Total Pageviews

Wednesday, 30 September 2015

Suurgaddoon (Gabay)

Waxaan halkan ku soo gudbinayaa Gabay uu tiriyay Xuseen Cabdi Xalane, oo noqday Wasiirka Maaliyadda Xilligii Madaxweyne Shiikh Shariif iyo mar kale Xilligan Madaxweyne Xasan Shiikh. Gabayga oo uu aniga igu hal qabsaday, isla Gabyaaga ayaa u qoray araarta. Wuxuu yiri Xalane:


Suurgaddoon

Xuseen Cabdi Xalane



Anigoo London maraya ayaa Yusuf Garaad oo ah madaxa Laanta Af-Soomaaliga ee BBC igu yidhi “barrito Istuudiyaha noogu imow aan wareysi kaa qabannee”. Habeenki baan ka fikirey arrintaas, waxaana igu soo dhacdey, tolow ninka Soomaaliga ah ee waxgaradka ah maanta muxuu sheegi karaa, Yusuf Garaadse ciddee wax garanaysa oo uu hadalka gaadhsiin karaa. Waxaa intaas dheer khatarta ah in warkaad sheegto qolo dhibsato iyagoo kuu arkaya nin af­qabiil ku hadlaya taasoo sii hurin karta colaadaha. Gabaygan aan Yusuf ku halqabsaday tilmaan ka bixinta xaaladda Soomaaliya ka sokow arrimahaas buu wax ka ifinayaa.




Waa suurgaddoon Yuusufow, gadahan muuqdaaye

Maandhow afkaa loo ganbiyey, guul wixii jiraye

Adaa gaafan mooyeen tolkaa, geesi ka idlaaye

Gaashaanliyo sargaal gaammuriyo, gaadh hayihi beesha

Jananadi garbaha buuxsadiyo, geeshka taladiisa

La gumaad raggii gali yiqiin, gaylan dirireede

Raggi talada loo geyni jirey, nabad ha goobeene

Gadh­castiyo garaadyadi la madhi, ganafta weyne

Mooryaantaa dalkii goofisiyo, gaangis baa hadhaye

Ciddeed hadalka gaadhsiin rabtaa, oo wax garanaysa

Xamartaad bidhaan garan jirtee, gabi hillaacaysey

Wixii daar gamaamnayd wixii, fawqayo lagu gaarey

Gumucii gun iyo baar rasaas, lagu garaacaayey

Waa gidaar dalooliyo dhulaan, guri u nooleyne

Ma guurtiyo hantidi guud taniyo, gaalo laga reebay

Nin waluba intuu gaadhi karay, goosay tabartiise

Jidaad garan jid xaafado ku geyn, waa horuu gudhaye

Waa godad biyeed laamiyadi, giigsanaan jiraye

Gawaadhida gurrani gees walbay, gabi u jiidhaane

Geddii beledka loo gooshi jirey, laga gawaan raacye

Waayarradi la goo iyo xadhkihi, laydhka gayn jireye

Gudcur iyo mugday gudi hayaan, goosaankaa hadhaye

Waa galangal madhan ceelashay, gogoshu kuu tiile

Gabbal baa ku dumey reer tolkaa, geedu joogaba e’

Ciddeed hadalka gaadhsiin rabtaa, oo wax garanaysa

Gacalkaa isnacay eedahaa, beesha kala geeyey

Galinkiyo dagaal lagu go’iyo, gawraciyo meydka

Islaamaha gablamay reerahaan, gaban u soo cayman

Islaamaha asaydii gu’ hore, wali ku gawriirto

Gagsan waa dadkeenii waa kaa, gees walbow qaxaye

Galbeed iyo sharqiba maatadaa, gaalo ehel moodey

Asal­guurka dhacay ceebahaa, saaran guradeenna

Waxaasoo gubtaanyo ah anoo, gudub u eegaaya

Gaw­gawda hadal gaabanoon, dunida gaadhsiiyo

Maandhow wuxuu gali karaa, waanan garanayne

Caqligaa gabaabsiyey dadkaa, maanki laga guurshay

Ninkii hadalsan gaadhsii yidhaa, way gurracayaane

Gabal gaabtay iyo BBC, fiid warkaad galiso

Guulaamooyinkay sii hurshaan, godobti aasneyde

Intay taladu geed saaran tahay, soo gondegi weydey

Gawraarta dheer iyo intay, gabi ka laadlaado

Ee collaadan guunka ah le helin, xalaan ku soo goyno

Inaan gaabsannaa ila habboon, yeynan sii gubane


Raad­reeb: in kastoon marar badan ka hadlay BBC, haddana waxaan doortey in aanan siyaasadda ka hadlin mar hadday sidaas u murugsan tahay, balse aan suugaanta siiba gabayga iyo dhaqanka xoogga saaro.

Monday, 28 September 2015

Xiddigaha Geeska: Taliye Caadi Iska Dhig


Xarig fannaan kuma cusba Soomaalida. Hadraawi iyo Cabdi-Qays ayaa nool. Cabdulle Raage ayaa na soo maray. Liisku waa dheer yahay.

Sida maanta oo kale, waxaa berigaa jiray dad ku ra’yi ah madaxda ama dano ay ku haysteen dartood, iyaga oo aan loo dirsan is xilqaama oo isku dayi jiray in ay u qiil dayaan xarigga fannaanka. Weliba berigaas fannaaniinta la xiro waxay ahaayeen kuwa isku daya in ay dadka u sheegaan ama ay tusaan wax aanay Madaxdu dooneyn in uu shacabku ogaado ama uu arko.

Rajadu waxay ahayd in nidaamkii militeri ee lala dagaallamay ay la dhammaadaan cabburinta, xad gudubka xorriyadda shakhsiga iyo isku dayga Madaxda oo ahaa in loo nacamleeyo iyada oo aan su’aal la weydiin oo xataa aan la fekerin.

Madaxdii berigaas waxay doonayeen in haddii ay yiraahdaan dhaqaaqa, ay bulshada oo dhami mar qura u dhaqaaqdo dhanka farta loogu fiiqay oo ay welibana isla hesho laafyaha.

Toddobaadkii ciidda waxyaabaha ay dhallinyarada Muqdisho iyo dhexmeerayaasha saxaafadda bulshadu ay aad u hadal hayeen, la xiiseynayay, anigana i soo jiitay waxaa ka mid ah Barnaamij faneedka Xiddigaha Geeska oo aad looga jecel yahay Muqdisho. 

Waan dhibsaday in Xiddigaha lagu xiray Hargeysa iyada oo dembi looga dhigay Nairobi ayaa la idiin fasaxay ee Muqdisho la idiinma fasixin.

Fannaan anigu waxaan u aqaan in uu yahay Biri-ma-geydo.  Sidaa darteed ayaan keligeey fekeray. Waxaan qiyaasay su'aalaha uu sarkaalka Booliska Soomaaliland ee "dembiga" baarayaa uu weydiin karo marka uu mid mid u wareysto Xiddigaha xiran. Ka dibna waxaan mala awaalay jawaabaha uu fanaan kastaa ka bixin karo su’aasha la weydiiyo.

Maxaad Muqdisho u tagtay?
Taageerayaasheeyda, oo ay ka mid yihiin qaar badan oo reer Somaliland ah, ayaa Muqdisho jooga oo aan booqday. Magaceyga iyo horumarka fankeyga ayaana ku xiran in marka aan awoodo ama la iga casuumo aan tago meel kasta oo la iga dhegeysto, taas oo ah meel kasta oo ay Soomaali deggan tahay.

Yaa kuu fasaxay Muqdisho?
Horta xor ayaan u ahay dhaqdhaqaaqeyga. Midda kale, keligey ma aha ee haasaawe doonka, lammaanayaasha, ardayda, xoogsatada, shaqaalaha rayidka ah ee dowladda, wadaaddada, ganacsatada, diblomaasiyiinta iyo xataa siyaasiyiinta hoose intuba wey isu socdaan. Anigu waxa keliya oo aan uga duwan ahay waa in aan intaas ka wada caansan ahay oo ay saxaafaddu aad uga hadashay socdaalkeyga.

Miyaanad ogeyn in aan ka goosannay Soomaaliya?
Fanku soohdin ma leh. Hargeysaba Magool iyo Maryan Mursal waa laga dhegeystaa.

Calanka Soomaaliya maxaa kuu geeyay?
Hadba taageerayaasheyda aan markaas u heesayo astaanta ay leeyihiin ma khilaafo. Fannaaniinta caalamku haddayba astaan qaadanayaan waxay qaataan midda waddanka ama magaalada ay ka tumayaan ay leedahay. Fanka jilidda ayay ka mid tahay. Aniguna fannaan ayaan ahay ee caadi iska dhig Taliye.

Ma og tahay in aad wiiqday jiritaanka iyo sumcadda Somaliland?
Xaqiiqadu waa taa cagsigeed. Muqdisho oo dhan waa laga ogaa in aan ka nimid Somaliland. Si wanaagsan ayaa naloo soo dhoweeyay. Si wanaagsanna ayaa looga soo qeyb galay barnaamij faneedka aan dhignay. Farxaddii la innagu soo dhoweeyay tu la mid ah ayaa la innagu soo sagootiyay. Taas ayaana sharaf u ah Somaliland ee adigu hadda sumcadda ha ka xumeyn.

F. G. Cinwaanka, su'aalaha iyo jawaabahu waa curis.

Saturday, 26 September 2015

Imaan Allaa Uur Buuxiya


Waxaa billaaban doonta soo noqoashada dadkii soo gutay waajibaadka Xajka.

Xujaajta Xamar iyo magaalooyin kale oo dalka gudihiisa iyo dibaddiisa ah ku noqon doona waxaa ka mid ah Soomaali ka shaqeeya siyaasadda iyo qaar ka shaqeeya ganacsi laakiin wax ku darsada siyaasadda si ay hantidoodu ugu badato.

Waxaan u rajeynayaa in cibaadada, qushuuca iyo goobaha barakeysan ee ay booqdeen ay saameyn ku yeelato dhaqankooda siyaasadda iyo ganacsiga oo ay ka dhowrsadaan xuquuqda dadka, gaar ahaan hantida Qaranka ee ummadda ka dhaxeysa oo ay ku jirto hantida ma guurtada ah.

Kuwii awalba ka dhowrsanaana waxaan u rajeynayaa in ay sidooda ku socdaan.

Sunday, 13 September 2015

Mudanayaasha Mooshinka Madaxweynaha oo aqbalay soo jeedinta Guddoomiyaha


Mudanayaasha Baarlamaanka ee mooshinka ka keenay Madaxweynaha ayaa galabta 12 Sept 2015 oggolaaday in ay wadahadal ka galaan dacwaddooda ka dhanka ah Madaxweynaha.

Arrintaasi waxay ka dambeysay markii uu Guddoomiyaha Baarlamaanku 11 Sept 2015 soo saaray waraaq ku talineysa in wadahadal laga galo eedeymaha ay jeediyeen Xildhibaannada Baarlamaanka ee mooshinka saxiixay.

Guddoomiyaha Baarlamaanku wuxuu hore warqaddiisa ugu sheegay in Madaxweynuhu uu diyaar u yahay in wadahadal laga galo mooshinka.

Labada dhinac waxa ay aqbaleen in laga gaabsado saxaafadda oo aan lala socodsiin nuxurka wadaxaajoodka.

Waxaa la filayaa in laba toddobaad godhood lagu ebyo wadahadalka labada dhinac, sida uu Guddoomiyuhu soo jeediyay.

Waxaan rajeynayaa in wadahadalku uu ku dhammaado is qancin iyo is afgarad u adeegaya danta Soomaaliyeed.


Shir Guddoonka Baarlamaanka waxaa dhowrkii toddobaad ee la soo dhaafay saarnaa cadaadis aad u fara badan oo ku saabsan maareynta mooshinka.

Welidaas waxaa dhimman qodobbo ay tahay in is af garad laga gaaro, ka hor inta aan wadahadalku furmin sida cidda mateleysa labada dhinac.

Waxaan u hambalyeynayaa Guddoomiyaha Baarlamaanka, Maxamed Cusmaan Jawaari iyo ku xigeennadiisu sida ay u maareeyeen arrintan muhiimka u ah dadka, dalka iyo Dowladnimada Soomaaliyeed.