Xafladda iyo Xabaasha
Yusuf-Garaad
Waan soo dhoweynayaa heshiiska Kismaayo.
Waan soo dhoweynayaa in is dilkii la joojinayo. Waana sida ugu foolxumo yar ee
dagaal ku dhammaado.
Laakiin lama aammusi karo waxa aan
gocanayo. Is weydii maxaa la isugu dilayaa wiilasha Soomaaliyeed haddii ay
xaflad, is-gacan-qaad iyo qosol ku dambeyneyso?
Qiyaas inta wiil ee ay hooyo dhashay ee
xabbad beerka loo geliyay, dhulka ku dhacay ee keligii dhiigbax u dhintay?
Hooyooyinka wiilashoodii uu labadan mas'uul
midkood u diray dagaalka, ee kan kale ciidankiisu dilay, iyaga heshiiskan ma
laga qeyb geliyay?
Bal qiyaas haddii wiilashii ku dhintay
dagaalka ay nimankani u direen la soo tusi lahaa sawirkan maanta. Ma ka
tarjumayaa wixii la yiri aan u dhimanno?
Madoobe iyo Hiraale waa ku hal qabsanayaa laakiin
waxay ku socotaa iyaga laga billaabo iyo cid kasta oo wiilal Soomaaliyeed soo
hubeysa iyada oo dhacdiid u jiifta meel xabbadda ka fog, og inaysan u badnayn
in ay ayagu xabbaddaas ku dhintaan, ogna in aan xabbaddaasi lagama maarmaan
ahayn isla markaana keeni doonin waxa wiilashaas loo sheegay in loo
dagaallamayo.
Tan ugu muhiimsanina ee uu Hoggaamiye kasta ka faa'iisaneyo waa in uu og yahay in
aan loo raacan doonin dhiigga wiilasha uu dagaalka u diray iyo dhiigga kuwa ay
soo dili doonaan.
Wiilasha waxaan dhihi lahaa inta qaddiyad been ah aad u
dhiman lahaydeen waxaa la idiin qaatay adinka oo xafladda ka qeyb gala.
Wiilasha waxaan dhihi lahaa inta qaddiyad been ah aad u dhiman lahaydeen waxaa la idiin qaatay adinka oo xafladda ka qeyb gala.