Saddex Su'aalood
Leo Tolstoy
Qeybta Koowaad
Maalin
ayaa nin Boqor ahi wuxuu is yiri haddii uu jawaab u heli lahaa saddax su’aalood
in aan weligiis talo gefteen.
Waa
goorma howl kasta wakhtiga ay ku habboon tahay in la qabto? Waayo dadka ugu
muhiimsan ee ay tahay in uu wax ka dhegeysto oo uu la shaqeeyo? Waase maxay
waxa ugu muhiimsan ee ay tahay in uu qabto?
Si
jawaabo loogu helo su’aalahaas, Boqorku wuxuu soo saaray wareegto Boqortooyadiisa
oo dhan la gaarsiiyay taas oo sheegeysa in uu abaalmarin qiima weyn siin
doono qofkii bara ficil kastaa wakhtiga uu ku habboon yahay, iyo kuwa ay yihiin
dadka ugu muhiimsan iyo sida uu ku garan karo waxa ugu muhiimsan ee ay tahay in
la qabto waxa ay yihiin.
Niman aqoon
leh ayaa ku soo xoomay Qasriga Boqortooyada su’aalihiina siyaabo kala duwan
ayay uga jawaabeen.
Su’aasha
koowaad iyaga oo uga jawaabaya ayay qaar kula taliyeen in Boqorku uu sameysto
jadwal wax walba koobaya. Saacad kasta, maalin kasta, bil kasta iyo sannad
kasta waxa uu qaban lahaa uu ku qoondeeyo jadwalkaas. Markaas ayay kuu suurta
geli kartaa, ayay ku yiraahdeen, in aad howl walba qabato wakhtigeeda ku
habboon.
Qof
kale ayaa ku jawaabay in aanay suurta gal ahayn in wax walba la sii qorsheeyo.
Wuxuu ku taliyay in Boqorku uu dhinac iska dhigo howlaha aan muhiimka ahayn oo
dhan oo markaas uu wax walba uu aad ugu fiirsado si uu u ogaado wax kasta
goorta ay ku habboon yihiin in uu qabto.
Qof
kale ayaa soo jeediyay, in Boqorku uusan keligiis awoodi karin in howl kasta uu
ogaado xilliga ku habboon oo ay tahay in uu qabto. Wuxuu u sheegay in uu u
baahan yahay in uu dhiso Gole Cuqaal, markaasna uu ku socdo talada Golaha.
Mid
kale wuxuu yiri waxyaabaha qaarkood waxay u baahan yihiin talo deg deg ah oo
isla markiiba laga gaaro oo ma sugi karaan talo Gole ka imaaneysa. Markaa
haddii Boqorku u baahan yahay in uu sii ogaado waxa dhici doona waa in uu la
tashadaa faaliyayaasha iyo sixirroolayaasha.
Sidoo
kale, ayaa loogu wareeray jawaabta su’aasha labaad.
Qof
ayaa soo jeediyay in ay tahay in Boqorku uu kalsoonidiisa oo dhan siiyo la
taliyayaashiisa, mid kale wuxuu ku dooday in uu wadaaddada la tashado, iyada oo
qaar kalena ay soo jeediyeen in uu dhakhaatiirta ka talo qaato. Lakiin qaar
kale ayaa qabay in uu dagaal yahannada.
Su’aasha
saddexaad iyaduna waxay keentay jawaabo badan oo kala duwan. Qaar waxay ku
jawaabeen in saynisku yahay waxa adduunka ugu muhiimsan. Qaar kale diinta ayay
yiraahdeen waa waxa ugu muhiimsan. Qaarna waxay dhaheen waxa ugu muhiimsan waa
xirfad militeri.
Boqorku
kuma qanicin jawaabahan. Abaal marinna muu bixin.
Waa Tarjumada
Yusuf-Garaad.
F. G. Adiga oo mahadsan, fadlan wixii
aad faallo ka bixineyso ku qor isla boggan qeybtiisa hoose.