Total Pageviews

Friday, 16 August 2013

Fursad Xalka Kismaayo


Wadahadal hor leh
Inqaasta Yusuf-Garaad

Magaalada Addis Ababa ayaa la filayaa in maalmaha soo socda ay ku kulmaan Madax matalaya dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Madax ka socda Maamulka Jubba ee dhowaan looga dhawaaqay Kismaayo.

Waxay labada dhinacba u tahay fursad ay uga gudbi karaan ismari waaga hadda taagan oo aan Soomaali dani ugu jirin.

Ma ogi in labada dhinac midkood ama labadaba ay wax iska beddeleen mowqifyadoodii hore oo ay hadda diyaar u yihiin tanaasul. Laakiin culeyksa labada dhinacba haysta marka la fiiriyo rajo ayaa iiga muuqata in ay gaari karaan heshiis.

Dowladda Federaalka waxaa cod gaaban iyo mid dheerba loogu sheegay in aan Dowlad kale iyo maamul goboleed midkoodna ku haysan dalkeeda. In diyaar loola yahay in Dekedda iyo Gegida dayaaradaha lagu wareejinayo. In iyada looga dambeynayo xal u helidda mushkiladda.

Laakiin xaaladda guduhu sidaa wey ka duwan tahay. Magaalada waa lagu dagaallamay, waxayna gacanta u gashay kooxdii ay dowladda kala ra’yiga duwaanaayeen.  Heshiis lagama gaarin dagaalkii. Markaa ma muuqato si ay dowladdu isaga soo magacaabi karto Maareeyayaal aan taageero ka haysan degaanka.

Markaa wixii ay dowladdu dalbatay oo ahaa in kaabadahaas dhaqaale lagu soo wareejiyo, isla markaana ay ku guuleysatay in laga oggolaado, ayaa hadda xujo ku noqonaya haddaysan heshiis la gaarin ciidanka magaalada fadhiya ee Soomaalida ah iyo Madaxdooda.

Dhinaca Kismaayo waxaa hor yaalla in Shirkii muddada dheer socday, ee ergooyinka boqollaalka ahi ay ka qeyb galeen natiijada keliya ee ilaa iyo hadda laga hayaa ay tahay in lagu dhawaaqay magaca Jubbaland iyo in Madaxweyne loo doortay.

Laakiin Madaxweynaha waxaa u suurta geli la’ in uu soo dhiso maamul buuxa. Xitaa isaga xaflad caleema saar ah looma dhigin. Waxaa uga darnaaday oo xujo ku noqday, dagaal, dacwadda iyo wadahadalka kala dhexeeya Dowladda Federeaalka ah.

Waxaa intaa dheer in labada dhinacba ay khibrad qiimo badan ku kacday ay ka heleen dadkii dagaalka Kismaayo ku dhintay oo labada dhinacba ay mas’uuliyad ka saaran tahay.

Markaa labada dhinacba waxaa cad in ay isu baahan yihiin in ay hore u tallaabsadaan, tallaabada koowaadna ay tahay in ay gaaraan is af garad.

Haddii wadahadalku qabsoomo, waxaan rajeynayaa in kulanka la filayo in uu ka dhaco Addis Ababa uu noqdo mid baajiya dhiig dambe oo ku daata Kismaayo. Mid maamul goboleedka Jubba u suurta geliya in uu dhammaystirmo noqdana mid bulshada degaanka Jubbooyinku ay raalli ka yihiin. Inteenna kale ee daneyneysana noo suurta geliya in aan u dalxiis tegi karno dhulka iyo xeebaha quruxda badan ee Waamo.

Mid dowaldda Federaalka u gacan banneeya in ay culeyska saarto ammaanka Muqdisho,  iska caabbinta Shabaab oo dhaallatus ka bixi la', dhammaystirka u diyaar garowga shirka Brussels iyo kan New York iyo in ay wada xaajood la furto Puntland, si looga gudbo khilaafka meeshii uu gaari karay gaaray ee kala dhexeeya Garowe, loona meel mariyo isku shaandheynta saacaddii kow iyo tobnaad lala noqday ee lagu sameyn lahaa Golaha Wasiirrada.

Wednesday, 7 August 2013

Farxadda Ciidda aan Wadaagno


Ciid Wanaagsan
Inqaasta Yusuf-Garaad

Soomaaliyeey ciid wanaagsan. Waa maalin farxadeed. Waxay maalin farxadeed u tahay carruurta iyo qof kasta oo soomay. Waa maalin cibaado. Waana maalin saddaqo.

Farxaddaas si ay u muujiyaan, dadka awoodaa waxay isku marti qaadaan qado, casho ama qaxwo. Qaarkood waxay isku casuumaan qaad. Qaarkoodna miyuusik ama cayaaro dhaqan ayay tuntaan. Qaarkood waxay u baxaan dalxiis.

Carruurta waalidkood awoodo waxay ku labbistaan dharka ciidda. Waa dhar cusub oo loo soo iibiyay si ay ugu ciidaan maalintaan farxadda leh. Waxaa kale oo loo iibiyaa haddiyad sida mobile cusub, cayaar ama filim video ah, buufin, firimbi, kubbad iyo waxyaabo kale. Ehelka soo booqda iyo deriska ayaa laga yaabaa in ay ugu daraan lacag caddaan ah oo haddiyad ah. Waxaa loo kaxeeyaa qaraabo salaam, makhaayad, xeebta, filim dibadda lagu soo daawado ama wareeg.


Marka laga reebo farxadda ciidda looma sinna damaashaadka kale.  Waxaan ummadda inteeda kale la wadaagin dadka saboolka ah iyo carruurtooda.

Waxaa laga yaabaa carruurta kuwooda aad u sii da’ yar ineysanba garan karin sababta uu waalidkood sideedaba dhar ugu iibin waayay ama mid cusub hadda ugu soo iibin waayay. Sidoo kale ma fahmi karaan sababta uu waalidkood ugu keeni waayay haddiyadaha carruuraha kale loo keenay kuwo la mid ah.

Dadka saboolka ahi waxay joogaan xaafadaha magaalo kasta oo geeska Afrika ah. Haddaad geeska Afrika joogto, uma baahnid in aad meel dheer ka raadiso qof sabool ah. Bal daqiiqado yar jooji akhriska qormadaan ee hareeraha fiiri bal in ishaadu qaban karto qof sabool ah.

Waan gartay. Haddii ay ishaadu qabatay qof sabool ah, is weydii – ma ka farxin kartaa qofkaas?

Hadday ishaadu qaban weyday, mar kale akhriska jooji oo ka feker deriskaaga. Ma ku jiraa qoys sabool ah?

Ma xasuusatay? Is weydii – maxaad qoyskaas u qaban kartaa ciiddan? Maxaad uga farxin kartaa?

Dadka saboolka ah ee gargaarka u baahan waxaa ka mid ah kuwa ku jira xeryaha Barakacayaasha iyo kuwa Qaxootiga.

Waxaan iyaguna farxadda si buuxda bulshada ula wadaagin dadka yaalla Isbitaallada iyo kuwa kale ee iyaguna xanuunsan laakiin aan isbitaal gaarin ama aan awoodin.

Dadkaasi waxay u baahan yihiin daawo, qaarkood waxaa kale oo ay u baahan yihiin raashin, gogol iyo hu’.

Dadka xabsiyada ku jira, haddayba magaaladaadu ay xabsi leedahay, iyagana farxaddoodu ma buuxdo. Baahi aanay iyagu dabooli karin ayaa u dheer tahay.

Waxaa jira iyaguna dadka waayeelka ah ee ku nool qurbaha oo ay cidladu haysato, lagana yaabo in ay keligood nool yihiin.

Dadkaas oo dhan waa dad u baahan in la xasuusto, la booqdo, loo gargaaro, lagana farxiyo  ugu yaraan maalinta ciidda.  Maalmaha kale qofkii ku daraana waa rag-ka-rooni.

Saturday, 3 August 2013

Shirka Kampala ee Soomaalida dhexdeeda


Kampala waxaa maanta ku shiray Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka ciidanku ka joogo Soomaaliya.

Madaxweynayaasha dalalka ciidanku ka joogo Soomaaliya ayaa ku shirsan caasimadda Uganda ee Kampala. Waxay ka arrinsanayaan tayaynta iyo kordhinta ciidanka. Waxaa kale oo ay isla faaqidayaan caqabadaha hor yaalla ciidanka. Annaga waxaa dabcan na matalaya Madaxweyne Xasan Shiikh Mxamuud.

Shir kale oo aan weli la shaacin, lana xaqiijin ayaa la ii sheegay in uu isna ka dhacayo Kampala caawa ama berrito.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud iyo Wasiirka Madaxtooyada Faarax Cabdulqaadir ayaan maqlay in ay la kulmayaan Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo hore u soo noqday Ra’iisal Wasaare, Maxamed Cabdi Gaandi, oo hadda ka hor noqday Wasiirka Difaaca iyo Taliyihii hore ee Booliiska, Cal Maxamed Xasan Looyaan.

Saddexdan mas’uul ee madaxweynaha la kulmaya waxay ka mid ahaayeen ragga garwadeenka ka ahaa shirka Kismaayo ee khilaafka weyni ka dhashay, dad badan oo Soomaali ah lagu dilay, qaar kale lagu dhaawacay, qaarna lagu barakiciyay.

Hore waxaa Addis Ababa ku kulmay, Wasiirka Madaxtooyada, Faarax Cabdulqaadir iyo Madaxwweynaha Jubaland ee lagu doortay shirka Kismaayo, Axmed Maxamed Islaan. Lama shaacin wax ay isla meel dhigeen. Shirkaasi wuxuu la kowsaday dagaal ay dad badani ku dhinteen magaaladana uu gacanta ku wada dhigay Axmed Maxamed Islaan.

Kulanka Addis Ababa lama faafin wax la isla gaaray, hase yeeshee, wixii kulankaas ka dambeeyay waxay labada dhinac ay dhimeen hadalalladii hawada la isku dhaafsan jiray ee colaadda sii hurinayay.

Hadda oo Madaxdii kale ee shirka hoggaaminaysay la filayo in ay la kulmaan Madaxweynaha iyo Wasiirka Madaxtooyada, waxaan rajeynayaa in ay soo af jaraan colaadda, si dadka inta hartay loo badbaadiyo, isla markaana hore loogu tallaabsado.

Magaalada Kismaayo ee dekedda ah waa magaala madaxda degaan aad qani ugu ah beeraha, xoolaha iyo kheyraadka badda, isla markaasna leh degaan dalxiis oo aad u qurux badan, waxay ka mid tahay magaalooyinka Soomaaliya ee dagaalka sokeeye uu la haray.

Haddii is afgarad laga gaarana waa guul u soo hoyatay Soomaaliya. AMISOM waxaa Soomaaliya hadda ka jooga 17300 oo askari. Waxaana xaqiiqo ah in haddii Kismaayo ay Soomaalidu heshiis ka gaarto, ay meesha ka baxayso mid ka mid ah caqabadaha hor yaalla AMISOM.