Total Pageviews

Monday, 9 September 2019

Saxaafadda iyo Danta Qaranka


Taleyda Saxaafadda

Saxaafadda waxaan u soo jeediyay in ay ilaaliso xeerarka saxaafadda. In ay mar kastaba ahaato mid ay wararkeeda oo dhami ay sugan yihiin. In ay ahaato mid dhexdhexaad ah oo dhinacyada oo dhan si isu dheelli tiran u gudbisa afkaartooda.

In ay xafiddo warka oo ah ammaano uu war-curiyuhu u dhiibay ama aad adigu ogaatay.  Dhegeysiga, daawashada iyo akhriskuna ay yihiin  iyo kalsooni uu shacabku ku siyay oo ay tahay in aad dhowrto.

Waxaan xusay in ay tahay in saxaafaddu ay si madaxbannaan u shaqeyso iyada oo u hoggaansan shuruucda dalka.

In ay saxaafaddu kor u qaaddo aqoonta iyo tababbarrada ilaa heer dururgsan oo u saamaxa in ay xaalad murugsan ay wakhti aad u yar gudihiis ay si kalsooni leh uga qaadan karto  go’aan adag.

Xagga maamulka iyo milkaalayaasha Saxaafadda waxaan baaqay in ay hey’ad kasta oo wareed ay is bixiso. Oo bixiso mushaar ku filan shaqaalaheeda, haddii aanay awoodinna ay dib uga fiirsato xaaladda.

Waxay ka fekeri kartaa in ay idaacad kale isku biiraan si dakhligu kor ugu kaco, kharashkuna uu u yaraado. Waxay raadin kartaa in si sharciga waafaqsan ay ku kordhiso dakhligeeda. Intaasi haddii ay suurta geli waayaan, tab kalena aanay hayn, waxaa la gudboon in ay idaacadda u laabto albaabbada.

Weriye aan mushaar qaadan oo mikrofoon la aada magaaladu wax badan kama khatar yara askari aan mushaar qaadan oo qori la siiyay oo magaalada lagu sii dhex daayay.

Danta Qaranka


Iyada oo intaas oo dhan dhowreysa waxaan Saxaafadda u soo jeediyay in ay haddana hesho tab ay ku horumarin karto danta guud ee muddada gaaban, tan muddada dhexe iyo midda xilliga fogba.

In aanay danta Guud u arag wax Dowladda oo keliyihi ay u xilsaaran tahay. In saxaafaddu ay Dowladda ku daba gasho in ay hubiso in ay ka shaqeyneyso danta guud waliba sida ugu habboon. Danta guud waxaa ka mid ah ballanqaadyada iyo arrimaha aan la sii ogeyn ee dalka soo food saara.

In ay saxaafaddu kala garato in danta Qaranka iyo danta Xukuumadda ama Xisbiga talada dalka hayaa ay kala yihiin laba is waafaqi karta ama iska hor imaan karta. Saxaafaddana ay mas’uuliyaddeedu tahay in ay baarto dadweynahana ku wargeliso marka xukuumad ay dayacdo ama ulakac uga baaqsato danta Qaranka.

Marka ay xukuumaddu ku joogto Danta Qaranka waa in ay saxaafaddu gacan ku siiso iyada oo aan noqon af hayeen Dowladeed loona adeegsan borobagaando.

Saxaafaddu in ay lahaato ajende u adeegaya danta Qaranka. Taas oo macnaheedu yahay in aanay isku soo koobin ka warbixinta dhacdooyinka.  Waxaan soo jeediyay in ay abuurto doodo, falanqeyn iyo wareysiyo qoto dheer oo dadka diyaarinaya iyo kuwa qaadayaaba ay ku saleynayaan baaris iyo xaqiiqooyin si aqoon ku dhisan loo ratibay.

Waxaan muujiyay farqiga u dhexeeya faallo oo ah ra’yi iyo falanqeyn oo ah qiimeyn ku saleysan xaqiiqooyinka jira.


Saxaafaddu waa ay sheegi kartaa wax aan danta Qaranka u adeegeyn. Laakiin waxaa khasab ah in ay ahaadaan kuwo aan ka hor imaaneyn danta Qaranka.

Saxaafadda waxaan ku bogaadiyay horumarka marba heer joogay ee ay sameysay tan iyo burburkii Dowladdii Kacaanka.

Taladeyda Dowladda 

Dowladda dhankeeda waxaan u soo jeediyay in ay dhowrto Madaxbannaanida saxaafadda iyo in aanay cadaw ka dhigan.

Siyaasiga iyo saxaafaddu ma ahan in ay saaxiib noqdaan isu jiibiya oo la kala garan waayo codka siyaasiga iyo sowtka suxufiga.

Taa cagisgeed, ma ahan in ay cadow isku noqdaan oo ay isku aakhiro seegaan.

Suxufiga iyo siyaasigu kaalin loo baahan yahay ayay bulshada ugu jiraan, midba kaalintiisa ayaa ka duwan kaalinta kan kale. Laakiin waa isu baahan yihiin. Waa laf haye iyo laba dhaga haye.

Sidoo kale xiriirka mucaaradka iyo ka dhexeeya saxaafaddu waa in aanuu col ahaan, noqonna saaxiibbo isku milma. Waa in uu la mid yahay xiriirka ka dhexeeya Dowladda iyo Saxaafadda.

Dowladda waxaan u soo jeedinay in ay ila habboon tahay in Idaacadda Qaranku ay ahaato mid Dowladda, mucaaradka iyo shacabka u dhex ah. Xaqiiqada ka warranta, xaqiiqada oo dhan. In haddii ay isku daydo in ay war jira qariso, ay iyadu markaas ku casuumeyso in dhegeystayaasheedu ay war ka doontaan idaacado kale, waliba ayada oo warka loo sheegayo si aanay iyadu saameyn ku lahayn.

Mahadcelin

Waxaan u mahadcelinayaa Machadka RAAS oo munaasabadda qabanqaabiyay. Madaxa Machadka, Maxamed Qaasim, iyo kooxda ay wadashaqeeyaan ee aqoonta iyo akhlaaqda badan aad ayaan ugu mahadcelinayaa.

Waxaan u mahadcelinayaa dhallinyarada faraha badan oo munaasabadda ka soo qeyb galay, sida sharafta leh ii dhegeystay ka dibna su’aalo iyo afkaar ila wadaagay.

Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinaya Macallimuu, Catoosh, Yusuf Xasan iyo Cabdirisaaq Socoto oo dhammaantood gacan iga siiyay soo jeedin iyo dood aan shalay la yeeshay suxufiyiin iyo dhallinyaro kale.

Macallimuu wuxuu gacan ka geystay qabanqaabada, Catoosh boggiisa taageerayaasha badan ayuu ku lifaaqay oo toos looga daawaday, Yusuf Xasan tusaaleyaal ayuu bixiyay qiimo badan, Socoto wuxuu qaabbilsanaa hadal qeybinta iyo gaasinka madasha.


Waxaan si aad u diirran ugu mahadcelinayaa Saaxiibbadeyda Saxaafadda Bulshada ee talooyinka iyo afkaarta qiimaha badan igula wadaagay markii aan diyaarinayay mowduucan.

Monday, 19 August 2019

Afeef iyo Araar

Saaxiibbadeyda saxaafadda bulshada waxaan uga mahadcelinayaa sida ay aragtidooda oo xor ah iigu soo bandhigaan akhristayaasha kalena ay ula wadaagaan marka aan soo qoro mowduuc ku saabsan nolosheenna iyo maamulka Dowladnimo ee dalkeenna.

Waxaan kula wadaagayaa in aan akhriyay in ka badan kun iyo dheeraad ka mid ah jawaabaha laga bixiyay qoraal aan barteyda soo dhigay 17-kii bishan Agoosto, oo ku saabsan afar qof oo midi dumar tahay oo la yiri waa Shabaab oo lagu dilay Bakaaraha Jimcihii 16 Agoosto meydkoodana isla maalintaas daawasho loo soo dhigay waddada iyo baraha bulshada.

Akhrinta kun ka badan jawaabood waxaa ii dheereyd saaxiibbo dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba iga soo wacay oo booliis, madax dowladda ah iyo aragti qareen ay ka mid tahay iyo qaar fool-ka-fool iigala sheekeystay mowduuca.

Aad ayaan uga mahadcelinayaa qaddarinta, falcelinta iyo dareen wadaagga.

Waxaan qirayaa dadka ila soo xiriiray ee uu Shabaab ka dilay ehelkooda iyo kuwa dhaawaca jireed ama maskaxeed uu gaarsiiyay in aan la wadaagayo xanuunka.

Waxaan muujinayaa kuna faanaa in aan taageere u ahay ciidanka Soomaaliya noocyadiisa kala duwan. Waan dhiirri gelinayaa fal kasta oo sharciga waafaqsan oo ay qaadaan.

Aragtideyda


Waxaan qirayaa in dhaliil kasta oo talo aan soo jeediyay ay yeelato in aan anigu kaligeey leeyahay mas’uuliyaddeeda.

Intaa ka dib, waxaan caddeynayaa in aan qoraalkeygu ku saabsaneyn Shabaab.

Wuxuu ku saabsanaa awoodda sharciga ah ee dilka maaddaama uu boolisku ku shaqeeyo sharci. Taas oo ah waxa uu booliisku uga duwan yahay Shabaab.

Qoraalku wuxuu ku saabsanaa booliisku marka uu dilo qof aan Maxkamadi xukumin, in ay tahay in baaritaan la sameeyo oo la hubiyo in dilkaasi ahaa mid sharciga waafaqsan.

Bastoolad meyd dul saarani keligeed daliil uma aha waxa dhacay, waxna nooga sheegi meyso sida ay wax u dheceen.

Bastooladda oo keliya ayaa raadraac dheer laga sameyn karaa si faham qoto dheer aan u helno. Marka nambarkeeda la akhriyo ayay tahay in laga baaro liiska hubka ciidanka Dowladda u diiwaan gashan. Haddii bastooladda laga helo liiska, hadde waa in la baaro sida ay u gashay gacanta Shabaab.

Haddii ay noqon weydo bastooladdu mid dalkeenna si sharci ah ku soo gashay oo nambarkeeda laga waayo liiska hubka Dowladda u diiwaan gashan, nooceeda iyo nambarkeeda ayaa laga ogaan karaa dalka sameeyay, ka dibna waxaa la heli karaa dalka laga iibiyay iyo goorta, xogtaas ayaana wax badan furfuri karta.

Summadda ka sokow, qori kasta maraaryaha gudaha dhuuntiisu waa ay ka duwan tahay midka kale, sidaa darteed xabbadda ka dhacda fuuqeedu wuxuu caddeyn karaa qoriga ay ka dhacday marka la adeegsado farsamada ballistic.

Bastooladda haddii la soo qaado fuuqa xabbadaha meesha yaal, waxaa la ogaan karaa xabbaddii iyada ka dhacday. Ka waxaa la ogaan raadraaci karaa weerar kasta oo hadda ka hor bastooladdaas loo adeegsaday haddii sidoo kale la hayo fuuqii weerarkaas.

Bastooladda waxaa kale oo laga heli karaa faraha qofkii ugu dambeeyay ee gacanta ku qabtay.

Xataa in qof ama koox ay qof kale bastoolad ku dili rabeen kuma filna in aan fahamno in ay Shabaab yihiin. Maaddaama Shabaab ay ka mid tahay kooxo badan oo dadka dila.

Marka baaritaanka ma ahan in la cabburiyo ee waa in la dhiirri geliyaa mar kasta oo dhimasho ay jirto si loo hubsado waxa dhacay, sababta, cidda geysatay, cidda hubeysay, cidda gacan ku siisay sida cidda qarisay, u fududeysay, dayacday mas'uuliyad iyo tan maalgelisay.

Askariga dilay waa in la hubiyaa in uu naftiisa daafacayay ama uu daafacayay nafta muwaaddin kale oo la dili rabay, si kale oo la gudboon oo suurta gal ahna aanay jirin marka la eego xaaladda uu markaa ku sugnaa. Sidoo kale, waa in la hubiyaa in askarigani hadda ka hor dilay qof aan Maxkamadi xukumin.

Taasi waxay xoojineysaa kalsoonida uu shacabku ku qabo booliiska, waxayna kor u qaadeysaa wadashaqeynta labadooda oo aad muhiim ugu ah amniga.

Askariga qoriga sitaa ma ahan in uu keligiis qaato kaalinta xeer ilaaliyaha, Garsooraha iyo fuliyaha amarka Maxkamadda.

Qodobka saddexaad ee aan ka talo bixiyay wuxuu ahaa in marka uu booliisku fashiliyo shirqool dil ah, fashilintuna ay ahayd howlgal uu dad ku dhintay in la xafido magaca muwaaddinka la dili rabay.

Meyd Bannaan Yaalla


Arrin  aad iigu  muhiim ah waxay tahay in marka uu booliisku qof dilo, aan waddada la soo dhigin meydka iyada oo waxa ugu weyn oo la dhowrayaa ay yihiin in aan shacabku caadi ka dhigan dilka iyo meydadka, si aanuu qalbiga uga dugaagoobin.

Ma ahayn markii ugu horreysay ee ciidan Dowladeed uu meyd aan maro lagu dedin uu soo bandhigo isaga oo libin ka dhiganaya. Markaas oo sannado laga joogo sax ilama ahayn, haddana iiguma muuqato.

Meyd ama ka badan dariiqa yaalla waa wax la hubo in carruurta iyo inta calool nugul ay sas ka qaadi karaan ay sannado la noolaadaan.

Inta aanan ka bixin, waxaan kula wadaagayaa sheeko gaaban.

Muddo hadda laga joogo in ka badan afartan sano ayaa iigu horreysay meyd aan soo dul joogsado araggiisa. 

Waxay ahayd aniga oo arday ka ah oo Dugsi Hoose ka dhigta Buulo Burte. Baabuur ku gaddoomay meel aan magaalada ka fogeyn waxaa ku dhintay 12 ruux oo u socday magaalo aan ahayn Buulo Burte. Si meydka loo garto ayaa shacabka magaalada laga codsaday in ay tagaan Isbitaalka Ameerikaanka oo ay soo arkaan dadka dhintay bal in ay aqoonsadaan.

Ciidan iyo Shacab waxaa lagu yaacay isbitaalka. 

Qol laba irdood leh, oo midna ay tahay gelid midina ay tahay bixid ayaa labada dhinac la dhigay meydadka.  Cagahooda ayaa isku soo jeeda oo aad dhex mareysaa si aad u aragto wajiga meydka oo kugu soo beegan.

Aniga iyo carruur kale oo iskuulka aan wada dhigan jirnay waxay noo ahayd "fursad" aan ku aragno meyd aan lagaa qarineyn.

Waxay ahayd maalintii iigu horreysay ee aan mayd aan maro iga xigin aan soo dul istaago. Waa Allah mahaddiis in hal mar oo keliya oo ah 1990 ay iiga dambeysay.

Laakiin argaggaxa aan ka qaaday maskaxdeyda saameyn ayuu ku yeeshay. Wajiyada qaar wali waa ay iga hor muuqdaan.

Waxaan kula wadaagayaa in ay ii ahayd cashar xagga fahamka ah oo ii kordhay.

Mar keliya ayaa iiga dambeysay oo ah Berbera 1990.


Waa jirtay mar la dilay nin Shabaab ah oo soo weeraray goob Muqdisho ah. Meydkiisa waa laga baqayay saacado in maro la dul saaro maaddaama uu gashanaa jaakada qaraxa oo aan weli qarxin. Laakiin kaa ma dul istaagin ee sheedda ayaan ka arkayay.

Sunday, 4 August 2019

Eng. Yariisow, Adeege Bulsho oo Ma Nooge ah

Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan, Yariisow, ayaan maanta soo aasnay. Waxay ahayd ka dib markii aan soo saxiixay buug aanan jecleysan in uu jiro, waa buugga Tacsida Eng. Yariisow. Sidoo kale, Guddi aanan rabi lahayn in uu jiro ayaan ka doontay kaadh aanan rabi lahayn in aan arko, walibana aan ka mahadceliyay. Waa kaadhka ka qeyb galka aaska Eng. Yariisow.

Garoonka dayaaradaha markaan tegey, waxaa meydka la socday Marwadiisa iyo carruurtiisa. Waxaana garoonka hore u joogtay Hooyadii oo dorraad Baydhowa ka soo amba baxday. 

Eng. Yariisow wuxuu ahaa saaxiib aan muddo dheer aad isugu dhoweyn, xog wadaag ahayn, marxalado kala duwanna aan soo wada marnay, ha noqoto wanaag, istaageerid iyo wadatashi dhexdeenna ah. Sidoo kale ha noqoto isku tashi in ninba ninka kale uu ku tashado xag kasta iyo xilli kasta. 

In kasta oo muddadii uu Duqa magaalada ahaa uu xiriirkeenna habac galay, haddana waxaan mar walba ahayn saaxiibbo isu dhow, waxaanna ku faraxsan ahay in kelmaddii ugu dambeysay ee aan u qoro ay ahayd Guuleyso, taas oo ahayd mid iga niyad ah.

Qoraal iyo laba kuma soo koobi karo dhacdooyinka faraha badan ee waayaha wanaagsan iyo kuwa adag ee aan Eng. Yariisow iska kaashannay nolosha siiba xag xirfadeed iyo xagga danta guud ee Dalkeenna. Waxaan isku dayayaa bal in aan sawir guud ka bixiyo qofka uu ahaa Yariisow iyo xiriirka naga dhexeeyay.

Waxay xusuusteydu ii sheegeysaa in markii u horreysay aan isku aragnay Dugsiga Tababbarka Militeriga ee Xalane dabayaaqadii sannadkii 1981. Jaamacadda oo sannad ka dib noo billaabatay ayuu ka billowday xiriir saaxiibtinnimo guud ah.

Jaamacadda waxaan ku xuustaa in uu ahaa nin jecel kuna wanaagsan kubbadda cagta, kana mid ah Guddiyada ardayda ee cayaaraha qaban qaabiya. Markii dambe ee uu yara cuslaaday wuxuu Sportigiisu inta badan ku soo koobmay daawashada kubbadda cagta iyo cayaaridda boojada miiska ama billiardi.

Horaantii sagaashanaadkii ayaan magaalada London dib isugu aragnay, aan ogaannay in aan deris nahay, iyada oo amniga iyo siyaasadda dalku ay marayaan meel aad u xasaasi ah.

Eng. Yariisow waxaan noqonnay rafiiq dhow oo shaqada iyo guryahaba si joogta ah isugu booqda, isla markaasna wadajir u soo booqda saaxiibbo aan wadaagno ama midkeen u gaar ah annaga oo isla baabuur fuushan inta bandanna uu kiisa yahay.

Wakhtiyo kale gaarigeyga ama mid kira ah ayaan  ku safarnay xaafadaha kala fogfog ee bartanka London iyo jihooyinkeedaba, Gobollada Ingiriiska iyo waliba dalal dibadda ah sida Belgium, France, Holland, Germany iyo Kenya oo aan u tagnay saaxiibbo salaam ama tamashle.

Sidoo kale waxaan munaasabado badan uga wada qeyb galnay rafiiq dhowna aan ku ahayn Xamar iyo Nairobi.

Xagga maamulka oo aan uga horreeyay darteed, waxaan talo madax bannaan dhowr jeer ka siiyay howlo uu igala tashaday mar tartan uu ku guuleystay uu u galay in uu noqdo horjooge iyo ka dib arrimo maamul oo soo food saaray.

Eng. Yariisow, wuxuu ahaa nin dadaal badan, ma nooge ah, dad isku wad leh siiba marka ay noqoto waxyaabaha la isku khilaafsan yahay, jecelna in uu u adeego bulshada.

Wuxuu ahaa nin si naxariis iyo dabacsanaan leh isugu daya in uu dadka ka fikirka duwan ula doodo.

Dad aan daliil u hayn ayaan hadda ka hor arkay oo ku eedeynaya in uu qeyb ka ahaa urur magac qabiil ugu ololeeya mid ka mid ah shanta beelood ee siyaasadda loo qeybsado.

Ka sokow in aan u qabo in aan ururkaasi jirin, waxaan hubaa in ay yihiin dad aan aqoon Yariisow. Waxaan markhaati u qabsanayaa inta taqaan Yariisow in ay og tahay in aanuu ahayn nin qabiil.

Waxaan rabaa walaalaha Soomaaliyeed ee sidaa ku eedeyay in ay haddii ay dhab ka ahayd oo ay sidaa rumeysnaayeen ay ka qancaan. Haddii ay ku-jiq-siin ula jeedeenna ay Rabbi ka baryaan in uu cafiyo, kana waantoobaan in ay u bareeraan in ay isku dayaan in ay dhaamaan sumcadda iyo sharafka muwaaddin Soomaaliyeed.

Cabdiraxmaan marxalado badan oo dalku soo maray annaga ayaa si aad ah siyaasadda uga sheekeysannay ugana doodnay, waanan ka warqabaa in badan oo ka mid ah mowqifkiisa, damaciisii iyo dhaqdhaqaaqiisii siyaasadeed si la mid ah sida uu isaguba uga warqabay kuweyga.

Haa, Cabdiraxmaan waa noqday af Hayeenka Mudane Muuse Suudi Yalaxow oo markaa ahaa Hoggaamiye Kooxeed. Saaxiibbada qaar way ka gaabsadeen berigaas, aniguse waan kula socday. Ma aqaan sida uu ku noqday afhayeen laakiin durba waa uu iska casilay.

Sidoo kale, Haa, qeyb waliba firfircoon wuu ka ahaa ololihii afka ahaa ee looga soo horjeeday arrinkii khilaafka weyn iyo waliba dagaalka uu dhiigga badani ku daatay ka dhex dhaliyay Soomaalida ee ahaa ku faafiddii ay ciidammada Ethiopia dalkeenna ku galeen usbuucii ugu dambeeyay 2006, soona gaareen caasimaddeenna.

Eng. Yariisow wuxuu ahaa nin Qaran.

Wuxuu taageeray, qaarkoodna ka mid noqday dhammaan Dowladihii dalka soo maray tan iyo 2000 marka laga reebo 2007 iyo 2008 badankeed.

Nin kasta oo saaxiib dhow u ahaa Eng. Yariisow, ama ay wada shaqeeyeen wuxuu markhaati ka yahay in uu ahaa nin afkiisa laga ammaan helo, akhlaaq wanaagsan, Ah reer magaal, bulshay ah oo sheeko iyo qosol jecel.

Wuxuu ahaa nin marka la sheekeynayo ama la doodayo rogroga arrinka, wax ka eega dhinaca wanaagsan, qaatana mowqif maangal ah. Weligay kuma arag isaga oo ku dheggan mowqif aanuu sababeyn aqoon.

Wuxuu ahaa oo kale nin Dowladnimada iyo Qarannimada Soomaaliya jecel kana shaqeeya. Ilaa uu naftiisa u huray. Ma adeegsanayo ku waayay naftiisa ee waxaan adeegsanayaa u huray naftiisa, maaddaama isaga oo aan ku khasbaneyn, ogna khatarta taalla Muqdisho, uu ka shaqeynayay dhowr iyo toban sano.

Aniga wuxuu muddo dheer ii ahaa saaxiib aan ku tashado isna igu tashada.

Dhammaadkii sagaashanaadkii ilaa uu ka soo guuray London, waa ay yar tahay munaasabad aan habeen tegey ama labada maalmood ee wiiktirka ah ee shaqada laga nasto oo aynaan Yariisow is raacin. Xataa munaasabadaheyga shaqada ee u furan saaxiibbada waan isu raaci jirnay.

Maaddaama aan ka xiriir badnaa inta aan isagu siyaasadda gelin, Eng. Yariisow waxaan ku xiray saaxiibbo aad u tiro badan oo ah xagga siyaasadda, sidoo kale ganacsiga, aqoonyahannada qurbaha iyo saxaafadda oo Soomaali iyo ajnebi isugu jira.

Xataa waxaan xusuustaa 2006 Maxkamadaha Shareecada oo guushoodii cimriga gaabnayd ay markaas billow tahay, mar aan la ballamay Ceyrow in aan la kulmo. Ujeeddadeydu waxay ahayd in aan xog hoose ka ogaado kooxda aan markaas moodayay garabka dagaallama ee Maxkamadaha laakiin ahaa Shabaab oo iga qarsoon.

Aniga oo awalba ka welwelsanaa kulankaas, ayay dadka qaar iiga digeen igulana taliyeen in aan baajiyo kulanka. 

Eng. Yariisow ayaan ka codsaday in uu ii wehelyeelo. Wuu iga yeelay waanan wada hor fariisannay.

Xagga siyaasadda waxaan xusuustaa mar xilligii Madaxweyne Shariif uu igu wargeliyay in uu culeys dareemayo awgiis uu ka fekerayo in uu dalka ka baxo oo in muddo ah uu ka soo nasto. Laakiin markii uu iiga warramay kulankii uu Madaxweynaha la qaatay waxaan kula taliyay in aanuu dalka ka bixin isaga oo aan arag Madaxweynaha.

Muddo ka dibna wuxuu ka mid noqday Golaha Wasiirrada.

Muddadaa dheer ee aan Yariisow sida dhow rafiiqa u ahayn, marna ma arag isaga oo ka shaqeynaya shirqool iyo dibindaabyo. Ma arag isaga oo ka qeyb qaadanaya lug gooyada muwaaddin kale.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Oktoobar 2017
Qaraxii 14-oktoobr 2017, inkasta oo annagu aynaan ahayn bartilmaameed, haddana waxaan fadhinnay shir ka socday xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo uu qaraxu aad u saameeyay. Ku dhowaad labaatan ruux oo saddex ka mid ahi ay ka tirsan yihiin Golaha Wasiirrada inta kalena ay Agaasimayaal yihiin ayaan ahayn.

Eng. Yariisow waan is garab fadhinnay. Kursiga ayaa gadaal ula dhacay. Laakiin nasiib wanaag waxba ma ay gaarin. Markiiba waxaan lug ku tagnay xero militeri ka dibna waxaa nala siiyay ciidan iyo gaari. Maaddaama uu dhiig iga da’ayay oo aan ka baqayay in reerkeygu ay sawirro ku arkaan saxaafadda, waxaan markiiba wacay xaaskeyga iyo carruurteyda. Laakiin Yariisow wuxuu wacay Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha. Wuxuuna uga warbixiyay sida ay wax u dhaceen inta yar ee aan markaa ogeyn.

Danjire Soomaaliyeed oo ay saaxiib ahaayeen Yariisow ayaa maanta annaga oo qabriga wada dultaagan wuxuu igu yiri, Yariisow haddii hal sifo laga baran karo waa Dulqaadka.

Eng. Yariisow, waa halyeey dalkiisa si nadiif ah ugu soo shaqeeyay ilaa dhibicda dhiiggiisa u dambeysay. Ka sokow adeeggiisa sannadaha badan, wuxuu qalbiyada saaxiibbadiis, inta Soomaalinnimada jecel iyo inta naxariisi ku beeran tahay qalbiyadooda uu ku hantay in Qarax lagu dilay isaga oo jooga xafiiskiisa, in badan oo ay wada shaqeynayeenna ay la dhinteen qaar badanina ay dhaawac yihiin. Iyada oo dilkaas ay geysteen qaar ka mid ah bulshada uu u adeegayay.

Taas ayaa sababtay in geeridiisu ay quluubta Soomaalida wada taabatay. Madaxweynaha Koofur -Galbeed, Cabdicasiis Lafta-gareen oo ay ay soo wadashaqeeyeen madxna ka ah Gobol uu Yariisow wax ku lahaa, waxaan shalay ka soo wada duulnay Baydhowa si uu uga qeyb galo aaska.

Wuxuu ii sheegay Maayga in aan tan oo kale la dhihin Tacsi ee loo yaqaan Ooysin. 

Guddoomiyaha Xisbiga Waddani, Cabdiraxmaan Cirro oo fadhigiisu yahay Hargeysa waxay shucuurtiisu ka tallaabtay soohdinta siyaasadda is diiddan wuxuuna ka tacsiyeeyay geerida Eng. Yariisow.

Madaxweynaha Jamhuriyadda Djibouti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle wuxuu geerida Duqa Caasimadda uu uga tacsiyeeyay Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Xataa shakhsiyaad aan Soomaali ahayn ayaan maanta ku arkay gegida dayaaradaha, kuwaas oo murugo ay ka muuqatay foolkooda.

Walaal kasta oo qormadan akhriya waxaan ka codsanayaa in uu Eng. Yariisow u baryo in Ilaaheey Jannada ugu bishaareeyo isaga iyo howlwadeennadii Gobolka ee isku goobta lagu weeraray.  Sidoo kale waxaan codsanayaa in aan u duceyno dhammaan Soomaalida iyaga oo Qarankeenna u adeegaya gaadmada lagu dilay, iyo kuwa difaaciisa ku dhintay hadda iyo had horeba. 

Walaalaha gudanaya waajibaadka Xajka, si gooni ah ayaan codsigan ugu soo jeedinayaa.

Dowladda Soomaaliya waxaan ka codsanayaa, xaqna aan ugu leennahay in ay sameyso baaritaan biyo kama dhibcaan ah. Bulshadana ay u soo bandhigto natiijo si aan leexleexad lahayn u abbaarta ugana jawaabta weydiin kasta oo  hadda la qabo iyo mid kasta oo la qabi karo.

Sidoo kale, waxaan Dowladda Federaalka iyo Gobolka Banaadir ugu baaqayaa in adeeg ama goob dadweyne loogu magacdaro Eng. Yariisow, si ay astaan ugu noqoto sooyaalkiisa wanaagsan ee adeegga dadweynaha una adkeyso niyadda inta u damqatay.

Bulshada Muqdisho ku nool iyo Dowladdana waxaan ugu baaqayaa in ay tani fure u noqoto in si dhab ah oo xaldoon ah aan wadajir isu weydiinno muhiimadda koowaadna aan siinno su’aasha ah – sideen nabadgelyo ugu noolaannaa caasimaddeenna?