dadka waaweyni ma kala soocna.

Sidoo kale, ma kala soocna nooca dembiyada ama tuhunka ay u xiran yihiin dadku. Si kale haddii aan u dhigo, dad iyagu ka tirsan kooxo isu cadow ah marka ay bannaanka joogaan, ayaa laga yaabaa in ay hal meel ku wada xiran yihiin.

Xabsiga waxaa loogu tala galay ugu badnaan 400 oo Maxbuus. Laakiin hadda waxaa ku jira saddex-laab tiradaas. Meeshii loogu talo galay in hal qof lagu xiro, waxaa ku jira 4 ruux. Sidaa darteed waxaa aad ugu adag jiifka oo aanay haysan dhul ugu filan in qof waliba uu dhabanka dhigo. Sidaa darteed waxay iska sugaan hurdada oo marba in ayaa seexata inta kalena way taagtaagan yihiin oo waxay kuwa hurda ka sugayaan meeshii ay dhinaca dhigi l;ahaayeen. Waxaan soo xusuustay xabsiga Kigali oo aan booqday 1995 gumaadkii dalka Rwanda ka dhacay bilo yar ka dib. Xaaladda Xabsiyada Rwanda waxay berigaas ahaayeen kuwo caalamka oo dhami uu ka hadlay.

Xabsiga Dhexe ee Muqdisho, waa xabsi uu dhistay gumeyste.  Waa meel aan dhir badan lahayn. Qorraxdu ay aad u kulushahay. Qolalka ay maxaabbiistu ku xiran yihiin oo iska soo horjeedana inta u dhexeysaa ay tahay sibir. Deyraddu dusha ayay ka bannaan tahay oo qorraxda sibirka ku dhacda ayaa dib kuugu soo laabaneysa oo saameyneysa neeftaada. Waa xataa haddii aad dibadda taagan tahay.

Bannaanka ayaan joogi kari la’ayn kuleyl dartiis. Qaar badan oo naga mid ah shaararka ayaa ku qoyay dhidid awgiis. Ma qiyaasi karo inta uu le’eg yahay kuleylka haya 40 ruux oo ku jira qol loogu talo galay 10 ruux.  Hawada keliya ee ay haystaan waa midda ka soo dhex dusta biraha isu dhow dhow ee sida ulo u teedsan ee ay ka sameysan yihiin dariishadda iyo albaabka oo quful weyni saaran yahay.

Waxaan booqannay jikada iyo qeybta caafimaadka xabsiga.

Waxa aan la yaabay arrin uu Xeer Ilaaliyuhu ii sheegay. Waa in ay jiraan dad uu waalidkood soo xiray. Taas oo waafaqsan, ayuu yiri, sharciga dalka. Waxaan qiyaasay in waalidkaasi uu yahay mid aan ka warqabin xaaladda xabsigu uu ku sugan yahay. Marka labaadna ma garanayo sababta uu sharcigu u fasaxayo in qof qaangaar ah oo isagu hadduu doono waalid ah haddana xabsi la dhigo damaca isaga waalidkiis awgii.

Rajo

Markii uu dhex wareegga xabsigu noo dhammaaday, waxaan Xafiiskiisa ugu tegey Taliyaha Ciidanka Asluubta, Sarreeye Gaas Bashiir Maxamed Jaamac. Inkasta oo uu qiran yahay dhibaatada xabsiga ka jirta haddana wuxuu ii sheegay waxyaabo dhowr ah oo uu rajo ka qabo.

Wuxuu ii sheegay in sariiro is dul saaran ay u soo socdaan Xabsiga, kuwaas oo suurta gelin doono jiif sidaan ka wanaagsan. Sariiruhu maaddaama ay is dul saran yihiin waxaa rajo laga qabaa in ay soo haraan qolal bannaan oo waxbarashada maxaabbiista loo adeegsan doono. Bisha Febraayo ee sannadka 2016 ayaa noo asteysan, ayuu yiri.

Waxaa la hirgeliyay biyo gelin musqulaha qubeyska. Ceel ayaa loo qodi doonaa xabsiga.

Qeybta Piemonte waa la dayactiray oo anigaaba indhahayga ku soo arkay. Waxaan arkay qeyb kale oo la dhisay oo loogu talo galay in tababbar xirfadeed lagu siiyo maxaabbiista. Waxaan arkay baabuurta shabaqlaha ah ee maxaabbiista lagu qaado oo laba ah oo la diyaariyay maaddaama dhibka Maxkamadda daaheysa ay qeyb ahaan u sabab tahay in aan la hayn gaadiid ku habboon in Maxbuuska lagu geeyo Maxkamad. Waxaa kale oo la i tusay xafiis Xabsiga ku dhex yaalla oo Maxkamad ahaan loo adeegsado mararka qaar.

Mashaariicdaas oo isugu jira qaar la fuliyay iyo qaar soo socda, waxaa ku deeqay ganacsato iyo hey’ado samafal oo Soomaaliyeed.

Waxaa kale oo i dhiirri geliyay in dhowr ka mid ah maxaabbiista loo oggolaaday in Madaxweynaha ICRC, Peter Maurer, ay keligood la kulmaan maanta iyada oo aan askari iyo cid kale la joogin.

Waxaan jecleystay sida Maxaabbiista codsigooda loo tixgelinayay maanta, haddaysan ahayn show xilligaas ku eg. Maxaabbiistu waxay ku qeyliyeen war naga daaya kaamerada, markii ay weriyayaashii  damceen in ay sawirtaan video-na ay ka duubaan maxaabbiista. Markiiba saraakiisha ciidanka oo uu Taliyuhu ka mid ahaa ayaa iyaguna ku dhawaaqay war ka daaya.

Dabcan maxbuusku in uu yahay qof ciqaab looga aargoosanayo iyo in uu yahay qof xuquuqdiisa la dhowrayo, lana toosinayo waxay saameyn ku leedahay bulshada berri lagu soo dhex deyn doono.

Waxaan u mahadcelinayaa Taliyaha Ciidanka Asluubta, Sarreeye Gaas Bashiir Maxamed Jaamac, oo mar aan usbuucan horraantiisii kala hadlay ra’yi aniga igu dhashay oo Maxaabbiista waxtari kara, igu martiqaaday booqashada Xabsiga, iyo Xeer Ilaaliyaha Guud, Axmed Cali Daahir, oo si wanaagsan ii soo dhoweeyay xog bandanna i siiyay. Waxaa kale oo aan u mahadcelinayaa Taliyaha Xabsiga Dhexe iyo saraakiisha kale ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed. 

Wednesday, 28 October 2015

Iridda Keliya ee Gegida Dayaaradaha ee Muqdisho

Haddii aad rabto in aad garato sida aan uga guran nahay curinta ra’yi ama wax cusub oo aan hore u jirin si ay noloshu noogu fududaato, waxaad eegtaa iridda laga soo galo garoonka dayaaradaha Muqdisho lagana baxo. Waa gegida dayaaradaha ee caalamiga ah ee Aden – Cadde.

Garoonku wuxuu ku yaal meel dabiiciyan aad u qurux badan. Dhabbaha ay dayaaraduhu ku rooraan wuxuu la teedsan yahay badda oo meelaha qaar aad mooddo in hirka baddu uu soo gaari karo.

Jawiga magaaladu waa mid wanaagsan sannadka intiisa badan, sannad kasta.

Intaas waxaa dheer in garoonku uu ku shaqeeyo iftiinka qorraxda oo keliya oo shaqo habeen aanay jirin marka amniga laga reebo.

Inkasta oo garoonku uu leeyahay shan irdood oo aad u kala fog oo laga soo geli karo, qaar hor lehna la sameyn karo, haddana isku hal irid ayaa loo adeegsadaa Gelid iyo Bixid labadaba.

Waddada keliya ee lagu galo, haddana dhinac ayay ka xiran tahay, waxaana dhex yaalla dhagxaan waaweyn oo shub ah oo jidgooyo u eg looguse talo galay gabbaad nooc dhufeys ah. Waxaa intaa dheer dhowr isbaaro oo isla waddadaas dhex yaalla oo lagu baaro gaadiidka. Qaarkood ciidan Soomaali ah ayaa taagtaagan, kuwa kalena askarta iyo saraakiisha AMISOM ayaa fadhi iyo taagniba ku maamula.

Waa meel isgoys ah oo waddada Medina ka timaada ay uga soo dhacdo waddada gegida lagu galo.

Mararka qaar waxaa dheeraada safka ay ku jiraan baabuurta sugeysa in ay gasho gegida dayaaradaha. Taas ayaa saameysa isu socodka gaadiidka ee isgoyska. Marmar waxaa dhacda in baabuurtu ay isku xannibmaan. Hal baabuur haddii loo diido in uu galo gegida, oo dib loo soo celiyo xaaladdu wey ka sii dartaa oo waa in uu dib ugu soo laabtaa isla waddadii baabuurtu ay safnayd.

Saxmadda Dadka
Waxaa iyaguna isla goobta tuban dad tiro badan oo kala ujeeddo ah. Waxaa ka mid ah askar badan oo hubeysan oo qaarkood ay sitaan boobayaal kala nooc ah oo uu ka mid yahay qoriga riddada dheer ee dabamiinshaarka loo yaqaan, markaana isdhaaf u garwaaxiidsan rasaas. Askartan oo gashan direys ciidan oo kala nooc nooc iyo midabbo ah, waxay isugu jiraan kuwo gegida ilaaliya iyo qaar meesha ku sugaya soo laabashada baabuur ay ilaalinayeen oo gudaha ku maqan.

Inkasta oo mas’uuliyiiinta sare ee Dowladdu ay isticmaalaan irdo kale, haddana mararka qaar waxaa dhacda in sidii dagaal dhici rabo ay goobta yimaadaan baabuur dul bannaan ah oo xawaareynaya, oo markaa ay ka soo daataan askar aad u hubeysan oo tiro badan. Waxay markiiba ka howlgalaan si ay u gudbiyaan baabuur dhex iyo caga waaweyn oo la yiri xabbaddu ma karto oo ay gelibinayeen. Waxaad qiyaasi kartaa uun in uu fuushan yahay qof madax ah. Markaas ayay saxmadda gaadiidka iiyo midda ciidankuba ay ka sii daraan. Is dhex yaaca, fara isku taagga iyo qeyladuna wey bataan.

Aniga ilama ahan in muuqaalkaasi uu yahay midka ugu fiican ee magaalada ra’yi wanaagsan ka siin kara qofka Soomaaliga ah ee dalka muddo moogaa ama ay hadda ugu horreyso sida dhallinyarada Soomaaliyeed ee qurbaha ku dhashay. Sidoo kale qofka ajnebiga ah oo markii horeba shakiga iyo baqdinta ka qabay imaatinka Muqdisho, marka waxa ugu horreeya ee uu arko uu yahay muuqaalka noocaas ah, waxa keliya oo ku sii kordhi kara shakiga awalba ku jiray ee ahaa armay khalad tahay in uu Muqdisho yimaado.

Haddii ay wax dhacaan ma laha waddo kale ama jiho loo baxo oo xaaladdaas looga badbaado.

Meel Baabuurta la Dhigto
Garoonku ma laha xero baabuurta la dhigto oo nadiif ah laguna ilaaliyo. Weliba dhul weyn oo ballaaran oo aan dhisneyn oo ay Dowladdu leedahay ayaa ku dhinac yaal iriddan mashquulka badan. Bannaankaas oo la oodo, irdo loo yeelo, ilaalana la dul dhigo wuxuu dadka safraya iyo kuwa sagootinaya ama soo dhaweynaya u sahli lahaa howshooda iyo bedqabkooda. Waxaana ka soo xaroon lahaa dakhli.

Dakhli naga soo gala iska daaye, Barxaddaas annaga ayay hadda lacagi nooga baxdaa sannad kasta. Marka ay dabayshu ka soo dhacdo dhanka badda, waxay hore u soo martaa dhulkaa bannaan, waxay ka soo qaaddaa bacaad ay ku reebto waddada. Wuxuu uga sii daraa waddada oo uu dhinac dhan si ku meel gaar ah uu u dul deggenaado ilaa kharash lagu bixiyo oo laga qaado inta aanuu ku soo laaban saacado ka dib.

Gelid iyo Bixid
Waxaa iyadana ay taladeedu maqan tahay in la helo irid laga galo gegida iyo mid laga baxo oo haddii ay suurta gal tahay kala fog. Tusaale ahaan, Iridda hadda loo yaqaan Medina Gate waxay noqon kartaa Gelid, u furan dhinaca Gegida oo keliya, kana owdan dhanka Xalane. Iridda hadda la adeegsadana waxay khaas u ahaan kartaa Bixid oo keliya. 

Sir ma ahan in Medina Gate ay badiyaa AMISOM adeegsato, laakiin waxay AMISOM  adeegsan kartaa iridda loo yaqaan Jazeera Gate ama irid kale ayay sameysan kartaa.

Taasi waxay dhimi lahayd saxmadda, waxay koobi lahayd wakhtiga uu safarku qaato, waxayna yareyn lahayd khatarta amni oo xataa haddii aad is illowsiiso adiga oo Muqdisho jooga, iyadu is kaa xusuusineysa.

Monday, 19 October 2015

Kaalinta Haweenka ee 2016


Haweenka Soomaaliyeed waxay la tiro eg yihiin ragga, haddaysanba ka badneyn. Haddana waxay fursadaha siyaasadda mar kasta ay uga marti yihiin ragga. Maanta waxaa Xamar ka furmay  wadatashi ku aaddan aayaha dalka. Bal qiyaas tirada haweenka cod leh ee shirkaa fadhida.

Maxaa keenay in haweenku ay ragga uun u daba fadhiyaan maslaxadda dalka? Miyaan iyaga waajib ka saarneyn nabadeynta, hoggaaminta iyo horumarinta dalka? Miyeyse ka xuquuq yar yihiin ragga? Dalkuse ma ka maarnaa dadkiisa barkiis in aanay talada wax ku lahaan?

Dabcan waan ka warqabaa kaalinta muhiimka ah ee qoyska, bulshada, ganacsiga iyo waxbarashada iyo dhinacyo kale ay ku leeyihiin gabdhuhu, waxaanse halkan uga hadlayaa kaalintooda siyaasadda.

Weliba waxaan ka warqabnaa in gabdhuhu ay waayadan dambe, siiba xagga qurbaha, ay waxbarashada uga wanaagsan yihiin ragga? Waxaan ognahay in ay soo baxeen gabdho aqoon wanaagsan, waxqabad wanaagsan, arrimaha dalkana khibrad u leh, qaarkoodna ay shaqooyin wanaagsan dalka ka hayaan. 

2012 waxay ballantu ahayd in kuraasta Baarlamaanka 30% ay haweenku lahaadaan. Saamigaas oo markii horeba aan caddaalad ku saleysnayn, xataa isagii lama fulin. Hadda 2016 maxaa dhici doona? Maxay gabdhuhu ku dhaqaaqeen si ay markaan xuquuqdooda u qaataan? Mise waxay rajo ka qabaan in raggu uu intii hore dhaami doono, oo markaan uu dib uga degi doono?

Qormadaan kooban waxaan ugu talo galay bal in gabdhaha iyo wiilashuba Soomaaliyeed ay is weydiiyaan su’aalo la xiriira kaalinta haweenka ee qaabeynta, meelmarinta iyo hagidda siyaasadda dalka.

Haddii aad ila qabto in haweenka ay tahay in ay dadaalkooda kor u qaadaan, maxay kula tahay sida ugu habboon ee ay isu abaabuli karaan si ay doorkooda u dhacsadaan, kaalintoodana ay u buuxiyaan?




Sunday, 18 October 2015

Gar waa loo Islaam


Waxaan daawaday video shir uu xisbiga talada haya ee Kulmiye uu ku qabtay Hargeysa. Nin aan aqaan, oo ilaa yaraanteydii aan aqaannay xaggeygana qiimo weyn ku leh ayaan daawaday oo u cabanaya qaab kolley aniga i damqay.

Mudane Cali Cabdi Saayaq, isaga oo Ashahaadka qiraya ayaan daawaday si uu u caddeeyo in uu Muslim yahay.

Mudane Cali waxaan bartay toddobaatanaadkii aniga oo arday ah. Intii ka dambeysayna waan aqaannay. Deris ama jaar ayaan ahayn. Meel ay iska galaan Wardhiigleey iyo Towfiiq oo ah Degmada Yaaqshiid kana fogeyn Dugsiga Sare ee General Daud ayay ahayd.

Mudane Cali Cabdi Saayaq waxaan ku aqaannay nin Muslim ah, ahalu salaad ah, Allah ka cabsada, ahna nin muruqmaal ah. Nin ladan ayuu ahaa oo reerkiisa dhaqda, baabuur uu isagu leeyahay ku socda, welibana leh hooso Baabuurta lagu sameeyo. Qiyaas nin xilligaas intaa haystay.

Mudane Cali si kale uma aqoon, markii aan Radio Muqdisho ka billaabay shaqo horraantii siddeetanaadkii, ayaan ogaaday in uu yahay nin abwaan ah. Waxaan u maleynayaa ciddii aan hore u aqoon laakiin daawatay video-ga aan ka hadlayo ay ducadiisa ka garteen in uu yahay nin hal abuur leh.

Sida uu hadda ii sheegay fannaan Waaberi ka tirsan, heesihiisa caanka ah ee Cali Cabdi Saayaq waxaa ka mid ah heesta uu ku luuqeeyo Fannaanka weyn ee Soomaaliyeed, Maxamed Suleymaan Tubeec AUN, ee oraneysa Dhool da’ay la Moodyee, Waan kugu Dhadhabayaayee, Dharaarteynu kulannaa, Dhulku ila Wareegee,…

Cali wuxuu ahaa nin sharaf iyo xushmad badan oo dhallinyarada ku dhiirri geliya waxbarashada iyo weliba shaqada markii aan shaqo billowga ahayn.

Inaksta oo xilligii uu dagaalku Muqdisho ka qarxay aan kala go’nay, waxaan haddana dib isugu aragnay Djibouti 1994. Dhowr jeerna Hargeysa ayaan si kooban isugu aragnay.

Anigu ma ogi qofka ay is hayaan iyo waxa ay isku hayaan toona, qormadeyduna taa kuma saabsana.

Mudane Cali Cabdi Saayaq, hadda waa Wasiir Ku Xigeenka Howlaha Guud ee Somaliland.

Saturday, 17 October 2015

Soomaali Siman, haddana kala Mudan

Dowladda Soomaaliya iyada ayaa goosatay istaraatiijiyad ku dhisan midnimo iyo in aan la aqbalin in dalka la kala gooyo.

Sidaa darteed, dadka ka soo jeeda Somaliland ee ku jira loollanka aan sahlaneyn ee siyaasadeed ee Muqdisho yaalla, gaar ahaan kuwa u hanqal taagaya xilalka Federaalku waxay mudan yihiin in saamigooda ama ugu yaraan in ka daba dhow ay helaan.

Inkasta oo ay kaabayaasha siyaasadda ee reer Koofureedku uu haysto aanay ayaga u dhammeystirneyn, haddana waa in loo tixgeliyo xuquuqdooda muwaaddinnimo oo la siman muwaaddin kasta oo Soomaaliyeed. Weliba xilalka keliya ma ahan ee waa in lala wadaagaa deeqaha waxbarasho iyo takhasusyada maamulka iyo amniga.

Haddii la gacan bidixeeyo, waxay taasi dhibcaha u sii kordhineysaa kuwa u ololeeya gooni isu taaggu in ay u quus gooyaan qofkii innaba rajo ka qabi lahaa midnimo.

Dhanka kale, ruug caddaaga reer woqooyi ee xilalka Qaran ee xag diblomaasiyadeed, xag amni, xag maamul iyo xag siyaadeed soo heyn jiray muddada dheer ee hadda ku sugan caasimaddu waxay mudan yihiin ka warqab, daryeel iyo ka talo gelin arrimaha dalka, siiba kuwa woqooyi.

Waa dad iyaga oo heli kara sida ay Soomaali badani sameysay in ay degaannada laga yaabo in ay ku dhasheen oo nabad ah ay ku noolaadaan, ka door biday in ay ka shaqeeyaan Muqdisho ama ay astaan u ahaadaan midnimada Soomaaliya. Kuwaas oo qaarkood ay ku nool yihiin Hoteello, qaarna ay naftooda ku waayeen. Ku darso, ma ahan dad sugaya ama u diyaar ah in xilal loo magacaabo. Qaarkood nooc ay tahayba hore ayay u soo arkeen iyada oo tan maanta ka awood iyo sharaf badan.

Ismaaciil Buubbaa oo ilaa horraantii sagaashamaadkii ka shaqeynayay midnimo, kana qeyb galay ku dhowaad shir kasta oo Soomaali ay isugu timid, noqdayna Ra’iisal Wasaare ku xigeen, dhowrjeerna Wasiir noqday ayaa ka huleelay Muqdisho. Waxaa ka horreeyay Axmed Samatar oo in badan u dooday midnimo, ahaa Xildhibaan Federaal ah, marna isu taagay Madaxweyne.

Cali Kahaliif Galaydh isaguna wuxuu ku tilmaamay in kala go’a dalku uu ka socdo Muqdisho.

Ma ahan in aan qiil u sameynayo Samatar iyo Buubbaa, muddicise kuma ihi. Sidoo kale, ma doonayo in aan halkan ku lafa guro sida ay aragtida Galaydh sax u tahay ama aanay u ahayn.

Weliba waxaan qabaa in sababaha ay labada mas’uul ee hore ay u faleen waxa ay faleen, Galaydh-na uu u yiri waxa uu yiri, aanay ahayn kuwo isku xaalad ah ama isku dan iyo ujeeddo ah, laakiin waxaan tuhunsan ahay in si uun la isu waafajin karo. Aragtideyda, waxaa dhammaantood ka dhex muuqda quus ama quus ku dhowaad mashruuca midnimada oo ay saddexduba si buuxda u aamminsanaayeen.  Nin wax tari lahaa midnimada laakiin ka calool goostay waxba kuuma tareyso in aad ka gar hesho, haddii ay ujeeddadaadu tahay mudnimo.

In Taliyaha Xoogga Dalka Soomaaliyeed dhowaan loo magacaabay General khabiir ah oo degaan ahaan ka soo jeeda Woqooyi waa tallaabo horusocod ah, waanan bogaadinayaa. Laakiin weli fari kama qodna.

Qormadan waxaan ku soo beegay xilli la hadal hayo in Dowlad Goboleedyadu ay kaalin ku yeeshaan soo xulidda xubnaha Baarlamaanka sannad ka dib howgeli doona. Waxaan ognahay in Dowlad Goboleedyadu ay ka dhisan yihiin koofurta oo keliya. Waxaan halis ugu jirnaa in aan yeelanno Baarlamaan ay xubnihiisa qaar ka mid ahi sheegtaan in la soo “doortay”, isuna arkaan in ay ka mudan yihiin Xildhibaanno safka dambe ah oo iyaga la soo “xulay”.

Waxayna taasi heer Baarlamaan gaarsiin doontaa, kala duwanaan keeni karta kala mudnaan Koofur iyo Woqooyi. Taas oo ah waxa ugu muhiimsan ee ay raadinayaan walaalaha Somaliland ee qiilka u doonaya in ay reer woqooyi oo wadajira ay u caddeeyaan in gooni isu taaggu uu uga badiyo midnimada.

F. G. Somaliland waxaan ula jeedaa degaanka Gobollada Woqooyi ee Somaliya ee Ingiriisku gumeysan jiray ee xornimadana qaatay June 26, 1960. Somalia waxaan ula jeedaa Dowladda Soomaaliya.

Monday, 12 October 2015

12 - ka Oktoobar, K'naan, Xalane iyo Muuro


Waddaniyiintii hore iyo kuwa maanta ahba waa in aan ku faannaa kana warqabnaa. K'naan wuxuu ka mid yahay ragga calanka Soomaaliya boorka ka jafay oo masrax caalami ah ku soo bandhigay, ka dib markii lagu martiqaaday in uu ka heeso furirtaanka cayaaraha adduunka.

K'naan waa nin dhallinyaro ah, xoog ah oo shaqeysta. Waan u hambalyeynayaa. In badan oo kalena waan ka sugeynaa.

Laakiin aan is xusuusinno oo aan is weydiinno xaggeen ku ognahay halgamaagii weynaa ee SYL, Maxamuud Yusuf Muuro? 

Wuxuu ahaa ninkii si mutaddawcnimo iyo naftii horennimo ah isu tallaalay isaga oo iska dhigaya Cabdullaahi Ciise. Si Cabdullaahi oo safar ahaa uu uga badbaado sun laga baqay in gumeystuhu uu ugu daro tallaalka ama ugu yaraan laga baqay in uu ku qandhado tallaalka.

Muro isaga ayaa aqbalay wixii Cabdullaahi lagu duri lahaa in isaga lagu duro, si Cabdullaahi u badbaado oo isaga oo badqaba uu u tago New York oo ka akhriyo khudbaddiisii taariikhiga ahayd ee Gobinnimo-doonka.

Khudbaddaas waxaan akhristay sannado badan ka dib aniga oo jooga London, ilaa iyo haddana ma arag khudbad u dhiganta oo masrax caalami ah uu ka jeediyay hoggaamiye Soomaaliyeed weliba marka loo eego xilligaas aqoonta Soomaalidu sida ay u koobnayd.


Geesiyaalka aan magacoodu ka go’i doonin xusuusta shacabka Soomaaliyeed waxaa ka mid ah Maxamed Cabdulle Xalane, oo ku dhashay Ceel Buur, kuna geeriyooday, Wajaale, isaga oo diiday in uu dib u gurto isaga oo aan calanka Soomaaliya ka qaadan goobta ama aan ku daaficin.

Xalane isaga waxaa maamuusay Dowladdii Kacaanka waxaana loogu magac daray Dugsi militeri oo ku yaala magaalada Muqdisho.

K'naan iyo Muuro iyo inta u soo halgantay xornimadeenna iyo inta maanta u taagan badbaadinta iyo horumarinta Soomaaliya in calankeenna kor laga yeelo, Ilaaheey ha guuleeyo.