Aniga oo Jaamacad ka qalin jebiyay. Aniga oo safarro aqoon kororsi u tegey France
iyo Zimbabwe. Aniga oo haysta dhowr
shaqo oo wanaagsan oo aan ku faraxsan ahay. Dhul iibsaday oo markaa guri dhisanaya. Guursaday.
Gaari wanaagsanna wata. Aniga oo weliba ka sii dhallinyar inta aan
maanta ahay.
Isu geyn aniga oo nolosheyda ku faraxsan wax aan tebayaana jirin,
ayaan 26 sano ka hor maanta oo kale ka dhaqaaqay wixii aan haystay oo dhan, oo
aan ka dhoofay dalkeyga hooyo, Soomaaliya.
Amni darro darteed.
Maalintii aan dhoofayay waxaa gegida dayaaradaha la i geeyay galab
dheer, inkasta oo ay dayaaradda Airbus ee Somali Airlines ay kacaysay ku
dhowaad habeen-barkii. Sababta la ii
carraabiyay waxay ahayd in anuu jirin gaari socon kara marka gabbalku dhaco. Iyada oo amar sidaa qorayaa aanuu jirin, ayay
dadku cabsi awgeed isku soo rogeen bandow.
Inkasta oo uu dagaalka sokeeya uu qeybo waddanka ka mid ah ka socday
sannado, habeenkii aan dhoofay laba maalmood ka dib ayuu si buuxda uga qarxay
Muqdisho.
Khibrad aan ka helay shaqadeydii Laanqeyrta Cas ayaa wax i tartay. Magaalooyinka Burco iyo Hargeysa oo aan dagaalka ka hor aqaannay ayay
Laanqeyrta Cas shaqadeedu fursad ii siisay in aan tago oo ka shaqeeyo labadaba markii
lagu dagaallamay iyaga oo weli ku jira xaalad colaadeed. Xarun waxaa ii ahayd
Berbera oo aan dayaarad ugu kala gooshi jirnay magaalooyinka Burco, Hargeysa iyo
Borame marka laga reebo mar aan Gobolka Awdal baaddiyihiinsa inta badan gaari ku maray iyo mar aan sii socod iyo soo laabasho aan gaari ku
marnay waddada isku xirta Berbera iyo Burco.
Saddex nin ayaan ahayn. Labada kale midkood Swiss yahay midna Belgium u
dhashay ayaan wada soconnay. Gaari
ciidan oo naga dambeeyay waxay SNM-tu ku qarxisay markii aan dhaafnay Shiikh oo
u gudubnay dhanka Burco.
Safarkaas annaga oo nabad qabna ayaan ku soo laabannay Berbera. Inkasta oo weerarkaasi ka dhacay waddada.
Labadii nin ee ajnebiga ahaa ee aan wada soconnay dhowr toddobaad
ka dib ayaa midkood lagu dilay aagga Hargeysa.
Xaaladda aan labadaas magaalo ku soo arkay darteed ayay naftu ii
diidday in aan Xamar ku sugo dagaalka ay sansaantiisu u muuqatay qof kasta oo daqiiqado
yar si miisaaman uga fekera.
In aan dalka ka dhoofo oo aan ka fogaado indhaxumada dagaalka ayuu
go’aankeygu ahaa. Bil fasax ah ayaan ka qaatay shaqadii iigu muhiimsanayd. Bar aan tilmaansaday ma lahayn. Runtiina maba jirin meel aan u socdo oo
muraad iga yaal.
Habeenkii aan Muqdisho ka dhoofayay waxay ka mid tahay habeennadii
iigu murugo badnaa nolosheyda.
Rajo waan ka qabay in Dowladda iyo Jabahaduhu ay kala adkaadaan
oo midkood dalka u soo haro ama ay heshiiyaan oo markaa aan soo laabto. Laakiin
maskaxdeydu ma aqoon goorta aan soo laaban doono iyo in aan soo laaban kari
doono.
Ninkii madaxa ii ahaa ayaa aad isugu dayay in uu i baajiyo. Wuxuu igu yiri waxaad tahay Laanqeyrta Cas, waxaadna dalka ka dhoofeysaa maalintii laguugu baahi badnaa! Maxaad dareemeysaa?
Inkasta oo ay murugo badan oo dalka ku saabsani ay i soo martay,
haddana Ilaaheey mahaddii noloshii aan soo maray 26-kaa sano waxay ii ahayd
horumar shakhsi ah. Waxaa ii kordhay aqoon
waxbarasho, xirfad shaqo iyo xog ogaalnimo isbeddellada dalka ka dhacayay oo in
badan aan goob joog u ahaa ama aan Soomaalida iyo caalamkaba uga warramayay. Ka sokow laanta Soomaaliga, waxaan si joogta ah uga bixin jiray Raadiyayaasha iyo TV-yada BBC warbixinno iyo falanqeyn dhacdooyina Soomaaliya.
Waxaan fursad u helay in aan hadba kuwa isbeddelka markaa sameynaya ku wareysto telefoon. Marmar aan fool-ka-fool ula sheekeysto dalka gudihiisa ama ayaga oo yara dabacsan awoodna aan haysan dalka dibaddiisa iyo weliba ka dib marka ay xilka ka dhacaan. Aakhirkii waxaan isku deyay in aan isbeddellada dhacaya aan dejinta naqshaddooda kaalin horseed ah ku yeesho.
Waxaan fursad u helay in aan hadba kuwa isbeddelka markaa sameynaya ku wareysto telefoon. Marmar aan fool-ka-fool ula sheekeysto dalka gudihiisa ama ayaga oo yara dabacsan awoodna aan haysan dalka dibaddiisa iyo weliba ka dib marka ay xilka ka dhacaan. Aakhirkii waxaan isku deyay in aan isbeddellada dhacaya aan dejinta naqshaddooda kaalin horseed ah ku yeesho.
Intii aan dalka ka maqnaa waxaan ku noolaaday dhowr dal oo Yurub ah. Waxaan socdaal ku tegey dalal kale oo
badan oo qaarado kale ku yaalla. Waxaa ii suurta gashay in aanan is-dhiibin oo
aanan marnaba qaadan waraaqo Qaxootinnimo.
Dalal badan oo caalamka oo aan shaqo, waxbarasho ama dalxiis aan u tagay intooda badan waan awoodaa in aan aado
magaalada aan doono marka aan doono aniga oo keligeey ah. Dalalkaas qaarkood
dadkooda inta badan uma muuq iyo midab eki. Isku diin ma wada ihin. Isku luqadna kuma fekerno. Weligeey wax ma tarin. Xaq aan ku leeyahay oo gaar ahina ma jiro. Aabbahay iyo walaalaheey uma soo dagaallamin
difaaca dalalkaas sida ay ugu dagaallameen dalkeyga.
Waxyaabaha aan xusuusto waxaa ka mid ah mar aan tegey Spain oo aan
goostay in aan gaari ku tago Jaxiiradda Gibraltar ama Jabal Taariq oo ah Jaziirad
Ingiriisku xukumo oo ku ag taalla Spain kana fogeyn Morocco. Waa Jaziirad ku caan ah buur weyn oo hal dhagax ah. Midda ugu tilmaan dhow laakiin aad uga yar waa Buur Hakaba.
Waxaan ku socday khariidad ku daabacan xaashi oo aan internetka kala soo degey. Mar aan istaagay meel aan shidaal ka iibsanayay ayaan qof Spanish ah oo tukaanka iibineysay aan weydiiyay tilmaan si aan u hubsado. Qofku kuma hadlo af aan Spanish ahayn. Waxay igu kalliftay in aan jacbur ku wada hadalno isugu jira Spanish iyo afafka ay isku bahda yihiin ee Talyaani iyo Faransiis. Ugu dambeyn waan fahmay tilmaanta uu qofku i siiyay.
Waxaan ku socday khariidad ku daabacan xaashi oo aan internetka kala soo degey. Mar aan istaagay meel aan shidaal ka iibsanayay ayaan qof Spanish ah oo tukaanka iibineysay aan weydiiyay tilmaan si aan u hubsado. Qofku kuma hadlo af aan Spanish ahayn. Waxay igu kalliftay in aan jacbur ku wada hadalno isugu jira Spanish iyo afafka ay isku bahda yihiin ee Talyaani iyo Faransiis. Ugu dambeyn waan fahmay tilmaanta uu qofku i siiyay.
Ima weydiin qofka aan ahay iyo meesha aan ka imid. Ima weydiin in aan sidiisoo kale ahay Katoolig, oo ah diinta ugu badan ee dalka Spain. Ima weydiin haddii aanan diintiisa haysan midda aan rumeysan ahay.
Imana weydiin waxa iga yaal Gibraltar. Iguma mashquulin ee noloshiisa ayuu ku mashquulay.
Soomaaliya, dalkeyga hooyo waxaan dib ugu soo laabtay in aan dego muddo hadda 4
sano laga joogo. Waa 264 bilood ka dib markii ay iga dhammaatay bishii fasaxa
ahayd ee aan shaqadeyda ka qaatay.
Maanta oo la marayo 2016 weli suurta gal iima aha in aniga oo xor ah
aan dalkeyga dego meesha aan doono, marka aan doono. Degaan waa meeshiisa ee xataa magaalada aan ku dhashay kuna barbaaray sida aan doono uguma
socdo.
Cadowga aan ka baqayo ma aha shisheeye ee waa Soomaali. Wax aan
taray mooyee ma jiraan wax aan u dhimay. Xataa imaba yaqaan hadduu doono.
Marka aan ka fekero Dowladdii Soomaaliya ee ay Soomaalidu gacnaheeda
ku burburburisay waxaan soo xusuustaa hadal uu Madaxweynaha Ruushku, Vladimir
Putin, yiri sannadkii 2005. Wuxuu yiri
burburkii Midowga Soofiyeeti wuxuu ahaa masiibadii ugu weynayd ee qarniga. 20aad
soo marta caalamka.
Mar dambe ayaa Telefishin Jarmal ahi wax ka weydiiyay oraahdaas. Putin wuxuu ku jawaabay tu kale oo ka xiisa badan. Wuxuu yiri, annagu Ruush ahaan waxaan dhahnaa
haddii aadan ka qoomammeyn burburkii Midowga Soofiyeeti qalbi ma lihid. Laakiin
haddii aad ka qoomammeyso burburkii Midowga Soofiyeeti maskax ma lihid.