Ceel-Huur oo aan ka fogey Xarar-Dheere |
Waxaan ugu baaqayaa dadka walaalaha ah ee isku dilaya aagga Xarar
Dheere in ay Ilaaheey ka baqaan oo ay joojiyaan dilka.
Qof aad dishay kuma cafin karo. Weligaa waxaad noolaaneysaa adiga oo
gacan ku dhiigle ah. Aakhrina meesha ku
sugeysa waad garan.
Haddii adiga lagugu dilana, ogow in odayaal aan hadda
wiilashoodu dagaalka kugula jirin ay hilib fiican ku qadeyn doonaan, dagaalkana
halkaas lagu joojin doono. Golahaas lagu qadeynayana xataa magacaaga lagama
sheegi doono. Adiga oo dhami waxaad isu baddeleysaa tiro. Dagaalka intaas ayaa
ku dhimatay.
Hooyadaa iyo aabbahaa uun ayaad ka dhimaneysaa.
Ma hubo in ay bloggeyga akhrisanayaan, qofkii si uun u gaarsiiyana
ajar Allah ha ka siiyo.
Waxaan madaxda Federaalka iyo kuwo maamullada degaanka, ee ku mansab
sheeganaya in ay dadkaas ay ayagu matalaan ugu baaqayaa in ay is xasuusiyaan in
ay ayagu dadkaas mas’uul ka yihiin. Magacoodana ay kuraas, Baarlamaan iyo
Wasiirro leh ay ku qaateen.
Waxaan ugu baaqayaa in ay si muuqata, oo dhakhsa ah, oo Allah ka
cabsi leh ay u gutaan waajibka ka saaran dadkooda oo xabbad ku dhimanaya ama ku
barakacaya.
Waa in aad wiilasha dhimanaya ka soo qaaddaan wiilashiinna iyo
walaalihiin oo kale. Ogaadana in aad mas’uuliyadda koowaad ay adinka idinku
dhacayso. Maalin baa imaan la idinkula xisaabtami doono.
Haddii xilalka aad qaadateen aydnaan horumar kale ku gaarsiin karin degaankaas, waa in aad ugu yaraan xaqiijisaan in dadkaas dhiiggooda la
kala badbaadiyo. Oo hadda la kala badbaadiyo.