Total Pageviews

Wednesday, 30 December 2015

Cawke

Sannadkan 2015 waxaan bloggeyga ku qoray 99 warbixinood oo xambaarsan macluumaad kala duwan. Qormadeyda boqolaad ee 2015 waxaan u hibeeynayaa Allah ha u naxariistee Axmed Xasan Cawke.

Saaxiibkeey Cawke, Saaxiibkii Mikrofoonka oo aan qoray 18 November, saaxiibbo ka faallooday ayaa sheegay in markii ay akhriyeen ay ilmeeyeen. Uguma talo gelin in aan cid ka ilmeysiiyo, laakiin waxaan isku dayay in aan soo bandhigo xusuus kooban oo ka mid ah wanaagga aan ku aqaannay Cawke.

Maanta waxaan goostay in aan qoro sheekooyin yar yar oo maad ah oo aan ka maqlay Cawke xilliyo kala duwan. Waxaan ku soo beegay soo dhoweynta sannadka cusub ee 2016, maaddaama uu Cawke sameyn jiray barnaamijyo maad u badan xilliyada ciidaha iyo sannadka cusub.

Wuxuu ahaa nin sheekoole ah oo kaftan badan. Wuxuuna ahaa nin u fiirsada marba dhaqanka uu dhex joogo iyo waxa hareerihiisa ka dhacaya, dabadeedna isku daya in uu sheeko ka sameeyo.

Sida saliidda matoorku u kala ilaaliso in ay is lisaan biraha matoorka ayuu ahaa nin kooxda uu markaa la shaqeynayo, isaga oo howsha wada haddana ku dhex dara maad yar oo dadka ka qoslisa oo yara illowsiisa werwerka mas’uuliyadeed ee ka dhasha ogaashaha culeyska shaqada harsan iyo karkabada wakhtiga isguraya.


Beryihii uu London ku cusbaa wuxuu iiga sheekeeyay mar ay ka hor yimaadeen laba ruux oo booliis ah oo lebbisan. Markiiba waddo aanan dooneyn ayaan ku leexday oo waan u gooyay, ayuu  yiri. Markii aan cabbaar sii socday aniga oo socod boobaya gadaalna iska eegaya ayaan soo xusuustay, ayuu yiri, in aan London joogo oo aanan joogin Nairobi.

*****
Wuxuu mar igu yiri – af Ingiriiska waxaan ugu neceb ahay su’aasha ah; Are you all right?

Maalin ayaan ku kufay, ayuu yiri, meel London ka tirsan oo fagaare ah. Aniga oo dhulka aalla, boorsadeydiina ay iga faniintay oo meel aan iga fogeyn ay taallo, ayaa waxaa isugu keey darsamay xanuun, welwel in aan jabay ama aan murxay aan ka qabo iyo ceebta nin weyn oo kufay. Waxaan arkay ayuu yiri haweeney Ingiriis ah oo i dul taagan.

Are you all right? Ayay i weydiisay. Si aan ugu jawaabo ayaan garan waayay, ayuu yiri. Sababta oo ah wey i aragtaa in aanan all right ahayn.

*****
Maalin ayay gabar qurux badan oo Ingiriis ah ay Cawke timaha u jareysay aniguna isaga ayaan sugayay. Aniga iyo isagu waan sheekeysaneynay inta ay timaha u jareyso. Wuxuu yiri, war Yusuf haddii aan inantan sawiro, miyeey Soomaalidu iga yeelayaan tanaa timo ii jartay?

Wuxuu sheekadaas ku soo celiyay maalin aan ka qadeyneynay makhaayad yar oo la yiraahdo Amici oo ku taal waddada Kingsway oo u dhow Bush House. Gabar aad indhaha u soo jiidaneysa oo ay xusuusteydu ii sheegeyso in ay ahayd Talyaani ay dalabka naga qaadday, raashinkana noo keentay.

*****
Habeen aniga iyo Cawke aan wada soconnay xilli qabow ah, roob da’ayo ayuu socodkuna dhib ahaa siiba haddii aad ka hor imaaneyso dabayl waalan oo dhacaysay. Waxaan ka soo baxnay godka tareenka khadka dhexe ee Queensway. Waddada isla magacaas leh ee xaafadda Bayswater ayaan ku lugeynay. Dadka qof waliba isaga oo isa soo duudduubay, dallad sita haddii aan dabayshu ka jebin ama ka bitin, madaxana hoos u dhigaya sidii in uu herdi u diyaargaroobayo ayuu socod boobayay si uu dhakhso ugu helo meel dugsi leh. Dadka qaar way ordayeen si ay dhakhso uga gudbaan roobka iyo dhaxanta. 

Naxariis darrada jawiga mar ay noo sii hakiyeen baabuur ku joogta waddada Moscow oo aan markaa goyneynay ayaa waxaa naga hor yimid nin ay baalka ugu jirto gabar yar, si wanaagsanna aan qabowga uga soo lebbisan oo aad arkeyso sida ay u qarqareyso. Labada ruux ee naga hor yimid waxay isugu dheggenaayeen si la garan karo xiriirkoodu waxa uu yahay. Cawke intuu saa u eegay ayuu yiri, War ninyahow, naftan yar muxuu ka soo lug gooyay?

*****
Maalin kale wuxuu arkay oday Ingiriis ah oo bas markaas sii dhaqaaqaya is leh ka gaar oo ka daba cararaya – dabcan intii tabartiis ah. Cawke wuxuu yiri odagani haddii uu Hargeysa joogi lahaa, saacaddaan bas kama daba ordeen ee Golaha guurtida ayuu ku jiri lahaa.

*****
Mararka qaar waxaa dhacaysa annaga oo Xafiiska fadhinna oo iska faraxsan ama sheekeynayna in telefoonka xafiisku uu mid shaqaalaha ka mid ah u soo dhaco. Waxaa laga soo wacayaa Soomaaliya ama meel kale oo Geeska Afrika ka tirsan. Qofkaas waxaa laga yaabaa in la weydiinayo lacag aanuu markaa diyaar la ahayn ama loo qabsado lacag uu hore u ballanqaaday laakiin uu diristeeda la daahay sabab kasta ha keentee.

Waxaad arkeysaa qofkii oo isbeddelay, oo difaac ku aruuray, asaga oo isku dayaya in uu codkiisana hoos u dhigo si aan shaqaalaha kale u fahmin faahfaahinta xaaladdiisa shakhsiga ah.

Cawke waxaad maqleysaa isaga oo marba ereyga qofka ugu dambeeyay carrabkiisa ka daba dhahaya ka dibna tiisa raacinaya sida: “Dee haye” ku lahaa, “ha kaa saarto.”

*****
Isaga oo soo qadeeyay ayaa mar la weydiiyay - war Cawke makhaayadda raashin wanaagsan ma yaallaa mise dibadda in aan u doonto ayaad igula talin lahayd? Wuxuu ku jawaabay: Kolley anigu chicken stress u dhimatay ayaan ku soo qadeeyay. Macnihii digaag stress u dhintay ayaan ku soo qadeeyay wuxuu ula jeeday in uu muujiyo sida uu u saluugayo raashinka uu ku soo qadeeyay.

*****
Cawke waxaa la iiga sheegay in ay dhowr habeen haasaawe isu raaceen niman uu ka mid yahay mid saaxiibkiis ah oo shaqada idaacadaha ku cusub. Weriyaha cusubi wuxuu mar walba Cawke uga sheekeeyaa shaqo uu maalintaa qabtay sida wareysi uu qaaday ama warbixin uu qoray iwm ama howl uu qorsheynayo in uu qabto maalinta xigta. Cawke wuxuu dhibsaday howshaan uu maalintii oo dhan ku jiro, habeenkiina looga sheekeynayo.

Markii dambe Cawke wuxuu saaxiibkiis ku yiri – Saaxiib adigu miyaadan shaqada kaba rawaxin?

*****
Berigii kacaanka ayaa nin madax ahi habeen khudbad u jeedinayay dadweynaha Hargeysa. Mikrofoon cod dheer ayuu ku hadlayay.

Nin derbi jiif ah oo xeyraansan oo caaddaas maraya oo aan goobta la isugu soo baxay joogin ayaa waxaa soo gaaraya codka ka baxaya sameecadaha awoodda badan. Khudbaddii oo dhan ayuu maqlayaa. Ninka madaxda ahi wuxuu hadalkiisa ku soo gooyay - Soomaaliyeey toosa, toosa oo isku tiirsada.

Sida Cawke ii sheegay ninkii derbi jiifka ahaa bartiisa ayuu ka jawaabay: Anigu ninna ku tiirsan maayo. Laakiin kii igu soo tiirsada, wallee waxbaa na kala raaci doona.

*****
Magaalada Hargeysa, niman duuliyayaal ah oo militeri ah ayaa waxay habeenkii la haasaawi jireen gabdho. Mid ka mid badan, oo istus ah ayaa intaa wuxuu gabdhaha ku yiraahdaa garbaha ayaa i xanuunaya ama oof baa igu taagan iwm. Maxaa kugu dhacay marka la weydiiyana wuxuu ku jawaabaa, maanta oo dhan ayaan dayaarad duulinayay. Mararka qaar wuxuu u dhigaa hadalka sidii aan maanta oo dhan dayaarad u duulinayay ayay garbuhu i xanuunayaan.

Habeenkii dambe mid ayaa ku tiri – Duuliyayaasha kale xanuun ma sheegtaane, adigu dayaaradda miyaad qaaddaa mise waad duulisaa?

*****
Nin ayaa dhowaan ii sheegay in markii ugu dambeysay ee ay Cawke telefoon ku wada hadalaan, ay ahayd mar isaga oo mashquulsan uu Cawke telefoon u soo diray, isaguna uu ka qaban waayay. Dhowr jeer markii ay intii oo kale ay dhacday ayuu markii dambe Cawke soo qoray farriin. “War saaxiib, bandowga iga qaad”.

Markiiba waan wacay oo waan wadahadalnay, ayuu yiri.

Waxay taasi i xusuusisay saaxiibkeeygii kale ee isaguna qaaliga ahaa Gaarriye AUN oo maalmo uu London joogay aan dhowr jeer is raacnay. Maaalin ayuu i soo wacay aniga oo shaqada ku jira oo aad u mashquulsan. Telefoonkeygu mar kasta wuxuu ahaa, welina yahay ma-yeere maaddaama aan stuudiye toos hawada ugu jira iyo shirar ay shaqo maalmeedkeygu u badnayd. Marki dambe Gaarriye wuxuu ii soo diray farriin af Ingiriis ku qoran: Keep ignoring me, I will keep calling you. Weligaaba igu dhegeyso telefoonka, aniguna intaa waan ku soo wici doonaa.

Farriintu wey iga qoslisay waxayna igu kalliftay in howshii aan hayay aan markiiba joojiyo oo Gaarriye aan waco lana hadlo.

*****
Cawke waxaa kale oo aan ku xasuustaa in markii ugu horreysay ee dad dhallinyaro ahi ay i  weydiistaan saxiixeyga in ay isaga dartiis ahayd. Annaga oo ka soo baxnay dhismaha Baarlamaanka Djibouti ayaan markiiba u dhaqaaqay dhanka baabuurkii na qaadi lahaa. Cawke wuu iga yara lug dambeeyay, wuuna iga soo daahay. Mar dambe ayaan arkay asaga oo soo socda oo ay dhinacyada ka socdaan dhallinyaro reer Djibouti ah oo arday ah.


Waxay Cawke ka reebteen saxiixiisa, ka dibna wuxuu u sheegay in aan anigu la socdo, wuxuuna u soo horkacay in aan aniguna saxiixayga u reebo dhallinyarada.

Sunday, 27 December 2015

Muqdisho Disembar 2015

Muqdisho waxaan ka dhoofay Disembar 1990 ka dib markii aan Laanqeyrta Cas uga soo shaqeeyay Berbera, Hargeysa, Burco, Beer, Borame iyo gobolka Awdal degmooyin iyo tuulooyin ka tirsan ilaa Weeraar. Waxaan Muqdisho dib ugu soo laabtay May 1994 iyada oo magaaladu ay u kala qeybsan tahay laba hoggaamiye kooxeed iyo malliishiyadooda oo qabiil iska ahayd.

Intii ka dambeysay celcelis ahaan ugu yaraan sannad kasta hal mar ayaan imaanayay magaalada. Inkasta oo sannadaha qaarkood saddex ama afar jeer aan imid. Waxaa jiray xilli ay xirnayd gegida dayaaradaha ee Muqdisho oo laga soo degi jiray shan garoon oo kala duwan oo mid kasta uu haysto Hoggaamiye kooxeed qabiil dabada kula jira. Bartamihii 2012 wixii ka dambeeyay inta badan waxaan ku noolahay Muqdisho.

Waxaan qormadaan ku eegayaa waxa ay isheydu qabato marka aan Muqdisho dhex maro hadda oo ah Disembar 2015. Akhristow qiimeynta halka aad dhigeyso adiga ayaan kuu deynayaa.

Waxyaabaha indhaheyga ku cusub waxaa ka mid ah Boorsada garabka suran ee lala lugeynayo oo ay u badan tahay in kombiyuutarka dhabta la saartaa uu ku jiro.

In meel kasta lagu weydiinayo aqoonsi. Inkasta oo aan taas la yaabay maaddaama aan qof kasta oo Muqdisho joogaa anuu aqoonsi lahaan karin.

In ay aad u yaraadeen amaba ay ku dhow yihiin in ay suulaan rasaasta habeen iyo maalin markii xoogaa la joogaba la maqli jiray. Taas xaafadaha dhan ma wadaagaan.

In muuqaalka baabuurta magaalada dhex yaaceysaa uu tartiib isu beddelayo. Waxaa sii yaraanaya kuwa muuqoodu ku xasuusinayay wixii magaalada ka dhacay waxaana ku soo badanaya baabuurta qurqurxoon ee raaxada, 

Waxaa soo badanaya dhismayaasha qurqurxoon ee magaalada. Waxay isugu jiraan qaar xafiisyo ah oo ah dabaqyo dhaadheer sida daaraha ay Hormuud iyo Dahabshiil ka dhisteen aagga nambar Afar iyo daaraha la teedsan Bakaaraha. Waxaa iyaguna jira guryo iyo goobo ganacsi, qaar waxaa dhistay sharikado waaweyn, qaarna dad hantileey ah, qaar kalena waxaa dhistay dad dowladda hadda ama hore ugu shaqeeyay oo ay dad badani tuhunsan yihiin in ay ku dhisteen hanti ummaddu ay leedahay oo ay lunsadeen iyo laaluush ay qaateen.

Saddax Xamar

Magaaladu waxay u qeybsan tahay saddex. Laba qeybood oo waaweyn waxaa u dhexeysa soohdin ilo-ma-qabatay ah.

Waa dhinaca Dowladdu ay deggan tahay, ku shaqeysato, howlaheeda sida ay doonto uga fuliso habeen iyo maalin, ayna deggan yihiin dadka dowladda u shaqeeya, kuwa raba in ay u shaqeeyaan iyo kuwa martida u ah iyo shacab badan oo guryahoodu ay dhinacaas ku yaallaan. Dhinacaan waxaa lagu qabtaa qaar badan oo ka mid ah xafladaha ay Madaxdu ka qeyb gasho.

Dhinaca labaad waa xaafadaha shacabka oo ah meesha dadka magaalada ugu badani uu deggan yahay. Marka aad dhex mareyso xaafadaha shacabka, waxaad mooddaa in aad joogto Xamar oo siddeetamaadkii ah. Waxyaabo yaryar ayaa ku soo xasuusinaya in xaaladdu ay is beddeshay. Waxaa ka mid ah burburka iyo nadaafad darrada waddooyinka qaarkood, magacyada goobaha ganacsiga iyo lebbiska gabdhaha. Intaas marka laga reebo ma arkeysid wax ay uga duwan tahay Xamar-tii aan ku soo koray.

Keliya waxaa aniga ii dheer in waddooyinka qaar sida Xamar Jadiid, ama agagaarka Boostada iyo Hotel Jubba ama agagaarka Shabeelle oo marka aan soo istaago in badan dadka maraya aan is naqaannay ama ugu yaraan aan bargaranayay meesha uu deggan yahay qofku, waxa uu ka shaqeeyo ama qofka ay isla dhasheen ama saaxiibka yihiin, gaariga ama mootada uu wato iyo hadduusan wadan iwm in aanan hadda qofna ka aqoon dadka waddada maraya.

Dowladdu labada dhinac ee magaalada wey tegi kartaa weyna tagtaa. Laakiin dhinac waa dhulkeeda ay ku shaqeysato dhinacna waxaa taga ciidan keliya ama qof madax ah oo si aad ah loo ilaalinayo oo meel tiigsanaya. Habeen aan sidaa u sii fogeyn aniga oo la fadhiya mas'uul sare ayaa waxaa loo dhiibay wargeys ay ku sawiran yihiin dhismayaal waaweyn oo magaalada ku cusub laakiin sannad ka badan uu dhismahoodu socday. Wuxuu ula yaabay sida qof aan magaalada joogin. Waxay ahayd markii ugu horreysay oo uu arko.

Haddii aadan ahayn qof bartilmaameed ah, waxaa ammaankeedu wanaagsan yahay ayaa la dhihi karaa xaafadaha Shacabka. Ilaalo la’aan ayay baabuurtu socotaa, waa la lugeyn karaa habeen iyo maalin, guryahana ilaalo hubeysan ma joogto, hey’ado ma deggana, Xafiisyo dowladeed kuma yaallaan, lamana kala shakisana. Makhaayadaha ayaa fiidkii lagu caweeyaa oo bannaanka la fadhiyaa. Masaajiddu waa kii aad soo gaarto.

Inkasta oo Dhinaca Dowladda ay dadka badankiis socdaan ilaalo la’aan, haddana mar kasta waxay ishaadu qabaneysaa baabuur dul bannaan ah oo niman hubeysan oo inta badan uu midkood boobe culus ku raran yahay ay dhinacyada lugahoodu ka raaracaan. Waxaa laga yaabaa in ay keligood yihiin ama ay hor iyo daba socdaan baabuur cayilan oo la yiri xabbaddu ma karto oo qof madax ah lagu gelbinayo ama lagu doonayo. Laakiin waxaa sii gabaabsi ah oo ay adag tahay in aad aragto ilaalo hubeysan oo baabuur saaran oo aan ciidanka Dowladda ahayn.

Waxaa aad u yaraaday dadkii lagu dili jiray in ay tageen xafiis dowladeed ama ay xaafadaha shacabka ka yimaadeen oo ay ka tallaabeen soohdinta aan ishu qabaneyn. Dadka dhinaca shacabka deggani waa u xor magaalada dhinaca ay doonaan in ay maraan.

Toddobaad kasta qof ama ka badan ayaa la dilaa. Hore ayaan wax uga qoray in aan qirashada Shabaab keliya lagu qanci karin. Dilalkaas waxaa dhowaan faahfaahin ka bixiyay Taliyaha Nabad Sugidda.

Waxaad arkeysaa Hotel, Xafiis, dhisme kale oo biro ama dhagxaan waaweyn jidgooyo ahaan loo hor dhigay oo ay ka dambeeyaan jawaanno ciid ah oo gadaashooda niman hubeysani ay ku jiraan, qaar taagtaagan yihiin, qaarna gabbaad kor loo dhisay ay kaa soo dhex eegayaan. Meelaha qaar waxaad mooddaa dhufeys goob dagaal sida albaabka weyn ee laga galo gegida dayaaradaha.

Meelaha ay weerarrada iyo qaraxyada al Shabaab ku wajahan yihiin oo ay ka dhacaan waa dhinaca Dowladda iyo inta la shaqeysata ama ay xaafaddoodu noqotay ay ka deggan yihiin magaalada.

Waxaa magaalada ku soo batay dad ka yimid dibadda, qaar ka yimid Gobollo kala duwan oo dalka ah. Waxaan si gaar ah beryahaan dambe isu aragnay saaxiibbo reer Puntland ah oo reer Xamarkii hore u badan oo aan is leeyahay wey ka soo bateen intii hore. Guud ahaan qurbo joogta iyo Soomaalida Gobollada kale ka yimid waxay isugu jiraan dad siyaasadda kulaala, qaar xildoon ah, qaar ganacsato ah oo Dowladda qandaraasyo ka raadinaya amaba magaalada ka sameystay ganacsi, qaarkood waa keliya in ay arkaan sida xaalka magaaladu yahay, dhallinyaro fursado shaqo ama waxbarasho raadinaya iyo qaar kaleba. Yaanan illaawin dad u yimaada keliya in ay guryahooda dayac tiraan una helaan kiro. Dabcan duullimaadyada Soomaaliya isku xira iyo kuwa Soomaaliya ku xira caalamka intiisa kale ayaa iyaguna soo kordhaya. 

Magaaladu weli tiyaatar iyo shaneemo noocii la yaqaannay ah ma laha. Wasiirka Warfaafinta ayaa dhowaan igu casumay mar uu Tiyaatarka soo kormeerayay. Aniga oo arday Iskuul ah ayaan Tiyaatarka uga qeyb galay tartankii Kedis - kuna guuleystay, aniga oo dhallinyaro ah ayaan u tegi jiray daawashada riwaayadaha kuna daawaday fannaaiinta fanka Soomaaliyeed ugu magac weyn, aniga oo weriye ah ayaan xiriiriye ka ahaa munaasabad aan hanti ugu uruurineynay Ururka Indhoolayaasha markii la asaasay, annaga oo arday Jaamacadda ah ayaa riwaayad ka dhignay aanan anigu jilayaasha ku jirin laakiin aan ka mid ahaa qabanqaabiyayaasha, anigu qoraa Xiddigta Oktoobar ah ayaan u tegi jiray in aan ka faalloodo riwaayadaha sida faallo dheer oo aan ka qoray Rowaayaddii Xiddigtii is Xujeysay, waxaan aqaannay Tiyaatarka xagga la fariisto, godka miyuusigga, daaha gadaashiisa iyo qolka tebinta ee idaacadda tooska ugu xiri jiray. Waxaan ogaa quruxdiisa iyo agabkii yaallay. Markii aan dhex istaagay runtii aad ayaan ugu murugooday sida uu u yaallo iyo waxa uu noqday. 

Wasiirku isla goobtii ayuu uga dhawaaqay in uu dayac tiri doono. Tiyaatarku wuxuu qeyb weyn ka qaataa wacyi gelinta bulshada iyo faafinta dhaqanka, afka iyo suugaanta wuxuuna sahlaa in bulshadu ay isku xusuus iyo isku xiisa ahaato isuna dookh dhowaato.

Waxaa hadda soo badanaya goobaha ay dhallinyaradu u tagaan in ay ka cunteeyaan ama ay u maaweelo iyo haasaawe tagaan, kuwaas oo ka sicir jaban kana shidan Hoteellada waaweyn ee magaalada.

Waxaa sare u sii socda cayaaraha kubbadda cagta iyo tan koleyga ee magaalada laga cayaaro. Garoonka Banaadir (x Koonis) oo aan cayaar ku daawaday waxaan la yaabay tirada dadka u soo daawasho tegey iyo quruxda garoonka oo cagaar wanaagsan lagu goglay, si fiicanna loo xardhay diilimaha kala duwan oo cayaarta xakameynaya.

Xeebta Liido ayaa jimcaha dhallinyaro badani u dabaal tagtaa. Laakiin maalmaha kale laftooda dabaal, kubbad iyo ka shaaheynta makhaayadaha la teedsan xeebta ayaa Lido loo tagaa.

Qeyb saddexaad ee magaaladu waa xerada Xalane ilaa Dugsiga Booliiska oo isu furan oo ay deggan yihiin safaarado, ciidammo Soomaali iyo ajnebi leh, xafiisyada Qarammada Midobay, sharikado ajnebi ah, Soomaali u shaqeysa hey’adaha kala duwan ee meesha deggan, hoteello, makhaayado, baarar iyo goobo lagu caweeyo.

Xeradaas wax badan ayay magaaladu hadal haysaa laakiin cid si dhab ah u og waxa ka socda ma hubo in ay jirto. Sababta oo ah xerada lafteeda ayaan iska wada warqabin. 

Muqdisho cabsida maanta ugu weyn 2015 waa midda amniga.

Saturday, 26 December 2015

Aragtida Wasiir Nuur Faarax ee Somaliland

Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, Nuur Faarax, ayaa mar uu booqday magaalada London wuxuu hadallo cad cad oo aan gabbasho lahayn u jeediyay beesha Soomaalida.

Wuxuu ka hadlay Soomaalinnimada, nidaamka Federaalka ee Soomaaliya laga hirgelinayo cilladaha ku jira iyo khatarta ay leedahay qaabka loo fulinayo iyo qodobbo kale.

Wasiirku wuxuu degaan ahaan ka soo jeeda Somaliland. Mowduuca aan qormadeyda u xushay waa sida uu Wasiir Nuur u wajahay gooni isu taagga iyo halka uu isagu ka taagan yahay isaga oo mararka qaarna waafajinaya xaqiiqada koofurta taalla. Waxaan toos u soo minguurinayaa erayadiisii.

Mar uu ka hadlayay Wasiirnimadiisa Dowladda Dhexe ee Soomaaliya isaga oo ka soo jeeda Somaliland wuxuu yiri:

Dadka aan ka soo jeedaa waxa ay ii qabaan in aan waalan ahay. Afar sano carruurteyda ma arag. Laba jeer oo ay Muqdisho iigu yimaadeen ayaan arkay. Carruurteydu waxay deggan tahay gurigooda Hargeysa. Sabab aan uga raro garan maayo. Sabab la iigu diido in aan gurigeyga tagana ma garanayo.

Mar loo sheegay in maalin uun uu ka soo noqon doono midnimada Soomaaliya oo uu aqbali doono gooni isu taagga sida siyaasiyiin isaga ka horreeyay ay sameeyeen, Nuur Faarax wuxuu ku jawaabay:

Waxa aan doonaayaa waa wax cad. Waa Soomaali mid ah oo aan dalkeeda kala lahayn Haddii aan anigu kari waayo [in aan ku guuleysto] taa macnaheedu ma ahan in waxa aan doonayo aanay xalaal ahayn. Soomaalinnimo in la helo mid ah, oo Dowlad ah, oo aan dalkeeda iyo dadkeeda kala lahayn, waa arrin xalaal ah oo aan meelnaba mugdi uga jirin.

Inkasta oo uu diiddan yahay gooni isu taagga Somaliland, haddana wuxuu qiran yahay heerka ay gaartay. Isaga oo duraya nidaamka Goboleysiga waxaa hadalladiisa ka mid ahaa:

Haddii Soomaali Gobollo loo qeybinayo oo la kala saarsaarayo, mid Somaliland ka qiimo badan laga sameyn maayo. Taa (heerkaa) ay Somaliland taagan tahay, cid soo gaarsiin kartaa ma jirto. 

Siyaasigu in uu arrimaha dalka uu ku sameeyo daraasad qoto dheer, aad uga fikiro, talo qaato ka dibna uu mowqif iska taago, mowqifkiisana uu ummadda la wadaago waxay dadweynaha u sahleysaa in ay fahmaan arrimaha murugsan iyo weliba waxa ay uga talo galaan siyaasiga.

Ma habboona in sida siyaasiyiinta qaarkood lagu hadaaqo hadal dad kale laga maqlay oo aan xataa macnihiisa aanuu si wanaagsan u fahamsaneyn kan loo meeriyay.

Hadalka Wasiir Nuur Faarax oo qormadan kooban aad uga qota dheer waxaad ka dhegeysan kartaa Youtube.

Thursday, 24 December 2015

Hoos ha loo Faraxasho

Waxaan Saxaafadda ka dhegeystay Guddoomiyaha Degmada Xamar Weyne ee Gobolka Banaadir oo ka cabanaya Taliyaha Booliiska Gobolka Banaadir.

Guddoomiyuhu wuxuu sheeganayaa in Taliyuhu uu isaga u gacan qaaday. Waxaa kale oo uu sheeganayaa in ciidanka Taliyuhu uu xabbadeeyay ilaalada Guddoomiyaha. Wuxuu sheeganayaa Guddoomiyuhu in taasi ay dhacday isaga oo si sharci ah u daafacaya xuquuqda dadweynaha deggan Xamar Weyne.

Waxaa ila habboon in ay Dowladdu si dhakhsa leh u baarto eedeyntaas waxa ka run ah. Iyo in ay Dowladdu anshaxmariso mas’uulkii uu ku caddaado in uu gef geystay.


Sidoo kale waxaan rajeynayaa in ay mas’uuliyiinta Dowladdu ay gacnahooda hoos u dhaqdaan marka ay wasakheysan yihiin sida markan oo kale. Haddii ay dhexdooda isqabtaan waa in ay ku kala garbaxaan nidaamka Dowladda dhexdiisa ee aanay isku dacweyn saxaafadda.

Kulan Dhallinyaro

Waxaa galabta sharaf ii ah in aan ka qeyb galo kulan dhallinyaro oo kooban oo aan rasmi ahayn oo isugu jiray isbarasho, dood, wada sheekeysi iyo xog kala qaadasho.

Dhallinyarada oo isugu jirtay wiilal iyo gabdho, qaar shirkii dhowaan ka dhacay Muqdisho ka qeyb galay, qaar ku kacsanaa oo qaaday olole ka dhan ah oo hawada ah, dhallinyaro madax u ah ururro u dhaqdhaqaaqa dhallinyarada, qaar u dooda Xuquuqda Aadanaha, dhallinyaro shaqeysa, qaar waxbarta iyo dhallinyaro dibadda ka timid.

Lama hor istaagi karin waana laga dooday tabasho la xiriirta shirkii dhallinyarada ee Muqdisho ka dhacay iyo kaalinta ay ku lahayd dhallinyarada dibaddu. Haddana hadallo badan oo la jeediyay waxay ku saabsanaayeen guubaabo, dhiirri gelin iyo kala xog qaadasho dhallinyarada dhexdeeda ah.

Waxaa la is tusay in dhallinyaradu ay tahay qeybta ugu badan bulshada Soomaaliyeed. Waxaa la garwaaqsaday in ay dhallinyaradu isku dan tahay gudo iyo dibadba. Waxaa la qiray in fursadaha dalku ay aad u badan yihiin kuna filan yihiin dhallinyarada haddii la helo aqoon, khibrad, karti, hufnaan iyo cudud lagu soo saaro. Waxaa la is xasuusiyay in ay tahay in dhallinyaradu aanay isku mashquulin ee ay wadajir u abuurtaan fursado, u dhacsadaan xuquuqdooda xag dowladeed, xag hey’ado shisheeye iyo xag caalami intaba.

Waxaa si gooni ah farta loogu fiiqay sharikadaha shaqaaleeya ajnebi aan ku aqoon iyo khibrad dhammeyn dhallinyarada Soomaaliyeed.

Waxaan ku faraxsan ahay in dhallinyarada hadalkooda laga dhadhansan karay, qaarna ay si buuxda carrabka ugu dhufteen in Wasaaradda Dhallinyaradu ay tahay Wasaaraddooda ayna doonayaan in mar walba ay wadashaqeyn lahaadaan isla markaasna ay cod buuxa ku lahaadaan siyaasadda dhallinyarad ee Dowladda.

Kulanku wuxuu ahaa mid la isula hadlay laabfuranaan. Xog badan ayaan ka kororsaday kulanka.

Waxaan soo dhoweynayaa dhallinyarada aan shirkaas ka qeyb galin, gaar ahaan kuwa Gobollada dalka Soomaaliya in ay halkan ay aniga iyo akhristayaasha kula wadaagaan fikirkooda ku wajahan sida ay dhallinyarada Soomaaliyeed isu kaashan karto waxna u wadaqabsan karto si ay u dhisto aayaha dhallinyarada taas oo ah aayaha dalka.

Waan u mahadcelinayaa dhallinyaradii fikirka lahayd kalsoonida ay ii muujiyeen markii ay igu martiqaadeen iina soo jeediyeen in aan hadalka u qeybiyo oo u odayeeyo, kuwa qaban qaabiyay iyo kuwa ka soo qeyb galay oo dhammaantood soo jeediyay fikrado qiimo leh.

Waxaa kale oo aan u mahadcelinayaa maamulka Posh Treats, Muqdisho, oo goobta fadhiga na siiyay.

Misaanka Afar iyo Bar


Dhaliisha 4.5 

Si kooban 4.5 waa nidaam qabiil, waa hayb, waa simid dad aan isla tiro ekeyn. Waa wax isugu darid dad aan isku degaan iyo fikir toona ahayn. Waa in aqoonyahanka iyo waxgaradku ay u martiyaan hoggaamiyayaal qabiil iyo inta biilkooda bixisa. Waa kala qeybinta ummadda. Waana dulmi in iyada oo aan la is tirin dadka qaarna loo qoondeeyo xubin buuxda qaarna la siiyo bar.

Qabiilku waa Xisbi aadan ku biirin, kana bixi karin oo wax laguugu daray.

Colaadda iyo dib-u-dhaca waxa keenay waxaa ka mid ah qabyaalad oo qabiilku sal u yahay. Nidaamka 4.5 ee qabiil wax ku qeybsiguna wuxuu dadka markinayaa in ay qabiil ka fekeraan, ku fekeraan, una fekeraan. Sidoo kale wuxuu barayaa in ay qabiil ka hadlaan, ku hadlaan, una hadlaan. 

Waxaas marka la isu geeyo waxay qofka si sahlan cagaha ugu gelinayaan qabyaalad oo ah hooyada amni darrada iyo dib u dhaca isla markaasna ku shaqeysa dhaqan lid ku ah sharci iyo kala dambeyn.

Waa nidaam ku dhisan hayb qabiil kaas oo bulshada ku hagi kara, weliba si socod boob ah, dhabbe aan u socon jihada Qarannimada iyo Dowladnimada ay naga jiraan.

Waa nidaam suurta geliyay in qof aan la soo dooran, cid uu wakiil ka yahayna aanay jirin uu siyaasadda xishood la’aan dhex iyo hor boodo una dhaqmo sidii in dalku uu ku socon karo tijaabo iyo ra’yi keliya. Taasi waa kuwa is leh dalku hore ha u socdo. Laakiin 4.5 siyaasiyiinta uu soo saaray waxaa ka mid ah qaar aan ogeyn in la rabo in dalku hore u tallaabsado ama aan dan ka lahayn.

Waa nidaamka keenay in hoggaamiyayaasha dhaqanka oo ahaa astaan u taagan sharaf iyo xushmad dhaqan ay heybaddoodu dhaawacanto ka dib markii siyaasiyiin kursi doon ah iyo gacansato gurracan ay laaluush ku fidneeyeen oo ku hafiyeen, markaasna ay ku kallifeen eex iyo been. Hoggaamiyayaasha dhaqanka qaarkood maanyta wey og yihiin in la og yahay waxa ay faleen.

Nidaamkan 4.5 oo la filayay in uu ku ekaado kuraasta siyaasadda, waxaad arkeysaa in shaqaalaha dowladda iyo waliba shaqooyinka xirfadlayaasha aad mooddo in la soo dhex gelinayo. Taas oo dhaawac weyn u geysaneysa in ay howli u qabsoonto si ku dhisan xirfad iyo farsamo.

Waa nidaam musuqmaasuq, dulmi iyo duudsi u saaxiib ah.

Waxa uu soo kordhiyay 4.5

Markii ay burburtay Dowladda Dhexe ee Soomaaliya horraantii 1991, intii ka dambeysay waxaa Soomaalida loo qabtay shirar fara badan oo la isku dayay in Dowlad lagu dhiso. Waxaa la isugu yimid Djibouti 1 iyo 2, Addis Ababa oo dhowr jeer ah, waxaa la tegey Qaahira iyo magaalooyin kale. Waxaa la qabtay ama la isku dayay shirar Muqdisho iyo Boosaaso. Shirarkaas qaar ma qabsoomin, inta kalena weyb soo saari kari waayeen Dowlad Soomaaliyeed.

Inkasta oo wakhtigu uu qeyb ka qaatay, haddana nidaamka keliya ee suurta geliyay Baarlamaan Soomaaliyeed oo dhaliil ha jirto laakiin la aqbalay, waa nidaamka 4.5 ee hadda aan haysanno.

Wuxuu suurta geliyay in Baarlamaan uu ku dhismo Carta, Djibouti sannadkii 2000.

Ma ahan keliya in uu dhismo ee nidaamka 4.5 wuxuu suurta geliyay in Baarlamaankeennu uu qaangaaro oo 15 jirsado iyada oo aan wax hakad ama kala go’ ahi soo dhex gelin Dowladnimada.

Waa nidaam ku dhisan in afarta qabiil ee waaweyn ee uu Soomaali u qeybanayo, oo ah kuwii xilliyo iyo sababo kala duwan hubka u qaatay, ay aqbaleen in aanay jirin cid adkaatay oo u yeerin karta inta kale, oo ay tahay in si siman ay wax u qeybsadaan. Nidaamkani waxaa kale oo uu suurta geliyay in qabaa’ilka aan hubka qaadan ay wakiillo ku lahaadaan labada Gole ee Sharci-dejinta iyo Fulinta. Inkasta oo kuraasta qabaa’ilkani ay nus tahay, haddana nidaamku wuxuu xaqiijinayaa in aan iyaga laga tegi karin.

4.5 wuxuu xaqiijiyay in xildhibaannada Baarlamaanka isku si loo soo xulo oo aan midna mid kale u sheegan karin awood sharciyeed uu dheer yahay.

Nidaamkani wuxuu isku hayaa midnimada Soomaaliyeed. Waxaan ula jeeda in Somaliland, dhulka uu Shabaab haysto, Gobol aan Dowladdu gaarin iyo magaalo kasta oo Soomaaliya ka mid ah in mid kasta ay Baarlamaanka fadhiyaan dad ka soo jeeda degaankaas. Taas oo marka aan hoos loo sii fiirin aad mooddo in Baarlamaanku si dhab ah u metelo Gobollada iyo degmooyinka dalka Soomaaliya oo dhan.

Wuxuu sahlayaa in la illaawo xad gudubyadii dagaalkii sokeeye la isu geystay maaddaama isku cod la yahay.

Nidaamka 4.5 ma ahan mid loogu talo galay in uu dalkaan nidaam u ahaado weligii. Wuxuu ahaa nidaam ku-meel-gaar ah oo loogu talo galay in marxlad markaas taagnayd oo ahayd dagaal sokeeye iyo Dowlad la'aan looga gudbo. Waa lagu soo caano-maalay in ka badan 15 sano.

Waxay ahayd 4.5 in looga gudbo qof iyo cod oo ah hannaan Dimuqraaddiyadeed. Taas waa la suurta gelin waayay. Hababka la soo jeediyay in loo gudbo ayaa waxaa ka mid ah in Degmooyinka dalka, iyaga oo aan dadkooda la tirin la siiyo kuraas Baarlamaan oo isla tira eg oo sidaas lagu soo xulo Xildhibaannada. Nidaamkaas la soo jeediyay muxuu soo kordhin karaa muxuuse dhimi karaa? Waa su'aasha aan uga jawaabi doono qormadeyda tan xigta haddii Rabbi idmo.